Saddex arrin ka ogow heshiiska dayax gacmeedka ee Jabuuti iyo Hong Kong

0
Wednesday January 11, 2023 - 21:50:16 in Wararka by
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex arrin ka ogow heshiiska dayax gacmeedka ee Jabuuti iyo Hong Kong

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Dawladaha Jabuuti iyo shirkada srrimaha hawada sare iyo teknolojiddaee Hong Kong ayaa kala saxiiday heshiis mashruuc kaas oo lagu dhisayo xarun weyn oo laga diri doono dayax gacmeedyada iyo gantaalaha dayax gacmeedyada qaada.

Dayax gacmeed

Muxuu yahay mashruucani?

Mashruucan waa kii ugu weynaa noociisan oo kale ee laga hir galiyo Afrika iyo bariga dhexe waanaba midka kali ah. Sida uu sharraxay danjiraha Jabuuti u fadhiya Shiinaha Abdillahi Mukiil, Jabuuti waxay noqon doontaa dalka 7-aad ee adduunka oo dhan leh meel sidan oo kale ah oo laga gano gantaallada iyo dayax gacmeedyada.

Waxuu mashruucani ka koobnaan doonaa dekad, waddo weyn iyo toddobo xarumood oo loo adeegsan doono tijaabinta iyo dirista dayax gacmeedyada, "Mashruuca waxaa sidoo kale ka mid ah dekad, waddo laami ah oo weyn oo heer calami ah taas oo laga dhisi doono waqooyiga gobolka Obokh si loo marsiiyo alaabta lagu dhisayo xaruntan dayax gacmeedyada” ayuu yiri madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle sida ay qortay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Sida uu BBC-da u sheegay danjire Cabdullahi, mashruucan waxay dowladda Shiinaha doonaysay inay ka hirgeliso waddamma kale balse halka ay Jabuuti ku taal oo ah "meel istiraatiiji ah marka la eego xariiqinta dhul baraha adduunka ayuu Shiinuhu ku doortay in laga dhiso xaruntan Jabuuti” ayuu yiri.

Meelaha laga diro dayax gacmeedyada ee adduunka ayaa ku kala yaal Maraykanka, Shiinaha, Ruushka, Japan, Hindiya iyo mid ku yaalla Yurub taas oo ka dhigan Jabuuti in ay noqon doonto xaruntii toddobaad adduunka dhan shaqadan qabata.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil cumar Geelle

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Mashruucan ayuu danjire Cabdullaahi ku tilmaamay mid ka turjumaya argtida madaxweynaha Jabuuti oo asagu horaan ku amray wasiirka waxbarshada sare iyo cilmi baarista inuu sameeyo dayax gacmeedyo yaryar si Jabuuti ay uga muuqato saaxada adduunka,balse maanta "waxaa yimiday wixiiba wax ka weyn” ayuu yiri danjire Cabdullaahi

Maamulka iyo lacagta ku baxaysa mashruuca

Markabka diyaaradaha qaada

Waxaa ku kacaya mashruucan lacag hal bilyan oo doollar ah taas oo dhammaanteed ah maalgalin dibadeed sida uu sheegay danjire Cabdullaahi, "mashruucani horta waxaa weeyaan mashruuc qiimo ku kici doona bilyan doolar, waxuu socon doona laga bilaabo 2023-ka illaa 2027.”

Sida laga soo xigtay madaxweyne Geelle, waxaa heshiiska ka mid ah in muddo 30 sano ka dib ah si buuxda Jabuuti loogu wareejin doono maamulka xaruntan inta ka horreysana ay labada waddan si wadajir ah u maamuli doonaan.

"Mashruucani wuxuu noqon doona mashruuc say u dhanathay maal galinteedu ay dibadda ka imaanayso, waa mashruuc aanay Jabuuti hal faran Jabuuti ah xataa anay galinayn oo aanay wax amah ah soo qaadanayn” ayuu ku sii darsaday hadalka.

Goormay hawl galaysaa xaruntani?

Khariiradda Jabuuti

Dhismaha xarunta ayaa socon doona muddo shan sano ah oo ka bilaabanaysa sannadkan 2023 kuna eg dhammaadka 2027.

Sida uu sheegay danjire Cabdullaahi, bisha December ee sannadka 2024-ka ayaa la filayaa in tijaabada u horreysa la sameeyo iyada oo gantaal hawada loo dirayo.

Waxay Jabuuti ku taal meel juquraafi ahaan istiraatiiji ah iyada oo ku foorarta gacanka Baabu-mandab, waxayna afaaf laga galo u tahay gacanka Suweys oo ah mid ka mid ah waddooyinka maraakiibta ee ugu mashquulka badan adduunka.

Jabuuti ayaa sidoo kale haysata muhiimadda istiratijiyadeed, maaddaama ay hoy u tahay saldhigga Maraykanka ee ugu weyn Afrika.

Waxaa sidoo kale saldhigyo ciidan Jabuuti ku leh waddamada, Shiinaha, Japan iyo Faransiiska oo asagu soo gumeystay Jabuuti.

XIGASHO:-BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip