Warbixin: Afar Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Ay Xalay England BarbarahaLa Gashay Xulka Russia

0
Sunday June 12, 2016 - 12:53:17 in Sports News by
  • Visits: 661
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Afar Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Ay Xalay England BarbarahaLa Gashay Xulka Russia

    Ingiriiska ayaa barbaro la galay xulka Russia kulankoodii furitaanka tartanka Euro 2016 ee ka dhacaya dalka France, Eric Dier iyo Vasili Berezutski ayaa goolasha u dhaliyay labada wadan, halkaan ka aqri waxyaabihii laga bartay kulankaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ingiriiska ayaa barbaro la galay xulka Russia kulankoodii furitaanka tartanka Euro 2016 ee ka dhacaya dalka France, Eric Dier iyo Vasili Berezutski ayaa goolasha u dhaliyay labada wadan, halkaan ka aqri waxyaabihii laga bartay kulankaas.

England Wey Ku Fashilmeen Iney Soo Afjaraan Habaarka Heysta Kulanka Furitaanka Euro.

Ma rumeysan kartaa in England aysan waligeed badinin kulanka furitaanka European Championships ? Haa waa sidaas oo waligood ma badin, xalayna weey soo afjari waayeen habaarkaas.

Russia ayaa daqiiqadii ugu danbeysa ee ciyaarta la imaatay goolka barbaraha si ay dadka ree England wali u xusaan dhibaatada heysata.

England-v-Russia-Euro-2016-Group-B


Kubada Cagta Yurub Ma Aha Kaliya Mid Qurxan Ee Waxay Leedahay Qeyb Aysan Indha Qaban Karin.

Qofna ma rabin inuu arko wixii ka dhacay Marseille kadib dagaalkii dhexmaray England iyo Russia taageerayaashooda, dad badan ayeey wax gaareen waxana jira warar sheegaya in xaaska Jamie Vardy la dhibaateeyay.

Maxaa fiid waliba loogu dagaalamaa kulamada dhacaya ? Muxuu wali u socdaa dagaalka Marseille, aaway ciidankii booliska ee magaalada ? Maxaa ku dhacay maamulka deegaanka ?

Fans

Ceeb ayaa raacday xiriirka kubada cagta ingiriiska iyo dadkoodaba, ceeb ayaa raacday Russian FA iyo shacabkooda, si lamid ah Uefa, maamulka tartankaan ee faransiiska ah.

Maxaa Helay Da`yartii Ingiriiska Ee Rajada Badan Laga Qabay ?

Delli Alli, Hary Kane iyo Raheem Sterling ayaa kamid ahaa ciyaartooyda aadka loo filayay iney isbadal sameeyaan, laakin kaliya Dier ayaa kasoo baxay balanqaadkiisii xili ciyaareedka bilowgiisa, khibrad badan lagama helin ciyaartooyda ingiriiska mana laheyn daafacashadii looga baahnaa.

Kane and Alli
Qaab ciyaareedyadii fiicnaa ee ay soo bandhiyaeen xili ciyaareedki kooxahooda uma aysan soo gudbin xulkooda iyadoo ciyaartooydii aan sidaasi loo amaani jirin ee Gary Cahil, Kyle Walker, Adam Lallana ayaa ahayeen kuwo si fiican u ciyaara.

Wayne Rooney Wuu U Dagaalamay Xulkiisa Inkastoo Looga Baahnaa Wax Intaa Ka Badan.

Rooney

Wuxuu ahaa ciyaariyahankii ugu fiicnaa ciyaarta sida ay qorayaan Mirror iyo Goal laakin wuxuu waqti badan ku lumiyay inuu buuxiyo daafacasho, inkastoo uu ahaa ciyaariyahanka ugu khibrada badan garoonka hadana halkii u kubado ka abuuri lahaa wuxuu ahaa kubad burburiye, dhanka kale markii badalka lagu sameeyay xulkiisa ayaa tabay khibradiisii.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip