HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES EE MAANTA OO AH TALAADO 27-KA DICEMBAR 2022-

0
Tuesday December 27, 2022 - 08:13:54 in Wararka by
  • Visits: 414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES EE MAANTA OO AH TALAADO 27-KA DICEMBAR 2022-

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kul may Xildhibaan Ilhaan Cumar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan soo dhaw eyn ah Madaxtooyada Qaranka kula qaatay Xildhi baan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada ee Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa kulanka waxaa ku wehlin ayay marwada koowaad ee dalka, Qamar Cali Cumar, Wasiirka Haweenka & Arrimaha Xuquuq da Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka,

Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiir Dowlaha Madax tooya da, Abshir Maxamed Axmed iyo Gudoom iyaha Ururka Ha weenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmad Gabale.

Ilhaan Cumar ayaa toddobaadkii hore booqa shad eedii laabtay ku tagtay Puntland, tan iyo markii ay siyaasadda Mareykanka ku biirtay, iya doona si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe.

Villa Somalia oo shaacisay xogta shirka u furmay golaha

Shirka Golaha Wadatasiga Qaran ee u dhexe eyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa Berri si rasmi ah uga furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa wax aa lagu sheegay in shirkan oo ah kii afaraad ee Golaha Wadatashiga Qaranka uu guddoominayo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, isla-markaa na ay ka qayb-galayaan ra’iisul Wasaaraha Xukuu madda Soomaaliya Xam se Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Salah Ja ma, Madaxweyneyaasha Dow lad-Goboleedy ada, Jubbaland Axmed Max amed Islaam, Koonfur-Gal beed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Sac iid Cabdullahi Deni, Gal mudug Axmed Cabdi Kaa riye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Gu ddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muq disho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in shirkan ay madaxdu ku odroosayaan nidaam gars oor oo federaal ah iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, arrinkan oo qeyb ka ah dhammeystirka fulinta qodobbadii war murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madasha Qa ranka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in madaxdu ay iska xog-wareysan doon aan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee haatan soc da inta badan gobollada Soomaaliya, sida Hiiraan iyo Shabeelooyinka.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa arrimo ay kamid yihiin qeybsiga kheyraadka iyo gurmada Abaaraha.Dood kale ayaa hadda taagan, taas oo la xiriirta muddo kor orsiga madax goboleedyada dalka oo hadda sii laba kacleysay, maadaama Baydhabo uu ka dhac ay dagaal ka dhashay muddo kororsigaLafta-gar een, waxaana la filayaa in ay madaxdu ka hadlaan arrintaasi. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxlad dag aal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana usii dhe er xaalado siyaasadeed oo kacsan iyo sidoo kale abaaro baahasna oo weli ka jira dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeybgalaya Shirka 4-aad ee Golaha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jim caale (Madaale) ayaa ka qeybga laya Shirka 4-aad ee Golaha Wa datashiga Qaran ka ee DFS& D-Goboleed yada xubnaha ka ah & Maa mulka G/anaadir kaasi oo Berri ka furmay Madaxtooyada Qara nka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaa lka Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxa muud ayaa shir guddoom inaya, iyadoona diirada lagu sa ari doonno qodobo ay ka mid yih iin; Federaaleynta, Garsoorka iyo Asteynta awoodaha heer Fe deraal iyo heer Dowlad-goboleed, arrink an oo qe yb ka ah dhammeystirka fulinta qodob badii war murtiy eedkii ka soo baxay Shirkii Madas ha Qaran ka 3-aad ee ku soo gaba-gaboobay Muqdisho 12-kii Sebteembar.

Kulan wadajir ah oo u furmay xildhiba Ajanada labada gole

Xildhibaanada labada Gole ee Baarlam aanka Federaalka Soomaaliya ayaa Berri kulan wa dajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ee mag aalada Muqdisho.

Kulanka oo goordh ow furmay ayaa waxaa si wadajir ah u guddo omi nayo guddoon ka la ba da Aqal, ayada oo uu ajenduhu yahay akhrinta laba ad ee Miisaaniyad da dowladda ee 2023- Warbixin hordhac ah oo Golaha la siiyay ayaa wax aa lagu sheegay in Miisaaniyad da ay sanadkan diiradda saa reyso arrimaha bulshadda, amniga iyo ciidamad da. Intaas kadib Xildhibaanada Baar lamaanka ay aa ku guda galay dooda ku aadan Miisaanadda 2023-ka, ayaga oo sidoo kale su’a allo weydiinayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cilmi Max amed Nuur oo isaguna goobjoog ah kulanka wad ajirka ee hadda u socdo labada Gole.

Sidoo kale Guddiga Maaliyadda ee labada Go le ee Baarlamaanka ayaa waxa uu dajiyay qor shaha Miisaaniyadda 2023, sida uu sheegay xildhi baan C/qaadir oo u hadlay guddiga.

"Miisaaniyadda waxaa muuqata in wax loo kor dhiyey awoodaha sare sidda Madaxtooyada, laa kiin baarlamaanka ma garanayo sababta aan wax loogu dari waayay. Arrintaas iyadana waa in was aaradda maaliyadda dib u eegto” ayuu yiri Xil dhibaan Maxamed Xasan Gaarane.

Doodda ku aadan Miisaaniyada dowladda ee 2023-ka ayaa sii socon doonto, illaa inta ay Xil dhibaanada gole ay go’aan uga gaarayaan inay ansixiyaan ama ay dib u dhigaan.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka ko oban laba Aaqal ayaa lasoo marsiiyaan shuruucda kala duwan ee ay soo gudbiyaan Golaha Wasiir ada Xukuumadda Soomaaliya, si loo helo xisaab tan dhab ah oo ku aadan hay’adaha dowladda fed eraalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorshenta oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Waax yaha wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Qorshenta, Maalgashi ga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya, Md.Maxamuud Cabdiraxm aan Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa manta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha Waaxy aha kala duwan ee Wasa arad da, isaga oo kula da rda ar may in la sii dardarg eliyo ho wlaha u qorshe ysan Wasaa radda. Kulanka ayaa lagu gorfeeyay Shaq ooyinka ka la duwan ee Wasaaraddu u hayso Xukuumadda, iyo sidii loo xoojin lahaa isla xisa abtanka. Waxa ana kulanka goobjoog ka ahaa K/S Agaasimaha Guud ee Was aaraddaha, ahna Aga asimaha Waa xda korm eerka, Qiime ynta iyo Xalka Waara Mar wo Zahra Cabdi Maxam ed, Agaasim ayaasha Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda Qor sheyn ta iyo Khubarrada Wasaaradda ka howlgala.

Kulanka oo qaatay saaca do badan ayaa lagu soo ba ndhigay waxyaabaha u qabsoomay lixda bilood ee lasoo dhaafay hay’adaha dowladda federaalka ay soo bandhigtay Waaxda Kormeerka iyo Qiimeyn gta oo ka soo uruurisay Wasaaradaha dowladda, iyada oo la eegayo halbeegyada dha meystirmay oo lagu guuleystay, kuwa wali qab yada ah iyo caq abdaha kala duwan ee keenay in shaqooyinka qaarkood aan wali guuleysan.

Dhanka kale, kulanka waxaa lagu falanqeey ay warbxinta deeqaha dalkeenna ugu yimaada de eq bixiyaasha caalamiga ah iyo dalalka taageero Soomaaliya, sidoo kale waxaa la soo hadal-qaa day habka iyo hannaanka looga faa’iideysan karo fursadahaas, caqabadaha jira iyo xoojinta aqoonta hay’adaha dowladda heerka fulinta

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Koon fur Galbeed iyo dibadbax Berri ka dha cay…

Dibad-bax looga soo horjeedo muddo korors iga madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa Berri ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dibad-baxayaasha oo watay boorar ay ku xar dhan yihiin ereyo ka dhan ah Lafta-gareen iyo sa wirradiisa ayaa waxa iskugu yimaadeen isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, iyaga oo ka dal baday madaxweynaha in uu qabto doorasho, xili ay dhawaan Baydhabo ka dhaceen rabshado sal ka ku haya damaca Lafta-gareen.

Dibad-baxa ka dhacay Muqdisho ayaa ku soo aadayaa ayada oo Berri caasim adda uu ka fur may shirka afaraad ee Golaha Wada-tashiga Qar anka, kaasi oo uu shir-guddoominayay madaxwey naha JFS Xasan Sheekh, qeybna ka ahaayeen madaxda dolwad-gobaleedyada, ra’iisul wasaar aha, ku-xigeenkiisa iyo guddoo miyaha gobolka Banaadir.

Lafta-gareen oo ku sugan Muqdisho ayaa wajahaya dhaq-dhaqaaqyo culus oo looga soo horjeedo muddo kororsigiisa halka sano, ayada oo xildhibaanada maamulkiisa ay dalbadeen in uusan ka qeyb-galin shirkaan.

Madaxda ku shirsan Muqdisho ayaa lagu wad aa inay ka wada-hadlaan xiisada ka dhalatay mu ddo kororsiga Lafta-gareen iyo dagaalkii dhawaan ka dhacay Baydhabo, kaasi oo dowladda fede raalka ay dhawaan kasoo saartay baaq nabadeed.

Dowladda federaalka ayaa hore uga dalbatay dhinacyada isku haya maamulka as inay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka, ayada oo looga digay daadinta dhiiga shacabka.

Siyaasiyiinta mucaaridka iyo dhinacyada kale ee kasoo horjeeda muddo kororsiga Lafta-gareen ayaa wada qorshe culeys lagu saarayo Lafta-gare en inta uu ku sugan yahay Muqdisho, waxaana la gu wadaa in Lafta-gareen lagu qabso in uu muca aridka u furo Baydhabo oo xiligaan uu kaligiis isku soo koobay.


Sheekh Maxamed Idiris oo si cajiib ah uga hadlay fashilka DF ka haysta shaqaalaheeda

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culum ada Soomaaliyeed ee waaweyn ayaa ka hadlay arinta hadal-heyta badan abuurtay ee ku saabsan soo xaadiridda shaqada ee shaqaalaha dowladda, dhawaan waxaa lasoo bandhigay tirada shaqaal aha sida joogtada ah waajibaadkooda u guta iyo kuwa iska maqan.

Tiro-koob ay maalin ka hor soo bandhigtay dowladdu ayaa da ha ka qaaday in 80% shaqaalaha dowladda aysan soo shaqo tegin oo mushaarka ay macno darro ku qaataan.

Hadalheyn iyo falcelin bulsho oo xoog leh ay aa ka dhalatay arrintaan, waxaana arrintaas si ad ag uga hadlay Sheekh Maxamed Idiris oo war eysi gaan siiyey TV-ga Shabelle, wuxuuna dalba day in dadkaan maqan la daba-galo oo lasoo oga ado cida qortay iyo tirada lacagta ay macno darr ada ku qaateen, si looga soo celiyo hadii ay suurtaal noqoto.

Sheekh Maxamed Idiris ayaa madaxweyn aha iyo ra’iisul wasaaraha u diray fariin uu uga codsa nayo inay arrintaan deg deg wax uga qabtaan, oo maalmaha soo socda la arko dad badan oo shaq ada laga ruqseeyey iyo kuwo laga soo celiyey laca gihii ay iska qaadan jireen.

"R/Wasaare Xamse waxaan ka rajeynayaa in shaqadaan uu ku cibaadeysto, sidii uu hadda ka hor noo sheegay, dadkeenu waxay u baahan yih iin cadaalad iyo isla xisaabtan, waxaan oo kale dunida kama dhacaan,” ayuu yiri.

Sheekh Maxamed ayaa dul istaagay dhalii la ha dul-hoganaya hey’adaha dowladda oo aad u badan, isagoo su’aal ka keenay sababta ay u sa meysan yihiin wasaaradaha qaar oo wax shaqo ah aan laga qabanin.

"Soomaaliya markii horaba 70 wasiir uma baa hneyn, 30 wasaaradood uma baahneyn, 7 ilaa 10 wasaaradood ka badan dalkaan ma qaadi karo, dad la iska qorayo, iyadoo shaqo loo qoro aan loo heyn, waxay muujineysaa in Soomaaliya aan dow ladnimo laga rebin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Shiiqaan.

4,535 oo qof ayaa la cadeeyey in shaqado oda aysan soo xaadirin, wuxuuna Shiiqu ka codsaday madaxweynaha iyo ra’iisul was aaraha in arrintaan ay deg deg

Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaa wac oo ka dhacday magaalada MUQDISHO

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dhacdo xanuun badan oo Habeen hore ka dha cday xaaf adda Ceel Qalow oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kadib markii ay carro kusoo doontay shaq aale ka shaqeynayey halk aasi.

Shaqaalaha aya ku how lanaa xilligaas dhis maha biyo mareen loo sam eynayo waddada Ce el-Q alow oo ay inta badan biy uhu fariistaan xilli Roob aadyada, waxaana shaq aalaha soo gaaray dhi masho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 4 kamid ah shaqaalaha ayaa ku dhin tay dhacdadaan, kuwaas oo ay kusoo dunt ay, xilli ay ku jireen gudaha godka, halka ay ku dhaawac meen tiro intaasi ka badan.

Sidoo kale la la’yahay mid kamid ah shaqaal ihii ka shaqeynayey halkaasi, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa goobta ay wax ka dhaceen.

Arrintan ayaa argagax ku reebtay dadka deeg aanka ee ka agdhowaa goobta, kuwaas oo gur ma ddeg deg ah u sameeyay shaqaalaha ay qab satay dhacdadaasi. Waxaa sidoo kale goobta soo gaaray mas’uul iyiin ka tirsan maamulka degmada oo iyagu amray dhismaha biyo mareenkaas oo muddo dheer uu dhismihiisa uu soo socdo.

Si kastaba, ma’aha dhacdadan mid ugub ah, waxaana inta badan goobaha ay ka socdaan dhis mayaasha waxyeelo kala duwan kasoo gaartaa shaqaalaha markaas dhismaha wada, taas oo mar ar badan lasoo wariyay dhimasho iyo dhaaw ac ka dhashay dhacdooyinkaasi.

wax uga qabtaan oo umadda Soomaaliyeed ay dhaqaalaheeda u badbaadiyaan.

Sheekh Maxamed Idiris, mar uu ka hadlay amni darrada Muqdisho wuxuu madaxweynaha ku taag eeray hadalkii uu dhawaan ka hor sheegay bool iska, isagoo ku eedeynaya inay amniga ku talagal u dayacaan.

"Madaxweynaha waxaan ka sugeynaa hadii uu rabo inuu Janada galo oo taariikh sameeyo, madaxweyne dadkaan shaqada ka ceyri oo xabsi gey kuwa muteysta, meeshaan waxaa ku jira dad aan u naxayn bulshada, Madaxweyne qoorta uga istaag dambiilaha, anaga ayaa kugu taageeri doona dariiqaas wanaagsan ee isla xisabtankee,” ayuu hadalkiisa ku sii daray .

Xildhibaan Saadaq Joon oo dhaliilay qoon dada ay miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda ku leeyihiin hey’adaha amniga

Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Jo on) oo ka hadlay kulankii labada gole ee baarlam aanka Soomaaliya ayaa dhaliilay qoond ada ay miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda ku leeyihiin hey’adaha amniga.

Xildhibaanada labada aqal oo Berri yee shay kulan wadajir ah ayaa ka dooday miisaan iyadda, waxayna xildhibaanadu ka aragti dhiiban ayeen dul-duleelada odorkaan miisaaniyadeed sanadka 2023-ka.

xildhibaan Saadaq Joon ayaa soo jeediyey in he y’adaha ammaanka miisaani yadda loo wada ko rdhiyo, isa goo dhaliilay sababta looga teg ay oo miisaaniyadda aan loogu kodh in sanadkaan wasaarada ha amn iga iyo cadaaladda.

"Sababta looga soo tegay wasaaradda amniga waxaan u maleynaa wasiirkii ayaa dhaa wac ah, marka waxaan aragnaa in wax miisaaniy ad ah aan loo kordhin hey’adihii amniga iyo cad aaladda, taasna sax maahan,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa codsaday in miis aaniyadaan dib loo celiyo oo lagu soo daro wa saa radaha amniga iyo cadaaladda oo ay kala ho os tagaan ciidamada Booliska iyo Asluubta.

Jeneraal Zakiya oo raali gelin ka bixisay qor aal maalmo ka hor ay ku shaacisay in Macalin Dugsi Qor’aan uu Dhuusamareeb ku kufsaday seddax gabdhood oo yar-yar

Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka boo liska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa ra ali gelin ka bixisay qoraal kooban oo maalmo ka hor ay ku shaac isay in Macalin Dugsi Qor’aan uu Dhuusamareeb ku kufsaday sed dax gabdhood oo yar-yar.

Jeneraal Zakiya ayaa ka cudur daaratay cidii qa lad u fahantay fariintii ay bulshada ugu soo ban dhigeysay kiiskaas, kadib markii Berri maxkam ad la soo taagay oo wax dembi ah lagu waayey Mac alin Shuceyb oo kiiskaas lagu eedeeyey.

"Ka General Zakia ahaan waxaan ka xumah ay in si khaldan loo isticmaalay fariintayda ku aad aneeyd dhacdaasi, waxaana si guud ugu cudard aranayaa MACALIMIINTEENA SOOMAALIYEED iyo qof walba oo si khaldan u fahmay fariinteeday da,” ayey qoraalkeeda ku tiri Jeneraal Zakiya.

Haweenkii kiiskaas ku eedeeyey Macalin Shuceyb ayaa raali gelin ka bixiyey, sidoo kale Macalin Shu ceyb ayaa maxkamadda ka hor sheegay inuu iska cafiyey haweenkii been abuurkaas ku sameeyey.

Hoos ka akhriso qormada Jeneraal Zakiya:

Marka hore shacabka Soomaaliyeed waxaan kaga cudardaranayaa ismaan dhaafkii dhexdeena ka dhacay, marka xigana waxaan ka xumahay in faham khaldan laga qaatay fariintiikiis ka《MACALIN SHUCEYB》oo eedaysane u ah aay hooyooyin Soomaaliyeed, kuwaas oo usoo dacwooday saldhiga Booliiska Deg- Dhuusamare eb, baaris kadib kiiska macalinka waxuu noqday mid lagaga been abuurtay, waxaana been abuur kaas cadeeyay boliiska kiiskana ku wareejiyay maxkamada, si sharci ahaan loo fasaxo, sidaasna waxuu ku helay xuriyadiisa.

Intaasi kadib ka Booliis ahaan waxaan guda nay waajibkii naga saarnaa dhacdadaas, waxaana uga jawaabnay sida ugu dhaqsiyaha badaneed, madaama ciidanka Booliisku yahay u addeegaha shacabka.

Marna ba Booliiska Soomaaliyeed diyaar uma ahan in muwaadin Soomaliyeed sharafkiisa iyo ka raamadiisa ku xadgudbaan, bal Boliiska waa kuwa u carbisan loona dhaariyay ilaalinta SHARAFKA, MAALKA, NAFTA & SUMCADDA Muwaadinka.

Ka General Zakia ahaan waxaan ka xumahay in si khaldan loo isticmaalay fariintayda ku aadaneeyd dhacdaasi, waxaana si guud ugu cudardaranayaa MACALIMIINTEENA SOOMAALIYEED iyo qof walba oo si khaldan u fahmay fariinteedayda.

Mar walba Macallimiinteena iyo guud ahaan Bul shada Soomaliyeed waxaan u hayaa ixtiraam iyo qadarin gaar ah, waana ogahay mudnaanta & qii maha gaarka oo macalimiinta ay siisay diinteena suuban.

Difaacida nafta, maalka, sharafka iyo sumc adda bulshada Soomaliyeed, waa waxaan ugu xi rtay deriiska ciidan.Mahad Badan,

S/Guuto Zakia Xussen Axmed Taliye-Xigeenka Boliiska Soomaliyeed XIGASHO:DAYNIILE.COM

Ciidamada dowladda oo howlgal qorshe ysan ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeel laha Hoose

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan ciidanka NISA iyo kuwa Booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa howlgalo qorsheysan ka sa meeyay deegaano ka tirsan G/shabeellaha Hoose.

Ciidamadaayaa howlgal ka qorsheysan ka fuli yay deegaano dhowr ah oo ku yaala wadada isku xirta magaalooyinka Mu qdi sho iyo Marka ee go bolada Banaadir iyo Shab eel aha Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidamada howlga lada qorsheysan ka sameeyay wadada isku xirta Muqdisho iyo Marka ayaa waxay shee geen iney ku burburiyeen xarumo qarsoon oo ay ka mid ahayeen Maxkamado ay kooxda Shabaab ku lah ayeen deegaano hoostaga Nambar 60 oo kala ah Ceel maracade, Galka Saalimo iyo Garas gaw aan.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen Saraakiisha cii danka howlgalkaasi fuliyay iney kooxda Shabaab ka xireen wadooyin qarsoodi ah oo ay u isticmaali jireen gudbinta gaadiidka qaraxyada kasoo buu xaan. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa mud ooyin kii dambe si aad ah u kordhiyay howlgalada qorsheysan ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan gobolada Shabeellaha Hoose & Shabeellaha Dhexe.


Madaxweyne Muuse Biixi ‘oo dharbaaxo siyaasadeed’ ku dhuftay mucaaradka

Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Somaliland ayaa Berri ku dhawaaqay in uu dhacay Liisaa nkii xisbinimo ee labada xisbi mucaarid iyo xisbul xaakimka, taasi oo ah guul usoo hoyatay mada xweynaha muddo xile edku ka dhammaaday ee Muuse Buuxi Cabdi.

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga ay aa waxa lagu sheegay in sharciyadii xisbinimo ee xisbiyada Waddani, Ucid iyo Kulmiye ay Berri ku egtahay, wixii ka dambeeyana laga rabo in sad dexda xisbi ay raacaan sharciyadaha xiga.

"Waxaanu halkan si rasmi ah idinku war-gal inaynaa, in mudadii dhaqan-galka saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani ay ku egtahay Berri oo ay taariikhdu tahay 26/12/2022, sida darteed waxaanu idin ogaysiinaynaa in aad fuli saan, ilaa lisaana dhamaan waajibaadka ka dhalan aya dha maadka mudada,” ayaa lagu yiri war-sax aafa deedka.

Saddexda xisbi ee Berri guddidu sheegtay in uu ka dhacay liisankii sharci ee xisbinimo, ayaa ku soo baxay doorashadii ururada ee dhacday 28/12/2012, waxaana u dhamaaday 10 kii sanno ee uu sharcigu siinayay in ay kaligood ahaadaan xisbiyada siyaasada ee sharciga ah.

Qoraalka kasoo baxay guddiga ayaa la rumey san yahay in uu gadaal ka riixayo madaxweyne Muuse Biixi oo sida la she egay gacanta ku haya xubnaha guddig aan, kaasi oo khilaafka door ashooyinka ka la dhaxeeyay xisbiyada mucaarid ka ee Waddani iyo Ucid.

Fallan-qeeyayaasha siyaasadda ayaa qaba in Biixi uu xisbigiisa Kulmiye ugu soo daray qoraalka si uu sharciyad uga dhigo arrinkaan, si ugu yaraan uu meesha uga baxo guuxa siyaasadeed iyo khil aafka ka dhashay muddo kordhinta uu sameeys tay.

Mucaaridka ayaa hore ugu dhawaaqay inay qa adi doonaan tallaabooyin ka dhan ah muddo kor orsiga Muuse Biixi, taasi oo ay ugu dambeysay isku-daygii fashilmay ee 13-kii bishii hore, ma rkaas oo uu ku eeka muddo xileedka sharciga ah ee madaxw eynaha.

Dil Habeen hore ka dhacay Magaalada laas-caanood & faah faahin laga helayo

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan rag hubeysan oo Habeen hore bartamaha magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool kudilay mid kamid ah waxgaradka Magaala daas.

Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cabdifit aax Cabdullaahi Ca bdi (Hadraawi Sangub) ayaa xil liga la dilayay kasoo baxay Masj id uu kusoo dukaday Salaadii Cisha sida ay Warbaahinta u she egeen dad goobjoog ayaal ah. Ciidamo katirsan kuwa Booliska Somaliland oo gacanta ku haaya Magaalada laas-Caanood ayaa tegay go obta uu dilka ka dhacay, hayeeshee kuma guule ysan inay qabtaan dadkii ka dambeey ay dilkaas. Qaar kamid ah ehellada Ninka la dilay ayaa si doo kale tegay goobta, iyaga oo meesha ka qaad ay meydka Hadraawi Sangub, waxaana ay dalb adeen in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambe eyay dilka.

Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal kala duwan, waxaana Xukuumadda Soomaaliya ay Ma gaalada kasoo musaafurisay dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, balse ay weli dilalka ka dhacayaan magaalada.

Xisbiyada siyaasada Somaliland oo lagu dha waaqay inuu liisankoodi sharci dhacay

Guddida Diwaangalinta Ururada Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in uu dhacay liisankii xisbi nimo ee xisbiyada WADDANI, UC ID iyo Kulmiye.

War-saxaafadeed ka soo baxday guddida oo warbaahintu baahisay, ay aa lagu sheegay in shar ciyadii xisbinimo ee sa ddexda xisbi ay Berri ku eg ta hay, imika wixii ka danbeeyana laga rabo in sadd exda xisbi ay raacaan sharciyadaha xiga.

"Waxaanu halkan si rasmi ah idiinku wargalinay naa, in mudadii dhaqangalka saddexda xisbi ee Kulmiye, UCID iyo WADDANI ay ku egtahay Berri oo ay taariikhdu tahay 26/12/2022, sida darteed waxaanu idin ogaysiinaynaa in aad fuli saan, ilaal isaana dhamaan waajibaadka ka dhala naya dha maadka mudada" ayaa lagu yidhi war-saxa afadeeda.

Saddexda xisbi ee Berri guddidu sheegtay inuu ka dhacay liisankii sharci ee xisbinimo, ayaa kusoo baxay doorashadii ururada ee dhacday 28/12/2012, waxaana u dhamaaday 10 kii sanno ee uu sharcigu siinayay in ay kaligood ahaadaan xisbiyada siyaasada ee sharciga ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeeda oo faah faahsan:-

Taiwan oo sheegtay in ay aragtay 70 iyo kow diyaaradood iyo 7 markab oo kuwa dagaalka oo Shiinaha laga leeyahay oo ku hareeraysan jasiiradda

Taiwan ayaa sheegtay in ay aragtay 70 iyo kow diyaaradood iyo 7 markab oo kuwa dagaalka oo Shiinaha laga leeyahay oo ku hareeraysan jasi iradda.

Taiwan waxay 180 kiilo mitir u jirtaa Jamhuuri yad da Dadka ee Shiinaha. Labada dhinac oo af iyo awoowe-wadaag ah waxaa ka dhaxeysa ca dow tooyo salka ku haysa nidaamka siyaasadeed.

Dhinac ka mid ah marin-biyoodka kala qeybiya waa dowladda Beijing oo hoggaanka u haysa nid aam shuuci ah oo dadka uu xukumo ay gaarayaan 1.3 bilyan oo qof, kuwaas oo hal xisbi ka amar qaata.

Dhan kale waxaa deggan Taipei oo maamu sha jamhuuriyad dimuqraaddi ah oo dadkeedu ay gaarayaan 23 milyan oo qof.

Xiisada ka taagan Taiwan ayaa cirka isku sii shareereysa kaddib markii ay booqatay Afhaye enka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pel osi – tallaabadan waxay sii xumeysay xiriirka Wa shington iyo Beijing.

Xuddunta kala qaybsanaanta ayaa ah in dow ladda Shiinuhu ay Taiwan u aragto gobol ka go’ay oo ugu dambayntii ka mid noqon doona Jamhuuri yadda Dadka ee Shiinaha.

Laakiin, dad badan oo reer Taiwan ah ayaa u arka jasiiradda Taiwan inay iskeed isu maamusho oo ay noqoto qaran gaar ah – madaxbannaanida haddii si rasmi ah loogu dhawaaqo iyo haddii kaleba

Wasaaradda difaaca Ruushka oo shee gay in Diyaarad Nuuca Drone-ta ay Duq eysay Saldhig uu Dalkaasi leeyahay

Wasaaradda difaaca Raashiya ayaa sheegtay inay diyaarad drone oo ay Milliteriga Ukraine lee yihiin ay waaberigii hore ee Berrito oo Isniin ah beegsatay Saldhiga Ciiddanka Cirka Raashiya ee Engeles Airfield ee ku yaalla Gobalka Saratov ee gudaha fog ee dalkaasi.

Diyaaradaasi oo joog hoose ku duulaysay ay aa waxaa toogtay, soona riday Nidaamka Difaaca ee yaalla Saldhigaasi.

3 qof oo Farsamo-yaqaano ah ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray burburka Diyaaradaasi la soo riday.

Wasaaradda difaaca ee Raashiya waxay shee gtay inaysan waxyeelo soo gaarin diyaaradihii yaallay Saldhiga la duqeeyey ee ku yaalla Gob alka Saratov oo 900 KM u jira Deegaanada ay Mill iteriga Ukraine ka joogaan bariga dalkaasi.

Saldhigyada Ciiddanka Cirka Raashiya ee Engles iyo Dyagilevo waxaa adeegsada Diyaaradaha wax duqeeya Raashiya ee ridada dheer (Russia’s lo ng-range Bombers), kuwaasi oo ka qeyb qaata Hawlgallada Duqeymaha ee lala beegsado Xarum aha Milliteriga Ukraine iyo Kaa bayaasha Tamarta (energy infrastr ucture).W/Q Ustaad Nuradin

Qasaaraha dhimasho ee ka dhsahay Qabowga iyo duufaanta Christmas-ka ee dalka Mareykanka oo gaartay 60 qof.

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku naf waayay duufa anta Christmas-ka ee dalka Mare ykanka, sida la gu sheegay dulmar uu sameeyay NBC.

Dhimashada ayaa la xiriirta shilalka gaad iidka, qabowga daran iyo sababo kale oo cimilada la xiriira.

Iyadoo dad badan ay guryahooda ku xayiran yihiin baraf aad u badan, isla markaana meelo ba dan ay ka jirto koronto la’aan, ayaa la filayaa in tir ada dhimashada ay in taas ka sii badato.

Duufaanta ayaa ka bilaabma Rio Grande oo ku taal xadka Mexico ee koonfurta, ilaa Kanada oo ku taal waqooyiga. Qiy aastii 60 boqolkiiba dadwey naha Maraykanka ayaa ku nool meelaha ay duu faantu saamaysay.

Fiidnimadii Axadda, dulmar laga sameeyay NBC News ayaa muujisay in ugu yaraan 30 qof ay naft ooda ku waayeen duufaanta. CNN, ayaa dhank eeda, ku warrantay 26 dhimasho oo la xiriirta duu faanno ku dhuftay Mareykanka.

Barasaabka New York Kathy Hochul ayaa Ax adii sheegtay in laba iyo toban dhimasho ah la xaq iijiyay gobolka. Qayb weyn oo ka mid ah dhima shada ayaa laga diiwaan galiyay gudaha iyo haree raha Buffalo, taasoo ku taal harada Erie ee gal beedka New York, una dhow xadka Canada. Waxaa jira mamnuucid baabuur wadista waddo oyinka.

Intii lagu jiray dhammaadka wiigga Kirism aska, boqollaal darawallo ah ayaa ku xayir an baabu urtooda. Ilaalada Qaranka ayaa ku qasbanaaday inay soo galaan si ay u badbaadiyaan, ayuu yiri maamulaha degm ada Mark Poloncarz oo ku sugan Erie.

9 ARRIMOOD OO DHACAY MARKII UGU HORREYSAY SANNADKAN 2022


.XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Heerarka bacriminta sare ee waddamada qaar ayaa gacan ka geystay kor u qaadista tirada dadka adduunka in ka badan siddeed bilyan oo qof

Sannadka 2022 waxaa uu ku suntanaan doonaa dhacdooyin kala duwan oo aan hore inoo soo marin - kuwaas oo aan dhammaantoodna ka wada dhicin meeraheena! Laga soo bilaabo "diiwaanka isku dhufashada" ilaa socdaalkii qotoda dheeraa ee aan ku aadnay waayihii hore, waa kuwan qaar ka mid ah marxaladihii muhiimka ahaa ee indhaheenna soo jiitay.

Nasa oo u leexatay dhanka dhagxaantan cirka-kaso-dhaca ah 'asteroid'

Hay'adda hawada sare ee Maraykanka ayaa si guul ah u beddeshay dariiqa ay soo raacaan dhagxaana cirka ka soo dhaca ee loo yaqaan asteroid ka dib markii ay si ula kac ah loogu dhuftay dawgoodii dayax-gacmeed 28kii Sebtembar.

Isku dhacaas waxaa loogu talagalay in lagu tijaabiyo in dhagaxyada hawada sare ee laga yaabo in ay khatar ku yihiin Dhulka si ammaan ah looga leexiyo jidkaas.

Walxo yaryar oo caag ah oo laga helay jidhka aadamaha

.XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Daraasad lagu daabacay joornaalka

Environment International bishii Maarso ee la soo dhaafay ayaa lagu baahiyey baadhis lagu sameeyey unugyada yaryar ee jidhkeenna, oo laga helay microplastics, gaadhsiisan in laga helay dhiigga 80% dadkii la baa dhay. Microplastics-ku waa balaastiig yaryar oo dhererkoodu ka yar yahay 5mm - waxay abuurmaan marka qaybo waaweyn oo caag ah ay ku jabaan cii dda ama badda dhexdeeda oo ay wasakheeyaan deegaanka. Saamaynta microplastics-ka ee jidhka lama yaqaan, laakiin cilmi-baarayaashu waxay she egeen in natiijooyinka cusubi ay khuseeyaan iyo in microplastics-ku ay dhaa wici karaan unugyada aadanaha.

Koobkii Adduunka ee ay ku badnayd weedha ah ' u horreeyey'

.XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Koobka Adduunka ragga ee Fifa 2022

waxa uu taariikhda geli doonaa guulo aan hore loo arag.

Bilawgii, waxa uu ahaa koobkii ugu horeeyay ee uu qabto wadan Carab ama Muslim ah - Qatar.

Sido kale waxaa markii ugu horeeyay kulan garsoore ka noqotay haweeneyd, taas oosuu rtagashay markii Stephanie Frappart oo u dhalatay France ay dhex dhexaadisay ciyaartii wareega guruubyada ee Germ any iyo Costa Rica.

Runtii, Frappart's ayaa kabtan u ahayd koox dumar ah ooo dhammaantood garsoorayaal kala duwan ka ahaa ciyaartaas, xilli sidoo kale ka soo muuq deen caawiyayaasha garsoorayaasha.

Waxaa sida oo kale jirtay in markiiugu horreysay Morocco oo si cajiib ah ugu soo baxday semi-finalka, natiijadii abid ugu fiicneyd ee Afrikaan (iyo Carab). Tan iyo markii aan ka hadlayno marxaladaha muhi imka ah, Qatar 2022 waxay ahayd marxaladii ugu dambeyntii la arkay Lionel Messi oo kor u qaaday koobka adduunka markii ugu horeysay shan isku day ka dib!

Gaadhiddii mujtamaca adduunka ee 8 bilyan xili weli tiradu socotoXIGASHADA SAWIRKA ,GETTY IMAGES

15 Noofambar 2022. Waa taariikhda markii dadka dunidu ay kor u dhaafeen siddeed bilyan oo qof markii ugu horreysay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

"Kobacan aan horay loo arag waxaa sabab u ah kororka tartiib tartiibta ah ee nolosha bini'aadamka taas oo ay ugu wacan tahay horumarinta caafimaadka bulshada, nafaqeynta, nadaafadda shakhsi ahaaneed, iyo daawada. Sidoo kale waa natiijada heerarka sare ee bacriminta ee dalalka qaarkood," ayay hay'addu ku tiri. hadal. Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in iyadoo dadka caalamku ay ku qaadatay 12 sano inay ka koraan toddobo ilaa siddeed bilyan, ay ku qaadan doonto ugu yaraan 15 si ay u gaaraan bilyanka soo socda, maadaama heerarka dhalmada wadajirka ah ay u muuqdaan inay hoos u dhacayaan.Tallaal-kii isbeddelka horkacayey

XIGASHADA SAWIRKA,KATIE EWER

Saynis yahanada jaamacadda Oxford ayaa bishii Sebtembar ku dhawaaqay in ay sameeyeen tallaalka duumada oo leh awood "isbedal oo weyn". Tallaalka cusub ee la filayo in la soo saaro sanadka soo socda, ayaa tijaabooyin lagu ogaaday in 80% uu waxtar u leeyahay cudurkaas dilaaga ah, kaasoo dila ku dhawaad 400,000 oo qof sanadkii.

Saynis yahanadu waxa kale oo ay sheegeen in talaalkoodu uu jaban yahay.

Duumadu waa mid ka mid ah sababaha ugu horreeya ee keena dhimashada carruurta iyo soo saarista tallaalka ka hortagga waa mid aad u adag, maadaama dulin-biyoodku sababa duumada uu yahay mid adag oo aan la ogaan karin. Waa bartilmaameed joogto ahaa, oo foomamka isbeddelaya ee jidhka dhexdiisa ah, taas oo adkeynaysay in laga tallaalo qofka xanuunkaas, se hadda waxa ay u muuqataa in tabtii lagu suulin lahaa la helay.

La yaabkii u dhigay teleskoobkii James Web

XIGASHADA SAWIRKA,NASA

Telescope-ka lagu magacaabo James Webb ayaa iyana hal mar la wareegay cinwaannada 2022 - tan iyo markii la howlgalayey bishii Luu lyo, waxa uu soo saaray sawirro yaab leh oo caalamka ah. Mid ka mid ah ayaa ahaa sa wirka ugu qoto dheer ee koonkan ilaa hadda, oo ay ku jiraan JADES-GS-z13-0, galaxy da'diisu ka weyn tahay 13 bilyan oo sano oo xiriirinaysa "maalmihii hore" ee ka dambeeyay waxa loo yaqaan Big Bang. Waxa u muuqda oogada dhulka iyo meerayaal kale oo daciif ah, waa "galaxy-ga ugu fog" ilaa hadda lagu xaqiijiyay cabbirkaas.

Markii ugu horreysay ee qof aan caddaan ahayni u guuray aqalka 10 Dawning Street

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Boqortooyada Midowday (UK) waxay dejisay tiro rikoor ah oo aaddan ra'iisul wasaarayaasha 2022: Liz Truss 45 maalmood oo keliya oo ay xuk unka haysay waxay ahayd muddadii ugu gaaban ayd abid ee ra'iisul wasaare xilkaas hayo. Halka qofkii xilkaa kala wareegay Rishi Sunak uu noqday qofkii ugu horreeyay ee aan caddaan ahayn ee qabta jagadaas 25 Oktoobar.

Waxaynu aragnay bakteeriya innago aan qalab adeegsnayn

XIGASHADA SAWIRKA,JEAN-MARIE VOLLAND

Saynis yahano ayaa bishii June ku dhawaaqay daahfurka bakteeriyada ugu wayn aduunka. Uma baahnid mikrosk oob si aad u aragto Thiomargarita magnifica: noolaha cusub ee la helay waxa uu la mid yahay cabbirka iyo qaabka iisha bini'aada mka. Dhererkiisa oo ah qiyaastii 1cm, ayaa qiy aastii 50 jeer ka weyn dhammaan bakteeriyada kale ee weyn ee la yaqaan iyo tan ugu horreysa ee lagu arki karo indhaha caadiga ah..

WAFTDI KA SOCDA DOWLADDA ITOOBIYA OO SHALAY GAARAY M/MAQALE EE GOBOLKA TIGRAY

Waxaa galinkii hore ee Shalay ka dagay caa simadda gobolka Tigray ee Maqale Wafdi ka soc day dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Af hayeenka Baarlamaanka Itoobiya Tagese Tafo, iy adoo halkaa ay wafdiga kusoo dhaweeyeen masu uliyiinta u sarreysa TPLF, ee gacanta ku haya maamulka gobolka Tigray.

Ujaadada socdaalka wafdigan ee magaalada Maqale ayaa lagu sheegay inay u kuurgeli doon aan qaabka uu u dhaqan galay heshiiskii nabad eed ee dhawaan ay wada galeen dowladda iyo TPLF, sida ay baahiyeen Warbaahin nada kala du wan ee ku hadla afka dowlada iyo kan TPLF.

Sidoo kale waxaa socdaalka Wafdigan ku weh eliya Madax ka kala socda laamaha kala duwan ee dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn, sida Ban giyada, Isgaarsiin ta iyo masuuliin kale.

Wafdigan ayaa noqonaya kii u horreeyay ee muddo labo sano ah kaddib gaara gobolka Tigray gaar ahaan magaalada Maqale, iyadoo arrintana ay muujinayso in heshiisku uu noqday mid midho dhal ah.

Socdaalka Wafdigan ayaa kusoo hagaagaya xilli la filayo in maalmaha

soo socda ay Maqale ga araan Wafdi ka socda Midowga Afrika oo uu weh

elinayo Madaxw eynihii hore ee Kenya Uhuro Ken yatta.


BOLLYWOOD: MUXUU YAHAY ABAAL KA KA ILMEYSIIYAY SALMAN KHAN EE XILLIGII UU SHIIDKA AHAA UU U GALAY 'BALWAAN'?


Waa la cusbooneysiiyay 24 Disembar 2022

Salman Khan iyo Sunil ShettyXIGASHADA SAWIRKA,GETTY Qoraalka sawirka,

Salman Khan iyo Sunil Shetty

Jilaaga caanka ah ee Salman Khan, inkastoo uu hadda ka mid yahay jileyaasha ugu saameynta badan, ugu caansan, looguna jecel yahay dalka Hindiya, sidoo kalena lagu tiriyo xiddigaha maalqabeennada ah, haddana waxaa jirta xaalad adag oo dhaqaale oo horay u soo martay.

Salman Khan ayaa ilmeeyay markii uu dib u xusuustay xilli ay haysay dhaqaale-la'aan baahsan oo saaxiibkiis Suniel Shetty oo Soomaalida ay u taqaanno 'Balwaan', kaas oo ah jilaa kale oo caan ka ah Bollywood uu u haddiyeeyay shaar qaali ah.

Muuqaal xayeysiin ah oo uu boggiisa Instagram soo dhigay telefishin lagu magacaabo Colors ayaa lagu arkay Salman Khan oo ilmeynaya xusuustaas darteed.

Muuqaalkaas kooban ayaa Salman Khan lagu waydiiyay, "Waa kee waayaha kugu xusuusta badan noloshaada?". Wuxuu ku jawaabay, "Xilli sii horreysay mar aanan wax lacag ah haysan, markaas waxaan tagay dukaanka dharka ee Suniel Shetty.

Wuxuu ahaa mid [shaar] ay lacagtiisu aad u badan tahay. Ma awoodi karin wax ka badan shaar ama joog jiinis ah, markaas ayuu Suniel ogaaday in aanan lacag haysan, kaddib wuxuu ii haddiyeeyay shaar qaali ah. Wuxuu dareemay in aan boorsada eegayay."

Ilaa hadda oo uu Salman Khan yahay 55 jir, wali waa jilaaga lacagta ugu badan ka hela filimada Bollywood-ka, filimadiisuna ay aad u gadmaan.

Wuxuu markii ugu dambeysay kasoo muuqday filimkiisa Dabangg 3, oo soo baxay sanadkii 2019-kii. Haddana wuxuu dhammeystiray duubista filimkiisa cusub ee Radhey: Your Most Wanted Bha, kaasoo la filayo in uu dhowaan soo baxo.

Sidoo kale, wuxuu durba billaabay duubista filimkiisa lagu magacaabo Antime: The Final Truth, halka filimo kalena ay safka ugu sii jiraan.

Dhanka kale, wuxuu mashquul ku yahay barnaamijkiisa telefishinka ee Bigg Boss 14.

Arrinta haddii uu Salman Khan sameeyo uu xilligan ahaan lahaa awoowe

Salman Khan, wuxuu leeyahay taageerey aal aad u badan oo ku kala sugan dunida qeybaheeda kala duwan, laakiin qof walba wuxuu isweydiiyaa sababta uusan ilaa hadda u guursan,

iyadoo ay da'diisa kor u sii dhaaftay 50 sano.

Salman Khan iyo Sunil Shetty

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGESInkastoo dadka ku xiran Salman Khan ay u badan yihiin dumar iyo carruur haddana isagu waligiis hal mar xitaa xaas ma uusan yeelan, carruurna looma dhalin.

Hadda ka hor ayuu mar qirtay in haddii uu jacayl u bandhigan lahaa gabar uu xilligan ahaan lahaa awoowe. Sidaasoo ay tahayna kama shalleysana in dareenkiisa uusan gabadhaas u bandhigin.

Mar ayuu Salman ciyaar kaftan ah la wadaagayay jilaaga Ajay Devgn iyo xaaskiisa - atariishada ah - ee Kajol, oo kula jiray diyaar garowga filimkiisa Bigg Boss 13.

Maxaa Salman Khan loogu haystaa sawirka?

Atooraha nus qarniga iskaabulada ahaa oo lagu tuhmayo in uu xaas qudbo-siro ku qabo

4 filim oo uu Salman Khan diiday balse uu Shahrukh Khan magac weyn ku helay

Qeyb ka mid ahayd ciyaartaas oo Salman lagu xiray qalabka beenta garta ayay Kajol weydiisay in ay jirtay gabar uu hadda ka hor ka helay, balse uusan naftiisa u oggolaanin in ay dareenkeeda soo bandhigato.

Salman Khan ayaa isagoo su'aashaas ka jawaabayay shaaca ka qaaday in ay jirtay gabar uu ka helay hadda ka hor laakiin nasiib-darro uusan jacaylkiisa u sheegan.

Wuxuu intaas ku daray in sababta uu ugu sheegan waayay jacaylkiisa ay ahayd in uu ka cabsi qabay inay ku gacan seyrto ama ay diiddo.

"Saddex saaxiibbadey ah ayaa xiriir jacayl la soo yeeshay gabadhaas marar kala duwan. Markii dambena waxaan ogaaday in iyada xitaa ay iga heshay," ayuu yiri.

Salman Khan

XIGASHADA SAWIRKA,SALMAN KHAN/FACEBOOK

Isagoo aad u qoslaya ayuu sheegay in markii uu "15 ilaa 20 sano ka dib la kulmay gabadhii uu ogaaday inay ayeeyo noqotay".

"Ilmaha aan ayeeyada u ahay way ku taageeraan. Filimadaada ayay jecel yihiin," ayay ku tiri.

Salman oo dib u milicsanaya marxaladdaas ayaa yiri: "Haddii aan haweeneydaas guursan lahaa, saacaddaan waxaan ahaan lahaa awoowe."

Si kaftan ah oo uu qosol ku dheehan yahay ayuu u sheegay in haddii uu guursan lahaa uu sideeda oo kale u duqoobi lahaa.

Salman Khan iyo qoyskiisa oo dil loogu hanjabay

Waxaa la adkeeyay ammaanka hoyga uu deggen yahay xiddiga Bollywood ee Salman Khan. Arrintan ayaa timid markii isaga iyo qoyskiisa loogu hanjabay dil.

Wararka ay heshay BBC-da ayaa sheegaya in aabbaha Salmaan Khaan oo lagu magacaabo Saleem Khan uu helay warqad hanjabaad dil ah. Warqada waxaa ku qornaa, "Dhowaan Salman Khan iyo Saleem Khan waxaad la kulmi doontaan mid la mid ah tii uu la kulmay Musa."

Warqada ayaa la dhigay goob uu si maalinle ah ugu jimicsado aabbaha jilaaga Bollywoodka.XIGASHO:BBC


LAMAANAHA ISKU GUURSADAY JIIDDA HOR E EE DAGAALKA EE INDHAHA CAALAMKA SOO JIITAY

Lammaanaha isku guursaday jiidda hore ee dagaalka

24 Disembar 2022

Lammaanahaan waxay u dhasheen dalka Ukraine, waxayna sameyeeyn guur soo jiitay dad badan oo daawaday muuqaal laga duubay.

Bishii Maarso, Lesya iyo Valeriy, oo ka wada tirsan ciidamada difaaca madaniga ah ee dalka Ukraine, ayaa isku guursaday xaflad milatari ah oo ka dhacday bar kontorool, maalmo ka dib markii Ruushku weeraray Ukraine. Muqaal laga duubay arooskooda ayaa si weyn baraha bulshada u qabsaday isla markaana waxaa uu dhaliyay hadal hayn.

Sagaal bilood ka dib, Lesya waxay ka tagtay ciidanka inkastoo Valeriy uu sii watay shaqadiisii.

Guurku wuxuu ka dhacay jiidda hore ee dagaalka ee magaalada caasimadda ah ee kyiv, waxayna sheegeen lammaanahaan in guurkoodu uu calaamad u yahay nabadda. Valeriy, oo dhoola caddeynaya ayaa yiri:- "dhalinyaro maahin, marka waxaan rabaa in aan dajiyo maskaxda oo aan nasto”.

Lesya oo ah xaaska Valeriy, ayaa sheegtay: "Waxaan jeclahay xilliyada aan waqtiga isla qaadaneyno,”. Waxay sheegtay in marka ay xaafadda wada joogaan ay si wada jir ah u aqristaan buugaagta isla markaana u daawadaan Tv-ga oo ay la socdaan waxa dunida ka dhacaya.

"Hadda mustaqbalkeenna ma qorsheyn karno" ayay tiri Lesya. Lammaanahaan ayaa sheegay in ujeedkeedu uu yahay in ay guul gaaraan isla markaana la helo nabad ay nolal wanaagsan ku qaataan.

Duqa magaalada Kyiv - iyo nin horey uga tirsanaa horyaalka feerka culus ee adduunka - Vitali Klitschko, ayaa ka mid ahaa martida ka qayb gashay xafladda arooska ee lammaanahan.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa toddobaadkan gudihii fadhi ay isugu yimaadeen Congress-ka Mareykanka ka sheegay in dagaalka Ukraine uu yahay mid lagu raadinayo xorriyadda adduunka. Qudbad xamaasad leh oo uu jeediyay ayaa waxa uu uga mahad celiyay taageerada dhaqaale iyo midda ciidanba ee Mareykanka u fidiyay dalkiisa. Mr Zelensky wuxuu xasuusiyay siyaasiyiinta in dad badan oo reer Ukraine ah ay u dabaaldegi doonaan Christmas-ka iyadoo ay socdaan weerarada joogtada ah ee Ruushku ku hayo kaabayaasha tamarta ee dalkiisa.

Dhanka kale Madaxweyne Biden ayaa xaqiijiyay in Maraykanku uu bixin doono ku dhawaad ​​laba bilyan oo doollar oo ah gargaar milatari oo dheeraad ah oo la siinayo Ukraine, taas oo ay ku jiro nidaamka difaaca gantaalaha hawada.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen Aqalka Cad ayuu Mr Zelensky mar sii horreysay sheegay in gargaarka militari uu gacan ka geysan doonto sidii loo sugi lahaa hawada Ukraine.

Madaxweynaha Ruushka, Vladymyr Putin ayaa u qiil dayay duullaanka uu dalkiisa ku qaaday Ukraine, isagoo qiil ka dhigtay arrimo la xiriira amniga qaranka.

Mar uu khubdad ka jedinayay magaalada Moscow, ayaa waxaa uu sheegay in weerarka uu ahaa tallaabo wanaagsan oo la qaaday.

Waxaa uu sidookale sheegay in ciidamada ay u dagaallamayaan qaabka kuwii iyaga ka horeeyay ugu dagaallamayeen dagaalkii labaad ee adduunka, balse ma uusan shaacin wax isbedello ah oo uusameynayo.XIGASHO:BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip