Daawo: Madaxweyne Xasan oo furay shirka Baydhaba, farriin culusna soo saarayDaawo: Madaxweyne Xasan oo furay shirka Baydhaba, farriin culusna soo saaray

0
Tuesday January 17, 2023 - 17:43:09 in Wararka by
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Madaxweyne Xasan oo furay shirka Baydhaba, farriin culusna soo saarayDaawo: Madaxweyne Xasan oo furay shirka Baydhaba, farriin culusna soo saaray

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad sokeeye, iyadoo wixii soo dhacayey 30-kii sano ee la soo dhaafay ay inoo yihiin cashar nagu jiheynaya horumarka iyo nabadda, maanta halka cadow ee aynu leenahayna uu yahay argagixisada Alshabaab, la dagaallankooduna uu yahay kan kaliya ee inoo furan.

"Dadka reer Koonfur Galbeed, hoggaankooda siyaasadeed, mucaarad ha ahaadaan ama muxaafad, odeyaashooda dhaqanka, dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah, waxaan rabnaa in ay isla fariistaan oo mushkiladahooda xallistaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay in uu ku kalsoon yahay miro-dhalka wada-hadalladan maanta ka furmay Baydhaba iyo sida ay uga go’an tahay dhammaan reer Koonfur Galbeed in ay xalliyaan tabashooyinka siyaasadeed oo ay kala qabaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadii siyaasiyiinta reer K/Galbeed ay heshiiyaan ay fududaa doonto xoreynta deegaanada ay argagixisadu ku dhibaateynayso dadka shacabka ah ee deegaanadaas ku nool.

"Hal cadow ayaan leenahay waana argagixisada Al-Shabaab, Dowladdu waxay sameysay qorshe dalka lagaga xoreynayo kooxda, wajigii koowaad ayaa hadda gabo-gabo ah, wajiga labaadna waxaa ugu horreysa Koonfur-galbeed, oo halkaan ayaa ka bilaabeynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan 


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip