HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 20-KA DICEMBAR 2022-KA

0
Tuesday December 20, 2022 - 08:35:44 in Wararka by
  • Visits: 349
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 20-KA DICEMBAR 2022-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xasan Sheekh oo shaaciyey in maalmo gudah ood lagu soo celinayo ciidanka jira Eritrea

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Ma xamuud oo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota Mareykanka ayaa shaaciyey goor ta dib loo soo celinayo ciidanka SoomaaliyeedA ee tababarka u jooga dalka Eritrea.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bishaan December inta aysan dhamaan la soo bil aabayo, isla markaana la soo dhameystirayo inta la gu guda jiro bisha soo socota ee Janaayo.

"Bisha aan ku jirno inta aysan dhamaan waa soo bilaabanayaan, bisha ku xigta inta aysan dhamaan waa soo dhameystirmayaan, howshaas meel fiican ayey noo mareysaa, wax kastana waa noo hagaags an yihiin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dib u dhac dambe uusan jiri doonin, "Insha allah dib u dhac dambe ma jiri doono.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay ugu yaraan laba jeer wuxuu safar ku tegay dalka Eritrea, si soo celinta ciidankaas uu ugala xaaj oodo madaxda dalkaas.

halinyaradaan oo tababar ugu maqan dalka Erit rea mudo ku dhow afar sano ayaa waxaa aad u yar macluumaadka laga heli karo, waxayna galeen tab abar culus oo noocyo badan leh.

Askartaan waxaa la xaqiijiyey in tababarkii rasm iga ahaa uu u dhamaaday sanadkii 2020-kii, balse mudo laba sano ah sababta ay uga maqan yihiin dal ka ma jirto cid si rasmi ah ugu cadeysay bulshada.

Madaale oo shaaciyay halis weyn oo ka dhalan karta arrin muddo ka taagan Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Mu qdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay dhibaatada ay leeyihiin kooxaha ciyaal weera da iyo waxa laga filan karo mustaqbalka.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay haddii aan laga hortegin ciyaal weerada ay noqon karaan sida Al-Shabaab oo kale, o

o iyagu markay soo bilaabanayeen ah aa sida kooxaha ka abuurmaya Muq disho.

"Magaaladaan sida la socono Sha baab ayaa ka dhashay 2006-dii iyo wixii ka dambeeyay, waa la fududeystay Shalay wa akasa dowladii, qabaa’iiladii iyo cidkasta dagaal ayey kula jirtaa waxay ku tuseysa miisaanka iyo dhaqaala ha ay bulshada ka dhex sameeyeen. Maxaa diidaya ciyaal weero inay sidaas noqdaan haddii la fudude y sto,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay "Maalinkasta waxaa arkeysa Mobile jooga $200 ama ka yar ayaa lagu leeyahay qof dhan oo bini-aadam ah oo Muslim ah oo Soomaali ah ayaa loo dilaya, qofka Mobile ku dila ya waxa uu ku dhaafayo ma ii sheegi kartaa, waa maya.”

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in kooxaha ciyaal weerada ah ay ula dagaalami doonaan sida Al-Shabaab oo kale, oo xiligaan uu dagaal xoogan uga socdo qeybo badan oo kamid ah dalka.

"Al-Shabaab culeys ayaa looga haya afarta jiho, hoo steena waxaa ka kacay cayayaan yar-yar oo Mindi iyo Baangad wata, markaasa leenahay Weero. Waa inaan iska qabana, haddii aad idinka iska qaban ma cid kale ayaa inaga qabaneysa.”

Kooxaha loo yaqaano ciyaal weerada ayaa mud dooyinkii dambe kusoo badanayay gobolka Banaa dir, ayada oo dadka caasimada u geysta dhibaatooy in kala duwan oo isugu jira dhac iyo dil.

Amniga madaxda DF oo la adkeeyay iyo ciidan cusub oo lasoo bandhigay

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa Shalay heegan buuxa galiyay guutada ilaalada ma daxda qaranka iyo hay’adaha dowladda ee VIP, si ay u kordhiyaan mas’uuliyadda saaran ee amniga mad axda iyo xarumaha dowladda. Taliyaha guutada oo lagu magacaabo G/le Sare Maxamed Daahir ayaa Shalay soo bandhigay ciidamadan gaarka ah oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, isla-markaana u xil-saaran amniga qaranka, gaar ahaan madaxda sare iyo hay’adaha dowladda kuwa VIP-da.

G/le Sare Maxamed Daahir ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadan loo diyaariyay inay ka hortegaan wax kasta oo halis ku ah amniga mas’uliy iinta qaran, isla-markaana ay ku jir aan feejignaan dheeri ah, si ay iga hortegaan falalka liddiga ku ah am niga qaranka.

"Waxaa loo aas aasay oo ciidankan loo diyaariyay in wax kasta oo amni darro ah oo ku imaanaya mas’ uuliyiinta qaranka iyo xarumaha inuu ka hortego, wa ana ciidan aad loo diyaariyay, loona carbiyay inay wax weliba dareemi karaan,” ayuu yiri Maxamed Da ahir.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la kordhiyo tab abarada ciidamadaan, si u helaan aqoon iyo gaadiid ay ku shaqeeyaan, si ay ulaba jibaaraan waajibaad ka saaran ee amniga madaxda.

"Hadda waan sii dardar-gelineynaa dadaa lka wa xaan rajeynayaa in ciidankaan tabab aro caalami ah helaan iyo gaadiid, kadibna Obareeshano fuliyaan,” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba soo bandhigidda ciidamadan gaarka ah ee amniga madaxda dalka iyo hay’adda dowladda ee VIP ayaa ku soo aadaya, xilli haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab oo cule ys xoogan soo saartay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Laftagaren Oo Cafis U Fidiyay Maxaabiis Ku Xir naa Xabsiyada Koofur Galbeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Ga lbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ay aa Cafis Madaxweyne ufidiyey qaar kamid ah Maxaabiista ku xirnaa Xabsiyada Koofur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa cafis u fifiyay dhalinyaro badan oo ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Magaalada Baydha bo isagoona ka bixiyey Deemihii lagu lahaa qaar kamid ah Maxaabiista.

Cafiska Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed ee k u aaddan cafis u fidinta Maxaabiista ayaa kusoo aadayMunaasabada Sanad guurada 4-aad.

Xabsiyada Koofur Galbeed ayaa waxaa ku xiran ma xaabiis loo haysto dambiyo kala duwan, waxaana caf is loo fidiyay kuwa dambiyada yar yar loo haystay.

Md.Mahad Salaad oo Shalay ka degay DOOLOW + Ujeedka

Agaasimaha hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdo onka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Shalayeyd gaaray magaalada Doolow oo ka tirsan gob olka Gedo.

Mahada Salaad iyo wafdiga uu ho rkacayo ayaa waxa Doolow ku soo dhaweeyay qaar kamid ah mas’uul iyiinta gobolka.

Agaasimaha NISA ayaa lagu wadaa in kulamo la yee sho qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobol ka, xilli ay maalmihii dambe xiisad siyaasadeed xoo gan ka taagneyd Gedo.

Gobolka ayaa sidoo kale lagu wado inay ka bila aban doonaan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, ay ada oo Jimcihii ay halkaasi gaareen wasiirkii hore amniga dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Senator Cabdullaahi Fartaag oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare.

9-kii bishaan ayey aheyd markii taliyihii Nabad-su gidda gobolka Gedo Bakaal Kooke uu ku geeriyood ay degmada Luuq kadib markii gaarigiisa loogu xiray Qarax. Safarka Agaasimaha NISA Mahad Salaad ay aa imanaya xilli uu sii xoogeystay khilaafka ka taag an gobolka Gedo, kaasi oo u dhaxeeya maamulka gobolka iyo dowlad-gobaleedka Jubbaland ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxa uu kusoo beegmaya saacado un kadib markii Jubbaland ka dalbatay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre in uu soo fara-geliyo xiisada ka taagan gobolkaas, ayada walaac xoogan ka muuji say xaalada amni, maamul iyo bini-aadanimo ee ka jirta gobolka Gedo.

Jen.Odowaa oo sheegay sababta ciidanka uga baxa an degaanada ay qabsadaan qaarkood

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jen. Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlayay dagaal ka ka dhanka Al-Shabaab, ayaa markii u horeysay sheegay in ciidamada ay uga baxaan deegaanada qaarkooda qorshe uu ku dhisan yahay howl-galka socda.

Jen. Odowaa oo wareysi siiyay warbaahinta dowlad da ayaa sheegay

in howl-galada xoreynta deegaanada ay iskugu jira an laba nooc, kuwa ay sii joogaan ciidamada iyo ku wa kale oo ay burburiyaan markay qabsadaan.

"Howl-galku sidiisa ma aha in aad Tuulo kasta iyo Magaalo kasta oo tag tid in aad joogeysid, goobaha dagaal ka qaar marka ciidanku gaaro waxaa loogu tala-gal ay in ay ku nagaadaan halka goobaha qaarkoodna loogu tala-galay in cadawga ku sugan laga saaro lan a burburiyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka dowlad da iyo kuwa deegaanka ay Al-Shabaab kala wareege en deegaanno dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen in ka badan 10 sano, kuwaasi oo hoosyimaada goboll ada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

"Howl-galada kuma ekaanayaan gobolladaan, marwalba miisaanka howl-galku waxa uu saaran ya hay meel, waxa aan dhihi karaa labada gobol ee Sha beelaha Dhexe iyo Hiiraan waxa laga gaaray guulo aad u waaweyn.”

Dhowr jeer ayaa ciidamada huwanta si weyn loo gu dhalleeceyay aagag ay dib uga soo baxeen, aya da oo saraakiisha ciidanku ay arrintaasi ku macnee yeen istiraatiijiyad ciidan.

Saraakiishaas ayaa sidoo kale hore u sheegay in xeelad dagaal dib uga gurtaan aagaga qaarkood, balse aysan jirin awood uga timid dhanka Al-Shaba ab oo ciidanka ku qasabtay inay isaga baxaan deeg aanadii ay joogeen.

"Tani kama dhigna inaan dib u soo noqonay oo Al-Shabaab ay dib u qabsadeen, dad qaaliya ayaa naga dhintay, waxaa jirtay in meelaha qaar laga ware egsaday oo meel kale loo wareegay, laakiin dib u bax weyn ma jiro.”

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu mad axweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay bishii July, ayaa tan iyo markii uu bill owday laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo koox da laga saaray deegaano ay gacanta ku hayeen san ado badan. Xigasho:-caasimadda.net

Maalinta Muhaajiriinta Caalamka oo la xusay

Qaramada Midoobay ayaa Axaddii xustay Maalin ta Caalamiga ah ee Muhaajiriinta, taasi oo lagu muu jiyay doorka waxtarka leh ee boqolaal milyan oo muh aajiriin ah kuwaasi oo caqabado kala kulmay ka hayaamidda dalalkooda si ay nolol wanaagsan u helaan.

Xuska sanadkan ayaa iman aya iyadoo ay sii kordhayaan dalalka reer Yurub ee albaaba da ka xiranaya qaxootiga iyo soo galootiga dhaqaale doonka ah ee ka imanaya Afghanistan, Bariga Dhexe iyo Africa.

Waxa ay sidoo kale ku soo beegantay iyadoo ay tiro badan oo muhaajiriin ah ay ka imanayaan bart amaha Ameerika iyago isku dayaya in ay ka soo gud baan xuduudda koonfureed ee Mareykanka.

 Cali Guudlaawe Oo Xilkii Ka Qaaday Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabee lle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Wa siir Ku Xigeenka Wasaaradda Caa fimaadka iyo Darye elka Bulshada Dowlad Goboleedka Hirshabe elle Shuceyb Xasan Maxamed, waxaa na Xilkaasu uu u Magacaabay Mudane Cabdiraxma an Cabdi Iidow. Maamulka Gobolka Banaadir Oo Bulshada U Dir ay Farriin Ku Aaddan Bilicda Caasi madda Iyo Amniga

Hoos ka akhriso warqadda Xil ka qaadista

Xildhibaanada BF oo shaaciyay arrin halis ku ah oo ka taagan xarunta golaha

Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Shalay kahor ha dlay kulankii Golaha ee ka dhacay xarunta Villa Ha rgeysa ee magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muu jiyay xaaladdooda amni.

Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego oo ka mid ah xubnaha hadlay ayaa sheegay in la beddalay qaar ka mid ah ciidamadii ilaalina yey xarunta Golaha Shacabka, is la-markaana lagu beddalay ciid amo cusub oo uu tilmaamay in ay san garaneyn halka laga keenay.

"Golaha amnigisa la’iskuma halleyn karo, maxaa ye elay ciidankii loo soo tababaray in uu waardiyeeyo Golaha badankooda waa laga saaray meesha waxaa ka maqan ciidan kor u dhaafaya 50,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego oo ka tirsan Golahaas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadan aysan aqoon u laheyn shaqada loo igmaday, isla-markaana ay halis ku yihiin amnigooda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in aysan garan eyn xasaanadda xildhibaanka, sidoo kalena aysan akhrin karin magaca ID-ga sida uu ku dooday.

"Ciidan aan la aqoon ayaa la keenay meesha am nigeedana ayey qatar ku yihiin, mana akhrin karaan magaca ID-ga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa taagneyd dood la xiriirta amniga xildhibaanada, kuwaas oo wal aac ka muujiyay ciidamada ammaanka ee ku sugan magaalada Muqdsho, kadib markii ay kordheen muranada xildhibaanada iyo ciidamada sugaya ammaanka.

Senator Saciid Siyaad: Ninkii wiilkeenna dilay waxaa gatay oo sii daayay Shuute iyo Maxkam addda

Senator Saciid Siyaad oo katirsan barlamaanka aqalka sare ee Soom aaliya, ayaa ku eedeeyay max kamadda ciidamada qalabka sida inay sii daysay eedeysane dil ku xukumnaa, kaas oo dilay qof shac ab ah oo kasoo jeedo dadka uu matalo.

Senatorka ayaa tilmaamay nin ay maxkamaddu dhawaan ku xukuntay dil toogasho, in uusan ahayn dambiilaha saxda ahaa ee ka dambeeyay dilka Max amed Xaashi Faarax oo uu adeer u ahaa, kaas oo bishii Octobar ee sanadkan u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaas uu furay askari katirsan ciidan ka Taraafikada, sida ay sheegeen ehelada marxu umka.Senator Siyaad ayaa guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, gaashaanle sare Shuute, ku eedeeyay inuu fasaxay oo uu gatay askarigii dambiilaha ahaa ee dilka geystay.

"Ninka la xukumay ee Shabaab waaye la yiri ann aga wiilkeenna ma dilin, naloo toogan maayo, ninkii wiilkeenna dilay waxaa gatay oo sii daayay Shuute iyo Maxkamaddda. maalin kastana waxaa la toogto waa dad lakala gatay,” ayuu yiri senator Siyaad.

Siyaad wuxuu sheegay askariga dilka geystay in lagu magacaabo Cabdi Maxamed Aamiin, halka midka maxkamaddu Shabaab ahaan u xuku ntay lagu magacaabo Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow.

Si kastaba ahaatee, hadalka senator ka ayaa kusoo aadaya, iyadoo uu mu ran ka taagan yahay xukunka maxkamaddu dhaw aan riday.

Horey wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Ax med Macalin Fiqi ayaa ugu baaqay inay maxkam addu hubiso xukunka kiiskan.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ku fiday Sh/Hoose

Wararka aan ka helayno gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in degmada Qoryooley ee gob olkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ee kamid ah howl-galka ATMIS oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidam ada dowladda iyo kuwa Uganda ee degmada Qoryooley.

Dhawaaqa rasaasta ayaa saac adihii lasoo dha afay si weyn looga maqlayay guud ahaan degmada, ay ada oo dadka deegaanka ay shee geen in ciidamada Uganda intii uu socday dagaalka ay tiro madaafiic ah ku tuurayeen dhinaca laga soo weeraray.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga khaasaraha ka dhashay madaafiicda ay tuuraye en ciidamada Uga nda iyo guud ahaan dagaalka ka dhacay degm ada Qoryooley, hase yeeshe waxa la soo warinaya in uu jiro khasaare kooban.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xaaladda degmada Qoryooley ay xiligaan tahay mid degan, ayna si caadi ah u shaqeeynayaan isku socodka dad ka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Weerarada noocaan oo kale ah ayaa inta badan ka dhaca deegaanada ay gobolka Shabeellaha Ho ose kaga sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa howl-galka ATMIS. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ATMIS oo la xiriira weerarkaan.

Maxkamaddii Al-Shabaab ee Ceel Cali oo la burburiyey

Ciidamada Booliska gaarka ah ee loo yaqaano Haramcad oo Shalay qaaday howlgal culus ayaa bartilmaameedsaday xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen agagaarka deegaanka Lambar 50 oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa burburiyay xarun maxkamade ed oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel Cali oo qiyaastii 15 KM dhanka xeebta ka xiga Lam bar 50.

Howlgalkan ayaa waxaa horkacayey taliyaha ciid amada Haramcad Gaashaanle Cabdixamiid Cabdull aahi Fanax oo haatan ku sugan jiida hore ee dagaal ka ee Shabeelaha Hoose.

"Ujeedka howlgalkaas ayaa ahaa burburinta go obo cadowgu Al-Shabaab ay kaga dhuumalaysanaye en deegaankaas iyo maxkamad beenaad ay ugu yar aan Dadka,” aya lagu yiri war qoraal ah oo ka soo ba xay taliska ciidamada Booliska gaarka ah ee Hara mcad.

Sidoo kale taliska ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah koo xda Al-Shababa ee haatan ka socda halkaasi. How lgalkan ayaa qayb ka ah dhaq-dhaqaaqyada ay ciid amada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelooyinka.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan waheysa kacdoonkii ugu ballaarnaa ee abid lagu qaado, kaas oo ay horkaceyso dowladda Soomaaliya oo kaashan eysa dadka deegaanka.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in gacanta lagu dhigay saraakiil sare oo ka tirsan Khawa arijta Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in xubno ka tirsanaa Al-Shabaab nolosha lagu soo qabtay, ha lka kuwo kale oo saraakiil ku jiraana ay isku soo dhiib een ciidanka dowladda ee ka ho wlgala deegaano hoos taga Aa dan-yabaal oo maalmihii lasoo dhaafay dagaallo culus ka socd een.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu she egay seddax dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa ayaa iskood isku soo dhiibeen Shalay.

"Koox ka tirsan Khawaarijta Shabaab, kuwaas oo ka kooban afar xubnood uuna hogaaminayay Hor jooge Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa ayaa Shalay isku soo dhiibay Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Dowlad Goboleedka Hir Shabeelle,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale qoraalkaan waxaa lagu sheegay in nin kaas sarkaalka ah ee lagu magacaabo Macalin Xud eyfa uu hoggaaminayey Shabaab-kii dhowaan lagu jebiyay dagaaladii ka dhacay Shabeellada Dhexe.

Warkaan ka soo baxay dowladda waxaa sidoo kale lagu sheegay in 8 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab nolosha lagu soo qabtay, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey dhul keyn ah.

"Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo isku dayay in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee Khawaarijtu ay kala kulantay Dagaalkii ay Ciidam ada Qaranka iyo Shacabka Deegaanku kula galeen Hirshabeelle,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Maalin ka hor isla aaggaaas waxaa ciisanka dowlad da isku soo dhiibay Siciid Raage oo Al-Shabaab ugu magacawnaa nabadoon iyo mid ka mid ah dagaalyah anada kooxda, sida lagu sheegay warkaan.

"Isisoo dhiibayaasha ayaa si wanaagsan ay usoo dhaweeyaan Ciidamada Qaranku, waxaana ka go’an dowladda Soomaaliya in ay daryeesho kuwa ka tana asula fikirka Khawaarijta iyo ficilladooda guracan,” ayaa bayaanka dowlada lagu yiri.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, "Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in cadaaladda la marsi iyo dhagarqabayaasha ku adkaysta kusii jirista Kha waarijta, kuna dhiiranaada dhaqamadooda foosha xun.”

Ururada siyaasadda Puntland oo ku dhawaaqay tallaabo deg deg ah

Ururada Siyaasadda Dowlad-goboleedka Puntla nd ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulk aasi Saciid Deni in uu kala jebin ku waddo ururada siyaa sadda, xili ay Habeen hore kulan la qaateen.

War-saxaafadeed kasoo baxay ururada siyaasad da Puntland ayaa lagu shaaciyay in madaxweyne Deni uu ka leexday dhabihii dimuqraadiyadda, islama rkaana uu xagal daacinayo dhamaan dedaaladii socday ee ku aadana doora shada.

"Dhamaan wada-xaajo odyadii la xiriiray qodabadii dhinaa ee muhiimka u ahaa qabsoomida doorashada, madaxweynuhu ma fulin, balse taasi badelkeeda xukuumaddu ay ku mashquul san tahay kala jabinta ururada iyadoo faro aan nadiif aheyn kula dhex jira ururada siyaasadda.”

Waxay ku dhawaaqeen shirweyne ay isugu yimaad an qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo badbaad iyo hanaanka geedi socodka dimuqraadiy ada Puntl and, loogana saaro hubanti la’aanta siyaasadeed ee Shalay ka jirta.

"Ururada Siyaasada waxay ku baaqayaan in shir weyne isugu yimaadan qeybaha kala duwan ee bul shada sida Isimada dhaqanka, Siyaasiyiinta, Aqoo nyahanka, Waxgaradka, Odayaasha, Culimada, Dha linyarada iyo Haweenka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

"Ururada waxay u arkaan Guddiga doorashooyin ka KMG "TPEC” inay yihiin kuwo aan dhex-dhexaad aheyn oo ku milmay xukumada talada haysa, oo aan lagu kalsoonaan karin sida ka muuqata tallaabooyin kii ay qaadeen iyadoon xal laga gaarin qoddobadii ta agna.”

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka "Maadama madax weynuhu ka weecday dhabihii dimuqraadiya dda, uu xagal daaciyayna dhamaan dadaaladii socday waxa an umadda la wadaagaynaa in wixii tallaabooyin ah ee aan loo dhameyn sida diiwaan-gelinta doorasha da cawaaqib xumada ka dhalata uu masuuliyadeeda leeyahay madaxweynuhu.”

Ururada Siyaasadda Puntland ayaa ugu dambey ntiina waxay sheegen inay ka go’an tahay ka qeyb-galka iyo xaqiijinta doorashooyin xalaal ah, daahfur an, bulshadana dhaxalsiisa dowlad-wanaag, maamul daadjin iyo adeegyada dowladnimo oo dhameystiran.

Jubbaland oo dalab la xiriira xiisada GEDO u gudbisay Ra’iisul Wasaare XAMZA

Dowlad-goboleedka Jubbaland oo ka hadashay xiisada siyaasadeed ee ka taa gan gobolka Gedo ay aa Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi ka dalbatay in uu soo fara-geliyo xiisada ka taagan gobolkaas.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sa yid Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in ka maamul ahaan walaac xoogan ka mu ujinayaan xaalada amni, maamul iyo bini-aadanimo ee ka jirta gobolka Gedo.

"Dowladda Jubbaland waxay rajey naysa in xukuumadda Ra’iisul Was aare Xamza Cabdi Barre ay arrint aan wax ka qabato, maadama ay tahay arrin banaanka ka ah Dastuu rka iyo xeerarka dalka u dagsan,” ayuu yiri.

"Jubbaland ayada oo gudaneysa waajibaad ke eda Dastuuriga ah waxay qaadeysa tallaabooyin is-xigxiga oo xal u noqonaya xaalada gobolka, taas oo umadda gobolka Gedo gaarsiinaysa amni, maamul, garsoor iyo adeeg bulsho oo dhameystiran.”

Waxa uu ka codsaday qeybaha kala duwan ee bul shada gobolka Gedo inay garab istaagan nidaamka dowladnimada, kana hortagaan fowdada iyo qaska ay wadaan shaqsiyaadka ku howlan danahooda gaar ka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Inkasta oo uu madaxweyne ku-xigeenka shaqsiy aadkaas uusan carabaabin, haddana waxaa muuqa ta in uu ka hadlayo Senator Fartaag iyo Cabdirashiid Janan oo dhawaan tegay gobolkaasi. "Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ka cods anayna inay arrintaan siiso mudnaanta ay leedahay, waayo arrinta gobolkaan oo la xaliyo waxay fure u no qoneysa la-dagaalanka argagixisada iyo dhismaha qaranimo Soomaaliyeed, maadama gobolka ku xee ran yihiin arrimo fara badan oo dhinacyo badan ka imaanaya.”

Ugu dambeyntiina waxa uu digniin u direy ciida mada kala duwan ee ku sugan gobolka Gedo, oo uu sheegay inay dhex-dhexaad ka noqdaan arrimaha si yaasadda iyo maamulka, islamarkaana ka shaqeeya an amniga oo kaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli wax war ah kasoo saarin xiisada siyaasadeed ee ka taag an gobolka Gedo, xili maamulka gobolkaasi uu si to os ah uga horyimid dowladda.

Wasiirka horumarinta u qaabilsan dalka Ingiriiska Andrew Mitchell oo sheegay Ruushka oo aan laga rabin Galbedka Afrika

Joogitaanka Ruushka ee Galbeedka Afrika ayaa sida lagu sifeeyey aan aheyn mid wax dhisaya ama wax caawinaya dalka Ingiriiskana waxay ka walaac san yihiin calooshood u shaqeysteyaal Ruush ah oo gobolka ku xooggan, sda uu wasiir u sheegay BBC da.

Wasiirka horumarinta u qaabilsan dalka Ingiriiska Andrew Mitchell oo booqanaya gobolka ayaa she egay in dalkiisu in ku adkeysanayo gacan siinta dalal ka Afrikada Galbeed kuwooda xeebta ku yaalla oo ay ku badan yihiin kala bar ahaan maliishiyaad ka yimid Saaxil iyo sidoo kale sugidda ammaanka guud.

Waxaa uu muujiyey walaac ah aa mid aad u adag in laga had lo oo la xiriira ammaanka lala yeelanayo dowladda Burkina Faso.

Mr Mitchell ayaa booqanayayey saldig militari oo ku yaalla woqooyiga Ghana si uu u fiiririyo awoodda dalkaas u leeyahay inn uu iska sa aro kooxha Jihadisteyaasha ah.

Arrintan ayaa ku soo beegantay ka dib markii Mad axweynaha Ghana Nana Akufo-Addo uu sheegay in clooshood u shaqeystayaal Ruush ah oo ka tirsan kooxda Wagner group ay ka howgalayaan meel u dhow xuduuda woqooyi ee dalkiisu la leeyahay Bur kina Faso

Joogitaanka kooxda Wagner ee calooshood u shaqeysteyaasha ah ayuu ku tilmaamay midlaga yaqyaqsado mar uu la kulamay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee MareykankaAntony Blinken toddobaad kan.

Wuxuu ku eedeeyey kooxda Militariga ee ka tali sa Burkina Faso in ay soo kireysteen kooxda Wagner ee ah calooshoodu shaqeysteyaal Ruush ah in ay ga can ka siiyaan dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ayna gacnta ka galiyeen shaqo aysan mahadin doo nin .

Toddobaadyadii la soo dhaafay boqolaal dad ah kana cararaya weerarada miliishiyooyinka ku sugan Burkina Faso kuna sii jeeeda Ghana.

5 qof oo ku geerioyooday qaar kalena way ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday magaalada ugu weyn Canada ee Toronto

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku geerioyooday qaar kalena way ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday magaalada ugu weyn Canada ee Toronto, halkaasoo nin hubaysan uu ras as ku furay dhis me yaal ku yaalla xa afad ka mid ah xaafadaha toronto oo la yiraahdo Voon.

Madaxda boolisku waxay sheegeen in ninkii dab leyda ahaa uu ku dhintay rasaastii ay isaga iyo boolisku is dhaafsanayeen.

Maalinta Muhaajiriinta Caalamka oo la xusay

Qaramada Midoobay ayaa Axaddii xustay Maa linta Caalamiga ah ee Muhaajiriinta, taasi oo lagu muujiyay doorka waxtarka leh ee boqolaal milyan oo muhaajiriin ah kuwaasi oo caqabado kala kulmay ka hayaa midda dalalkooda si ay nolol wanaagsan u helaan.Xuska sanadkan ayaa imanaya iyadoo ay sii kordhayaan dalalka reer Yurub ee albaabada ka xiranaya qaxootiga iyo soo galootiga dhaqaale doon ka ah ee ka imanaya Afghanistan, Bariga Dhexe iyo Africa.

Waxa ay sidoo kale ku soo beegantay iyadoo ay tiro badan oo muhaajiriin ah ay ka imanayaan barta maha Ameerika iyago isku dayaya in ay ka soo gudb aan xuduudda koonfureed ee Mareykanka.

Maxkamada sare ee UK oo go’aan ka gaartay in dadka magangalyo doonka ah loo diri karo Rwan da iyo inkal

Home Office-ku waxa uu ku guulaystay tartan sharciyeed oo ka dhan ah siyaasad iisa ah in dadka magangelyo-doon ka ah ee Jooga UK loo qaado Rwanda.

Go’aankan ayaa hadda waxaa ku dhawaa qay garso orayaasha maxkamadda sare ee magaalada Lond on. Garsooraha max kamada sare ay aa sheeg ay in go’a anka ogolaansh aha racfaanka dib loo dhigay ilaa 16ka Janaayo 2023.

sWaxaa si weyn loo filayey in qofkii laga guulaysto dacwadda Shalay uu racfaan qaadan doono, taasoo la micno ah in diyaaraduhu aysan si degdeg ah u duulin si ay qof magangalyo doon ah ugu qaadaan Rwa nda.

Xildhibaan Caroline Lucas oo laga soo doorto deegaanka Cagaaran ayaa xukunka ku tilShalayy "Niyad jab aad u weyn”.

Rajada ay dowlada Britian qabto ayaa ah in UK ay noqon karto goob ay dadka magangalyoo doonka ka waereegaan haddiiba dadka loo diri karo Rwanda.

Diblomaasi Maraykan Ah Oo Ku Baaqay In Xal Na badeed Lagu Soo Afjaro Dagaalka Ukraine

Diblomaasiga Maraykanka ah ee ruug cadda aga ah ee Henry Kissinger ayaa sheegtay in ay soo dhowaatay xilligii la geli lahaa wadahadalo nabadeed oo lagu soo afjaro xiisadda ka taagan dalka Ukraine, si hoos loogu dhigo halista inuu qarxo dagaal kale oo caalami ah.

Hase ahaatee xukuumadda Kyiv ayaa ku gacan saydhay faallada uu bixiyey diblomaasigan Maray kanka ahi, iyaga oo ku tilmaamay int ay tahay mid la gu raali gelinayo cid da gardarada wad da, iyaga oo shee gay inaanu jirin he shiis lagu wareejin ayo dhulkooda.

Kissinger oo haatan da’diidu ay tah ay 99 sano ay aa ka mid ahaa raggii wax ka naqshadeeyey siya asaddii Maraykan ka ee xilligii dagaalka qaboobaa u uku waayahayey Midawgii Soofiyeeti, isaga oo xill igaas ahaa xogha yihii arrimaha debedda ee Mada xweynayaashii Ri chard Nixon iyo Gerald Ford. Kissinger ayaa dhawr jeer la kulmay Vladimir Putin, tan iyo mar kii uu noq day M/weynaha Ruushka san nadkii 2000

Xeryaha Qaxotiga ee Dadaabka oo Lagu soo gab agayeyay Tartan ciyaarta kubada cagta ah oo ay ka qeeb galeen inkabadan 120 kooxaha kubada cagta

Waxaa Xeryaha Qaxotiga ee Dadaabka dad aab ee Kenya Lagu soo gabagayeyay Tartan ciy aarta ku bada cagta ah oo ay ka qeeb galen in kaba dan 120 kooxaha kubada ca gta oo ka kala soc day xeryaha qa xoti ga ee kala ah Ifo Dhagahley, Ha garder iyo De egaannada Marti galiyay Qaxotiga ee Dadaab iyo Faafi.

ujeedka tartankan oo ay sidawadajir ah usoo qab an qabiyeen hay,adaha samafalka ah iyo hugaanka arururada dhalinyara ee xeryaha ayaa ahaa is dhax galka dhalinyarada deganka iyo kuwa qaxotiga ah waxaa sidoo kale dhalinyarada looga digay isticmaal

ka muqadaradka iyo inla duufsado. Dhagaxley ayaa

ugu dambayntii ku guulaysatay Tartanka ayadoo ri

gooreyaal uga badisay degmada Faafi.

Fadeexadda ‘Qatargate’: Doha oo tallaabo ciqaab ah ugu hanjabtay Midowga Yurub

Qatar ayaa Shalay cambaareysay baaritaanada musuq-maasuq ee ay wadaan booliska Belgium iyo hakinta la-macaamilkii dalkan ee baarlamanka Mi dowga Yurub, ayada oo sheegtay in tani ay "si taban” u saameyn karto xiriirka labada dhinac iyo qeybinta gaaska dabiiciga ah.

Bayaan uu soo saaray dibl amaasi Qatari ah ayaa si gaar ah ugu xusay mas’uuliyiinta Belg iam, wuxuuna ku adkeystay in la isticmaalay "xog aan sax ahayn.”

Booliska dalka Belgium ayaa xiray afar qof oo ay ku jirto madaxweyne ku-xgeenkii baarlamanka Midowga Yurub Eva Kaili, oo ah xildhibaan Greece ah kadib markii ay heleen lacag dhan 1.5 milyan oo Euro. Kaili ayaa xilka madaxweyne ku-xigeen laga qaaday Khamiistii.

Lacagtan ayaa la tuhunsan yahay inay ka timid Qatar, waxaana baarlamanka Midowga Yurub uu tod obaadkii hore dalbaday in Qatar laga joojiyo xiriirka baarlamanka.

Fadeexaddan oo loogu magacdaray "Qatargate” ayaa timid xilli dalal badan oo Yurub ah ay Qatar ka doonayaan inay siiso gaaska dabiiciga ah. Qatar ayaa sidoo kale aheyd xiriirka dalalka Yurub ee Af ghanistan, waxayna kumanaan Reer Yurub ah ka caawisay in dalkaas laga soo saaro markii ay qabs adeen Taaliban.

"Go’aanka lagu soo rogay xayiraadda noocan oo kale ee takoorka ah ee xaddidaysa wadahadalka iyo iskaashiga Qatar ka hor inta aan lasoo geba-gebeyn hannaanka sharciga, waxay saameyn taban ku yeelan doontaa iskaashiga amniga gobolka iyo kan caalamka, iyo sidoo kale wadahadallada socda ee ku saabsan tamarta iyo amniga adduunka,” ayuu yiri diblamaasiga.

"Waxaan si adag u diidaynaa eedeymaha dowl addeena la xiriirinayo dha qan xumo,” ayaa lagu yiri war-saxaafade edka.

"Qatar ma ahayn dhinaca kaliya ee lagu magaca abay baaritaanka, haddana dalkeenna si gaar ah ayaa loo dhalleeceeyay oo la weeraray.”

Sida laga soo xigtay warbixinnada warbaahinta qaark ood, danaha Morocco ayaa sidoo kale wajahaya baa ritaan.

"Waxaan cambaareynta halka dhinac ah ee dalke ena u aragnaa mid looga walaaco,” ayaa lagu yiri b ayaanka. Dacwad oogayaasha Belgium ayaa sheeg ay inay baaritaan ku hayeen musuq-maasuqa baarl amanka Midowga Yurub in ka badan hal sano ka hor inta aan la qaadin howlgallada 10-kii maalmood ee la soo dhaafay.

"Waa arrin aad looga xumaado in dowladda Belg iam aysan wax dadaal ah ku bixin in ay dowladdeena kala hadasho xaqiiqada marka ay ogaadeen tuhuna daas,” ayuu yiri diblamaasiga.

Bayaanka ayaa lagu xusay xiriir "dhow” oo Qatar kala dhaxeeya Belgium.

"Dalalkeena way iskaashadeen intii lagu jiray Covid-19, Qatarna waa qeybiye muhiim ah oo gaaksa dabi iciga ah siiya Belgium,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qatar waxay dareemeysaa in si gaar ah loo beegsad aday sababtuna ay tahay xasaasiyadda kala dhala tay eedaha loo jeediyey Qatar ee la xiriira Koobka Ad duunka iyo mart-gelinteeda.

"Go’aanka ah in si gaar ah wakiillada hal waddan looga mamnuuco baarlamaanka Midowga Yurub ay aa muujinaya in xildhibaanada si weyn loo marin hab aabiyay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

"Waa nasiib darro in qaar ay ku dhaqmeen nac eyb hore oo ka dhan ah Qatar oo ay go’aanadooda ku saleeyaan xog aan sax ahayn iyo war la dusiyey halkii ay sugi lahaayeen in baaritaanka la soo gaba gabeeyo.”

Hanjaabadda Qatar ayaa imaneysa ayada oo Do ha ay leedahay awood aan caadi aheyn oo ay ku ci qaabi karto dalalka Midowga Yurub, sababo la xiriira inay tahay dalka soo saara gaaska ugu badan ee dabiiciga ah ee caalamka, oo muhiim u ah guryaha Yurub xilliga qaboobaha iyo guud ahaan xilliyada kale.

Dalalka Yurub ayaa Qatar u jiheystay kadib markii Ruushka uu weeraray Ukraine, oo ay go’aansadeen inay yareeyaan ku tiirsanaantooda gaaska Moscow.

Taliska booliska KENYA oo soo saaray ammar cusub oo difaac u ah Axmed Rashiid

Taliyaha Booliska Kenya Japhet Koome ayaa cii danka booliska dalkaasi faray inay adeegsadaan hu bkooda, isagana difaacaan tuugada, xili ay dacwad arrintaasi la xiriirta ay gudbisay IPAO.

Taliye Japhet ayaa sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan kasoo qaaday eed eymaha hay’adda IPAO oo ah tan kor meerta tacadiyada booliska Kenya.

Arrintaan ayaa u muuqata mid uu taliyuhu ku difaa cayo askariga Soomaaliga ah ee Axmed Rashiid oo loo haysto dacwad la xiriirta tuugo uu suuqa Islii ku laa yay.

Madaxa hay’adda IPAO Anna Makori ayaa si we yn u dhaleeceysay taliyaha booliska, ayada oo ugu baaqday booliska inay u hogaansamaan sharciga, ayna tixgaliyaan xuquuqda muwaadiniinta.

Axmed Rashiid oo ka tirsan ciidamada ammaan ka ee Kenya ayaa dhamaadka bishii hore maxkamad da Milimani ee Nairobi ka codsaday in kiiskiisa dib u eegis lagu sameeyo, isagoo ku dooday in dacwadda ka dhanka ah ay ku hoos duugan yihiin dano gaar ah

Hay’adda dusha kala socota booliska Kenya (IP OA) iyo xafiiska dacwadda oogaha guud ayaa hore u dalbaday in Axmed Rashiid uu hortago maxkamadda 8-dii December, si uu uga jawaabo dacwadda loo haysto oo ah in March 2017 uu suuqa Islii ku toogtay labo wiil oo dhalinyaro ah.

Askariga ayaa ku doodaya in wiilasha oo lagu ka la magacaabi jiray Maxamed Khadar iyo Jamal Max amed ay kamid ahaayeen koox dhac ka geysan jirtay xaafadda Islii, isla maalintaasna ay dhacayeen duk aamo ku yaalla dabaqa Amal Plaza ee Islii.

Dacwadda Axmed Rashiid ayaa dhageysigeeda dib loogu dhigay bisha Janaayo, waxaana la fahams an yahay in dowladda Kenya ay taageersan tahay ninkaan, ayna isku dayeyso inay ka badbaadiso dac wadaan. Axmed Rashiid ayaa sidoo kale waxa uu taageero ballaaran ka helaya shacab is abaabuley oo isugu jira qowmiyadaha kala duwan ee Kenya, ku waasi oo ku doodaya in uu wax weyn ka qabtay amn iga degmada Kamakuunji ee Nairobi oo ay qeyb ka tahay xaafada Islii.

Wararkii ugu dambeeyey ee wadahadallada Iiraan iyo Sacuudi Carabiya

Wadahadalladii ay dhex-dhexaadineysay Ciraaq ee u dhaxeeyey Iiraan iyo Sacuudi Carabiya ayaa ha kaday, sababo la xiriiira eedeymaha Tehran ee ah in Boqortooyada ay kaalin ku leedahay kicinta dibad-baxyada ka socda dlkaas, waxaa sidaas sheegay mas’uuliyiin Ciraaqi ah.

Wadahadallada ayaa loo arkay ku wa qaboojin karay xiisadda gobol ka. Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ciraaq, Mohammed Shia al-Sud ani ayaa bishii tegtay sheegay ka dib markii uu xilka la wareegay in Ciraaq la weydiis tay inay sii waddo fududeynta wadahadallada.

Si kastaba, wareeggii lixaad ee wadahadallada ee la filayey inay martigeliso Baghdad ayaan la waqt iyeyn, sababtoo ah Tehran oo diiday inay la kulanto mas’uuliyiinta Sacuudiga xilli dibadbaxyada dalkaas ka socda ay galeen bishii afaraad, sida ay sheegeen saraakiil Ciraaqi ah.

"Wada-xaajoodyadii Iiraan iyo Sacuudiga waa ay hakadeen, waxaana tani ay saameyn taban ku yeel an doontaa gobolka,” ayuu Amer al-Fayez oo ah xi ldhibaan ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibedda ee ba arlamanka Ciraaq.

Booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah ee bishii November uu ku tegay Tehran, al-Sudani ayaa cods aday dib u billaabidda wadahadallada, wuxuuna xus ay inuu u safri doono caasimadda Sacuudiga ee Riya dh dhowaan.

Hase yeeshee, Iraaniyiinta ayaa sheegay inaysan la kulmi doonin dhiggooda Sacuudiga, waxayna boqo rtooyada ku eedeeyeen inay taageereyso dibadbax yada dalka ka socda, ayada oo taageerada mariney sa kanaalo warbaahineed oo ay malageliso, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan isbaheysiga xukuma Cira aq, oo ka kooban kooxaha ay Iiraan taageerto.

Faahfaahinadan ayaa waxaa xaqiijiyey shan sar kaal oo Ciraaqi ah, oo ay ku jiraan saraakiil dowlade ed, kooxaha maleeshiyada ee Iiraan ay taageerto, iyo xubno ka tirsan xisbiyada siyaasadeed ee Shiic ada. Dhammaantood waxay codsadeen inaan la ma gacaabin sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inay arr intan kala hadlaan warbaahinta. Howlgalka Iiraan ee QM ayaa xaqiijiyey in wadahadallada ay istaageen balse ma aysan bixin faahfaahin.

"Wadahadalladii u dhexeeyay Iiraan iyo Sacuudi ga waxa ay joogsadeen kahor dhacdooyinkii ugu da mbeeyay ee Iiraan, sababo kala duwan dartood. Wax aa laga yaabaa inay mudan tahay in Sacuudiga wax laga weydiiyo,” ayay ergadu ku tiri bayaan ay soo saartay. Boqortooyada kama jawaabin codsi falcelin oo loo diray.

Diidmada Iiraan ee ah in lasii wadao wadahadal lada ayaa dhabarjab ku ah al-Sudani, oo rajeynayey in sii socoshada wadahadallada Sacuudiga iyo Iiraan ay Ciraaq ka dhigi laheyd mid sii xajisata kaalinteeda dhex-dhexaadiyaha gobolka.

Hakinta wadahadalka ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan karta gobolka, iyadoo labada waddan ay kala taageerayaan xoogagga isaga soo horjeeda isku dhacyo badan oo ka jira Bariga Dhexe, oo ay ka mid yihiin Suuriya iyo Yemen, halkaas oo Iiraan ay taageerto maleeshiyada Xuutiyiinta ee dagaalka kula jirta Boqortooyada.

Iiraan ayaa Sacuudiga ku eedeysay inay maalgeliso kanaalka wararka ee Iran International oo fadhigiisu yahay magaalada London, kaasi oo si xooggan u tabinayey mudaaharaadyada ka socda Iiiraan illaa bartamihii bishii September. Kanaalka waxa iska leh Volant Media U.K., oo ay ku jiraan saamilay Sucuudiyaan ah oo xiriir la leh qoyska boqortooyada Sucuudiga.

Tehran ayaa waxaa sidoo kale ka careysiisay bayaan si wadajir ah looga soo saaray Riyadh kadib shir madaxeedkii China iyo Carabta, sida uu sheegay sarkaal Ciraaqi oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda.

Bayaanka, ayey Sacuudi Carabiya iyo Shiinaha waxay ku sheegeen inay ku heshiiyeen "in la xoojiyo iskaashiga wadajirka ah si loo xaqiijiyo hab nabadeed oo ah barnaamijka Nukliyeerka Iran," iyagoo sidoo kale ugu baaqay Iiraan inay ixtiraamto "mabaadi'da deris wanaagga iyo faragelin la'aanta arrimaha gudaha ee dawladaha."

Shiinaha ayaa saaxiib dhaqaale u ahaa Iiraan muddo fog, ayada oo xiriirka labada dal uu salka ku hayo baahiyaha tamarta ee Beijing balse uu sidoo kale qeyb ka yahay iibka hubka.

Tehran waxay ka walaacsan tahay in xiriirka dhaqaale ee soo hagaagaya ee Beijing iyo Riyadh uu waxa ka beddeli karo xaaladihii hore, ayay yiraahdeen saraakiisha Ciraaq. AP

Tahriibayaal ay Soomaali kujiraan oo lagu xiray dalka Zambia

Ciiddan ka tirsan Hay’adda Socdaalka ee dalka Zambia ayaa waxay bishan December 14-dii u dha ceen Guri lagu hayey Tahriibayaal ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shabakada Times of Zambia oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa qortay inay Ciiddanka qaad een Hawlgalk aasi, kadib, markii lagu soo wargeliyey in Gu ri ku yaalla Degm adda Chibom bo ee Bartamaha dalkaasi lagu hayo Muhaajiriin Shisheeye ah.

Mukhalaska oo 31 jir ah, laguna magacaabo

John Mukalama iyo 14 qof oo Muhaajiriin ah ayaa laga soo qabtay gurigaasi, sida ay sheegtay Ku-Sima ha Sarkaalka Xiriirka Dadweynaha ee Hay’adda Soc daalka ee dalka Zambia, Josephine Malambo.

Waxay intaasi ku dartay inay Saraakiisha si degd eg ah uga jawaabeen Wicitaan uga yimid Haweene yda leh Milkiyadda Guriga lagu hayey Muhaajiriint aasi oo tilmantay inay Daaqada ka aragtay ilaa 14 qof oo Muwaadiniin Shisheeye ah.

Ciiddanka waxay wadaan Hawlgal ay ku baadi-goobayaan Haweeney horey u kireysatay Gurigaasi oo magaceeda lagu soo oogay Doreen Mwanza.

Mukhalaska, John Mukulama waxa uu sugayaa in Maxkamad la soo taagay, halka Muhaajiriinta oo 6 Somali tahay iyo 8 Ethiopian lagu hayo Xarun ay Asl uubta ku leeyihiin Degmadda Mwembeshi, si loo mar siiyo baaritaano dheeraad ee Nidaamka Socdaalka ee dalka Zambia.

Goolhaye Koobkii Adduunka ee 2018 taageera ahaa, kii 2022-na wadankiisa u qaaday

Emiliano Martínez, Goolhayaha Argentina waa 30 sano jir, markii uu 17 sano jir ahaa wuxuu ka ta gay qoyskiisa wuxuuna u guuray England, si uu u ca awiyo kuwa uu jecel yahay si ay oga baxaan faqriga.

axa uu sugaayay ku dhawaad ​​toban sano si uu u helo fursad uu hadda helay ee ah Boortay eeriga koowaad ee qarankiisa.

Koobkii adduunka ee 2018 wuxuu ka mid ahaa taageeray aasha xulka Qaranka Argen tina, balse dadaal badan uu sameeyay ka dib koobkii adduunka ee hadda dhammaaday 2022; wuxuu u horseeday wadankiisa inuu ku guulaysto Koobka ka dib rigoorayaal uu qabtay ciyaaro kala duwan.

Goolhayahaan waxaa taariikhdisii horay hoos u dhigtay kooxda Arsenal oo muddo 10 sano ah uu ka tirsanaa intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2020, inkastoo xirfadda dhalinyarada uu markii hore ku bilaabay haddana Arsenal waxay Amaah ahaan ogu dirtay in ka badan 5 koox oo Ingiriis ah, ka hor inta uusan safka hore u gelin Arsenal sannadii 2019 oo Goolhaye toos ah uusan u noqonin.

Martinez, 2019-kii wuxuu ka soo muuqday safka Arsenal ee horyaalka Premier League-ga, wuxuuna ka Xalayy Arsenal inay ku guuleystaan ​​FA Cup iyo FA Community Shield. Sebtembar 2020.

Isla sannadkaas 2020, naadiga Aston Villa oo hadda uu Goolhayaha koowaad u yahay ayaa ku iibsatay 20 Milyan oo Ginni. Xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee kooxda, waxa uu ilaashaday rikoorka kooxda oo 15 kulan oo horyaalka Premier League ka tirsan gool lagama dhalinin oo shabaqiisa ayuu Banooniga ka ilaaliyay.

Goolhayahaan marka laga soo tago ciyaarihii uu dhallinyarada da’da yar ku matalay dalkiisa, wuxuu fursad u helay inuu ka mid noqdo xulka qaranka Argentina 2021-kii, isagoo isla sannadkaas ka caa wiyay qarankiisa inay ku guuleystaan ​​​​Copa Amer ica 2021, isaguna wuxuu ku guuleystay Golden Glove iyo inuu ciyaartii final-ka aanan gool laga dha linin. Martinez sannad ka dib wuxuu hadda ku gu uleysto Koobka Adduunka ee FIFA 2022 ee Qatar, wuxuuna sidoo kale Axadii ku guuleystay abaalmarinta Golden Glove ama goolhayaha ugu fiican isagoona ku muta ystay qaab ciyaareedkiisa tartanka iyo rigoorayaal uu qabtay

Lamaane ku nool gobolka Kerala ee koo nfurta Hindiya Arooskooda ku soo labis tay funaanada ha Fransiiska iyo Argentina

Lamaane ku nool gobolka Kerala ee koonfurta Hindiya ayaa jacaylka iyoo Taageerada ay u qabaan kubbadda cagta mar waliba muujiya iyagoo wadanka ay kunool yihiin ee Hindiya uu caan ku yahay cayaarta Cricket-ka.

Nasiib wanaag lamaanahan oo lagu kala magacaabo Sachin R iyo R Athira ayaa Taariikhda xaf ladooda meherka waxay ku soo beeganatay finalka Axada ee ciyaartii adkeyd ee dhe xmartay Argentiina iyo Fransiiska, Sachin R iyo R At hira ayaa waxay labaduba ku soo kala labisteen dhar ka xulalkii ay kala taageerayeen ee cayaarta finalka.

Sachin ayaa taageere aad u weyn u ah xiddiga Arge ntina Lionel Messi, halka Athira ay tahay taageere aad u jecel kooxda kubadda cagta ee Faransiiska.

Saacado ka hor inta aysan labada xul ku kulmin ga roonka Lusail ee dalka Qatar mid ka mid ah ciyaarihii ugu quruxda badnaa taariikhda koobka adduunka ay aa waxa ay isku guursadeen xaflad ka dhacday ma gaalada Kochi ee Goblka Kerala.

CILMI BAARIS: LAWSKA MA WUXUU KOR DHIYAA SHAHWADA RAGGA? FAA'IIDADA LAWSKA

Isticmaalka joogtada ah ee lawska waxay hagaajin kartaa caafimaadka shahwada. Cilmi baaris ayaa muujisay.

Saynis yahano ayaa ogaaday in ka dib markii ay tijaabo ku sameeyeen rag cunay cantoobo lawska noocyada almonds, Hazelnuts iyo Jozi (walnuts) maalin kasta muddo 14 maalmood ah wa xaa badatay shahwa dooda oo safiican u shaqeeysay.

Cilmi baaristan ayaa ka danbaysay ka dib markii ay wadamada reer galbeedka laga shaaciyay in ay ka jirto dhibaato ka haysata waxtarka shahwada ragga, dhibaatadaas oo ay keento wasakhowga deegaanka, sigaarka iyo noocyada cuntada.

Cilmi-baarayaashu waxay yiraahdeen waxaa jira caddayn ah in cunista cunto caafimaad leh ay caawin karto arrimaha taranka.

Toddobadii lammaane mid ka mid ah ayaa la kulma dhibaato xagga uurka ah, qiyaastii 40-50 boqolkiiba dhibaatada waxaa sababa ragga.

Saynis yahanadu waxay 119 nin u qaybiyeen laba kooxood oo da'doodu u dhaxayso 18 iyo 35 jir:

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Koox ayaa cuntay 60 garaam oo laws ah maalintii halka kooxda kale aysan cunin lawska.

Kuwii cunay lawska ayaa waxaa isbedel ku yimid shahwadooda.

Wax-soo-saarka ayaa kordhay 14%

Kororka 4% ayay shahawadooda korortay

Xawaaraha ayaa kordhay 6%

Qaabka shahwadada 1%

Natiijooyinkani waxay muujinayaan in isbeddelka qaab nololeedka sida cunista cunto caafimaad leh ay faa'iido leedahay.

Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baarayaashu waxay caddeeyeen in ragga loo adeegsaday daraasaddan dhammaantood aysan lahayn dhibaatooyin xagga taranka ah, sidaas darteed ma cadda in natiijada daraasadda loo isticmaali karo xitaa kuwa dhibaat ooyinka taranka ay haysatoXIGASHO:-BBC

SADDEX MADAXWEYNE OO AFRIKAAN AH OO AY FADEEXAD KU DHACDAY IYAGOO FAGAA RE JOOGA SALVA KIIR MAYARDIT

Maalmahan waxaa si weyn u faafay muuqaal laga arkayo madaxweynaha Suudaanta Koonfureed, Salva Kiir Mayardit oo ay surwaalkiisa qoysay wax u muuqday kaadi xilli uu ku sugnaa meel fagaare ah oo ay ku wehlinayeen mas’uuliyiin kale iyo warbaahinta.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip