HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY EWS PEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 9-KA JANNAAYO 2023-KA

0
Monday January 09, 2023 - 08:46:47 in Wararka by
  • Visits: 409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY EWS PEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 9-KA JANNAAYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Masar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu ho ggaaminayo ayaa manta ka dhoofay Garoonka diy aaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho, iyaga oo ku wajahan dalka Masar.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho ras mi ah uga bilaaban doonta dal ka Masar ayaa qa adan doona ilaa Saddex Cisho, waxaana uj eedka safarkiisa lagu sheegay arrimo dhowr ah oo qus eeya labada dal.

Md. Xamse iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku su gan yihiin magaalada Qaahira, wada hadallo la xir iira iskaashiga labada dal waxa ay la yeelan doonaan madaxda waddanka Masar.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wada dadaalo ay ku dooneyso inay sii ballaariso xiriirka ay la leedahay qaar kamid ah wadamada Caalamka oo ay kujiraan dalalka taageerada siiya Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kormeeray Hay’adda Qaxootiga iyo Baraka cayaasha Qaranka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa Shalay kormeeray xarunta Hay’adda Qaxo otiga iyo Barakacayaasha Qaranka isagoo war bixin la xiriirta xaaladda barakaca dalka iyo qorsheyaasha Hay’adda u deggan ka dhageystay mas’uuliyiin ay hoggaamineyso guddoomiy ahooda Aamina Saciid.

Md. Axmed Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha wax aa uu Hay’adda ku adkeeyey in howlaha hortab intu leh ay noqdaan sidii looga jawaabi lahaa baa hida ilaa 2.97 milyan oo barakacyaal Soomaali ah isaga oo intaa raaciyey in Wasaaraddu ahmiyad gaar ah siineyso wax kaqabashada xaaladda Bara kacayaasha iyo Qaxootiga.

Shirka kadib, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Fed eraalka iyo Dib u Heshiisiinta Mudane Axmed Mac allim Fiqi oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta Hay’adda ayaa u kuurgalay habka diiwaangelinta Baracaya asha isaga oo booqday goobaha ay ka socoto diiwaangelintoodu.

Guddiga joogtada Golaha Shacabka oo ka shiray sharciga Hay’adda NISA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlama anka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 12-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacab ka oo Shalay qabso omay.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayey hind ise sharciyeedka Hay’ ada Sirdoonka iyo Nabsugida Qaranka iyo hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha oo loo yaqaan (National ID).

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dooday hindise sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka iyo hindise sharciy eedka aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha oo loo yaqaan (National ID) oo ay xukuumadu soo gudbisay, waxayna guddiga isla garteen in lagee yo Golaha, sidoo kale guddiga ayaa si qota-dheer uga dooday hirgelinta Xeer-Hoosaadka iyo ilaa linta kooramka xildhibaannada.

Wasiir Khadiijo Diiriye oo qaylo dhaan ka muu jisay arrin ka taagan Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquu qul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka qayb-gashay kulan weyne ka dhacay magaalada Muqdisho ay aa qaylo dhaan ka muujisay xaaladda Muqdisho.

Khadiijo Diiriye ayaa si adag uga hadashay arr imaha ammaanka ee caasimada, waxayna walaac ka muujisay weerarada iyo falalka ammaan darri ee ka dhaca gobolka Banaadir.

"Xamar dhaxal umey helin oo joogto ah waan kasoo ho rjeednaa iyo hoteel-baa lagu jiraa 24 saac,” ayey tiri Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in magaalada ay gudaha usoo galeen xubno firxad ah oo ka tir san Al-Shabaab, kadib cadaadiska ay kala kulm een howlgallada ka socdo gobollada.

Wasiirka Haweenka ayaa ku talisay in laga dhabeeyo qorshaha xukuumadda ee ku aadan ka hortagga kooxda Al-Shabaab, iyaguna haween ahaan ay garab taagan yihiin.

‘Dadka waxay leeyihiin Khawaarijta Muqdisho ku soo firxadeen qorshe cad ayaana ka yaalla oo aad nagu hoggaamineysay mudane Ra’iisul was aare,” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Ugu dambeyn waxay hoosta ka xariiqday in haweenka Soomaaliyeed ay qaadan doonaan doo rkooda, isla-markaana ay diyaar u yihiin inay ga can siiyaan ciidamada ammaanka.

"Haweenka ku dhaqan magaalada Muqdisho waxay u istaagi doonaan qabashada firxadkaas ko oxaha Khawaarijta,” ayey markale tiri Wasiir Khadiijo.

Hadal kan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maa lmihii u dambeeyay ay kordheen falalka ammaan dari ee ka dhacaya Muqdisho, kuwaas oo isugu ji ro qaraxyo iyo weeraro toos ah, waxayna kusoo beegmeen xilli Al-Shabaab lagu jebiyay dagaalla da ka socdo gobollada

Soomaaliya iyo Itoobiya oo iskaashi ka yeela naya horumarinta Duulimaadka

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xuku umadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa Shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee xarun ta Dalka Itoobiya, halkaa oo ay ku soo dhaweysay Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges.

Wasiir Fardowsa iyo wafdiga ay hoggaamin ayso ayaa muddada ay ku sugan yihiin Ito obiya ,waxaa ay wada-hadallo la xiriira horumarinta Duu limaadyada, iskaashiga iyo Khibrad wadaaga la qaadanaya mas’uul iyiinta Wasaaradda Gaadiidka Dalka Itoo biya.

" Itoobiya waa mid ka mid ah waddamada gobolka ee aan la leenahay iskaashiga horumarinta dhina cyada Duulimaadka iyo khibrad wadaaga.. waxaa na hadda u tagnay Addis Ababa si aan u dhamm eystirno is-afgaradka dhinacyadaa la xiriira.” Was iirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sidaa sheegtay.

Socdaalkan waxaa qeyb ka ah Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya , Md. Axmed Macallin iyo Maareeye ku-xigeenka Hay ’adda , Mudane Saciid Maxamed.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Mareykanka

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warsha daha XFS Hon. Jibril Abdirashid Haji oo uu wehel inayo Agaasimaha Guud Mudane Mohamed Saney Dalmar, ayaa Shalay kulan la qaatay Safi irka Dawladda Mareykanka ee Soomaaliya Amba ssador Larry E. André oo ay ka wada-hadleen iska ashiga labada dhinac iyo dhammeystirka qorsha ha ku biiritaanka Ururka Mareykanka u qaabilsan awoodsiinta iyo taageerista Ganacsiyada iyo Maalgashadeyaasha Afrika oo codsigiisa uu hore u gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Moha moud.

Ururkan, ayaa dawladda Mareykanku ugu talo-gashay siddii loo kobcin lahaa fursadaha ganacsi ee Afrika iyo abuurista xiriir ganacsi oo laba ge esood ah oo dhex mara Mareykanka iyo wadam ada Afrika, waxaana ay tani innoo fududeyn doon taa in wax-soo-saarka Soomaaliya si toos ah loog gu dhoofin doono dalka Mareykanka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa safiirka iyo dawladda Mareykanka ba uga mahad-celiyey taageeraddooda ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda horumarin ta ganacsiyada gaarka ah ee ay ka wadaan guda ha Soomaaliya

Mareykanka oo DF ku wareejiyey hub ay kula dagaalanto Al-Shabaab

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulq aadir Maxamed Nuur (Jaama c) ayaa Shalay safa arada Mareykanka ee Soomaaliya kala wareegay hub ay ugu tal agaleen ciidanka xoogga dalka, ga ar ahaan Danab.

Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Larry Andre, ayaa munaasabadda Shalay ka dh acday safaaradda wuxuu ku wareejiyey wasiirka, hubkaas, agab kale oo ciidan iyo gadiid dagaal, asagoo she egay inay tahay deeqdan mid ay ugu talagaleen la-dagaall anka kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Mareykanaka uga mahad celiyey garab istaagga ay u muujiyeen ciidanka xoogga dalka, isagoo she egay in tani ay fariin u tahay dalalka kale ee caal amka.

"Waxaan Shalay la wareegnay agab loogu ta lagalay Danab, dowladda Mareykanka aad ayey nooga taageertay dagaalka Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandh igga Soomaaliya.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in ciidanka Soo maaliyeed lagu aamini karo hub iyo wax kasta oo howlaha qarankooda ah, isagoo dalalka kale ee caalamka ka codsaday inay garab istaag u mu ujiyaan Soomaaliya oo soo kabaneysa.

"Mareykanku wuxuu noo gartay inuu nagu garab istaago xaaladaan adag, waxaan Shalay ka la wareegeynaa agabkii ay ciidankeenu u baa hnaayeen, waa fariin iyo garab istaag wada socda hubkaan uu Mareykanku nasiiyey,” ayuu wasiir Jaamac hadalkiisa ku sii daray.

Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya ayaa door-weyn ka cayaareysa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo ciidanka xoogga dalka ay kooxda ka xoreeyeen deeganno badan.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay inay xoogga saarayaan tayeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo wajahaya dagaal adag oo dib u xoreyn ah, kaas oo saaxada looga tirtirayo kooxda Al-Shabaab.

Xiisadda Gedo oo ka sii dartay iyo gudd oomiyihii hore oo soo rogaal celiyey

Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cusm aan Nuur Mucalimuu oo wata ciidan xoog leh ayaa Garbahaarey ka soo diray fariin culus oo ku so cota dowladda federaalka, isagoo sheegay inuu soo ceshaday xilkiisii guddoomiyaha gobolka Gedo.

Guddoomiye Cusmaan Mucalimuu ayaa u doodaya siyaasiyiin uu sheegay in loo diiday inay tagaan gobolka Gedo, kuwaas oo Muqdisho ku xayiran, isla markaana uu baaritaan ku sameeyey cidda xayireysa raggaas.

"Waxaa siyaasiyiinta gobolkaan u dhalatay ee Al-Shabaab ka xoreysay ka hor taagan nin la yira ahdo Canjeex oo hal wiil uu ilaaliyo, sidoo kale Jeneraal Biixi ayaa ka mid ah ragga wax celinaya, anaguna ma yeeleyno in gobolkooda loo diido raggii Shabaab ka xoreeyey,” ayuu yiri Mucalimuu.

Canjeex oo ninkaan uu ku eedeeyey inuu hor istaagay siyaasiyiin u safreysay gobol kaas waa Guddoomiyihii Farmaajo u maga caabay gobolka Gedo, waxaana weli halkaas ka shaqeeya amarkiisa.

Cusmaan Macalimuu oo xilka guddoomiyaha gobolkaas ay dowladii Farmaajo xoog uga qaaday ayaa ku dhawaaqay inuu soo ceshaday xilkiisii, isla markaana uu yahay guddoomiye sharci ah oo Jubbaland ugu magacaaban gobolkaas.

"Jubbaland ayaan u shaqeynaayey cid sharci iiga qaday xilka guddoomiyaha gobolkaana ma jirto, laga bilaabo saacadaan waxaan sheeg anayaa guddoomiyaha gobolka Gedo, waxaana ku shaqeynayaa oo ka soo dhex hadlayaa xarunta gobolka ee Garbahaarey,” ayuu yiri Mucalimuu.

Ninkaan ayaa ku goodiyey in diyaarad aan sidin siyaasiyiinta loo diiday inay tagaan gobolka Gedo aysan ka soo degi karin Garbahaarey oo garoonku uu ka xiran yahay hadda kadib.

Isagoo fariin u diray DF ayuu yiri, "Sharci la’aan laguma dhaqmi karo, dowladda federaalka wax aan ka rabnaa inay wax ka qabato cidda fadhisa garoonka Muqdisho ee diyaaradaha u diideysa siyaasiyiinta u dhalatay gobolkaan.”

Cusmaan Mucalamuu ayaa sheegay in dowla dda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh laga jecelyahay gobolka Gedo, isla mark aana uu diyaar u yahay in gobolkaan lagu daro maamulka uu ka tirsan yahay ee Jubbaland.

AL-SHABAAB oo la yimid qorshe qabiile ysan oo ay ku soo dhex galaan shacabka

Kooxda Al-Shabab ayaa bilowday qaab cusub oo ay ku dhex galeyso bulshada, qaabkan waxa uu huwan yahay magac qabiil. Kooxda ayaa dad ay rabto inay fuliyaan shaqooyin sida inay xog ke enaan, canshuurta usii aruuriyaan, qaraxyo fuliy aan ama dilal abaabul iyo in mustaqbalka gabaad u noqdaan fikradooda waxay kusoo dhex daayeen goobihii laga qabsaday.

Dadkan ayaa waxay isku dhiibayaan qabiilado oda, qaar waxay sheegayaan in fikirkii ka tanaasul een, qaarna inay markii hore kooxda ugu biireen inay danaha qabiilka difaa caan.

Fikradan cusub oo Al-Shabaab ay hindistay ayaa deegaanada qaar ka hirgeshay, ayada oo od ayaasha qaar ay rag shabaab ah sheegeen inay kooxda u direen oo Beesha iyo Kooxda ay xarig u ahaayeen, si aan loo dulmin beeshaas.Inkasta oo aysan jirin qabiil Soomaaliyeed oo ka badbaaday dulmiga Al-Shabaab, haddana illo sirdoon ayaa ku waramaya in fikirkaan uu yahay mid kooxda Al-Shabaab ugu tala-gashay inay dib ugu dhibaate yso deegaanadii laga saaray.

Dadkaan soo laabtay ee beeluhu ku hagoogt een lama marin hubin dowladeed, waxaana meel aha qaar toos loogu dhex daayay magaalooyinka, taasi oo keentay ama keeni karta dhibaatooyin hor leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii si adag uga hadlay fikir kaan cusub ee Al-Shabaab ay rabto inay markale ku dhibaateyso ciidanka dowladda iyo bulshada hogaamineysa kacdoonka.

"Warar badan ayaa isoo gaaraya oo deegaan ada qaarkood dadkii Shabaabka ka tirsana ama qoryaha qaatay ee u adeegayay Shabaab inta uu hadda yimid uu yiraahda Shabaab ayaa dadka ka xigay oo dadka ka ilaalinayay, qabiilkiina uu yiraa hdo halaga leexdo iyo anaga u dirnay,” ayuu yiri.

"Meel la isku diro meeshaas kuma oolin, orod dadka Soomaaliyeed soo laay ama sidii loo leyn lahaa soo fudeydi qof loo diro karay majirin iyo qof loogu cudur-daarayo majiro. Allaha ka keeno ayaa leeyahay dadka iyo qabaa’ilka leh anaga Dorraad dadkaan u dirnay Shabaab.”

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay "Shabaab dadka Soomaaliyeed ayuu leynayay oo gumaadayay, meesha meel dad loo diro kuma oolin, dadka in uu wax kasoo laayo ayaa u dirtay sow maaha.”

"Ninkasta oo kamid ahaa calamkii Shabaab ee dalka ka socda, Shabaab waaye, waa kasoo no qday oo ka tanasulay afkaartii dhibka badneyd aan isla ogaano ee in uu ku dhex fadhiyo oo tele foonkii uu idinla daba taagan oo adigana reer hebel aad tiraahdo cudur daar malaha.”

Xigasho:-caasimadda.net

Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweyaha oo sheegay in Al-sha baab wax wada xaajood ah lagula jirin

Lataliyaha dhanka amniga qaranka madax weynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay inuusan waxba iska badalin mow qifka dowladda ee ku aadan dagaalkanka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Lataliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin ayaa beeniyay in Al-shabaab ay dowladda ka soo codsatay wadahadal, waxa ana xusid mudan in Dorraad uu warbaahinta u sheegay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim in kooxda Al-shabaab ay dowladda kasoo codsatay wadahadal.

" Dowladda waxaa ka go'an la dagaalanka koo xda Shabaab, mana jirto wax wada xaajood ah oo aan kula jurno, waxaana la marin doona qofki sha baab ah ee isa soo dhiiba nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee dowladda” ayuu yiri Lataliyaha amniga qaranka Xuseen Mac alin Maxamuud.

Hadalkaan kasoo yeeray Lataliyaha amniga qaranka ayaa imaanaya, iyadoo kooxda Al-shab aab qudheeda ay beenisay wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay wadahadal.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka hor yimid xilka qaadis iyo magacaabis uu samee yay wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka horyimid xilka qaadista iyo magacaabista guddoomiyaha degmada Halgan ee gobolka Hiiraan oo uu sameeyay wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore. Guddoomiye Jeyte ayaa si cad uga soo horjeestay magacaabista guddoomi yaha cusub ee degmada Halgan, isagoona shee gay inuu masuul ka yahay deegaanada iyo degm ooyinka gobolka Hiiraan, islamarkaana magacaab ista uu sameeyay wasiir Cabdi Daahir Guure ays an ku imaan soo jeedintiisa.

"Waxaan beeninay aa inaan waxbo ka la socon sidoo kal ane aan soo-jeedin ka sameeyn Xilka qaadista iyo maga caabista uu sameeyey wasiirka arimaha gu daha Hirshabelle mudane Cabdi daahir guure (karoore) ee maamulka Degmada Halgan ee Gobalka Hii raan" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Jeyte.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale lagu sheegay in deegaanada gobolka Hiiraan ay dagaalo ka soc daan oo aysan jirin fikir ah in lagu mashquulo mag acaabis iyo xilka qaadis.

"Dadka iyo Deegaanka reer hiiraan waxeey dagaal kula jiraan kooxda khawariijta Al-shabaab ma jirto Fikir aan ugu mashquuli karno wax bada lid iyo magacaabis , ayadoo dowladnimada aay tahay is Badalid hadana maha mid wax ka ogahay ka Maamul ahaan" ayaa lagu warka kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Jeyte.

Muxuu SACIID DENI ka yiri arrinta mud do kororsiga?

Madaxweynaha maamulka Puntland, Md.e Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa markii horreysay si faahfaahsan uga hadlay arrinta mud do kororsiga ee lagu eedeynayo isaga & saaxi badiisa haatan haya talada maamulkaasi.

Deni ayaa marka hore u jawaabay xubnaha mucaar adka ee kasoo horjeedo maamulkiisa, wuxuuna sheegay inay cabsi aan jiri n ay gelinayaan dadka re er Puntland.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka bad badin ay sameynayaan siyaasiyiinta, isaga oo qiil u sam eeyay qorshaha muddo kororsiga, wuxuuna sheeg ay in horay ay Puntland uga dhacday.

"Cabsida dadka la galinayo, waa shaki laga galinayo inay golayaashooda deegaanka doorta an. Waxaa laleeyahay, madaxweynuhu doorasho uma socdee, ku darsibuu u socdaa, oo haddaan ku darsi u socdo, doorashadan maan iska daayo dhibkeeda oo taas aado,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa si cad u shee gay in dhammaan madaxdii ka horreysay isaga ay sameysteen muddo kororsi, taas oo ay haatan shaki kasii muujiyeen mucaaradka.

‘Aniga ma ahane madaxdii horoo dhan waa ku darsan jirtay, dhibna malahayn,” ayuu mar kale sii raaciyay Saciid Deni.

Hadalkan ayaa uga sii daraya muranka haatan ka taagan doorashooyinka Puntland oo ay walaac xoogan ka muujinayaan ururada siyaasadda oo sheegay inuu mugdi badan ka jiro.

Ururada siyaasadda Puntland ayaa dhankoo da dhaq-dhaqaaqyo ka wada Garoowe, waxayna maalmo kahir uga dhowaaqeen Madal ay ku mid eysan yihiin.

Siyaasiyiinta qeybta ka ah Madasha looga dha waaqay Garoowe ayaa waxaay isugu jiraan kuwa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaal ka iyo maamulka Puntland

Duuliyihii ugu dambeeyay ee diyaaradii Somali Airline oo ku geeriyooday Magaalada Kampala

Waxaa Jimcihii lasoo dhaafay magaalada Ka mpala ee dalka Uganda ku geeriyooday Kabtan Ja amac Ofle oo ahaa duuliye taariikhda galay isagoo noqday kabtankii ugu damb eeyay ee duulimaadkii caal amiga ahaa ee Somali Airl ines sanadkii 1991-kii.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Abdus alam Omer oo ay saaxiib dhow ahaayeen kabta nka geeriyooday ayaa bartiisa Twitter-ka ku xaqii jiyay geerida Ofle.

Kabtan Jamac Ofle waxa uu ka duuliyay Mu qdisho horraantii 1991-dii duulimaadkii ugu damb eeyay ee Somali Airline ku tagtay illaa Frankfurt, markaasoo uu bilaabmay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

Captain Ofle waxa ay shaqaalihii iyo rakaabkii diyaaradda ku xasuustaan inuu si geesinimo leh u gutay waajibaadkiisa shaqo, isaga oo hubinayey badqabka dhammaan rakaabka diyaaradda.

Diyaarada Somali Airline oo mar ahaan jirtay astaanta isku xirka ganacsiga caalamiga ah ee Soomaaliya iyo caalamka, ayaa u adkeysan wey day saameynta dagaaladii sokeeye iyo xasilooni darrada siyaasadeed ee dalka ka jirtay, waxaana ugu dambeyntii lagu qasbay in ay joojiso duulim aadyadii ay sameyn jirtay sanadkii 1991-kii.

Duulimaadyada iyo kaabayaasha dhaqaale ee shirkadda ayaa marar badan lagu bartilmaame edsaday kooxihii kala duwanaa ee isku hayay tal ada dalka.

thumbnailthumbnailthumbnail

Diyaaradda Somali Airlines Airbus A310-304 ee ku sugneyd garoonka diyaaradaha ee Frankfurt Rhein-Main Int'l Airport Ogosto 9 1990/ Freek Blokzijl/ Air History

Diyaaradda Somali Airlines Airbus A310-304 ee ku sugneyd garoonka diyaaradaha ee Frankfurt Rhein-Main Int'l Airport Ogosto 9 1990/ Freek Blokzijl/ Air History

Ku dhawaad sanad kadib burburkii Somali Airli nes, diyaaradii ayaa lagu keydiyay garoonka diyaa radaha ee Frankfurt Rhein-Main Int'l Airport.

Duulimaadkii ugu dambeeyay ka dib, Captain Ofle waxa uu u guuray Ottawa isaga iyo qoyskiisa halk aas oo uu ugu dambeyntii noqday muwaadin Ca nadian ah.

Captain Ofle waxa uu ka mid ahaa kooxdii ugu horaysay ee duuliyayaal rayid ah oo Soomaali ah oo lagu tababaro Akademiy ada Tababarka Duul ista Hawada ee Jarmal ka ee Lufthansa bartamihii 1960-yadii.

IOM iyo World Bank oo mashaariic ka fulinaya gobolka Banaadir

Guddoomiye Ku-xigeenka maamulka iyo maal iyadda gobolka Banaadir Mudane Ciise Guure ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabi lay wafdi ka socday Hay’adda IOM oo uu Hogg aaminayay Mr. Bradley David.

Kulanka ayaa loogu hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxeysa maamulka go bolka Banaadir iyo IOM, gaar ahaan mashaariicda IOM iyo World Bank ay ka fulinayaan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Kaxda, Garasbaley iyo Dayniile. Maamulka gobo lka Banaadir iyo Hay’adda IOM ayaa isla qaatay in la dardar geliyo hawlaha dib u dajinta iyo taageerada Barakacayaasha ku nool degmooyin kaas, iyo in la abuuro jawi wada shaqeyn isla ma rkaana la joogteeyo qeybaha farsamada ee fulinta mashaariicdaas.

Ciidanka Amniga Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Walxo Qarxa Ku Aasayay Waddo Muhiim Ah

Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka Soo maaliya iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle ayaa Shalay gacanta ku soo dhigay Nin la sheegay inuu waxyaabo qar xa ku aasayay wadada xiririsa magaaloyinka Beledweyne iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Amniga ayaa ku guulleystay in gacanta ku dhigaan ninka oo qalabka qarxa gelinayay wadada marta deegaanka Bacda ee waqooyiga Hiiraan, kadib markii sida la sheegay ciidanka lagu wargeliyay falka uu Ninka sameeynayay.

Saraakiisha dowladda Federaalka iyo kuwa Hirshabeelle ee ku sugan Baladweyne ayaa wax aa ay sheegeen in Ninka la qabtay lagu xiray Sal dhiga Booliska magaalada, halkaasi oo uu ku waj ahayo baaritaano dheeri ah oo lagu sameeynayo.

"Ciidamada Ammaanka oo kaashanaya Shac abka Soomaaliyeed ayaa markasta ka hortaga falalka amni darro ee Al-shabaab doonayaan inay ka geystaan gudaha deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle” ayaa lagu yiri Qoraal lagu daabacay Wakaalada Wararka SONNA.

Si kastaba, Qaraxyo isugu jiray miinooyin iyo kuwa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay magaalooyin ka Baladweyne iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana qaraxyadaas ka dhashay khasaaro dhim asho iyo dhaawac.

Wararkii ugu dambeeyay shirka Koonfur Galbe ed ee mucaaridka iyo Lafta-gareen

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Ba ay ayaa waxa si weyn looga dareemaya oo ka so cda diyaar-garowga shirka dib-u-heshiisiinta siya asiyiinta Koonfur Galbeed.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay ayada oo dhawaan halkaas la filayo in ay gaaran Wafuud kala duwan oo qeyb ka yihiin Madax ka tirsan dowladda federaalka iyo Ergada ka qayb-galaysa shirka. Guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiisiinta ee uu magacaabay Guddoom iyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale ku sugan magaalada Baydhabo, hase yeeshe illaa hadda si rasmi ah looma oga waqtiga uu furmayo shirkaas.

Isaaq Xuseen Mursal oo ka mid ah siyaasiyiin ta ku sugan magaalada Baydhabo oo ka hadlay diyaar-garowga shirka ayaa sheegay in la filayo in uu madaxweynaha dowladda federaalka uu kasoo qeyb-galo, si loo dhameeyo xiisada ka dhalatay muddo kororsiga madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

"Guddigii farsamada ee guddoomiyaha waa joogaan, iyaga laga warsuga oo u igman how shaan. Waa la socona siyaasiyiin meesha jooga oo howsha dad baa u xilsaaran oo ka warsuge ynaa,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay "Siyaasiyiinta Muc aaridka waa ku qasban yihiin inay imaadan shirka oo dadka wax tabanaya ee shirka loo qabtay waa ayaga, inay imaadan shirka waa ku qasban yihiin.”

Shirkaan oo markii hore loo ballansana 5-ta bishaan ayaa waxa ku yimid dib u dhac, sida la sheegayna ay kow ka tahay arrimo farsamo dart ood, waxaana dhawaan la filayaa in wafuuda ay gaarto magaalada Baydhabo.

Shirka dib-u-heshiinta Koonfur Galbeed ayaa lagu rabaa in xal looga gaarayo xiiasda siyaasade ed ee maamulkaasi, taasi oo u dhaxeyso madaxt ooyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee fadhigoo du yahay Muqdisho.

Dhowaan ayey aheyd markii xiisada siyaasade ed ee maamulkaasi ay isku rogtay gacan ka hadal ka dib markii Baydhabo uu ka dhacay iska hor-imaad u dhaxeeyay ciidanka ammaanka iyo kuwa la magac-baxay badbaadada Koonfur Galbeed, kaasi oo khasaare geystay, wuxuuna sidoo kale sii huriyay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maa mulkaasi.

Maamulka degmada Walanweyn oo mamnuuc ay hubka shacri darrada ah

Wareegto kasoo baxaday Xafiiska Gudoomi yaha Dagmada Walaweyn ee Gobolka Shabeel laha Hoose ayaa waxaa lagu mamnuucay Hubka sharci darada ah iyo rasaasta bilaa micnaha loo rido.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay kadib markii uu arkay cabasho katimid Bulshadda kunool degmada Wanlanweyn qeybaheeda kaladuwan, oo kusaabs an rasaas sharcidaro ah in larido Habeen iyo maalinba taasoo khalqal gelisay Amniga Degma da, sidaasi drrteed Maamulka degmada uu soo saaray Amaradaan Hoos kuxusan.

Lagabilaabo Shalay oo ay Taariikhdu Tahay 08/01/2023 Waxaa Lamamnuucay,

1- In Wax Rasaas Ah Laridikarin Aroosyada & Xafladaha,

2- Inaysan Wax Rasaas Ah Ridikarin Dadka Kaganacsada Qoryaha,

3-Iyo Guud Ahaan In Si Sharcidaro Ah Looga Dhexridikarin Xabad Gudaha Degmeda Iyo

Nawaaxigeeda. Wabilaahi Towfiiq

Saameynta Maandooriyaha ee Dhalinya rrada "Warbixin”

Maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan sida Xashiishka, Jaadka, Tubaakada, Taabuuga IWM ayaa dhibaato ku haya bulshada gaar ahaan dhalinyarrada da’ yarta ah, waxaana bahda caafimaad ka ay ka digayaan saameyn ta taban ee ka dhalan karta xaaladani.

Xanuunada halista ah ee la ga dhaxlo dhibaatadani ayaa waxaa kamid ah qab atinka (Addiction), cudurada ku dhaca maskaxda nuucyadooda kala duwan sida Walwalka, Niyad-jabka iyo Waalida.

"Marka aan bilaabaayay daaweynta xanuunna da Nafsiga ah, waxa aan ogaaday in uu aad u kor dhaayay xanuunnada Nafsiga oo in badan ay sab abaan daroogada” ayay tiri Dr Idil Cawil Cilmi oo ka qeyb-gashay shir looga hadlayay ka hortagada dhibaatada Moondooriyaha.

Sababaha ugu waa wayn ee keeni kara in qof ka uu isticmaalo Maandooriyaha waxaa kamid ah Shaqo-la’aanta jirta, sidaasi waxaa lagu soo ban dhigay shir looga hadlayay ka hortagada dhibaata da Moondooriyaha oo Shalay lagu qabtay Maga alada Muqdisho.

Dr.Ibraahim Dhaqane Cali oo kamid ah dhaqa atiirta ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay sababta dhalinayarrada u isticmaalaan Maandooriyaha, taasi oo uu ku tilmaamay shaqo la’aanta iyo in ay awood ka raadinayaan.

Marka laga soo tago saameynta Shaqsiga qof ka isticmaalaya Maandooriyaha waxaa sidoo kale jira dhibaato bulshada ay kala kulmi karaan ruux aasi.

Axmed Maxmuud oo ah bare wax ka dhiga mid kamid ah Jaamacadaha Muqdisho oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa tilmaamay in dhibaatooyin badan uu Maandooriyaha ku keeni karo Bulshada.

"Dadka inta badan isticmaala Maandooriya ha waxaa ay si fudud u geysan karaan falal ka Amni ga lidiga ku ah, taasi oo dhiiri gelin karta sare u ka ca dambiyada ” ayuu yiri Bare Axmed Maxamuud

Dagaallo culus oo markale ka dhacay Laascaa nood iyo wararkii ugu dambeeyay

Xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa weli kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in markale ay Habeen hore dagaallo culus ay ka dhaceen bartamaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare kala duw an.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeys an ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigyo ciidamada Somaliland ay ku le eyihiin duleedka magaaladaasi.

Mid kamid ah weeraradaan ayaa waxaa lagu beegsaday saldhig u dhow meel uu haatan dagan yahay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Max amed Kaahin Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalladaas ay ka dhasheen khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ku kooban labada dhinac, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Xiisad xoogan ayaa sidoo kale lagu soo warr amayaa in Shalay ay ka taagan tahay duleedka magaalada, taas oo ka dhalatay weerarada lala be egsaday ciidamada Somaliland.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa dhank ooda bilaabay dhaq-dhaqaaq cusub iyo howlgallo ay ku baadi goobayan raggii ka dambeeyay weer arada Habeen hore ka dhacay halkaasi. Xaaladda guud ee magaalada ayaa weli cakiran, maadaama ra bshaduhu ay sii kordheen, isla-markaana ay soc daan todobaadkii saddexaad oo xiriir ah

Dadka banaanbaxyada dhigaya ayaa sheegaya in aysan dooneyn inay Somaliland xukunto Laasca anood, iyagoo ku doodaya in dilka haldoorkooda aysan sidaan ku sii fiirsa karin.

Magaalada waxaa ku soo noqnoqday dilalka kooxaha aan la garanayn ay geystaan, waxaana la beegsadaa dadka haldoorka u ah bulshada magaalada Laascaanood.

Si kastaba, baaqyo ku aadan in la qaboojiyo xiisadda Laascaanood ayaa iska soo dabadhac aya, balse sida muuqata Somaliland waa ay ka dhego furaysatay.

Ammaanka Magaalada Baydhabo oo la adke eyay

Warar ka imaanaya magaaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in uu Magaaladaas uu ka socdo diyaar garow la xiriira Shirka dib u heshiisinta siyaasiyiinta koofur gal beed

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay waxaana dhaw aan halkaas la filayaa in ay gaaraan Madax ka tir san dawlada Federaalka Soo maaliya & Ergada ka qayb galaysa shirka.

Maalmo ka hor waxaa Ma gaalada Baydhabo gaa ray guddiga qaban qaab ada shirka dib u heshiisiinta ee uu magacaabay Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlam aanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nu ur Madoobe ‘ hase ahaatee lama oga waqtiga uu furmayo shirkaas.

Isaaq Xuseen Mursal oo ka mid ah siyaasiyiin ta ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay diyaar garowga ka socda Magaalada Baydhabo ee ku saabsan shirka dhawaan halkaas ka Furm aya

Madaxweynaha Ivory Coast oo qaabilay ciida madii ku xirnaa Mali ee lasoo daayay

Hogaamiyaha Ivory Coast ayaa dalkiisa ku soo dhaweeyay tobaneeyo askari oo ku xirnaa Mali, isagoo sheegay inuu rajeynayo in uu soo laaban doono xiriirka labada dal.

Madaxweyne Alassane Ouattara ayaa qaabi lay 46 ka mid ah ciidamada markii ay ka soo deg een garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaa lada Abidjan.

Waxa uu sheegay in hadda la soo afjaray xiisadii ka dhex taagneyd labada dal. Khilaafka ayaa cirka isku shareeray kadib go’ doominta caalamiga ah ee la geliyay taliyayaasha militariga Mali.

Askarta Ivory Coast, oo la haystay tan iyo bi shii July, ayaa cafis loo fidiyay Jimcihii.

Toddobaad ka hor, waxaa lagu xukumay labaa tan sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay inay carqaladeeyeen amniga gobolka.

Dowladda Ivory Coast ayaa sheegtay in ciidama da loo diray Mali si ay qeyb uga noqdaan howlgal ka Qaramada Midoobay ee halkaas.

Baroor-diiq loo sameynayo 40 qof oo ku dhim atay shil ka dhacay Senegal

Madaxweynaha Senegal, Macky Sall, ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ah, ka dib markii ay isku dhaceen laba bas oo ay ku dhinteen 40 qof halka tiro kal ena ay ku dhaawacmeen.

Shilka ayaa aroortii hore ee Shalay ka dhacay waddada is ku xirta Kaffrine iyo Touba ee marta bartamaha dalka Senegal.Mr Sall wuxuu sheegay in saraaki isha ay kulan yeelan doonaan Isniinta si loo qaado tallaabooyin adag oo lagu xoojinayo ammaanka waddooyinka.

Shilalka gaadiidka ayaa ku badan dalka Sene gal basle kani wuxuu ahaa shilkii ugu dambeeyay ee ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalkaas.

Xabad joojintii uu Madaxweynaha Rush ka Put in uuku dhawaaqay oo dhagaha laga furey stay

Xabbad-joojintii uu Ruushku ku dhawaaqay ee Ukraine ayaa dhammaatay inkastoo wararku she egayaan in muddadaas soddon iyo lix saacad oodka ahba uu weerarka kala duwan ka socday qeybo kamid ah Ukraine.

Duqeymo hore leh ayaa weli ka socdaa qeybo kamid ah dalka Ukraine, saraakiisha Ukraine waxay shegeen in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay magaalada Khar kiv. Sidoo kale qaraxyo ayaa laga soo sheegayaa inay ka dhaceen qeybo kamid ah magaalooyinka Zaporizhzhia iyo Melitopol ee dhaca waqooy bari dalkaas.

"Holaca” ka dhashay madaafiicda ayaa kuu sheegaya inaad ku dhowdahay mid ka mid ah qay baha ugu halista badan ee jiidda hore ee bariga Donbas ee Ukraine.”

Waxa ay sidoo kale muujinayaan in xabad jooj inta 36-ka saac ee uu Ruushka ku dhawaaqay ay tahay magac kaliya ah.

"Waxay ballan qaadeen inuu jiri doonto xabad joojin, laakiin ma taasi aragno mana dareemayno,” ayuu yiri Oleksandr, oo ah askari ka tirsan ciidama da Ukraine.

Wax yar ka dib , madfac ayaa ku soo dhacay meel 50 mitir u jirta meesha uu ka hadlayo Oleks andr. Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa shee gay in soo jeedinta Vladimir Putin ee xabbad joojin ta lagu xusayo ciidda kirismaska ​​ee madh abta Orthodox ay

Dowladda Shiinaha Oo Dib U Furtay Xuduude eda, Kadib Saddex Sanno Oo Ay Xirnaayeen

Shiinaha ayaa xudduudahiisa dib ugu furay dadka ka imaanaya caalamka markii ugu horreys ay tan iyo markii ay xayira adaha safarka soo rog tay bishii March ee sanadkii 2020-ka.

Muddo saddex sano ah, Shiinaha ayaa qaad ay shar ciyadii karantiilka ee loogu talagalay dadka dal kaas uga imaaneyey dibedda.

Waa tallaabadii u dambaysay ee ay dawladdu meesha uga saarreyso siyaasaddeeda ku dhisna yd ciribtirka kiisaska cudurka Covid-19.

Waxaa dadka booqanaya Shiinaha laga doon aya inay sitaan caddeyn muujineysa in qofka uu san qabin cudurka muddo 48 saacadood gudah ood.

Isbeddelka lama filaanka ah ayaa horseeday sare u kac degdeg ah kiisaska coronavirus, wuxuuna ku kalifay in waddamada kale ay ku soo rogaan xannibaado dalxiisayaasha ka imanaya shiinaha.

Goobjoogayaala ayaa sheegay in ay maqlaye en dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen la bada dhinac, waxaana dagaalka ka dhashay khas aaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in mid kamid ah Saldhigyada la weeraray meel u dhow in uu degan yahay Wasiirka Arrimaha Guda ha Somaliland Maxamed Kaahin oo maalmahaan ku sugan Gobolka Sool.M/ Laas-Caanood ayaan weli cagabad an ku taagneyn, waxaana Maalintii Afaraad gacanta ku haaya maleeshiyaadka dega anka ee ka saaray Ciidamada Somaliland.

LABO GABDHOOD OO SOOMAALI AH OO LAGU SOO DARAY LIISKA 100-KA QOF EE UGU SAAMEYNTA BADAN AFRIKAANKA


Iqra Ismaaciil

Waxaa shaaca laga qaaday liiska dadka Africaanka ah ee ugu saameynta badna sannadka 2022-kii. Dadkan oo 100 qof ka kooban ayaa waxaa loo soo xushay inay yihiin Afrikaankii ugu saameynta badnaa sannadkii tagay. Waxaa ka mid ah madaxweyneyaal, siyaasiyiin, cayaartooy iyo fannaaniin.

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbinayanaa qaar ka mid ah 100-ka qof ee ku soo baxay liiska oo ay ku jiraan laba qof oo Soomaali ah.

William Ruto, madaxweynaha dalka Kenya

William Ruto Guusha Madaxweyne William Ruto ee doorashadii Ogosto 2022 waxay ahayd mid muhiimad badan leh oo dhinacyo badan saameysay keliya Kenya ma ahan.

Waxa uu laba xilli madaxweyne ku xigeen u ahaa Uhuru Kenyatta madaxweynihii hore ee Kenya, balse markii labaad, Kenyatta waxa uu uga hiilay Raila Odinga, taas oo muujinaysay in la soo afjaray xifaaltankii tobannaanka sano socday ee u dhexeeyay labada qabiil ee ugu awoodda badan Kenya.

Markii la doortay waxa uu ballan qaaday in dhaqaalaha Kenya oo sanadaihii ugu dambeeyay liitay uu sare u qaadi doono. Waxa uu markasta ahaa qof isku kalsoon oo hadaf leh kaas oo markii dambe ka dhabeeyay in gaaro booskii uu hiigsanayay ee ahaa in mar uun uu Kenya madaxweyne ka noqdo.

Paul Kagame, madaxweynaha Rwanda

Paul Kagame Waxa uu dalkiisa hoggaanka u qabtay sannadkii 2000, welina si hufan oo aan khilaaf ka jirin ayuu u maamuulaa isagoo isticmaalaya siyaasado dalkiisa barwaaqo u horseedi karo.

Dadka taageera madaxweyne Kagame ayaa waxa ay si khaas ah ula ashqaraareen siyaasadaha ku dhisan awoodda Afrika ay u leedahay inay heeri sare gaari karto taas oo sidoo kale soo jiidatay adduunka intiisa kale inkastoo dadka ka soo horjeeda ay ku dhaliilayaan in ay liidato ku dhaqanka dimuqraadiyadda ee Rwanada.

Waxa leeyahay hadfyo fog-fog oo la xiriira tignoolajiyadda, caafimaadka iyo wax soo saarka beeraha.

SAGAL ALI

Sagal Cali Iyadoo ka hadleysay dareenkeeda ku aaddan liiska ay kasoo muuqatay ayey baraha bulshada ku soo qortay: "Waan ku faraxsanahay in aan ku jiro liiska 100-ka qof ee ugu saameynta badnaa dadka kasoo jeeda Afrika, sanadkii 2022."

Waxa ay intaas ku sii dartay: "Waxaan u hambalyeynayaa dadka aan Afrikaanka isla nahay ee ku jira liiska, kuwaasoo qabtay shaqo cajiib ah."

Sagal Cali waxa ay mar walba dareemeysay in ay ceeb tahay in Soomaaliya aysan lahayn urur u ololeeya hidaha iyo dhaqanka faneed ee hodanka ah.

Waxa ay haystaa dhalashada Netherlands waxayna aasaastay Somali Arts Foundation sannadkii 2020-kii si ay u taageerto una horumariso fanka Soomaaliyeed.

Waxay sheegtay in sababta ay u aasaastay ay tahay "baahida weyn ee loo qabay fanka casriga ah ee Soomaaliya".

Waxay rajaynaysaa in uu fanka ka faa’iidaysto si uu u taageero uga helayaan dhalinyarada iyo bulshooyinka la hayb sooco si ay fikirkooda hal-abuurnimo, ugu muujiyaan iyada oo la raadinayo in la abuuro hindise taageeraya aasaaska hal-abuurka.

Ka hor intii aanay Sagal aasaasin, waxa ay Geeska Afrika ka shaqaynaysay dhawr sannadood. Waxay ahayd La-taliyaha Khabiirka Hiddaha Dhaqanka ee Mashruuca Soo noolaynta Dhaqanka, Dhismaha Nabadda Soomaaliya intii u dhaxaysay 2015 ilaa Noofambar 2017, halkaas oo ay naqshadaysay oo ay ka fulisay mashaariic badan iyada oo adeegsanaysa farshaxanka iyo hiddaha dhaqanka si loo kobciyo nabadda.

Bishii Nofeembar 2018, Sagal waxay si toos ah ula shaqeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ahayd la-taliyaha sare ee dhanka Farsamada ee dhanka Fanka iyo Hidaha, waxayna sidoo kale ahayd Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee UNESCO.

Iqra Ismaaciil

COACHIQRA

Iqra Ismaaciil

Iqra Ismaaciil, oo ah ciyaartoyda Muslimka ah ee xijaabka ku ciyaarta ahna tababare, ayaa durbadiiba noqotay dhiirigeliye weyn.

Markii ay isku aragtay liiska 100-ka qof ee ugu saameynta badan Africa waxay la noqotay filan waa, sida ay ku shegetay boggeeda Isntagram.

"Waxaa dhab ahaantii sharaf ii ah in la igu soo daro liiska Wargeyska NewAfrican ee muujinaya 100-ka qof ee ugu saameynta badan Afrikaanka. Waa cajiib inaan magaceyga ku arko meel ay ku safan yihiin dad waaweyn sida Sadio Mane & Lupita Nyong’o," ayey tiri Iqra.

Waxay wax badan ka badaleysaa in dumarka Muslimka ah ee la takooro ay awood u yeeshaan inay hibadooda soo bandhigaan iyagoo xijaabkooda xiran.

Bishii Diseembar 2019, Iqra waxay hogaaminaysay xulka haweenka qaranka Soomaaliya oo ka koobanaa ciyaartoy ka socotay UK iyo Muqdisho si ay ugu tartamaan Koobka Xuquuqul Insaanka ee Cape Town, iyadoo sanadkii xigayna ka qeyb gashay Ciyaarta Champions League-gga ee PepsiCo ee Expo 2020 Dubai.

Xayiraadihii fayraska corona ma aysan niyad jabin heerkii ay fileysay inay ka gaarto kubadda cagta iyada oo xiran xijaabkeeda.

Iqra oo u dhalatay UK, hiwaayaddeeda carruurnimo waxay u noqotay dareen ka soo horjeeda takoorka ay haweenka Muslimiinta ah ay wajahayaan kaas oo iyada lafteedu ay dhibane u noqotay.

Iqra waa aasaasaha naadiga UK’s NUR (Never Underestimate Resilience) FC, oo koox ka kooban dumarka madow iyo kuwa laga tirada badan yahay, iyo sidoo kale Agaasimaha Naadiga Kubadda Cagta Haweenka Hilltop ee waqooyi-galbeed ee London. Waxay ahayd qofka ugu da'da yar ee ugu sarreeya liiska dadka madow ee Kubadda Cagta ciyaara sannadkii 2019.

Dadka kale ee liiska ku jira waxaa ka mid ah Maxamed Salaax, Sadio Mane, Karim Benzama iyo kuwa kale oo badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin.XIGASHO:BBC

Mareykanka oo xabsiga kasii daayay haweeney aheyd ‘basaas caan ah’




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip