HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY EWS PEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 7-DA JANNAAYO 2023-KA

0
Saturday January 07, 2023 - 08:51:43 in Wararka by
  • Visits: 450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY EWS PEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 7-DA JANNAAYO 2023-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xasan Sheekh oo go’aan cusub ka soo saaray qofkii kasoo hara Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud oo Shalay khudbad ka jeediyey masjidka Ma daxtooyada Soomaaliya ayaa ugu horeyn farriin u diray dhalinyarada weli ka barbar dagaalanta kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sii dabar go’ayaan, "Dhalinyaro mee sha aad aadeen waa halaage ka soo laabta, ku soo noqda dalkiina, dowladi ina iyo diintiina,” ayuu yiri Madaxw eynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in qof kasta oo Shab aab ka tirsan uu maalin kasta galo cuqubo aan ka ha ri doonin adduun iyo aaqiro, "Kuwa madaxoodu ad kaaday ka soo hara dhalinyaro,” ayuu yiri.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa fariin u diray dad ka reer miyiga ah ee la dagaalamaya Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay in aysan aamin qof ka soo goos tay Al-Shabaab, isla markaana ay dowladda u daay aan hubinta iyo dhaqan celinta qofkaas.

"Marar badan ayaan ka digay arrinta qabiilka, wal aalayaal Shabaab nagu qabiil maaha, warar badan ayaa isoo gaaray oo deegaanada qaarkood, dadkii Shabaab-ka ka tirsanaa inay dadkooda iska dhex gal een, waxaasi macquul maaha, waana khatar,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sid gaar ah madaxweynaha ayaa ka hadlay oda yaashii sheegay inay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen dhanka nabadoonimada iyo kuwii lacagaha u uruuri jiray, isagoo sheegay in meeshaas aysan nabadooni mo ka jirin ee raggaasi ay raali ka ahaayeen in la laayo dadkeenna.

"Dadkii lagu qanciyey in dadkaan Soomaaliyeed la laayo, ayaa Shalay qabiilkiisu wuxuu ku leeyahay ninkaan anagaa Dorraad Shabaab u dirnay, war Sha baab dadka Soomaaliyeed ayuu leenaayey ee maxa ad u dirtay inuu dadka wax ka laayo?” ayuu mada xweynuhu hadalkiisa ku sii daray.

Madaxweynaha ayaa qabaa’ilka ku doodaya inay odayaal u dirsadeen Al-Shabaab, si wixii uga xirma ay uga nabadooniyaan ayaa weydiiyey su’aal ah, war ninkaan dadka dilaayey, qof wakiilka ah ee aad u dirs atay muxuu ka shaqeynayey?.

"Nin kasta oo camalka Shabaab ee dalkaan ka ji ra ka mid ah, waa Shabaab, qofkii ka soo baxa waa fi ican yahay, laakiin aan isla ogaano, mar kasta Al-Shabaab ayuu la hadli karaa qofkaas adigoo qabiil ku cafinaya ayuu ku jaajuusayaa, cudur daar malaha qof Shabaab u adeegay ee yaan lasoo dhaweysan,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku sii daray.

Xasan oo guddoomiyey shir lagu ansixiyey shar ci isbedel weyn ku sameynaya NISA

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaali ya, Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shalay shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Gola ha Wasiirada, halkaasi oo lagu ansixiyey sharci isbeddel weyn ku sameyn doona hay’adda NISA.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn faray xubnaha Golaha Wasiirada in ay joojiyaan shirarka lagu qabto dalka dibaddiisa, ayada oo la heli karo in lagu shiro gudaha dalka.

Sidoo kale wuxuu amar ku siiyay Ra’iisul wasaaraha iyo Golihiisa in la hubiyo ma shaariicda hormarineed ee laga fuliyo dalka, si ay waxtar ugu yeeshaan bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale Golaha kala hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shab aab, isaga oo shaaciyay in 2023 uu yahay sanadkii dib u xorreynta dalka.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya aya Shalay meel mariyay Hindise sharc iyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta dadweynaha iyo Hindise Sharciyeedka Hey’adda Sirdoonka iyo Na badsugida Qaranka oo noqonaya markii u horreysay ee Nabadsugida yeelato sharci rasmi ah tan iyo mar kii la aas aasay 8 January 1970.

Haddii uu sharcigan ansixiyo Baarlamaanka Fede raalka Soomaaliya, ayaa waxaa NISA ay si rasmi uga mid noqon doontaa afarta qeyb ee Ciidamada Qalabka Sida.

Nabad Sugida oo magacyo kala duwan ku how lgaleysay tan iyo markii la aas aasay sida NSS iyo NISA ayaa ku shaqeyn jirtay wareegtooyin iyo awaa miirta ka soo baxda madaxdii kala duwaneyd ee soo martay dalka.

Sidoo kale haddii sharcigan la ansixiyo wuxuu soo laabi doonto taariikh dheer oo mugdi ah oo ay leedahay NISA, iyadoo Agaasime Mahad Salaad uu noqon doono Agaasimihii u horreeyay ee ku dhiirada inuu sharciyeeyo jiritaanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka.

Si kastaba, shirkan ayaa ku soo aaday, xilli xas aasi ah ayada oo haatan uu dalka jiro dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ka socdo inta badan gobollada Soomaaliya.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka hadlay wee rarkii ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaa sha Maamulka iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida ciidamadii iyo saraakiishii Shalay ku dhintay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaaday deega anka Hilowle gaab ee hoos yimaada degmada Ruuni rgood we Gobolka Shabeellaha Dhexe.

War saxaafadeed kasoo badly Madax tooyada Hir-Shabeelle ayaa lagu she erly in Madaxweynaha xusay in Al-Sha baab oo Shalay weeraro ku biloowday qaraxyo kusoo qaaday fariisimaha Cii damada iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa dee gaanka Hilowle Gaab lagu jabiyay khasaarana lagu gaarsiiyay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la dardargalin ayo howlgallada ka Dhaka ah Shabaab, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeybgal aan dhameystirka howlgallada socda.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga Sara akiishii iyo Askartii naftooda ku waayay difaac dalka dadka iyo diinta inuu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawaca ahna uu Eebbe u boogo dhayo.

Dowladda oo shaacisay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ka dhacay degmada Maxaas

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa booqday dadkii ku dhaawacmay weer aradii qaraxyada ahaa oo ay Al-Shabaab ka gays teen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kuwaas oo xaaladdooda Caafimaad lagu dabiibayo Isbitaalka Erdogan ee Magaalada Muq disho.

Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dha qaatiirta Isbitaalka Re cep Tayyip Er doğan (Ex Dig feer ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaa wacyada laga keeney dhawaan Degmada Maxa as ee Gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa dhaawacyada u dul istaagey mid mid isagoona xogwareysanayey dhaawac yada xaala dooda Caafimaad ay soo hagaag eyso ee kari karey in ay hadlaan si uu u hub iyo in ay helleen Daryeel Caafimaad oo ku fil an.

Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa rajo fiican ka muujiyey xaaladda Caafimaad ee dhaawa cyada, dhanka kale qaar kamida bukaanada ayaa ka madceliyay baxnaanada fiican iyo adeegga Caaf imaad ee loo fidiyay

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeel ka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhaawacyada Alle ugu bar yey in Caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kalana she egey in Wasaaradda Caafimaadka ay si dhow ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaaninta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee arxan laawayaasha waxyeeleeyeen.Ugu dambeyna Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caaa fimaadka Soomaaliya ayaa sheegey in Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay baxnaaninta iyo badbaadada Muw aadiniinya Soomaaliyeed ee dhibanaha u ah Al-Shabaab

Xamza oo xog ka bixiyey dad ka tirsan DF oo loo haysto weerarkii Hotel Rays

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Rays ee madaxt ooyada Soomaaliya ku agyaalla, isagoo sheegay in isla xisaabtan uu ka dhashay wixii dhacay.

R/wasaraha oo wareysigaan siiyey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in la xiray oo baaritaan uu ku socdo dhamaan askartii joogtay baraha control ee Madaxtoo yada laga galo, habeenkii uu dhacay weerarkaas.

"Waxaan dooneynaa in baaritaankaas dhabta la ga gaaro, laakiin waxaan kuu xaqiijinayaa in dham aan dadkii laga shakiyey la xiray oo baaritaankoodu uu socdo,” ayuu yiri Xamse.

R/Wasaare Xamse ma cadeyn tirada dadka loo heysto wixii dhacay iyo goorta lasoo gabagabeynayo baaritaanka ku socda, sidoo kale ma jirto cid ilaa hadda maxkamad loo soo taagay weerarkaas.

Ra’Iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay guulaha ay xuk uumadiisu ka gaartay xoreynta dalka, mudadii uu jo ogay xafiiska, isagoo sheegay in weerarkii Al-Shab aab looga qaaday 3-da jiho ay guulo waaweyn ka gaartay dowladdu.

Wuxuu sheegay in xagga fikirka ay uga guuleyst een kooxda oo culumadii oo dhan ay fatwo ka soo sa artay, "Al-Shabaab lama dhaho hadda, Khawaarij ay aa la dhahaa, culumadeena ayaana ku dhawaaq day,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha dhaqaalaha Al-Shabaab, isagoo sheegay inay gaajo u dhimanaya an kadib markii ay dowladdu saartay cunaqabateyn xoog leh, isla markaana la xiray dhamaan akoonadii ay lacagaha ku shuba jireen.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad celiyey ganacsato uusan carabaabin, kuwaas oo sida uu sheegay ku garab siiyey in la xiro akoonadaas.

Dhanka dagaalka tooska ah, wuxuu sheegay in ciid anka xoogga iyo dadka deegaanka ay HirShabeelle ka xoreeyeen Al-Shabaab, isla markaana ay ciidanku hadda u talaabeen Galgaduud, isagoo sheegay in rajo badan uu ka qabo in kooxda deg deg looga xor eeyo Galgaduud.

Hirshabelle Oo Sheegtay In Dhimashada Qarax yadii Maxaas Ay Gaartay 35 Qof.

Dhimashada 2dii qarax ee Dorraad ka dhacay Mag aalada Maxaas ayaa gaartay 35 qof, halka dhaawu na uu yahay 40, sida uu wakaalada wararka ee Reut ers uu u sheegay Xasan-kaafi Maxam ed Ibraahim oo ah taliye ku-xigeenka bo oliiska maamul G/Hirshabeelle.

Dadka ku dhintay qaraxyadan ayaa waxaa ka mid ahaa 10 qof oo isku qoys ahaa, sida uu VOA u sheegay Jaamac Maxamed Cali oo ka tirsan qoyska dhibku soo gaa ray.

"Dadka dhintay intooda badan waa dad rayid ah, waana haween iyo carr uur,” ayuu yiri Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku-xigeenka booliiska dowlad-goboleedka Hir shabeelle oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Weerarkii ka dhacay degmada Maxaas ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee ay maleeshiyada Al-sha baan qaaddo tan iyo markii ay ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleedka huwanta ah ay sannadkii hore bilaabeen inay Al-shabaab ka saaraan dhul ay muddo dheer gacanta ku hayeen. Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxya dan.

Sannadkii hore ayaa ciidamada dowladda Federaal ka iyo kuwa deegaanka ee Mawisleyda oo taageero ka helayay ciidamada Maraykanka iyo kuwa Midow ga Afrika ay Al-shabaab ka saareen degmada Max aas ee gobolka Hiiraan.

Odayaasha Hawiye oo war muran dhaliyey kasoo saaray xiisadda Laascaanood

Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa ba aq nabadeed kasoo saaray xiisadda maalmihii da mbe ka taagneyd magaalada Laascaanood ee gobo lka Sool, ayaga ku taliyay "in la joojiyo durbaanka colaadeed ee qabiileysan”.

Odayaasha oo kulan warbaahineed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xilligaan Soomaaliya aysan xiiso u qabin dhiig daata, islamarkaana laga shaqeeyo nabad-gelyada.

"Anaga oo ku hadleyna magaca odayaasha Hawiye waa ka tacsiyadeyna, wixii dhintay Allaha u naxari isto intii dhaawac ah Allaha shaafiyo. Masiibadii ka dhacday Laascaanood iyo mushkiladii ay keentay hanti burburtay waxaa leenahay badal kheyr qaba Allaha siiyo walaalaha meesha ku dhibaatooday,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah guddoomiyaha Golaha Dhaqanka ee beelaha Ha wiye.

"Dadka meesha (Laascaanood) isku haysta waa dad Soomaaliyeed oo walaalo ah, waxkastana wada leh. Dagaal Wiil kuma dhasho ee Wiil ayaa ku dhinta, waxaa ku baaqeyna nabada meeshaas ka jirta in aan la lumin.”

Sidoo kale waxay ugu baaqeen waxgaradka iyo shacabka reer Laascaanood in xiisada taagan ku day aan xal aan aheyn xabad, islamarkaana isugu yimaa dan gole weyn oo loo dhan yahay.

"Xabada qoriga waa in laga baxsha oo caqliga iyo aqoontu shaqeyso. Waxa kale oo soo jeedineyna dur baan colaadeed anagu ma jeclin oo Soomaaliya la ma rabno, walaalayaal waxa ku baaqeyna in la jooj iyo durbaanka colaadeed ee weliba qabiileysan.”

Ugu dambeyntiina waxay ugu baaqeen xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi in qaab degan oo xikmadeysan u xaliyo xiisadda Laascaanood, xili ay Dorraad gudaha magaalada ka saartay ciidamadii fara-badna ee hore ugu soo daad-gureysay.

Dadka qaar ayaa dhalleeceeyey baaqa odayaa sha Hawiye, ayaga oo ku eedeeyey inay ka gaabiye en inay toos u dhalleeceeyaan maamulka Muuse Bii xi ee ciidankiisa ay dadka shacabka ku dileen Laasc aanood, halka ay is-barbar dhigeen shacabka la dilay iyo ciidanka wax dilay.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Xalay Isbitaalka Erdoğan ku booqday dhaawacyada qaraxii Max aas

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshab eelle Md. Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Mudane Mahad Xasan Cusma an iyo qaar kamid ah Wasiiradiisa ayaa Xalay Cusbitaalka Er dogan ee M/Muqdisho ku booqday dadkii ku waxyeeloobay qarixii ay Khawaarijtu ka fuliyeen de gmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Madaxweynaha Hirshabeelle oo u kuurgalayay xaaladaha bukaanada dhaawaca ah ayaa mid mid u dultagay ciidankii ge esiyaasha ahaa iyo Shacabkii ay waxyeeladu kasoo gaareen Weerarkii khawaarijta, isagoo warbixinno ku saabsan xaaladooda caafimaad ka dhageystay ma amulka iyo dhakhaatiirta Cusbitaalka Erdogan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabee lle ayaa xusay in dagaaladii lala galay cadowga lagu jabiyay, iyagoo laga xureeyay deegaanno, degmooy in ka tirsan Hirshabeelle haatanna lagu jiro waqtii la soo afjari lahaa kooxda khawaaijta Al-Shabaab.Md. Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhama an dadkii ku shahiiday qaraxii Shalay ee degmada Maxaas in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u bo ogo dhayo.

Guddiga qaban qaabada Shirka Dib u heshiisiin ta KGS oo gaaray Baydhabo

Xubnaha Guddiga Farsamada Arrimaha Dib u He shiisiinta KGS oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Md. Yusuf Xasan Isaaq (Yusuf Wadani) ay aa Shalay gaaray magaalada Ba ydhabo oo ah xarunta KMG Koon fur Galbeed.

Wafdiga waxaa Baydhabo kusoo dhaweeyay masuuliyiin Ka tirsan maamulka Koonfur galbeed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Maalmaha soo social ayaa waxaa la filayaa in Mag aalada Baydhabo uu ka furmo shirka dib u heshiisii nta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed, kaas oo qorshuhu ahaa in uu Dorraad furmo balse uu dib u dhacay.

DAACI oo shaaciyay in jab xoogan oo dagaalkii Shalay lagu gaarsiiyay Al-Shabaab

Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ee go bolka Banaadir, Axmed Xasan Caddow (Daaci) oo ka mid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamada oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faah-faahiyay da gaalkii ka dhacay deegaanka Hilowle-gaab ee hoost aga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Axmed Daaci ayaa sheegay in jab iyo khasaare xoogan ay gaarsiiyeen dagaal-yahaanada Al-Shaba ab ee Shalay weerarka kusoo qaaday saldhiga ay ciid amada dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin Hilowle-gaab.

Sidoo kale waxa uu qiray in ciidamada dowladda uu dhankooda khasaare kooban kasoo gaaray daga alka, isaga oo sheegay in deegaanka ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada loo yaqaano huwanta.

"Dagaal badan baa dhacay, Khaw aarijtu way soo weerareen, ciidama duna way iska caabiyeen laakiin lab ada dhinac dhibaatooyin baa jira waanu jebinay mar kii dambe. Nin oday ah oo xabado habow ah ku dhaceen ayaa jira,” ayuu yiri.

"Ciidamadu way kala fogaayeen oo magaaladu maba lahan meel bartilmaameed ah oo lagu dhufto, xaaladdu way degen tahay oo waa lasii daba-joogaa, meel fog ayay ka yimaadeen nimankaan weerarka soo qaaday.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ku daba jiraan firxadka Shabaab kamid ahaa raggii weerarka kusoo qaaday ciidamada ku sugan deegaanka Hilowle-gaab.

"Nimanka howdka ayey ku jiraan oo meel fog ay ay ka yimaadeen, dhaq-dhaqaaqa waxa la arki karaa marka meel dhow ka yimaadeen dadka aad ka iska fiirineyso, laakiin meel fog waa ka imaadeen meel dhowna awal ay joogeen ma dheereen.”

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa "Xogta we erarka in la hayay waa iska dhici karta, ciidamada waa iska caabiyeen oo waa dadaaleen.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay si aysan Al-Sha baab weerar rogaal celin ah ugu soo qaadin deegaa nadii laga xoreeyay, uu qorshahooda yahay inay ugu tagaan goobaha ay hadda joogaan, kagana adkaad aan.

Dagaalka Shalay ka dhacay Hilowle-gaab ayaa ku billowday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana la sheegaya in uu ka dhashay khasare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah.

Somaliland oo Abaabul dagaal ka billaawday dule edka Laas-Caanood

Saraakiil katirsan Ciidamada Millateriga iyo Boo liska Somaliland ee dhawaan ka baxay Magaalada Laas-Canood ayaa duleedka Magaaladaas waxaa ay ka billaabeen abaabulka dagaal ay doonayaan inay dib ugula wareegaan Magaalada.

Saraakiisha ayaa la kulmay Saraakiil iyo Ciida mo kale oo Somaliland kusoo kordhisay, kuwaas oo doonaya inay xoog ku galaan magaalada Laas-Ca anood oo ay hadda gacanta kuhayaan Ciidamo deg aanka ah oo hubeysan.

Oobjoogayaal ku sugan magaalada Laas-Caan ood ayaa Risaala u sheegeen in siweyn magaalada looga dareemay Abaabulka ay Somaliland waddo, isla markaana ay u diyaarsan yihiin inay ika difaa caan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hadda ay billwd een in dib loo furo badi goobaa ganacsiga magaa lada eek u xirmay dibadbaxyadii rabashadaha watay ee horay uga dhacay magaalada Laas-caanood.

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka magaalada La as-Caanood ayaa Bulshada ugu baaqay inay taxadar muujiyaan, ayna joojiyaan bannaanbaxyada si dib logu fur Ganacsiga iyo Goobaha Waxbarashada, waxaana weli xiran waddooyinka qaar ee Magaal ada, halkaas oo dhagxaan lagu jaray.

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Shalay Kulan La Yeeshay Wakiilka Midowga Afrika

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Ca bdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Shalay Maga alada Muqdisho kula kulmay Erge yga cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mo hamed El-Amine Souef.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud Hirshabeelle gaar ahaan howlgallada ka socda deegaanada Hir shabeelle ee looga saarayo Al-shabaab o qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo dadka deegaanka oo is garabsanaya ay kasoo hoyeen guulo is dabajoog ah.

Madaxweynaha ayaa danjire Mohamed Souef ka gud doomay dhambaal tacsi ah kadib qaraxyadii Dorraad ay Al-shabaab ka geysteen degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wuxuu sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle kaga mahad celiyay Safiirka, taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka iyo shacabka So omaaliyeed.

Ugu dambeyn kulankaan ayaa looga hadlay xoo jinta doorka Midowga Afrika ee dardargalinta howlg allada lagula dagaalamayo Al-shabaab, taageerada horumarineed iyo Nabadeynta deegaanada Hirsha beelle

Puntland oo gacanta ku dhigtay maleeshiyaad dil al geystay

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa waxa uu si adag u cambaareeyay falkii dilka ahaa ee loogu gaystay Waqooyiga Mag aal ada Gaalkacyo allaha unaxa riistee Marxuumiinta kala ah Burhaan Jaamac iyo Farxaan Nasar, Janatul , is aga oo ehelada iyo qoyskii ay ka baxeen alla uga baryayin uu samir iyo iimaan ka siiyo, dadka ku dhaawacmay fal kaasna iyagana allaha caafimaad taama siiyo.

” Marka ay dhacdadaasi dhacday kadib Gudoom iyaha Gobolka Mudug ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa laamaha Amniga Gobolka Waxa uu faray in baar itaan deg-dega la sameeyo cidii falkaa gaysatayna gacanta lagu soodhigo iyadoo laga duulayo Nabada iyo Wadajirka Bulshada Gobolkan, ugu danbayna waxaa alle mahadii ah in laamaha Amnigu gacanta ku soodhigeen ragii gaystay falkii foosha xumaa waxaana la horgayn doonaa Hay’adaha garsoorka iyo cadaaladaa ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Maa mulka. Bulshada waxaan kula dardaarmaynaa in si wad ajira looga shaqeeyo lana xoojiyo Wadajirka iyo Mid nimada Bulshada meel aan uga soo wada jeesano cid kastoo duulaan ku ah Nabada iyo jiritaan keena, Wabilaahi Towfiiq.


Mahad Salaad oo ka falceliyey tallaabadii ay qaadeen golaha wasiirada

Agaasimaha Hay’adda NISA Mahad Salaad ayaa uga mahadceliyay golaha wasiirada ansixinta Sharc iga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qara nka, oo uu ku qeexay tallaabo muhiim ah.

"Ugu horreyn waxaan u mahad cel inayaa Golaha Wasiirada Xukuumad da Federaalka Soomaaliya oo Shalay ansixiyay Shar ciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qara nka,” ayuu yiri Mahad Salaad.

"Sharciga NISA waxa uu door muhiim ah ka qaadan doonaa shaqada amniga dalka, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo ka hortagga in dambiyo lagu geysto magaca Hey’adda.”

Mahad Salaad ayaa ka codsaday labada Aqal Ba arlamaanka JFS in ay ansixiyaan sharcigaan si NISA u noqoto Hey’ad sharci ku dhisan oo si hufan u gudata waajibaadka qaranka.

Haddii uu sharcigan ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa NISA ay si ras mi uga mid noqon doontaa afarta qeyb ee Ciidam ada Qalabka Sida.

Nabad Sugida oo magacyo kala duwan ku howl galeysay tan iyo markii la aas aasay sida NSS iyo NISA ayaa ku shaqeyn jirtay wareegtooyin iyo awaa miirta ka soo baxda madaxdii kala duwaneyd ee soo martay dalka.

Sidoo kale haddii sharcigan la ansixiyo wuxuu soo laabi doonto taariikh dheer oo mugdi ah oo ay leedahay NISA, iyadoo Agaasime Mahad Salaad uu noqon doono Agaasimihii u horreeyay ee ku dhiirada inuu sharciyeeyo jiritaanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka.

Hay’adda NISA ayaa sanadihii dhowaa lagu eed eeyey inay siyaasadda ku milantay, islamarkaana shaqo ka dhigatay caburinta siyaasiyiinta intii ay ka shaqeyn laheyd amniga, inkasta oo tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweyne Xasan Sheekh ay am niga un xoogga saareysay.

Soomaaliya Iyo Imaaraatka Carabta Oo Kala Saxii xday Heshiis Milatari.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shaaciyay heshiis uu la gaaray dowladda Imaaraatka Carabta, kaasoo taa banaya dhinacyada Milatariga iyo Amaanka, si la is aga kaashadi dagaalka Shabaab.

Dowladda Imaaraatka Carabta waxaa heshiiskan u saxiixay Wa siiru Dowlaha Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta Mohamed Bin Ahmed Al Bowardi.

Wasiirka oo haatan howlo shaqo u jooga magaalada Abu Dubai ayaa sheegay in he shiiskan uu ku qotomo xiriirka soo jireenka ah ee lab ada waddan, uuuna ka tarjumayo madax-bannaani da, gobannimada iyo danaha isku soohan ee labada qaran ee walaalaha ah.

"Waxaan heshiis iskaashi oo dhanka milatariga, amniga iyo ladagaallanka argagixisada khuseeyo la saxiixannay Shalay dowladda aan walaalaha nahay ee Isutagga Imaaraadka Carabta.Heshiiskan ayaa waxa uu ku qotomaa xiriirka soojireenka ah ee laba deenna dal, waxa uuna ka tarjumayaa madaxbann aanida, gobannimada iyo danaha isku soohan ee lab ada qaran ee walaalaha ah” ayuu yiri Wasiirka Gaa shaandhigga Soomaaliya oo faah faahiyay.

Sida wararku sheegayaan, heshiiskan oo kusoo aaday xili dalka oo dhan uu ka socdo dagaal ka dhan ka ah Shabaab, wuxuu heshiiska kor u qaadayaa aw ooda difaaca qaranka, wuxuuna door fir-fircoon ka ciyaarayaa dagaalka Shabaab oo guulo waaweyn la ga gaaray bilihii la soo dhaafay.

"Heshiiskan ayaa waxa uu kor u qaadayaa awood da difaac ee qaranka soomaaliyeed, waxa uuna gac an weyn ka geysan doonaa dagaalka argagixisada lo oga ciribtiraayo Soomaaliya” ayuu hasalkiisa sii raac iyay Wasiir Jaamac.

Si kastaba, Imaaraatka Carabta oo kaalin ku lah aa isbedelkii dalka ka dhacay 15-kii May ayaa taage ero dhinacyo kala duwan leh siisa dowladda uu hog gaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana haatan dib usoo laabtau saameyntii ay ku leheyd dalkan.

soomaaliya iyo imaaraatka carabta oo kala saxii xday heshiis milatari.soomaaliya iyo imaaraatka car abta oo kala saxiixday heshiis milatari.

Waa kuma Macallin Ayman – Sarkaalka uu Marey kanka ku raadinayo malaayiinta dollar?

Dowladda Mareykanka ayaa 10 milyan oo dollar ugu yaboohday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Macallin Ayman-ka uu raadin ayo Mareykanka ayaa waxa uu yahay hoggaamiyaha Jaysh Aym an, oo ah unug ka tirsan kooxda Al-Shab aab oo weeraro argag ixiso iyo hawl-gallo ka fuliya gudaha Kenya iyo Soomaaliya.

Ninkaan ayaa sidoo kale waxa uu mas’uul ka ahaa diyaarinta weer arkii Janaayo 2020, kaasi oo ay Al-Shabaab ku dileen askari Mareykanka iyo laba qandaraasle oo u shaqeynayey Waaxda Difaaca Mareykanka, sida uu sheegay Mareykanka.

Weerarkan oo dhacay aroor hore ayaa sidoo kale waxa lagu dhaawacay laba askari oo Mareykan ah iyo laba qandaraasleyaal kale.

Bishii November 2020, Waaxda Arrimaha Dibe da Mareykanka ayaa Macallin Ayman ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah ee SDGT, ayada oo loo marayo Amarka Fulinta (E.O) 13224.

Macallin Ayman ayaa sidoo kale waxa uu kamid ahaa saddex horjooge sare oo Shabaab ah oo Gol aha Amaanka Qaramada Midoobay ay bishii Febra ayo ee 2021 kusoo rogtay xayiraad dhan ah.

Ninkaan ayaa waxa uu dhowr jeer liisas ka dhan ah argagixisada kala soo muuqday Abuukar Cali Aadan iyo Mahad Karataay oo kaalin weyn ku dhex leh dha q-dhaqaaqa kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa qaba in Al-Shabaab oo fadhig eedu yahay bariga Afrika ay tahay kooxaha ugu halis ta badan ee ku xiran Al-Qaacida, wuxuuna sheegay inay masuul ka tahay weeraro argagixiso oo badan oo ka dhacay gudaha Kenya, Soomaaliya iyo dalalka deriska ah oo ay ku naf waayeen kumanaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin u dashay dalkiisa.

Arrinta u weyn ee Mareykanka u beegsanayo Al-Sha baab ayaa ah "inay sii wado qorshaynta iyo shirqool id ay ku doonayso inay ku geysato falal argagixiso oo ka dhan ah Mareykanka, danaha Mareykanka iyo saaxiibada shisheeye.”

Madaxweyne Muuse Bixi oo xilka qaadis & maga caabis ku sameeyay qaar ka mid ah Golahiisa Wa siirrada

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ay aa wareegtooyin Madaxweyne xil ka qaadis, maga caabid iyo Bedel ku sameeyey qaar ka mida Wasii rrada Xukuumadda Soomaaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa xilka ka qaaday Cabdillaahi Abokor Cis maan oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Somaliland, iyada oo xilkaas loo magacaabay Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane) oo ah Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Sidoo kale Madax we ynaha Soomaaliland Muuse Bixi Cabdi ayaa Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) u mag ac aabay Wasiirka Was aaradda Shaqo-gel inta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somaliland.

'Ujeeddo: Magacaabid. Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Markaan Arkay: Dastu urka Jamhuuriyadd Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan ku ancay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waa ya-aragnimadooda; Markaan Sameeyey: In Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; La-tashi; Waxaan Go 'aamiyey In Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) laga bilaabo taariikhda Shalay uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrima ha Bulshada iyo Qoyska ee Jamhuuriyadda Somal iland. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Mada xweynahaJamhuuriyadda Somaliland

Dibadbaxyo lagu Taageeraayo Isbadalka ka Dhac ay Laasacaanood oo ka Shacay Boosaaso

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheeg aya in Shalay uu dibad-bax ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaas oo ay dhigeen dadka deegaanka.

Shacabka Boosaaso ayaa isugu soo baxay barta maha magaalada, si ay u taageeraaan kacdoonka ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo galay todobaadkii lab aad, kadib markii ay isku dhaceen shacabka iyo ciidamada Somaliland.

Qaar ka mid ah dadweynaha isugu soo baxay Boosaaso ayaa sheegay in ay u dabaal-dagayaan qabsashada magaalada Laascaanood oo ay ka baxeen ciidanka Somaliland.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in ay taageero u muujiyaan reer Laascaanood, si ay u garab istaag aan, maadaama ay wajahayaan xaalad adag.

Xaaladda magaalada Laascaabood ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana haatan ciidamada Somali land ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedkeeda, halka gudahana ay ka socdaan mudaharaayo waa weyn oo looga soo horjeedo joogitaanka ciidama daasi.

Laascaanood waxay maalmahan ku jirtay xaalad adag, waxaa hakad-galay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada, sida ganacsiga, waxbarashada iyo isku socodka dadweynaha

Rabshadahaan oo galay todobaadkii labaad ay aa ka dhashay dil dhowaan magaaladaasi loogu gay stay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, xubina ka ahaa xisbiga mucaaradka ee Waddani.

Waxay sidoo kale rabshaduhu kasii dareen mar kii ciidamadu ay rasaas u adeegsadeen dibadbaxa yaasha, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhima sho iyo dhaawac.

Si kastaba, xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxaysa, maadaama aan xal loo helin rabshadaha socdo, waxayna weli shacabku wadaan dibadbaxa, halka ciidamaduna ay adeegsanayaan awoodooda, taas oo kordhisay khasaaraha soo gaa ray dadka rayidka ah.

Weeraro Ka Dhacay Boosaaso, Xilli Shalay Ay Ka Bilaabaneyso Diiwaangelinta Cod-Bixiyeyaal

Weerar loo adeegsaday Bam-gacmeedyo ayaa Habeen hore ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Maamulka Puntland, gaar ahaan agagaarka garoonka kubadda cagta Boosa aso, wax aana ka hadlay Taliska ciid amada Bo oliska Maamulka Puntland.

Taliska ciidanka Booliska Puntl and oo Qoraal soo saaray ayaa sheeg ay in weerarkii Boosaaso oo ay fuliy een kooxo hubeysan uusan geysan wax khasaaro ah, isla markaana goobta ay durbadii gaareen ciidamada ammaanka ee Booliska .

Taliska ayaa intaas kusii daray inay wadaan baarita ano ku aadan weerarkii dhacay, waxayna sheegeen in cid kasta oo geysata falal lidi ku ah amniga ay gac anta ku dhigi doonaan, ayna horkeeni doonaan sharciga.

"Taliska Ciidanka Booliska Puntland waxay ku wargelinayaa shacabka Magaaladda Boosaaso in ab aare 8:20 PM fiidnimo Xalay koox sharwadayaal ah ay Bambo-gacmeed ku tuureen agagaarka Garoonka Kubadda cagta ee magaaladda Boosaaso kaas oo aan wax khasaare ah geysan.”

Sidoo kale saraakiisha amniga Maamulka Puntl and ayaa dadweynaha magaalada Boosaaso iyo ku wa deegaanada kale ka dalbaday inay kusoo wargel inayaan cid walba falal amniga lid ku ah geysta, gacantana lagu soo dhigayo.

Bumbo-gacmeedyada Habeen hore ka dhacay Boosaa so ayaa kusoo aadaya, xilli magaaladaas ay Shalay ka bilaabanayso diiwaangelinta cod-bixiyaya asha do orashooyinka Golayaasha deegaanka degm ooyinka Puntland, waxaana diiwaangelin diidan qaar kamid ah urur siyaasadeedyada Puntland.

Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay qaraxyadii degmada Maxaas

Xog-hayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si kulul u cambaareeyay labo qarax oo ba abuur oo Arbacadii ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaali ya, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Xoghayaha Guud ee Ururka OIC, Xiseen Ibraahim Taha ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay inay si weyn u cambaareynayaan weerarkaas, isagoo tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarkaas iyo dowladda Soomaaliya, isagoo sidoo kale u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwa ku dhaawacmay.

Barqanimadii Arbacadii Al Shabaab ayaa weer ar labo baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ku qaaday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, halkaasi oo weerarku uu ku qaaday deegaan ka kooban guryo, maqaayado iyo dukaamo, waxaana ku dhintay 35 ruux, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Doorashada afhayeenka Aqalka Wakiillada Marey kanka oo la isku mari la’yahay maalmihii la soo dhaafay

Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka ayaa maalintii labaad dib u dhac ku yimid iyadoo aan la dooran Afhayeenka, taasoo sii kordhisay curyaa minta siyaasad da Mareykanka.

Hogaamiyaha aqlabi yada xi sbiga Jamhuu riga Kevin McCarthy ayaa lix jeer ku guul daraystay in la doorto sababtoo ah koox labaatan xubnood ah oo ka tirsan xisbigiisa ayaa diiday inay taageeraan.

Iiraan Oo Ka Carootay Sawirro Kartoon Lagu Aflagaadeeyey Hoggaamiyahooda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Islaamka Iran, Naasir Kancaani ayaa waxa uu sheegay inay u yeereen Danjiraha dalka Fa ransiiska u jooga Tehran, Ambassador Nicolas Ro che. Kadib, markii Magazine ama Wargeyska Charlie Hebdo ee ka soo baxa magaalada Paris uu daa bacay Sawiro Gacmeed (Cartoons) oo lagu aflaga adeeyey Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatullahi Ali Khamanei iyo waxa loogu yeeray Dhaqamada Diinta ee dalkaasi.

yeerista Danjiraha Faransiiska ay aa waxaa loogu gudbiyey Ashtako xoo ggan ooka dhan ah Sawiradaasi iyo inaan loo dulqaadan karin fici ladaasi oo kale.

Afhayeen Naasir Kancaani ayaa waxa uu tilmaamay inaysan marnaba oggolaan doonin Aflaga ado kasta oo loo geystay Islaamka iyo Qarankooda iyo Qayimka Diinta.

Dhawaan, Maamulka Majalada Charlie Hebdo ayaa waxay sheegeen inay soo daabaci doonaan Sawiro ka dhan ah Hoggaamiyaha Sare ee Iran.

Boqorka Sacuudiga oo magacaabay Danjirayaal Haween ah

Wakaallada Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu Boqor Salman Bin Abdiaziz Habeen hore magacaabay dhowr Danjirayaal cusub oo 2 ka mid ay Haween yihiin.

Munaasabad uu Boqorka ku magacaabay Danjir ayaasha cusub ayaa waxaa lagu qabtay Qasriga Boqortooyada Sacuudiga ee Al Yamamah Palace oo ku yaalla Caasimadda Riyadh.

Ambassador Haifa Al Jedea waxaa loo magacaabay Danjiraha Boqortoo yada u jooga Xarunta Dhexe ee Mid owga Europe (EU) oo ku taalla Caa simadda dalka Belgium ee Brussels.

Sidoo kale, Ambassador Nesreen Al Shebel waxaa iy agana loo magacaabay Danjiraha Boqortooyada u jooga dalka Finland.

Labadan Diplomasi waxay Tirada Guud ee Hawe enka xilka Danjirenimo ka haya Sacuudiga ka dhig aysaa 5 Danjire oo wakiil u ah dalkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Haweeneydii u horeysay ee Danjire u noqota dalka Sacuudiga waxay ahayd Amiirad Reena Bint Bandar, taasi oo noqotay Safiirka Sacuudiga u joogay Maraykanka sanadkii 2019-kii

Midawga Yurub oo ganaaxay $414 milyan shirka dda Meta ee iska leh ‘Facebook’

Xeer-nidaamiyayaasha Midawga Yurub ayaa Arbacadii waxay malaayiin dollar ku ganaaxeen shirkadda iska leh Facebook ee Meta, iyaga oo ku eedeeyey xadg udubyo la xidhiidha xogta gaarka ah, iyaga oo ka mamnuucay in shirkaddu ay isticmaalay aasha ku nool 27-ka wadd an ee Midawga Yurub, inay ku khasabto inay aqbal aan xayaysiisyada sha khsiga ah ee ku salaysan mee laha ay booqdaan, inta ay ku jiraan shabakadda.

Guddiga Ilaalinta Xogta ee Ireland ayaa soo rogay laba ganaax oo wadartoodu dhan tah ay 390 milyan oo Yuuro ($414 milyan), taas oo ku salaysan go’aan kooda laba arimood oo laga yaabo inay ruxaan, qa abka ganacsiga ee shirkadda Meta ay isku waafajiso isticmaalayaasheeda iyo xayaysii syada ku salaysan waxa ay dadkaasi doonayaan, iyada oo ku salayna ysa waxyaabaha ay dadkaasi xiiseeyaan inta ay in ternetka isticmaala yaan. Shirkadda ayaa sheegtay inay racfaan ka qaad anayso go’aankan.

Waxaa jira go’aan saddexaad oo ka dhan ah adeegga fariimaha la isku dhaafsado ee Whatsapp ee ay leedahay shirkadda Meta, kaas oo la filayo in lagu dhawaaqo dhammaadka bishan.

Shirkadda Meta iyo shirkadaha kale ee dhinaca baraha bulshada ayaa cadaadisyo kala duwan kala kulmay sharciyada gaarka ah ee Midawga Yurub, ku waas oo ah qaar ka mid ah kuwa ugu adag adduun ka. AP ayaa warbixintan qortay

Uganda oo aaritaan ku sameyn doonta dhima shada Askari oo katirsan ATMIS

Dowladda Uganda ayaa sameeysay guddi soo baara sababtii lagu dilay saddex askari oo Ugandh ays ah oo loo soo diray Soomaaliya, kuwaas oo kati rsan howlgalka midowga Afrika. Afhayeenka Ciidama da Difaaca Shacabka, Sareeye Guuto Felix Kulayi gye, ayaa sheegay in as karta dhimatay iyo kan falka geystay ay ka tirs an yihiin Ciidamada Mido wga Afrika, ATMIS.

Waxa uu sheegay in falkan uu ka dhacay garoon ka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kadib mar kii askari aan magaciisa la sheegin uu rasaas ku fur ay ciidamo saaxiibadiis ah, iyadoo aan ilaa hadda la ogeyn sababta ka dambeysay.

Dowladda Uganda ayaa la sheegay in ninka fal kaan ka dambeeyay oo dalkeeda u dhashay, ay u gu dbisay Kampala, halkaasoo su'aalo lagu weydiin doo no, laguna saaridoono maxkamadda ciidamada qa labka sida ee dalkaas.

Sida uu dhigayo sharciga militariga Uganda, oo la soo saaray 2005-tii, qofkii toogasho ku dila saaxiib kiis si dayacaad ah waxaa lagu xukumi karaa xabsi daa’in. Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in dhacdo tan la mid ah ay bishii May 2019ka dhacday Sooma aliya, markii askari Ugandan ah uu toogtay sarkaal sare ka hor inta uusan isdilin.

Mareykanka oo sheegay inuusan Nicolás Maduro u aqoonsaneen inuu yahay madaxweynaha sharc iga ah ee dalka Venezuela.

Mareykanka ayaa sheegay inuusan Nicolás Mad uro u aqoonsaneen inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee dalka Venezuela.

Arrintan ayaa imaneyso kadd ib marki sharci-dejinta ay gac anta ku hayaan kooxaha muc aaradka ay u codeeyeen in la kala diro dowladda ku meel gaarka ah ee uu hogaamiyo Juan Guaido.

Mareykanka wuxuu sheegay inuu sii wadayo cunaqabateynta uu saaray han tida Venezuela ee taallo guda ha Mareykanka.

Washington waxay sheegtay inay aqoonsan tahay oo keli ah baarlamaanka la doo rtay 2015-kii, ee lagu baddalay baarlamaan taab acsan Madaxweyne Maduro.Halka ay dimuqraadiyadda Venizuwela ku hartayna ay tahay oo keli baarlamaanka mucaaradka oo la doortay 2015-kii.

Sarkaal ka tirsan Daacish oo loo qabtay Qarixii uu ka badbaaday Madaxweyne Buhari

Waaxda Adeega Dowladda ee Nigeria ayaa she egtay inay gacanta ku soo dhigeen Xubin ka tirsan Kooxda Daacish-ta Waqooyiga Afrika oo ka damb eeyey Qarixii isbuucii hore (December 29) ee lala maganaa in lagu khaarijiyo Madaxweynaha dalka asi, Muhammadu Buhari.

Qaraxaasi a

yaa waxa uu ka dhacay meel ku dhow Qasriga Ohinoyi ee Degmadda Okene ee Gobalka Kogi ee dalkaasi, xilli uu Madaxweyne Buhari doona yey inuu xariga ka karo Mashaariic.

Xubinta Kooxda Daacish-ta Waqooyiga Afrika ee loo qabtay kiiskaasi waxaa magaciisa lagu sheegay C/muncim Ibrahim Otaru oo lagu naanayso Abu Mik hdadad, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Sa rkaalka Xiriirka Dadweynaha ee Waaxda Adeega Dowladda Nigeria.

Xubinta Daacish-ta Waqooyiga Afrika ayaa la q abtay xilli uu baxsan lahaa, karib markii ay Ciiddanka Amaanka ka toogtaan Ciribta Lugta Bidix, iyadoo haatan lagu daaweynayo Isbitaal ilaalo laga hayo.

Sidoo kale, Hay’adaha Amaanka ee Nigeria waxay sheegeen inay bishan January 3-dii qabteen xubin kale oo ka tirsan Kooxda Daacish-ta Waqooyiga Afr ika, kaasi oo ay magaciisa ku sheegeen Saidu

Suleyman.Qalinka: Ustaad Nuuradiin

Jimcaha kuwada tukaday masjid ku yaalla Muqdisho "Sawirro”

Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Feder aalka iyo Dib u heshidiinta mudane Axmed Ma callim Fiqi, Awqaafta mudane Mukhtaar Ro obow, Isgaarsiinta iyo Tiknooloojiyada Jaamac Maxamed Khaliif, Wasiiru dawlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa iyo Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliyaah na madaxa howlgalka ATMIS Amb. Mohamed El-Amine Souef ayaa Shalay salaadii Jimcaha waxaa ay ku tukadeen masjid ku yaalla caasiadda Muqdisho.

Khadiibka Jimcaha ayaa khudbadiisa mawduuc uga dhigay dawlad iyo shacabba in loo midoobo dagaalka xaqqa ah ee lagula Jiro kooxda Khawaarijta.

Ka qeybgalka Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan SoomaaliyaAmb. Mohamed El-Amine Souef ee salaadda Jimcaha ayaa farriin cad u ah haddallada beenta ah ee ay ku celceliyaan kooxda Khawaarijta oo ah in ay gaalo la diririyaan.

Dowladda Ukraine oo diiday xabad-joojintii uu ku dhawaaqay Madaxweyne Putin

Saacado kadib, markii uu Madaxweynaha Raashiya, Vladimir Putin ku dhawaaqay xabad-joojnta J KMG ah ayaa waxay Dowladda Ukra ine sheegtay inaysan macquul ahayn Arrintaasi.

Mykhailo Podolyak oo ah La-Taliyaha Mada xa Xafiiska Madax wey naha Ukraine ay aa shee gay inay Xa bbad-Joojinta KMG suurtogal noqon karto mar ka ay Ciiddanka Raashiyaanka ka wada baxaan Xuduudaha ay Ukraine ka qabsadeen.

Qoraal uu soo dhigay Barta Twitter-ka ayuu ku muujiyey inaysan Ukraine weerarin Xuduud ka dal Shisheeye iyo inaysan dilin dad Rayid ah, balse ay keliya burburiyeen kuwii soo dilay.

Waxa uu sii raaciyey inay Ciiddanka Raa shiya yihiin kuwii soo duulay ee dilay dadka Rayidka, isla markaana burburiyey magaallooy inka iyo Kaabayaasha Asaasiga u ah Nolosha Bulsh ada.

Hadalka Dowladda Ukraine waxa uu Dana joogaa dadaalkii Madaxweynaha Raashiya oo Shalay ku dhawaaqay XJJ KMG oo uu ugu ma gac daray Heshiiska XJJ Ciidda Kirismaska (Christmas truce).

Vladimir Putin waxa uu amray XJJ KMG oo muddo 24 saac ah, laga bilaabo 12-ka saac ee saqda Dhexe ee Xalay ilaa Habeen dambe (Ja nuary 6 ilaa January 7-da).

Dhinaca kale, Madaxweyne Putin oo la had lay dhigiisa dalka Turkiye, Rajab Dayib Erdoğ an waxa uu sheegay in Heshiis Nabadeed la ga ari doono marka ay Dowladda Ukraine u aqoon sato in ay Xuduudaha Raashiya ka tirsan yihiin Goballada ay Milliteriga Raashiya qabsadeen.

Waxa uu intaasi ku daray inay Raashiya diy aar u yahay Wada-xaajood ay Ukraine la gala an, balse loo baahan yahay aqoonsato xaqiiqda xuduudka cusub ee labada dal.

Si kastaba ha ahaatee, Dagaalka u dhexe eya Milliteriga Raashiya iyo kuwa Ukraine waxa uu bilowday bishii February 24-dii ee sanadkii 2022-ka, xilligaasi oo ay Ciiddanka Raashiyaan ka duullaanka ku galeen dalkaasi

Golaha Ammaanka oo ka hadlay booqasha da Israa’iil ee masjidka Al-Aqsa

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay,booq ashada xubnaha Israa’iil ay ku tageen masjidka Aqsa ,iyagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii wado xalka xaaladda cakiran ee ka taagan dhismaha Masjidka Al Aqsa ee magaalada Quddus.

golaha ammaanku ,waxa ay ka hadleen xaaladda xarunta Al Aqsa iyo khatarta ka dhal an karta in ay sii kordhaan dagaal dhexmara Falastiin iyo Israa’iil,balse hadalladoodu waa ku wo xadidan,mana jiro wax dhaleeecen ah oo loo jeediyay Israa’iil.

Laakiin,Goluhu ma aysan ballan qaadin wax tallaabo ah maalmo kadib markii wasiirka cusub ee amniga Israa’iil Itamaar Ben-Gvir uu booqa sho muran badan dhalisay ku tagay goobtaasi, waxayna madaxda Falastiiniyiinta ay ku tilma ameen daandaansi aan horay loo arag.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Falastiin Riyad Mansour ayaa Khamiistii ku riixay Golaha Ammaanka in ay tallaabo ka qaadaan Israa’iil, falalka daandaansiga ah eeay ka waddo Qu dus,gaar ahaan dhismaha masjidka Aqsa.

Masjidka Al Aqsa waa goobta sadexaad ee ugu barakeysan kadib Maka iyo Madiina, wax aana sidoo kale ixtiraama Yuhuudda, kuwaas oo ugu yeera Buurta Macbadka.


OGEYSIISKA_CALAAMADAHA GANACSIGA -

1] HAVANA CLUB

2)

OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamadaha ganacsiga ee kore ay yihiin calaamadaha ganacsiga:

Havana Club Holding, S.A.,a Luxembourg company of 5, rue Eugène Ruppert, L-2453 Luxembourg, Luxembourg

waxaana loo adeegsaday:

Cabitaanada nooc walba leh.

Ogaysiis sidoo kale waxaa la bixiyaa in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad kasta oo adeegsata calaamadaha ganacsiga ee la sheegay ama wax kasta oo ku dayasho ah ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqda shirkadda la sheegay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip