Xiddiga Arsenal Granit Xhaka Oo Boqolkiiba 80 Mushaharkiisa Kubada Cagta Ee Bil Walba U Dira Waalidkiis.

0
Sunday June 12, 2016 - 12:40:02 in Sports News by
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiddiga Arsenal Granit Xhaka Oo Boqolkiiba 80 Mushaharkiisa Kubada Cagta Ee Bil Walba U Dira Waalidkiis.

    Granit Xhaka ayaa u muuqda inuu yahay xiddiga ugu naxariista badan kubada cagta ka dib markii uu sheegay inuu inta badan lacagta uu ka shaqeysto kubada cagta inuu siiyo waalidkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Granit Xhaka ayaa u muuqda inuu yahay xiddiga ugu naxariista badan kubada cagta ka dib markii uu sheegay inuu inta badan lacagta uu ka shaqeysto kubada cagta inuu siiyo waalidkiisa.

Xiddiga khadka dhexe ayaa dhameystiray heshiis 33.1 milyan ginni ah uu ugu wareegay Arsenal bishii hore, waxaana uu wacdarro dhigay kulankii furitaanka Switzerland ee Euro 2016 ee ay ka badiyeen Albani.

Xhaka ayaa sheegay inuu boqolkiiba 80 mushaharkiisa u diro qoyskiisa.

3304482_heroa

"Madaama waalidkeena ay wax walba inoo hureen, waa inaan maanta anagana wax walba u qabano” ayuu Xhaka u sheegay RedaktionsNetzwerk Deutschland.

"Waxaana siinaa lacagta bil walba inga soo gasha kubada cagta, dabcan waxaan leenahay akoono kala duwan laakiin boqolkiiba 80 lacagta i soo gasha waxaan u diraa gurigeena.

"Waan da’ yarnahay, waan ku ciyaarnaa lacagta, lacagta si fudud ayay kugu dhaafi kartaa.

"Haddii uu jiro qof ku fekeraya inuu yahay qof fiican madaama uu lacag badan heysto, markaas qofkaas wajigabax ayuu la kulmi doonaa. Qoyskeena ayaa ah raaxada ugu weyn.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip