Wayne Rooney: Barbaraha Aan La Galnay Russia Waxa Ay U Dareen Egtahay Guuldarro.

0
Sunday June 12, 2016 - 12:45:36 in Sports News by
  • Visits: 743
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wayne Rooney: Barbaraha Aan La Galnay Russia Waxa Ay U Dareen Egtahay Guuldarro.

    Wayne Rooney ayaa ku tilmaamay barbarihii ay England la gashay xulka Russia inay u dareen egtahay guuldarro ka dib markii Vasili Berezutsky uu barbareeyay waqtigii dhimashada ciyaarta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wayne Rooney ayaa ku tilmaamay barbarihii ay England la gashay xulka Russia inay u dareen egtahay guuldarro ka dib markii Vasili Berezutsky uu barbareeyay waqtigii dhimashada ciyaarta.

Rooney ayaa shaqo fiican ka qabanayay booskiisa burburiyaha khadka dhexe ka hor inta uusan Roy Hodgson bixinin daqiiqadii 77aad.

Waqtigaas ciyaarta waxaa 1-0 ku hogaamineysa England ka dib laad xor ah uu dhaliyay Eric Dier laakiin Berezutsky ayaa madax ku dhaliyay gool waqtigii dhimashada ciyaarta taasoo Three Lions ka beenisay seddexda dhibcood.

352A803700000578-3636942-image-a-46_1465677205964

Rooney ayaa yiri: "Aad ayaan uga niyad xumahay inaanan badinin. Waxaan u maleynayaa inaan ciyaarnay kubad aad u fiican, waxaan abuurnay fursado waxaana koontaroolnay ciyaarta.

"Fursado waa ay ina soo mareen laakiin waxaani waa kubad, waa inaad ka faa’ideysato fursadahaaga. Waxaan helnay goolka, ciyaartana waxa ay ku jirtay gacmaheena. Waa niyadjab inaanan badinin laakiin waxyaabo badan oo niyadsami leh ayaan ka qaadan karnaa kulankaan, haddii aan sidaan oo kale u ciyaarno waan fiicnaan doonaa.

"Waxa ugu xun waxa ay aheyd inuu gool inaga dhashay. Waa niyadjab, waxa ay u dareen egtahay sida guuldarro laakiin waa inaan hore uga socono.

"Waxaan rajeyneynaa inaan ciyaar taas la mid ah la ciyaarno Wales.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip