Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay si xoog ah ku askaraynayso dhallinyaro

0
Thursday December 22, 2022 - 06:36:05 in Wararka by
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay si xoog ah ku askaraynayso dhallinyaro

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,
Qaar kamid ah waalidiinta magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay carruurtooda ku xareeyeen xerooyin ciidan oo kuyaalla magaalada Muqdisho, si loo askareeyo.

Waalidiintan ayaa xalay Muqdisho ka sameeyay iskusoo bax ay ka dhigeen xerada Mariiniska ee degmada Xamar Jajab, halkaas oo la sheegay inay ku xaraysan yihiin dhallinyaro loo qaadayo dalka dibbadiisa, si tababar ciidan usoo qaataan.


Waalidiinta iskusoo baxa sameeyay, ayaa sheegay inaysan ogayn xilliga la qoray carruurtooda, iyo halka loo wado. Waxay kaloo sheegeen in carruurtooda markii ay dalbadeen in lagusoo wareejiyay loo diiday, lana rasaaseeyay.

"Saa Sharaf ma ahan. Xasan Sheikh ilmaheennaa ka rabnaa. Hal wiil ayaa iga maqan. Waa la iidiiday in la igu wareejiyay. Waxaa naloo sheegay in si xoog ah lagu askaraynayo, sidaas waxaa sheegay mid kamid ah hooyooyinka warbaahinta la hadlay.

Si kastaba ha ahaatee, cabashada waalidiinta ayaa kusoo aadaysa, iyadoo maalmahan ay soo baxayeen warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dhallinyaro u dirayso Masar iyo Imaaraatka Carabta, si loogusoo tababaro.

Dowladda Soomaaliya weli kama jawaabin cabashada kasoo yeertay waalidiinta, iyadoo arrintan ay kusoo aaday xilli dowladda Soomaaliya ay dalka dib ugusoo celisay qaar kamid ah ciidamadii lagusoo tababaray Eritrea.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip