HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 14-KA JANNAAYO 2023-KA

0
Saturday January 14, 2023 - 08:53:45 in Wararka by
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 14-KA JANNAAYO 2023-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh” Uma dulqaad an karno dhibaatada ay nagu haayaan Al-Shabaab”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay bannaan-baxa bulshada Caasimadda Muqdisho ay kaga soo horjeedaan Al-Shabaab ayaa xusay dhibaatadii ay u geysteen dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay qaraxyadii Ho tel Shaamoow, Hargaha iyo Saamaha, Soobbe1 iyo Soobbe 2, Ex-afgooye iyo kuwo kale oo ay ku dhinteen arday, culimmo, haween, dhakhaatiir iyo haldoor badan oo Soomaaliyeed oo waxtar u lahaa dalkeenna.

"Shabaab waa Kalluun ay biyihii ka gureen, wa xa ay ku dhex dhuumanayeen shacabka Soom aaliyeed, iyagiina waa diideen oo intaas ka badan uma dulqaadan karaan gummaad, baad iyo cabburin. Nimankan Alshabaab ah ilaa aad iska dhiciso kuuma arkayaan dad in aad tahay ee wa xay kuu haystaan badeecad yar oo iyagu leeyihiin in aad tahay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay duruufaha amni ee u gaarka ah Caasi madda Muqdisho iyo dadaalka dowladdu ay ku bixinayso sidii ay nabad iyo xasillooni ugu noolaan lahaayeen bulshada caasimadda ayaa ku boorri yey baraarugga ay muujiyeen ee ka dhan ah Alsh abaab iyo garab istaagga halganka xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Soomaaliye ed iyo dadka Caasimadda in ay la shaqeeyaan laam maha amniga, soona gudbiyaan xogta Al-Shab aabka ku dhex dhuumaaleysanaysa guryahooda iyo ganacsiyadooda, si looga hortago weerarrada ay soo maleegayaan.

Golaha wasiirada oo qaaday tallaabo la xiriirta cunaqabateynta hubka

Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo Shalay ka qabsoomay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah, ayada oo Goluhuna ay meel-mariyeed hindise sharciyeedyo muhiim ah, waxa yna sidoo kale guddi gaar ah u xil-saareen cunaq abateynta hubka ee weli saaran Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyay Ku-simaha Ra’iiisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayada oo ay joogeen inta badan Golaha.

Ugu horreyn xubnaha Golaha Wasiirada Sooma aliya ayaa todobaadkan ansixiyey Hindise Sharciy eedyada kala ah, Dhiirigelinta Maalgashiga, Hind ise Sharciyeedka Hey’adda Xisaabiyaasha Sooma aliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Dhisma ha Hey’ adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale xubnaha Golaha ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cunnada Soomaaliya iyo Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalga shiy ada, si ay usoo aqriyaan, kadibna ay wax ku dar aan, si loo ansixiyo.

Inta uu shirka socday sidoo kale Golaha Wasii rada ayaa guddi gaar ah u saaray xaqiijinta ka saarista Soomaaliya cunaqabateynta hubka oo markale dhowaan Golaha Ammaanka ee Qaram ada Midoobe ay ku kordhiyeen Sooma aliya oo

haatan la dagaalameysa Al-Shabaab.

Golaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhagey stay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaash aandhigga oo ka warbixiyay howolgalladii ugu dambeeyay ka dhacay dalka, gaar ahaan meel aha ay marayaan dadaallada xoreynta dalka ee haatan ka socdo gobollada.

Ugu dambeyn Golaha ayaa boggaadiyey guul aha isdaba joogaa ee laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka, kaas oo lagu jebiyay Al-Shabaab.

Shirka wuxuu todobaadkan kusoo aadayo, aya da oo haatan uu ra’iisul wasaare Xamza booqa sho ku joogo magaalada Qaahira ee dalka Masar, safarkaas oo ay ku welinayaan wasiiro ay ka mid yihiin Arrimaha Dibadda, Waxbarashada iyo sidoo kale Warfaafinta.

Puntland oo sheegtay inay dishay Madixii howlgallada ee Kooxda Daacish

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay dileen madaxii hawlgallada Daacish ee gob olka Bari oo lagu magacaabi jiray Abu-Albara Al Amani kadib dagaal ka dhacay degaano katirsan Gobolka Bari.

Qoraal ka soo baxay Bo oliska Puntland ayaa lagu sheegay in Abu-Albara lagu dilay weerar ay hab een hore kooxda Daacish ku soo qaaday saldhiga de gmada Balidhidiin ee gobolka Bari.

Sidoo kale Warka kasoo baxay Booliska Punt land ayaa waxaa lagu sheegay in Abu Albara Al uu ka soo jeedo gobolka Amxaarada ee dalka Ito obiya, isla markaana Itoobiyaan badan uu ku kha sbay in ay ku biiraan kooxda Daacish ee ka dagaalanta degaannada Puntland.

Laamaha Amniga dowlad Goboleedka Puntl and ayaa horay u dilay Madixii hawlgallada Daac ish Abuu Waliid Al-muhaajir kadib dhaawac kasoo gaaray hawlgal ay ciidamada amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka buuraleyda Calmiskaad, balse Abu Albara loo magacaabay madaxa hawlgallada Daacish Bishii July ee sanadkii 2021.

Habeen ka hor ayaa Xubno katirsan Kooxda Daacish waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Booliska Puntland ku leeyihiin degma da Balidhidin ee Gobolka Bari, waxaana weera rkaas ku dhintay ha askarihalka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Maamulka gobolka Banaadir oo ku dhawaa qay howgal lagu baarayo guryaha magaalada Muqdisho

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaaaadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Ya booh oo warbaahinta la had lay ayaa shaaca ka qaaday in degmooyinka gobolka Ban aadir ay ka bilaaban doonaan howlgalo lagu baarayo guryaha oo lagu raadin aayo xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee ku dhex dhuumanaya magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in tala abadaani ay tahay mid lagu fulinaayo amarkii mad axweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xa san Sheekh Maxamuud ee ahaa in la adkeeyo amaanka magaalada Caasimadda ah ee Mu qdisho.

"Shacabka gobolka Banaadir waa iney u diyaar garoobaan in guri walba la gali doono, si dhilqaha ku dhex jira ama Khawaarijta ku dhex dhuumaneysa ee isku dayeysa inay dadkaas ku dhex noolaadaan aysan noogu dhex nolaan mardambe" ayu yiri guddoomye ku xigeenka amn iga gobolka Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.

Guddoomiye Yabooh ayaa ugu baaqay shac abka reer Muqdisho iney ciidamada amaanka la shaq eeyaan oo aysan dhib u arki howlgalada baaritaan ka guri guriga ah ee dhawaan bilaaban doono.

"Ha u qaadina inay wax cusub tahay, waxaa rabna in isbedel la taaban karo la imaano dhanka amniga, anaga oo hay’adaheena amniga kaashan eyna, guriguri ayaa loo baari doona magaalada, dadkana qofkasta waxa uu yahay, meesha uu ka yimid iyo guriga uu ku nool yahay ayaa la ogaan doona" ayu yiri guddoomiye Maxamed Axmed Diiriye Yabooh.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiye ku xi geenka maamulka gobolka Banaadir ayaa imaan aya, iyadoo Dorraad banaanbaxii ugu balaarnaa oo looga soo horjeedo kooxda Al-shabaab uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Hir-Shabeelle & Safiirada Midowga Yurub & Talya aniga?

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Gudlaawe Hussein ayaa Shalay kulan kula qaatay Mag aalada Muqdisho Safiirka Modowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Tiina Intelmann.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadah adlay Arrimaha amniga, gaar ahaan howlgallada baahsan ee Al-Shabaab looga xureynayo deeg aanada Hirshabeelle oo guulo muhiim ah laga gaaray.

Sidoo kale Kulankaan ayaa sidoo kale looga hadlay kor u qaadida mashaariicda horumarinta iyo muhiimada ay leedahay in deegaanada la xur eeyay laga fuliyo barnaamijyada xasilinta si ay bu lshado u hesho adeegyada aasaasiga ee muh iimka u ah Dowladda.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Hir shabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa Shalay kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka Dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi iyo Ku Xigeenkiisa.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahad lay xalaadaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan amniga, howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle iyo kor u qa adida mashaariicda horumarinta.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay muhii mada ay leedahay in deegaanada la xureeyay kooxda laga fuliyo barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda.

Xog: Al-Shabaab oo ka baxday Xarardheere amar culusna dul-dhigtay shacabka

Wararka aan ka heleyno magaalada Xarardhe ere ee gobolka Mudug waxay sheegayaan in kooxda Al-Shabaab ay faarujisay degmadaas, kadib markii ay ka war heleen in duulaan culus uu uga soo wajahan yahay dhanka Hobyo iyo Wisil.

Al-Shabaab waxay sidoo kale degmada ka saareen dhamaan dadkii ku noolaa, waxayna u kaxeysteen dhulka howdka ah, si ay uga badbaadaan duqeymaha diyaaradaha.

Warkaan sheegaya in Al-Shabaab ay ka baxeen degmada Xarardheere wuxuu soo yeeray iyadoo uu socdo abaabulkii ugu xooganaa oo magaal adaas looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab – Xarardheere ayaa weligeed ku jirtay gacanta Al-Shabaab.

Ciidamada PSF ee Puntland ayaa si rasmi ah ugu biiray gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta gobolka Mudug, xili ay howl-galo culus ka bilaabanayaan deegaanada maamulka Galmudug.

Cutubyo ka tirsan ciidanka PSF oo ku gaasha aman gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo wara maya inay gaareen degmada Hobyo ee gobol kaasi.

Ciidamada PSF ee Putland ayaa xoojinaya ciidamada xooga dalka iyo Daraawiishta Galm udug ee loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo qorshihiisa la diyaariyay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamadan wada-jirka ah ay ku jihaysan yihiin deegaanada koonfurta gobolka Mudug oo ay weli ku harsan yihiin Al-Shabaab, si halkaasi looga saaro cadaw ga, degmada qadiimiga ah ee Xarardheere ayaa u gu horeysa deegaanada uu ku wajahan yahay gulufkaan.

Sidoo kale ciidamada Danab ee xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad u buux dha afiyey magaalooyinka Wisil iyo Hobyo ee gobolka Mudug, halkaas oo saldhig u ah abaabulka lagu xoreynayo dhulka ka maqan Galmudug.

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa hore u sheegtay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shab aab kaga sugan yihiin maamulkaasi, xili ay muddo oyinkii dambe ku jireen diyaar-garowgii u damb eeyay.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa la sheegay inuu hoggaami doono gulufka Al-Shabaab looga xoreynayo Galmudug ee abaabulkiisu uu ka socdo Koonfurta Gobolka Mudug.

Kooxda Al-shabaab ayaa mudooyinkii dambe bilowday inay faarujiyaan deegaanada ay ku su gan yihiin, markii ay ka war helaan in lagu soo waj ahan yahay, ma galaan dagaal is difaacid ah, laa kiin waxay weli awoodaan inay weerar toos ah ku qaadaan xeryaha ciidamada, taas oo dhibaato badan ay ku qabaan ciidamada Soomaaliya.

Agaasimihii Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Oo Is Casilay

Agaasimihii Guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee dowlad Gobole edka Hirs habeelle Maxamed Xasan Kulmiye ayaa ku dhawaaqay inuu Shalay iska casilay xi lkii uu ka haayay Wasaaraddaas oo ahaa Agaasimaha guud.

Qoraal uu soo saaray Maxam ed Kulmiye ayaa waxaa uu ku sheegay inuu go’aansaday inuu iska casilo xilka, wuxuu na xusay in xilligaan aysan mu dneyd in siyaasad iyo ganacsi loo isticmaalin howlaha Gurmadka ah iyo isku xerka mashaa riicda Xasilin.

Agaasimihii Guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale Qoraalkiisa ku sheegay inay jiraan Caqabado badan oo hey sta Wasaaradda, isagoona u mahadceliyay Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Guure oo ay soo wad ashaqeeyeen.

"HirShabelle oo ay ka jirto xaalad adag oo colaad iyo abaarba leh dagaalna kula jirto Alsha bab waxey xilligaan mudneyd inaan siyaadad iyo ganacsi loo isticmaalin howlaha Gurmadka ah iyo isku xerka Mashaariicda Xasilin ee deegaannada mudan loogu tala galay, waxey mudneyd hoggaan sare oo leh Han” uu ummada ugu adeego Dowladdana ku daa-dejiyo” ayuu yiri Maxamed Kulmiye.

Dhinaca kale Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Xuseen Cali Guudlaawe xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda arrimaha gud aha Hirshabeellle Magacaabay Nuur Xasan Sheekh Muuse, kaasi oo bedelaya Maxamed Xasan Kulmiye.

Rag hubeysan oo lagu soo qabtay howlgal ka dhacay Muqdisho

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Shalay gac anta kusoo dhigay rag hubeysan, kadib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan gudaha degmada Heliwaa ee gobolka Bana adir.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa afar nin oo ahaa burcad, kuwaas oo dhac ka geysa nayey degmada Heliwaa, sida uu shaaciyay Bool iska gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in eedeys anayaasha xilliga lasoo qabanayey ay ku howl anaayeen falal amni darro ah, isla-markaana ay dhibaateynayeen shacabka.

Magacyada afarta nin oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa waxaa lagu kala sheegay 1-Maxamed Cabdi Axmed, 2-Maxamed Xasan Cu mar, 3-Axmed Maxamed Maxamuudiyo 4- Cilmi Xaaji Hilowle.

"Kooxdaan oo ka kooban afar ruux rag ah si da idiin muuqata ayaa xiliga lasoo qabanayay ku ji ray falal lidi ku ah Amniga Bulshada, waxaana sidookale lagu soo qabtay hubkoodii ay wateen oo ay ku dhici jireen Shacabka caasimada, iyadoona xili la qabanayay xabado ku furay ciidanka Amaanka ee Howgalka ku jiraym” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Sidoo kale wuxuu talisku sheegay in raggan la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

"Eedeeysanyaashan ayaana la hor geenayaa Hey’adaha kale ee garsoorka si looga qaado tilaabo Sharciga waa faqsan,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska gobolka.

Ugu dambeyn ciidamada Booliska ayaa u mahadceliyay dadka deegaanka oo ay sheegeen inay lasoo wadaageen xogta ragga hubeysan ee lasoo qabtay. Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho, si looga hortago falalka ammaan darrida ah.

‘Awoodda ciidan ee Shabaab sida la moodo ma ahan’ – Jeyte oo shaaciyay xog cusub

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in markii hore uu fikir awood sareysa ka haystay Shabaab ka hor inta uusan la galin dagaalka tooska ah.

Waxa uu sheegay in dagaal-yahanada Shabaab aysan laheyn tababar ciidan iyo xirfad dagaal oo ay ugu babac dhigi karaan dagaal toos ah, hase yeeshe ay xir fadooda u weyn tahay qarax iyo gaadmo.

"Nimanka Shabaab la yiraahdo aniga laftigeyga waa ku qaldana fikirka ka qabay, waxa u haysta niman balo ah oo xeeladaha yaqaan oo bartay qor she ciidan. Meelahaas ayaa lagu soo tababara iyo waxba la sheegi jiray laakiin ma ah kuwa uu aas-aaskooda dhisan yahay,” ayuu yiri.

"Shabaabka dhan waa fikir iyo qarax, waa falsa fad ay dadka ku cadaadinayan, yacni argagax qoorta ayey ka goynayaan oo qofkasta wuxuu ka baqaya si uusan Alle uga baqin. Waxa ku cade ynaya ganacsatada Soomaaliye ed ee lacagaha bixinaysa, sabab? hantidaada ayaa dadkaaga lagu baabinaya.”

Guddoomiye Jeyte ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Shabaab aysan laheyn awood dagaal toos ah ay kula gali karto ciidamada deegaanka, iskaba daa ciidamada millateriga oo ayagu leh tababar sare, sida uu sheegay.

"Ma dhaceyso Shan daqiiqo in jilib dhigaan oo ciidamada Macaawisleyda iskaba daa millateriga, in ay meel god ah galaan oo kasoo xabadeeyaan mooyee, inta banaan yimaadan ma dhici karto inay dagaalamaan.”

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa magac weyn ka sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Sha baab, oo uu ka bilaabay gobolka Hiiraan, kaasi oo sababay in kooxda laga saaro qeybo badan oo kamid gobolkaasi.

Sarkaal ka warbixiyey arrin naxdin leh oo ka dhacday Shabellaha Dhexe

Wararka aan ka heleyno degaanka Biyacadde ee gobolka Shabeellada Dhexe waxay shee gayaan in dad badan ay Shalay ku sumoobeen cuno ay cuneen.

Ugu yaraan 50 qof oo dadka deegaanka ah ayaa sumoobay Shalay, sida uu warbaahinta u sheegay Abaanduulaha Ururka 12-aad guutada 4-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Kabtan Xasan Dhagaweyne.

Sarkaalkaan oo la hadlay Idaacadda Dow ladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dadkii sumoobay uu qaadi waayey isbitaalka deegaanka, isla markaana loo gudbiyey isbitaal ku dhex-yaalla saldhig ay ciidamada ATMIS ku leeyihiin deega ankaas.

"Ilaa hadda ma jirto cid dhimatay, laakiin wax aa jira dad aad u liita oo aan u soo gudbi doono Muqdisho,” ayuu yiri sarkaalkaas oo ka warbix inayey xaalada dadkaas.

Dadkaan ayaa ku sumoobay cunto ay Shalay ka cuneen Maqaayad ku taalla deegaanka Biyaca dde ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna dadka sumoobay u badan yihiin dhalinyaro.

Sidoo kale waxaa ku jira dadka sumoobay gaba dhii laheyd Maqaayada iyo dhammaan carruu rteeda oo laga soo deyrinayo xaaladooda caafi maad.

"Ma garaneyno sababta ay u sumoobeen dad kaan, laakiin dadkaan waxaa in ka badan 15 sano xukumaayey Al-Shabaab oo mar dhow aan ka xor eynay, marka tuhun badan ayaan qabnaa, waana sii baari doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray aba anduulahaan ka tirsan qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Wuxuu sheegay in hadda uu ammaan yahay deegaanka oo Al-shabaab ay si buuxda uga xor eeyeen, balse ay jiraan meelo ay ku tumayaan oo hadda ay doonayaan inay ka howlgalaan.

Caro xoogan oo ka dhalatay arrin ku saabs an Soomaaliya oo lagu lifaaqay Daacish

Magaalada Toronto waxa hadal hayn badan ka dhalatay maamul Iskuul oo calanka kooxda ISIS ku lifaaqay midka Soomaalida, isaga oo u diray qoysas boqolaal gaaraya, kuwaasi oo falka asi ka carooday.

Soomaalida ayaa waxay ka xumaadeen in calankooda lagu xiriiriyo ama lagu xiro midka kooxda ISIS, oo ayadu ka dagaalanta dalal ay kamid yihiin Ciraaq iyo Suuriya.

Guddiga Iskuulada Toronto ayaa sheegay in farriintan oo loo diray illaa 700 qoys, uu ahaa mid aan ujeedo gaar ah laga laheyn balse ku dhacay si qalad ah, sida ay sheegeen. "Markii hore kuma baraarugin calanka ISIS, arrinta Soomaalida ay ka carootay ayaa ah in khariidada Soomaaliya oo ku qoran magaca Soomaaliya lagu lifaaqo kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah,” ayuu yiri mid kamid ah Waalidiinta loo diray farriintan.

Faysal Xasan oo ah Xildhibaan hore uga tirsa naa baarlamaanka gobolka Ontario oo la hadlay VOA ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday Isk uulka ay tahay mid qaldan oo u baahan isla xis aabtan dhab ah.

"Warqadaha ay u direen iyaga oo loo dabaal-degayo dhaqanka, taariikhda & hidaha Sooma alida haddana ay ku lifaaqday Soomaaliya iyo calanka ISIS, taas waxay igu muuqata inay tahay cunsurinimo lagu xumeynayo waalidiinta iyo ard eyda. Gobolka iyo Iskuulka waa in ay tallaabo ka qaadan macalimiinta ama ciddii ka dambeysay,” ayuu yiri.

"Waxaa soo jeedin lahaa in Waalidiinta warq ado noocaan oo kale ah la idin soo diro noo ke ena, nala soo socodsiiya. Waxa loo baahan yahay in laga hortago waxyaabahan oo kale.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa "Ururka argagi xisada ee ISIS iyo Soomaalida wax shaqo ah iskuma laha marnaba.”

Arrintan ay sida weyn uga caroodeen Soom aalida dalka Canada, gaar ahaan Toronto ayaa waxa cudur daar ka bixiyay Iskuulkii farriinta u diray waalidiinta Soomaaliyeed, kadib xiisada ka dhalatay.

Xildhibaannada gobolada Sool, Buuhoodle iyo degmooyinka hoos yimaada oo baaq soo saaray

Xildhibaannada gobolada bariga Somaliland, ayaa sheegay in ay ka shaqaynayaan wax ka qab ashada qalalasaha Laascaanood, isla markaana waxay kasoo horjeesteen baaqii qaar kamid ah odayaashu dhawaan soo saareen.

Xildhibaannadan oo isugu jira kuwa golaha wakiilada ee gobolada Sool iyo Buuhoodle iyo xildhibaannada golayaasha deegaanka ee degm admooyinka Laascaanood,Taleex, Xudun iyo Buu hoodle ayaa tacsi u diray dadkii ku wax yeeloobay qalalaasihii Laascaanood.

Waxay sheegeen in ay shacabka la qabaan dhaliilaha loo jeedinayo xukuumada Somaliland, marka ay noqoto sidii ay uga falcelisay mudahara adyadii, iyo dadkii masuuliyiinta u badnaa ee magaalada lagu laayay.

Waxa ay sheegeen in gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay ka tirsanyihiin Somaliland, isla markaana shacabka ku nooli ay leeyihiin xuquuq lamid ah ta shacabka kale ee Somaliland, waxay dhinaca kale sheegeen in ay soo dhawaynayaan in xukuumadu qaadato masuuliyada dadkii dhi ntay.

Ciidamada amaanka ayay usoo jeediyeen in ay ka dheeraadaan ficilkasta oo shacabka dhibaa to u keenaya, sidookalena shacabka ayay uga dig een in ay sameeyaan ficilo keeni kara in dhibaato soo gaadho.

Baaqii qaar kamid ah odayaasha gobolka Sool soo saareen ee ku aadana in ciidanku ka baxo go bolka ayay ku tilmaameen wax aan suuragal ah ayn "Ciidanku waxa uu joogaa dhulkiisii cid xag u gu lihina ma jirto ha habaxo". Waxay sheegeen in ay iyagu ka shaqayn doonaan hagaajinta salluug kasta oo bulshadu qabto.

Sidookale, waxay digniin u direen dad ay shee geen in ay ka shaqaynayaan qallalaase abuur, waxay sheegeen in ay dad gaar ahi siy aas zad aynayaan arrinta amniga Laascaanood.

Waxa kale oo ay sheegeen in ay soo dhaway nay aan shirwayne ay iskugu yimadaan beelaha gob olku, si xal buuxa loogu helo dhibaatada taagan, waxa kale oo ay dhamaan isimada dha qanka deegaanadan ugu baaqeen in ay Laas caanood yimaadaan.

Xeer Ilaaliyaha Maraykanka oo magcaabay qareen baaris ku sameeya Joe Biden

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Maraykanka Me rrick Garland ayaa Khamiistii wuxuu magcaabay sarkaal baaris ku sameeya ‘sida ay waraaqo sir ah oo dawladdu leedahay loogu kaydiyey’ xafiiskii hore ee madaxweyne Joe Biden uu ku lahaa Washington iyo weliba xafiiskiisa kale ee ku yaalla gobolka Delaware ee uu ka soo jeedo.

Xeer ilaaliyaha guud oo ah sarkaalka ugu sarree ya ee qaabilsan fulinta sharciga Maraykanka, ayaa u magcaabay dacwad-ooge Robert Hur, oo hore u ahaan jiray dacwad oogaha dawladda dhe xe ee gobolka Maryland, inuu hoggaamiyo baadhit aanka lagu samaynayo waraaqaha sirta ah ee la helay.

Go’aanka xeer ilaaliyaha guud ayaa daba soc day, isaga oo hore qareen gaar ah oo lagu magca abo Jack Smith u magcaabay inuu baadhitaan kan la mid ah ku sameeyo madaxweynihii hore ee Donald Trump.

Donald Trump ayaa hore ugu guuldaraystay inuu xafiiska diiwaanka qaranka dib ugu soo celiyo waraaqo sir ahaa oo xasaasi ahaa, sida uu dhiga yo sharciga Maraykanku, ka dib markii uu xilka ka tegey, hase ahaatee waraaqahaas ayaa markii da mbe waxay FBI-du ka soo qaadeen gurigiisa raax ada ee ku yaalla gobolka Florida.

Mareykanka oo 10 Milyan dul-dhigay Sarkaal katirsan Al-Shabaab

Mareykanka ayaa ku dhawaaqaya abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo doollar ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Abdi Aaden iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii hotel DusitD2 ee 2019-kii, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 qof oo uu ku jiray muwa adin Mareykan ah.

Agaasimaha Waaxda Demb i-baarista ee DCI ee Kenya Amiin Maxamed Ibraahim iyo Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya Meg Whitman oo shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay xarunta Dembi-baarista Ke nya ayaa ku dhiirrageliyay dadweynaha inay lasoo xiriiran hay’adaha ammaanka haddii ay hayaan ama ay helaan xogta iyo muuqaalka ‘eedeysane’ Maxamuud Cabdi Aden.

"Waxaan Shalay ku dhawaaqayaa abaal-marin lacageed oo dhan 10 milyan oo dollar ciddii ke enta xog lagu soo xiro Maxamuud Cabdi Aadan iyo kooxdii ka caawisay ama gacanta ka geysatay weerarkii hotel DusitD2” ayay tiri safiirka Mare ykanka ee Kenya Meg Whitman.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda we erarkii 15-kii Janaayo, 2019 ee dhismaha hoteelka DusitD2, oo socday ku dhawaad 20 saacadood, taas oo ay ku dhinteen ugu yaraaan 21 qof, oo uu ku jiro muwaadin Mareykan ah.

Dowladda Uganda oo xirtay Nin doonayay in uu is qarxiyo

Afhayeenka Booliska Magaalada Kampala, Pat rick Onyango waxa uu sheegay in la qabtay Ee deysane ka tirsan Maleeshiyada Hubeysan ee Isb ahaysiga Ciiddamada Dimuqraadiga ee wada shaqaynta kala dhexeyso Kooxda Daacish.

Afhayeenka oo Suxufiyiin ta Dorraad kula hadlay M/ Ka mpala waxa uu xusay inay Dabagal ku hayeen Koox lagu tuhunsan yahay inay yihiin Is-qarxiyayaal tan iyo bishii November ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Waxa uu intaasi ku daray in Eedeysanayaa sha dusha lagala socday Guryo ay ka kireysteen Deegaanka Kigagga ee M/Kampala.

Afhayeenka waxa uu xusay inay Hal Eedeysane ka soo qabteen Guriga, iyadoo ay Baarayaasha soo heleen Qalab uu ka mid ahaa kuwa laga far sameeyey Qaraxyada, waa sida uu Hadalka u dhigaye.

Muddadii uu socday Hawlgalkaasi oo ay si Wa dajir ah u fuliyeen Hay’adaha Ammaanka Uganda waxay ku soo heleen 3 Khasnadaha Rasaasta ee Qoryaha darandooriga u dhaca , 88 xabadaha isla qoryahaasi, 88 rasaasta Bistoolada nooca (Star Pistols), 2 Bistoolad kale ee nooca gudaha lagu farsameeyey iyo tiro badan ee qalabka laga farsameeyo Bambooyinka.

Saraakiil ka socotay Waaxda Dembi-baarista Booliska Uganda ayaa diiwaan geliyey Muuqaal ka Qalab Dembiyeedka laga helay Guriga lagu soo qabtay Eedeysanaha iyo Caddaymo kasta oo Dembi-baarayaasha ka taageeraan karta inay soo heleen Eedeysanayaal kale oo badan, si loogu gudbiyo Maxkamadda.

Qof deris dhow la ah Guriga Eedeysanaha laga soo qabtay oo magaciisa u qariyey sababo dhan ka Amaanka ayaa sheegay in Eedeysan aha la xir ay uu kireystay 2 lol sanadkii hore, balse uu 2 bil ood keliya joogay Guriga.

Guddoomiyaha Xaafadda, Philip Lubego waxa uu sheegay inuusan weligiisa arkin Eedeys anaha, balse, loo sheegay inay Eedeysanaha iyo Saaxiib adiisa ay Guriga ima an jireen xilli yada habeenkii, kana laaban jireen.

Waxa uu intaasi ku daray inuu u yeeray Hawee neyda leh Guriga, oo uu weydiiyey haddii ay aqo on leedahay Ragga ay Guriga ka kireystay iyo qa labka ay u siiyaan Lacagta kirada.

Dhanka kale, Afhayeenka Boliska M/Ka mpala, Patrick Onyango waxa uu xusay in Eede ysanaha la qabtay lagu soo oogi doono dacw ado la xiriira waxa uu ugu yeeray Argagix isonimo.

Ilo-wareedyo ku dhow Baarayaasha Boliska Uganda oo la hadlay Wargeyska Maalinlaha ee The Daily Monitor ayaa sheegay in mid ka mid Eedeysanayaasha tirsan Maleeshiyada hubeysan ee ADF oo Kiis Argagixiso loo qabtay sanadkii ho re iu Baarayaasha u fududeeyey in la tago Guriga lagu soo qabtay Eedeysanaha kale iyo Hubka iyo qalabka laga farsameeyo qarxyada.

Baaritaanada hordhaca ee Boliska waxay muujin ayaan in Eedeysanaha fulin lahaa Weerarka Is-qa rxinta waxa uu beegsan lahaa Saraakiisha Dowl adda ee kolonyada ku socda, xubnaha ka tirsan Hay’adaha Amaanka iyo goobaha ay ka jiraan Ciriiriga badan (High traffic jams).

Kooxda hubeysan ee Isbahaysiga Ciidamada Dimuqraadiga (ADF) ee ka dagaalanta inta badan Galbeedka Uganda waxaa la asaasay sanadihii 1990-aadkii waxayna weeraro iyo qaraxyo la ge ystaan Deegaanada xuduudka ee Galbeedka dal kaasi.Ololaha weerarkooda waxaa laga xusi karaa we erar ay Kooxda ADF bishii June 8-dii ee sanadkii 1998-diiI ka geysteen Machadka Farsamada Gac anta ee Kichwamba Technical Institute ee Degm ada Kabarole ee dalkaasi, waxayna Maleeshiyada Nolosha ku gudbeen 80 Arday, halka ku-dhawaad 100 kalena ay horey u sii qafaasheen.

Si kastaba ha ahaatee, Kooxda hubeysan ee Isba haysiga Ciiddamada Dimuqraadiga (ADF) waxay ku biireen Kooxda Daacish-ta Gobalka Afrikada Dhexe (the Islamic State in Central

Africa Province (ISCAP) sanadkii 2019-kii.

Gabar Uu Dhalay Madaxweyne Hore Oo Iran Ah Oo La Xukumay

Faezeh Hashemi, oo 60 jir ah u dooda xuquu qda Dumarka horena u aheyd xildhibaan ayaa la xiray bishii September ee sanadkii hore ka dib ma rkii ay dhiirigalisay in Iraaniyiinta ay ka qeybq aataan bannaanbaxyada ka dhanka ah dowladda .

Waxaa lagu eedeeyey in ay kicin wadday.

Qareenkeeda Neda Shams ayaa sheegtay in la xukuma y mar ay qoraal gaaban soo dhigtay barteeda twitter-ka mase aanay bixin faahfaahin dheeraad ah.

" ma aha wax sax ah in aan ka hadlo waayo waxaan ka fiirsanayaa in xukunkan aanu aheyn kii ugu dambeeyey. Macmiilkeyga weli xabsiga ayey ku jirtaa waxaana jira kiisas kale oo iyada ka horjeeda” ayey tiri.

Gabadhan oo uu dhalay Madaxweyne hore oo Iran ah, Akbar Hashimi Rafsanjani ayaa aad u dha liisha kooxaha ciidamada ah ee Ilaalada kacaanka ee dalka Iran., marar badan ayeyna ka hadashay.

Hore waxay u soo dhammeysatay lix bilood oo xarig ah sanadkii 2012 iyadoo lagu helay waxa la gu tilmaamay dacaayad ay ka faafisay maamulka iyadoo lala xiriiriyey in ay taageeraty bannaanba xyo kuwaas oo ka dhashay murankii doorashoo yinkii madaxtinimada saddex sano ka hore.

Askarta Israa’iil Oo Toogtay Aabbe, Xilli Uu Doonayey Inuu Wiilkiisa Ka Badbaadiyo

Wasaaradda Caafimaadka ee Maamulka Fala stiin ayaa waxay sheegtay inay Askarta Israel ay khamiistii Dorraad toogasho ku dileen Aabbe Fala stiini ah oo ku sugnaa Xerada Qaxootiga ee dee gaanka Qallandiya oo dhanka Waqooyi kaga too san magaalada Quddusta La-hayato.

Aabbaha la dilay ayaa wa xaa lagu magacaabi jirey Sa miir Awni Xarbi Aslan oo 41 jir ahaa, kaasi oo u geeriyo oday rasaas ay Askarta Isra’el kaga dhufteen Laabta.

Wakaallada Wararka Falastiin ee WAFA ayaa waxay sheegtay in Marxu umka la dilay, xilli uu doo nayey inuu Wiilkiisa ka ba dbaadiyo Askarta Israel oo kaxayn lahayd.

Dhanka kale, Askarta Israel dileen waxay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay dileen 3 Muwaadin oo Reer Falastiin ah. Arbacadii ayey ahayd markii ay dileen Marxuumiinta lagu kala magacaabi jirey Axmed Amiir Abu Janayd oo 21 jir ahaa iyo Sanad Maxamed Samasra oo 19 jir ahaa.

Sanadkii hore, Tirada Guud ee ay Askarta Israel dileen waxay gaarayaan 224 qof oo Falasti iniyiin ah, kuwaasi oo 59 ka mid ah lagu dilay M/Je niin ee WAqooyiga Daanta Galbeed ee Dhulalka La-haysto ee Falastiin.

Mareykanka oo ku dhawaaqay go’aan cusub oo la xiriira Soomaali ku sugan dalkiisa

Xoghayaha Amniga Gudaha ee Dowladda Mar aykanka Alejandro N.Mayorkas ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in dadka Soomaalida ah ee aan sharciga ku lahayn Maraykanka ay sii joogi karaan 18 bilood oo kale. Kordhinta joogitaankooda ayaa ka billaaban eysa bisha Maarso 18-keeda 2023, waxayna ku egtay bisha September 17-keeda ee sannadka soo socoda ee 2024, sida uu sheegay.

Xoghayaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya mar kale loo asteeyey inay tahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay.

"Mareykanku wuxuu awood u yeelan doonaa inuu gabbaad ilaalin ah siiyo Soomaalida. Colaada ha iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee socda, oo ay wehliyaan musiibooyinka dabiiciga ah, cud urrada, saameynta argagixisada, dambiyada, rab shadaha iyo dagaallada u dhexeeya maleeshiyo beeleedyada awgood ma awoodi karaan inay ku laabta an dalkooda,” ayuu yiri xogha ye Mayorkas.

Dadkaasi joogitaanka loo ko rdhiyey ayaa lagu magacaabaa "in ay haystaan xa alad joogitaan oo kumeel-gaar ah ama Temporary Protected Status (TPS).”

Tallaabadan ayaa u ogolaanaysa ku dhawaad 430 oo qof inay ka faa’iidaystaan oo ay sii joogaan Maraykanka tan iyo Sebtembar 17, 2024, haddii ay buuxiiyaan shuruudaha sharcigan.

Dowladda Mareykanka ayaa lagu wadaa in dha waan shaacin doonta shuruudaha sharcigaan, aya da oo sharraxaad dheeraad ah ka bixin doonto.

Al-Shabaab oo qarax ku dishay Injineero u shaqeynayey KENYA

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday qarax miino oo ay Al-Sha baab ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Waqo oyi Bari ee dalka Kenya, kaas oo sababay khasa are dhimasho, dhaawac iyo burbur xoogan.

Qaraxa oo ka dhacay deegaan u dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa lala beeg saday Shaqa ale iyo Injineero ka tirsan hay’adda waddooyin ka, xilli ay kusii jeedeen mag aalada Bura, halkaas oo uu ka socda dhimsha waddada tare enka ee isku xireysa dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu halee lay gaari ay la socdeen shaqaalahaasi, waxaana goobta ku dhintay afar qof oo saddex kamid ah ay ahayeen Injineerada ku howlanaa dhismaha wadd ada, kuwaas oo xilligaas waday howlo kormeer ah, sida uu shaaciyay Booliska Kenya.

Mid kamid ah saraakiisha laamaha ammaan ka ee dowladda dalka Kenya oo ka hadlay dhac dadaasi ayaa sheegay in qaraxa lagu weeraraday kolonyo ay la socdeen shaqaalaha, wuxuuna xaqi ijiyay dhimashada afarta qof oo ay ku jiraan Injin eeradii waday dhismahaasi.

"Gaari ay la socdeen afar ka mid ah shaqaal aha hay’adda waddooyinka Kenya ayaa lagu wee raray qarax miino, dhammaan afarta qof ayaa isla goobta ku dhintay,” ayuu yiri John Otieno oo ah sarkaal ka tirsan dowlada Kenya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay bax sadeen dableyda weerarkan fulisay, balse ay haa tan ku daba jiraan ciidamada ammaanka ee wad danka Kenya.

Sarkaalkan oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaad ay in weerarkan uusan wax saameyn ah ku yeelan dhaq-dhaqaaqa iyo howlaha ka socda halkaasi.

Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay kordhis ay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, waxay na aheynd bishii December markii ay weerar kan lamid ah ku dishay laba sarkaal oo ka tirsanaa cii damada Kenya, kaas oo ka dhacay isla deega anka Shalay la weeraray.

Si kastaba, dowladda Kenya ayaa qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya, waxayna ciidamadeeda ka howlgalaan gobollada Jubbo oyinka iyo Gedo ee maamulka Jubbaland.

IMISA DAL AYEY SOMALIA UGA SARE MARTAY LIISKA CUSUB EE AWOODDA MILITERIGA CAALAMKA?

Shirkadda daraaseysa arrimaha militeriga ayaa soo saartay liiska cusub ee sanadkan ay ku qiimey say awoodda militeriga ee waddamada caalamka. So omaaliya ayaa soo gashay boos ka duwan kii ay ku ji rtay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Warbixinta shirkadda Globalfir epower waxay ku saleysan tahay xogta la heli ka ro ee dalalka ay u kuurgashay.

Bogga ay internet-ka ku lee dahay shirkaddan ayaa dhaw aan lagu sheegay in ilaa 60 arrimood loo cusaday soo saarista natiijada ugu da mbeysa ee lagu soo ban dhigo sida ay dalalka ugu kala awood badan yihiin dhinaca militeriga.

Isbeddel aad u weyn ayaa ka muuqda kaalmaha u gu sarreeya ee liiska iyadoo sida guud ay wadda mobadan sameeyeen horumar halka qaar kalena ay hoos u dhaceen.

Tobanka waddan ee ugu sarreeya ayaa ka du wan kuwii liiska soo galay sanadkii lasoo dhaafay ee 2022.

Tobanka dal ee ugu awoodda badan caalamka

Marka laga soo tago afarta dal ee sanad walba haya hog gaanka (Mareykanka, Ruush ka, Shiinaha, Hindiya), waxaa 2023-ka waxaa hoos u dha cay Japan oo soo gashay kaalinta 9-aad, iyadoo san adkii hore ku jirtay kaalinta 4-aad.

Pakistan oo booska 9-aad kasoo dalacday ayaa had ku jirta booska7-aad oo ay ka baxsatay Faransiska

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Ingiriiska oo sanadkii hore ku jiray kaalinta 8-aad uu hadda sare u gu soo kacay kaalinta 5-aad.

Liiskan cusub ayey dalalka ugu sarreeya isugu xig aan sidan:

Mareykanka,Ruushka,Shiinaha,Hindiya,Ingiriiska,Kuuriyada Koonfureed

Pakistan,Japan,Faransiiska,Talyaaniga,Turkiga oo 2022-kii ku jiray kaalinta 13-aad ayaa sanadkan sameeyay horumar aan sidaas usii weyneyn, waxa uuna soo galay kaalinta 11-aad.

Isku darka 145 waddan ayaa lagu soo bandhigay liis kan oo lasoo saaro billowga sanad walba.

Soomaaliya

Sannadihii lasoo dhaafay Soomaaliya waxay ahayd dalka militeri ahaan ugu awood da yar qaaradda Afrika. Kosovo iyo Iceland oo keliya ayaa ka ho oseeyay dhinaca dunida.

Inkastoo ay labadii dal ee ka awoodda yaraa Soom aaliya (Iceland iyo Kosovo), ka sare mareen sanad kan waxaa jira dhowr waddan oo hadda hoos u dhac ay ayna ka horreyso Soomaaliy, sida ka muuqata liis ka.

Saddex dal oo ay hoggaamineyso Soomaaliya ay aa kala ah Maldova oo ku yaalla qaaradda Yurub, Be nin oo ku yaalla Galbeedka Afrika iyo Bhutan oo ku yaalla Koonfurta qaaradda Aasiya.

Soomaaliya ayaa booska 142-aad uga jirta liiska, celcelis ahaanna waxay sanadkan sameysay hoos u dhac marka la eego dalalkii ka hooseeyay ee ka sare maray hadda.

Awoodda militeri ee Soomaaliya

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargey ska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,368,248.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,848,837 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud. 1,709,302 oo qof ayaa aw ood buuxda u leh in ay ka mid noqdaan ciidanka. San ad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biir aan waa 123,862 qof. Tirada ciidanka milatariga Soo maaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.

Isha: BBC

Maxkamadda Sri Lanka oo ku amartay madax weynihii hore & 4 Sarkaal oo hore inay mag dhow siiyaan dadkii ku dhintay weerarradii Easter-ka ee 2019-kii.

Maxkamadda sare ee dalka Sri Lanka ayaa ku amartay madaxweynihii hore Maithripala Sirisena iyo afar sarkaal oo hore inay magdhow siiyaan dadkii ku dhintay weerarradii Easter-ka ee 2019-kii.

Maxkamaddu waxay sheegtay inay ku xad-gudbeen xuquuqda dadka muwaadiniinta ah iya goo ku guul-darreystay inay ka hortaga an qaraxyada.

inkastoo xilligaasi la helay xog she egaysa in weerar uu ku soo wajahan ya hay ayey hadana muu qatay feejignaan la’aan xagga dowladda ah.

Mr Siresena ayaa lagu xukumay inuu bixiyo ku dhawaad 273,000 ​​oo dollar.

Dadka kale ee la amray in ay bixiya an ayaa wax aa ku jira taliyayaashii xiligaasi ee booli ska iyo sird oonka Sri Lanka.

In ka badan laba boqol iyo lixdan qof ayaa lagu dilay weerarradaas.

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog oo Dorraad ku casuumay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Er dogan inuu booqasho ku yimaado dalkaasi

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa Arbac adii Dorraad ku casuumay dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu booqasho ku yimaado dalkaasi, xilli uu qaabbilay ay safiirka cusub ee Ankara, taasoo calaamad kale u ah xiriirka dalalkaasi oo dhawaa nahan soo wanaagsanaanayay.

Sannadkii lasoo dhaafay, Herzog, ayaa ahaa hog gaamiyihii ugu horreeyay ee Israa’iil oo booqasho ku taga Turkiga tan iyo 2008-dii, kadib markii ay la bada dal billaabeen inay soo celiyaan xiriirkooda, so ona afjaraan khilaaf diblomaasiyadeed oo soo jiita mayay in ka badan 10 sanno.

Labadan dal ayaa ku heshiiyay inay si wadajir ah u magacaabaan safiirro bishii Ogosto. Ra’iisul Was aaraha Isr ael Benjamin Netanyahu ayaa ku guuleys tay doorashadii Novem ber, wax ayna isaga iyo Erdogan ku heshi iyeen inay sii wanaajiyaan xirii rka.

"Waxaan hubaa inaan dham maanteen ka shaqe yn doonno xoojinta xiriirka dalalkan,” ayuu yiri Her zog. Ku soo laabashada Netanyahu ee xuku nka Isr ael ayaa kicisay Falastiiniyiinta iyo xulafada reer gal beedka iyo Carabta kuwaas oo ka cabsi qaba inay sa re u qaaddo xiisadda Bariga Dhexe.

Turkiga ayaa todobaadkii hore ku biiray dowladi hii cambaareysay booqashadii wasiirka amniga qa ranka Israa’iil ee midigta-fog, Itamar Ben-Gvir, uu ku tagay dhismaha masjidka Al Aqsa ee magaalada Qudus.Reuters

Daacish oo sheegatay Is-qarxintii ka dhac day magaalladda Kabul

Maleeshiyada Maxaliga ee Daacish-ta dalka Afghanistan ee loo yaqaano ISIS Khorasan ayaa she egtay inay ka dambeeyeen Weerarkii Is-qarxinta ah aa ee Dorraad Shalay ka dhacay afaafka hore ee Dhis maha Xarunta Dhexe ee Wasa aradda Arrimaha Dibedda oo ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Kabul.

Qoraal ay Kooxda Daacish-ta Af ghanistan soo dhigeen Wakaalladooda Warar ka ee AMAQ iyo bartooda Teleg ram waxay ku sheegeen in Qaraxaasi lagu dilay ugu yaraan 20 qof oo ay ku jireen dhowr sha qaale Diplomasiyadeed (several Dipl omatic employees).Balse, Afhayeenka Boliska magaalladda Kabul, Kh aalid Zadran waxa uu sheegay inay 5 qof oo Rayid ahaa ku geeriyoodeen Qaraxaasi, halka ay dhowr kalena ku dhaawacmeen.

Qalinka: @Ustaad Nuradin Page

Maxay tahay sababta madaxweyne Putin xil kii u ga qaaday taliyihii ciidamdiisa ee Ukrai ne?

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa xilkii ka xayuu biyay taliyihii ugu sareeyay ciidamada Ruushka ee dalka Ukraine saddex bilood uun kadib markii xilkaas loo agacaabay .

Taliyaha guud ee ciidamada General Valery Ger asimov ayaa hadda hoggaamin doona waxa uu Mr Putin ku tilmaamay "howlgal milatari oo gaar ah".

Gen Gerasimov ayaa bedelay Sergei Surovikin kaas oo kormeeray weeraradii arxan darada ahaa ee dhawaan lagu qa aday kaabayaasha tamarta ee UkraIne.

Isku shaandhayntan ayaa ku soo beegmaysa iya doo Ruushku uu sheegay in ay horumar ka samayn ayaan bariga Ukraine ka dib markii ay bilihii la soo dhaafay la kulmeen guuldarooyin is daba joog ah oo militari.

Ruushka ayaa duulaanka ku qaaday Ukraine 24-kii Febraayo sanadkii la soo dhaafay. Gen Gerasi mov, oo xilka hayay tan iyo 2012, ayaa ah madaxa guud ee Ruushka ee ugu waqtiga dheeraa xilligii Soviet-ka kadib.

Gen Surovikin - oo hadda ku xigeenkiisa ah – ay aa loogu magac daray "General Armagedd oon" sab abtoo ah xeeladihiisa arxan darada ah ee dagaaladii hore, oo ay ku jiraan hawlgallada Ruushka ee Suuri ya iyo duqaym aha culus ee magaalada Xalab ay ka gaysteen. Wax yar ka dib markii loo magacaabay in uu hogaamiyo hawlgalka bishii Oktoobar, Ruushku wuxuu bilaabay ololihiisa uu ku burburinayo kaabaya asha tamarta ee Ukraine, taasoo horseeday in mal aayiin rayid ah oo reer Ukraine ah ay waaya an ade egyada koronto iyo biyaha.

Waxa uu sidoo kale kormeeray ka bixitaanka Ruushka ee magaalada koonfureed ee Kherson – taasi oo noqtay guul weyn oo u soo hoyatay Ukraine.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in go’aanka lagu beddelay Gen Surovikin looga golle eyahay in la abaabulo "xiriir dhow oo dhexmara qay baha kala duwan ee ciidamada qalabka sida iyo horu marinta tayada iyo waxtarka maamulka ciidamada Ruushka".

Balse tallaabadan ayaa dadka qaar ay u arkeen inay muujineyso inuu awood badan yeeshay.

"Maadaama uu yahay taliyaha ciidamada ee Ukraine, Surovikin waxa uu noqday mid aad u awood badan, waxaana ay u badan tahay in uu hareer maray [Wasi irka Difaaca Ruushka Sergei] ," Falanqeeyaha arrima ha militariga Rob Lee ayaa sidaa ku soo qoray bart iisa Twitter-ka

Qaar ka mid ah dadka wax ka qora milateriga Ru ushka ee sida aadka ah u taageera dagaalka balse si joogta ah u dhaleeceeya qaabka uu dagaalka u so cdo ayaa si weyn u dhaleeceeyay hoggaanka ciid amada Ruushka oo uu ku jiro madaxa cusub ee howl galka gaarka ah Gen Gerasimov.

Ku dhawaaqistiisa ayaa ku soo beegantay iyadoo uu dagaalku ka socdo Soledar.

Kala duwanaanshaha muuqda ee sheekada ras miga ah ee Ruushka ee ku xeeran dhacdooyinkii ugu dam b]eeyay ee agagaarka Soledar ayaa si malda han u ah kala qaybsanaanta hoggaanka millatariga dalka, gaar ahaan kooxda Wagner iyo wasaaradda gaasha andhigga.

Dhankiisa, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa beeniyay in Soledar looga guulaystay

"Dawladda argagixisada ah iyo dadka dacaay adaha beenta ah wada waxay isku dayayaan inay iska dhig aan" inay guulo ka gaareen Sole dar, Mr Zelensky ay aa khudbadi isa habeelaha ah ku sheegay Arbacadii, "laakin dagaalku wuu sii socdaa".

"Waxaan sameynaa wax walba, anagoo aan joojin

hal maalin, si aan u xoojino difaaca Ukraine. Awoo deena ayaa sii kordheysa," ayuu raaciyay. Shirkadda Maxar ee Tiknoolojiyadda ee fadhig eedu yahay dal ka Mareykanka ayaa daabacday sawirrada Soledar bilihii Ogosto iyo horraantii Janaayo, taasoo muujine ysa baaxadda burbur ka dagaalladiidhowaan dhacay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip