Hadal-heyn weyn oo ka dhalatay mowduuc uu ka hadlay Raysul Wasaare Xamza

0
Monday December 19, 2022 - 22:47:33 in Wararka by
  • Visits: 320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadal-heyn weyn oo ka dhalatay mowduuc uu ka hadlay Raysul Wasaare Xamza

    ,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,,


Raysul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre

XIGASHADA SAWIRKA,OPM SOMALIA

Qoraalka sawirka,

Raysul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre

Baraha Bulshada ayaa si weyn loogu faafiyay qeyb ka mid ah khudbad uu Raysul Wasaaraha Soomaaliya ka jeediyay munaasabadda maalinta la dagaallanka Musuqmaasuqa Adduunka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in "musuq-maasuqu uu sabab u yahay [in laga gaabiyo] wax walba oo horumar ah oo laga sameyn lahaa dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo guud ahaan horumarka bulshada.

Hase yeeshee waxaa hadal heyn u ballaaran ballaaran dhaliyay hadal qeyb ka ahaa khudbadda Raysul Wasaaraha oo u uku bartilmaameedsaday saxaafadda, kaasoo dad badan ay ku falanqeeyeen baraha bulshada.

‘Tuugga dowladda ku jira’

"Saxaafaddu waxay xor u tahay - intey iska daayaan waxyaabaha aan micnaha lahayn iyo beenta – waxay u fasaxan tahay in ay toosh ku ifiyaan qofka tuugga ah ee dowladda ku jira, shaqadoodu waa middaas,” ayuu yiri Raysul Wasaaraha.

"Waa in toosh lagu ifiyaa [qofka tuugga ah ee dowladda ku jira], waa in la yiraahdo wuu xaday laakiin waxa la sheegayo waa in uu sax yahay,” ayuu sii raaciyay.

Ka bood Twitter boggan
Qoraalka Muuqaalka,Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka Twitter boggan

Isagoo hadalka sii wata ayuu Eaysul Wasaare Xamse saxaafadda ka dalbaday in aysan waxyeello geysan.

"Laakiin intii isagii laaluush la weydiisto markii uu diido in been… taasi waa borobagaando kale. Waa isbaaro, waxyaabaha dhibaatada keena ayey ka mid tahay. Waan ku caayi, waan ku dhibi, been baan kaa sheegi haddii kale lacag isii. Saxaafaddii haddey naga soo gashay isbaaro iyo tuugnimo yaa ilaalinaya [sharaftii],” ayuu yiri Xamza.

"Kacdoon kale”

Raysul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre

XIGASHADA SAWIRKA,OPM SOMALIA

Raysul Wasaare Xamze ayaa sheegay in dowladda oo kaashaneysa saxaafadda iyo ururrada bulshada rayidka ah ay dagaal la geli doonto Musuqmaasuqa.

"Xukuumaddan, cadowga ugu xiga Al-Shabaab ee ay la diriri doonto waa musuqa haddii ilaahay yiraahdo. Wey naga go’an tahay inaan musuqa la dirirno, mana aaminsani in dalkan tallaabo la qaadi karo haddii aan musuqa lala diririn laakiin taasi waxay u baahan tahay taageero bulshadeed.”

"Musuqa ma aha hay’adaha dowladda keliya. NGO-yada musuqa ku dhex jira ayaan la dagaallameynaa, kuwa hay’adaha caalamiga ah ee nala jooga ay sameynayaan baan la dagaallameynaa, musuq kasta, midab kasta ha lahaadee waa inaan la dirino,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu intaas ku sii daray; "Hadda waxaan abaabuleynaa kacdoon kasoo hor jeeda Shabaab sooma aha?, waa inaan sameyno [kacdoon musuq la dagaallan ah].”

Hadal heynta ka dhalatay khudbadda Raysul Wasaaraha ayaa timid maalmo ka dib markii baraha bulshada si weyn loogu faafiyay hadal uu dhawaan ka jeediyay kulanka isku duwidda howlaha nidaamka Caafimaadka dalka iyo xuska munaasabadda maalinta caalamiga ah ee yoolka caafimaadka oo ay wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda JFS ku qabatay Magaalada Muqdisho.

Hadalka aad la isula dhex maray ayaa erayadiisa waxaa ka mid ahaa: ""Waxaa la soo gaaray xilligii aan ka fakari lahayn in dadkeennu ay bani’aadam yihiin, xilligii aan go’aansan lahayn inaan u noolaanno sida bani’aadamku u nool yahay".

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip