Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay tallaabadii Puntland – "Soomaaliya waa hal"
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka keediyay shirka arrimaha Garsoorka dalka oo ka furmay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay go’aankii dhowan kasoo baxay Puntland ee ay ku shaacisay inay u dhaqmeyso, sida dowlad ka madax bannaan oo kale.
Xasan Sheekh Maxamuud oo si dadban ugu jawaabay Puntland ayaa shaaciyay in si qaldan loo fahmay nidaamka federaalka, isaga oo shaaciyay in aan la kala qaybin karin dalka.
"Dalkaan laba wax-yaabood inaan la’isku qaldin ayaan rabaa. Dalka in la federaaleeyo waa mid dalka in la’isku haayaa oo mid noqdanaa waa mid kale,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalka uu leeyahay hal dowlad oo ah dowladda dhexe ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dalka oo dhan ay mas’uul ka tahay dowladda dhexe maamul goboleedyadana ay mas’uul ka yihiin arrimaha gudaha ee maamulladooda.
Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay "Jasiirado kala xir xiran oo midba midka kale difaac uga jiro ma aha”.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dood adag ay ka dhalatay go’aankii kasoo baxay Puntland, kaas oo uga sii daray xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka, waxaana sidoo kale arrintaan ka dhashay walaac xoogan oo ku aadan tallaabada uu qaaday Deni.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay tallaabadii Puntland – "Soomaaliya waa hal"
...