Somaliland oo sheegtay in ay maxaabiis badan iyo hub ku qabatay dagaalka saaka

0
Saturday March 18, 2023 - 13:09:18 in Wararka by
  • Visits: 130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo sheegtay in ay maxaabiis badan iyo hub ku qabatay dagaalka saaka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay dagaalka saaka ka dhacay duleedka Laascaanood ku qabatay 20 maxbuus, 2 baabuur, 15 qori oo kuwa culus ah iyo hub fudud oo tiro badan.

 
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, oo warbaahinta Hargaysa kula hadlay, ayaa sheegay in dagaalka saaka ay ku gacan sareeyeen oo ay qabsadeen maxabiis iyo hub badan.


"Somaliland sidii caadada u ahayd way ka guulaysteen cadowga, waxayna ka qabsadeen saanad dagaal, gadiid, iyo maxabiis badan, maxabiistaas oo ka badan 20, laba gadiid oo dagaal ka ah,15 qori oo nooca boobaha culus ah iyo in ka badan oo hubka yar yar ah" ayuu yidhi Caateeye.

Puntland ayuu ku eedeeyay in ay jabinayso xabad joojintii ay dhinacyadu ku dhawaaqeen, isagoo digniin u diray sheegayna in ciidamada millaterigu gacan adag ku qaban doonaan hadii la carqaladeeyo xabad joojinta.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan ay wali ku taaganyihiin xabad joojintii, isla markaana ay rabaan in khilaafka iyo colaada lagu dhameeyo miiska wadahadalka.

Xaalada dagaalka ayaa daganayd maalmihii lasoo dhaafay marka laga reebo iska hor imaadyo magaalada Laascaanood ku dhexmaray kooxo hubaysan iyo ganacsatada qaadka Jimcihii shalay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip