HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAP EE MAANTA OO AH TALAADO 10-KA JANNAAYO 2023-KA

0
Tuesday January 10, 2023 - 08:22:27 in Wararka by
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAP EE MAANTA OO AH TALAADO 10-KA JANNAAYO 2023-KA

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka 9-aad ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlam aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kula nkiisa 9-aad ee Golaha Shacabka oo ajandihii su ahaa qeybinta Hindise Sharciyeedka Hay’ad da Sirdoonka iyo Nabsugida Qaranka iyo Hin dise Sharciyeedka Aqoonsiga

iyo Diiwaangalinta Dadweyn aha.

Gudd oomiyaha Guddiga Xeer-Hoosaadka Anshaxa iyo Xasaannadda Mudaneyaasha Golaha Shacabka Mudane Cabdisamad Maca lin Maxamuud ayaa xildhibaannada u sharaxay xaadiridda fadhiyada Golaha, iyadoo uu sheeg ay in muhiim ay tahay isla-markaana Mudaneya asha Golaha la doonaayo inay ka shaqeeyaan sharuucda muhiimka u ah dalka.

Guddoomiyaha oo soo xiray kulanka Golaha ayaa tilmaamay in laga soo shaqeeyo hindise sharciyeedyada loo qeybiyay Golaha lana soo xaadiro fadhiyadda Golaha Shacabka Baarlam aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay dhigii sa dalka Masar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaal ka Soomaaliya, Md.Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira booqashadiisa rasmiga ah ee dalka Masar ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Md. Mostafa Madbouly.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadlay kor u qaadista xiriirka iyo xooj inta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Ma sar, iyada oo Masar ballanqaadeyso inay Soo maaliya ku garab istaagto dib u dhiska iyo horu marka Soomaaliya.

Kulanka kadib ayaa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar waxay si rasmi ah u kala saxiixdeen heshiisyo ku saabsan waxbarasha da, warfaafinta, diinta& awqaafta iyo dhaqanka.

Heshiisyada waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaa shiga Caalamiga, Abshir Cumar Huruse, Wasiir ka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Warf aafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daud Aweys Jaamac.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo qaabilay Danjiraha dawladda Turkey u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo War shadaha XFS Hon. Jibril Abdirashid Haji, ayaa Shalay xafiiska ku qaabilay Danjiraha dawladd a Turkey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mehmet Yilmaaz oo ay ka wada-hadlee n xoojin ta xiriirka la bada dhinac iyo dhammeytirka he shiiska TEPA ee Soomaaliya iyo Turkey si dhe eli-tir ganacsi loogu sameeyo ganacsiga u dhaxeeya wadam ada Soomaaliya iyo Turkey.

Waxa kale oo ay ka wada hadleen dhiiri-gelinta Maalgashiga iyo siddii ganacsatada iyo Maalga shadayaasha Turkey gu ay ugu soo dhiiran lah aayeen Maalgashiga Soomaaliya iyo weli ba si doo kale siddii isku xir loogu samayn lahaa ga nacsatada Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh wadamada caalamka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magac aabay Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaan ka Soomaaliya iyo Turkiga

Guddoomiyaha Golaha Sh acabka Baarlam aanka Fedaraalka Soomaal iya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Shalay magac aabay guddiga saaxiibtinimada Baar lamaan ka Fedaraalka Somaliya & Baarlamaanka Tur kiga.

Guddigaan uu magacaabay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ay aa la sheegay iney ka shaq eyn doonaan xiriirka iskaashi iyo saaxii btinimada labada Baarlamaan, waxaana guddig aan uu ka kooban yahay 15 xubnood oo isugu ji ra labada Aqal ee Baaralamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Fedaraal ka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxam ed Nuur Madoobe ayaa faray guddigan uu Shalay mag acaabay iney kulankooda ugu horeeya ay ku doortaan guddoomiye, guddoomiye ku xigeen iyo xoghaye.

Hoos ka akhriso Warqadda magacaabista guddigaan:-

Shirka Wasiiradda Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

Waxaa Shalay ka furmay magaalada Muq disho kulan ay isku yimadeen Wasiiradda Maali yadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Soomaaliya. Shirkaan ayaa diirada la gu saaraya arrima ha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maaliyadda Dalka, sharuudaha de yn cafinta iyo mideynta canshuurta Dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo si rasmi ah shirka u furay, ayaa sheegay in uu muhi im yahay shirkaan ay isa gu yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Federaal ka iyo heer Dowlad Goboleed.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in inta shirkaan uu socdo ay doodooda diirada ku saari doonaan arrimaha mudnaanta u leh Horumarin ta Dhaqaalaha Dalka, mideyn hannaanka can shuuraha, dhamaystirka sharuudaha barnaami jka Deyn Cafinta.

Shirkaan Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangiga addu unka uu ka taageero guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed.

Waxa sidoo kale shirkaan ka qeybgalaya Wasiirada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo masuuli yiin ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha dalka iyo masuuliyiin ka tirsan Hey’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kaalinta Soomaaliya ay uga jirto dalalka Milli teriga ugu Awoodda badan Qaarada Afrika

Hay’adda Global Fire Power (GFP) oo Xar un Dhexe ku leh magaalladda Virgin ee Goba lka Utah ee dalka Maraykanka waxay soo saartay Warbixin Sana deedka 2023 ee Awo odaha Ciiddan ee 145 Waddan oo Caalamka ka tirsan.

Warbixinta ayaa waxaa Kaalimaha hore (1-aad ilaa 50-aad) kala galay dalalkan:

1- Maraykanka,2- Raashiya,3- Shiinaha,4- Hindiya,5- UK,6- Kuuryada Koonfureed,

7- Pakistan,8- Japan,9- Faransiiska,10- Talyaa niga,11- Turkiye, 12- Brazil,13- Indonesia,14- Masar,15- Ukra ine,16- Australia, 17- Iran,18- Israel,19- Vietnam,20- Poland,21- Spain,22- Sacuudiga, 23- Taiwan,24- Thailand,25- Jarmal ka,26- Alg eria,27- Canada,28- Argentine, 29- Singapore,30- Giriiga,31- Meksiko,32- Filib iin,33- Koonfurrika, 34- Kuuryada Waqooyi, 35- Norway, 36- Nige ria, 37- Sweden, 38- Mayanm ar, 39- Holland (NL), 40- Bangladesh, 41- Portu gal, 42- Malaysia, 43- Kolombiya, 44- Switzerl and, 45- Ciraaq, 46- Chile, 47- Romania, 48- Czech Republic (Jamhuuriyadda Jeega),

49- Ethiopia,50- Denmark

Dhinaca kale, Waddankeena Soomaaliya waxa uu Liiska ka galay Kaalinta 142-aad, waxa keliya oo ka hooseeya dalalka Moldova, Benin iyo Bhutan.

Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Hirshabeelle Iyo Safirika Mareykanka?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirsha beelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shalay ku lan la qaatay Safirika Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry André.

Madaxweynaha iyo Danji raha ayaa ka wadahadlay xaala daha guud ee Hir shabeelle gaar ah aan amniga iyo howlgallada ka dhanka ah ALSahbaab ee socda deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Larry André in dagaaladii lala galay dagaalama ayasha AL-Shabaab looga qabsaday degaanno dhowr ah iyo deegaano ka tirsan Hirshabeelle haatanna lagu jiro waqtii lasoo afjari lahaa.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa sidoo kale ka wadahadlay muhiimada ay leedahay in deegaanada laga saaray AL-Shabaab laga ful iyo barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u he sho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda iyo kor u qaadida mashaariicda

CAWAD oo ka horyimid talaabadii uu qaaday Deni

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Sooma aliya, Mudane Axmed Ciise Cawad oo haatan dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka wada maga alada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal aya a ka horyimid tallaabadii uu doorashada u qaaday Saciid Deni.

Cawad ayaa ka biyo dii day diiwan-gelinta hadda ka socota deegaanada ma amulkaasi, taas oo ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah ee haat an laga wado Puntland, Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sharci darro ku tilmaamay qaabka ay madaxtooyada wax u wado, isaga oo sheegay in waxa socda laga leeyahay ujee dooyin guracan, sida uu hadalka u dhigay.

"Annagu waxaan u aragnaa in diiwaan-geli ntaas aysan sharci ahayn in aysan wax wanaag ah soo kordhin doonin waxayna u eg tahay dii waan-gelin ujeeddo kale laga lee yahay” ayuu yiri Dajire Axmed Ciise Cawad.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in diiw aan-gelintaas ay diideen dhammaan ururada siyaasada ee ugu waaweyn Puntland sida uu ku dooday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda.

Danjire Cawad oo hadalkiisa sii wata ayaa shaa ca ka qaaday inay dalbanayaan in la qabto door sho loo dhan yahay, ayada oo la ilaaliyo dimuqu raadiyadda iyo horumarka Puntland.

"Waxaan rabnaa in Puntland ay usii durugto xagga dimuquraadiyadda oo la gaaro in xisbiyo iyo tartan madax bannaan la galo,” ayuu hadalk iisa sii raaciyay.

Puntland ayaa wajaheyso xaalad kacsan, ta as oo ka dhalatay muranka hareeyay hanaanka doorashada maamulkaasi oo ay haatan isku hayaan mucaaradka iyo madaxtooyada.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo Tala adadii Dorraad Madal Siyaasadeed ay ku midey san yihiin siyaasiyiin, aqoonyahano iyo waxgar ad reer Puntland ah looga dhawaaqay magaal ada Garoowe ee xarunta maamulkaasi, taas oo uu qayb ka yahay wasiirkii hore ee dibadda. Xubnaha qaybta ka ah Madashan ayaa wa xa ay isugu jiraan kuwa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka iyo sidoo kale do wlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Ciidamo ka baxay Muqdisho oo safar dhulka ah ku gaaray GAALKACYO

Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soo maaliyeed oo ka amababaxay magaalada Mu qdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa Shalay safar dhanka dhulka ah waxa ay ku gaa reen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xar unta gobolka Mudug.

Ciidamadan oo wata ga adiidka dag aal ka aya waxaa si weyn Gaalkacyo ugu soo dhoweeyay saraakiil ciidan iyo maamulka degmadaas, aya ga oo halkaasi maalmo sii joogi doono.

Ujeedka ciidamadan ayaa ah inay howlga llo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka bilaabaan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya oo ay weli degmooyin ka heysato kooxda.

Qoraal kooban oo kasoo baxay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidama daas ay u diyaarsan yihiin inay xoreeyaan dee gaanada maamulka Galmudug.

"Ciidankaan oo ka baxay Muqdisho ayaa sa far dhulka ah ku tegay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxayna ku biirayaan cut ubyo u diyaarsan inay Khawaarijta ka xoreey aan deegaanada ay uga dhuumaaleystaan Gal mudug,” ayaa lagu qoraalka warbaahinta dowl adda.

Safarka ciidamadan ay ku gaareen Gaal kacyo ayaa muujinayo in guul weyn laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, maadaama la xoreeyay inta badan deegaanada HirShabelle, taas oo u sahashay ciidamada Xoogga dalka inay safar dhulka ah ku gaaraan magaaladaasi.

Galmudug ayaa haatan isku diyaarineyso ho wlgallo xoreyn ah oo ka bilaabanayo gobollada maamulkaasi, gaar ahaan Galgaduud iyo Mud ug oo ay qaybo ka joogaan Al-Shabaab.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa waxa ay ka dha sheen kacdoon shacab oo ay dadka deegaanka ka bilaabeen gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe & Galgaduud kaas oo ay hoggaaminey so dowadda federaalka ah ee Soomaaliya wax aana Al-Shabaab looga saaray deegaano hor leh.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad da gaal, taas oo dalka gelisay xaalad adag oo am ni, waxayna dowladda Soomaaliya taageero ka heleysa caalamka, waxaana ugu dambeeyay Mareykanka oo Dorraad gaadiid dagaal iyo hub ku wareejiyay dowladda dhexe

In ka badan 60 Al-Shabaab ah oo lagu dilay howl-gal qorsheysan

War-saxaafadeed ay Shalayeyd soo saar tay dowladda Soomaal iya ayaa lagu sheegay in ciidanka Sirdoonka & Nabad-sugida Qar anka iyo saaxiibada ca alamiga ah ay illaa iyo 61 Al-Shabaab ah ku dileen hawl-gal qorshe ysan oo ka dhacay gobolka Shab eellaha Dhe xe. Hawl-galkan ayaa lagu beegs aday dagaal-yahano Shabaab ah oo lagu qiyaa say 150, ku waasi oo doonayay inay weeraraan ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha deeg aanka ee ku sugan Xawaadlay iyo Gaadiid qara xyo ah, kuwaasi oo ay ku diyaarinayeen Beero dhexdooda.

"Ilaa iyo 61 xubnood oo ka tirsan Khawa arijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay hawlgal qorshaysan oo Ci idanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Be ero ku yaala duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalka oo kasoo baxay wasaaradda warfa afinta.

Howl-galka ay fuliyeen ciidamada NISA ay aa sidoo kale waxaa lagu bur-buriyay Labo ga ari oo ahaa nuuca Homey iyo Noah oo dagaal-yahanada ay ku xireen waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo ay qorshaynayeen in ay soo galiy aan magaalada Muqdisho.

"Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wa xa ay ka foojigan yihiin dhagar kasta oo sha cabka kaga imaan karta Khawaarijta lagu jabi yay dagaaladii tooska ahaa oo ay la galeen Cii danka Qaranka iyo geesiyaasha shacabka So omaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa muddooyinkii dambe howl-galo qorsheysan ku beegsaneysay dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku dishay Shabaab badan, xili uu gobolada dalka ka socda dagaal ka dhan ah kooxda.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shab aab ayaa waxa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana kooxda laga xoreeyay deegaano hor leh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Xukuumadda Soomaaliya Oo Horumarin Ku Sameynaysa Garoomada Kubadda Cagta Caasimadda Muqdisho

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciya araha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ma xamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan aga asimaha guud ee Wasaaradda iyo Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda ayaa korm eeray garoomada ciyaaraha ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Wasiir Maxamed Barre iyo masuuliyiinta wa saaradda ee la socday oo ay weheliyaan Injine ero indho indhayn ku samaynaya sida loo horu marin karo garoomada ayaa booqdeen Muqdi sho Stadium, Injineer Yiriisow, iyo Wiish.

Ujeedka kormeerka ayaa ahaa qiimayn gu ud iyo sidii loo dayactiri lahaa garoomada iy adoo qorshaha horumarinta xukuumadda ay wa saaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ugu jiraan horumarinta garoomada dalka. bilaha hore ee sanadkan ayaa la filayaa in la qabto tartankii ciy aaraha dowlad goboleedy ada iyadoo sanadkan lagu soo kordhiyay ciyaaraha kubadda kolayga.

Ciraaq oo sheegtay inay Soomaaliya ka cafi neyso deymaha lagu leeyahay qeybdhan $100 Milyan

Dowladda Ciraaq oo kamid ah dowladaha Carbeed ee deynta ku leh Soomaaliya ayaa sha acisay inay kala bar deynta ka cafin doonto Soo maaliya, sida uu shaaciyay Agaasimaha Wa axda Geeska Afrika ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ambass ador Zayd Al-Sa baan.

Lacagta ay Cir aaq ku leedahay Soomaaliya ayaa gaareyso illaa 187 Milyan oo dollar, taas oo ha atan ay ka cafinesyo ku dhawaad 100 milyan oo dollar, waana tallaabo horay loo qaaday, taas oo sii dhaqaajineyso geediga deyn cafinta So omaaliya oo hadda dar dar ku socdo.

Sidoo kale dowladda Ciraaq ayaa go’aanke eda gaarsiisay Ururka Jaamacadda Carabta, si da uu sheegay Agaasimaha oo la hadlay Wak aaladda Wararka Bariga Dhexe ee The Middle East News Agency (MENA).

Sabaan wuxuu sidoo kale sheegay in go’aam adii ka soo baxay shirarkii is xig xigay ee dowla daha Carabta ay ku booriyeen dalalka in ay mu dnaanta koowaad siiyaan sidii Soomaaliya loo ga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.

Marka loo eego tirokoobyada, wadarta guud ee deynys Ciraaq ku leedahay Soomaaliya wax ay ahayd ku dhawaad 187 milyan oo dollarka Maraykanka ah, ilaa December 2019, lama oga xiligan 2023 inta ay mareyso maadaama uu jirto lacag dulsaar ah oo ku socota.

Soomaaliya waxaa soo maray xaalado kala duwan, dagaallo iyo dowlad la’aan, iyadoo dey maha dibadda looga leeyahay oo gaaraya illaa 5 bilyan ay sii kordhaysay sanadba sanadka ka dambeeya.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa bilaabey 2016-kii inuu wax ka qabto arrimaha deymaha dibadda ee Soomaaliya.

IMF iyo Bangiga Aduunka ayaa sidoo kale ka shaqeynaya deynta cafinta Soomaaliya oo shur uudo adag lagu xiray dowladda inay kasoo bax do, kuwaasoo ay kamid yihiin dib u habeynta ni daamka maaliyadda iyo kordhinta dakhliga gudaha.

Barnaamijka deyn cafinta ee Soomaaliya ay aa soo soo socday sanado badan, kaas oo ay hadba heer ay soo gaarsiiyeen dowladihii kala duwan ee soo maray dalka.

Si kastaba, haddii ay Soomaaliya dhameyst irto barnaamijka deyn cafinta oo haatan maraya meel wanaagsan ayaa waxa ay heli doontaa maal-gelin caalami ah oo gudaha dalka ah.

Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay dee gaanka Duduncad ee gobolka Hiiraan

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya da gaal xooggan aroornimadii hore ee Shalay ku dhexmaray ciidamad a dib u xureynta de egaan ka iyo kuwa Al-shabaab deegaan ka Duduncad oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Maxaas ee G/Hiir aan. Dagaalka ayaa bilawday, ka dib markii da gaalamayaal ka tirsan Ururka Al-shabaab oo la sheegay iney doonay een iney gubaan Ceel biyood laga dhisayo dee gaankaasi oo ay ka war heleen ciidamada dib u xureynta deegaanka, waxaana halkaasi 2da dhi nac ku dhexmaray dagaal socday ku dhawaad 1 saac oo xiriir ah. kaasoo ciidamada dib u xur eynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey da iyo Al-shabaab dhexmaray ayaa lasoo wariy ay inuu geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dib u xureynta de egaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in weerarka Shabaab ay ku soo qaade en deegaanka Duduncad ay iska difaaceen ay na gaarsiyeen kooxdii soo weerartay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, hayeeshee dhanko oda ayuu sheegay in dagaalka ay kaga dhaawa cmeen sadax ruux.

Al-shabaab oo laga saaray guud ahaan dee gaannada iyo degmooyinka dhaca bariga G/Hiiraan ayaa mararka qaar weeraro gaadmo ah ka geysta deegaanadii horay looga saaray.

KASHIFAAD: Saraakiil loo xiray inay fudud eeyeen weerarkii Maxaas

Afartii bishaan jannaayo ayaa kooxda Al Sha baab waxay beegsadeen de gmada Maxaas Ee G/ Hiiraan,oo ay qaraxyo ism iidaamin ah ku wee rareen guriga gudoomiyaha deg mada & guri uu halkaasi ka degganaa Xi ldhibaan Jacfar.

Kudhawaad 20 qof oo u badnaa shacab ayaa ku le’ day qaraxyadaasi ka dhac ay degmada maxaas ee dhacda Bariga G/Hiiraan,iyadoo tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Gudoomiyaha Deg.Maxaas Muumin Maxa med Xalane ayaa sheegay in ciidamada Amni ga ay ku guuleysteen howlgal daba gal ah oo ay sameeyeen in lasoo xiro saraakiil la tuhmay inay ka dambeeyeen weerarkaasi isbuucii hore dhacay.

6 qof oo hadda loo hayo kiiska weerarkaasi iyo inay al shabaab ufududeeyeen kooxda al shabaab ayaa lagu xiray xabsi ku yaalla M/Bel edweyne oo loo soo gudbiyey markii laga soo xiray Maxaas.

Walaac laga Muujiyay dhismaha Golaha degaanka degmada Jowhar

Cabdullaahi Xaaji Dheere oo ka mid ah siy aasiyinta ka soo jeeda gobolada Banaadir iyo sh/Dhexe ayaa ka hadlay Golaha degaanka ee loo dhisayo M/Jowhar oo ah Caasimada DG/Hi rshabeelle .

Siyaaasi C/hi Dhee re ayaa ugu baaqay Was aaradda Arimaha gudaha & dawladaha hoose ee Hirshabeelle inay dardar geliso Dhi smaha Golaha degaanka degmada Jowhar la na qan ciyo haddii ay jiraan Beelo tabasho ka qa ba Nidaamka awood qaybsiga Goaha degaan ka degmadaas.

Hadalkaan ka soo yeeray Siyaasi cabdull aahi Dheere ayaa ku soo aadaya Xilli Wasaar addaa rimaha gudaha Hirshabeelle ay Odaya asha Dhaqanka Magaalada Jowhar ku wareejisay shaxda Dhismaha Golaha degaanka Degmada jowhar kana codsatay in soo dedeji yaan Dhi smaha golaha degaanka degmada

Kiiska wiil Soomaali ah oo hareeyey baarla manka ururka Midowga Yurub ka dib markii…

Muhaajir Soomaali ah, oo xukun xabsi daa’in ah loogu riday howlaha tahriibinta, ayaa Isniinta Shalay aheyd ka soo muuqday maxkamad si uu racfaan uga qaato xukunkaasi, waxaana kiis kan taageero siinaya xubno ka tirsan baarlaman ka Yurub oo sheegay in si khaldan xukunka lo ogu riday.

Maxamed Hanad Ca bdi ay aa sanadkii 20 21-kii lagu rid ay xuk un xabsi oo dhan 142 sano, xukunkaasi oo la xirii ray kadib markii dad ay ku dhinteen dooni siday tahriibayaal oo ka timid Turkiga kuna sii jeeday jasiirada Lesbos ee dalka Gree ce sanadkii 2020-kii.

Maxamed ayaa sheegay in uu kaliya kaxeey ay doonida kadib markii uu dayacay mukhalas u dhashay Turkiga intii ay ku jirtay safarka ay ka ga soo gudbeysay Turkey.

Laba qof ayaa ku qaraqmay markii ay doo ntu degtay halka 33 kalena la soo badbaadiyay. Qaar badan oo ka mid ah dadkii badbaaday ay aa taageeray sheegashada ninka Soomaaliga ah, sida ay sheegeen qareennadiisa.

Kiiska ayaa indhaha ku soo jeediyay habraac yada xukunnada adag ee Greece ay soo rogtay sanadihii u danbeeyey, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada looga hor-joogsanayo muhaajiriinta sharci-darrada ah inay galaan Midowga Yurub.

Xubin ka tirsan garabka bidix ee Greece ku mat ala baarlamaanka Yurub, Stelios Kouloglou, ay aa hogaaminaya ololaha ku saabsan in qaar ba dan oo ka mid ah xukunnada la riday dib loo eego, dadaalkan oo ay taageerayaan xildhibaan no kale oo kasoo jeeda dalalka kale ee Yurub iyo sidoo kale fanaaniin u dhashay Greece, kuw aasi oo gacan ka gaysanaya in lacag loo aruuriyo qareennada kiisaskan.

Bishii hore, laba nin oo Afgaaniyiin ah, Akif Razouli iyo Amir Zahiri, kuwaasi oo lagu riday xukunno 50 sano oo xabsi ah ayaa si damaa nad ah loo sii daayay. Razouli ayaa lagu waay ay eedaha, halka Zahiri la sii daayay kadib mar kii xukunkiisa la yareeyay oo laga dhigay sidd eed sano.

"Iskaashi caalami ah ayaa muhiim u ah qaxo otigan, kuwaasi oo dhibanayaal u ah dhaqank an caddaalad-darrada ah ee dowladda Greece, si ay dadka aan waxba Shalaysan u saarto xuk unno xad ka bax ah,” ayuu Kouloglou ku yiri bay aan uu baraha internet-ka ku qoray ka hor inta aysan dacwaddu bilaaban.

15 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Yur ub ayaa taageeraya ololaha Maxamed Hanad Cabdi, iyaga oo waraaqo cabasho ah u qoray xukuumadda Greece.

Dowladda midigta-dhexe ee talada haysa ayaa ku qeexday siyaasaddeeda muhaajiriinta mid "adag laakin caddaalad ah” iyada oo ku doo daysa in xukunnada ad-adag ee lagu rido kuwa wax tahriiiya ay qeyb muhiim ah ka tahay siya asadda difaaca xudduudaha ee dalka u degsan. AP, VOA

Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Iney Heshay Shidaal, Lana Soo Saarayo

Somaliland ayaa xaqiijisay in shidaal laga helay deegaanka Salaxley ee ka tirsan gobolka Maroodi jeex, sida uu shaaciyay wasiirka ta marta iyo macdanta Somaliland, Cabdillaahi Fa arax Cabdi.

Wasaaradda waxay sheegtay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen shidaalka, Waa shidaalkii ugu horreeyay ee laga helo deeg aan ka.

Wasaaradda tamarta iyo macdanta ayaa inta as ku dartay in shirkadd a tarmarta Genel ee la ga leeyahay Ingiriiska ay sameyn doonto baaritaan dheeraad ah isla markaana sameyn doonto shidaal qodista.

Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Sooma aliya ay si caro ku dheehan tahay uga hada shay howlo ay shirkad shidaalka qodda ka sa meysay deegaanno ka tirsan Somaliland, arrint aas oo markii dambena ay war kasoo saareen mas’uuliyiinta Somaliland qudhooda.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo sa artay war-saxaafadeed ay ku diidday wax ay u gu yeertay "sheegasho sharci darro ah” oo ay shirkadda Genel Energy ku sheegtay in ay heys ato fasax ay sahmin shidaal uga sameyso Som aliland.

Puntland oo ku dhawaaqday inay u dhaqm eyso sida dowlad Madax bannaan go’aana gaartay

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooya da dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu she egay in Puntland ay dowladda Federaalka kala xaajoon karto waxkasta oo danaheeda ah.

Warsaxaafadeedka oo ka kooban Saddez Bog ay aa Puntland sidoo kwle ku shaacisay in Dastuurka uu siinayo in sida dowlad Ma dax bannaan oo kale ay u dhaqanto.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka oo dhameystiran.

Jigjiga : Rasaas kooban oo Shalay ka dhac day gudaha Xarun Bangi oo ku taal magaa lada Jigjiga

 

 

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in rasaas laga maqlayay gudaha Bangiga gan acsiga ee Itoobiya laantiisa Jigjiga oo ku taal badhtamaha magaalada Jigjiga.

Sida dad goobjoogayaal ah u sheegeen Warbaahinta rasaa sta ayaa ka bill aabantay ka dib mar kii ay isku dhaceen ga badhbangiga usoo adeeg doonatay iyo mid kamid ah shaqaalaha Bangi ga, gaba dha ayaa lacag haye ka ahayd mid ka mid ah Xafiisyada heer degaan.

Gabadha ayaa siday wararku sheegayaan ka dalbatay mid kamid ah shaqaalaha bangiga inuu ka badalo lacag googo'nayd oo markii ho reba isagu siiyay, kaddib waxaa gabadhii u ga can qaaday ninkii kamid ahaa shaqaalaha bang iga ee ay waydiisatay inuu lacagta ka baddalo.

Buuq ka dhashay halkaa ayaa sababay in ilaala da bangiga ay gudaha u galaan bangiga ka di bna ay rasaas kor u ridaan, wararka qaar ayaa sheegaya in gabadhu markuu ninku u gacan qaaday ay ka dhinac dagaallameen wiilal dhali nyaro ah oo iyaguna wakhtigaa ku sugnaa gu daha bangiga.

Intaa ka dib laamaha amniga ee magaalada Jigjiga ayaa bangiga soo gaaray, waxayna go obtaas ka kaxeeyeen ninkii gabadha u gacan qaaday oo kamid ahaa shaqaalaha bangiga iyo gabadhii loo gacan qaadayba, sida ay Warbaa hinta la wadaageen dad goobjoogayaal ahaa oo ka ag dhawaa bangiga.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca laamaha amniga oo ku saabsan dhacdadan, inkastoo wali dadka degaanku ay ka war sugayaan dhinaca laamaha amniga iyo siday uga jawaabto arrintan.

Maxaabiis dagaal oo Ukraine u dhashay oo la sii daayey

50 Maxbuus oo u dhashay dalka Ukraine ay aa dib ugu laabtay dalkooda Hooyo, kuwaasi oo ay Milliteriga Raashiya horey ugu qabteen goo baha Dagaalka

Andriy Yermak oo ah Madaxa Xafiiska Madaxw eynaha Ukraine ayaa she egay in Maxaabiista soo guryo noqday ay kala yihiin 33 Sarkaal iyo 17 Askari.

Qoraal uu soo dhigay Barta Telgram ayuu ku sheegay in lagu guuleystay Maxaabiis Isdha afsi kale, iyadoo 50 maxbuus ee la soo daayey ay ka kala tirsan yihiin Ciiddanka Cirka, Ciddan ka Ilaalada Qaranka, Ciiddanka difaaca Xudu udaha, Ciiddanka Badda iyo kuwa Hawlgallada Khaaska ee Ciiddanka Ukraine.

"Waxaan dib u soo celinay dadkii lagu qab tay Rugta Tamarta Nukliyeerka ee Chernobyl iyo Difaacayayaasha magaallad da Mariupol, Goballada Kyiv, Kherson, Chernihiv iyo kuwo kale oo ay Hawlgallada Milliteriga laga qaaday” ayuu yiri Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee, Tirada Guud ee Maxaabiista Milliteriga Ukraine iyo dadka Rayidka ee ay Raashiya sii daayeen sanadkii hore waxay gaarayaan 1,596 qof.

Baraziil :Taageerayaasha madaxweynihii hore oo weerarary goobo muhiim ah iyo boliiska oo qabtay tiro boqolaal ah

Booliiska Dalka Braasiil ayaa xabsiga dhiogay in ka badan 300 oo qof,kadib markii taageeray aasha madaxweynihii hore ee dalkaasi ay rabsh ado ka sameeyeen dhis mayaas ha

baarlamaanka, mada xtooyada iyo maxkama da sare ee dalkaasi. Bol iiska ayaa sheegay in ay dib u soo celiyeen gac an ku heynta xaruma ha muhiimka ah ee ay wee rareen kumanaan ru ux oo diidan inay aqbaleen guul-darradii door ashada looga adkaaday Jair Bolsonaro madaxw eynihii hore.

Rabshadahaan oo socday muddo sadex saa cadood ah ayaa la tilmaamay in ay la mid yihiin duulaankii Capitol-ka ee ka dhacay dalka Mare ykanka,kaasoo taageerayaasha Donald Trumo ay ku diidanaayeen in ay ku burburiyaan doora shooyinkii uu ku soo baxay Joe Biden.

Ma jiraan warar degdeg ah oo sheegaya dhima sho iyo dhaawac ka dhashay weerarka Axaddii, laakiin kuwa soo duulay ayaa ka tagay raad bu rbur ah oo soo gaaray madaxtooyada iyo dhis mayaal kale.

Kacdoonkaan ayaa muujinaya kala foga anshaha ba’an ee weli dalka ka jira maalmo ka dib markii uu xilka la wareegay Madaxweynihii bidix Luiz Inacio Lula da Silva, kaasoo si dirqi ah uga adkaaday Bolsonaro doorashadii Oktoo bar.Shir jaraa’id oo uu qabtay madaxweynaha c usub, wuxuu ku eedeeyay Bolsonaro inuu dhi ir igelinayo rabshadaha ay wadaan kuwa uu ku ti lmaamay "Fashiistayaasha xagjirka ah,” wuxuu na akhriyay wareegto cusub oo loogu talagalay DF inay gacanta ku dhigto ammaanka Brasilia.

MAXAA KUGU DHACAYA HADDII AAD CAANO CABTO ADIGOO KALLUUN CUNAY?


Xanuunka maqaarka

Xilliga qaboobaha waxaa kordha dadka cuna kalluunka, sidaas awgeedna waxaa waqtiy adaas laga doodaa she ekooyin ku saabsan kall uunka, waxaana ka mid ah waxa qofka uu la kulmi ka ro haddii uu caano cabo marka uu kalluun cuno ka dib.

Waxaa laga digaa in kalluunka iyo caanaha oo isla socda ay sababi karaan inuu qofka ku dhaco cudur la yiraahdo "vitiligo” oo ay Sooma alidu u yaqaannaan "baras”.

Cudurkan waxa uu maqaarka u yeelaa cal aamado kasoo muuqda meelo kala duwan. Waxaa sidoo kale jirta sheegasho kale oo ku saabsan in kalluunka iyo caanaha oo la isku da ray ay horseedi karaan noocyo ka mid ah kan sar-ka, inkastoo aysan jirin caddeyn dhinaca caafimaadka ah oo arrintaas taageereysa.

Wariye caan ka ah Pakistan iyo meelo ka mid ah qaaradda Aasiya oo lagu magacaabo Uzair Rizvi ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal la xiriira mowduucan oo abuuray hadal-heyn weyn.

Uzair ayaa sheegay in hooyadiis ay aad u walwasho marka uu caano cabo isagoo kalluun cunay. Waxa uu isweydiiyay in walaaca nooca as ah uu ku kooban yahay hooyooyinka Pakis tan iyo kuwa Hindiya oo kaliya ama in lala wada ago caalamka oo dhan.

Qaar ka mid ah dadka Yuhuudda ayaa sidoo kale aad uga taxaddara in ay caano cab baan cunista kalluunka ka dib.

Dadka dooddan uga fal celiyay baraha bul shada qaarkood ayaa sheegay in fikraddan ay asal ahaan ka timid dalka Giriigga, iyagoo she egay in isku darka caanaha iyo kalluunka ay abuuri karto xanuunno dhinaca mindhicirrada ah iyo shuban.

Balse muddooyinkan makhaayadaha qaarkood waxay iibiyaan raashin ka sameysan caano iyo kalluun.

Maxaa ka jira in kalluunka iyo caanaha ay khatar isku yihiin?

Khubarro dhinaca caafimaadka ah ayaan ka wareysannay inay jiraan xanuunno maqaarka iyo caloosha ah oo ka dhalan kara isu geynta kalluunka iyo caanaha.

Dr Urmila Javed oo ah dhakhtar ku takhas ustay cudurrada maqaarka ayaa iyadoo arrintan ka jawaabeysa tiri: "Mowduucan waa mid la buu nbuuniyay, xanuunka maqaarka ma aha mid xiriir la leh caano iyo kalluun kulmay.”

Dhakhtaraddan ayaa sheegtay in xanuunna da maqaarka, sida baraska ay sababaan xaal ado kale oo caafimaad.

"Waa cudur la fal gala difaaca jirka, taasoo micnaheedu yahay inuu ka billowdo dheecaan no ay soo bixiyaan unugyada difaaca si ay uga hortagaan maaddada melanin oo ka sameysan unugyada midabka u yeela maqaarka,” ayey tiri.

Marka ay xaaladdaas dhacdo waxaa meesha ka baxda maaddada midabeynta maqaarka wax ayna dhaawacyadeeda ka muuqdaan dusha sare, sida ay sheegtay Dr Urmila Javed.

Sidoo kale Dr. Zainab oo isla arrintan kala hadashay BBC-da ayaa shegetay in warka ku sabsan halista ka imaata caanaha iyo kalluunka uu yahay "mid la iska male’awaalay balse aan loo heynin caddeyn dhanka seyniska ah.”

…XIGASHO:-BBC

Bannaanbaxyo looga horjeedo xukuuma dda cusub oo ka dhacay Israa’iil

Kumanaan Israa’iiliyiin ah ayaa isugu soo ba xay waddooyinka ,iyafoo ka ashtakoonaya qor shaha xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu oo la tilmaamay I uu halis ku yahay dimuqraadi ya da iyo xorriyadda.

Dibad-baxayaasha isu gu soo baxay maga alada Tel Aviv ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin "Dimuqra adiyadda oo khatar ku ji rta”& "Wadajir ka dhan ah faashistaha iyo mid ab-takoorka”.

Dibadbaxaasi waxaa hogaaminayay garabka bidix iyo xubno Falastiiniyiin ah oo ka tirsan ba arlamaanka Israel, Knesset.

Dadkaasi ayaa dhaleeceeyay Wasiirka Cada aladda Yariv Levin, kaas oo soo bandhigay wa x-ka-bedelka muddada dheer ee dowladda iyo nidaamka garsoorka ee looga golleeyahay in la gu wiiqo Maxkamadda Sare ee dalka.

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo kormeer ku tagay xerada tababarada ciidamada ee TÜRKSOM

Gaashandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Shalay kormeer shaqo ku tagay, xer ada tababarada ciidamada ee TÜRKSOM ee M.Muqdisho, waxaana halkaas ku soo dhawe eyay saraakiisha maamusha ee xarunta.

Md.Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa indha-in dheeyay qeybaha iyo fasallada lagu tababaro saraakiisha iyo askarta xoogga dalka, isagoo warbixin ka dhagaystay saraakiisha halka uu marayo tababarka u socda saraakiisha iyo aska rta ciidanka CXD.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa u mahad celiy ay wa laalaha Turk iga ee qeybta weyn ka qaa danaya tab abarka iyo qalabeynta ciid anka, si loo helo ci id an awood leh oo ka saara dalka Khawaarijta, su gana ammaanka guud.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qala bayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihi in Cidiimmada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.” ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Turkiga ayaa ciidamada Soomaaliya tabab ar ku siinayay dugsiga TÜRKSOM, tan iyo sa nadkii 2017-kii, waxaana ka soo baxay saraakiil iyo askarta tayo leh oo meel uga soo baxay dalka, cadowgana kaga fagaaraha dagaalka.

Wasiirka Caafimaadka ee XFS oo xafiis kiisa ku qaabilay wefdi ka socday hey’adda MSF

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa xafiiska Ku qaabiley Wefdi ka socday Hey’adda MSF.

Wefdiga ka socdey MSF ayaa warbixino ku saabsan wadashaqeynta kala dhaxeysa Wa saaradda u gudbiyey Wasiirka Wasaara dda Caafimaadka iyo Dar yeelka Bulshada XFS Dr. Cali iyo kaalinka ay ku leeyihiin horumarinta qeybta Caafimaadka Soomaaliya.

Xubnaha ka socday Hey’adda MSF ayaa sidoo kale xusay in ay gacan ka geysan doonaan Bar naamijyada lagu horumar inayo Caafima adka maadaama Bulshadeenu u baahantahayad eeg Caafimaad oo buuxa si loo hellobarnaa mijka xalka waara ee qeybta Caafimaadka iyo Darye elka Bulshada Soomaaliyeed.

2da dhinac ayaa ugu dambeyn isla gartay in dib loo cusboonaysiiyo heshiiska isk aashiga iyo sidoo kale in la xoojiyo adeeg yada laga ful inaya deegaanada ay baahida Caafimaad ka jir to, iyo in loo gudbo meelaha ay adag tahay in lagaarsiiyotaageer ada Barnaamijyada Caafi maad ee luugu talagaley dadka qaba baahiyaha Caafi maad.

DUGSIYO KU YAALLA MARAYKANKA OO DACWAD KU SOO OOGAY SHIRKADAHA ISKA LEH BARAHA BULSHADA

Dugsiyo dawli ah oo ku yaalla Seatle, Wa shington dacwad cusub ka gudbiyey shirkadaha waaweyn ee dhinaca teknoolojiyadda ee kala ah TikTok, Instagram, Facebook, Youtube iyo Snapchat, iyaga oo doonaya in lagula xisaab tamo dhibaatada caafimaadka dhinaca dhimirka ah ee ay u geystaan dhalinyarada.

Dugsiyada dadweynaha ee Seattle ayaa dacwadd ooda waxay maalintii Jimc ihii u gud biyeen maxkam adda ku taalla degma dooda. Dacwaddan oo ka kooban illaa 91 bog ayaa ka hadlaysa in baraha bulshadu ay abuur een dhib aato dadweyne, iyaga oo wax soo saarkooda ku jiheeyey dhalinyarada da'da yar.

Dugsiyadan ayaa ku eedeeyey shirkadahan inay uga sii darayaan caafimaadka maskaxda iyo weliba dhaqan habaabinta da'yarta, gaar ah aan, isku buuqa, niyad-jabka dhalinta, cunto-xu mada, iyo caga-juglaynta dhinaca internetka; arrimahan ayaa keenay inay adkaato in dhaliny arada wax la baro, taasoo dugsiyada ku khasab tay inay shaqaaleeyaan xirfadyahanno caafima ad oo la tacaala xanuunada maskaxda iyo inay ardayda u dhigaan, dhibaatooyinka ka dhasha isticmaalka baraha bulshada.

Shirkadaha waaweyn ayaa ku gabbada sha rciga isgaadhsiinta ee tirsigiisu yahay 230 kaas oo shirkadaha waaweyn u ogolaanaya inaanay qaadin masuuliyadda ka dhalanaysa waxyaaba ha ay ku baahiyaan dadka kale.

Fariin email ah oo ay soo direen Google iyo Snap ayay ku sheegeen inay ka shaqeeyaan si dii ay u ilaalin lahaayeen da'yarta isticmaala bar ahooda bulshada.

Meta iyo TikTok oo lala xidhiidhay ayaan wax jawaab ah laga helin.AP




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip