HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAP EE MAANTA OO AH ARBACO 11-KA JANNAAYO 2023-KA

0
Wednesday January 11, 2023 - 08:43:30 in Wararka by
  • Visits: 439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAP EE MAANTA OO AH ARBACO 11-KA JANNAAYO 2023-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

R/ wasaare Xamza oo dalka Masar kulan gaar ah kula yeeshay madaxweyn hii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan booqasho rasmi ah ku joogo dalka Masar ayaa kulan gaar ah Qaahira kula yeeshay mad axweynihii hore ee dalka, Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Ra’iisul wasaaraha ay aa Cabdiqaasim Salaad ku booqday hoygiisa, si uu uga wareysto xaaladda gu ud iyo sidoo kale caafima adkiisa, maadaama uu muddo ka maqan yahay dalka.

Labad mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay arrimaha amniga iyo siyaasadda dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul was aaraha dalka.

"Waxaan Habeen hore gurigiisa magaalada Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan. Waxaan ugu tagay in aan hubiyo xaaladdiisa caafimaad iyo in aan uga xog warramo halka uu dalku marayo, gaar ahaan xaaladda guud ee Amniga iyo Siyaasadda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Dhankiisa madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ayaa soo dhaweeyay dadaalka xukuu madda ee ku aadan ka hortagga Al-Shabaab iyo dagaallada ka socda gobollada.

Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu ku rajo weyn yahay inuu dib ugu soo laabto dalka gu dihiisa, si uu ugu noo laado caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

"Md.Cabdiqaasim wuxuu soo dhawe eyay booqashada iyo dadaalka ay waddo dowladda So omaaliyeed ee dib looga xoreynayo dalka kooxa ha Khawaar iijta dhibaatada ku haya shacabka, isagoo intaa raaciyay inuu ku rajo weyn yahay in sida ugu dhaqsaha badan uu dib ugu soo laabto kuna noolaado dalkiisa,” ayuu mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ay booqash adiisa qaadatay maalmo ayaa illaa iyo hadda la kulmay mas’uul ka tirsan dalkaas oo uu ugu hor reeyo dhiggiisa Mostafa Madbouly.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada-hadlay kor u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dha qan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaal aha ah Soomaaliya iyo Masar, iyada oo Masar bal lanqaadeyso inay Soomaaliya ku garab istaagto dib u dhiska Soomaaliya.

Masar ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee ha atan xiriirka wanaagsan la leh dowladda federaal ka, waxaana horay dalkan u booqday madaxwey ne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaale oo Dorraad daah-furay shir muh iim u ah isla-xisaabtanka maamulka G/Banaadir

Guddoomiyaha gobobolka Banaadir ahna du qa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Dorraad si rasmi ah u da ah-furay shirka banbaxa maamulka gobolka Banaadir.

Shirkan oo socon doono mudda saddex maal mood ah ayaa waxa uu ku salaysan yahay is-bar asho iyo in la isu keeno guud ahaan maamulka sare, agaasimayaasha iyo guddoomiyaasha deg mooyinka ee magaalada Muqdisho.

"Ujeedka waa si loo hagaajiyo dib-u-habayna loogu sameeyo qaab-dhismeedka shaqo ee ma amulka gobolka Banaadir iyo in gobolku yeesho aragti wadareed iyo qorshayaal istaraatiijiyadeed kuna salaysan sidii loo hagaajin lahaa adeegyadd a bulshada ee magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirkaan.

Sidoo kale waxa shirkaan looga hadlay in la helo qaab-dhismeed sawiran oo ku dhegan qayb walba iyo degmo walba ee gobolka Banaadir ah, waxaana la filayaa in banbaxaan laga soo saari doono qorsha siyaasadeedka iyo xeerarka gob olka Banaadir.

Guddoomiyaha gobobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shirkaan daah-furay ayaa madaxdii kasoo qeyb-gashay kula dardaarmay in si hufan oo Alla ka cabsi leh loogu adeego bul shada.

Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale waxa uu madaxda maamulka gobolka u sheegay in aan marnaba la aqbali doonin musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin.

Guddoomiye ku-xigeenada iyo xoghayaha gu ud ee gobolka Banaadir oo iyaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa waxay tilmaameen in shir-weyna haan banbaxa uu noqon doono mid ahmiyad gaar u leh horumarinta caasimadda, fulinta adeegy ada bulshada, hogaaminta siyaasada cad ee gobolka iyo isla-xisaabtan ku aadan gudashada waajibaad ka shaqo.

Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyay

Heshiisyadii ay kala saxiixdeen Sooma aliya iyo Masar

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiisyadii ay Qaahira ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa she egay in Masar ay Soomaaliya ka ballan qaadday garab istaag dhan walba ah, isagoo tilmaam ay inuu iskaashiga iyo wax wada qabsida labada dal uu ka horeeyay xornimadii Soomaaliya.

Wasiirka oo ka mid ahaa wafdigii uu hoggaam inayay Ra’iisulwasaaraha XFS mudane, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Masar ay ugu deeqi doonto waxbarasho bilaash ah oo loo fidinayo wariyeyaasha Soomaaliyeed, iyadoo labada dalba ay isdhaafsan doonaan cilmi barisyo ay samaynayaan quburo ka kala socota 2da dal.

Wasiirka Dhaqanka ee dalka Masar, Dr. Nevin Al-Kilani ayaa dhankeeda sheegtay in sida ku cad heshiiskan is-afgaradka ah ay labada dhinac isku dhaafsan doonaan ka qaybgalka xafladaha fanka ee labada dal oo ay ka mid yihiin masraxa, shee ko-xariirooyinka iyo bandhigyada hiddaha iyo masraxa carruurta.

Dr. Nevin waxay intaas ku dartay in labada dhi nac ay isweydaarsan doonaan bandhig faneedka, farshaxannada hiddaha iyo dhaqanka ah, iyo si doo kale booqashooyin ay isdhaafsandoonaan kooxaha fanka ee dhinacyada masraxa, muusiga, heesaha iyo fanka hiddaha iyo dhaqanka iyo ka qaybgalka fagaarayaasha, shirarka iyo siminaarra da la xiriira dhaqanka iyo aqoonta ee ay wada qab taan labada dal.

Wasiiradda ayaa carabka ku adkeeysay in ay jiri doonaan booqashooyin ay is weydaarsanayaan kooxaha ka shaqeeya arrimaha Aflaamta iyo ka qaybgalka xafladaha ee labada dal ay same eyaan. Sida ku cad heshiiskan is-afgaradka ah, dhina ca Masar waxay soo dhawaynaysaa marti-qaadka dhinaca Soomaaliya ee ka qaybgalka bandhigga Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Qaahira, oo la qabto bisha January ee sannad kasta, iyo " Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta Carruurta oo la qabto bisha June, sannad kasta iyo sidoo kale Bandhigga buugaagta Alexandria oo la qabto bisha August ee sannad kasta.

heshiiskaan waxay labada dhinac is dhaafsan doonaan toddobaadyo dhaqameed ay ku jiraan dhammaan howlaha dhaqanka ee labada waddan si ay u faafiyaan dhaqankooda.

Dr. Nevin Al-Kilani waxa ay sharraxday in sida ku cad heshiiskan is-afgaradka ah, labada dhinac ay dhiirigelinayaan in suugaanta af-soomaaliga loo turjumo oo Carabi laga dhigo lana daabaco, iy adoo loo sii marinayo xarunta qaran ee turjumaa da wasaaradda dhaqanka Masar.

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada tirsan Urur ka jaamacadda Carabta ayaa leh xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, waxanay Qaahira safka hore kaga jirtaa waddamada dowladaha sida weyn u garab istaaga Soomaaliya.

Ciidanka K/ Galbeed oo laga wareejiyay amn iga goobta uu ka dhacayo

Ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed ayaa lagu soo warramayaa in laga wareejiyay am niga goobta uu ka dhacayo shirka dib u he shiisiinta maamulkaasi oo ay ka qaybgalayaan xu bnaha mucaaradka ee jooga magaalada Muqd isho.

Wararka ayaa sheegaya in goobta uu shirka ka dhacayo iyo amniga gu ud ee magaalada lagu wareejiyay ciidamada Ito obiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Soo maaliya.

Ujeedada arrintaan ka dambeysa ayaa ah fuli nta dalabka xubnaha mucaaradka ee kasoo horj eedo Lafta-gareen oo horay u sheegay inay u baa han yihiin gacan ka madax banaan maamulka oo sugta amnigooda inta ay wada-hadalka u joogaan magaalada Baydhaba.

Dhinaca kale guddoomiyaha Golaha Shacab ka, Sheekh Aadan Madoobe oo isagu iclaamiyay shirkan oo haatan ku sugan Baydhaba ayaa la kul may saraakiisha howlgalka ATMIS, isaga oo kala hadlay arrimaha amniga, wuxuuna xaqiijiyay in la gu wareejiyay amniga guud.

Sidoo kale Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS isagoo ku dhiirageliyay in laga taxdaro weerarada kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadashaqe yaan amniga.

Dhankooda saraakiihs ATMIS ayaa guddoom iyaha u sheegay in ay sugi doonaan amniga guud ee magaalada, goobta shirka lagu qabanaayo ee Baydhabo & wufuuda imaaneysa.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu furo shirkaan, isaga oo saacadaha soo socda gaari doono maga alada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa xaalad da siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan doorashada kusoo foodka leh maamulkaas oo ay isku hayaan labada dhinac.

Sida uu qorshuhu yahay waxaa la filayaa in go’aanno wax ku ool ah ay kasoo baxaan shirkan oo kusoo aaday, xilli loo baahnaa oo ay qalalaase ka taagnaayeen Koonfur Galbeed. Xiisadda ayaa kasii dartay markii ay mucaaradka ka horyimaade en muddo koro rsiga loo sameeyay Lafta-gareen, waxa ana ka dhashay dagaal ka dhacay M/Bay

Masar oo xaqiijisay inay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso la dagaa llanka argagixisada

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar, Sa meh Shokry ayaa la kulmay dhiggiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo isku xirka arrimaha danta labada dal.

Wasiir arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa booqanaya dalka Masar isagoo ka mid ah wafdi ka socda Soomaaliya oo uu hog gaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Wasiir arrimaha diba dda Masar Shokry ayaa hoosta ka xar riiqay in Masar ay si buuxda ula garab ta agan tahay Soomaaliya dhanka la dagaalanka ar gagixisada iyo sidoo kale sida ay mar walba diyaarka ugu tahay in ay ka taageerto ciidamada Soomaaliya ee ku sugan gudaha dalka, iyo in ay ka caawiyaan dalka sidii uu ula tacaali lahaa caq abadaha bini’aadantinimo ee abaaraha.

Wasiirka Masar ayaa tilmaamay in Masar ay aad u daneyneyso ammaanka iyo xasiloonida So omaaliya, iyadoo la eegayo halka ay ku taallo Soo maaliya ee istaraatiijiyada badda cas iyo gacanka cadmeed, sida lagu sheegay warkan.

Labada wasiir ayaa isla soo qaaday heshiisya da is-afgaradka ah ee ay saxiixi doonaan mas uuliyiinta labada dal, iyo xaaladda amniga Sooma aliya iyo Geeska Afrika, iyo weliba sidii loo taage eri lahaa geeddi-socodka nabad-ilaalinta ee ay wadaan Midowga Afrika. (AU) ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa bogaadiyay wadashaqeynta Masar ee dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada iyo kuwa kale, isagoo muujiyay kalsoonida shacabka Soomaaliy eed ay ku qabaan Masar.

Wasiir Haruuse ayaa sidoo kale uga mahad ce liyay Masar tababarada ee ay siiyeen xirfadlayaal Soomaaliyeed, sidoo kalena deeqo waxbarasho siisay ardayda Soomaaliyeed.

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in dowladda Masar ay kumanaan askari u tababarayso dowladda Soomaaliya.

GEELLE oo noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Afrika ah oo dalkiisa u sameeya

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gee lle ayaa Dorraad goobjoog ka noqday heshiis muhiim ah oo dowladdiisa la gashay koox qaabil san teknooloojiyadda hawada sare oo ka socota Hong Kong.

Heshiiskan ayaa ku saabsan horumarinta qalab ka iyo gantaallada dayax gacmeedka laga rido, xili Jabuuti ay ku howlan tahay sameynta xarun lag diro dayax-gacme edka.

Mashruuca dayax-gacmeedka Jabuuti ayaa waxa ku bixi doona Hal bilyan oo dollar, wuxuuna qaadan doona muddo shan sano ah, sida ay ku warameyso wakaalada wararka ee Jabuuti.Sidoo kale waxaa qeyb ka ah mashruucan in dek ed iyo waddo laga dhiso gobolka Waqooyiga dalkaas dhaca ee Obokh.

DowladdazJabuuti ayaa noqon doonta dowlad dii ugu horreysay ee Afrikan ah oo sameysata day ax-gacmeed, waxaana lagu wadaa in ay jiri doo naan dowlado kale oo ku daysan doona dowladda uu hogaamiyo Geelle. Jabuuti ayaa sanadihii da mbe ku tallaabsaneysay horumaro kala duwan oo uu ku hagayay madaxweyne Geelle, inkasta oo xukunkiisa lagu eedeeyo in uu ku kaco falal ka dhan ah xoriyatul qowlka.

Soomaaliya Oo Ka Qayb Gashay Shirka Taliye yaasha Ciidanka Booliska Dalalka Carabta

Taliyaha Ciidanka Booliska Sooomaaliyeed S/ Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaraadka Carabka kaga qeyb galay me ertada 46-aad ee Shirka Taliyeyaasha Ciidanka Booliska dalalka Carabta.

Shirkan sannadlaha ah oo soconaya 9 – 10 bi shan Jannaayo ayaa looga hadlayaa ka hortagga iyo la dagaallanka lacag dhaqista, waxa uuna Tali yaha Ciidanka Boolisku ka warbixiyay guulihii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay xo ojinta iyo tayaynta hay’adaha amniga, dagaalka argagixisada looga xoraynayo dalka iyo dadaalla da hay’adaha amniga oo uu ugu horreeyo Boolis ka Soomaaliyeed ay ugu jiraan la dagaalanka lac ag dhaqista.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Sooo maaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa inta uu shirku socday waxa uu kulan doceed yo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labo geesoodka ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Gol aha Wasiiradda Arrimaha Gudaha Carabta Dr Ma xamed Cali Bin Koomaan, Kaaliya Wasiirka Arrim aha Gudaha Masar Sarreeye Gaas Dr Calaa Cab dulmucdi iyo Gudoomiyaha Jaamaacadda Naif ee Culuumta Amniga, Dr Cabdulmajid Bin Cabdalla Al-biniyaan.

Wasiir Juxa oo fasiraad yaab leh ka bixi yay go’aankii kasoo baxay Puntland

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamul gobole edka Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ka had lay go’aankii ay Habeen hore shaacisay mad axtooyada maamulkaasi, aya a sheegay in uu yahay mid lagu caddayn ayo gorgo rtan ka ay Puntland ka galayso qaddiyadaheeda dast uuriga ah.

Wasiir Juxa oo la hadlay war baahinta gudaha ayaa sidoo kale waxa uu tilmaa may in aysan Puntland qaadan go’ aan ay kaga go’ayso Soomaa liya inteeda kale.

"Soomaaliya annagu kama go’in, wanaageed ana waan ka shaqeynaynaa. Laakiin waxaanu le enahay si waaqici ah dhalada jabta haloo ururiyo,” ayuu yiri Juxa.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay loo baahan yahay ka hor inta aan dastuurka Soomaaliya la meel marin laga heshiiyo arrimo ay kamid yihiin qa ddiyada Somaliland iyo meeqaamka caasimadda.

"Dowladda federaalka waxay u muuqata mid dadajineysa dastuurka dalka, ayada oo aan weli diirada la saarin arrimihii mudnaanta lahaa in laga heshiiyo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Habeen hore ayay ahayd markii ay Puntland soo saar tay war-saxaafadeed lagu sheegay "in Puntland si madax-banaan qaddiyadaheeda dastuuriga ah ugala xaajonayso dowladda Soomaaliya.”

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalkaasi oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland inay u dha qmi karto sidii dowlad madax-banaan inta laga dhameystirayo dastuurka dalka. "Sida ku cad Das tuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 2-aad, Dowladda Puntland waxay DF ah kala xaajoonaysaa danaheeda inta laga gaara yo dhammeystirka hannaanka federaalka ee Dal ka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

"Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladd a Puntland waxay dhiggooda DF ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha Dowladda Puntland si waaf aqsan Dastuurkeeda qodobkiisa 4- aad, farqaddiisa 3-aad.”

Sarkaal sare iyo dagaalyahanno lagu dilay dagaal ka dhex-qarxay Shabaab-ka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa deegaanka Buq-Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan ku qaarijiyey horjooge sare iyo Maleeshiyaad kooxda ka tirsa naa, kadib markii uu dagaal toos ah halkaas ku dhex-maray laba garab oo ka tirsan kooxda.

Sarkaal lagu magacaabo Cabdikariin Yuusuf Axmed oo loo yaqaan (Ina Qoor Madoobe) oo horey u soo noqday horjoogihii Al-Shabaab ee de gmada Aadan-Yabaal iyo deegaanka Moqokori oo ka wada tirsan dowlad goboleedka HirShabelle ay aa Habeen hore fiidkii lagu qaarijiyey deegaanka Buq-Aqable oo 40 KM dhanka Galbeed kaga beegan degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Xogtaan waxaa baahisay warbaahinta dowlad da Soomaaliya, wuxuuna dilka ninkaan yimid ka dib markii muran uu soo kala dhex-galay isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan kooxda, khilaafka ayaa ka dhashay dalab ku aadanaa in lasii daayo oda yaal ay dhowaan kooxdu kasoo qafaalatay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Sarkaalka la dilay ee Ina Qoor Madoobe oo wata ugu yaraan 50 dagaalame oo ku heyb ah ay aa la sheegay inuu dalbaday in lasii daayo odaya asha, kadibna waxaa dhacay dagaal lagu dilay isa ga iyo koox kale oo ka barbar dagaalameysay.

Warbaahinta Qaranka oo soo xiganeysa Ilo ware edyo ku sugan deegaanka ay ku dagaalameen Al-Shabaab ee Buq-Aqable ayaa tebisay in dagaalka oo socday mudo saacad iyo bar ah uu markii hore bilaabay horjoogaha la dilay, kaas oo inta aan la dilin toogtay ilaa Afar dagaalame ah oo is hortaag ay in uu la baxo odayaasha oo weli ku jira gacanta Al-Shabaab.

Wararku waxay intaas ku darayaan in sidoo kale dagaalka lagu dilay 4-kale oo ka mid ah male eshiyaadka ku heybta ahaa Ina Qoor Madoobe, guud ahaan Shabaab-kii ku dhintay iska hor imaadkaas waxaa lagu sheegay 8-ruux oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaalkaas sare.

Weli deegaanka Buq-Aqable waxaa ka taag an xiisad u dhaxeysa Al-Shabaab-ka ku sugan halkaas. Rag ku heyb ah hoggaamiyihii la dilay ee C/kariin Yuusuf Axmed (Ina Qoor Madoobe) ayaa is uruursanaya, kuwaas oo doonaya inay xoog ku soo furtaan odayaasha xiran.

7aadkii hore ayey aheyd markii ay sidaan oo kale Maleeshiyaad ka wada tirsan Al-Shabaab ku dagaalameen deegaan hoos taga degmada Xara rdheere ee gobolka Mudug, ayadoo dagaalkaas ay Al-Shabaab isaga dileen tobaneeyo dagaalame.


Sheekh caan ah oo ka sheekeeyay dhib aato ay Al-Shabaab u geysteen

Sheekh Maxamuud Cali Ow-Xuseen, oo koox da Al-Shabaab ay 11-sano ka hor ka soo musa afurisay degaanka Masaajid Cali-gaduud ee gobo lka Sh/Dhexe, ayaa hadda sheegay inuu dib ugu laabanayo deegaankii.

Sheekh Maxamuud oo wa reysi siiyey Idaacadda Do wladda ee Radio Muqdis ho ayaa sheegay Masaa jid Cali-gaduud ku lahaa masjid weyn oo in ka bad an 50 sano uu Kitaabo ka akhrinayey.

Sheekha ayaa xaqiijiyey inuu dib u bilaabayo duruustii diinta Islaamka ee dadka uu bari jiray ka hor inta aysan deegaankaas ka soo ceyrsan koox da Al-Shabaab, oo aad u baacsata dadka aqoonta dheer u leh diinta islaamka.

Sheekh Maxamuud Cali Ow-Xuseen ayaa aad looga jeclaa degaanka Masaajid Cali-gaduud, wa xaana xusid mudan in masjidkii uu Kitaabada ka akhri jiray ay Al-Shabaab ka dhigteen Bakhaar ay hubka dhigtaan.

"Al-Shabaab waa i dhibi jireen, in ay i dilaan ay ey go’aansadeen dhowr mar, balse Alle ayaa iga badbaadiyey, waana isaga soo cararay deegaan kii, waxay igu heysteen in deegaanka aan ka ahaa Sheekh la jecelyahay,” ayuu yiri Sh. Maxamuud.

Wuxuu sheegay in hadda uu dib u dhisayo ma saajidkii ay Al-Shabaab bakhaarka u bedaleen 10 sano ka hor, oo duruustii diinta Islaamka uu dib ugu bilaabayo dadkiisii jeclaa.

"Waxaa asal ah in amni la helo, deegaanke ygii Masaajid Cali-gaduud hadda waa la xoreeyey waana ku laabanaa, masaajidkiina dib ayaan u dhi sayaa, ee dowladda iyo dadka Soomaaliyeed wax aan leeyahay amniga ku dadaala, hadii nabad la helo wax kasta waa la helaahe,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Maxamuud.

Kooxda Al-Shabaab ayaa caan ku ah burburi nta goobaha cibaadada, waxaana deegaanadii laga xoreeyey laga soo tebiyaa dhacdooyin xa nuun badan oo ay u geysa jireen dadka iyo diinta.

Booliska oo soo bandhigay laba nin oo Dorraad si arxan darro dilal u geystay

Muqdisho waxaa weli ka socda dilalka loo geys anayo dadka, iyadoo loo dilayo shilimaad aad u yar, ugu yaraan laba nin ayaa Dorraad lagu kala dil ay degmooyinka Balcad iyo Xamarweyne.

Ninka lagu di lay Balcad wux uu ahaa wade Mooto Bajaaj, halka kan lagu dilay Muqdisho uu ahaa gana csade caan ka ahaa degmada lagu dilay ee Xam arweyne, waxaana warbahinta loo soo bandhigay raggii Dorraad ge ystay labadaas dil.

Balcad waxaa Dorraad ka dhacay banana-bax xoog leh oo dadka degmadaas ay uga dhiidhinaye en dilka loo geystay Bajaaj-laha, waxayna dadwe yne careysan burburiyeen isbaaradii lagu dilay marxuumka.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aad an oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ninka geystay dilka ka dhacay Balcad uusan ka tirsan aeyn ciidamada dowladda, balse uu ku lebisnaa dharka ciidanka, "Wuxuu isku deyey inuu baxs ado, laakiin waxaa laga soo qabtay meel 20 KM u jirtay goobtii uu ninka ku dilay,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Ninkaan oo doonayey in uu baxsado ayaa la gu soo xiray saldhigga Balcad, iyadoo isla Dorraad loo soo gubiyey Muqdisho, si loo hor geeyo cad aaladda.Dilka labaad ayaa Dorraad duhurkii degm ada Xam arweyne loogu geystay ganacsade lagu magacaabi jiray Abuukar Nuuraani, waxaana dil ay askari ka tirsan ciidanka ilaalada deegaanka ee qaada canshuuraha, kaas oo isna loo soo bandhi gay warbaahinta.

"Sida aan ku ogaanay baaris hordhac ah, aska rigaan wuxuu ninkaas oo 60 sano jir ahaa u dilay lacag aad u yar, sidoo kale kan Balcad sidaas oo kale lacag aad u yar ayuu u dilay muwaadinkaas,” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya.

Sidoo kale afhayeenka ayaa saxaafadda u she egay in deg deg cadaaladda loo hor geyn doono ragaan ku eedeysan dembiyada culus, "Waxaan idiin xaqiijineynaa in ragaas aan heyno, ma jirto sa bab ay cadaaladda uga baxsa doonaan ragaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Goobaha Ganacsiga Magaalada Gaalkacyo oo Dorraad xirannaa

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga magaa lada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ay Puntland maamusho ayaa sheegaya in Dorraad ay inta badan xiranaayee Goobaha Ganacsiga.

Qaar kamid ah Ganacsatada oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta anacsiga ay u xir een ay tahay in Maamulka dowladda hoose ee Puntl and uu Goobaha ganacsi ku soo rogay lacago dheeraad ah oo aan ahayn canshuurtii horay looga qaadi jiray .

Waxaa ay hadalkooda intaasi kudareen in aya sn furi doonin goobahooda ganacsi ilaa inta Maa mulka dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo joojinayaan lacagaha dheeraadka ah, iyaga oo Madaxda sare ee Puntland ugu baaqay inay soo farogeliyaan.

Ugu dambeyn Ganacsatada waxaa ay sheege en in saacadaha soo socda ay dhigi doonaan ha dii aan wax isbedelin Bannaanbax cabasho ah, iya ga oo sheegay in dhowr jeer arrintaan oo kale ay ku soo laab laabaay.

Maamulka dowladda Hoose ee M/Gaalkacyo qeybta Puntland ayaan weli ka hadlin cabashada kasoo yeertay Ganacsatada Magaalada Gaalkac yo, kuwaas oo ku eedeynayay inay lacago dhee raad ah kusoo rogeen

Puntland oo billaawday Maxkamadeynta Soo maali & Ajaanib katirsan Al-Shabaab

Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qal abka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa Dorraad la horkeenay 15 eeda ysane oo ku eedaysan inay katirsan yihiin Al-Shab aab, kuwaasi oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib u dhalatay waddanka yemen.

Ragga Ajaanibta ah ayaa howlgal ay sameey een Ciidamada Puntland ayaa waxaa horay loogu qabtay Doooni hub u siday Al-Shabaab laguna qa btay Degmada bandar bayla .

Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalab ka sida ee Puntland ayaa sheegtay in ragga la ha ayo ay usugu jiran dagaalamayaal katirsan Al-Sha baab oo buuraha kujiray kana qayb galay weeraro ay kagaysteen Xeryo Ciidamada puntland ku leeyihiin Af-urur, Bali khadar iyo Shabakado u qaabilsa naa Qaybta saadka raa shinka Tashki ilinta iyo marti galinta. Ugu dambeyn Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in rag gaan ay Maxkamadda hort eeda ay ka qirteen inay ka tirsan Al-Shabaab.

Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis cus ub ku saxiixday Addis Ababa

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Dorraad heshiiska adeega Hawada (ASA) ee labada dal ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa.

Heshiiskan ay labada kala saxiixdeen ayaa waxa lagu sameeyay dib u habeyn, kaasi oo la dhaqan-geliyay 3-dii December 1988-kii.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuum adda Federaalka Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo dhigeeda dalka Itoobiya, Mar wo Dagmawit Moges ayaa goobjoog u ahaa muna asabad ka dhacday Addis Ababa ee lagu saxiixay heshiiskaas.

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu la jaan-qaada yo waqtigan la joogo, iyadoo lagu sameeyay isbe ddelo lagu horumarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

"Heshiiskan 1988 ayaa horay loo saxiixay , maad dama 35 sanno ay ka soo wareegatay waxaan u baahanahay in aan helno heshiis casri ah oo la jaanqadi kara qarnigaan la joogo,” ayey tiri Wasiir ka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xil. Far dowsa.

Waxay hadalkeeda sii raacisay "Heshiiskan wux uu horumarinayaa iskaashigeena iyo khibrad wad aaga dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.”

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa leh xiriir wanaags an, ayada oo labada dhinac ay hore iskula qaate en sidii looga wada-shaqayn lahaa arrimaha amni ga, dhaqaalaha iyo danaha labada dawladood.

Midowga Musharixiinta KGS oo sheegay inay ka walaacsan yihiin Amniga Shirka Baydhabo

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Koonf ur Galbeed ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay walaac xoogan uga muujiyeen Amniga goobta la gu qabanayo Shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.

Qoraalka oo ay u direen Guddoomiyaha Gola ha Shacabka, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse ayay ku sheegeen in ay horay u dalbadeen in Ciidamada jooga laga saaro xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Baydhabo iyo Koontoroolada soo gala, isla markaana sugaan Amniga Goobta Ciidanka ATMIS, balse taasi aan la fulin.

Waxaa ay sidoo kale qoraalkooda ku sheegeen in Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka iyo kuwo kamid ah Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed tac adi loogu geystay Garoonka Diyaaradaha M/ Bay dhabo, taas oo ay horay uga digeen.

Ugu dambeyn waxaa ay sheegeen maadaama ay ka walaacsan yihiin Amniga Goobta shirka lagu qabanaayo, sidoo kalena aan la fulin codsiyadii ay horay u jeediyeen in loo fasaxo in Amnigooda ay iyaga sugtaan.

Xisbiga Barwaaqo ee degaanka Sooma alida oo beeniyay iney jirto kala duwan aasho xisbiga dhaxdiisa ah

Shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen Xaf iiska Xisbiga Barwaaqo ee degaanka Soomaalida iyo Xafiiska Madaxwaynaha dowlad degaanka So omaalida, ayaa waxaa lagaga hadlay xaaladda guud ee degaanka Soomaalida iyo arrimo kale.

Haddaba Shirkan jaraa'id oo ay sidoo kale kasoo qayb galeen Warbaahinta kala duwan ee degaan ka ka howlgasha ayaa waxaa su'aalo kooban la waydiiyay Madaxa Xarunta dhexe ee Xisbiga Bar waaqo ee degaanka Soomaalida Maxamed Shaa lle, iyadoo wax laga waydiiyay heshiiska ay dowl adda Itoobiya la gashay TPLF, iyo waxa ka jira khilaaf lasheegay inuu ka dhex jiro gudaha xukuu madda degaanka Soomaalida.

Ugu horreyn Madaxa xarunta dhexe ee Xisb iga Barwaaqo ee degaanka Sooma alida Maxa med Shaalle ayaa sheegay in haba yaraatee wax isku dhac ama khilaaf uusan ka dhex jirin hogga aminta degaanka Soomaalida, isagoo yiri " Wax khilaafaad ah oo dhexde enna jira ma jiro, way dhi ci kartaa dadka naga fikir duwan inay na qaybi yaan, haddii doodaha lagu kala duwanaado ma aha in la kala qaybsan yahay, wax kala duwanaa sho ah oo ka jirta gudaha xisbiga ma jirto".

Sidoo kale mar wax laga waydiiyay dhinaca TPLF iyo waxa ay ka qabaan heshiiska ay gaare en TPLF iyo dowladda Itoobiya waxa uu Masuulku ku jawaabay " Waan soo dhawaynaynaa heshi iskaa ay wada galeen Itoobiya iyo TPLF, in nabad la qaato waddanka guud ayay xal u tahay", ayuu yiri Maxamed Shaalle Madaxa Xisbiga Barwaaqo ee degaanka Soomaalida.

Dhinaca kale isla Maxamed Shaalle mar wax la ga waydiiyay waxa ay ka aaminsan yihiin ka xuk uumad ahaan in lasiidaynayo Maxaabiis Soomaali ah oo ku xidhan dhinaca Federalka Itoobiya oo uu ku jiro Madaxwaynihii hore ee degaanka Soomaa lida Cabdi Maxamuud Cumar, waxa uu Masuulku sheegay in siidayntoodu ay ku xidhan tahay sharc iga loo hayo, iyo waxa loo xidhay isagoo xusay in arrinta maxaabiistaas aragti ahaan ay ka miday san yihiin waxay ka qabto dowladda dhexe ee Ito obiya, waa siduu hadalka u dhigay Masuulku.

Shirkan jaraa'id ayaa kusoo hagaagaya xilli dadka degaanka ku dhaqan ay waxbadan iska waydiinay aan qodobo dhawr ah oo ku saabsan siyaasadda iyo xaaladda guud ee degaanka Soomaalida, oo qaybo kamid ah lagu caddeeyay Shirkan jaraa'id.

Boqortooyada Sacuudiga oo wada fasa xay Xujeyda Caalamlamka Sanadkaan 2023

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii ku dhawaaqday, in xajka sannadkaan uu noqon doono sida kuwi ka horreeyay inta aanu billaaban cudurka COVID-19, taasoo ka dhigan in aanan la xadeyn do oin tirada dadka ra ba in ay soo xaj iya an. Isaga oo ka had layay magaalada ku taalla xeebta Badda Cas ee Jiddah, ayuu wasiirka Xajka iyo Cumarada Sacu udiga Towfiiq bin Fawzan al-Rabicah ayaa si ra smi ah ugu dhawa aqay in la qa aday xadidaadda xajka. Xaji sannadki 2019 ayaa waxaa Xara meyn ka Shariifka ah tagay in ka badan 2 milyan iyo 4 boqol oo kun oo qof, hase yeeshee sababo la xiri ira faafista cudurka COVID-19 dartiis ayaa sannad ki 2020-ki ay boqortooyada ka joojisay Muslimiinta caalamka. Sannadkaas ayaa waxaa xajiyay kaliy ah 1,000 xujaay oo ku nool Sacuudiga.

Sannadki 2021, boqortooyada ayaa ku xadeys ay dadka soo xajiyay 60,000 oo isugu jiray muwa adiniinta Sacuudiga iyo ajnabiga degan Sacuudi ga, halka sannadki hore ay xajiyeen ilaa 1 milyan oo qof.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya: "Ceeb ayaan dareemay markii aan dawarsaday cunto”

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Ga chagua ayaa sheeg ay in uu ceeb dare emay markii uu dawarsaday raashi in gargaar ah xilli dalkiisa ay ka jirto gabaabsi dhanka cuntada ah.

"Waxaan wakhtigeyga ugu badan la qaatay dad shishe eye, aniga oo dawarsanaya cunto oo ay ka mid yihiin kuwii ina guumeystay, waa ceeb, balse ma heysto fursad kale sababta oo ah ma aqbali ka rno in dadkeena ay dhinta an” ayuu yiri Rigathi oo la hadl ayay warbaahin ta gud aha.

Madaxweyne ku xige enka wuxuu sidoo kale sheegay in abaarta daba dheeraatay ay u horse eday dad badan in aysan helin wax raashiin ah halka qaarkood na ay u dhinteen dhibaatadaas.

Paul Kagame Oo Ku Hanjabay Inuu Dalki isa Ka Eryayo Qaxootiga U Dha shay Congo.

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa ku hanjabay inuu dalkiisa ka saarayo kum aanka qaxootiga ah ee u dhashay dalka Congo ee dalkiisa ku nool, haddii beesha caalamku ay sii waddo inay ku eed ayso in dalkiisu uu masuul ka yah ay colaadda ka taagan bariga Jam huuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Madaxweynaha oo ka hadlayey xaflad lagu dhaarinayey afhayeenka aqalka Senate-ka ee Rwanda, ayaa wuxuu Kagame yidhi "ma sii wadi karno marti-gelinta qaxooti ga, iyada oo hadhowna na lagu eedaynayo inaanu xad gudubyada loo geysanayo qaxootiga, taasoo ka dhal atay isir sifayn ka dhacday dal kale – iyada oo aanu noq onay meel lagu soo daadiyo dadka xuquuqdooda la duu dsinayo.” ayuu yidhi.

Madaxweyna Kagame oo markii hore ku had layey lu uqadda dalkiisa ayaa u ware egay luuqad da Ingiriisida inuu ku hadlo, taasoo uu ist icmaalo marka uu rabo inuu fariin u diro beesha caalamka.

Kagame ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen in la cambaareeyo, ka dib markii ay sameeyeen falal ay ahayd inay sameeyaan.

Dawladda Congo iyo Qaramada Midoobay ay aa ku eedeeyey Rwanda inay taageerayso jabhad da M23 taasoo ah jabhad mucaarad ku ah dawl adda Congo, kana dagaalanta bariga dalkaas, ha se ahaatee dawladda Rwanda ayaa iyadu diiday eedda loosoo jeedinayo.

Maraykanka oo sheegay in la qabtay Dooni waday Shixnad Hub ah

Taliska Dhexe ee Ciiddanka Badda dalka Mara ykanka ayaa sheegay inay qabteen Dooni nooca Kalluumeysiga oo lagu soo raray Shixnad Kuma naan Qoryaha Fudud ee AK47.Bayaanka ayaa la gu sheegay in 3 Markab Dagaal oo ay Ciiddanka badda Maraykanka lahaayeen ay bishan 7-dii qab teen Doonidaasi oo ka timid dalka Iran, kuna waj ahnayd dalka Yemen.

Doonida la qabtay oo ay la socdeen 6 qof oo u dhashay Yemen ayaa waxay waday 2,116 xabbo oo Qoryaha AK 47.

Taliska Dhexe ee Ciiddanka Badda ee Maraykan ka waxay kaloo sheegeen in Doonidaasi lagu qab tay Marin Taariikhi ah oo ay adeegsadaan Shixn adaha sharci-darada ee u socda Kooxda Xuutiyiin ta ee dalka Yemen

Taliyaha Taliska Dhexe ee Mariniska Maraykan ka, Admiral Brad Cooper waxa uu tilmaamay in Shixnadda Hubka ee la qabtay qeyb ka tahay haw laha socda ee ay Iran ku abuurayso Deganaansho La’aanta ee Gobalka, waa sida uu Hadalka u yiri.

Bilowgii bishii December ee sanadkii hore ee 2022-kii, waxay Ciiddanka Maraykanka sheegeen inay qabteen Dooni tahriibinaysay in ka badan 50 tan oo hub isugu jiray rasaas, Fiyuusyo Qarxiyay aal ah iyo Qalabka laga gano Madaafiicda.

Si kastaba, Ciiddanka Badda Maraykanka wax ay ku doodaan inay Kooxda hubeysan ee Xuutiyiin ta Yemen ee ay Iran taageerto ay ku xad-gudbaan Qaraarkii Golaha Amaanka ee QM ee Tirsigiisu ahaa 2216 ee lagu mamnuucay in Xuutiyiinta Hub laga iibiyo ama loo gudbiyo.

Darawalkii 2-baad ee masuul dowladeed oo Shabaab u goostay kadibna u geeyay

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Ho ose ayaa sheegaya in darawalka mid kamid ah golaha wasiirada maa mulka Jubbaland uu u go ostay Al-Shabaab, is la-markaana uu iska dhi ibay M/ Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Darawalka ayaa u shaqeynayay wasiir ku xig eenka wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee maa mamulkaasi Mustaf Xaaji, wuxuuna la goostay gaari qaali ah oo ay wasaaraddu laheyd.

Gaariga ayaa noociisa lagu sheegay Hardtop, waana gawaarida lagu isticmaalo dhulka baca adka ah, kaas oo ay horay Jubbaland ugu dee qday hay’ad caalami ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaariga la geeyay magaalada Jilib oo ay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ma cadda sida uu ninkan darawalka ah ugu suu ra-gashay gaariga uu la baxsaday iyo sida lagu ogaan waayay wada-shaqeynta kala dhexeysay koxoda Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta Jubbaland iyo sar aakiisha ammaanka oo ku aadan gaarigaasi la la goostay ee loo geeyay Al-Shabaab.

Waa dhacdadii labaad, ayada oo dhowaan darawalka guddoomiyihii hore Golaha Shacab ka, Md. Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxm aan uu isna isku dhiibtay kooxda Al-Shabaab.

Darawalkaas oo muddo 4 sanno ah la shaqe eyay Mursal ayaa maalmo kahor u goostay Al-Shabaab, isagoo markaas ka tegay guriga gudd oomiyaha, waxaana arrintaasi ka dhashay sha ki xooggan iyo walaac amni, maadaama aan xog badan laga helin baxsashadiisa. Arrimah an ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay dal ka ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo la filayo ina y ka billo wdaan gobollada Jubbooyinka.

XIGASHO:-CASIMADDA.NET


MUXUU PUTIN KA RABAA ATOOREYAASHA IYO ATARIISHOOYINKA UU SOO KAXEYSTO?

Waxaa jiray hadal hayn dhex wareegaysa wa rbaahinta iyo baraha bulshada oo ku saabsan in Ma daxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu soo kax aystay atooreyaal iyo atariishooyin si uu ula galo sa wir u muuqda in uu la joogo militari mar uu ku sugnaa halka uu kaje edinayey hadaljeedintii sa sanadka cusub.

Waxaa la sheegay uu mar sii horreysay xataa uu sidan oo kale samee yay. Balse maxay tahay caddayntu?

Waxaan adeegsannay teknoloojiyadda wajiga aqo onsata si aan u ogaanno run ahaanshaha arrinkan.

Madaxweynaha Ruushka ayaa dhowr jeer lagu arkay asaga oo munaasabadaha sawir lasoo galaya dad aan ahayn kuwa saxda ah ee uu sawirku ka turjum ayo.

Baaritaan ay laanta afka Ruushka ee BBC-du sa maysa 2020-kii ayaa muujiyey barnaamijya hore oo baxay in madaxweynaha lagu sheegay inuu la hadl ayay dad u ek rayid. Balse badanaa dadka uu la ha dlayey waxay ahaayeen askar matalaya sidii shacab caadi ah.

Haweeneyda timaha cad

Wargeysyada ‘The Sun’ iyo ‘Daily Mail’ oo ay weh liyaan qoraallo badan oo baraha bulshada lasoo dh igay ayaa sheegay in munaasabada badan oo Putin uu ka qayb galay ama lagu soo sawiray, laga arkay haweenay timo cad leh oo doorar kala duwan ka jilaysa. Haweeneyda ayaa lagu arkayay sawir laga soo qaaday xilli Putin uu safar kalluumaysi sagooti nayey iyo 2016 iyo sawir kale oo uu meel kaniisad ah boo qday.

Warbixin ka soo baxday Ukraine ayaa lagu sheegay in haweenkan laga yaabo inay xubno ka yihiin ciidam ada ilaalada federaalka (FSO). Ciidankan ayaa mas’ uul ka ah amniga madaxda ugu sarreysa Ruushka.

Sawirrada la baaray

Waxaan isticmaalnay software-ka aqoonsiga waj iga si aan u aqoonsanno wejiga haweeney la socotay Putin munaasabadihii sanadka cusub ee 2016 iyo 2017. Natiijada isu ekaanshaha ayaa aad u hoosey say. Taas oo noqotay 29 boqolkiiba sawirka kowaad iyo 28 boqolkiiba kan labaad.

Professor Hasan Ugaal, oo ah maamulaha Xaru nta falanqaynta muuqaalada ee Jaamacadda Bradf ord, ayaa sharaxaya, "Marka aad isku daydo inaad wejiyada isbarbar dhigto software-kan, waa in uu isu ekaanshuhu ahaado dhibco boqolkiiba 75 ah ama ka badan." Markaas waxa la odhan karaa wejiyadu waa dhab oo way is leeyihiin.

Marka xigta, waxaan is barbar dhignay sawirrada dhacdooyinka 2016 iyo 2017. Natiijadeedu waxay ahayd 99.1 boqolkiiba. Kuwani waxay ahaayeen cala amado xooggan oo muujinaya in labada waji ee lab ada sawir kakala muuqday ay ahaayeen isla hal qof.

Haweeneydan ayaa warbaahinta Ruushka waxay ma gaceeda ku sheegeen Larisa Sargukhina. Labada dh acdo ee ay ka soo muuqatay ayaa lagu qabtay aag ga Novgorod. Waxay xubin ka tahay Xisbiga Midow gii Ruushka ee baarlamaanka gobolka. Xisbigan oo ah mid taabacsan Putin.

Markii aan is barbar dhignay sawirka laga qaaday doonta 2016 iyo sawirka ku yaal bogga rasmiga ah ee xisbigeeda, wuxuu muujiyey isku mid ahaansho 99.8% ah. Magaca Sargukhina ayaa ku jira liiska Aas-aasayaasha shirkad ka ganacsata kalluunka ee Novgorod.

Haweenayda ka soo muuqatay khudbaddii Putin ee sanadka cusub ayey warbaahinta Ruushka ku sheegtay Anna Sergeevna Sidorenko oo ah dhaqtar ka ciidamada, haweeneydan waxay leedahay daraj ada Captain. Sawirkeeda oo laga qaaday goobta, ayaa la barbardhigay muuqaal uu baahiyey wargeys ka 'Ruusia Investia'. Natiijada dhibcaha ayaa noqotay 99.5 boqolkiiba. Magaca haweynayda ayaa sidoo ka dhex muuqday liiska xubnaha Ciidanka Milatariga Ru ushka oo ay daabacday Adeegga Sirdoonka Ukraine.

Kalluumaysatada

Kadib waxaan baarnay sawirrada koox u labisan sida kalluumeysatada oo uu la sawirnaa Putin. Sawi rkani wuxuu ahaa 2016

Waxaa la sheegay in rag ga lagu arkayay sawirradan si doo kale lagu soo bandhigay sidii inay yihiin dad goob joog ka ahaa meel kaniisad ah sa nadkii 2017-kii.

Markii software-kan loo adeegsaday in lagu ogaa do wejiyada dadka doonta saaran iyo kuwa kaniisad da ku jira, natiijada isku mid ahaanshaha ayaa gaar tay 99% dhammaan afarta qofba. Markaa waxaanu samaynay baadhitaan dheeraad ah si aanu u oga anno aqoonsigooda.

Waxaan ogaannay in dhammaantood ay ka sha qeynayeen aagga Novgorod oo ugu yaraan saddex ka mid ah ay u muuqdaan inay yihiin kalluumeysato.

Alexey Leshchenko (sawirka 1aad) waa hoggaamiy aha kooxda kalluumaysatada ee uu ka dhex muuq day Putin. Arintaan waxaan ka ogaannay bartiisa bul shada. Taas waxaa barbar socday astaanta xisbig iisa oo sidoo kale lagu daabacay internetka.

Yevgeny Leshchenko (sawirka no. 5) waa Alexey wiilkiisa. Macluumaad-kooda waxa kale oo lagu til maamay in ay isku xisbi ka tirsan yihiiny. Alexey iyo Yevgeny waxay bogag ku leeyihiin baraha bulshada, taas oo xaqiijinaysa inay yihiin wiil iyo aabbihiis.

Kalluumeysata

Sida xogtani ay ka turjumayso, kooxdu waxay ku shaqaystaan shirkad weyn oo beeralay ah, oo la yir aah EvroKhimservices. Agaasime ku xigeenka shir kadda waa Larisa Sargukhina (sawirka lambar 3).

Sergei Alexandrov (sawirka nambarka 2) ayaa warbaahinta Ruushku ku she egtay inuu yahay kalluumays te.

Waxaanuna muuqaalkiisa ka helnay baraha bulshada kaas oo lagu arkay isaga oo saaran doon kuna labisan dharka kalluumaysatada.

Baraha Bulshada ee qofka ka muuqda sawirka lambar 4 ayaan weynay balse waxaan helnay sawir loo soo qabanyo. Qof ayaa faallo ku qoray, "taageera yaasha Putin-ow siday tani ku dhacday?” taas oo lo ogu jawaabay, " dhowr jeer ayuu putin la kulmay inta uu ka shaqaynyey Novgorod.”

Sawir kale oo la soo dhigay internetka ayaa lagu sheegay in labada kalluumeysato ay la kulmeen Putin. Waxa uu isku sheegay inuu yahay beeralay ka soo jeeda Stavropol. Laakiin markii dadkan wajiyado oda la isbarbardhigay wejiyada labada kalluumaysat ada ah, dhibcaha isku mid ahaanshaha ayaa ahaa boqolkiiba siddeed oo keliya.

Hoos waxaa ka muuqda tusaalooyin kale oo bad an oo ah haweenayda timaha maarriinka leh oo lagu sheegay inay tahay jilaa ka tirsan barnaamijyada Putin.

Waxaa sawirradan ka mid ah labo sawir oo hawee ney iibinaysa jalaato. Labadan sawir ayaa ka kala ahaa 2017 iyo 2019. Inta lagu guda jiray mid ka mid ah bandhigyadan, ayaa la rakayey haweenaydan oo Putin siinaysa jalaato.

Sawirradan ayaa laga qaaday gees, waxaana si doo kale liita tayada. Taas awgeed, way adkaanay saa in lagu aqoonsado software-ka aqoonsiga waji ga. Taasi waa sababta aynaan wax fikrad ah uga bixinaynin midkan.

Laakiin waxaan helnay wareysi laga sii daayay telefishinka Ruushka 2019 oo ay haweeney sheegtay inay tahay qofkii Putin u adeegaysay jalaatada laba jeer.

Sawirro isbarbardhig ah

Haddii ila hal haweenay ay ka muuqato labada sa wir, markaa tani maaha arrin la yaab leh, sababtoo ah sawirradani waxaa lagasoo qaaday isla bandhiggii uu Putin tagay laba sano ka hor.

Dadka ayaa ku doodaya in haweeneyda iibinaysay jalaatada Putin ay gashay sawirro ay iska dhigaysay xu bin ka tirsan shaqaalaha shirkadda Aeroflot. Laakiin kiiskan software-ka aqoon siga wejigu ma noqon karo mid lagu kalsoonaan karo.

Tusaale kale ayaa soo shaac baxay bishii May markii dadku ay sheegeen in sawirka askari dhaawac may, oo Putin uu la kulmay mar uu isbitaal ku booq day, laga soo qaaday mar hore meel warshad ah.

Si kastaba ha ahaatee, marka aad isku beegto lab ada weji, dhibcaha isbarbardhigga waa kaliya 25%. Taas oo ka dhigan in aanay jirin cadayn muujinaysa in labada sawir isku shakhsi yihiin.

XIGASHO:-BBC

DHIBAATADA AY KUU GEYSAN KARTO DHUXUSHA OO AAD KULAASHO XILLIGA QABOOBAHA

Xilli uu qabow badan ka jiro meelo badan oo caa lamka ka mid ah , ayaa khubarada dhinaca caaf imaadka ee dalka Nigeria waxay uga digay shacabka in ay ka fogaadaan in ay kulaaxaan dhuxusha dabka, oo ay sheegeen in dhibaato dhanka caafimaadka ah ay leedahay.

Khubaradan ayaa sheegay in dhuxusha oo la kulaaxo si diirimaad looga raadiyo ay sababto qaar ka mid ah xanuunada saameeya neefmareenka, isla markaana waxyeelo u geysta maqaarka jirka bini’aa damka.

Digniintan ka soo baxday Dhakhaatiirtan ayaa ku soo aadaysa xilli ay jireen lamaane la sheegay in ay naftooda ku waayeen dab ay kuleyl ka raadinayeen oo ay qolkooda soo gashad een deegaanka Dawakin Tofa ee magaalada Kano. Inta lagu jiro xilliga qabowga daran, dhuxusha ayay dadka gashadaan guryaha si ay u kulaalaan.

Balse, khubaradu waxay sheegeen in dab lagu shido qolka ay aad khatar u tahay caafimaad ahaan iyo badqabka qofkaba

Sida ay sheegtay Dr. Hadiza Ashiru oo ah dhaqt arad ku takhasusay cudurrada carruurta oo ku sugan dal ka Nigeria in dhuxusha oo la kulaalo ay qofka u horseedi karto cudurro.

"Waxa ugu horreeya ee ay sababayso waa in uu dab kaco, kaas oo sababa khasaare hantiyeed oo mararka qaar uu gaaro heer nafeed," ayay tiri Dr. Hadiza Ashiru.

"Waxay ku keentaa dhibaato xagga neefsashada ah, waxay gubtaa marinnada neef-mareenka, waxay na aad u dhibaateysaa dadka qaba xanuunnada ne ef-mareenka sida neefta," ayay tiri.

Laakiin waxay sheegtay in daaqadaha qolka la furo lana dhexdhigo dhuxusha si ay qolka u diiriso ka hor intaanay dadka guriga sexanaya soo galin.

Waxay ay bulshada ka codsatay in badalkii ay duxu sha shidi lahaayeen ay qaataan dharka dhaxanta sida bustooyiinka xilliga uu qabowga daran jiro.

sambabka

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in xanuunnada laga qaado dhuxusha oo la kulaalo ay ka mid tahay neefta ama Asthma.

Asthma waa xaalad guud oo asiibta quumanka – tub ooyinka yaryar ee neefta ka soo qaada isla marka ana u gudbiya sambabbada.

Waa xaalad sababta inay adkaadaan murqaha ku hareereysan neefmareenka iyo barar iyo cuncun ku yimaada neefmareenka.

Tan ayaa sababi karta qufac, hindhiso, xabad xan uun iyo neefta oo ku dhibta

XIGASHO:-BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip