HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 16-KA JANNAAYO 2023-KA

0
Monday January 16, 2023 - 08:42:58 in Wararka by
  • Visits: 422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 16-KA JANNAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan Sagootin Ah La Qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxto oyada Qaranka Danjiraha Dowladda aan wa laalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilm az oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa dibluma asiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

Madaxweynaha ay aa ku bogaadiyey Danj ire Yilmaz, doorka uu ka qaatay xoojinta xiriir ka iyo iskaashiga Laba da dal, gaar ahaan gu rmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah ALshabaab iyo taageerada dowladnimada So omaaliya.

Dhankiisa, Danjire Mehmet Yilmaz oo Mada xweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa til maamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-sh aqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo ig maday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilma a may sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shac abka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka & iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyih iin

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo hay'adda IMF iyo Bangiga Adduunka oo shir uga furmay Nairobi

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay' adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka, ayaa Shalay shir uga furmay ma gaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa arrimaha Maaliy adda, hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dhamaystirka sharuudaha barnaamijka De yn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka hadlay shirkan ayaa she egay in diirradda lagu saari doono halbeegyada dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inuu shirkan dabo socda kulamo isdaba joog ah oo xoogga lagu saaray arrimaha dib u habaynta Maaliya dda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkaan ayaa socon doono saddex maalin.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasaarad da Qorshaha, Batroolka, Bangiga dhexe, masu uliyiin ka tirsan xafiisyada Madaxtooyad iyo ra’ iisul Wasaaraha.

Aqri: Shirkii u socday Madaale iyo masuuli yiinta gobolka oo laga soo saaray 18 qodob

Shirka Banbaxa maamulka gobolka Bana adir oo maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18 qoddob.

Shirka ayaa waxa looga hadlay intii uu soc day wadiiqooyinka lagu xaqiijin karo ahdaafta guud ee gobolka Banaadir oo ku saleysan; Am aanka, Dimuqaraadiyeynta iyo dhismaha maa mul hufan oo u adeega bulshada degan caasi mada iyo dhameystirka adeegyada kaabayaa sha dhaqaalaha.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirkaan ay aa lagu sheegay in la isku faray in si xoogan loo ga shaqeeyo amniga Muqdisho, gaar ahaan xuuraanka iyo xog-wadaaga la xiriira khataraha, si looga hortago dhagarta kooxda Khawaarijta ah oo la joogo maalmihii ugu dambeeyay ee jirit aankooda.

Waxaa la faray maamulada degmooyinka in ay xoojiyaan wacyi-gelinta dadweynaha ee ku aaddan ka digista fikirka xagjirnimada iyo in meel looga soo wada jeesto kooxda argagixis ada ee Khawaarijta, lalana shaqeeyo hay’adaha amaanka.

"Waxa uu shirweynaha isla qaatay qorsha ha hawl-qabad ee maamulka gobolka Banaadir sanadka 2023 kaas oo ka kooban 5 tiir oo kala ah; Amniga & Cadaaladda, Siyaasadda loo dha nyahay, Horumarinta dhaqaalaha & dib-u-dhis ka kaabayaasha, Adeegyada bulshada sida (ca afimaadka, waxbarashada, xal u helidda Baraka cayaasha iyo bilic soo celinta magaalada) iyo Qodobo Qubane ah.”

Sidoo kale waxa lagu sheegay in qorshaha sanadka uu ka kooban yahay illaa 113 hiigsiyo oo ay tahay in la gaaro sanadka 2023-ka, kuwa asi oo ay hoos imaan doonaan illaa 565 hawlo od oo lagu gaari karo hiigsiyadaasi.

"Shirka Banbaxa ayaa la isla gartay in ay mu hiim tahay dhameystirka QAAB-DHISMEEDKA MAAMULKA gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose, si lo gaaro shaqo wanaag, waxqabad & isla-xisaabtan,waxaana la go’aamiyay in dhaw aan la soo saari doono qaab-dhismeedka kuna soo bixi doono xeer guddoomiye.”

Shirka ayaa lagu go’aamiyay in la awood si iyo lana tayeeyo ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar, iyadoo dib u qaabayn lagu sameyn doo no sharciga ay ku dhisan yihiin iyo in loo sahlo agabka iyo aqoon dhiska ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Ugu dambeyntiina waxa lagu sheegay war-mur tiyeedkan in shirka la iskula qaatay in la dardar-geliyo hanaanka samaynta doora shooyinka gol aha deegaanka degmooyinka gobolka Bana adir.

Hooska Aqriso war-murtiyeedka oo dhamaystiran

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Dacwa ka ah warbaahinta

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koo waad ee ciidamada Soomaaliya Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute ayaa markii u horeysay she egay "in xal sharci ah” loo baahan yahay, si me esha looga saaro cabashada ay dadka la tag aan warbaahinta, ayada oo kiiskooda uu ku jiro maxkamadda.

"Mushkilad u baahan in loo helo xal sharci ah ayaa dig soo tiri oo ah qofka da cwo ayaa maxkamadda ka taalla, qof ayaa la dilay ama dhib ayaa dhacay, waa soo baxa warbaah in ta iyo baraha bulshada ayuu taga oo halkaas ayuu qeylo dhiga.”

Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in arrinta an ay tahay caqabad haysata maxkamada iyo dacwadaha ay qaado, isaga oo xusay in marka uu qofka geeyo kiiska warbaahinta, una dhigo si da uu jecel yahay ay dadka ‘gardaro’ ku xaku mayaan maxkamadda, sida uu sheegay.

"Bulshadeena waa ogtihiin indhaha waxba kama aragto ee dhagaha ayay wax ka aragta, macnaha qofkii qeyliyay ayay rumeysane, yaa qeylilyay? Ninkaan ayaa qeyliyay Aleyle waa la ga gar-daran yahay ayaa la’leeyahay, la iska qo dxa bixin maayo oo maxay tahay la dhihi ma ayo.”

Sidoo kale waxa uu warbaahinta iyo baraha bulshada ku tilmaamay "isbaaro casriyeys an,” oo wixii la rabo si fudud lagu marsan karo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Waagii hore reeraha iyo maleeshiyaadka marka ay xanaaqan marka ay magaalo iyo gob ol ha joogaan wadada dheer ee laamiga ah ama wadada hormarta ayay xiran jirin oo ha la gu kala tago dhihi jireen.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa "Hadda dow lad ayaa timid waddooyinka lama xiran karo, magaaladii ayaa la jooga oo dowladda xoog ay ay ku leedahay, Isbaaro kale ayaa soo baxday xaga uu soo istaaga oo warbaahintii uu ka qey lina, tii hore xoog ayaa lagu suuliyay tan waxay u baahan tahay xal sharci ah.

Xigasho:Caasimadda.Net

Wasiir FIQI oo shaaciyay dhacdo yaab leh oo 2018-kii ka dhacday hay’adda NISA

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Ax med Macallin Fiqi oo ka hadlay muhiimada hin dise-sharciyeedka diiwaan-gelinta dadweynaha ayaa shaaciyay dha cdo yaab leh oo "aqoonsi la’aanta saba btay” oo ka dhacday hay’adda Sir doonka iyo Nabad-sugidda Qaranka.

Fiqi ayaa waxa uu sheegay in 2018-kii xubin ka tirsan hay’adda NISA oo loo xil-saaray in uu raadiyo nin Shabaab halis ah oo magaciisa uu ku sheegay Ilkacase, balse markii dambe soo baxday in xubinta NISA ka tirsaneyd uu laftiisa yahay ninka loo diray in uu raa diyo.

"Aqoonsigan muhiim adiisa waxa soo koobay nin Ilkacase la yiraahdo oo hay’adda NISA la sha qeynayay 2018-kii. Ilkac ase waxa uu ahaa nin halis ah oo Shabaab ah oo dadka dila. Wa xay hay’adda Nabad-sugida u shaqaaleysatay in Ilkacase uu raadiyo, Ilkacase – Ilkacase in uu raadiyo ayaa loo diray, mark aas ayay cid kale ka cadaatay in Ilkacase uu yahay ninka loo dir ay Ilkacase,” ayuu yiri. "Tani (dhacdadaasi) wax ay keenaysa muhiimada ay leedahay in dadka Soomaaliyeed qof walba uu hal qof noqdo, Ilkac ase in uu hal qof noqdo, Guddoomiyaha baarl amaanka uu hal qof noqdo laakiin hadda hebel hebel weeyi oo majiro magacyo rasmi ah oo diiwaan-gashan, oo la isla waafaqsan yahay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in sharcigan la waafajiyay habraacyadii iyo mabaadida hirgeli nta aqoonsiga caalamka ah, islamarkaana ay ku jiraan qoddobo waajibi naya ilaalinta xogta dadweynaha iyo masuu liyadaha ka dhalanaya.

"Sharcigaan hore ayaa Golaha Shacabka loo keenay oo wuxuu ku jiray sharciyadii lasoo celi yay, oo aan marin habraacyadii rasmiga ahaa oo aan Aqalka Sare la geyn.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa "Markii lasoo celiyay waxa la asteeyay oo lagu soo kordhiyay sharcigaan mabaadida maamul wanaaga, same ynta guddi maamul oo kamid noqonaya iyo qa ab dhismeedka hay’adda.”

Axmed Madoobe Iyo Ismaaciil Cumar Geelle Oo Wadahadal Ku Yeeshay Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ism aciil Cumar Geelle ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha maamulka Jubal and Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaam in ayo oo booqashoku jooga dal kaasi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay tageerada dhi nacyada kala duwan ah ee Dow lada Jabuuti ay la garab tagan tahay shac abka Soomaaliyeed iyo iskaa shiga dhinacyada horm arka iyo amniga.

Axmed Madoobe ayaa Dowlada iyo shacab ka Jabuuti uga mahad celiyay tageerada wala alnimo ee ay la garab taagan yihiin Dowlada iyo shacabka Sooma aliyeed.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jabuuti ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Jubal and Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa booqa shada tariikhiga ah ee ay ku joogaan Jabuuti.

Axmed madoobe iyo ismaaciil cumar geelle oo wadahadal ku yeeshay jabuutiaxmed madoo be iyo ismaaciil cumar geelle oo wadahadal ku yeeshay jabuutiaxmed mado obe iyo ismaaciil cumar geelle oo wadah adal ku yeeshay jabuuti

Guddiga Gaadiidka, Garoommada, Dekedaha, hawlaha guud iyo Tamarta ee golaha shacabka baarlamaanka JFS oo gudanaya waajibaadkiisa uu u xilsaaran yahay ayaa Shalay xafiiska guddiga ugu yeeray wasiirka gaadiidka iyo duulista ha wada Xil. Fardowsa Cusmaan Cigal oo ay weheliyaan Wasiir ku xige enka wasaara dda, !gaasimaha guud iyo maareeyaha hay ’adda duulista rayidka Soomaaliya.

Kulanka oo uu shir guddoomiyey guddoomiya ha guddiga Xil. Cabdillahi Cabdi Maxa med (Ge elqaad) ayaa mas’uuliyiinta wasaa radda looga dhageystay warbixinno ku saa bsan sharciyada wasaaradda muhiimadda u leh ee u qorsheys an, qoshe-hawleeedka wasaaradda, heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay hawada Soomaaliya, istiraatij iyadda guud ee wasa aradda, caqabadaha iyo fursadaha wasaarad da horyaalla.

Xildhibaanada guddiga ayaa iyaguna dhinac ooda talo soojeedin iyo su’aalaba wa ydiiyey masuulinta wasaaradda.

kulanka oo ku soo dhammaaday is fahan ay aa lagu kala qaatay waajibaad shaqo, si doo kale waxa lagu dardaarmay in shac abka Soom aaliyeed loogu shaqeeyo hufnaan.

Guuleed oo war kasoo saaray sheeg ashadii Dorraad ee DF

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdika riin Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku bogaadiyey dagaalka ay dowladda Soo maaliya ku qaaday Al-Sha baab, gaar ahaan dhanka dhaqaalaha oo dowladdu ay Dorraad xaqii jisay inay xirtay in ka bad an 250 Banki oo lacagaha kooxda lagu shubi jiray.

Madaxweyne Guuleed ayaa na tiijo wanaagsan oo dagaalka la ga gaaray ku tilmaamay in dow laddu ay ku guuleysatay inay xayirto malaayiin dollar oo laca gihii Al-Shabaab ah.

"Waa bogaadinayaa si guud dagaal dhina cyada badan leh ee ay laamaha kala duwan ee dowladdu kula jiraan kooxaha Argagaxisada ah. Gaar ahaanna waxaan si weyn u bagaadinayaa dagaalka dhanka dhaqaalaha ee kooxdaas lagu qaaday, taas oo sababtay in laga xiro in ka badan 250 xisaab bank oo ay si toos ah iyo si aan toos aheynba u isticmaaliyeen, kuwaas oo ay ku jiraan malaayiin doolar oo la doonayey in lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.

Qoraalka Guuleed ayaa intaas ku sii daray, "Waxaa shacab weynaha Soomaaliyeed laga doonayaa inay dowladda iyo laamaheeda kala duwan si buuxda ugu gacan siiyaan dagaalka dhan kasta ah oo ay kula jirto kooxahaas Argag axisada ah oo har iyo hoyaad u diiday umadda Soomaaliyeed.”

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ay we hliyaan wasiir ku xigeennada warfaafinta iyo amniga ayaa Dorraad shir jaraa’id qabtay, waxa yna sheegeen in dowladdu ay natiijo weyn ka gaartay dagaalkii dhaqaalaha ee kooxda lagu qaaday.

Sidoo kale waxaa lasoo bandhigay ugu yara an 70 lambar oo kooxda ay ugu dhici jireen lac agaha canshuurta ah ee dadka ay uga qaado sida xoogga ah, kuwaas oo qaar kood ay dadka ka soo wici jireen, qaarna lacagaha ku keydsa jireen.

Dowladda ayaa deg deg guulo uga soo hoy say dagaalka ay la gashay Al-Shabaab, si gaar ah mid ka socda furimaha ayaa hadda maraya meel dhexe, ciidanka oo ka gudbay HirShabe elle ayaa u talaabay Galgaduud, waxayna bilihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ka xoreeyeen dhul aad u baaxad weyn.

Hadda gulufka dagaal ee ugu culus wuxuu ka jiraa Galmudug oo ugu yaraan afar jiho dagaal looga qaaday Al-Shabaab, waxayna ciidamadu qorsheynayaan in maalmaha soo socda kooxda laga xoreeyo magaalooyinka ay ka joogaan gob olkaas, sida Ceeldheer, Ceelbuur iyo Xarar dhe

ere oo ka tirsan Mudug

Cabdalla Muumin oo maxkamad lasoo taa gay – Muxuu ka yiri Al-Cadaala?

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Shalay mar kale u fariisatay dhageysiga dacwado loo heysto Weriye Cabdalle Axmed Muumin oo ah Xoghayaha urur saxaafadeedka SJS.

Cabdalla Muumin oo markii ugu horeysay la xiray 11-kii October 2022 ayaa waxaa weli jiitamaya kiiskiisa, waxaana Shalay su’aalo toos ah weydiiyey guddoomiyaha Max kamadda, isagoo toos uga jawaabay su’aalo adag oo uga imaanaayey Maxkamadda.

Weriye Cabdalla ayaa aad uga cabtay wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdirax maan Al-Cadaala, isagoo soo bandhigay mur an, is qabqabsi iyo arrimo khilaaf culus sababay oo dhowr jeer dhex maray isaga iyo wasiir Al-Cadaala.

Kiiskaan ayaa ka soo bilowday go’aan ay dowladdu ka soo saartay baahinta wararka la xariira kooxda Al-shabaab, gaar ahaan sheega shooyinka adag iyo baahinta afkaaraha kooxda.

Dowladda Soomaaliya oo xiligaas xirtay barihii internetka ee Al-shabaab ayaa warbaahinta madaxa-banaan ku amartay in hoos loo dhigo baahinta wararka kooxda, maadaama ay dowla ddu dooneyso in gabi ahaanba Al-Shabaab saa xada laga tirtiro.

Xiligaas Cabdalla iyo u doodayaal kale oo saxaafadda ka socday ayaa si adag u sheegay in dowladdu ay ku xadgubeyso xeerarka saxaafadda oo iyadu ay dejisay, isla markaana ay go’aanadaasi caburin yihiin.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa Shalay Weriye Cabdalla weydiiyey su’aalo adag oo ku saabsan shirkiisii jaraa’id ee go’aankii dowladda uu uga hor yimid, waxaana ka mid ahaa "Shirkii jaraa’id ee dabaq ku yaalla Howlwadaag aad ku dul qabatay mid lamid ah Tooratoorow maku qaban kartaa?”

Wuxuuna ku jawaabay "Maya oo xitaa Afgo oye kuma qaban karo” laakiin Cabdalla ayaa aar-gudasho ku sifeeyey sida ay ula dhaq me yso dowladdu, isagoo sheegay in Godka Jilicow uu laba habeen ku xirnaa.

"Ilaahaan kugu dhaarshee guddoomiye waaran la’aan marka la igu soo xirayo ee hadana Jilicow la ii geynayo oo laba habeen aan ku xirn aa soo aar-gudasho maaha guddoomiye? Ma argagixisaan ahay?” Ayuu hadalkiisa ku sii daray Weriye Cabdalla oo Maxkamadda hor taagan.

Su’aalo adag iyo jawaab celin mudo dhex mareysay Weriye Cabdalla Muumin iyo guddo omiyaha maxkamadda kadib. Ugu dambeyntii wuxuu guddoomiyuhu mudeeyey in kiiskaan mar kale loo fariisto maalinta Khamiista ah ee soo socota.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Oo War Ka soo Saaray Qaraxyo Khasaaro Badan Dhaliyey

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirsha beelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ay aa ka hadlay qaraxyo Is-miidaamin ah oo Dorraad ka kala dhacay degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burte oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, qaraxyada ayaana loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii ku naf-waayay qaraxyadii ay Al-shabaab ka geysteen degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo burde.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weeraradii qaraxyada ahaa ee Al-shabaab geysteen ay ku dhinteen dad shacab ah, Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dadkii ku shahiiday qaraxya daasi in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta dhaaw aca ahna uu Eebbe caafimaad deg deg siiyo.

In ka badan 10 qof ayaa ku dhi ntay qaraxyadii ka dhacay Jalala qsi iyo Buulo-burte, halka dad ku dhow 30 qof kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyada, wa xaana dadka qaba dhaawac yada culus loo qa aday dhanka magaalada Muqdisho, si loogu daaweeyo.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyadii ka dhacay degmooyinka Jala laqsi iyo Buulo-burte, dhowr jeer oo horey ayey sid aan oo kale qaraxyo xoog gan uga dhaceen degmooyinkaas, kuwaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Dhakhtarkii dilaaga ahaa oo maxkama ddiisa ay ka billaabatay Muqdisho

Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr Fanax) oo la sheegay in uu dhakhtarnimo kaga howl-gali jiray gudaha magaalada Muqdisho ee caasimad da dalka, ayaa Shalay kasoo hor-muuqday maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Dr Fanax ayaa loo haysta dilal, qaraxyo iyo been abuur la xiriira darajooyin ciidan iyo takhasuska uu sheegtay ee mudada uu kaga shaqeysan jiray bulshada dhexdeeda, waxayna maxkamadeyntiisa Shalay ka bilaabatay magaa lada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Dar ajadeeda koowaad oo uu kasoo hor-muuqday Dr Fanax ayaa waxa uu sheegay in gudaha dal ka uu ka soo shaqeeyay magaalooyinka Muq disho, Baardheere, Kismaayo, Xuddur iyo Bel ed-Xaawo.

Ninkaan ayaa lagu eedeynaya in sanado ba dan uu jilayay Dhakhtar, uuna Al-Shabaab ka soo tirsanaa tan iyo 2009-kii, isaga oo kaga bi iray Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Waxa uu ka qeyb qaatay fulinta dilal iyo qaraxyo ka dhacay gudaha Muqdisho, sida ay xeer ilaalinta ka hor sheegtay maxkam adda ciidamada qalabka sida.

"Eedeysanaha wuxuu xirtay dharkii ciidam ada qalabka sida oo wuxuu xirtay garaada dii Gaa shaanle, waa sarkaal been abuur ah oo isticm aalayay ID-cardkii ciidanka xoog ga dalka Soom aaliya,” ayuu yiri ku-xigeen ka xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida.

Xeer Ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Generaal Cabdullaahi Buula-kamey ayaa maxkamadda ka codsaday in ninkaan lagu rido xukun dil toogasho ah.

"Qadar ayuu sheegay in uu ka shaqeeyay waligiis kama shaqeyn. Maxamed Cabdin uur waligeen nama soo marin ayey dhah jaamac ada uu sheegay in uu ka sito shah aadada (dh akht arnimada). Sidaas darteed waxay ku tuseysa intaas oo dhan waxay u ahaayeen wax uu ku qaraaban ayay oo shaqadiisa ku fushan ayay,” ayuu yiri. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa "Waa dilaa arxan darran, oo nooc walba dadka u dila wa xaa maxkamadda weydiisaneyna in lagu xu kumo ciqaabta u qalanta si bulshada uga bad baado wixiisa, oo ah dil toogasho ah.”

Qareenka u doodayay ninkaan eedeysan aha ah ayaa sheegay in uusan jirin markh aati la keenay maxkamadda, oo arkay eedeysanaha oo weerar ama dhibaato geysanaya.

"Dad dhaawacan waaye, oo dhamaantood dhi banayaal waaye, mid walba waa dhaa wacan yahay marka maxkamadda uma aqoonsan ka rto markhaatiyaal ee waa dhibanayaal.”

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koo waad ee ciidamada Soomaaliya Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute oo ugu dambeynt iina soo xir ay dacwad dhageysigii eedeys ane Dr Fanax ee Shalay ayaa sheegay in maxkamadda ay go’a an kasoo saari doonto.

Xarunta Gurmadka Degdega Koofur Galbeed Oo La Dhagax Dhigey

Guddoomiyaha Hey’adda Maareeynta Mas iibooyinka Maxamud Macallin Cabdulahi ayaa Shalay ka dhagax dhigay magaalada Beydhabo Xarunta Gurmadka Deg deg ga ah ee Koonfur Galbeed.

Dhagax dhigga Xarunta ayaa waxaa ka qeyb galay Was ir ka Gargaarka & Maare eyn ta Masiibooyinka Mudane Na sir Abdi Arush, Wasiirka How laha Guud Md. Dahir Abdi Ab dullahi, Wasiirka Beeraha Mustaf Ah med Idow, Guddoomiy aha Degmada Baydhab o Abdullahi Ali Watiin.

Xaruntan ayaa waxaa dhagax dhigeeda uu ku soo beegmay xilli deegaano badan oo ka mid ah Koofurgalbeed ay soo wajahday jiilaal adag iyo abaaro

Ciidanka Amniga Oo Gacanta Kusoo Dhigay Rag Burcad Ah Oo Dhac Ka Geystay Xaafaddo

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Saldhiga dega anka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa habeenimadii Habeen hore ahe yd gacanta kusoo dhigay rag hubeysan oo dhac u geysana yay dadka shacab ah.

Saraakiisha ciidamada degaanka ayaa warbaah inta ayaa u sheegay in laba nin oo bax sad ah aa laga soo qabtay dee gaanka Carbiska, isla markaana dhac u gey sanayay dad shacab ah iyo goobo Ganacsi, iyaga oo watay qoryo AK-47.

Dhinaca kale ciid amada Booliska Saldhiga degmada Yaaq shiid ee gobolka Banaadir ayaa soo qabtay burcadaan hubaysan oo wadatay Mooto Bajaaj, isla markaana falal dhac ah ka geysanaysay xaafadaha degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Raggaas ayaa lagu soo qabtay howlgal laga fuliyay xaafadda Kooka-koola ee degmadaas Yaaqshiid, kuwaasi oo haatan ku jira gacanta laamaha amniga DFS, waxaanala sheegay in ragaas ay ahaayeen kuwo dhibaato ku haayay shacabka.Ciidamada Booliska DFS ayaa saac adihii lasoo dhaafay howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen M/Muqdisho, iyagoona kusoo qab tay rag hubeysan oo burcad Dhac geysan jiray.


Askarigii shanta kun u dilay Abuubakar Nuu raani oo TOOGASHO lagu xukumay

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Shalay xukun toogasho ah ku ridday Qaasim Ducaale Cabdi oo ahaa askarigii dhawaan shanta kun ee shilin Soomaaliga aheyd u dilay Marxuum Abuubakar Sheekh Maxamed Nuuraani oo ku noolaa degmada Xamarweyne.

Maxkamadda Ciidamada oo si deg deg ah loo horgeeyay askarigaan oo ka tirs an ciidamada ilaalada deegaanka ayaa Shalay ku ridday xukun dil toogasho oo ah qisaasta marxuumka.

Fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa goobjoog ahaa ehellada marxuumka, shac ab iyo mas’uuliyiinta maamulka Xamar weyne oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha degmadaas.

Dhammaan ka qayb-galayaasha oo ay ugu horreeyaan ehellada dhibanaha ayaa soo dhaweeyey xukunka ay ridday Maxkamadda Darajad 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dilka Marxuum Nuuraani oo hadal heyn badan dhaliyay ayaa yimid kadib markii isaga iyo askariga Shalay la xukumay uu soo kala dhex-galay isfaham wa’ waxayna ku murmeen lacag canshuur ah oo askarigaas uu aruurinayay oo aheyd shan kun Shillin Soomaali ah.

Intaas kadib dadaal ay sameeyeen Booliska Soomaaliyeed ee Xamarweyne iyo maamulka degmada ayaa waxa gacanta lagu soo dhigay askarigii geystay dilkaas oo ugu dambeyn Shalay dil lagu xukumay, kadib markii la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Tallaabadan ayaa ah mid horey loo sii qaaday oo cadaalad ah, waxaana soo dhowe eyey dadka Soomaaliyeed, maadaama ay cadaalad heleen qoyska Abuubakar Nuuraani oo maalmihii u dambeeyay cadaalad ka dalbanayey hay’adaha dowladda Soomaaliya.

"Canshuurta waa ku siina dukaanka wax kasoo baxsana ayuu ku dhahay, sidee ii dhihi kartaa illaa inta ayey isla soo bursadeen uu xabad sujuuda uga dhuftay. Cadaalad haddey jirto waxaa dowladda ka codsaneyna, madaxweyne Xas an Sheekh, ra’iisul wasaaraha guddoom iyaha baarlamaanka in ninkaan cadaalad naloo soo saaro,” ayuu horay u yiri marxuumka walaalkiis oo ka soo muuqday qalabka warbaa hinta, kadib dilka walaalkiisii.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay "Booliska waxa uu qoriga u haysta nabadgelyada. Laakiin Manashiibiyada inta uu qori kusoo qaato uu kugu dilo qorigii dhib weyn ayaa ku jirna.”

Macallimuu oo si weyn uga horyimid sharci uu BF ku ansixiyay ‘hab sharci darro ah’

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa si adag uga horyimid hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyad eed ee Cayiman, kaasi oo gudd oonka Golaha Shacabka uu sheegay in la ansixiyay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in hindise-sharciyeedkan oo markii hore ahaa sharci darro, lagu ansixiyay sharci darro kale, ayada oo aan la marsiin saddex aqrin, sida uu dhigayo xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

"Hadaba iyada oo Dorraad ay aheyd aqrintii labaad oo lixdameeyo Xildhibaan ay Golaha ku hareen, kooram sharci ansixin karaa aanu fadhiyin waxa uu guddoonkii shirka ku dhawaaqay in sharcigii Cunaqabateynta Maaliyadda ee Cayiman la ansixiyay aqrin sadaxaad iyo kooram ku filan midna aan loo baahneyn,” ayuu ku yiri Xildhibaan Macallimuu qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu arrin laga xumaado ku tilmaamay in baarlamaanka oo ah cunsurka koowaad ee dowladnimada, lana rabay in laga toosiyo ku xad-gudubka shuruucda iyo korjoogteynta hay’addaha fulinta, uu asagii ku kaco sharci darro.

"Waxaa muuqata sharciyo kale oo badan oo hadda Golaha horyaalla oo liddi ku ah Dastuurka, Diinta iyo Qawaaniinta kale ee dalku leeyahay in waddadan ay mari doonaan.”

Waxa uu sii raaciyay qoraalkiisa "Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho ,natiijada iyo maxsuulka ka dhalan kara sharciga oo la baal maro qof kasta oo weyn waa garan karaa. Dadka Soomaaliyeedna Allahooda ayay qabaan.”

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS ayaa Dorraad cod galiyay sharcigaaan, waxaana u codeeyay 140 xildhibaan, halka ay diideen 3 xildhibaan wax ka aamusayna majirin, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddoonka Golaha.

Ansixintan ayaa la sheegay inay timid kadib markii guddoomiyaha guddiga Maaliyada & Miisaaniyada iyo wasiirka wasaarada Maaliyada ay xildhibaanada ka codsadeen in ay anisxiyaaan, maadaama intooda badani ay dooddoodu ku saleysneyd in waxtar uu u leeyahay sharcigaan dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Abshirow oo shir-guddoomiyay kalfadhigii Dorraad ayaa uga mahad-celiyay mudanayaasha golaha ansixinta hindise-sharciyeedkan.

"Waxaan u mahad-celinayaa mudanayaa sha Golaha Shacabka oo dood wax gal ah ka dib ansixiyay hindise sharciyeedka cun aqabate ynta maaliyadeed ee cayiman oo ay xildhibaa nada horey Akhrinta koowaad usoo marsiiy een,” ayuu yiri.

"Ugu dambeyn waxaan u mahad-celinayaa wasaaradda maaliyadda oo hindise-sharciyeed kan soo diyaarisay iyo guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka oo hindi se-shar ciyeedkan howl badan kasoo qabtay.”

Wasiir Caarshe oo si kale u dhigay go’a ankii Puntland, meeshana ka saaray khilaaf

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dowlad goboleedka Puntland, Caar she Maxamed Siciid Aw-Muu se ayaa si kale u dhigay mow qifkii ay dhawaan qaadatay dowlad-goboleedka Pun tland.

Wasiir Caarshe ayaa sheegay in Puntland ay qaadatay go’aan uu xaq u siinayo Dastu urka KMG ah iyo midka maam ulkeeda, islamarkaana uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo Puntland.

"Marka hore khilaaf abuurmay oo hadda jira majiro, Puntland lexjeclo badan ayaa Soomaal iya ka haysa oo muddo ayaa ka shaqeynaynay howlahaan, waxa hadda soo baxay waa sida u aragno in wax loo sixi karo. Marka khilaaf ayaa abuurmay hadda lama oran karo,” ayuu yiri Wasiir Caarshe oo ka qeyb-galay barnaamijka Faaqidaadda ee VOA.

Wasiir Caarshe ayaa sidoo kale waxa uu shee gay in xiriirkii iyo wada-shaqeyntii dowladda federaalka uu sidii hore yahay, inkasta oo bayaankii dhawaan kasoo baxay maamulka uu qeexayay wada-shaqeyn kooban oo ka baaxad yar tii hore ugala dhaxeysay.

"Mowqifka aan soo saarnay waa in aan wada-hadalno anaga (Puntland) iyo dowladda federaalka, qoddo bada iyo sida wax u aragno ay dooda anaga noo furato, taas ayey taladeena tahay laakiin khilaaf ma ahan ee waa sida wax loo hagaajin lahaa.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa "Si madax-bana an baa wax u maamulanayna wax xeyndaabka ka baxsan ma ah oo waxay ku jirta Dastuurka dowladda federaalka iyo ka Puntland. Qaabkii geedi -socodka ee hanaanka shaqada u haga agi laheyd in la saxo ayaa rabna.”

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday "in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madax-banaan oo kale, inta laga dhammaystirayo das tuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.”

"Inta laga dhammeystirayo wada-xaajoo dyada dowladda federaalka iyo dowladda Puntland, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland waxay dhiggooda dowladda federa alka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqe ynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka Puntland.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastu urka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madax-bannaan.

Cali Guudlaawe Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiir Ku Xigeenkii Wasaarada Dib U Heshiisiinta Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirsha beelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qa aday Wasiir ka tirsan Galaha Wasiirada Maam ulkaasi, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxwe ynaha.

Cali Guudlaawe ayaa Xilkii ka qaaday Wasiir Ku Xigeenkii Wasaarada Dib u Heshiisiinta iyo Nabadeynta Maamulka Hirshabeellle Maxamed Cali Xuseen (Geelsuge).

walaalahooda Turkiga, kuwaas oo u soo g

urmaday dadkeenna xilligii adkaa.

Axmed Madoobe oo Xil cu sub u magaa cab ay Marwo Saciido M/Musciid (Wareegto)

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxwe ynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa lagu magic aabay latiyaha cusub Madaxweynaha ee arri maha bulshada.

Axmed Madoobe ayaa u magacaabay Marwo Saciido Maxamed Musciid in ay noqoto latiyaha cusub ee Madaxweynaha kala talineysa arrim aha bulshada, waxa uuna Axmed Madoobe she egay in haweeneydan ku xushay aqoonteeda iyo xirfadeeda.

Halkan ka Akhriso wareegt ada magacaab ista latalaiyah cusub

Xeer Madaxweyne Lr. XM/DG]S/014/2023, kuna saabsan magacaabid lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlada Jubala nd, Cutubkiisa 4aad Qodobka 72aad, Farqada (5aad) e ku aadan awooda

madaxweynaha, ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland.

Wuxuu Madaxweynaha Dowlada Jubaland u magacaabay Marwo Saciido Maxamed Musciid latiyaha Madaxweynaha ee Arimaha bulshada.

Wuxuu Madaxweynuhu Alle uga baryayaa in u marwada la garab galo masuuliyadan culus ee loo igmaday.

Wareegtadani waxay dhaqan galaysaa marka Madaxweynuhu Sixiixo wuuna sixiixay.!

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa me elo kamid ah gudaha dalkaas waxaa ay kudi leen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ku Ganacsata dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Nuur Cabdi ayaa xilliga la dilayay ay Kooxaha Burcadda ah ku weerareen dukaan uu iibinayay oo kuyaalla xaafada Thav esog ee hoostagta degmada soweto ee gobolka Gauteng ee dalkaasi koonfur Afrika.

Ciidamo katirsan Booliska ayaa gaaray halka uu dila ka dhacay, iyaga oo sameyay howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayeen Burcaddii dilka geys atay wallow aysan ku guuleysan inay qabtaan.

Xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaalida oo dhankooda tegay dukaanka lagu dilay muwaa dinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in falka lagu toogtay muwaadinka Soomaa liyeed uu u muuqday fal bahalnimo ah ayna ka walaacsan yihiin.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa si joogto ah loogu dilaa Soomaalida, iyada oo oo Kooxaha Burcada ah mararka qaar ay dhac u geystaan Goobaha Ganacsiga Soomaalida kadib markii ay dilaan.

Somaliland oo go’aano kasoo saartay xaa ladda Magaalada Laas-Caanood

Kadib Wafdi kamid ah Golaha Wasiirada Som aliland ee maalmahan ku sugan magaal ada Laas-Caanood kulamo kala duwana ka waday magaalada ayaa Shalay waxaa ay soo saareen go’aano ku saabsan xaaladda magaalada Laas-Canood iyo sida xal looga gaari karo xaaladaha ka taagan.

Wafdiga Wasiirada ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somal iland Maxamed Kaahin Axmed, kuwaas oo halkaasi u tegay xalka gaarista bannaanb axyadii Rabshadaha-watay ee ka dhacay maga alada Laas-Caanood, kuwaas oo ay ka dha sheen dhimasho iyo dhaawac.

Halkan ka Daawada Go’aannada oo uu Akhrinayo Wasiirka Warfaafinta Saleemaan Cali Koore

Ciidamada dowladda iyo shacabka oo gacanta ku dhigay sarkaal Al-Shabaab ah

Ciidamada dowlada iyo kuwa dadka deegaanka ayaa gacanta kusoo dhigay Sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay howl-gal xoogan kula waree geen deegaa nka Baraag She ekh Caamir oo u dhax eys a Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Gal gaduud.

Sarkaal Shabaabka ah ee ciidamada huwanta gacan ta ku dhigeen ayaa la shee gay in koo xda u qaabilsa naa deegaanka Baraag Sheekh Caamir, waxaana magic iisa lagu sheegay Cabdi Cali-gadiid.

Saraakiil ka tirsan ciidam ada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xilliga la qaban ayay sarkaalka ka tirsan Shbaab uu raashin u waday xubno ka tirsan kooxda.

Ciidankaan oo ka baxay magaalada Masag awaa ayaa sii maray dhowr deegaan oo ay isaga carareen maleeshiyaadkii horay u joogay ee Al-Shabaab, iyaga oo gaaray illaa deega anka Cigo oo ay ku taallo deked macmal ah.

Deegaanada kala ah Dhabaqle, Xuseen-Cagey, Cigo iyo deegaano kale ayaa laga raacdeeyey Al-Shabaab, waxaana Shalay ku sugan ciidama da dowladda.

Deegaanadaan ayaa waxaa mudo dheer maa muleysay kooxda Al-Shabaab, waxaana la she egay in ciidankii ka xoreeyey ay hadda kaa biga ku hayaan magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Intii uu socday howl-galkaan ayaa sidoo kale waxay ciidamadu qabteen dad la sheegay in looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalm ahaan dardar-gelinaya howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidankii xoree yey Shabeellaha Dhexe hadda kaabiga ku haya an Ceel-dheer oo Galgaduud ka tirsan.

Dhanka Mudug waxaa Hobyo, Wisil iyo Baxdo ka soo baxay ciidankii ugu xooga naa oo Dan ab, PSF-ta Puntland, daraawii shta Galmudug iyo xoogagga hubka qaatay ee deegaanka isugu jira, wuxuuna duula ankaas ku jiheysan yahay degmada muhii mka ah ee Xarardheere

Wararkii Ugu Danbeeyay Ruushka Oo Ganta alo Tiro Badan Ku Weeraray Ukraine

Ruushka ayaa gantaalo tiro badan ku weeraray gabi ahaan dalka Ukraine, iyada oo la soo sheegayo gantaal ku habsaday dhismo ku yaallay magaalada Snipro oo bariga dalkaasi ku taalla ay ku dhinteen 12 qof.

Magaalooyinka uu Ruushka gantaalahaasi uu ku duqeeyey waxaa ka mid ah magaalooyin ay ka mid yihiin Kyiv, Kharkiv iyo Odesa.

Dalka Ukraine intiisa badan waxaa hareey eey mugdi kaddib marki ay gantaalaha Ruushka burburiyeen kaabayaasha korontada magaalooyin dhowr ah.

Mar sii horreysayna UK waxay sheegtay tiro Taangiyada ‘Challenger 2’ iney Ukraine u direyso si ay difaaceeda ugu xoojiso.

Ra’iisul wasaaraha UK Rishi Sunak ayaa wuxuu sheegay Tangiyada Challenger ee ay UK sameyso iney Ukraine ka caawinayaan ‘iney ciidamada Ruushka dib u riixdo.’

Ruushkaayaa wuxuu sheegay hub dheeri ah oo Ukraine la siiyo iney ka dhalaneyso howlgal ballaadhan oo ay ciidamada Ruushka qaadaan iyo waxyeello tiro badan oo dadka rayadka soo gaarto

DIYAARAD KU BURBURTAY MEEL U DHOW GAROON KA NEPAL & MEYDAD FARABADAN OO LA HELAY

Diyaarad Rakaab oo ay la socdeen 72 qof ayaa Shalay Shalay ku burburtay Galbe edka caasi mada dalka Nepal ee Kathma ndu. Diyaa radda ayaa ka duushay Caasi madda Dalkaasi waxa yna ku sii jeeday Degmada Pokhara ee loo Dalxiis tago taasi oo 240 KM u jirta Caasima dda Kathm andu ee Dalkaasi

Kooxaha Gurmadka ayaa waxay ilaa haatan heleen meydadka 36 qof oo ka mid ahaa Rakaa bkii la socday Diyaarada burburtay oo nooce edu ahaa ATR-72.

Diyaaradda ayaa waxay ku burburtay Dhul-Kaymo ah ku yaalla Jiinka Webiga Setu Gandik oo u dhexeeya Garoonkii hore ee Duullimaady ada Gudaha (The old domestic Airport) iyo Garoonka Caalamiga ee Pokhara International Airport.

Afhayeen u hadlay Shirkadda Yelti Airlines, Sudarshan Bartaula ayaa sheegay inay Diyaar adda oo aheyd nooca labada Matoor leh ay la socdeen 72 qof, oo ay 68 Rakaab ahaa iyo 4 Shaqaalihii Diyaaradda.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay inay 53 ka mid ah Rakaabka ay u dhasheen dalka Nep al iyo 15 qof oo Ajnabi ah iyo 3 carruur ah.

Ma aha Shilkii Diyaaradeed ee u horeeyey ee ka dhaca dalka Nepal, iyadoo sanadkii 2018-kii, Diyaarad Rakaab oo ka timid dalka Bangladesh ay burburtay, xilli ay ku degi lahayd Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Nepal ee Kathmandu, iyadoo ay ku geeriyoodeen 49 qof oo ka mid ahaa 71-kii qof ee la socday Diyaar

adaasi oo ay lahayd Shirkadda US-Bangla




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip