Dagaalkii Afka: Ka Hor Kulanka Britain Derby Ee England Vs Wales, Gareth Bale, Wayne Rooney Iyo Roy Hodgson Oo Erayo Kulul Is Dhaafsaday

0
Monday June 13, 2016 - 12:26:08 in Sports News by
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalkii Afka: Ka Hor Kulanka Britain Derby Ee England Vs Wales, Gareth Bale, Wayne Rooney Iyo Roy Hodgson Oo Erayo Kulul Is Dhaafsaday

    Dagaal afka ah ayaa ka dhex bilowday xulalka Wales iyo England ka hor kulankooda British Derby ee maalinta khamiista ah kadib markii uu Gareth Bale ku tilmaamay xulka ingiriiska kuwo isla qab weyn oo faana iyagoo aan waxba aheyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal afka ah ayaa ka dhex bilowday xulalka Wales iyo England ka hor kulankooda British Derby ee maalinta khamiista ah kadib markii uu Gareth Bale ku tilmaamay xulka ingiriiska kuwo isla qab weyn oo faana iyagoo aan waxba aheyn.

Hadalka hogaamiyaha Wales ayaana ka daadegin kabtanka xulka ingiriiska Wayne Rooney iyo maclainkiis Roy Hodgson kuwaasoo Bale siiyay jawabo adag.

 

Bale ayaa yiri "Anagaa ayaa uga jeceyl badan wadnkeena waxaana leenahay qiirad ka badan tan ay leeyihiin iyaga, waxa is ka dhigaan kuwo balaayo ah iyagoo aan wax qaban, waxaan tusi doonaa khamiista waxa aan nahay weyna arki doonaa cida uu cadaadiska saran yahay”.

Bale-and-Hodgson

 

Kabtanka England Wayne Rooney ayaa isna yiri "Bale wuxuu ka hadlay fakarkiisa, waan ognahay wuxuu kamid yahya shanta ciyaariyahan ee ugu fiican aduunka, laakin waxaan nahay Ayaan nahay anagana, waan jecelnahay wadankeena cid waliba wey ku faantaa iney qarankeeda matasho”.

Rooney and Bale

 

"Isaga wuxuu u dhashay Wales wuuna ku faanaa anagana waxaan nahay ingiriis waana ku faaneenaa, waxaan halkaan u joognaa sharafta wadankeena iyagana waxay u joogaan wadankooda, khamiista waa kulan adag oo Derby ah o la wada sugi la`yahay laakin anaga howsheena ayaan qabsan doonaa”.

 

Macalinka xulka ingiriiska Roy Hodgson ayaa isna u jawaabay Bale wuxuuna ku tilmaamay mid aan xushmad laheyn "Waa xushmada daro, marwaliba ciyaartooy ama tababare wuu la kulmaa xushmad daro isagana ugu ma horeeyp qof sameeyo, ma doonayo inaan ka hadlo erayo laakin waxaan isku arki doonaa garoonka dhexdiisa, anaga cidna si gaar ah uma raacan doono laakin waxaan qabsan doonaan howsheena”.

 

England ayeey wajib ku tahay guul, hadii ay guuldaro la kulmaana waxaa ku dhici karta cimri degdeg ku aadan koobka Euros inkastoo ay wali fursad heli karaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip