HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 17-KA JANNAAYO 2023-KA

0
Tuesday January 17, 2023 - 08:35:13 in Wararka by
  • Visits: 454
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 17-KA JANNAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Oo Baydhabo U Tagay Furitaanka Shirka Dib U Heshiisiinta

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soo maaliya Xasan Shekh Maxamuud.iyo wafdi uu ho gaaminaayo ayaa Garoonoa Diyaaradaha ee ma gaalada Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay Mad axweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Lafta gareen.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Shekh ee M/Baydh abo ayaa ah Daahfurka Shirka Dib-uheshiisinta Ko onfur Galbeed oo lagu Wado Maalmaha soo socda inuu ka furmo M/Bay dhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweynaha ayaa saacadaha soo socda la fiayaa inuu kulamo gaar gaar ah la qaato mada xda Koofur Galbeed iyo mucaaradka maamulkaasi oo ah dhinacyada shirka dib u heshiisiinya ah Bay dhabo loogu qabanayo.

madaxweyne xasan oo baydhabo u tagay furit aanka shirka dib u heshiisiintamadaxweyne xasan oo baydhabo u tagay furitaanka shirka dib u he shiisiintamadaxweyne xasan oo baydhabo u tagay furitaanka shirka dib u heshiisiinta

Shirka oo uu abaabulkiisa ugu weyn leeyahay gudoomiyana golaha shacabka ayaa la filayaa inuu furmo maalinimada beri ah, iyadoo uu baaqd ay Shalay oo eheyd xiliga balanta.

Xamza oo war kasoo saaray guushii Shalay la gaaray

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xam za Cabdi Barre ayaa ka hadlay xoreynta degmada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug oo Shalay ay la wareegeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyay ciid ammada qal abka sida iyo kuwa shacabka oo degmo kale oo muhiim ah ka xoreeyay Khawaa rijta ragaadisay horumarka dalka iyo midnimada ummadda Soo maaliyeed.

"Waa tallaabo kale iyo guul taariikhi ah oo ay geesiyaasha cii damada qaranka iyo kuwa sha cabka Shalay ay u soo hoyeen Qaranka mar haddii ay cagta mari yeen cadowgii ummadda ka dulqa adeen degma da istaraatiijiga ah ee Xarardheere ee gobolka Mudug,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in dhiiranaanta shacabka, geesinimada ciidanka iyo ka go’naanshiyaha mad axda dowladda oo isbiirsaday ay sahashay in Al-Shabaab lagu jabiyo muddo kooban, islamarkaa na looga qabsado dhul ballaaran.

"Sannadkaani waa midkii aan dalkeenna iyo da dkeenna kaga xoreyn lahayn Khawaarijta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaare Xamza Ca bdi Barre.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ayaa Shalay si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere, kadib ma rkii dagaal-yahanada Al-Shabaab ee ku sugna ay faarujiyeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheeg ay in sidoo kale degmada ka saareen dhamaan dadkii ku noo laa, kadib markii ay ka war heleen du ulaanka cul us ee ciidamada, waxaana la sheega ya in shaca bka ay u kaxeysteen dhulka howdka ah, si ay uga badbaadaan duqeymaha diyaarada ha.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa si weyn ugu sii fidaya dalka, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana laga qabsaday deegaa no horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay erga yga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qa abilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika

Guddoomiyaha Aqalka Sar ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi cabdullaahi ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Axmed ahna xil dhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Fin land oo uu wehliyay Agaasimaha geeska iyo Bar iga Africa u qaabilsan Finland, Mudane Jukka Pajarinen.

Guddoomiyaha iyo ergayga ayaa ka wada hadlay kaalinta dowladda Finland ay ka gaysan karto taageerada howlaha shaqo ee Aqalka Sare ka xoraynta Dalka ee Khawaarijta Al Shabaab, dib u heshiisiinta, Dowlad Wanaagga, iyo wada sha qaynta Aqalka Sare iyo Baarlamaanka Dowladda Finlad.

Dowladda Soomaaliya oo si buuxda ula ware egtay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ku wa deegaanka ayaa si nabad ah ula wareegay de gmada qadiimiga ah ee Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdi qaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in ay ku guu laysteen inay Alshabaab ka xoreeyaan degm ooyinka Xarardheere iyo Galcad, isagoo sheegay inay yihiin labo degmo oo aad muhiim u ah.

Wasiirka gaashaandhigga oo la socday ciidam ada dib u xoraynta Galmudug, ayaa sheegay inay shacabka Soomaaliyeed ka dulqaadeen culayska Shabaaab uu ku haayay muddada dhowr iyo tobanka sano.

Wasiirkagaashaandhigga waxa uu sheegay maalmaha soo socda in la xorayndoono dhamma an deegaanada Galgaduud ee Shabaabka gac anta ugu jira.

Xarardheere waxay kamid tahay magaaloo yinkii ugu horeeyay ee Shabaabku qabsadaan, waxaana la aaminsan yahay inay ahayd xaruma ha waawayn ee Shabaab ee lagasoo abaabuli jir ay weerarada argigixiso.

Ciidamada DF oo Shabaab jab culus ku gaar siiyay Galgaduud iyo Sh/Hoose

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay Shalay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kadib markii ay ka saareen Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka hadlay howlgalkan ayaa xaqiijiyay la wareegitaan magaaladan oo ay mudo ka talineysay Shabaab.

Jaamac ayaa sidoo kale intaasi ku daray haatan ciidamadu ay usii jiheysteen deegaanno kale oo horleh, si ay u gaaraan Degmada Ceeldheer oo ay uga sii gudbi doonaa Mudug.

Howlgalkan ayaa waxaa barbar socday duqeymo diyaaradeed oo lagu garaacay goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, taas oo aad u caawiisay ciidamada huwanta.

Dhinaca kale howlgal kale oo Shalay ka dhac ay Shabeelaha Hoose ayaa lagu beegsaday xu bno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey deegaanka Danow ee gobolkaasi.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaas ay iska kaashadeen ciid amada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ka how lgalka Shabeelaha Hoose.

Odowaa oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in howlgalkaas lagu dillaa 23 xub nood oo ka tirsan, isaga oo xusay in tirada dhima shada ay intaasi kasii badan karto.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in ay xooggeysteen howlgallada ka socda dalka, isla-markaana la sameeyay , horumar muuqda, sida uu ha dalka u dhigay.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray, maadaam dhul badan laga xoreeyay kooxda.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo kulan la yeeshay guddiga qaran ee la dagaalanka lacagaha sharci-darrada

Ra’iisul wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan la yeeshay guddiga qaran ee la dagaalanka lacagta sharci-darrada iyo maalgel inta argagixisada.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wa saare Ku xigeenka warbi xin ka siiyey howlaha iyo qorsha ha hortabinta leh ee Guddi ga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada iyo dardar gelinta qorshaha qaran ee lagu curyaaminayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya ee khawaarijta Al-shabaab.

Kulankan waxaa ka soo qeyb galay xubnaha Guddiga Qaran ee heer Wasiir iyo hey’adaha dow ladda ee wadashaqaynta la leh guddiga.

Madaxweynaha Galmudug oo bogaadiyay la wareegitaanka degmada Galcad

Maamulka Galmudug ayaa bogaadiyay howlgalka ciidanka xoogga dalka, iyo ciidanka kacdoonka shacabka ay ku xoreeyeen deegaanada bariga Galgaduud oo ay ugu horreyso degmada Galcad.

Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah Shalay u fuliyeen ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada kacdoonka shacabka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deeganada Cali Heele, Tixle, Cigo, Baraag Sheekh Caamir iyo degmada Galcad ee bariga Gobolka Galgaduud.

Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in la xoreeyay deegaanada Laba Xurow, Sheekhoow Gaab, Maraay Suuleey iyo Masag gawaa halkaas oo gabi ahaanba laga sifeeyay kooxda alshabaab.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada kacd oonka shacabka ee ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku dhiirrigeliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida iney sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo guud ahaan Sooma aliya.

Wareysi: Biixi oo shaaciyey in Shabaab lagu go’doomiyey Galgaduud kadib markii

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadlay mu hiimadii ay degmada Xarardheere u laheyd koo xda Al-Shabaab, kadib markii ay Shalay gudaha u galeen ciidamada xoog ga dalka.

Taliye Biixi oo warey sigaan siiyey Idaacadda Dowladda ee Radio Muq disho ayaa sheegay in dekedda demadaas ay Al-Shabaab kala soo degi jireen hubka iyo sahayda kale, isla markaana ay ka dhoofi jireen amiirrada Al-Shabaab.

"Degmadaan waxay leedahay deked ay hubka, shidaalka, daawada iyo sahayda oo dhan ay kala soo deji jireen kooxda Al-Shabaab, waxaana ku guuleysanay Shalay in cadowga aan ka xoreyno,” ayuu yiri Biixi.

Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isa ga carareen degmada oo dhamaan dadkii dega naa ay horay u kaxeysteen, isla markaana ay ku baxeen dhowr jid oo ciidanku ay ka war hayaan.

"Xarardheere Shalay waa meel lagu kala cara ray, hal qof ma joogto oo cadowgii wuxuu horay u kaxeystay carruurtii iyo islaamihii, dhowr jiho aye yna uga baxeen magaalada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Biixi.

Taliyaha ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay go’doomiyeen, isla markaana aysan jirin meel ay hubka ula faka doonaan, maadaama lagu har eereeyey Galgaduud.

"Ma jirto wado ay Al-Shabaab tiknikada kula bixi karaan, waxaa la sheegay in nin kasta uu had da dharka haweenka toshay, laakiin iyagoo hube ysan meel ay nooga faka karaan ma jirto,” ayuu yiri Biixi.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay ahmiy ad gaar ah siinayaan xoreynta magaalooy inka waaweyn, si loo go’doomiyo kooxda, isla markaa na lasoo afjari doono maalmaha soo socda Shabaab-ka ku sugan Galmudug.

Sidoo kale Galcad ayuu sheegay Taliyuhu in Shalay khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab, ka dib markii ay isku dayeen inay difaacdaan magaa lada, balse waxay u babac-dhigi waayeen ciidankii soo weeraray, taas oo sabab tay inay isaga carar aan Galcad oo dhiigooda loogu tegay, sida uu sheegay Taliyuhu.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo gudd oomiyay shir looga hadlayey amniga Caas imadda

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Md. Salax Axmed Jaamac ayaa Shalay shir-guddoomiyey kulan looga had layay Amniga caasimadda iyo dardar gelinta dag aalka lagula jiro Khawaa rijta.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Salax Axmed Jaamac ”Waxaan ku boorriyay saraakiisha Am niga iyo maamulka Gobolka Banaadir inay laban-laabaan dedaallada sugidda Amniga, Isla mar kaana feejignaan dheeri ah muujiyaan inta laga sifaynayo Argagaxisada guud ahaan dalka.”

Duqeymo ka dhacay degaano katirsan Go bol ka Galgaduud & faah faahin laga helayo

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay duq eyn dhinaca cirka ah oo Habeen hore ka dhacay degaano katirsan Gobolka Galgaduud, taas oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen daga alamayaal katirsan Ururka Al-Shabaab.

Diyaarado dagaal ayaa Habeen hore saqdii dhexe waxaa ay duqeeyeenSaldhgyo ay Al-Shabaab kulahaayeen degaa no hoostaga Degmada Galc ad, gaar ahaan Halka loo yaqaano Ceel Xasan Cali iyo Bud-bud meel u dhaw sida ay sheegaya an dadka deegaanka.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ay aa sheegay in duqeynta lagu dilay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo is aruursanayay wallow ay san jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya warka kasoo baxay Saraakiisha dowladda.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada ay duqeynta ka dhaceen ayaa she egaya in Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay ka wadaan howlgallo kala duwan, iyaga oo doo naya inay degaannadaas la wareegaan.

Taliyihii CID -Da Booliska Beledweyne Oo Ku Geeriyooday Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Halgan

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay aa ka dhashay kadib markii dagaalama yaasha Al-Shabaab ay Shalay aroornimadii hore ee weerar een goobo ay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Mac awisleyda ay ku leeyihiin degmada Halgan ee Gobolkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Halgan ayaa sheegaya Qarax xoo ggan uu ka dhacayd egma adasi, waxaana Qaraxasi uu ahaa mid loo adee gsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qar xa oo lagu weeraray fariisimo ay Ciidanka Dowla dda iyo kuwa Macawisleyda ay ku lahaayeen degmdaasi.

Qaraxa ayaa dhacay iyada oo lagu jiro Saalad da Subax, waxaana si gaar ah uu kaga dhacay aga-gaarka xaruun ay deganaayeen ciidamada Dib-u-xoreynta isla markaana dhacda Faras maga alada Halgan.

Inta la xaqiijiyay Taliyiihii CID -da Saldhigga Bo oliska Beledweyne Jamaal Axmed Jaamac ayaa ku geeriyooday qaraxaasi waxaana dhaawac uu soo gaaray hal qof oo kamid ah ciidamada Mac awisleyda ee dagaalka kula jira AL-Shabaab.

Wararku waxaa ay sheegayaan in uusan jirin wax khasaare kala ah oo ka dhashay qaraxaasi ama wax yeelo kale soo gaartay dadka shacabka ah ee Halgan deggan.

Puntland oo ka hadashay dil ka dhacay Gobol ka Mudug

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Fa ysal Sheekh Cali oo ku hadlaya Magaciisa iyo kan shacabka Gobolka Mudug waxa uu si adag uga tacsiyadeeyay Geerida Allaha Unaxar istee Gudo omiyihii hore ee Degmada Bursaalax C/raxmaan Sheekh C/llaahi iyo Ganacsa de Mukhtaar Maxam ed Aw Khalaf oo habeenimadii Habe en hore lagu dilay Magaalada Bursaalax.

Gudoomiyaha ayaa yiri " waxaan si adag uga tacsiyeynayaa Geerida Allaha Unaxaristee Gud oomiyihii hore ee Degmada Bursaalax C/rixmaan Shiikh C/laahi iyo Ganacsade Mukhtaar Maxamed Aw Khalaf oo habeenimadii Habeen hore lagu dil ay Magaalada Bursaalax, waxaan tiiraanyada tac sida la wadaagayaa Dhamaan Bulshada Puntland gaar ahaan Shacabka Gobolka Mudug, qaraabadii iyo eheladii ay ka baxeen samir iyo imaan allaha ka siiyo. Waxaan mar labaad faraynaa laamaha Amniga Gobolka Mudug in si Deg-Dega gacan loo gu soo dhigo gacan ku dhiiglayaasha falkaa ka da nbeeyey, insha allaah waana ku soodhiga ynaa, waxayna maridoonaan Hay’ada ha Cada alada.

Waxaan alle uga baryeynaa Marxuumiinta jan atul fardowsa, Qabriga allaha uwaasiciyo, Dam bigo oda allaha dhaafo, Aamiin Aamiin "

Maxeey Xarardheere muhiim ugu ahayd Kha waarijta?. (Shan Qodob).

Magaalada Xarardheere, waa magaalo fac wayn, waa mid ka mid ah magaalooyinkii ugu hor qaatay maqaamka Degmonimo Gobolada dhexe, waa magaalo leh Taariikh ilbaxnimo.

Waxaa jira arrimo dhawr ah oo ka dhigay mid ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan Xuk unka Khawaarijta, waxaana loo arka in ay ku jirtay shanta Magaalo ee ugu muhiimsanaa Khaw aarijta.

Sababo bad an ayaa ji ray, balse waxaan soo qaadan ay aa Dhawr qodob kuwa as oo mudan in loo iftiimi yo Bulshada.

1- dhoofiinta iyo soo dajinta dambiilayaasha.

Khawaarijtu waxa ay Magaaladaan u isticmaaliji reen in ay ka dhoofiyaan kana soo dajiyaan damb iilayaasha Caalamiga ah kuwaas oo ka faaiidaysn jiray Dekadaha Nacmalka ah ee ku dhaw Magaal adaas kuwaas oo u sahlan in laga dhoofo lagana soo dago kuna furan Bad waynta India iyo Badda Cas Labadaba.

2- daabulista Hubka iyo Walxaha Qarxa.

Xarardheere sidoo kale waxeey Khawaarijta u ahayd goob ay u isticmaalaan isku gudbinta Hubka iyo Waxyaabaha Qarxa iyaga oo uga faa iidaysanjiray isla dakadahaas macmalka ah, sida as awgeed waxeey u ahayd Marin aad muhiim u gu ah in ay helaan agabka Dagaal ee ay u baahan yihiin Khawaarijtu.

3- Askaraynta Caruurta.

Khawaarijtu isla Magaaladaan waxeey u isticmaa lijireen uruurinta iyo askaraynta Caruurta ay kasoo qafaashaan qooysaskooda taas oo ka dhigaysay Xarardheere Xarun aad muhiim ugu ah Khawaarj ta gaar ahaan soo saarista Bini-aadamka ay Kha waarijtu u badashay Bambooyinka Qarxa.

4- cabsi galinta Qabaailka.

Maadaama Xarardheere tahay Magaalo Kulmisa Qabaail badan, Khawaarijtu waxeey u isticmaali jirtay Magaaladaan in ay ku kulmiso kuna cabsi ga liso Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Deegaan ka iyaga oo markasta halkaas ku gudbin jiray farii maha Cabsi galinta ah ee beelaha ay u dirayeen.

5- Xoolaysiga Khawaarijta.

Xarardheere, waa Magaalo Kulmisa, Xoolo dha qato, Beeraleey iyo Kaluumaysato sidoo kale wax aa Magaalo ahaanteeda ku tiirsan dhul aad u bala aran oo dad farabadan ku noolyihiin, sidaas aw geed, Khawaarijta waxa ay u ahayd hal Bawle dha qaale oo ay ka helaan Baad aad u badan.

Isku uruurinta Qormadayda, Khawaarijtu in ay lumi yaan Xarardheere waxeey ku tahay dhabar jab ba axad leh, waxaana ka xirmaya Marinkii ugu way naa ee kala gudbinta Hubka iyo Dambiilayaasha, waxeey luminayaan il Dhaqaale oo aad u wayn, waxeey luminayaan Warshad wayn oo soo saarijir tay bini’aadamkii bambaanooyinka noqday, waxaa gacantooda ka baxaya Tobaneeyo Qabiil oo xorni madoodu saamayn ku leedahay dhul Balaaran iyo ugu danbayn waxeey tani siibaysaa Xidiidkii Khaw aarijta ee Gobolada dhexe oo dhan.

W/Q: Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.



Wasiirkii dhaawacmay ee amniga oo war ka soo saaray dagaalka dalka ka socda

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Axmed (Doodishe) oo shaqada uga maqan dhaawac ka soo gaaray weerarkii Hotel Villa Rays ayaa soo saaray qoraal uu kaga had layo dagaalada Al-Shabaab looga xoreyanayo Galmu dug iyo HirShabeelle.wasiirka ayaa bogaadiyey howlaglkii ay ciidamadu Shalay ku xoreeyeen magaaloo yinka Xarardheere iyo Galcad, isagoo sheegay Shabaab oo laga xoree yey galmudug iyo HirShabeelle ay noqa doonaan "kalluun biyo waayey.”

"Dib u xoraynta degmada Xarardheere waa guul kale oo taariikhi ah, guusha ciidamada qalabka sida iyo xoogagga difaaca bulshada ay ka soo hooyeen bilihii la soo dhaafay deegaanada Gal mudug iyo Hirshabeelle waxa ay ka dhigan tahay in awooddii hogaamineed ee Khawaarijta; siyaas ad, dhaqaale iyo ciidanba uu burbur weyn soo gaa ray,” ayuu yiri wasiir Doodishe.

Wasiirka amniga ayaa qoraalkaan ku sheegay inuu guuleystay qorshii dagaalka seddaxda jiho ee dowladdu ay ku qaaday Al-Shabaab, kuwaas oo kala ahaa dhinacyada furinta, fekerka iyo dhaqaa laha.

"Sidoo kale waxa ay guulahaasi marqaati u yih iin sida wadashaqaynta xukuumadda iyo bulshada Soomaaliyeed, iyo hirgelinta siyaasadda cunaqa bataynta dhaqaale, dagaalka xagga fekerka iyo warbaahinta (Istiraatiijiyadda Burburinta Cadawga) ee Khawaarijta lagu qaaday ay kaalin mug leh uga qaateen guusha millatari ee ciidamada qalabka sida.”

Ugu dambeyntii Wasiirka amniga Soomaaliya ay aa qoraalkiisa ku yiri, "Khawaarijta oo laga nad iifiyo Hirshabeelle iyo Galmudug waxay uga dhig an tahay sidii kalluun biyo waayay!”

Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Axm ed (Doodishe) ayaa lug ka jabay habeenkii ay Al-Shabaab weerareen hotelka Villa Rays oo madaxt ooyada ku ag yaalla.

Doodishe ayaa loo qaaday caafimaad dibadda ah, waxaana markii ugu horeysay oo uu ka soo hadlo xaaladda dalka, tan iyo markii uu ku dhaaw acmay weerarkaas.

‘Xoonkii maleeshiyada Al-Shabaab ee bart amaha Soomaaliya oo Shalay go’ay’

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Shalay soo saaray qormo uu ciwaankeedu yahay "Xoonkii Al-Shabaab ee bartamaha dalka oo Shalay go’ay.”

Guuleed ayaa waxa uu sheegay gacan ku dhigista degmada istiraati ijiga ah ee Xarardheere ee gobalka Mudug ay tahay "talaabo muhiim ah oo wax weyn ka tareysa halganka ciribtirka kooxaha argagaxisada ah.”

Sidoo kale waxa uu xusay in Xarardheere ay sa ldhig muhiim ah u aheyd Al-Shabaab, si gaar ahna xarunta saadka iyo sahayda ay ka soo dajistaan iyo goob ay qaraxyada ka soo abaabulaan.

"Sidaa daraadeed ka qabshadeedu waxay ka dhi gan tahay "Xoonkii Al-Shabaab ee barta maha dal ka Soomaaliya oo Shalay la jaray”.

Guuleed ayaa ku bogaadiyay ciidamada xoog ga dalka iyo kuwa xoogaga deegaanka guushaas ay Shalay soo hooyeen.

"Waxaa rajeynayna in magaalooyinka kale ee Galmadug ee wali gacantooda ku haray in ay deg-deg u xoreyn doonaan,” ayuu Cabdikariin Guuleed ku soo afmeeray qormadiisa uu kaga hadlayay dagaalka Al-Shabaab iyo guusha Shalay la gaaray. Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xooga gga deegaanka ayaa Shalay si rasmi ah ula waree gay gacan ku haynta degmada Xarardheere, ka dib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab ee ku su gna ay faarujiyeen.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa si weyn ugu sii fidaya dalka, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana looga qabsaday deega ano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Xog: Shaqsi aan la fileyn oo loo xirayo kursi gii loo diiday Fahad Yaasiin ee HOP#086

Kursigii loo diiday sanadkii hore ee dhamaaday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa waxa soo baxeysa in Villa Somalia ay u xireyso shaqsi gaar ah, sida ay Sheegtay Caasimada Online in ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Kursigii hore loogu doortay Fahad ee HOP#086 ayaa waxa loo xirayaa musharax aad ugu dhaw Villa Somalia, oo lagu magacaaba Dr. Maxamed Xaaji Axmed, sida aysheegtay in ay xog ku he shay Caasimada Online.

Musharaxan ayaa wuxuu hogaamin jiray garab ka Damul-Jadiid ee Al Islaax, wux uuna haatan xubin ka yahay hay’a dda culimada Soomaaliyeed iyo gu ddiga gurmadka Abaaraha.

Dr. Maxamed ayaa lagu warramay inuu taageero weyn ka haysto Wasiirka Waxbara shada iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdul qaadir oo asagu ah xildhibaankii hore ugu fadhiy ay kursigan, kana mid ah shaqsiyaadka ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa go’aankan la qaba kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasi oo doonaya inuu tartan la’aan ku qaato kursigan Dr. Maxamed Xaaji Axmed.

Musharaxan ayaa ah qof aan hore loogu aqoonin arrimaha siyaasadda, waxaana la filayaa inuu kurs igan tartan la’aan ku qaato balse beesha kursigan iska leh ayaa ku doodaysa in si caddaalad ah loogu tartamo.

Arrintaan ayaa u muuqata inay soo afmeeray so rajadii Fahad Yaasiin uu uga mid noqon lahaa baarlamanka 11-aad. Fahad ayaa waxaa kursigan horey uga hor-istaagay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa 3-dii bishaan guddi u saaray qabashada kuraasta bannaan ee uu kami dka yahay kursiga Fahad Yaasiin, waxaana jira eedeymo la xiriira in guddigan uu yahay mid dhin ac ka raran oo u adeegaya danaha musharax gaar ah.

Xubnaha guddiga uu magacaabay ra’iisul was aare Xamza ayaa waxa ku jira xubno kamid ah gu ddigii hore ee doorashooyinkii dadbana ee dalka ka dhacay, kuwaasi oo dhinaca kale qeyb ka ahaa in Fahad Yaasiin loo diido kursiga HOP#086.

Haddii kursigan musharax loo xiro waxay muujin doontaa kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweyne Xasan Sheekh, oo muddadii uu banaanka ka joogay Villa Somalia aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood

Xigasho:-Caasimadda.Net

Wasiirka dhallinyaradda iyo Ciyaaraha ee XFS oo kulan la yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee dal ka Finland u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka wasaaradda Dhallinyrada iyo ciyaara ha ee Xukuumadda Federaalka Sooma aliya Md. Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan Xil dhibaanno ka tirsan guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la yee shay Wakiilka gaarka ah ee Nabadda iyo dhex-dhexaadinta geeska Afrika u qaabilsan wasa aradda Arrimaha Dibadda ahna Mudane ka tirsan Baarlamaanka Finland Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo uu weheliyo Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee easaaradda Arrimaha Dibadda Finland Mr Jukka Pajarinen.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdiga ka socday dowladda Finland ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha hortabinta u leh wasaaradda iyo kaalinta ay dowladda Finland ka gaysan karto, waxaana si gooni ah loo dul-istaagay mashaariicda waarta ee dhalinyarada So omaaliyeed u sahlaysa in ay suuqa shaqada ku biir aan.

Wasiirka ayaa wafdi dowladda Finland u gud biyay qorshe dhowr kun oo dhalinyaro ah sanad walba lagu barayo farsamada gacanta iyo xirfada ha wakhtiga kooban qaata ee dalka looga baah anyahay.

Dhinaciisa Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo Aa wiil Soomaaliyeed oo ku barbaaray dalka Finland, meel sarena ka gaaray siyaasadda wad ankaas ayaa sheegay in dowladdiisu ay ansixisay qorshe ku kacaya Malaayiin Dollars oo lagu xoo jinayo taageerada la siiyo wadamada geeska Afr ika ku yaala wuxuuna caddeeyay in horumarinta dhalinyarada iyo fursad u abuuristoodu uu yahay kan ugu muhiimsan.

Dowladda Finland ayaa taageerta kaalinta dha linyarada ee nabadda iyo in xal-waara loo hello col aadaha wadamada Afrika gaar ahaan kuwa Ge eska.

Dowladda Soomaaliya oo Kenya u ogolaatay inayqaaaaad labo jibaarto dhoofinta qaadka Miirowga

Dowladda Soomaaliya ayaa u ogolaatay dow ladda Kenya in ka badan laba jibaar mugga qaad ka ee loo dhoofiyo Soomaaliya, taasoo la sheegay inay ballaarinayso fursadaha beeralayda maxall iga ah.

Sida ay qorayaan warbaahinta Kenya, dhoofinta ayaa hadda kor u kacday 50 tan oo maalinle ah, halka markii hore ay ahayd 19 tan maalintii magaalada Muqdisho, tan iyo mar kii ganacsiga labada dal uu dib u billowday san nadkii hore bishii Luulyo.

Kenya ayaa talaabadan ku tilmaamtay mid dhii rri galinaysa ganacsato badan oo ku qasbanaaday inay suuq kale u raadiyaan wax soo saarkooda qa adka Miirowga.

Madaxa dalaga Miraa iyo dalagyada kale ee warshadaha Felix Mutwiri, ayaa sheegay in dho ofinta laga soo kiciyay 19 tan oo maalinle ah mar kii suuqa uu dib u bilowday.

"Ilaa hadda waxaa naloo oggol yahay in aan u gu yaraan 50 tan oo Miira ah u soo rarno Muqd isho maalintii," ayuu yiri Mr Mutwiri.

Halkii kiilo oo ah qaadka Miirowga ee loo dhoo fiyo Soomaaliya ayaa hadda maraya $23 balse ga nacsatadu waxa ay sheegeen in uu weli ka hoose eyo marka loo eego 25 Doollar oo ay ka heli jireen ka hor 2020.

Sharraxaad laga bixiyay erayga ‘Garanwaa’ ee uu XASAN Sheekh ku sifeeyay Shabaab

Cabdalle Xuseen Yaxye oo ah La-taliye amni oo ka tirsan wasaaradda amniga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sharaxaad cu sub ka bixiyay erayga uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sifeeyay Shabaabka ku dhuumaaleysanaya shacabka.

Cabdalle ayaa sheegay in mada xweynaha uu erayga "Garanwaa” ula jeedo in bulshada Soomaal iyeed lagu marin-habaabinayo af kaar qalafsan oo Diini ah, isla afka artaasina lagu dhibaateynayo.

"Waxa la socona in dadka Soomaaliyeed lagu marin-habaabiyay afkaar Diini ah oo been ah, in dadka aysan ka haysan wacyi amni, isla iyagiina loo soo marayo falalka guracan ee loo geysanayo oo mararka qaar waxa laga yaaba in ogaal ay ku galaan oo lagu marin-habaabinayo afkaar Diini ah oo been ah, mararka qaarna iyaga ogeyn waxa ay sameynayaan iyo waxa ka dhalan kara in ay la shaqeeyaan si toos ah iyo si aan toos aheyn Kha waarijta Al-Shabaab,” ayuu yiri La-taliyaha amni ee ka tirsan wasaaradda amniga.

Waxa uu sheegay in fikirka qaldan ee Shabaab lagu baabi’in karo fikir kale oo sax ah oo wanaags an, isaga oo tilmaamay in dagaal toos ah oo kaliya lagu ciribtiri karin, maadama ay dadka ku marin-ha baabiyaan fikir qaldan oo Diini ah, sida uu she egay.

"Waxa muhiim ah in fikir wanaagsan oo Diinta Islaamka ku dhisan lagu wacyi-geliyo dadka oo loo sheego. Kooxdan waxay dhowr iyo tobankii sa no ee lasoo dhaafay dadka ku marin habaabineys ay aayado Quraan ah iyo Axaadiis siyaabo gooni ah oo qeybo kasoo qaateen ay dadka barayeen, oo dadka lagu cabsi galinayay fikirkaas.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadka qaar ay uga faa’iideysan duruufo dhaqaale iyo faham yari xagga Diinta ah, wuxuuna xusay in wasaara dda amniga ay diyaarineyso qorshe ay arrintaas uga hortageyso.

"Fikir sidiisaba waxa u weyn ee lagula dagaala mi karo waa fikir. Kooxdan hadda wey jabtay milla teri ahaan, deegaano farabadan ayaa laga qabsa day. Waxay u baahan yihiin in dadka maskaxda la ga dhaqo oo fikirkii qaldanaa ee lagu shubay laga dhaqo.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa "Waa in la bara dadka wacyiga amniga iyo dowladnimada si uu meesha uga baxo Garanwaaga. Shacabka waa in uu fahmaan in xukuumadda ay qeyb ka yihiin oo xukuumadda iyo shacabka ay mid yihiin.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ayaa dhawaan Muqdisho ka iclaamiyey howl-gal lagu baacsanayo waxa uu ugu yeeray ‘Garanwaa’ oo uu kala jeeday kooxaha Al-Shaba ab gudaha Muqdisho uga fuliya dilalka gaadmada ah.Xigasho:Casimadda.net

Guddoomiyaha ONLF " Haddii isbaddal la samaynayo waa in lagala tashado Shacabka dowlad degaanka Soomaalida"

Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Mahdi Maadey ayaa mar uu la hadlayay taageer ayaasha ururka ONLF, waxa uu sheegay in is baddelka ka socda dalka Itoobiya ay fiican tahay lag ala tashado dadka degaanka So omaalida, Shacab, Maamul iyo Siyaasiba.

"Haddii isbaddel lasamaynayo mid maamul iyo mid heer federal ah, waa in lagala tashado dadka Soomaalida waxgaradkiisa, Xooggiisa Siyaasade ed oo ay ONLF kamid tahay, Maamulkiisa iyo Sha cabka Soomaaliyeed, wixii isbaddel imaanaya waa inaan lug ku leenahay", ayuu yiri Guddoom iyuhu. Isagoo hadalkiisa sii wata Gudduumiyuhu waxa uu sheegay inaan marna la aqbali doonin in kolba mid cusub dhinaca federalka laga soo diro oo degaanka Soomaalida loo soo magacaabo iya doon Shacabka degaanka aan waxba lagala soc odsiinin, waa siduu hadalka u dhigay Guddoom iyaha ONLF.

Sidoo kale Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Shacabka degaanka Soomaalida ay wakhti xaa dirkan diyaar u yihiin inay iyagu tashadaan " Had dii Isbaddal yimaaddo iyo haddii wax la qaybsa nayo dadka Soomaaliyeed awood ayay u leeyihiin garashadeedana way leeyihiin, dhulkeedana way leeyihiin iyo xooggeedaba, marka halagu sharfo oo halaga qayb galiyo isbaddelka ka socda Itoo biya", ayuu yiri Guddoomiyaha ONLF Cabdiraxma an Mahdi.

Ugu dambayn Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu dhammaaday wakhtigii qolo qolo kale siday rabto ka yeeli jirtay, shacabka dowlad degaanka Soomaalidana uusan ahayn mid lagu tunto oo sidii la rabo laga yeelayo, waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiyaha ONLF.

Hadalka Guddoomiyaha ONLF ayaa kusoo beegmaya xilli si guud dalka Itoobiya la filayo in dhawaan isbaddelo ka dhacaan.

Qarax Ismiidaamin oo Shalay ka dhacay degmada Halgan ee gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya degmada Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee Shalay uu halkaasi ka dhacay qarax Ismi idaamin oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo noociisa lagu she egay inuu ahaa Noha, kaa soo ka dhacay agagaarka goob fariisin u aheyd cii damada dib u xureynta deegaanka oo ku taala bar tamaha degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyay qaraxaan Ismiidaaminta ah wax aa ku geeriyooday Talihihii CID-da Saldhigga Bool iiska degmada Baledweyne Jamaal Axmed Jaam ac, waxaana dhaawac uu soo gaaray 2 qof oo ka mid ah ciidamada dib u xoreynta deegaanka.

Ciidamada amniga degmada Halgan ayaa la shee gay in gaariga qaraxa lagu fuliyay ay ka arkeen meel ka fog oo ay rasaas ku fureen, taasi oo keen tay in qofkii gaariga qaraxa lagu fuliyay waday uu halkiisa isku qarxiyo, isagoo aanan gaarin xarunta taliska ciidamada dib u xoreynta deegaanka ku lahayeen degmada Halgan ee gobolka Hiiraan oo bartilmaameedkiisu aheyd.

Maalin ka hor ayay aheyd markii kooxda Al-shabaab qaraxyo Ismiidaamin ah oo ay u adeeg sadeen gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay ka geysteen degmooyinka Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana qaraxyad aasi ku dhintay dad gaaraya 30 ruux, iyadoo dhaa wacana uu kor u dhaafay 50 ruux oo dhamaanto od u badnaa dad shacab ah.

Khaladaad ay ku kacday Wasaarada Arrima ha Dibedda Somaliland

” Danjiruhu hawl kasta oo uu qabanayo, oo ay ku jiraan safarra da uu ku marayo dalka uu joogo gudihiisa, waxa uu uga fasax qaa taa dawladdi isa. Sida oo kale, fal alka uu ku kaca yo, ereyada uu dalka ka odhan ayo, saaxiibtinimada iyo nooca xi dhiidh ee uu la yeelanayo iyo go’aamada uu ka qa adanayaaba waxa ay ka turjumayaan siyaasadda dalkiisa.

Dhinaca kalana, Danjire kasta taladiisa iyo war ka uu bixiyo ayaa sees u ah go’aamada uu dal kiisu ka qaadanayo dalka uu joogo, waxaaba in ta as dheer in warkiisu uu saamayn ku yeelan karo dalalka kale ee ay saaxiibka ama xulafada yihiin dalkiisa.

Sidaas awgeed, marka dal uu wax ka tirsanayo danjire, waxa uu cabasho ama dacwad u diraa wa saaradda arrimaha dibadda ee dalka uu ka socdo danjiruhu.

Danjiraha oo aad si toos ah u canaanataa wax ba kama beddesho falalkiisa iyo hadalladiisa, wa xa keliya ee ay keeni kartaa waa in uu u arko weer ar shakhsi ah, taasina ay saamayn ku yeelato noo ca xidhiidh ee uu adiga iyo dalkiisa ka dhex abuu rayo, iyo warka uu ka bixinayo siyaasadda iyo gu ud ah aan xaalladdaada.

(FG: Maraykanku maadaama oo aanu Somalila nd aqoonsanayn, danjirahani waxa uu u qaabilsan yahay Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto.) Wa xa iyadana baratakool ahaan laga fiicnaa dhamba alka hambalyada ah ee ay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland u dirtay Kevin McCarthy, gud doomiyaha dhowaan loo doortay golaha wakiillada Maraykanka oo ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga. Wasaaraddu waxa ay ka socotaa golaha fulinta (Xukuumadda), sida saxda ahina waa in ay la ma caamisho keliya golaha fulinta ee dalalka ay xi dhiidhka leeyihiin.

Waxaa xusid mudan in xubinta ay hambaly eysay uu ka socdo xisbi mucaarad ah oo dagaal si yaasya oo adag kula jira madaxweynaha ay xukuu madiisa xidhiidhka iyo wada shaqaynta la ledahay.

Waxaa muhiim ahayd xukuumaddu haddii ay do ontay hambalyeynta masuulkan, in si aanay ugu muuqan in ay dhexgelayso loollanka siyaasadda arrimaha gudaha ee Maraykanka, ay dhexmarto shirguddoonka aqallada baarlamaanka ama gudd iyadiisa arrimaha dibadda .

Ciidanka Xoogga Oo Hawlgal Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya Ciidam ada Hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS ayaa Shalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay qaybo ka mid ah Gobolka Shabe elleha ee Maamullka koo fur Galbeed Soomaaliya.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Dano w oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose sida uu wakaaladda wararka SONNA u xaqiijiyey Taliy aha Ciidanka Xoogga Odowaa Yuusuf Raage.

Hawlgalkan ayaa yimid ka dib markii sidala sheegay dagaalamayaasha AL-Sahabab ay isku dayeen in ay ciidanka ku qaadaan weerar gaadmo balse ciidanka oo ka warqabay ay ka hortageen.

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa intaas ku daray in dagaalamaaysha AL-Shabaab ee weerarka soo qaaday khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ay gaarsiiyeen, waxaana uu sheegay in ay Saanad Ciidan furteen.

Dhanka kale qarax ka dhacay Degmadda Halg an oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayuu Taliyaha Xo oggu ka hadlay waxaana uu sheegay in uu sab abay khasaaraha dhimashada hal qof oo ku geeri rooday iyo Saddex dhaawac ah.

‘Nin Soomaali ah oo loo qabtay qarax ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Con go oo ay dad badan ku dhinteen

Nin kasoo jeeda dalka Kenya ayaa la xiray ka dib markii lala xiriiriyay qarax bambaano ah oo lala eegtay kaniisad ku taalla magaalada Kasindi ee bariga Jamhuuriyadda Di muqraadiga ee Congo.

Afhayeen u hadlay milit eriga DR Congo ayaa she egay in qofkaas looga shakiyay weerarka lagu xiray xadka Kasindi saac ado uun kadib markii uu qaraxa dhacay.

Dhinaca kale, wargeyska Daily Nation oo soo xiganayo ciidanka la dagaallanka argagixisada ee Kenya ayaa ku warramay in nin 29 jir ah oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Mukhtaar Garaad loo qabtay weerarka, ninkan ayaa kasoo jeedaa ma gaalada Wajeer, sida uu xusay wargeyska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Felix Tshisekedi ayaa cambaare eyay we erarka, wuxuuna wacad ku maray in caddaaladda la horgeyn doono dambiilayaasha.

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay qaraxa halka 30 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen

Ciidamada Mareykanka oo dhoolatus nooc cusub ah ku qabanaya Somaliland

Taliska Ciidanka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ujeedada safar saraakiil Mar eykan ah ay Jimcihii ku tageen magaalada Berb era ee gobolka Saaxil.

Qoraal kasoo baxay talis ka ciidanka Somaliland ay aa lagu sheegay "in saraaki isha labada ciidan ay ka wada-xaajoodeen tobabar millateri oo Berbera ka dhici doona bisha soo so cota ee Febraayo.”

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in tobabarka millateri ee marti-gelinayso Somaliland ay kasoo qeyb-gali doonaan illaa 20 waddan, uuna ka dhici doono goobo ay si wada-jir ah u sahmiyeen ciid amada Somaliland iyo Mareykanka.

War-saxaafadeed kasoo baxay safaarada Mar eykanka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa la gu sheegay in safarka saraakiisha Mareykanka ku tageen Berbera ay kusoo beegan tahay ka hor tobabarka millater ee caalamiga ah.

Mareykanka ayaa sheegay in tobabarkan looga dan leeyahay in kordhiyo iskaashiga caalamiga ah ee ka jawaab celinta qalaalasaha, howl-galada ka hortaga argagixisada iyo in la diyaariyo howlaha gobolka ee QM iyo Midowga Afrika.

"Mareykanka iyo xubno ka socda ciidamo kale oo Geeska Afrika ah, ayaa indho indhayn ku tagay dekedda Berbera, booqashadan ayaa imanaysa ka hor dhoolatus millateri oo uu Maraykanku hoga amimayo oo la qorsheeyay in uu qabsoomo bisha February ee 2023.”

Sidoo kale waxa qoraalka Mareykanka lagu sheegay in dhoolatusyo lamid ah ka Berbera ay ka dhici doonaan waddamada Botswana, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Rwanda, kaasi oo ay ka qayb-gali doona illaa 20 waddan oo Soomaaliya ku jirto.

Maraykanka ayaa waxa uu Berbera u arka goob hoy u noqon karta abaabulka howl-galada uu ku sugayo amaanka gobolka, maadama ay magaal adan ay kulaaleyso labo kamid ah marinada badaha ee ugu waaweyn caalamka.

Si kastaba, dhoolatuskan ayaa la filayaa in uu ibo-fur u yahay iskaashiga cusub ee Mareykanka iyo Somaliland, kadib markii madaxweyne Biden uu dhawaan saxiixay xeer ogolaanaya in labada dhinac yeeshaan iskaashi ciidan iyo mid siyaasadeed.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo ku baaqay in xildhibaanadiisa laga mam nuuco safarrada dibadda

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ay aa ku baaqay in xildhibaanadiisa iyo shaqaalaha dowladda laga mamnuuco safarrada dibadda si kharashkii ku bixi lahaa safarradaas lagu maalge liyo adeegyada muhiimka ah.

"U sheega xildhibaanada iyo shaqaalaha dowladda inay joojiyaan safarrada dibadda, lac ago badan ayaa lagu luminaya safarrada dibadda halka mac adka lagu barto culuumta batroolka ee Kigumba uu ka cabanayo dhaqaale la’aan”

Wuxuu hadalkan sheegay xilli uu kormeer ku sa meynayay macadka batroolka Uganda ee Kigu mba (UPIK) halkaasoo dowladda dooneyso inay tababar ku siiso khuburrada si ay uga sal gaaraan shidaal barista.

Uganda waxay rajeynesaa inay ceelasheeda shid aalka ka soo saarto malaayin barmiil oo shidaal ah marka la gaaro sanadka 2025.

dagaalkii gobolka Tigreega ee Itoobiya oo la soo saaray Tirada dadkii ku dhintay

Dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika ee cola adda Tigray ee Itoobiya, Olusegun Obasanjo, ayaa u sheegay wargeyska Financial Times (FT) in ilaa 600,000 oo qof laga yaabo inay ku dhinteen dagaalka labada sano ka socday gobolka Tigr eega.s

Wareysi uu siiyay wargeyska, ayuu Obasanjo ku sheegay in tirada dadka dhintay ay gaara yaan ku dhawaad ​​600,000 oo qof.

Waxaa adag in la xaqiijiyo tirada dadka ku dhintay dagaalka. Cilmi baarayaashu, ayaa waxay kal ho re ku qiyaaseen in dhimashadu ay gaarayso boq ollaal kun.

Axadii, FT, ayaa soo xigatay madaxa guddiga xuquuqul insaanka Itoobiya, Daniel Bekele, isagoo sheegay in qiyaasaha ay bixiyeen dhammaan dhinacyada ay u baahan yihiin, in si taxadar leh loo wajaho, maadaama aysan suurtagal ahayn "in la ogaado tirada buuxda ee dhaawacyada”.

Colaadda ayaa bilaabatay bishii Noofambar ee sanadkii 2020, markaasoo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu amar ku bixiyay duullaan milateri oo ka dhan ah ciidamada gobolka Tigre ega, taasoo uu sheegay inay jawaab u tahay we erar lagu qaaday saldhig ciidan, oo ay ku sugna ayeen ciidamada dowladda.

Bishii November ee la soo dhaafay ee sanadkii hore ee 2022-ka, ayaa dowladda Itoobiya iyo fall aagada Tigray, ay kala saxiixdeen heshiis xabbad joojin ah oo soo afjaraya dagaalka.

Askar Raashiyaan ku geeriyootay Qarax

3 Askari ayaa geeriyootay, 13 kalena wey ku dhaa wacmeen Qarax Habeen hore ka dhacay magaala da Belgorod ee dalkaasi, una dhow xuduudka dalka Ukraine

Wakaallada Wararka Dow ladda Raashiya ee Ria Nov osti News Agency waxay sheegtay inay Askartaasi waxyeello ka soo gaartay Bam

nooca Gacanta laga tuuro oo si kedis ah uga fakatay mid ka mid ah Askartaasi.

Mar sii horeysay, Saraakiisha dalkaasi waxay sheegeen in 10 la mid ah Askartooda ku dhaawac meen Qarax la dhacay Xarun Dhaqan oo ku taalla Belgorod. Dhowr Baraha Bulshada ee Telegram ee la shaqeeya Hay’adaha Xoojinta Sharciga ee dalk aasi ayaa tilmaamay in Askarta geeriyootay iyo ku wa dhaawacmay qeyb ka ahaayeen Askarta loo tababarayo inay ka qeyb galaan Duullaanka Raa shiya ka wadaan gudaha dalka Ukraine.

Booliska la-dagaalanka Maafiyada talyaani ga oo gacanta ku dhigay aabaha ugu weyn Maaf iyada Talyaaniga taasi oo soo geba-gebeysay 30 sano oo ugaarsi ah

Booliska la-dagaalanka Maafiyada ee talyaan iga ayaa Shalay gacanta ku dhigay aabaha ugu weyn Maafiyada Talyaaniga Matteo Messina Den aro, taasi oo soo geba-gebeysay 30 sano oo uga arsi ah.

Messina Denaro, oo 60 jir ah, ayaa hormuud u ahaa Cosa Nostra, urur dambiyeedka dhabta ah ee Sicily, ee lagu soo bandhigo aflaamta Go dfather.

Messina Denaro ayaa laga soo qabtay "gudaha xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Palermo, halkaas oo uu u aaday daweyn,” waxaa sidaas yiri taliyaha howlgallada gaar ka ah Pasquale Angelosa nto, sida ku qoran bayaan uu soo saaray booliska.

Waxa uu isbitaalka ku jiray muddo sanad ah, isaga oo laga daweynayey kansarka ku dhaca mindhicirada, islamarkaana wata magac been abuur ah.

Messina Denaro iskama caabin booliska markii ay isku dayeen inay soo xiraan, waxaa sida as sheegtay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA.

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in Messina Denaro uu ahaa ma daxa "ugu muhiimsan” Maafiyada, islamarkaana xarigiisa oo ka dhacay gobolka uu kasoo jeedo ee Sicily uu "guul weyn” u yahay dagaalka uu qaran ka kula jiro dambiyada abaabulan.

Sawir ay sii daayaan booliska ayaa muujiyey Messina Denaro oo qeybta dambe ka fadhiya gaari, islamarkaana xiran koofi, ookiyaale iyo jaa kad qaxwe ah.

Sawirkaas kahor, sawirka kaliya ee laga hayey wuxuu ahaa mid la qaaday sagaashamaadkii. Wa xa uu baxsad ahaa tan iyo 1993-kii.

Messina Denaro waxa uu kaalinta koowaad kaga jiray liiska dadka loogu raadiska badan yahay Tal yaaniga ee Maafiyada lala xiriiriyo.

Messina Denaro ayaa lagu tuhmayaa inuu ka dambeeyay qaraxyadii 1993-kii ka dhacay Rome, Milano iyo Florence oo ay ku dhinteen 10 qof, bilo uun ka dib markii Cosa Nostra ay weeraro isku mid ah ku dileen garsoorayaashii ka hortagga maa fiyada Giovanni Falcone iyo Paolo Borsellino. AFP

Tirada Dadkii Ku Dhintay Diyaaraddii Ku Bur burtay Nepal Oo Korortay

Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 64 qof ay ku dhinteen diyaaradda, sida ay sheegeen booliska.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in dad dhaaw acoodu aad u daran yahay oo shilka ka badbaad ay loo qaaday isbitaallada.

Diyaaradda Yeti Airlines ayaa kasoo duushay magaalada Kathmandu, waxay ku wajahneyd mag aalada dalxiiska ah ee Pokhara.

Ra’iisul Wasaaraha Nepal , Kamal Dahal ayaa shir deg deg ah isugu yeeray golahiisa wasiirada isla markaana ugu baaqay hay’adaha dowladda in ay ka qeyb qaataan howlaha gurmadka ah ee ka socdo goobta ay ku burburtay diyaaradda, waxaa na la sameeyay guddi gaar ah oo baara waxa sababay shilka. Dadka ku dhintay shilkan 53 wax ay kasoo jeed aan Nepal, shan waxay u dhasheen Hidiya, Afar waa Ruush halka 2 qofna ay u dha sheen Kuuriya, sidoo kale diyaaradda burburtay waxaa saarnaa muwaadiniin kale oo kasoo jeeday Ireland, Australia, Argentina iyo Faransiiska.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip