Madaxweyne Xasan Oo Baydhabo Ka Daah Furay Hindisaha Qaran Ee Soomaaliya Cagaaran

0
Wednesday January 18, 2023 - 18:58:32 in Wararka by
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Oo Baydhabo Ka Daah Furay Hindisaha Qaran Ee Soomaaliya Cagaaran

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo kaga qayb galay Munaasabadda Daah-furka Ololaha Qaran ee Soomaaliya Cagaaran wejiigiisa deegaanada Koonfur Galbeed

Madaxweynaha oo dul istaagay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dhulkeenna iyo khatarta ay dalka ku hayaan Nabaad guurka iyo Xaalufinta deegaanka ayaa adkeeyay in loo midoobo badbaadada dheekaanka Soomaaliyeed isaga oo faray Maamulada heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Baay in ay Shacabka ku dhiiri galiyaan abuuridda dhirta si uu u guuleysto Qorshaha Qaran ee Soomaaliya Cagaaran.

"Hadafkeennu waa Soomaaliya Cagaaran oo Barwaaqo ah, Abaaraha iyo Roob yarida nagu soo laalaabatay waa Qadar Alle balse waxaa loo aaneeyaa geedo yaraanta iyo xaalufka deegaanka.
      Maamulka Gobolka Baay iyo kan Degmada Baydhabo waa in ay hormuud u noqdaan Olalaha dhir beerista, Shacabkana ku dhiiri galiyaan in ay Geedo badan beeraan”.

       Munaasabadda Daah-furka Hidisaha Qaran ee Soomaaliya Cagaaran ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed, Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiiro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah iyo Qaar ka mid ah Dhallinyaraha magaalada Baydhabo.

madaxweyne xasan oo baydhabo ka daah furay hindisaha qaran ee soomaaliya cagaaranmadaxweyne xasan oo baydhabo ka daah furay hindisaha qaran ee soomaaliya cagaaranmadaxweyne xasan oo baydhabo ka daah furay hindisaha qaran ee soomaaliya cagaaran




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip