Xamza oo war kasoo saaray guushii maanta la gaaray

0
Monday January 16, 2023 - 22:41:18 in Wararka by
  • Visits: 297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xamza oo war kasoo saaray guushii maanta la gaaray

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay xoreynta degmada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug oo maanta ay la wareegeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyay ciidammada qalabka sida iyo kuwa shacabka oo degmo kale oo muhiim ah ka xoreeyay Khawaarijta ragaadisay horumarka dalka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

"Waa tallaabo kale iyo guul taariikhi ah oo ay geesiyaasha ciidamada qaranka iyo kuwa shacabka maanta ay usoo hoyeen Qaranka mar haddii ay cagta mariyeen cadowgii ummadda ka dulqaadeen degmada istaraatiijiga ah ee Xarardheere ee gobolka Mudug,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in dhiiranaanta shacabka, geesinimada ciidanka iyo ka go’naanshiyaha madaxda dowladda oo isbiirsaday ay sahashay in Al-Shabaab lagu jabiyo muddo kooban, islamarkaana looga qabsado dhul ballaaran.

"Sannadkaani waa midkii aan dalkeenna iyo dadkeenna kaga xoreyn lahayn Khawaarijta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere, kadib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab ee ku sugna ay faarujiyeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay in sidoo kale degmada ka saareen dhamaan dadkii ku noolaa, kadib markii ay ka war heleen duulaanka culus ee ciidamada, waxaana la sheegaya in shacabka ay u kaxeysteen dhulka howdka ah, si ay uga badbaadaan duqeymaha diyaaradaha.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa si weyn ugu sii fidaya dalka, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana laga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Xamza oo war kasoo saaray guushii maanta la gaaray - Caasimada Online




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip