Saddex qodob ka ogow arrinta Coldoon oo maanta la sii daayay iyo waxa uu xabsiga kula kulmay

0
Thursday December 22, 2022 - 17:15:29 in Wararka by
  • Visits: 276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex qodob ka ogow arrinta Coldoon oo maanta la sii daayay iyo waxa uu xabsiga kula kulmay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Cabdimaalik Muuse Coldoon

XIGASHADA SAWIRKA,COLDOON FACEBOOK

Saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa laga sii daayay Xabsiga weyn ee Hargeysa ka dib markii uu dhammaystay muddadii laba sano ahayd ee ay ku xukuntay maxkamadda Rafcaanka ee Hargeysa.

Bilowgii bishii Febaraayo ee sanadkan sii dhamaanaya ayay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon. Balse xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay Go'aanka maxkamaddu gaartay, waxayna taasi horseedday in Cabdi Maalik uu xabsiga ku dhammeysto muddo labo sano ah oo lagu xukumay, taasoo ku ekeyd maanta oo uu xorriyaddiisa dib u helay.

Booliiska Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa Coldoon xabsiga u taxaabay bishii August ee sanadkii aannu soo dhaafnay.

Haddaba 3 qodob ka ogow arrinta Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Muxuu xabsiga kula kulmay Coldoon?

Wareysi uu Cabdimaalik maanta siiyay BBC-da ayuu uga hadlay dareenkiisa ku aaddan sii deyntiisa iyo waxa uu kula kulmay xabsiga.

"Ilaahay baan u mahad naqayaa oo xorriyaddeydii dib iigu soo celiyay, Ilaahii ii qaddaray inaan xabsiga galo, qadarka Alle-na kheyr buu ii ahaa, runtii aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan helo xorriyaddii aan xaqa u lahaa," ayuu yiri Cbadimaalik Coldoon.

Isagoo ka hadlayay xaaladda gudaha xabsiga ayuu yiri: "Wax dibaateyn ah oo aan kala kulmay gudaha xabsiga ma aysan jirin oo aan ahayn inaanan xorriyaddeyda heysan."

Maxaa ka mid ah dacwadahii lagu soo oogay?

Sida lagu xusay warqadda xeer ilalinta , Cabdi Maalik waxaa loo haystay dhowr eedeymood.

Waxaa ka mid ahaa eedeymaha loo soo jeediyay:

  • In uu bartiisa Facebook uu ku faafiyay warar dacaayad iyo been abuur ah oo ka dhan ah iskuulka Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo
  • In uu faafiyay "dacaayad qaran dumis ah"
  • In uu "cambaareeyay umadda Soomaaliland iyo qaranimadeeda".

Cabdimaalik ayaa iska fogeeyay dhammaan eedeymahan isagoo sheegay in uusan faafin dacaayad iyo eedeymaha kale ee loo soo jeediyay.

Markii ay Wasiirka iyo Sheekha isaga jawaabeen arrinta Cabdimaalik

Ardayda Jaamacadda Barwaaqo oo qalin jabineysa

XIGASHADA SAWIRKA,BARWAAQO UNIVERSITY

Sannadkii 2021 markii ay dowladda Somaliland xirtay ayaa waxaa sare u kacay dhawaaqyada codadka kala duwan ee looga hadlayay xarigga Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Dadka kasoo horjeeda isaga ayaa ku eedeeya in uu badanaa soo bandhigo "dhaliilo iyo eedaymo aan caddayn ku filan lahayn", badanaana uu ka hadlo "wax aan khusayn."

Hase yeeshee, kuwo kale ee taageerana waxa ay u arkaan "shakhsi xaq u dirir ah oo difaacaya diinta Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan".

Coldoon ayaa wax yar ka hor inta aan la xirin barihiisa bulshada ku baahiyay dad uu sheegay "in ay dhaqan xumo ku faafinayaan gudaha Somaliland".

Shiikh Cabdirisaaq Cabdillaahi oo ku magac-dheer 'Jenaraal Jiir', ayaa markaasi ka mid ahaa dadka ka hadlay kiiska xarigga Coldoon.

Sheekh Jenaraal Jiir oo kulan diineed weyn kaga qayb gelayey magaalada Hargeysa ayaa madashii kulanka ku soo hadal qaaday sababta dhowr goor culimada loogu eedeeyay in aysan ka hadlin arrinta Coldoon.

"Waa nala dhibay annagoo khayrka wadnay. Waxaa nalagu maagay social media-ha. Waxaana nala leeyahay 'maxay uga hadli waayeen ninkii Coldoon?'," ayuu markaasi yiri Sheekha.

Sheekh Jiir oo sii watay jawaabta uu ka bixiyay eedaha loo jeediyay wuxuu yiri: "Annagu ma lihin waa sax iyo waxaa, mana aannaan jeclaysanin sidaa uu isu soo qotomiyey, dadkiina waxay meel kasta ku soo qoreen 'waad la kulanteen [Muuse Biixi] lacag iyo boorso ayuu idiin dhiibay'."

Wuxuu intaa ku daray: "Ilaahay dartii baa na loogu yeedhay, annana ilaahay dartii baannu u qaabilnay."

"Annaga oo ku hadlayna afkii culimada in aad ina Coldoon iyo wixii diinta loo xidhay noo sii daysid ayaanu kaa codsanaynaa. Waa nala maagaye oo maxaad uga hadli weydeen ayaa nalagu qabsadaye," ayuu sii raaciyey hadalkiisa Shiikh Cabdirisaaq Jiir.

Cabdimaalik Coldoon

XIGASHADA SAWIRKA,CABDIMAALIK COLDOON

Isla madashaas waxaa joogay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, oo isna dhankiisa ka jawaabay codsiga sheekh Cabdirisaaq jiir, wuxuuna sheegay in diinta ilaalinteeda uu madaxweynuhu u dhaartay, kiiskaasina uu maxkamad ku jiro.

"Madaxweynaha wuu balan qaaday in uu diinta Ilaahay ilaalinayo, laakiin qofka hadii uu qaldamo yaan la xidhin dee meelna kuma taalo", ayuu yiri.

Dhanka kale Wasiir Khaliil ayaa sheegay in aan diinta loogu soo gabbanin. "Haddi aynu nahay culimo iyo dawlad, illeen dad walaalo ah aynu nahaye, in wixii xun dalkeenna aynu ka qabanno iskuma khilaafsanin, laakiin wixii ujeeddo kale leh ee siyaasad leh, waxaannu leennahay la is khiyaamayn maayo."

"Diinta cid walba annagaa uga lexjeclo badan, waxaanu idiin hubnaa in aannaan ogolayn oo dastuurkeennuna uu mamnuucay in wax aan diinta Islaam ahayn aan lagu faafin, waana danbi."XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip