Kumuu ahaa ninkii lagu dilay dhacdada hadal heynta dhalisay ee Xamar Weyne?

0
Wednesday January 11, 2023 - 21:45:10 in Wararka by
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumuu ahaa ninkii lagu dilay dhacdada hadal heynta dhalisay ee Xamar Weyne?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

XIGASHADA SAWIRKA,CABDIQAADIR MAXAMED CABDIQAADIR

Marxuunka la dilay Abuubakar sheekh Maxamed


Waxaa shalay magaalada Muqdisho ka dhacday arrin hadalheyn badan ka dhalisay baraha bulshada Soomaalida.Askari sida la sheegay ka tirsanaa ciidamada dwoladda Soomaaliya ayaa degmada Xamarweyne ku dilay nin lagu magacaabo Abuubakar Sheekh Maxamed Nuureyn .

Ninkan oo ka mid ahaa dadka ganacsiyada yaryarka ah ku haysta Xamarweyne ayaa waxaa sida la soo tebiyay toogtay askari canshuur qaade ah oo halkaasi ka howlgala.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Xamar weyne Najiib Cabdi Abiib oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dilka marxuumka uu yimid ka dib muran dhanka canshuurta ah.

"Dilka waxaa uu ku yimid canshur lacag is-fahan-waa saas ayuu dilka ku yimid," ayuu yiri taliyaha.

Abiib ayaa sheegay in dilka markii uu dhacay ka dib ay ku baxeen islmarkaana ay gacanta ku soo dhigeen askarigii dilka geystay.

"Alle ayaa mahad iska leh markii uu dilka geystay ka dib waan ku baxnay gacanta ayaan ku soo dhignay anNaga iyo taliyihiisii hadana gacanta ayaan ku haynaa gacan ku dhiiglaha, muhiimadda ugu wayn waa in caddaaladda la marsiiyo." Ayuu yiri Najiib.

suuqa degmada Xamarweyne

XIGASHADA SAWIRKA,MAAMULKA DEGMADA XAMAR WEYNE

Siduu u dhacay dilka marxuumka?

Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo ah guddoomiyihii hore ee degmada Xamar weyne kana mid ah ehellada marxuunka la dilay ayaa BBC u sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid si aad ah ay shacabka uga argagaxeen.

"Waxaa shalay degmada Xamarweyne ka dhacay arrin aad u foolxun waxaana lagu dilay marxuum lagu magacaabo Abuubakar sheekh Maxamed Nuureyn oo ku magacdheer Abo Rimo, oo muddo ku ganacsanayay degmada Xamarweyne waxaa uuna ku lahaa miis yar oo alaab yaryar uu ku gadi jiray oo xitaa qiimihisu uusan gaarayn 60 doolar," ayuu yiri Cabdiqaadir.

Cabdiqaadir ayaa sheegay in dilkan uu dhacay ka dib muran ka dhashay canshuur uu maalin kasta bixin jiray marxuumka taasi oo uu ka qaadi jiray askariga lagu eedeeyay in uu toogtay.

"Askariga u qaabilsan canshuurta ayaa waxaa uu muwaadinkan ganacsadaha ah waydiiyay lacagtii canshuurta maalinlaha ah oo ah lacag 5000 oo shilin Soomaali ah, muwaadinka ganacsadaha 3000 ayuu hayay waxa uuna yiri 2000 wax yar ka dib igu soo laabo maadaama ay subax hore tahay," ayuu intaa ku daray Cabdiqaadir.

Wuxuu intaa ku daray in askariga uu si bareer ah u dilay marxuum Abuubakar .

"Askariga waxaa uu yiri hadda ayaa laga rabaa marka nin kale oo meesha joogay ayaa yiri 2000 ee shilin aniga ayaa bixinaya ee iska daa, markaa ayuu yiri 2000 bixin meysid isaga ayaa bixinaya, haddii uu bixin waayo-na madaxa ayaan fujinaa kadibna xabbad ayuu si bareer ah madaxa uga dhuftay," ayuu yiri Cabdiqaadir.

Abuubakar Sheekh Maxamed Nuureyn ayay ehelladiisa ay sheegeen in muddo 30 sano ah uu ka ganacsanayay goobta lagu dilay islamarkana uu ahaa nin si wayn looga yaqaanno degmada Xamarweyne.

Waxaa uu ifka kaga tagay hal gabadh isaga oo da'diisa lagu sheegay in ay ahayd dhowr iyo lixdan jir.

Kumuu ahaa Nuureyn?

Cabdiqaadir ayaa sheegay in Abuubakar uu ahaa shaqsi dabeecad wanaagsan oo aan waligii laga soo sheegan.

"Dadku waxay u yaqaanneen Abo Rimo, waxa uu ahaa nin yara dhega culus ma ahayn nin dagaal badan ma ahayn nin dhibaato badan laakiin wax uu ku maagay askarigan dowladda hosse ilaa hadda waan garan la'nahay," ayuu yiri Cabdiqaadir.

Cabdiqaadir wuxuu sheegay in ay dalbanayaan in loo qisaaso askariga dilka geystay.

"Annaga waxa aan hadda raadinayno waa in dilaaga la horkeeno sharciga, sharciga islamka waxa uu ka qabo-na noola mariyo taasi oo ah qasaas marxuunka uu dilay noola marsiiyo ayay reerka wada qabaan taasi ayaana ku rejo weenahay inay dhaceyso," ayuu iyir Mr Cabdiqaadir

XIGASHO:-BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip