HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 28-KA DICEMBAR 2022-KA

0
Wednesday December 28, 2022 - 08:27:54 in Wararka by
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 28-KA DICEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Shirka Golaha wadatashiga oo Maalintii labaad Galaya iyo qodobo…

Waxaa maalintii labaad Galaya shirka u dhax eeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada kajira dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaas oo Dorraad ka furmay Xarunta Ma daxtooyada ee Villa Somaliya.

Shirka ayaa Maalintii 1aad ee Dorraad wa xaa diirada lagu saaray arrimo ay kamid yihiin, fe deraaleynta garsoorka iyo asteyn ta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-gob oleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqd isho 12-kii Sebteembar.

Maalinta labaad ee shirka ayaa waxaa looga ha dlayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan daga alka ka dhanka ah Al-Shabaab oo Ciidamada Xo ogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, ka na xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu sugnaayeen.

Wararka kale ee aan helnay ayaa sheegaya in Madaxda ay siwyen uga hadlayaan muddo krors iga ay sameysteen dowlad Goboleedyada iyo sha qaaqadii ka dhacday magaalada baydhabo iyo sidoo kale sidii howgallada looga bilaabi lahaa de gaannada iyo degmooyinka Maamulada Jubbal and iyo koonur Galbeed.

Geba-gabada Shirka Golaha wadatashiga Qa ran ayaa la filayaa inay kasoo saran warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay ku heshiiyeen iyo iclaa minta xilliga uu qabsoomayo kulanka aad ee Gol aha wadatashiga Qaran.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaq ay in maamulada Jubbaland iyo K/ Galbeed ka billaabanayaan howlgallada xorreynta Al-shab aab

Raysal wasaaraha Xukuumadda fedaraalka So omaaliya xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaa day in dhawaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ay ka bilaaban doonaan deegaanada maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

R/wasaare Xamse ayaa sheegay in howlgaladii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay ka bilaabeen deegaanka Basra iyo deegaanada kale ee ku dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe iney haatan usii talaabeen deegaanada ma amulka Galmudug, islamarkaana dhawaan ciida mada ay xureyn doonaan deegaanada Galmudug kaga sugan yihiin kooxda Shabaab.

Wuxuu sidoo kale sheegay raysal wasaaraha Soomaaliya in haatan abaabulkii ugu dambeeyay ay ka socdaan deegaanada maamulada Jubbala nd&K/ Galbeed, islamarkaana Xukuumaddiisa ay ka go'an tahay dardar galinta howlgalada lagula dagaalamayo ciribtirka Ururka Al-shabaab.

"Dagaalkii ka billawday Basra, Xawaadley Balc ad dhinaceeda shishe in uu hadda sii marayo sida aad wada aragteen Ruunirgood iyo meel kasii fog oo aan rajeynayo in Galmudug meelaha ay khawa ariijtu uga harsan tahay laga tirtiri doonno, Jubbal and iyo K/Galbeed waxaa si dhaqsi ah uga billaa banaya howlgallada xorreynta, wixii hadda ka dam beeya dalka horay usoo socosho mooyee ma jiri doonto dib u socosho ilaahey idinkiis” ayuu yiri R/wasaare Xamsa Cabdi Barre. Hadalkaan ayuu R/wasaarahaJFS Habeen hore ka sheegay mun aasabad casho sharaf iyo soo dhaweyn ah eyd oo uu u sam eeyay Xildhi baan Ilhaan Cum ar oo ka tirsan Aqa lka Koongare eska dalka Mareykanka oo ku sugan M/Muqdisho ee Caasimadda Somaliya .

IIhan Cumar oo bogaadisay guulaha dowladda Soomaaliya ay gaartay dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in hor umarro waaweyn laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyadoo xustay in guulihii ugu dambe eyay ay soo celiyeen nidaamka iyo kala dambeyn ta Soomaaliya, loona baahan yahay in saaxiiba da caalamka ay ammaanaan.

Ilhan Cmar oo Muqdisho uga qeyb gashay xaf lad casho sharaf ah oo uu soo ag aasimay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ay aa sheegtay in loo baahan yahay in caalamku uu maal-gashi ba dan ku sameeyo Soomaaliya oo dhowr iyo labaat an sano u halgamayay xasillooni deeda.

"Markii aan soo socday waxaa la igu yiri waa waqtigii ugu xumaa ee wadanka, qarax badan ay aa ka dhacaaya dagaal ayaa ka socda meel wel iba balse alle mahadi waxaa ii suuragashay in Garoowe illaa bardar-beela gaari ku tago oo Muq disho ku casheeyo. aniga oo la jooga Madaxda Dalka ugu sarreysa” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Ilhan Cumar oo ka tirsan guddiga xiriirka dibad da ayaa xusay in taliska Mareykanka ee Afrika uu si hufan ula shaqeynayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed [SNA] iyo saaxiibada kale si loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo intaa ku dartay in loo baahan yahay in mar walba la qaato iskaashigaan oo kale.

"Soomaaliya wax badan ayey ku guuleysatay labadii sano ee la soo dhaafay, waana inaan dha mmaanteen ogaanno arrintan, ma aysan fudud eyn, laakiin waxaad mooddaa in Al-Shabaab ay u gu dambeyntii dhici doonto, waan uga mahad cel ineynaa dadaalka baaxadda leh ee ay sameeyeen dadkii ku lugta lahaa, waana hubaa. guusha dha waan ayaa lagu dhawaaqi doonaa, "ayay tiri Ilhan Cumar.

Jeneraal Odowaa oo amar culus dul dhigay ciidanka dagaalka ku jira

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo k u sugan degmada Ruun-nir good ee G/ Sh/Dhexe ay aa amar culus dul dhig ay ciidanka xoogga iyo ku wa dib u xoreynta deega anka.

Taliyaha ayaa ciidankaan ku amray in meeshii la gu arko lagu toogto ninkii isbaaro dhigta, isagoo aad ula dardaarmay ciidankaan oo u diyaar garoo baya duulaan lagu qaadayo Galgaduud.

"Qofkii isbaaro u taallo meeshii lagu arko ayaa lagu dilayaa, xitaa maxkamad lala sugi maayo, is baareyste lama sii fiirsa karo, ma dhici karto in isbaaro aan raali ka noqono, quluubta dadkeena inaan ilaalino waa waajib,” ayuu yiri Jeneraal Oda waa.

Sidoo kale Taliyaha ayaa aad uga hadlay dag aalka Al-Shabaab, isagoo ciidankaan kula hadlay xuduuda kala qeybisa gobollada Galgaduud iyo Sh/Dhexe. Taliyaha ayaa aad u amaanay taliyaha ciidanka dhulka oo afar bilood furimaha dagaalka ku sugan, isagoo xusay in saaxiib qaali ah dagaal ka lagu wey doono maalmaha soo socda.

"Hadii Shalay ay faraxsan yihiin dadka aad ka xoreyseen Al-Shabaab, waxaa weli madaxa hoos u raaricinaya oo ilmeynaya hooyo Soomaaliyeed oo weli ay dhibaato ku hayaan, waa in aan deg deg uga xoreyno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jen. Odawaa.Taliyaha ayaa sheegay in ugu yaraan 3 kun Shab aab ah ay xaaladda dagaalka ka baxeen bilihii la soo dhaafay, kuwaas oo isugu jira kuwo la dilay, kuwo baxsaday &kuwo duurka ku jira oo dagaal aan diyaar u aheyn Xigasho:caasimadda .net

Dowladda Soomaaliya oo maalinta berrito ah hakisay duulimaadyada garoonka Aadan Cadde

Dowladda Soomaaliya ayaa hakisay duulima adyada rayidka ah ee garoonka Aadan Cadde ee M/Muqdisho, xilli uu halkaasi maalinta berrito ah ka soo wajahan yahay mad axweynaha Jabuuti, Is maa ci il Cumar Geelle. Qoraal ka soo baxay Hay’ adda Duulis ta Rayid ka ee Soomaaliya ayaa lagu sheeg ay, in arrimo farsamo awge ed loo joojiyay dhaqaaqy ada duuli maadyada gar oonka Aadan Cadde.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sida xogta aan ku helnay kusoo wajahan Muqdisho, isagoo halkaas kulan kula yeelanaya mada xweynaha Soomaliya. Wux uu sidoo kale uu xarriga ka jaridoono masha ariic Jabuuti ka hirgalisay Muqdisho.

Waa safarkii labaad oo madaxweynaha Jabuu ti uu ku imaanayo Muqdisho, tan iyo markii Xasan Sh. xilka madaxweynaha loo doortay bishii May ee sannadkan. Ismaaciil ayaa kamid ahaa wafuudii ka soo qeyb gashay caleemo saarka Xasan Sh..

Safarka madaxweynaha dalka Jabuuti uu ku ima anayo Muqdisho, ayaa kusoo aadaya xilli ay Muq disho ku sugan yihiin madaxweynayaasha D/Gob oleedyada, uuna socdo shirka wadatashiga qaran.

Madaxweyne Deni oo ururada siyaasada ka diiday in wax laga bedelo qodobo ku jira xeer ka doorashada

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ka di iday ururada siyaasada in wax ka beddel lagu sa meeyo labo qodob oo katirsan xeer ka doora shada.

2dan qodob ayaa ah in la furo nida amka xisbiyada xaddidan ee dastuur ka Puntland uu dhigayo,& in la dhimo tirada xildhibaannada golayaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland

Md.Deni ayaa sheegay inuu 9 qodob oo kamid ah qodobadii ay soo jeediyeen ururada siyaasadu ay tabashadoodii xalliyeen, balse wuxuu sheegay 2dan qodob oo mid kamid ah uu dastuuri yahay in uusan waxba ka beddeli karin.

Ururada siyaasada ayaa kasoo horjeeda in xisb iyadu ku xaddidnaadaan 3 xisbi muddo 10 sano ah.Waxay sidoo kale sheegeen inay muhiim tahay in la dhimo tirada kuraasta badan ee golayaasha deegaanka.

Qodobadan la isku khilaafsan yahay ayaa laga yabaaa inay khikaaf ka dhex abuuraan doorasho oyinka soo socda ee Puntland, iyadoo guddiga do orashada uu shanta january billaabayo diiwaan ga linta codbixiyaasha doorashada D/ladaha hoose

Fannaankii iyo Muusigiistihii Caan ka aha ee Cabdinaasir Macalin Caydiid oo geeriyooday

Cabdinaasir Macalin Caydiid oo kamid ahaa fa nnaaniinta reer Somaliland, kuna caan baxay tu mista cuudka, ayaa xanuunka kansarka ugu gee riyooday dalka Itoobiya.

Cabdinaasir Macalin Caydiid, wa xa uu kamid ahaa fannaaniin ta loogu ixtiraamka badanyahay Somaliland iyo guud ahaan ga yiga Soomaalidu degtaba, sida uu Cumar Seerb iya u sheegayna waxa uu fanka bilaabay sannad kii 1986, isagoo si dhakhso ah horumar ku same eyay.

"Aniga fankaygu wuxuu ka soo bilaabmay 1986,1983 waxan daawan jiray kooxda Danan, wa xan garanayaa iyadoo la i saarayo, 1986 kiina ma calinkoodii ayaan noqday kuwii aniga i saari jiray" ayuu Cabdinaasir u sheegay wariye Cumar Seer biya.

Cabdinaasir waxa uu ku dhashay magaalada Cadan ee dalka Yemen, 13, November, 1959, hal kaasi oo uu ka bilaabay waxbarashadiisa, isagoo xili horeba kalgacayl u qaaday fanka iyo tumista cuudka, lakiin aabihii oo xiligaa noolaa ayaa Cab dinaasir ka hor is taagay.

Laxamada uu sameeyo iyo cuudka uu tumo ay aa lagu sheegaa in ay dhadhan gaar ah leeyihiin, sida uu suuggaanyahan Mowliid Aadan Biixi Asta an u sheegay "Marka laga hadlayo heesaha, lax anka iyo cuudka uu tumo Cabdinaasir, waxay leey ihiin jaad gooni ah iyo dhadhan gaar ah".

Sida uu muusigiiste Buule Xubay sheegay Cab dinaasir wuxuu ahaa nin kaligii koox ah " Waa nin mulaxan ah, waa heesaa, oo anigaygaa ayaa 100 heesood oo uu tumay la duubay, waa mu'alif oo wuu alifaa heesaha, markaa waa nin kaligii koox ah, waxa jirta fannaaniin fara badan oo kuwa loo gu jecelyahay ah Shalay oo uu isagu soo saaray".

Heesaha uu tumay waxaa ugu caansan heesta Sa baalo oo soo baxday 17, 10, 1986, isla markaana ay isla qaadaan Axmed Gacayte iyo Aamina Cabd illaahi, heesta Wacantaan jeclaa sidaan uga warw aro, Dab markaan ka baydhay iyo heeso kale oo laga dabo dhacay.

"Lixda heesood ee sannadadan danbe dalka ha ysta waxa ii sameeyay Cabdinaasir Macalin Caydi id, 'Waxaan maan ku dheedayn, aragana ka dhu untoo' isaga ii sameeyay" fannaanad Saynab Cige ayaa sida tidhi.

Cabdinaasir waxa kale, oo uu taariikh dheer ku leeyahay halgankii hubaysnaa ee SNM, oo uu ka mid ahaa halgamayaashii fanka iyo heesaha ku halgami jiray kuwooda ugu caansan.

Yaasiin Fareey oo shaaciyay arrin wiiqeysa dagaalka Al-Shabaab oo ka jirta NISA

Xildhibaan Yaasiin Farey oo Agaasime ku meel gaar ah ka soo noqday hay’adda Nabad-sug idda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa markii u horeysay shaaciyay in uusan jirin sharci lagula da gaalamo argagixisada oo ku dhaq anto NISA.

Waxa uu sheegay in masuuliyiin ta iyo howl-wadeenada NISA ay ku shaqeeyaan wax ugu yeeray "is-xil qaan” oo kula tacaalan argagixisa da, taasi oo mararka qaarna keenta in lagu xad-gu dbo muwaadinka Soomaaliyeed.

"Sharci argagixiso oo dalkaan yaalla ma jirto, argagixisada meesha ay kula gasho waa iska da ba meereysaneysaan oo xeer ka yaalla oo la ilaali yo ama iyagu ka baqaan haba yaraate majiro,” ay uu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa "Waxa kalifaya in dadka dhibaato gaarto waxa waaye argagixsadii oo lala tacaalayo iyo sharci loo maro oo la waafa jiyo uusan jirin. Marka shaqada la hayo waa shaqo la yiraahdo is-xilqaan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jirin sharci ama xeer kala saaraya qofka caa diga ah ee muwaadinka ah iyo hogaam iyayaasha sare ee Shabaab, taasi oo ah halis hor leh oo aan marna ba lagu ciribtiri karin argagixisada. "Ninka ugu sar eeya kooxaha Khawaarijta iyo qofka caadiga ah wax ay ku kala duwan yihiin majirto. Baarlamaan ka ayaa laga raba sharci cadeynaya qofka argagix iso ah wadiiqooyinka uu marayo.”

"Shareecada Islaamka ayaa kala saareysa qofka Khawaarijta ah ee lidi ku ah nolosha iyo qof kaan waa qof muwaadin ah, laakiinse dalkeena ay aa laheyn sharci sidaas u kala saaraya oo la dabaqo.”

Hadalka Yaasiin Fareey ayaa imanaya ayada oo dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al-Shab aab, waana wax lala yaabo in dal dagaal kula jira argagixisada uusan laheyn sharci lagu dabaqo, si gundhig ugu noqoto howlaha ka dhan ah ee wad aan hay’addaha amniga.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xayiraa da Al-shabaab kusoo rogtay Shirkadda Horm uud

Iyadoo saacadahii lasoo dhaafay ay soo baxay een warar sheegaya in Al-Shabaab ay xayiraad ku soo rogtay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaa laha Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa waxaa arintaasi faahfaahin dhe eraad ah ka bixiyay Afhayeenka Wa saaradda Gaashaandhiga Soomaal iya Cabdullaahi Cali Caanood.

Afhayeen Caanood oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay iney ka war heleen in kooxda Shabaab ay xayiraad kusoo rogeen Shirkadda Hormuud Telecom oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee gudaha dalka ka howlgala.

Wuxuu sheegay in kooxda ay horay u burburi yeen anteenooyinka xarumaha isgaarsiinta Hormu ud oo ku kala yaala gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe oo uu xusay in kooxda ciq aab ahaan u burburiyaan anteenooyinka Shirkada oo ay isticmaalaan shacabka Soomaaliyeed.

"Meelaha ay anteenoyinka Shirkadda Hormu ud ka burburiyeen Shabaab waxaa ka mid ah Qaa yib iyo Dhisiq qurunle, Moqokori, Yasooman, Tar do, Masaajid Cali Gaduud, Daarusalaam, Aadan Yabaal, Juxaay, Alkowsar kuwaas oo ah deegaa no ku kala yaala Galgaduud, Hiiraan & Sh/ Dhexe, waxaana adeegyada as ay burburiyeen horay ka sii dhisaayay Shirkadda Hormuud" ayuu yiri Afha yeen Caanood.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in ciid amada dowladda Soomaaliya ay isticmaalaan isg aarsiin u gaar ah, hayeshe culeeska ugu badan ee adeegyadaasi ay la kulmaan dadka shacabka iyo Shirkadda Hormuud.

"Waxay u burburiyaan anteenoyinka si aanan xogtooda iyo meelaha ay ku dhuumaleysanayaan u wadaagin sirdoonka ciidanka iyo dadka Shac abka ah, waa niman u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee shacabka ah oo ay kala dagaala mayaan horumarka iyo nolosha" ayuu yiri Jen.C/hi Cali Caanood. Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhan ka Shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ku aadan wararkan sheegaya in kooxda Al-shabaab ay xayi raad kusoo rogtay dhaqdhaqaa qa gaadiidka iyo Shaqaalaheeda.

Xog: Lafta-gareen oo shuruud ka yaabis ay Golaha Wadatashiga ku xiray qaba shada doorasho

Madaxweynaha D/-Goboleedka K/Galbeed Ca bdicasiis Lafta-gareen oo qeyb ka ah madaxda ku shirsan magaalada Muqdisho, ayaa shuruud adag ku xiray ka tanaasulka muddo kororsiga halka sa no ee uu sameystay.

Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka oo shirkoodii cadaadis ku saaray Lafta-gareen xiisa da K/Galbeed ayaa wuxuu u sheegay in doorasho uu qabanayo haddii maamullada kale ay lamid noqonayaan, sid ay Sheegtay Caa simada Online inay u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xogta aan helayno ayaa intaas ku sii dareysa in shuruuda Lafta-gar een uu ku xiray culeyska uu ka waja hay madaxda shirka ay keentay inaysan ku qasbin qabashada doorasho, balse ay ku cadaadiyeen oo kaliya in uu xal aan dagaal aheyn u keeno xiisada taagan.

"Haddii aan la i dhaafeyn ha la ii sheego oo aan doorasho qabsado koley kaligey ima saamey n ayso oo raga kale oo dhan doorasho ayaa laga rabi doona ama culeyska gaarka ah ha la iga dha afo,” ayuu yiri Lafta-gareen sida aan kasoo xiga nayno ilo wareedyo muhiim ah.

Lafta-gareen ayaa haddii lagu qasbi lahaa qa bashada doorashada maamulka, waxa sidoo kale waxba kama jiraan noqon laheyd muddo kororsiga halka sano ay hore u sameysteen madaxweynay aasha maamulada Jubbaland, Galmudug iyo HirShabelle.

Madaxda DFS ee qeybta ka ahaa shirkaan ay aa ka gaabsatay arrintaan, waxaana laga fahmi ka raa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu san xiligaan rabin in uu galo dagaal ka dhan ah maamul goboleedyada.

Lafta-gareen ayey u badan tahay in uu sanadkiisa qaadan doono, maadama aysan dowladda dhexe heegan u aheyn in maamulada u dirto doorasho waafaqsan muddo xileedkii ay xilalka kula wareeg een.Xigasho:-caasimadda.net

15 Qof Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Shil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdi sho ayaa sheegaya in shil khasaare xooggan gey stay uu ka dhacay degmada Howlwadaag ee bartmaha magaalada.

Shilka oo si gaar ah uga dhac ay isgoyska Jid Maeeexaan ay aa ka danbeeyay kadib markii gaari Inataree ah oo soo fariin goostay uu jiiray gawaari iyo Mootooyin ay dad shacab ah saarnaayeen, iyadoo wadihii gaariga weyn uu xakameyn waayay.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gud aha u sheegay in shilkan uu sababay dhimasho iyo dhaawac, 14 qof oo dhaawacyo daran qaba ay aa loola cararay xarumaha caafimaadka, si xaa ladooda loola tacaalo.

Wararka ayaa intaasi kusoo daraya in shilkan ay ku geeriyootay gabar lagu magacaabi jiray Naj ma C/casiis Cilmi oo xiligaasi uun ka soo baxday Jaamacadda UNISO oo ku taala aagga halka shi lka uu ka dhacay.

Gudoomiyaha degmada Howlwadaag ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney wadaan baari taanada waxa sababay shilkan, wuxuuna waday aasha gawaarida qaada Xamuulka ka dalbaday in ey taxadar dheeri ah muujiyaan.

Al-Shabaab oo isaga baxay Galcad & Ciidamada dowladda oo

Al-Sabaab ayaa la sheegay inay isaga baxeen degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo tobanaan sano ah ay maamulayeen ka dib markii ay ku dhawaadeen Ciidamada dowlad da iyo dadka degaanka.

Mid kamid ah dadka degaan ka oo Risaala la hadlay ayaa she egay in inta badan Shacabka de gmada ay Al-Shabaab horay u sii wateen, hay eeshee Magaalada hadda ay tahay mid cidlo ah.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin duleedka degmada Galcad, isla markaana ay ku dhow yihiin inay la wareegaan de gmada Galcad oo katirsan gobolka Galgaduud.

Halkan ka Daawada Wareysiga oo dhameystiran

Bannaanbax Shalay ka dhacay laas-caanood & ujeedka oo la ogaaday

Wararka naga soo gaaraya magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Shalay halkaasi uu ka dhacay dibadbax ay dhigayeen dadka Shacabka ah, kaas oo ay uga soo horjeedaan dilalka qorsheys an ee had iyojeer ka dhacay mag aaladaas.

Banaanbaxa ayaa ka dambeey ay kadib markii Habeen hore koo xo hubeysan ay bartamaha magaalada laas-caan ood kudileen Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi Sangub) oo kamid ahaa waxgaradka Gobolka Sool, xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo dukaday.

Dadka bannaanbaxa dhigayay ayaa Shalay dhagxaan waaweyn ku jaray waddooyinka, iyaga oo dalbanayay in laga hortago dadka dilalka u ge ysanaya Haldoorka Gobolka Sool, waxaana ay ku dhaliileen Madaxda Hay’adaha Amniga Somalil and ee magaalada laas-caanood inay ku fashilm een waxka qabashada dilalka.

Wararka kale ee laga helayo Magaalada laas-Caanood ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ay rasaas ku kala eryeen dadkii bannaanbaxa dhi gayay, iyada oo goobjoogayaal ay sheegeen inra saasta dadka qaar ay ku dhaawacmeen.

Intii uu bannaabaxa socday ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo Go obaha Ganacsiga wallow ay dib u furmeen, waxa na bannaanbaxa Shalay siweyn looga dareemay magaalada laas-Caanood.

Xisbiga WADDANI oo ka hadlay dhicista liisanka sharci ee xisbiyada

Xisbiga WADDANI, ayaa kasoo hor jeestay go'aankii ay Guddida Diwaangalinta Ururada So maliland, ku sheegtay in ay dhamaatay mudadii sharci ee la doortay xisbiyada WADDANI, UCID iyo Kulmiye.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo hadal ka jeediyay Shirwaynaha Dal lada Dhalinyarada Somalil and ee SONYO, ay aa sheegay in xisbiyadu sha rciyad ku joogay aan inta doorasho lagu badal ayo.

"Waxan rabaa in aan tilmaamo waraaqaha Dorraad baxayay ama laga yaabo in ay maalmo ka horeeyay baxayeen, waan arkayay in dadka qa arkood leeyihiin xisbiyada liisankii ayaa ka dham aaday, muu dhamaane waanu joognaa, waananu joogi doonaa" ayuu yidhi Xirsi. Waxa uu sheegay in xisbiyadu yihiin hay'addo, isla markaana anay lamid ahayn madaxweynaha, waxa uu sheegay in hay'addaha marka la doorto doorasho kali ah, uun lagu badali karo, oo ay sii joogayaan inta doorasho laga gaadhayo. Mas uuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland oo shirka ku sugnaa oo guddoomiyaha u jawa abay, ayaa sheegay in saddexda xisbi ee hada uu ka dhama aday liisankii sharci ee ay ku shaqay nayeen 10 kii sanno ee lasoo dhaafay.

10 kii sanno ee la doortay saddexda xisbi ee hadda jira, ayaa ku ekayd Dorraad, sida guddida furista iyo diwaangalinta ururadu sheegtay, xisbiya dan ayaa lasoo doortay 28, 12, 2012.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland oo mal eyshiyaad kasoo horjeeda doora shada qof iyo cod ku abaabulay gobolka Nugaal

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal, ayaa maleyshiyo beeleed ku arursa day deegaanka Karin-dhiig oo dhacda laamiga xir iira degmooyinka Garowe iyo Danga rayo ee gob olka Nuagal.

Ciidamadan ka amarqaata Xasan Shire Abgaal oo ku hubaysan tiknikada dagaalka, ayaa la shee gay inay Habeen hore ka guureeye en magaalada Garowe, iyagoo fa rriisimo ciidan ka sameystay buur kutaala deegaanka Karin-dhiig.

Wasiirka arrimaha gudaha, Ca bdi Faarax Siciid Juxa oo warba ahinta gudaha la hadlay, ayaa ku eedeeyay Xasan Shire inuu iskudayayo inuu jigdooyo u dhigto arr imaha doorashada.

Wasiir Juxa wuxuu sheegay in maamulka iyo bulshada reer Nugaaleedka ay talo iyo go’ aan mi daysan ka yeelanayaan waxa laga yeealayo coll aadda uu sheegay in wasiir hore Xasan Shire uu ka abaabulayo gobolka Nugaal.

"Xasan Shire isagaa isoo wacay oo igu dhahay dagaal ayaan galayaa. Ciidanka isagaa halkaas geeyay,” sidaas waxaa yiri wasiirka arrmaha guda ha, Mr Juxa.

Xasan Shire ayaa kamid ah siyaasiyiinta reer Nugaaleedka ee aadka ugasoo horjeeda doora shada "Qof iyo Cod” taasoo ay Puntland qorshayn ayso inay dhawaan qabato.

24-kii bishii September ayay ahayd markii uu madaxweyne Deni xilka qaaday Xasan Shire Abg aal, oo lagu tirin jiray wasiirka ugu awoodda badan ee xukuumadda Deni.

Arrimahan waxay kusoo aadayaan, xilli gudd iga doorashada Puntland uu wado diyaar garowga diiwaan galinta cod bixiyaasha doorashada.

Hoggaamiyaha TPLF, oo sheegay in nab add gobolka Tigrey ku Xiran tahay ilaa ciidamada Eritrea iyo malee shiyaadka Amxaarada ay gobolkaasi ka baxayaan.

Hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremich ael, ayaa sheegay in nabadda aysan si buuxda u gu soo laaban doonin gobolka Tigrey ilaa ciid amada Eritrea iyo malee shiya adka Amxaa rada ay gobolkaasi ka baxay aan.

Waxa uu sheegay in a an laaq bali karin in kala bar gobolka Tigray uu nabad aha ado, iyadoo uu ka dhinac kale "xasuuq” uu ka soc do . Waxa uu hadalkan jeediyay xilli ergo sare oo ka socotay dowladda ay markii ugu horreysay booqa nayeen gobolka tan iyo intii uu dagaalka bilaab may labo sano ka hor.

Ciidamada Serbia Oo La Galiyay Heegankii Ugu Sarreeyay

Ciidamada Serbia ayaa la geliyey "heeg ankii u gu sarreeyey,” waxaa sidaas shee gay Wasiirka Difaaca Milos Vucevic, isaga oo muujinaya xiriirka sii xumaanaya ee dalka ku yaalla Balkans-ka kala dhaxee ya dalka deriska la ah ee Kos ovo.

Xiisaddan ayaa salka ku haysa toogashooyin ka dhacay iyo jidgooyooyin laga sameeyey waqooyiga Kosovo oo ay degan yihiin dad asa lkoodu yahay Serbiyiin.

Kosovo ayaa 2008 ku dhowaaqday madax-ba ani ay kaga go’day Serbia, hase yeeshee Belg rade ayaa diiday inay aqoonsato, waxayna ku dhi iri-gelisay 120,000 oo Serbiyiin ah oo dalkaas ku nool inay diidaan sharciyadda Pristina — gaar aha an waqooyiga dalkaas oo Serbiyiinta ay ka yihiin aqlabiyadda.

Ciidamada Serbia ayaa dhowr mar heegan la geliyey sanadihii tegay sababo la xiriira xiisadda kala dhaxeysa Kosovo waxaana ugu dambeeyey bishii November kadib markii Belgrade ay she egtay in diyaarado drone ah oo ka yimid Kosovo ay soo galeen hawadeeda.

10-kii December, Serbiyiinta waqooyiga Kosovo waxay waddooyinka ku gooyeen dhagxa an, si ay uga mudaaharaadaan xarigga sarkaal ho re uga tirsanaa booliska oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerarro ka dhan ah saraakiisha booliiska ee isirkoodu yahay Albaaniyiinta.

Ukraine oo ku baaqday Shirweyne Nab adeed iyo inay Raashiya wajahdo Maxkamad Caalami

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ukraine, Dmitry Kuleba ayaa soo bandhi gay Codsiga ku aaddan in Shirwe ynahaasi la qabto dhamaadka bi sha February ee sanadka soo so cda, oo ku bee gan Sanad-guura dii 1-aad duull aankii Raashiya ee dalkaasi.

Wareysi uu Dmitry Kuleba Dor raad siiyey Wakaallada Wara rka Maraykanka ee AP waxa uu ku baaqay inuu Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres dhex dhex aadiye ka noqdo Shirka Nabad da ee Cola ada Ukraine.

Waxa uu intaasi ku daray inuu isagu xaqiiqsa day inuu Guterres yahay Dhexdhexaadiye Hufan, Daacad ah, soona dhaweynayo inuu ka soo qeyb galo Shirka Nabadda ee Ukraine.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ukraine waxa uu soo bandhigay Shuruudo uu dalkiisa ku xiray in Dowladda Raashiya lagu casuumo Shirkaasi, isagoo xusay inay Raashiya wajahdo Maxkamad Caalami ah (An International Court), waa sida uu Hadalka u dhigay.

Wasiir Kuleba waxa uu laalay Baaqii uu Madaxwe ynaha Raashiya, Vladimir Putin ee Wada-xaa joodyo lagu dhameeyo Colaadda Ukraine, isagoo xusay in Dagaalka Raashiya ku hayso dalkiisa ay caddayn u tahay inaysan Moscow doonayn Wada-hadal.

Waxa kale oo uu tilmaamay inuu dalkiisa sam ayn doono wax kasta si ay ugu guuleystaan Dag aalka socda sanadka soo socda ee 2023-ka, waa sida uu Hadalka u yiri.

"Dagaal kasta waxa uu ku dhamaadaa Dariiq Diplomasiyadeed "A diplomatic way”, iyo inuu Dag aal kasta ku dhamaado Natiijada Goobaha Dag aalka ama Miiska Wada-xaajoodka” ayuu yiri Wasiirka

GABAR CAAN KA AHAYD SOOMAAL IDA TIKTOK OO 'U DHIMATAY DAROO GO AY ISKU DURTAY'DAROOGADA

Maydka gabadh 22 jir ah oo laga helay mid ka mid ah waddooyinka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho sanadkii hore ayaa daaha ka qaaday dhibaatada gabdhaha daroogada isticmaala. Shaqaalaha caafimaadku waxay sheegeen inay u geeriyootay isticmaalka daroogada opioid oo xad dhaaf ah.

Gabadhan oo baraha bulshada caan ka ahayd ayey saaxibbadeed sheegeen inay in muddo ahba daroogo isku duri jirtay. Waxay sheegeen in marka ay muuqaallada TikTok duubayso ay badanaaba adeegsan jirtay daroogooyin.

Booliska ayaa diiwaan galiyey kor u kac ku yimid adeegsiga daroogada ee magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ka tirsan, iyada oo dumarku ay ka mid yihiin dadka maandiiriyaha isticmaala. Waxaa la sheegay in dadka ay helaan noocyo cusub oo daroogo ah.

Iyada oo dadka ay cuni jireen khaadka oo isagu aan sharci darro ka ahayn Soomaaliya – cabitaanka khamriga, dhuuqista koollada ama cabitaanka xashiishka, ayaa hadda waxay dad badan barteen isticmaalka daroogada la isku mudo taas oo si toos ah luugu durayo xididdada dhiigga qaada. Waxaa ka mid ah daroogooyinkan kuwa loo yaqaan morphine, tramadol, pethidine iyo codeine.

Aamina Cabdi ayaa ka hadashay sida ay ula qabsatay daroogada

Qoraalka sawirka,

Aamina Cabdi ayaa ka hadashay sida ay ula qabsatay daroogada

Billowgii bishan Disembar ayey boolisku garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka qabteen shixnad daroogo ah taas oo u badnayd noocyada la isku duro halkaas oo lagu xiray qofkii soo dhoofiyey maandooriyahan.

"Daroogada kiniiniga iyo irbadda ah ayaa u badan waxa ay gabdhuhu isticmalaan,” ayuu yiri dhaqtar Muqdisho ku sugan, kaas oo codsaday inaan la magac-dhabin maaddaama uu mowduucani yahay mid xasaasi ah.

"Qaar badan oo ka mid ah daroogooyinkani waa kuwo qabatiin leh waxaana si dhib yar looga gadan karaa farmashiyada magaalada dhexdeeda”

‘Waxaan billaabay inaan gawaarida dhex seexdo’

Mid kale oo daroogo caan ah oo ay dumarku isticmaalaan, waa nooc tubaako la ruugo oo "tabbuu" loo yaqaan taas oo sababta kansarka afka iyo cunaha.

Aamino Cabdi, oo 23 jir ah, waxay daroogo isticmaalaysay shantii sano ee u dambaysay. Inkastoo isticmaalka daroogada ee dumarku uu ceeb ka yahay Soomaaliya haddana waxay go’aansatay inay BBC-da kala hadasho iyadoo rajaynaysa in ay jabiso aamusnaanta si iscabudhintu uga yaraato.

Ma jiraan xarumo dhaqan celin ah

"Waxaan ruugista tabbuu-ga la billaabay gabdho aan la noolahay,” ayey tiri.

"Waxay i bareen dhaqan xun. Waxaan la qabsaday tubaakada kadib waxaan u guuray daroogada xoogga badan ee la isku duro siiba tramadol iyo pethidine.

Aamino ayaa sheegtay in isticmaalkeeda daroogadu uu cirka isku sii shareeray kadib markii ninkeeda uu khilaaf soo kala dhex galay. Waxay hadda iyadoo la furay wada noolyihiin gabadheeda. "Sababta ugu weyn ee aan daroogada ula qabsaday waa ninkaygii hore awgii. Balwadeyda daroogada wuxuu gaadhay heer aan gawaadhida iyo waddooyinka dhex seexdo.”

Aamina ayaa hadda isku dayeysa inay iska goyso isticmaalka daroogada balse waxay sheegtay inay taasi ku adagtahay maaddaama aysan Soomaaliya ka jirin xarumo dhaqan celineed ooh aboon si ay u maarayso joojinteeda daroogada.

Waxay sheegtay in aanay suurta gal ahayn joojinta dhammaan daroogada hal mar. Waxay ku guulaysatay inay dhinto isticmaalka tan la isku duro balse waxay wali ruugtaa tubaakada, shiishadna way cabtaa.

Waaliddiinta siiba hooyooyinka ayaa aad uga walwalsan dhibaatooyinka maandooriyaha ee gabdhahooda kuwaas oo badankood weli dugsiyada dhigta.

Khadiijo Aadan ayaa ku baraarugtay in gabadheeda 14 jirka ah ay lasoo baxday dabeecado aan lagu aqoon

"Waxay bilLowday inay seexato xilLiyo aan muna asib ahayn waxaana ku arkay dhaqan cusub” ayey tiri .

"maalin maalmaha ka mid ah waxaan boorsad eeda ku arkay kiniiniga tramadol iyo tubaakada la ruugo. Waan ku qabsaday waxayna ii sheegtay inay billowday isticmaalka daroogada ka dib markii ay cadaadis kala kulantay gabdhaha kheyrkeed ah.” Khadiijo ayaa gabadheeda geysay xarun ay maamulaan qolyo culumo ah. Ma isticmaasho hadda waayo halkaa kama helayso daroogo.

Waaliddiin badan ayaa xarumaha noocan oo kale ah geeya carruurtooda si loogu dhaqan celiyo gaar ahaan kuwa xanuunnada dhimirka qaba iyo kuwa daroogada isticmaala. Xadgudubyo halis ah ayaa xarumaha qaar ka dhaca oo ay ka mid yihiin in silsilad lagu xiro qofka iyo waliba garaacid loo gaysto dadka halkaas lagu hayo.

Halista ay carruurta darbi jiifka ku jiraan

Dhallinyarada ayaa si sahlan ku hesha daroogada

Maaddaama ay la tacaalayso abaartii ugu darnayd muddo afartan sano ah iyo wax soddon sano ka badan oo dagaallo ah, Soomaaliya oo aan lahayn ilo dhaqaale oo ku filan ayaan awoodin inay daboosho baahiyaha aadmiga ee aas’aasiga ah, inta aan la gaarin dhibaatooyinka sida daroogada iyo waxyaabaha la midka ah.

Hay’ado tiro yar ayaa isku dayaya inay wax ka qabtaan arrintan iyaga oo faafiya wacyi galin ku saabsan halista uu leeyahay maandooriyuhu.

Ururka Bisha Cagaaran ayaa booqda dugsiyada iyo jaamacadaha si ay uga digaan ardada noocyada kala duwan ee balwadaha sida, daroogada, qamaarka, ciyaaraha, iyo baraha bulshada.

Siraad Maxamed Nuur ayaa maamusha hay’adda Mama Ugaaso, taas oo diiradda saarta maandooriyaha ay adeegsadaan da’ yarta, gaar ahaan gabdhaha.

"Waxaan samaynaa wax waliba oo aan ku nacsiinayno dhalinta isticmaalka daroogada annaga oo qabanna barnaamijyo wacyi galineed oo dhalinta u iftiiminaya halisaha caafimaad ee lala xiriiriyo maandooriyaha.

"Waxaan sidoo kale kula talinaa dawladda inay tallaabo ka qaaddo arrinkan. Balse intan oo kali ah kuma filna. Talaabo adag ayaa loo baahan yahay in la qaado si aanay xaaladdu fara uga sii bixin gaar ahaan caruurta darbi jiifka ah dhexdooda.

Sida laga soo xigtay wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha, in ka badan 40% carruurta darbi jiifka ah waxay isticmaalaan daroogo.

Inkastoo khaadka, koollada iyo tubaakadu ay yihiin kuwa badanaa ay isticmaalaan carruurta waddada ku nool, haddana daraasad ay samaysay wasaaradda ayey ku sheegtay in ku dhowaad 10% ay sitcimaalaan daroogada la isku duro iyo 17% oo cuna kiniiniga hurdada.

Kororka isticmaalka daroogada ee dhalinta la faquuqo ayaa kordhinaya dambiyada iyo xad gudubyada ka dhanka ah dumarka iyo gabdhaha.

Sida laga soo xigtay waaxda baarista ee Somali Public Agenda ayaa waxay

daroogadu sidoo kale horseedday inay abuurmaan budhacadda loo yaqaan

ciyaal weero kuwaas oo magaalada Muqdisho argagax ku riday.

Mararka qaar waxaa daroogada loo adeegsadaa in looga faa'iidaysto dumarka iyada oo la kufsanayo marka la siiyo daroogada.

Waxaa jira halis ah in koboca isticmaalka daroogada uu kor u qaado xanuunka HIV iyo Aids oo aad u hooseeya hadda Soomaaliya.

"Kor u kaca dadka isku mudaya daroogada, gaar ahaan opioids, ayaa qayb idil dhalinta Soomaalida kamid ah halis u galinaya inay qaadaan xanuunkan,” ayay tiri dhaqtarad Sacdiya Cabdisamad Cabdullaahi, oo ah maamulaha bar naamijka HIV ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. XIGASHO:-BBC

Madaxweyna Jabtuuti Md. Geelle oo maanta lagu soo dhaweeyo M/ Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Gelle ayaa ayaa lagu wadaa in uu kasoo dago garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo uu ku soo dhoweeytiisa loogu diyaargaroobay Saakay soo dhaweyntiisa iyadoo garoonka diyaaradah ay ku sugan yihiin dadweynaFara Badan iyo madaxda dalka ugu sareyso.

Ra’iisul wasaaraha iyo qaar kamid ah madax goboleedyada iyo mas’uuliyiin kale ayaa sidoo kale qayb ka ah soo dhow eynta ballaaran ee loo sameeyo wafdiga madaxweyne Geelle.

Sidoo kale Markuu Yimaado ayaa madaxweynaha loo galbin doonaa qasriga madaxtooyada, halkaas oo ay wadahadallo ku yeelan doonaan, isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale xarigga ka jari doono dhismaha xar unta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA.

Xaruntaas oo loo aas-aasay inay kaalin weyn ka qaadato soo nooleynta Af-Soomaaliga waxaa dhistay dowladda Jabuuti, waxayna ku taallaa degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa imaanaya wafuud kale oo ka kala imaaneysa wadam ada Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo maanta Muqdisho ku soo jawahan, sida aan xogta ku helnay.

Ammaanka ayaa sidoo kale maanta aad loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka, sidoo kale waxaa la hakiyay duulimaadyadii maanta imaan lahaa magaalada Muqdisho. Iyadoo wadooyinka muqdisho loo xiray imaatin ka wafuudda madaxweynaha jabuuti iyo xarig jarka xarunta akadeemiyada Qaranka ee maanta si wada jir ah ay xariiga ugu wada jari doonaan 2da mad

axweyne ee soomaaliya iyo jabuuti

MUXUU YAHAY MURANKA KU SAAB SAN FA RAHA DIGAAGGA EE U DHAXE EYA DOWLAD DA MASAR IYO SHACAB KEEDA?


Digaag

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Mac’hadka nafaqooyinka qaran ee dalka masar ayaa bartiisa facebook soo dhigay, qoraal ku saabsan ‘’dhowr cunto oo qani ku ah nafaqooyin kala duwan oo qiima ahaanna la goyn karo” khaasatan lugaha digaagga.

Joornaalada iyo mareegaha wararka ee dawladda masar ayaa sidoo kale daabacay war bixinno ka hadlaya ''faaiidada lugaha digaagga” iyaga oo soo xiganaya qoralkii mac’hadkku soo dhigay bartiisa facebook.

Arrintan ayaa hadal hayn aad u weyn ka dhalisay baraha bulshada iyada oo ay dadku siyaabo kala duwan uga falceliyeen.

Dadka qaar ayaa ka shakisan in arrinkan uu yahay ol’ole looga gol leeyahay in dadka lagu dhiira galiyo cunitaanka cuntooyin raqiis ah badalka hilibka digaagga oo qiimihiisu kor usii kacayo, si lamid ah maciishadda iyo iyo alaabta kale.

Mac’hadka ayaa sheegay in lugaha digaagga uu leeyahay '' nafaqooyin, fiitamiinno iyo macadanno ay maqaarka dadka iyo murquhu u baahanyihiin. ”. Wuxuu mac’hadku sidoo kale sheegay in lugaha digaaggu leeyihiin macdanta Collagen oo aas’aas u ah dib usoo noolaynta unugyada, dib dhigista gabowga iyo ilaalinta caafimaadka timaha iyo cidiyaha.

Lugo digaag

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Hase ahaatee mac’hadka ayaa daabacay sawirka xidigga kubadda cagta reer boortaqiis Christiano Ronaldo oo dhoola cadaynaya asagoo uu hoos yaal saxan lugaha digaagga ah. Balse baadhitaan kadib waxaa la ogaaday in cuntada sawirka saxda ah ka muuqatay ay ahayd hilibka digaagga ee caadiga ah.

Sawirka ayuu markii dambe mac’hadku ka saaray barta, kadib markii dadka baraha bulshada caanka ka ah ay dhaleeceeyeen.

Qoraaga reer masar , ahna khabiir dhanka siyaasadda bulshada ah, Camar Cali Xassan, ayaa bartiisa Twitter-ka ku daabacay qoraal uu ku yiri ‘’kadib markii ay burburiyeen ganacsiga hilibka digaagga oo masar ay caan ku ahayd, ayey hadda sheegayaan faaiidada lugaha digaagga.’’

Halka madaxa waaxda ganacsiga gudaha ee wasaaradda adeeg bixinta Cabdul-muncim Khaliil oo wareysi siiyey telefishiin maxalli ah uu sheegay in lugaha digaagga ay "cunno qaali ah” yihiin, taasoo keentay iney siddeed shirkadood oo Masar laga leeyahay ay lugaha digaagga u dhoofiyaan dalka Shiinaha.

Madaxa beeraleyda Masar Xuseen Abu-Saddaam wuxuu si weyn u cambaareeyey in shacabka loogu yeero iney cunaan lugaha digaagga iyada oo la ogyahay qiimaha hilibka digaagga inuu sare u kacay. Ukun

Masar ayaa la dhibaataysan dhaqaale burbur waxayna dhawaan heshiis la gashay hay’adda lacagta aduunka ee IMF

si qaahiro loo siiyo saddex bilyan oo dolar, marka lagu daro xirmo kale oo uu ka mid yahay hal bilyan oo doollar oo laga helayo Sanduuqa Joogteynta iyo Adkeysiga ee hay’adda iyo shan bilyan oo doollar oo ka timid waddamada iskaashiga hurmarinta. Taas oo macnaheedu yahay wadar ahaan in masar ay heshay sagaal bilyan oo doolar oo gargaar ah.

Dhaqaala burburka xooggan ee haysta dowladda Masar waxaa ugasii daray cudurki safmarka covid19 ee dunida ku habsaday iyo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Culeyska dhaqaale ee Qaahira soo food saarayna waxaa si weyn looga dareemayaa daldaloollada ka muuqda miisaaniyadda guud ee dalkaasi iyo iney dalku iska bixin waayo lacagaha dulsaarka deymihi lagu lahaa.

Waxayna dowladda Masar rajeyneysaa lacagta 9 bilyan ee doolar oo ay ka sugeysa IMF haddii ay hesho iney wax ka qabato sicir bararka, dhaqaalaha ay furfurto, dalka culeyska deynta ee saaranna uu iska fududeeyo, dadka ay noolashooda hooseyso ee dalkaasi ku noolna nooloshooda sare loo soo qaado.

Dowladda Masar warbixin ay dhawaan soo saartay waxay ku sheegtay 30% dadka ku nool dalkaasi Masar iney ku jiraan xaalad saboolnimo.

XIGASHO:-BBC

Kumannaan qof oo safri lahaa oo ku xayiran garoomada diyaaradaha Marey kanka sababo la xiriira cimilada daran Qabowga

Kumannaan qof oo safri lahaa ayaa ku xayiran garoomada diyaaradaha Marey kanka, iyadoo ay socdaan howlo lagu haki nayo duullimaadyo sababo la xiriira cimilada daran ee dhimashada sababtay.

Shalay in ka badan 4,600 oo duullimaadyo ah ayaa la hakiyay iyadoo 1,600 kalena dib loo dhigay.

In ka badan 60% duullimaadyada ka joojiyay waa diyaaradaha Koofur-galbeed.

Kumannaan qof ayaa iska dhex seexday garoomada.

Qarax qabsaday Markab Xamuul iyo khasaaro ka dhashay

s14 Badmaaxiin Masaari ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Qarax dhawaan qabsaday Markab Xamuul oo marayey meel ka baxsan Xee bta dalka Turkiga. Hadal Qoraal oo Wasiirada Socdaalka dalka Masar, Soha El-Gendy soo saartay ayey ku sheegtay in 3 ka mid ah Bad maaxiinta dhaawac an ay xaalladooda aad u liidato, iyadoo Kabtankii Markabkaasi, Xusaam Taabit oo u dhashay Masar la la’ yahay Raqdiisa iyo Ruuxiisaba.

Waxay kaloo sheegtay in Safaarada Masar ku leedahay Caasimadda dalka Turkiye ee Ankara kala shaqaynayaan Maamulayaasha dalkaasi sidii loo heli lahaa Kabtanka Markabka ee la la’ yahay.

Markabkaasi oo lagu magacaabo BEATA, oo uu ka dul babanayey Calanka dalka Panama waxa uu Qaraxaasi ka dhex dhacay maalintii Talaadada ee Toddobaadkii hore.

Markabka oo waday Shixnad Dhuxul ah waxa uu Qaraxu ku qabsaday Badda Madow (Black Sea) oo ka baxsan Xeebta Turkiye.

17 shaqaale ayaa la socday Markabkaasi, iyadoo 15 dhasheen Masar, halka ay 3-da ka soo kala jeedaan dalalka Ukraine, Georgia iyo Albania.

Si kastaba, ma cadda waxa sababay Qarax ka dhex dhacay Markabkaasi, iyadoo Hay’adaha ku shaqada leh ku hawlan yihiin Baaritaanka Qarax aasi.

Dowladdaha Sacuudiga iyo Australia oo u dig ay Muwaadiniintooda ku sugan Pakistan

Dowladdaha Sacuudiga iyo Australia ayaa ugu dambeeyey Dowladaha Digniinta ka soo saaray cabsi la xiriira weeraro ka dhaca Caasimadda dalka Pakistan ee Islamabad.

Safaarada Sacuudiga ku leeda hay Caasimadda Pakistan ee Islamabad ayaa soo saartay Digniin dhanka Amaanka, iya doo Muwaadiniintooda kula talisay inay Feejign aadaan iyo inay xadidaan Dhaqdhaqaaqooda.

Dowladda Australia waxay iyagana soo saareen Digniin ku wajahan Muwaadiniint ooda ku sugan dalka Pakistan. Wakiilka Sare ee Ergada Australia ka jooga Pakistan, Neil Hawkins waxa uu Muwaadiniinto oda kula taliyey inay kordhiyaan Feejignaantooda iyo inay xadidaan socodkooda gudaha magaall adda Islamabad.

Digniinahaasi waxay soo baxeen hal maalin kadib, markii ay Safaarada Maraykanka ka jooji yeen Shaqaalahooda inay booqdaan Hotelka caan ka ee Marriott ee ku yaalla Islamabad, cabsi laga qabo inay weeraro ka dhaca.

afaarada UK ee Islamabad ayaa iyadana soo saartay Digniintaasi oo kale, halka ay dhowr Safa aradooda ee fadhigooda yahay Pakistan kula fuliyeen Muwaadiniintooda iyo Shaqaalahooda ku sugan Caasimadda Federalka Pakistan ee Islama bad inay xadidaan socodkooda ilaa laga gaarayo bisha January 1-da ee sanadka cusub ee 2023-ka.

Dhanka kale, Boliska magaalladda Islamabad waxay kordhiyaan Feejignaanta Amaanka Caasi madda, gaar ahaan baaritaanada Guud shssn Bar aha laga soo galo iyo kuwa laga baxo ee maga alladda Islamabad.

Jimcihii la soo dhaafay, weerar Is-qarxin oo ka dhacay Islamabad waxaa ku geeriyooday Askari Bolis ah iyo Dareewalkii Taxi.

Dalka Pakistan waxaa 22-kii sano ee la soo dhaafay ka dhacay 504 weeraro Is-qarxin ahaa oo ay ku naf waayeen 6,748 qof, kuna dhaawacmeen 15,111 qof, sida lagu sheegay Warbixin ka soo baxday Hay’adaha Amaanka ee dalkaasi


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip