HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 18-KA DICEMBAR 2022-KA

0
Sunday December 18, 2022 - 08:43:21 in Wararka by
  • Visits: 467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 18-KA DICEMBAR 2022-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhow aaqay shirweyne lagu dhisayo Gole Sare

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhowaaqay in dowladda fede raalka ay qabaneyso shirweyne lagu dhisayo gole sare oo Islaami ah.

Xasan Sheekh ayaa hadalka ka sheegay mag aalada Minneapolis oo uu habeen hore kula ha dlay Jaaliyadda Soomaaliyeed.

"Waxaan qabaneyn aa Shirwe yne Culimada Soomaal iyeed is ugu imana yaan oo aan kaga ta shaneyno dhisid da Golaha Sa re ee illaalinta Shareeca da Isl aamka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

"Al-Shabaab waxay ku xadgudbeen wax walba oo ay diinta Islaamka reebtay. Shalay dowladda waxay u taagan tahay inay dhisto hay’adaha dow ladda ee ilaalin lahaa diinta sida Golaha Fatwada.”

Madaxweynaha faah-faahin kama bixin sida lagu soo xuli doono culimada ka mid noqon doo nta golahan, ayada oo la ogyahay in culimada dalka ay ka kala tirsan yihiin firqooyin kala duwan.

Dowladda federaalka ayaa xilligi madaxweyne Farmaajo waxay inta badan ku xirneyd kaliya culimada Ictisaam ama Salafiga oo badankood loo arko inay fikir ahaan yihiin xagjir.

Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu horey u sheegay in Al-Shabaab aan looga adkaan karin militari ahaan balse ay qasab tahay in dhan ka fikirka lagala dagaalamo.

"Militarigu waa qayb muhiim ah si kooxahan Khawaarijta looga guulaysato balse marka aan ka hadlaynno duruufaha Soomaaliya waxaan go’aan sannay in labo jihood lagu siyaadiyo dadaallada socda: Dagaal fikir iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka ka le carabka ku adkeeyey inuu gabagabo yahay qo rshaha looga taqalusayo Al-shabaab, sida fikirka, furimaha dagaalka iyo dhanka maaliyadda oo ah seddax jiho ee dagaalka looga qaaday kooxda.

"Waxaan idin sheegaya in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka ay u kaceen iney ka xoreeyaan Argagixisada, hada waa gabagabo howlgalada la gu xoreynayo oo lagu ciribtiraayo cadawga Al-shabaab, maalmahan xaalada Shabaab-ka waxa an ku sifeeya Kaluun biyihii ka gureen oo aan sii noolaa doonin,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Dowladda oo lagu wareejiyay rag hubey san oo qeyb ka noqonaya dagaalka

Dadka deegaanka Furqaan ee gobolka Shabe ellaha Dhexe oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ayaa Shalay Taliyaha Ciidanka Dhu lka XDS ku wareejiyay rag hubeysan.

Raggaan hubeysan ayaa hadda kadib waxay qeyb ka noqonayaan dagaalka socda ee ka dhanka Al-Shabaab, si looga sifeeyo deegaanada ay weli ku harsan yihiin.

Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa uga mahad-celiyay reer Furqaan garab istaaga ay u muujiyeen Ciidanka Qaranka iyo sida ay uga go’an tahay la-dagaalanka arga gi xisada. Madasha wareejinta ciidanka iyo saana do oda ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Aga asimaha Waaxda Canshuuraha Beriga ee Wasaa radda Maal iyadda, Muxyadi in Xa san Jurus iyo saraakiil ciidan.Tallaabadan ay aa jawaab u ah baaq uu dha waan jeediyay Jeneraal Biixi, kaasi oo ah aa in dad ka deegaanka ay iska soo dhex xulaan ciidan mac awiisley ah oo ciidanka xoogga ku garab siiya dagaalka Al-Shabaab.

Deegaanka Furqaan oo hoostagta degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa sanado badan gacanta ku hayay Al-Shabaab, waxaana hadda ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dha waan ka xoreeyay argagixisada.

Gudoomiyaha golaha Shacabka oo shaaciyay xilliga la qaban doono dib-u-heshiisiinta Koon fur Galbeed

Wada-tashiyadii shirkii dib-u-heshiisiinta Koon fur Galbeed uu ku baaqey Gudoomiyaha Golaha Shacabka M.ne Sheekh Adan Maxamed Nuur (Ma doobe) oo maalma han ka socd ey mag aalooyin ka Xudur iyo Baydhabo ayaa lasoo gaba-gabeeyey.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ay aa soo saarey baaq shir dib-u-he shiisiin ah 19-kii bi sha Nofeembar 2022-ka, markii uu arkey xaaladaha adag uu maraayo dalka gaar ah aan Koonfur Gal beed wuxuu soo jeediyay in la qa bto shir dib u heshiisiin ah luguna qabto magaa lada Baydhabo. Sidoo kale waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda KGS.

12-ka bisha Diseembar wafdi uu hogaamina ayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka koob an xildhibaano Dowladda Federaalka ah oo deega an doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed iyo aqoonyahano ayaa gaarey magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool si ay uga bilaabaan ge ediga wada-tashiga shirka dib-u-heshiisiinta ah.

Ugu horeyn Gudoomiyaha iyo wafdigiisa waxey la kulmeen maamulka heer gobol iyo heer degmo, odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada qey bahooda kala duwan, waxay aad u soo dhoweeye en dadaalada Gudoomiyaha uu ugu jiro qabasha da shir-weynaha dib-u-heshiisiinta ah oo ka dhici doona magaalada Baydhabo.

14-kii bisha Diseembar Gudoomiyaha iyo wafd igiisa waxey soo gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee DGKS oo ah hal ka loogu madlan yahay in lugu qabto shirka dib-u-sheesiinta.

Ugu horeyn Gudoomiyaha iyo wafdigiisa waxey la kulmeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen asigoo soo dhoweeyey da daalada dib u heshiisiinta ah uu wado Gudoomya ha Golaha Shacabka.

Inta uu ku sugnaa Gudoomiyuhu magaalada Baydhabo wuxuu la kulmay odayaasha dhaqanka, qeybaha kala duwan ee ururada bulshada iyo la amaha amaanka qeybahooda kala duwan. Sidoo kale odayaasha dhaqanka ayaa soo dhoweeyay qabashada shirweynaha dib u heshiisiinta waxey na ku baaqeen in sida ugu dhakhsiyaha badan loo qabto shirka.

Gunaanadkii kulamadii uu la yeeshey gudoom iyaha Golaha Shacabka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dhamaan qeyb aha kala duwan ee bulshada waxey isla qaateen:

1- In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulsh ada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsat ada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu is taagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

2- In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta hay ’adaha dowladda ee labada heer (fedaraal iyo do wlad goboleed) si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta.

3- In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

4- In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiy aha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shi rka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.

5- Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Bay dhabo.

6- Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaliya ayaa ka mahad celinayaa soo dhow eyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Ukraine Oo Digniin Ka soo Saaray Weeraro Culus Oo Ruushka Uga Yim aada

Madaxweynaha Ruushka, Volodymyr Zelen sky, ayaa sheegay in Ruushka uu haysto gantaalo ku filan, oo uu ku qaado weeraro culus oo ka dhan ah dalka Ukraine…

Injineerada ayaa sii wada sha qada ay dib ugu soo celinay aan koro ntada, ka dib weerar adii waa weynaa ee Jimcihii oo la adeeg saday 76 ga ntaal.

Weerarada ayaa lala beegsaday kaabayaa sha ray idka, iyadoo he erk ulku uu hoos uga dhac ay ebe r gobolo badan.

Madaxweynaha Ru ushka, Vladimir Putin, ayaa la tashiyo ku saa bsan mustaqbalka dag aalka la sa meynayey taliyayaashiisa ciidamada.

Aqalka Kremlin-ka, ayaa sheegay in Putin uu Jimcihii oo dhan ku sugnaa xarunta howlgalka mil itari ee Ruushka.

Magaalada Kyiv, ay aa ku eedaysay maamul ka Moscow inay jiilaalka u adeegsatay hub ahaan, iyada oo bartilmaam eed sanaysa xarumaha muhi imka ah marka heerkulku hoos u dhaco.

Balse madaxweynaha Ruushka, ayaa horaantii bi shan wacad ku maray inuu sii wadi doono duqey maha uu ku hayo kaabayaasha dhaqaalaha ee Ukraine, isagoo sheegay in dhaleeceynta duqeym aha Ruushka, aysan faragelin doonin "howlgalko oda dagaalka”. Xildhibaannada ayaa ugu baaqay Laftagareen in uu qabto doorasho ku dhacda

xilligii loogu tala galay


Jeyte oo lacag u ballanqaaday Shabaab kasta oo soo dila Shabaab kale

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cis maan ayaa ballanqaad lacageed u sameeyay xu bin kasta oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, ee soo dila Shabaab kale.

Gudoomiyaha ayaa Shalay kormeeray deegaa nada Beerxaano, Trejante, Nuur Fanax, Ceel la-helay iyo deegaano kale oo dhaca koonfurta Magaa lada Beledweyne.

Gudoomiyaha ayaa u kuurgelayay xaaladda am ni, midda nololeed ee bulshada halkaasi ku dhaqan iyo weliba dhiirige linta Ciidanka Xoogga Dalka & kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha hore.

"Waxaa jira bahal la yiraahdo baal-dhiig, horta Shabaab waa baal-dhiig Soomaali ku dhex nool, haddaynaan saarin annagaa dhimanayna, hadda an baal-dhiigga baalka ka saarnana, annagaa ba dbaadayna.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Hii raan oo ciidamada kula hadlayay deegaanka Ceel la-helay, isagoona intaasi raaciyay "Baal-dhiigga sidii loo saari lahaa ayaana rabnaa inaan ka tasha no, baal-dhiiggana meeshaanuu ku jiraa.”

Gudoomiyaha ayaa yiri "Kii mid Shabaab ah soo dila, asaguna Shabaab ah ee Shabaab kale soo dila ee soo gala, lacag inaan siinayno. Kii ho re waxaan niri 5 kun baan bixinaynaa soo maaha? 10 kun oo dollar baan bixinaynaa maleeshiya Sha baab ah oo maleeshiya kale oo Shabaab ah, ha dduu soo dilo, isla-markaana ka soo gala. Hadduu kuwaan iyaga ah ee horjoogeyaasha u ah, sida Cali Dheere maba la heli karaba, lacagta aan had da u dhiibnay ayaan u saddex jibaaraynaa.”

Waxa uu intaasi ku daray "Kuwa Shabaabka ah ee wiilasha yaryar ee Soomaaliyeed dhiiggoo da caadeystay inay baneystaan ee dhaqaale ku raadinaya kuwa aad ilaalineysaan soo dila, lacag baanu idin siinaynaa, cafisna waa tihiin. Madaxw eynihii Jamhuuriyaddaa idin ballanqaaday cafiska, anna lacagtiiyaan bixinayaa, maxaa idinka hallaa baya? Adduunka meeshaad doontaana waad tega ysaan. Haddaad Cali Dheere soo dishaan soddon kun oo dollaraa bash kugu siinaa, Madaxweynuhu waa ku cafinaa, wixii kale oo aad ka sii heli karta na ka sii hel, dhabahaga horey u qaad.”

Gudoomiye Jeyte oo leh abaabulka iyo dard argelinta hawlgalada ka socda gobolkaasi ayaa haatan u kaba gashanaya, sidii maleeshiyadaasi lagaga saari lahaa deegaanada dhaca Jiinka We biga Shabelle.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo sha aciyay in ciidamada amaanka oo soo xiray ma calin dugsi Qur’aan

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in ciidamada

amaanka ay Shalay soo xireen macalin dugsi Qur’aan oo lagu eedeeyay in uu kufsi u geystay saddex gab dhood oo yar yar.

Gabdhaha loo haysto macalinka dugsiga in uu kula kacay kufsiga ayaa labo kamid ah da’dooda ka yar tahay 10-sanno jir.

Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaal iya Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in macalinka uu ku xiran ya hay saldhiga magaalada Dhuusamareeb.

" Taliska Boliiska Galmudug gaar ahaan sal dhiga degmada Dhusamareeb ayaa ku guuleystay soo qabashada Edeysane Shuceyb Cabdi Max amuud 27 jir macalin dugsi ah oo 3 gabdho oo la bo ay yihiin 9 jir midna ay tahay 7 jir kufsi u gey stay,” ayey tiri Jeneraal Zakiya.

Waxay sii raacisay qoraalkeeda "Waxaana u mahad-celineynaa bulshada sida hufan nagala shaqeysay soo qabashada eedeysanaha. Bulsho iyo boliis is kaashado waxeey ka hortagi karaan balo walba.” Dhacdadaan kufsiga ah ee lagu eed eeyay macalinka dugsiga ayaa noqotay mid bulsh ada aad uga argagaxeen, waxayna hadal heyn badan ka dhalisay Galmudug, gaar ahaan magaa lada Dhuusamareeb

Guudlaawe oo kormeeray Isbitaalka Degmada Aadan

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), oo uu wehliyo Gudoom iyaha Gobolka Shabellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan ayaa kormeeray Isbitaalka Guud ee Degmada Aadan Yabaal.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa malee shiya da Al Shabaab ku eedeeyay inay burburiyeen isbi taalkaasi, oo muhiim u ahaa dadka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa Shabaabka ku eedee yay in ay cadow ku ahaayeen nolosha iyo horumarka bul shada deegaanka, haddii ay burburiyeen goobihii caafimaadka, waxbar ashada, ceelashii biyaha, dugsiyadii Qur’aanka iyo Masaajidda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka reer Aadan Yabaal ay hadda xor ka yhiin Shaba ab, ayna tahay inay ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo horumarka deegaankooda.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa ballanqaad ay in maamulkiisu uu wax badan ka qaban doono adeegyada bulshada iyo sidii dib-u-dhis loogu sa mayn lahaa goobihii ay Shabaabku burburiyeen.

Waa markii 2aad oo Madaxweyne Guudlaawe uu booqdo degmadaasi, wixii ka dambeeyay 6-dii bi shan, markaas oo ay la wareegeen Ciidanka Xoo gga Dalka iyo Xoogagga Macawisleeyda

DF oo shaacisay tirada Shabaab Shalay lagu laayey degaanka Daaru-naciim

Ciidanka xoogga dalka ayaa Shalay kooxda Al-Shabaab ku laayey deegaan lagu magacaabo Daaru-naciim oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

War ay baahisay warbaa hinta dowladda Soom aaliya ayaa lagu xaqiijiyey in Al-Shabaab Shalay deega an kaas looga dilay 40 dag aa lame, kuwaas oo isku uruursanayey degaanka Da aru-naciim.

"40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeen tuulada Daa ru-naciim oo ahayd saldhig ay isku abaabulayeen khawaarijtii laga xoreeyay deegaanka Alkowthar ee gobolka Shabeellada Dhexe,” ayaa lagu yiri warkaan ay tebisay warbaahinta dowladda.

Warka dowladda ayaa intaas ku sii daray, "Ciidan ka ayaa baabi’iyay fariisimihii Khawaarijtu isku uruursanayeen, waxaana Daaru-naciim iyo dadke eda harsanayaan niicowda xorriyadda.”

Wararka madaxa banaan ee laga helayo dee gaanadaas waxay sheegayaan in Al-Shabaab la gu duqeeyey Shalay gelinkii hore deegaanka Daa ru-naciim, halkaas oo aad loogu laayey kooxda.

Sawirro laga soo qaaday goobihii lagu laayey kooxda ayaa muujinaya meydad aad u badan, iyadoo dagaalyahanadii Al-Shabaab ay ku wada dhinteen dhufeysyadii u qodnaa.

Wafdi Gaaray Degmada Ceelwaaq + Ujeedka

Wafdi ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliy ayaa Shalay gaaray degmada Ceelw aaq ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, iyagoona halkaas ay kusoo dhaweeyeen mas’uu liyiinta Maamulka degmada iyo qeybaha bulshada.

Wasiirka

Wasaaradda Ganacasiga iyo Warshadaha Xu kuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hogga aminayay wafdiga oo ay qayb ka ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland iyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Jubbaland.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo agaasime ku-xigeenka hay’adda maareynta musiibooyinka Dowladda Federaalka.

Ujeedka safarka mas’uuliyiinta gaaray degm ada Ceelwaaq ayaa la xiriirta xalinta shaqaaqo dhowaan ka dhacday degmada Ceelwaaq iyo in ay gurmad gaarsiiyaan dadka ay abaartu saamey say ee ku nool Ceelwaaq.

Wasiirka Wasaaradda Ganacasiga iyo mas’u uliyiinta la socda ayaa la kulmi doona Maamulka degmada, si loo xaliyo shaqaa qadii ka dhacday degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, iyaga oo sidoo kale na dadka ay abaarta saameeys ay gaarsiin aya gurmad.

Al-Shabaab Oo Bilowday Afduubshada Qoys aska Ciidamada Macwuusleyda.

S/guuto C/llaahi Cali Caanood oo ah afhayeenka ciidamada milateriga Soomaal iya ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay bilowday afduubashada qoysaska ciidanka macwuusleyda ee qeybta ka ah gulufka ka dhanka ah kooxdaasi.

Sababta kooxda ay talaabadaasi u qaaday ayuu ku sheegay iney ka caroode en in qoysaska ay afduubte en caruurtooda ay hubka qa ateen, howlgalka deegaano dhowr ah looga saarayna ay kaalin fir fircoon ku lahaayeen. "Waxay soo kaxe ysteen qoysas badan, sababtoo ah waxay ku eed eeyeen inay wiilashooda u fasaxeen inay ku biiraan Macawiisleyda, waxayna sheegeen in wiil ashooda ay hubka u qaateen Al-shab aab,” ayuu yiri S/guuto C/llaahi Cali Caan ood.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay inay Al-shabaab kala wareegeen ku dhawaad 70 deegaan. Magaaladii ugu dambeysay ee weyn ee lagala wareego waxay ahayd degmada Aadan Yabaal oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe

Wafdi Ka Socda Xukuumadda Oo Shalay


Wasiir Janan oo faahfaahiyay sababta ay u tageen Gedo

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cab dirishiid Janan oo gaaray gobolka Gedo ayaa she egay in uu halkaasi u tagay in uu fuliyo baaqii mad axweyne Xasan Sheekh ee ahaa in lala dagaalamo Al-Shabaab, lana abaabulo shacabka.

Janan ayaa gaaray magaa lada Dooloow, wuxuuna qeyb ka ahaa wafti uu hoggaaminayay Senator Jeneraal Cabdullaahi Fartaag, kuwaas oo mar kiiba heshiis la gaaray maamulka gobolka Gedo ee uu hoggaaminayo Axmed Buule Gareet.

Qorshahooda ayuu ku tilmaamay in Al-Shabaab ka saaraan magaalada Bu’aale ee xarunta gobol ka Jubbada Dhexe,isaga oo beeniyay in ay leey ihiin wax ajande siyaasadeed oo aanan ahayn in Alshabaab lala dagaalamo.

Wafdiga gaaray Gedo ayaa gobolka kasoo ga lay dhanka Kenya kadib markii dhawr jeer ay u su urtagali weysay in ay kasoo galaan dhanka Muq disho oo laga celiyay.

Dhanka kale, hay’adda nabad sugidda iyo sir doonka NISA ayaa mas’uul cusub usoo magacoo wday booskii uu ka baxay Col Bakaal Kooke oo la gu diley qarax loo dhigay inta u dhaxaysa Doo loow iyo Luuq. Taliyaha cusub waxaa lagu maga caabaa Sareeye Guuto Axmed Xasan Sare.

Dowladda Soomaaliya oo beesha caal amka ka codsatay dhaqaale joogto ah si looga hortago macluusha abaaraha

Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay bee sha caalamka in la joogteeyo dhaqaalaha lagu bix inayo gurmadka abaaraha iyadoo 8.3 milyan oo qof la filayo in ay soo wajahdo xaalad cunto yara an bartamaha sanadka 2023-ka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ergeyga Mada xweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Aba araha ayaa sheegay in in ka badan 7 milyan oo qof ay weli u baahan yihiin gargaar cunto, wuxuu na ku booriyay deeq bixiyayaasha in ay si deg deg ah wax uga qabtaan arrintaan.

"Xaaladdu wali waa halis. Afar xilli oo xiriir ah oo roob la’aan ah ayaa sababay abaartii ugu dar neyd muddo 40 sano ah,” ayuu Cab diraxmaan Cabdishakuur ku yiri warsaxaaf adeed uu kasoo saarayo Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku baaqay in mudnaanta la siiyo soo kabashada iyo dhisidda adkeysiga si loo yareeyo bulshooyinka nugul ee ay saameeyeen abaaraha soo noqnoqday.

"Guud ahaan gargaarka bini'aadantinimo ee Soom aaliya lasiiyey tan iyo macluushii 2011-kii waxa uu gaareyaa 5 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, ha ddana abaaruhu waa soo noqnoqdeen, waxaana weli wajahaynaa khataraha macluusha," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu tilmaamay in badbaadinta nolosha ay ta hay mudnaanta koowaad, balse ma algelinta must aqbalka fog, ayuu sidoo kale sheegay inay muhiim tahay, Hadalkan ayaa yimid ka dib markii xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrima ha bin i'aadantinimada ee OCHA uu Isniintii sheegay in la yareeyay in abaaraha ka jira Soomaaliya isku beddelaan macl uula sababtoo ah hay’adaha ga rgaarka ayuu sheegay inay caawiyeen dadka garg aarka cunto u baahnaa.

Faah Faahin: Mas’uul Ka Tirsanaa Maam ulka Degmada Afgooye Oo Habeen hore La Dilay

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa Habeen hore degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Ho ose ku dilay Guddoomiyihii dhallinyarada degma daas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xaaji Xasan, sida uu xaqiijiyay Maamulka degmadaas Afgooye. Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay waaxda Xaawo-waako ee Afgooye oo uu Guddoomiye Wa axeed ka ahaa Maxamed Xaaji Xasan oo u geer iyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, waxaana goobta ka baxsaday raggii ka dmbeeyay falkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka degmada ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay, isal markaana ka qaaday meydka marxuumka, si doo kalena sameeyay howlgal baaritaano oo lagu baadiyay kooxihii dilay Guddoomiyihii dhal linya rada Afgooye.

Dhinaca kale Guddoomiyaha degmada Afgooye ahna duqa Magaa lada Cabdull aahi Maxam ed Cismaan ayaa waxaa uu ka tacsiyeeyay gee rida Guddoomiyihii Waaxda Xaawa-Taako Marxu um Maxamed Xaaji Xasan oo kooxo hubeysan ay dileen.

"Inaa lillahi wainnaa ileyhi raajicuun. ASWT Ha u naxriisto Wllkeen Maxamed oo xubi muhiim ah u ahaa Maamulka Degmada. Waxaa uu ahaa nin Dhalinyar oo howlkar ah hoggaana u ahaa dhalli nyarada degmada waxaan Ilaahey u weydiinayaa inuu ka Waraabiyo Janatul Fardowsa. anagana sa mir iyo Iimaan naga siiyo” ayuu yiri Guddoomiye Cabdullaahi.

Diyaarad kuwa qaadka ah oo ku burbur tay garoonka diyaaradaha ee Cabudwaaq

Diyaarad kuwa qaadka keena ayaa goor dhowayd ku burburtay garoonka diyaarad aha ee magaa lada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud, wax yar kadib markii ay isku day day inay kasoo da gto halkaas.

Diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda Blue bird ayaa Qaad kasoo qaadday magaa lada Muqdisho, waxayna u kiraysnayd ganacsato Soomaaliyeed oo Qaadka kasoo dhoofsada dalka Kenya.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in diyaar addu shil gashay, kaddib mar kii ay lugaha u bixi waayeen.

Ma jiraan wax khasaare nafe ed ah oo lasoo wariyay, mar ka laga reebo burbur xooggan oo soo gaaray diyaaradda.

Goobta diyaaraddu shilka ku gashay, wax aa meel aan ka fogayn farriisin ciidan ku leh maleeshi yo beeleed kasoo jeeda Cabu dwaaq.

Dhawaan maleeshiyaad careysan ayaa la ware egay garoonka Caabudwaaq, kuwaas oo ka gado oday habka loo maray dhis maha golaha deega anka ee degmada Cab udwaaq.

Maleyshiyaadkan ayaa waxay ka cabana yeen in aan lasiin saamigii ay beel ahaan u lahaayeen

Muuse Biixi Oo Markii Ugu Horreysay Shaac iyay Xilliga Ay Dhaceyso Doorash ada Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay doorashada ka dhaceysa Somali land, xilli uu khilaaf xooggan oo la xiriira doora shada uu ka dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo Madaxda xisbiyada muca aradka Somal iland.

Madaxweyne Muuse Biiixi ayaa waxaa uu shee gay in sanadka cusub ee 2023 uu Maamulka Som aliland u noqon doono sanad doorasho, isla mark aana 28-ka bishaan December 2022 ay bilaabane yso diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha doorasho oyinka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in 28-ka January 2023 lasoo gaba-gabeyn ayo diiwa an-gelinta cod-bixiyeya asha doora shooyinka Somaliland, isagoona shacabka gaar ahaan dad ka uu ka lumay kaararka codbixinta ka dalb aday inay fursad heystaan oo ay kararka qaatan.

"Sanadkan dhowaan bilaabanaya wuxuu noq on doonaa, Insha allaah sanad doorasho, is diiw aan-gelinta waxay bilbaaneysaa 28-ka bishaan waxay dhammaaneysa 28-ka January. Qaranka guud ahaan waxaa ugu baaqayaa ciddii kaarka ka lumay ama kuwa qaadanaya in la siiyo fursad,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Wuxuu intaas sii raaciyay hadalkiisa Madaxweyna ha oo ka hadlaayay furitaanka ciyaaraha tartanka horyaalka Somaliland ""Gobollada aan hore isu diiwaangelin waxan ugu baaqayaa inay isdiiwa angeliyaan oo ay Shalay codkooda kaga qaybgal aan dalka hoggaamintiisa”.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu siyaasiyi inta mucaarad ka ku ah ee kasoo horjeeda ugu baaqay inay isku diyaariyaan tartanka, ayna ka fakiraan hadallada ay jeedinayaan, si aysan u dhaawicin Som aliland.

Somaliland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaas adeed oo cakiran, taas oo ka dhala tay doorasho oyinka, waxayna xiisa ddu ka sii dartay markii xisb iyada mucaarad ka ay si weyn uga biyo diideen muddo kordhinta loo sameeyay Muuse Biixi Cabdi.

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Muwaadin Sooma aliyeed Oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo Dorraad fal dhaa wac ah loogu geystay gudaha Koonfur Afrika ayaa u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray weerar kooxo hubeysan oo burcad ahaa ugu geysteen goob dukaan uu ku sugnaa, sida ay ku warrameen dad Soomaali ah.

Allaha u naxariistee Muwaadinka Soomaaliga ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ism aan Maadeey Maxamed, wuxuuna kamid ahaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee goobaha Ganacsi ku leh dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ee Go bolka north west Mostapha Shirwac ayaa xaqii jiyay inuu Ismaan Maadeey u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray rasaas ay ku dhufteen burcad hubeysan, kuwaasi oo falka ka dib ka baxsaday goobta.

Guddoomiy Shirwac ayaa tacsi u diray qooy skii iyo eheladii iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Muwaadinka Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa uu laamaha amniga ee dowladda ee deegaanka Damonsville ee Koonfur Afrika uu ku wargaliyey falka dilka ee loo geeystay muwaadin ka Soomaaliyeed iyo dhaca dukaanka.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal inta badan dhibaatooyin kala duwan loogu ge ysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku leh goobaha Ganacsi, mana jirto cid iska xil-saartay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin ka soo noq-noqday.


Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday 8 eedeysane

Maxkamadda Ciidamada ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Koox loo haystay Argagixi sanimo, waxa ay kawada shaqeeyeen Dilal qor shaysan iyo dhacdooyin kale oo Arbushaad ah.

Isku day ay ka sameeyeen 17-kii Septe mber San adkan Jidmariixaan Howladaag ayay ku fashil meen, waxaana u sahalanaa tay Ciidamada aan Muuqan ee Nabad-Sugidda in ay ku soo simeen gacmaha Sharciga.

Todobaad kadib Shalay ayay Maxkamadda ku kala Xukuntay :-

1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Xaa nshi Faarax oo ku geeriyooday Weerar Arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo Jiidayay Bajaaj Shil ku Gashay Ceelasha September 7-deedii sanadan 20222 balse dhaawa caasi uu u geeriy ooday 20-kii October Sanadkan.

1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah

1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah

2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga 18 June Sanadkan, waxaana xukunsanaha dhaawacd dhabarka ah ka soo gaaray Xabado iska caabin ah oo uu riday Marx uumka ka hor inta uusan Geeriyoon.

2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil

2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil

3-4 Caddow Axmed Calasow iyo Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud ayaa lagu wada xukumnay Min Sideed Sano oo Xabsi Ciidan, waxa ayna ahaayeen Madaxa Gaa diidka kooxda iyo Kan Caafimaadka

Caddow Axmed Calasow - 8 sano Xabsi Ciidan ah

Caddow Axmed Calasow – 8 sano Xabsi Ciidan ah

Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud - 8 sano Xabsi Ciidan ah

Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud – 8 sano Xabsi Ciidan ah

5-Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo lacag ka badan sedax kun dhex martay oo uu ku dabiibay xukunsaha labaad ayaa lagu xukumay Shan-sano oo xabsi Ciidan ah.

5-Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen - 5 sano oo Xabsi Ciidan ah

5-Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen – 5 sano oo Xabsi Ciidan ah

6-Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle oo ahaa Furaha hayaha Guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawac mo argagixisada ayaa lagu xukumay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah.

6-Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle -3 sano oo Xabsi Ciidan ah

6-Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle -3 sano oo Xabsi Ciidan ah 7-8 Aadan Nuunow Maxamed Kabiila iyo Dahabo Cabdi Cusmaan Maxamed ayay Maxkamaddu ku wayday wax dambi ah, waxa ayna u celisay Xorriyadooda

QM Oo Dib U Dhigtay Go’aano Ku Saabsan Dalalka Afganistaan, Myanmar & Liibiya

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa Jimcihii Dorraad, markale dib u dhigay go’aan ku saabsan aqbalida matalaadda Urururada Caalamiga ah dalalka Afgaanistaan iyo Myanmar.

Sidoo kale Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu dib u dhigay go’aan ku saabsan codsiyada Liibiya ee ka qeyb galka Urururada Caalamiga ah

Golaha oo ka kooban 193 xubnood ayaa ansix iyay go’aanka guddiga aqoons iga ee Qaramada Midoobay, kaas oo dib u dhigaya codsiyada la xariira matal aadda Liibiya, Afgaanistaan ​​iyo Myanmar.

Dib u dhigista matalaada dalalka Myanmar, Afgaa nistaan ​​iyo Liibiya, waxay ka dhigan tahay in erga da hadda jirta ay wakil ugu sii ahaan doonaan Qar amada Midoobay, inta laga gaaraya kalfadhiga 77-aad” ee Golaha Guud, kaas oo dhicidoona bisha Sebtembar ee sanadka soo socda.

Golaha militariga Myanmar iyo Daa libaan ayaa sanadkii hore cod saday in dalalkooda la siiyo matalaad, kadib mar kii ay talada kala waregeen dowladahii hore uga talinaayay Afghanistan iyo Myanmar.

Ururka Midowga Yurub oo ugu hanjabay shirkadda Twitter-ka cuna qabateyn

Midowga Yurub ayaa ugu hanjabay milkiilaha Twitter-ka Elon Musk in lagu soo rogi doono cuna qabateyn, kadib markii dhowr wariye oo ka hadlay arrimaha shirkadda si lama filaan ah loogga xiray akoonadooda.

Weriyeyaasha New York Times, CNN iyo Washing ton Post, ayaa kamid ahaa kuwa laga xiray akoonnada.

Guddoomiyaha Midowga Yurub, Vera Jour ova, ayaa sheegtay in sharciga cusub ee adeegya da dhijitaalka ah ee Midowga Yurub, uu lagama maarmaan ka dhigayo "ixtiraamka xorriyadda saxaafadda”.

Xafiiska arrimaha dibadda ee dowladda Jarm alka, ayaa sidoo kale uga digay shirkadda Twitter-ka in "Xorriyada saxafada aan laga gorgor tami karin”.

Guddoomiye Jourova, ayaa sheegtay in warka ku saabsan xirista akoonadaa suxufiyiinta ee Twitter uu yahay "arrin walwalkeeda leh”.

Twitter-ka oo cambaareeyey fal celin kaga timid Qaramada Midoobay iyo Mid owga Yurub

Qaramada Midoobay, ayaa ku biirtay ururka Midowga Yurub cambaareynta loo jeedinayo go’ aanka Twitter-ka, ee uu ku xiray qaar kamid ah akoonada saxafiyiinta wax ka tabiya baraha bulshada.

Weriyeyaasha New York Times, CNN iyo Washingt on Post, ayaa kamid ahaa kuwa laga xiray akoonna dooda.

Qaramada Midoobay ayaa barteeda twitter-ka kusoo qortay in xoriyada saxaa fadu aysan ahayn "wax lagu ciyaaro”, halka Midowga Yurub uu ugu hanjabay shirkadda Twitter-ka cuna qabatayn. Afhayeen u hadlay Twitter-ka, ayaa u sheegay shabakada wararka ee tignoolajiy ada Maraykanka, in akoonada la xir xiray ay la xiriirto la wadaagista tooska ah ee xogta qofka goobta uu ku sugan yahay. Melissa Fleming, oo ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan isgaarsiinta caalamiga, ay aa sheegtay in ay aad uga xumaatay wararka she egaya in saxafiyiinta "si aan loo meel dayin” loog ga xiray akoonadii ay ku lahaayeen barta bulsh adu isku weydaarsato macluumaadka iyo afkaar aha ee Internet-ka ee shirkaddaTwitter-ka.

"Xornriyada warbaahintu maaha wax laga gorg ortamayo,” ayay tiri. "Saxaafadda xorta ahi waa tiirka bulshooyinka dimuqraadiga ah, iyo aaladda muhiimka ah ee lagula dagaalo warar been abuur ah.”

Horaantii Jimcihii, guddoomiyaha Midowga Yurub, Vera Jourova, ayaa ugu hanjabtay Twitter inay cuna qabatayn ku soo rogi doonto, iyadoo la adeeg sanayo sharciga cusub ee adeegyada dhijitaalka ah ee Yurub, kaasoo ay sheegtay inuu ku saleysan yahay "ixtiraamka xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda aasaasiga ah”.

"Elon Musk waa inuu ka warqabaa taas. Waxaa jira khad cas. Iyo cuna qabatayn, dhawaan dhici karta,” ayay raacisay.

Musk si toos ah ugama hadlin xirista akoonada, laakiin waxa uu bartiisa twitter-ka ku sheegay "in la dhaleeceeyo maalinta oo dhan ay gabi ahaanba tahay wax fiican, laakiin in la sheego meesha aan ku suganahay sida dhabta ah, iyo in qoyskayga la geliyo khatar maaha arrin taalla maxfaladda, ayuu yiri”.

Maalqabeenka teknolojiyadda, ayaa markii dambe sameeyay ra’yi ururin uu ku weydiinayo, haddii ay tahay wax saxam inuu joojiyo akoonada "hadda” ama "toddobo maalmood gudahood”, isagoo soo jeedinaya in go’aanka laga noqon karo isla markiiba.

"Sharciyo isku mid ah oo loo yaqaano doxing, ayaa khuseeya ‘saxafiyiinta’ sida qof kasta oo kale,” ayuu raaciyay, isaga oo isticmaalaya erey uu ku qeexayo sii deynta macluumaadka gaarka ah ee internet-ka ee shakhsiyaadka.

Afhayeen u hadlay wargeyska New York Times, ayaa akoonada la xir xiray ku tilmaamay mid keenaysa su’aalo, iyadoo dhanka kale uu ku tilmaamay talaaadani mid nasiib darro ah.

Magaalada ugu weyn Shiinaha Shanghai oo gashay xayiraado cusub Covid awgii ah

Magaalada ugu weyn Shiinaha, ee Shanghai, ayaa amartay in iskuulada badankood ay fasalada ku qaataan qaab online ah iyadoo kiisaska Covid ay sii kordhayaan.

xarumaha xannaanada carruurta ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in la xiro.

Xayiraadaha ayaa dib loo soo rogay toban maalmood ka dib markii la fududeeyay iyadoo mas’uuliyiinta Shiinaha ay u muuqdeen inay ka guurayaan istiraatiijiya dooda Covid.

Tirada soo sheegaysa dadka qaba covid ayaa sii kordhaysay.

balse burburka ku yimid hababka baarita anka ayaa warbixintaka dhigaysa mid aan macquul aheyn in la ogaado sida uu fayrasku u faafay.

Waxaa jira walaac laga qabo in kaabaya asha caafimaadka Shiinaha aysan diyaar u ahayn inay la qabsadaan kororka degde gga ah ee buka annada. Qaar ka mid ah dugsiyada Shanghai ay aa horey u joojiyay fasalada kahor ogeysiiska rasmiga ah sababo la xiriira macallimiin iyo xubno badan oo shaqaale ah oo xanuun sanaya



MESSI MIYAA QAADI DOONA KOOBKA ADDUUNKA MISE FARANSIISKA AYAA MAR KALE KU GUULEYSAN DOONA?


Argentina iyo Faransiiska ayaa Shalay wada dheelayaa ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Adduunka

Qoraalka sawirka,

Argentina iyo Faransiiska ayaa Shalay wada dheelayaa ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Adduunka

2 Saacadood ka hor

Lionel Messi ma kula guuleysan doonaa Argentina Koobka Adduunka mise Kylian Mbappe ayaa Faransiiska ka caawin doonaa markii labaad oo isku xigta in uu qaado Koobka Adduunka?

Garoonka Lusail ee dalka Qatar waxaa Shalay 6-da galabnimo ku wada dheeli doonaa xulalka Argentina iyo Faransiiska ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Adduunka.

Messi oo 35 sano jir ah ayaa toddobo jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or -wuxuu noqday ciyaartooyga ugu wanaagsan adduunka balse dalkiisa weli kulama guuleysan Koobka Adduunka."Dadka waxay Faransiiska ku tirinayaan in uu qaadayo Koobka balse fursadda aan heysanno ayaa ah waxaa ina la joogaa ciyaartoogii ugu wanaagsanaa abid” ayuu yiri goolhayaha xulka qaranka ee Argentina, Emiliano Martinez.

"Waxaan mar kasta ka maqleynay kooxda inaga soo horjeeda inay ugu cad cad tahay sababta ma muujinno in aan cid ka awood badanahay ama ka awood yar nahay”

"Mar kasta waxaan heysannaa ciyaartooygii ugu wanaagsanaa, difaaceenu wuu adag yahay, waxaan heysannaa fursado badan oo aan goolal ku dhalin karno”.

Tababaraha xulka qaranka ee Faransiiska Didier Deschamps ayaa dalkiisa Kaptan u ahaa markii ay qaadayeen Koobka Adduunka sanadkii 1998, haatana waa maamulaha xulka, markii labaad ayuu ku hoggaamiyay inay u gudbaan ciyaarta kama dambeysta, afar sano ka hor ayay aheyd markii ay Koobka Adduunka ku qaadeen dalka Ruushka.

Wuxuu yiri, "Waxaan garanayaa Argentina, dad badan oo ku sugan adduunka xitaa laga yaabaa in dadkaas ay Faransiis yihiin, waxay rajeynayaan in Lionel Messi uu ku guuleysan doono Koobka Adduunka, wax kasta ayaa sameyn doonaa si aan u gaarno hadafkayaga”.

Messi maka caawin doonaa Argentina inay qaaddo Koobka Adduunka tan iyo 1986?

Lionel Messi

XIGASHADA SAWIRKA,BBC SPORT

Qoraalka sawirka,

Lionel Messi

Ciyaartan waxaa foodda isku saari doonaa laba ciyaartoy oo u kala tartamayo ku guuleysiga kabaha dahabka, Messi iyo Mbappe waxay labadooda Koobkan dhaliyeen mid shan gool halka Olivier Giroud iyo Julian Alvarez ay kala heystaan min 4 gool.

Messi wuxuu Argentina ku hoggaamiyay ciyaartii kama dambeysta aheyd ee Koobka Adduunka ee sanadkii 2014-kii ee lagu qabtay Brazil, waxaana xilliggaas 1-0 kaga adkaaday Jarmalka oo koobkaa qaaday.

Argentina waxay laba jeer oo hore ku guuleysatay Koobka Adduunka sanadihii 1978 oo lagu qabtay dalkeeda iyo Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Mexico 1986, waxay haatan dadaal ugu jiraan sidii markii saddexaad ay ugu guuleysan lahaa Koobka.

"Shucuurteyad aad u kacsaneyd mar horeba sababta oo ah ciyaartooyda si daacad ah ayay wax kasta u hureen, aan rajeyno in aan ku guuleysanno Koobka, haddii aysan awoodina waa inay ku faanaan heerkan ay soo gaareen” ayuu yiri tababaraha xulka qaranka ee Argentina, Lionel Scaloni.

Xogta ku gadaaman ciyaartan

Kylian Mbappe.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Kylian Mbappe

Labadan xul waxay wada dheeleen saddex oo ciyaar oo kaliya ah Koobka Adduunka, Argentina waxay ku guuleysatay laba ciyaar Koobkii adduunka 1930 iyo 1978 halka France ay ka badisay Koobkii adduunka sanadkii 2018-kii.

Argentina waxay markii lixaad gaareen wareegga ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Adduunka, Jarmalka kaliya ah ayaa ka horreeyay oo siddeed jeer gaaray finalka, waxay ku guuleysteen 1978 iyo 1986 waxaa laga badiyay 1930, 1990 iyo 2014.

Haddii ay ku guuleystaan Argentina Koobkan waxay noqonayaan xulkii labaad ee adduunka ee looga guuleysto ciyaartii ay ku furayeen Koobka Adduunka ee qaada koobka, waxaana sidaas hadda ka hor sameysay Spain sanadkii 2010-kii.

Messi wuxuu noqon karaa ciyaartoygii saddexaad ee kasoo jeeda Argentine ee ku guuleystay kab aha dahabka ee Koobka Adduunka kadib Guille rmo Stabile iyo Mario Kempes oo kabaha dahabka ku kala guuleystay sanadihii 1930 iyo 1978.

Faransiiska wuxuu afaraad gaaray ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Adduunka.

Xulka qarank a ee France, Les Bleus waxay doon ayaan inay noqdaan dalkii saddexaad ee adduun ka eel aba jeer oo isku xigta ku guuleysta Koobka Adduunka, waxaana hadda ka hor sidaa sameey ay Talyaaniga (1934-38) iyo Brazil (1958-62).

XIGASHO:-BBC

Xulka croatia oo kaalint 3-aad ka galay koobka adduunka, morocco ayay garaaceen.

Xulka qaranka Croatia ayaa ku dhamaystay kaalinta 3-aad ee koobka adduunka kadib markii ay garaaceen xulka Morocco kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Khalifa International Stadium.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada xul ku dagaa lamayeen booska 3-aad ee koobka adduunka kadib markii labadoodaba lagu reebay wareega Semi-final-ka.Xulka Croatia ayaa soo bandhigay ciyaar fiican waxana ay Morocco kaga fiicnaayeen dhinaca maamulista ciyaarta xilli Morocco ku dhamaystay kaalinta 4-aad.

Xulka Morocco ayaa u muuqday kuwo niyad jabsan maadama ay wali ka niyad jabsanaayeen guuldaradii ayna u qalmin ee ka soo gaadhay France.

Xulka Croatia ayaa ku hor maray goolasha kadib markii ay daqiiqadii 7-aad dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay daafaca Josk Gvardiol kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Laakiin xulka Morocco ayaa si deg-deg ah uga jawaabay iyaga oo bilaabay in ay raadiyaan goolka bar-baraha kuna soo laabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 9-aad ayuu xulka Morocco dhaliyay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Achraf Dari kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro 1/1 ah.

Xulka Croatia ayaa ku fiicnaa dhinaca maamulista ciyaarta xilli xiddigaha Morocco ku dhibaatoodeen in ay ka faa’iidaystaan fursadaha ay heleen.

Daqiiqadii 42-aad ayuu xulka Croatia dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mislav Orsic kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa ciyaartana ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Croatia kaalinta 3-aad kaga dhamay stay koobka adduunka xilli Morocco ku dhamaystay kaalinta 4-aad.

Shaqaalaha dowladda Mareykanka oo laga mamnuucayo isticmaalka TikTok

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa taageertay in lagu daro doodda miisaaniyadda maaligelinta dowladda Federaalka sharciga uu ansixiyay Aqalka Sare ee Senate-ka toddobaadkan, kaas oo ka mamnuucaya shaqaalaha dowlad da federaalka Mareykanka inay isticmaalaan aaladda TikTok ee Shiinaha laga leeyahay.

Afhayeen u hadlay Pelosi ayaa sheegtay inay taag eersan tahay in lagu daro qodobka TikTok doodda Golaha Wakiilada ee toddobaadka soo socda.

Taageerada Pelosi, oo ay weheliso tan Kevin McCarthy, oo ah hoggaamiyaha aqlibiyadda Jamhuuriga ee Aqalka, ayaa si weyn u kordhinaysaa fursadaha ansixinta miisaaniyadda dowladd Federaalka.

Senetka ayaa Arbacadii u codeeyay hindise sharciyeed uu qoray Seneter Josh Hawley oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kaas oo shaqaalaha dowladda ka mamnuucaya inay App-ka Tiktok ku isticmaalaan Kumbuyuutarada iyo telefoonadda dowladda.

Waxay ahayd tallaabadii ugu dambeysay ee sharci-dejiyeyaasha Mareykanku ay ku cabbur iyaan shirkadaha laga leeyahay Shiinaha, iyadoo ay jirto walaac amniga qaranka ah Mareykanka ah, kaas oo Beijing ay u adeegsan

karto aaladdan nooc basaasnimo ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip