Daawo: Madaxweyne Xasan oo sameeyey ballaan-qaad culus oo sanadka 2023 ah

0
Sunday January 01, 2023 - 17:43:51 in Wararka by
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Madaxweyne Xasan oo sameeyey ballaan-qaad culus oo sanadka 2023 ah

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo galabtii la hadlay shacabka Soomaaliyeed, ayaa ka warbixiyay gulufka socda ee ka dhan ah Al-Shabaab iyo hiigsiga sanadka cusub ee 2023-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in halganka dib u xoreynta dalka iyo hiigsiga sanadka 2023 uu noqon doona sanadkii dalka xoroobi lahaa dowladdana ay u jihaysan laheyd adeeg iyo waxqabad.

"Waxkasta oo horumar iyo wanaag ah oo umaddi gaarto waxay ka dambeeyaan marka qofka amni haysto oo gurigiisa inta uu nabad ku seexdo uga soo toosi karo, waana sidaas sida aan muhiimada koowaad u siinay arrimaha amniga,” ayuu yiri madaxweynaha.

"Dadka Soomaaliyeed waxay maanta u istaageen inay iska qabtaan Khawaarijta, dagaalkaasina meel fiican ayuu maraya oo geba-gebadiisa ayaa dhow. Sanadkaan 2023-ka waxaa rajeynayaa sanadkii Soomaaliya ay u bixi laheyd barwaaqo iyo bash-bash.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay dadaal badan ugu jirto sidii ay amniga guud ee dalka ugala wareegi laheyd howl-galka Ex-AMISOM (ATMIS), kuwaasi oo sanado badan ku sugna dalkeena.

"Arrimaha amniga marka la yiraahdo waxaa hiigsaneyna in dowladda Soomaaliyeed iyo dadkeeda oo iswata ay xilka amniga dalka iyo dadka si buuxda ula wareegaan bisha December 2024-ka, walaalaheena AMISOM iyo caalamka na-kaalmeynayay u mahad-celin oo tusino in aan gaarnay heer aan ku hanan karno amnigeena.”

 
 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ay siyaasad ahaan ka heshiiyeen arrimaha amniga taabanaya iyo qaab dhismeedka amniga Qaranka.

"Waxaa dhawaan ka heshiinay ayadana oo meel soo gaarsinay arrimaha aan isleenahay amniga ayay taabanayaan oo gadaal idinka soo sheegi doono.”

"Dadka Soomaaliyeed yeysan nagu qiimeyn maanta meesha aan joogno, ha la isku qiimeeyo meesha aan u socono,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip