Sawirro: Ilhaan Cumar oo shaacisay arrin ku dhacday kahor safarkeeda Soomaaliya

0
Tuesday December 27, 2022 - 10:45:22 in Wararka by
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Ilhaan Cumar oo shaacisay arrin ku dhacday kahor safarkeeda Soomaaliya

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa xalay xaflad ballaaran oo soo dhaweyn ah loogu soo dhaweeyay Qasriga Madaxtooyada, waxaana munaasabaddaas soo qaban qaabiyay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Ilhaan oo ka hadlashay munaasabadda ayaa u mahadcelisay madaxda dowladda federaalka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Ilhaan Cumar ayaa ka sheekeysay safarka ay haatan kusoo gaartay gudaha Soomaaliya iyo sida ay ku qorsheysay, waxayna shaaca ka qaaday in kahor inta aysan kasoo socdaalin Washington looga digay in xilligan ay soo booqato gudaha Soomaaliya.

Waxa ay tilmaamtay in loo sheegay in waqtigaan Soomaaliya ay ka jirto amni xumo, isla-markaana ay ka dhacayaan qaraxyo iyo dhibaatooyin kale.

Sidoo kale waxay intaas raacisay "Alxamdulilaahi waxaa ii suuragashay Garoowe illaa Bandar Beella inaan gaari ku tego, waxaa ii suurta gashay inaan Muqdisho idin la joogo”.

 

Dhanka kale Senator Ilhaan Cumar ayaa dowladda federaalka ku boggaadisay go’aanka ay ka qaadatay dagaalka Al-Shabaab iyo guulaha waa weyn ee haatan laga gaaray.

"Isma dhaheynin waqti aad u yar in guul weyn uu ku gaaraayo ra’iisul wasaaraha iyo dowladda Soomaaliya, waana u hambalyeynayaa shaqada badan ee ay qabteen,” ayey tiri.

Hdalkan kasoo baxay Ilhaan ayaa kusoo aadayo ayada oo haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo adag iyo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka, waxaana laga gaaray guullo waa weyn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip