Super Mario Balotelli: Xul Weyn Ma Aha Xulka Ingiriiska Waligeyna Ma Aaminin Iney Naga Adkaan Karaan

0
Wednesday June 15, 2016 - 14:19:32 in Sports News by
  • Visits: 650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Super Mario Balotelli: Xul Weyn Ma Aha Xulka Ingiriiska Waligeyna Ma Aaminin Iney Naga Adkaan Karaan

    Super Mario Balotelli ayaa ku maadeystay xulka ingiriiska ee Roy Hodgson isagoo sheegay inuu in yar uu ka garanayo ciyaartooyda haatan ee xulka sadexda libaax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Super Mario Balotelli ayaa ku maadeystay xulka ingiriiska ee Roy Hodgson isagoo sheegay inuu in yar uu ka garanayo ciyaartooyda haatan ee xulka sadexda libaax.

Dhanka kale weeraryahanka talyaaniga ah ayaa sheegay iney wax sahlan aheyd iney guul ka gaaraan ENgland labadii jeer ee uu wajahay 2012 iyo 2014 intii lagu guda jiray tartamadii EUro iyo koobka aduunka sida ay kula horeeyaam.

Mario Balotelli ayaa koox liidata ku tilmaamay xulka Roy Hodgson isagoo qaba in kaliya weerarkooda uu fiican yahay.

"Hadii aan daac u hadlo ma aqaano ciyaartooyda xulka ingiriiska, waxaan aqaanaa weeraryahanada waana kuwo aad u wanaagsan, laakin xul ahaan ma ahan kuwo fiican, ma aqaano sida ay u ciyaaraan”. ayuu yiri Mario

"Labo kulan ayaa ka hir imid England, mid wuxuu ahaa Euros midna koobkii aduunka, labada jeerba waxay wateen ciyaartooy waa weyn iyo koox sare laakin waligey ma is dhihin guuldaro ayaad kala kulmi doontaa”.

"Malaha waa ay naga koox fiicnaayeen laakin marka aad la ciyaareyso koox weeyn waa la is weydiyaa armaad guuldaro la kulantaa kulankaan laakin waligeyd iguma aysan so dhicin midaas anoo la ciyaaraya England, daacadii markii aan la ciyaareynay Germany waan walwalay waan aaminay iney naga adkaan kareen laakin waan adkaanay inkastoo aan daqiiqad waliba rumeysnaa iney na barbareyn kareyn, waxaan marwaliba ku dadaalayay inaan wanaageyga oo dhan soo bandhigo markasto aan la ciyaareyn jarmalka”.

"Markii aan la ciyaareynay England maba aanan aaminin inaan la ciyaareyno xul weyn sidaasi darteed wax waliba ayaa sahal ahaa”. ayuu yiri Mario Balotelli oo durbaba hadalkiisaan eedeyn kagala kulmay saxaafada ingiriiska oo bilaabay iney markale ugu yeeraan "Wiilkii xumaa iyo Flop kii Liverpool”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip