HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 17-KA DICEMBAR 2022-KA

0
Saturday December 17, 2022 - 09:46:59 in Wararka by
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 17-KA DICEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxweyna yaasha Uganda iyo Kenya kala hadlay la dagaalanka Al-shabzaab

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaa liya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka ayaa kulan doceedyo la qaatay madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Kenya Yoweri Museveni iyo William Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay madaxweyneyaasha Uganda iyo Ken ya xaaladda Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Shabaab, isagoona xusay guulaha wax ku oolka ah ee ay gaareen ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka oo u istaagay kacdoonka dalka looga xureynayo Ururka Al-shabaab.

Madaxweyneyaasha Uganda iyo Kenya ayaa dhankooda ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya howlgalada xoreynta ah ee ka socda deegaanada Shab eellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muujiyey kartida iyo awoodda ay u leeyihiin dowladda iyo shac abka Soomaaliyeed iney ka xureeyaan kooxda Al-shabaab, iyagoona balan qaaday iney adkeeyeen taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

"Madaxweyne Yoweri Museveni iyo Mad axweyne William Ruto ayaa xoojiyey xiriirka taari ikhiga ah ee dalalkoodu ay la leeyihiin Sooma aliya iyo doorka ay ku leedahay xasilloonida gob olka, waxayna xuseen muhiimadda ay leedahay fulunta qorsheyaasha lagu soo bandhigay Mad asha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soom aaliya.

Gabagabadii dowladda Fedaraalka Soomaal iya ayaa Madasha Mareykanka iyo Afrika ku soo bandhigtay qorsheheeda ku aadan isbedelka cim ilada, dowladda wanaagga, xasilloonida Qaaradda Afrika, gurmadka degdega ah iyo la dagaallanka Al-Shabaab kaas oo inta badan ka socda gobo llada Dalka Soomaaliya.

Raysal wasaare Xamse "Waxaa jira ku wa doo naya in aan laga xoroobin Khawa arijta cadaw ga ah oo wadaan been iyo dacaayad"

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay inuu arko ciid amada dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawi isleeyda oo si wadajir ah isaga kaashanaya daga alka ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay iney jiraan dad doonaya inaan laga xuroobin Uru rka Al-shabaab oo dacaayad iyo been abuur la daba taagna howlgalada ka dhanka Shabaab ee hormuudka u yihiin shacabka Soomaaliye ed.

"Waxaa jira kuwa doonaya in aan laga xoroob in Khawaarijta cadawga ah oo wadaan been iyo dacaayad ay ku marin habaabinayaan Kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed, waa ii farxad inaan arko ciidamada deegaanka oo deegaano kala duwan ka kala yimid hadana iska kaashanaya xureynta koo xda Shabaab" ayuu yiri Raysal wasaare Xa mse.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale beeniyay markale wararka la xariira in dowladda Soomaaliya ay hubeysay beelo gaar ah, isagoo sheegay in hubka ay ku dagaalamayaan dadka deegaanka inuu yahay kuwa ay iyaga iska leey ihiin dowladana ay la garab istaagtay saraakiishii hoggaamin laheyd ciidamada deegaanka.

"Waxaa hada meesha ka baxday dacaayadii ahe yd dowladda beelaha ayay hubeyneysa oo ay isku direysa, maadama ciidamada deegaanka iyagoo meelo kala duwan ka yimid ay hada si wadajir ah ula dagalamayaan Shabaab, taas ayaaba guul weyn inoo ah" ayuu yiri Raysal wasaaraha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydh abo kawada dadaalo la isugu kee nayo dhinacy ada isku haaya siyaasad da Koonfur Galbeed

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlama anka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Max amed Nuur Madoobe oo dhawaan gaaray mag aalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa halkaasi ka wada dadaalo la isugu keenayo dhin acy ada isku maan dhaafsan siyaasadda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ku simaha madaxwe ynaha Soomaaliya ahna gud oomiyaha Baarlam anka Soo maaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku lamo loo ga arrin sanaayay dib u heshiisinta si go oni gooni ah ula yeeshay madaxweynaha dowlad gobole edka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laf tagareen iyo Golaha Dhaqanka Koonfur galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhawaan Muq disho uga dhawaaqay shir dib heshiis ineed oo ka qabsoomaya magaalada Baydhabo, kaasoo la doonayo in lagu dhameeyo madmadowga u dhaxe eya madaxweyne Laftagareen iyo Siyaasiyinta kale ee Mucaaradka ah ee kasoo hor jeeda maa mulka madaxweyne Laftagareen.

Xildhibaan Mukhtaar Guuleed oo ka mida wafdiga gudoomiyaha Golaha Shacabka ee gaa ray Baydhabo ayaa sheegay in guddoomiyaha Baa rlamaanka uu kulan la qaatay Dhaqanka Koonfur Galbeed ayna soo dhaweyeen dadaalada uu wado guddoomiyaha.

"Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baydhabo wuxuu u yimid dhexdhexaadinta madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo siyaasiyinka kasoo horjeeda, guddoomiyaha wuxuu kulamo miradhal ah la qaatay Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo Madaxwe ynaha Koonfur Galbeed, waxaana meel wanaa gsan maraya howlaha uu Baydhabo u yimid ee ah shir dib u heshiineed oo lagu doonayo in lagu dhameeyo tabashada Siyaasiyiinta kala dhaxeysa madaxweyne Laftafareen oo la xariirta mudo koro rsi iyo inuu ku egyahay waqtiga madaxweynaha Koonfur Galbeed 19-ka bishaan Decembar" ayuu yiri Xildhibaan Mukhtaar Guuleed.

Si kastaba ha ahaatee waxaa mudooyinkii dambe sii kordhaayay khilaafka ka dhaxeya mad axweynaha Koonfur Galbeed iyo Siyaasiyinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed, gaar ahaan xubn aha Midowga Musharax inta maamulkaas oo ka soo horjeeda in mudo kororsi u sameysto mada xweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laft agareen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh oo la kulmay dhiggiisa dalka Maraykanka Joe Biden

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay Munaa sabad ku qabsoomtay Aqalka Cad, ayaa la kulm ay dhigiisa dalka Maraykanka Joe Biden.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay, in madaxweyne Xasan Sheikh uu la wadaagay madaxda iyo diblumaasiyiinta Maraykanka, xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.Waxaa kale oo madaxtooyadu ay sheegtay in madax weynaha Soomaaliya uu la wadaagay dhiggiisa dalka Maraykanka, guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay Alshabaab.

Warsaxafaadeedka waa sidoo kale lagu sheegay, in madaxweynaha dalka Maraykanka uu bogaadiyey howlgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, isagoo ammaa nay awoodda ciidamada Soomaaliya ay u leeyihiin ciribtirka Alshabaab.

Biden ayaa sidoo kale adkeeyey taageerada joogtada ah ee ay dowladdiisa Maraykanka la garab taagan tahay Soomaaliya.

Waa kulankii labaad uu madaxweyne Xasan Sheikh la yeesho madaxweynaha Maraykanka, tan iyo markii bishii may ee sannadkan dib loogu doortay hoggaanka dalka.

Maxaa kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya?

Shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada ayaa Dorraad qabsoomay, waxaana guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo ugu hor reyn golaha warbixin ka siiyay safarkii uu Dorraad ku gaaray degmada Aadan Yabaal.

Todobaadkan waxaa shirka intiisa badan diira dda lagu saaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo gobollada dalka, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale warbixin looga dhag eystay Wasaaradda Difaaca, taas oo faahfaahisay guulaha laga gaaray howlgallada, sida uu shaac iyey ra’iisul wasaaruhu.

"Waxaan Dorraad shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ee Xukuu madda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Warbixinta howlgallada dib u xoreynta dalka iyo guulaha laga soo hoyiyay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaan ka dhagaystay wasaaradda difaaca,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale waxaa Dorraad golaha wasiirada loo qeybiyay Hindise sharciyeedka Hay’adda Na bad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta dadweynaha, si loo akhriyo, kadibna ay uga doo daan xubnaha Golaha.

Labadaan Hindise Sharciyeed oo ah kuwa muhiim ah ayaa waxaa soo diyaariyay Wasaarad da Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaa liya.

Dhanka kale ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyay shirarkii uu kaga qaybgalay Niger, Jabuuti iyo Ang ola, oo dhammaantood looga hadlayay arrimo la xiriira isbeddelka cimillada, amniga iyo isu dhe elitirka dhaqaalaha Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh "Xaalada Shabaab baryahaan waxaan ku sifeeya Malaay biyahii ka gureen ee ma sii noolan kara"

Madaxweynaha dowladda Federaalka Sooma aliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala qayb galay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minnesota isku soobax balaaran oo lagu taageerayay halganka dib u xoreynta dalka ee ka dhanka kooxda Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka hor jeedinaayay boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid meelo kala duwan oo ka mid ah dalka Mareykanka ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay soo dhaweynta qiimaha sare leh oo ay u sameyeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, gaar ahaan magaalada Minnesota.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in awood ahaan iyo dhaqaale ahaanba looga adka aday Ururka Al-shabaab, islamarkaana uu gabag abo yahay qorshaha looga taqalusayo fikirkooda quracan ee ka dhanka ah diinta Islaamka.

"Waxaan idin sheegaya in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka ay u kaceen iney ka xureeyaan Argagixisada, baneeysatay dhiiga dadka Muslimiinta, hada waa gabagabo howlgal ada lagu xureynayo oo lagu ciribtiraayo cadawga Al-shabaab, hada aniga maalmahan Xaalada Shabaab waxaan ku sifeeya Malaay, ama Kaluun biyahii ka gureen ee masii noolaan kara, waa Maya" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamud ugu bishaareeyay shacabka Soomaaliyeed ee isugu soo baxay soo dhaweyntiisa in magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka laga furi doono Qunsuliyad u adeegi doonto shacabka reer Minnesota.

"Reer Minnesota waxaan halkan leydinkaga furaya Qunsulyad idiin adeegta, lakiin waxaan idinka codsanaya maadama dowladeena dagaalo ku furan yihiin inaad dhisataan xarunta Qunsu lyada oo hoostagi doonto Safaaradda, waana ina ad u dhisataan dhul weyn oo maalmaha Sabtiga iyo Axad caruurta la keeni karo ee ma ahan inaad laba qol oo cariiri ah u dhisataan, waa in dhul qurux badan u dhisataan" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dadkii goobta lagu soo dhaweynaayay madaxweynaha Soomaaliya ka hadlay waxaa ka mid aheyd Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo sheeg tay iney ku faraxsan tahay in dalka Mareykanka ay kuso dhaweyso madaxweynaha dowladda Soom aaliya.

"Aniga iyo xubno kale waxaan kasoo dagi doona magaalada Muqdisho, waxaan heysanaa Madaxweyne ka shaqeynayo Midnimada Soomaal iyeed, Adeer markaan ugu yeero waxa uu iigu wacaa gabarteey” ayay tiri Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka mid ah Congress-ka dalka Marey kanka.

MAHAD SALAAD oo taliye cusub u magaca abay Gedo kadib dilkii Bakaal Kooke

Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa taliye cusub u magacaabay gobolka Gedo, toddobaad kadib markii qarax lagu dilay taliyihii hore Bakaal Kooke.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Mahad Salaad,, waxaa taliyaha NISA ee gobolka Gedo loo magacaabay General Jamaal Xasan Sarey oo ka tirsan kumaan dooska ciidamada Milateriga, kaasoo hadda hoggaamin doona ciidamada NISA ee gobolka Gedo.

Gen. Sareey ayaa la sheegay inuu yahay sarkaal leh tababar sare oo ka tirsan ciidamada Kumaandooska, iyadoo uu la wareegi doono qorshaha dagaalka Al-Shabaab ee la filayo inuu ka billowdo gobolka Gedo.

Magacaabistan ayaa imaneysa ayada oo weli ay su’aalo ku hareereysan yihiin cidda dishay taliye Bakaal Kooke.

Weerarka ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab oo ku macneysay mid loogu aargudayey maleeshiyo bad an oo kooxda ka tirsanaa oo taliyaha iyo ciidankiisa ay dileen, sida ay hadalka u dhigtay.

Hase yeeshee, Wasiirka amniga maamulka Jubaland, Sareeye gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal ayaa sheegay inuu kiiskan yahay mid mugdi badan ku hareeraysan yahay, lana tuhuns an yahay in dhinacyo badan ay ku lug leeyihiin.

Sareeye Gaas.Dhuumaal wuxuu sheegay ka hor taliyaha, inuu jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay siyaasiyiin uu sheegay in aysan ka shaqeynayn danaha gobolka Gedo.

"Runtii, arrintu waxay ahayd arrin shirqool ah, muddaba la daba socday ninka kan. Qaabkii lagu dili lahaa haloo adeegsanayo gacan Khawaarij ama gacan kale oo dad ku dhow hala adeegsado, waa wax cad. Waa wax information-keeda la hayay. Taasina waqti kaste ha noqotee way soo bixidoontaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Jubbaland.

Sidoo kale, Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa horey ciidanka Itoobiya ugu eedeeyey dilka Bakaal Kooke.

Siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay in sirdoonka Itoobiya ay qarax gaarigiisa ugu xireen Taliye Bakaal Kooke, iyagoo sheegay in mudo dheer ay Itoobiya qorsheynaysay dilka Bakaal Kooke.

Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeyb gashay Ruushka

Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaar aha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa dalka Ruushka kaga qayb-galay shir looga had layo arrimaha dhallinyarada Dunida Islaamka.

Shirkan oo ay marti-gelisay dowladda goonida isu-maamusha ee Tatarstan oo xubin ka ah midowga federaalka Ruushka ayaa ka dhacay caasimadda Tatarstan ee Kazan.

Waxaa ka soo qayb-galay Wasiirrada dhalin yar ada iyo ciyaaraha ee qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ururka wadamada Islaamka OIC, waxaana shirka khudbad ka jeediyay Wasiir Maxamed Barre Maxamuud, taasi oo dhinacyo badan taabanaysa oo isugu jirta fursadaha iyo caqabadaha ay ka midaysanyihiin dhalinyarada dunida Islaamka. Wasiirka ayaa waxa uu si gooni ah uga hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dadaalka ay ugu jiraan in ay Soomaaliya ka dhigaan dal lagu soo hirto oo soo jiita maalga shiga caalamiga ah.

"In raasumaalka ugu qaalisan ee Soomaaliya leedahay uu yahay dadkeeda oo boqolkiiba 75% ay ka yaryihiin da’da 35 jir oo ah kuwa habeen iyo maalin ka shaqaynaya Soomaaliya nabadda ah oo isku fillan isagoo intaas raaciyay in kumanaan qurbaha wax ku soo bartay ay dalkooda dib ugu soo noqdeen si ay uga qayb-galaan dib u dhiskiisa,” ayuu yiri.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu qiyaasaa in 75% ay ka yihiin bulshada, balse waxa ay wajahayaan caqabado horleh, taasi oo sababtay qaarkood inay u tahriibaan waddamada dhaca Qaaradda Yurub, kuwaasi oo inta ay ku jiraan safarkaas la kulmo tacadiyo ka dhan ah bini’aadanimada.

Dilkii Bakaal Kooke oo weji cusub yee shay kadib WAR kasoo baxay JUBA LAND

Wasiirka amniga maamulka Jubaland, Sareeye gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, ayaa ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya inay baaritaan ku sameyso dilka taliyihii hay’adda nabad sugida gobolka Gedo, Bakaal Kooke.

Taliyihii hay’adda NISA ee gobolka Gedo, ayaa dhawaan lagu dilay qarax lagula eegtay isagoo safar ku marayay inta u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo.

Weerarka ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab oo ku macneysay mid loogu aargudayey maleeshiyo badan oo kooxda ka tirsanaa oo taliyaha iyo ciidankiisa ay dileen, sida ay hadalka u dhigtay.

Hase yeeshee, wasiirka amniga Jubaland Mr. Dhuumaal ayaa sheegay inuu kiiskan yahay mid mugdi badan ku hareeraysan yahay, lana tuhun

san yahay in dhinacyo badan ay ku lug leeyihiin.

Sareeye Gaas.Dhuumaal wuxuu sheegay ka hor taliyaha, inuu jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay siyaasiyiin uu sheegay in aysan ka shaqeynayn danaha gobolka Gedo.

"Runtii, arrintu waxay ahayd arrin shirqool ah, muddaba la daba socday ninka kan. Qaabkii lagu dili lahaa haloo adeegsanayo gacan Khawaarij ama gacan kale oo dad ku dhow hala adeegsado, waa wax cad. Waa wax information-keeda la hayay. Taasina waqti kaste ha noqotee way soo bixidoontaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Jubbaland.

Wasiirka wuxuu ugu dambayn sheegay inuu soo dhoweynayo baarista hay’adda nabad sugida, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo.

Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa horey ciidanka Itoobiya ugu eedeeyey dilka Bakaal Kooke.

Siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay in sirdoonka Itoobiya ay qarax gaarigiisa ugu xireen Taliye Bakaal Kooke, iyagoo sheegay in mudo dheer ay Itoobiya qorsheynaysay dilka Bakaal Kooke.

Karar Aadan Rukow oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay arrinkaan ay ku ogaadeen baaritaan ay sameeyeen, "Rag 77-kii Itoobiya la dagaalami jiray oo dhagartooda yaqaana ayaan arrintaan u xil-saarnay waxaana ogaanay inay iyagu dileen Bakaal,” ayuu yiri Karar.

Wuxuu sheegay in ninkaan uu mudo dheer gobolkaas ka hor taagnaa Al-Shabaab, balse uu beegsaday cadow uusan iska jireyn, sidoo kale ninkaan ayaa cadeeyey in Taliska Sare ee NISA uusan wax lug ah ku laheyn dilkaan.

Wasiiradda Waxbarashada Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay arrimaha Waxbarashada Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Fedar aalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan kula qaatay dhigiisa Wasiirka Waxbarashada ee Turkiga, Mohmut Ozer.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa sheegay inuu dhigiisa dalka Turkiga uu la wadaagay xaalada guud ee Waxbarashada Soomaaliya iyo caqabadaha adag ee horyaala Wasaaraddiisa.

"Afar milyan oo caruur Soomaaliyeed ah oo jooga da'dii Waxbarashada ayaan Dorraad hay san fursad waxbarashadii aasaasiga ahayd, waana baahi weyn oo in deg deg wax looga qabta u baahan, waxaa sidoo kale la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Waxbaraahada sidii nalooga caawin lahaa tayaynta, iyo baahinta Waxbarashada Soo maaliya, iyadoo xusid mudan tahay in dalka Turkiga 10-kii sano ee lasoo dhaafay uu fursado waxbarasho siinaayay dadka Soomaaliyeed" ayuu yiri Wasiir Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Gabagabadii Wasiirka Waxbarashada Soo maaliya ayaa dawladda Turkiga uga mahad celiyay kaalmada hagar la’aanta ah oo ay u fidi yaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana kulanka wasiirka ku wehliyay Danjire Jaamac Caydiid oo ah safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga iyo Sharaf Xasan oo ah u qaybsanaha arrimaha waxbarashada.

Al-Shabaabkii ugu badnaa oo lagu dilay howlgal xilli DF ay qabsatay degaan cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal muddo 48 saacadood ka soc day degaanka Guulane ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay tiro ku dhow 100 Al-Shabaab ah.

Howlgalkan oo isugu jiray duqeyn cirka ah iyo weerar toos ah ayaa ka dhacay Tuulada Juxaay ee hoostaga degaanka Guulane, Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay ku sugnaayeen boqolal Alshabaab ah.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla oo Habeen hore shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegya in ilaa 88 Al-Shabaab ay lagu laayey weerarka, islamarkaana meydadka 32 ka mida la ururiyay, lana aqoo nsaday, halka inta kale la aqoonsan karin, sida uu sheegay.

Maleeshiyadan ayaa lagu duqeeyay meel ho wd ah oo go’doon ah, waxaana duqeynta fuliyey ciidamada Mareykanka, iyadoo wasiirka uu sheegay in hal askari uu ku dhintay howlgalka afar kalena ay ku dhawacmeen.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka ay gacanta ku dhigeen saa nad ciidan iyo hub fara-badan, kuwaasi oo argag ixisada ay u adeegsan jireen dhibaateynta Shacabka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shab aab oo ku saabsan dagaalka iyo duqeynta khas aaraha weyn dhalisay ee ka dhacday degaanka Guulane oo ay isku urursanayeen.

Juxaay waa degaan istiraatiiji ah oo muhiim u ah howlgallada ka socda goballada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana si buuxda gacanta ugu dhigay Ciidanka Xoogga, iyaggoo halkaasi ka wada howlgallo nadiifin ah.

Shabaab iyo Xasan Sheekh: Muxuu sameeyay markii looga adkaaday doorashadi 2017?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shanti sano uu mucaaradka ahaa uu ka shaqeynayay sidii dalka looga saari lahaa Al-Shabaab.

"Markii aan ku guuldareystay doorashadii 2017-kii oo aan xilka ka maqnaa muddo shan sano ah, muddaas aniga, xisbigeyga iy waxgaradka waxaa inoo soo baxday waxka baddalka wacyiga bulshada iyo aragtidooda ku aadan ururkan, Al-Shabaab tallaabo militeri ah kaliya ah loogama guuleysan doono, waxaa looga guuleysan karaa dagaal fikir iyo mid dhaqaale,” Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka qeybgalayay shir madaxeedka hoggaamiyeyaasha Afrika uga socday dalka Mareykanka.

Tan iyo markii uu Xasan Sheekh Maxamuud ku guuleystay xilka madaxweynenimada Soomaaliya, oo uu markii labaad qabtay, waxa uu ku celcelinayay in shaqada ugu horreysa ee dowladdiisa ay qabaneyso ay tahay baabi’inta Al-Shabaab.

Waxa uu horay u sheegay in awal dagaalkan loogu adeegsaday labo xeeladood balse ay shaqeyn waayeen.

"Xeeladda xakameynta oo ah in Al-Shabaab lagu ekeeyo gudaha Soomaaliya, si aysan ugu fidin dalalka deriska ah iyo dalalka dibadda ayaa ka mid ahayd xeeladihii la adeegsanayay 15-kii sano ee lasoo dhaafay,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qiray in xeeladdaas ay guul darreysatay, maadaama sida uu sheegay Al-Shabaab "ay ku shaqeeyaan fikrad” weerarrada ay dalalka jaarka la ah Soomaaliya ka fuliyeenna ay caddeyn u yihiin in xeeladda xakameynta aysan suurtagal ahayn.

"Militarigu waa qayb muhiim ah si kooxahan Khawaarijta looga guulaysato balse marka aan ka hadlaynno duruufaha Soomaaliya waxaan go’aansannay in labo jihood lagu siyaadiyo dadaallada socda: Dagaal fikir iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweynaha.

"Iskaashiga bulshada iyo dowladdooda wuxuu ka dhigaa argagaxisada sida kalluun laga soo saaray biyihii uu ku jiray. Ma sii jiri karaan bulshada la’aanteed haddii bulshadu ku kacdana, ma haystaan ikhtiyaar aan ahayn inay cararaan, waana sida ay hadda samaynayaan.”

Soomaaliya oo la wareegtay shir guddoonka golaha Midowga Dhaqaalaha Dalal ka Carabta

Dowladda Soomaaliya ayaa Dorraad la wareegtay halka sano ee soo socota, shir guddoonka golaha Dhaqaalaha ee Dalalka Carabta, kaddib shir ka dhacay Suudaan

Wasiirka maaliydda ee xukuumada federalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa guddoomiye looga dhigay golahan. Isagoo ku matalidoona Soomaaliya.

Go’aankaan ayaa lagu sheegay intii lagu guda jiray shirka Golaha Midowga Dhaqaalaha Wadamada Carabta oo sanadkaan ay shir guddoomisay Dowladda Suudaan.

Shirkaan ayaa looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya hay'adda maaliyaddeed ee Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi M. Nuur ayaa kulankan ka jeediyay khudbad ku saabsanayd marxaladda Soomaaliya, sida dib-u-haneynta Maaliyadda, dhameystirka Deyn-Cafinta iyo xiriirka xoojinta hay'adda dhaqaalaha dalalka Carabta.

Waa tuma magaalada laga waardiyeeyo Muqdi sho ee laga qabsaday Al-Shabab?

Magaalada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maalmo kahor soo gashay gacanta dowladda, kadib markii ay la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda oo is kaashanaya, kuwaas ka bixiyay xoogaga Al-Shabaab oo in ka badan 15 sano maamulayay.

Prof. Xasan Sheekh Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed, isla-markaana ku dhashay magaaladaan ayaa marka hore ka sheekeeyay taariikhda degmada Aadan Yabaal, kadib markii uu Dorraad booqasho ku tegay, isaga oo kamid ahaa wafiga ra’iisul wasaaraha.

Waxa uu sheegay in magaaladu ay ka dhacday muusiibo weyn, isla-markaana intii ay Al-Shabaab heysteen ay ku burbureen dhammaan adeegyadii aas aasiga ahaa ee nolosha.

"Musiibada ka dhacday magaaladan waxaad ka garan kartaa haddii iskuulkii aan ka bilaabay fasalka koowaad uu xiran yahay, dugsi Qu’aankii aan Alifka ka bilaabay xiran yahay, isbitaalkii laygu umuliyay, haddii lagu kala tegay waad garan kartaa,” ayii yiri

Xasan Sheekh Cali ayaa sidoo kale sheegay in Aadan Yabaal ay tahay magaallo istiraatiiji ah, isla-markaana badda iyo webiga u jirto min 90 KM oo ah dhul weynaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in magaaladaan laga waardiyeeyo Muqdisho, ayna tahay halka lagala socon karo waxa ku soo jeedo caasimada Soomaaliya.

‘Magaaladaan waa magaalada laga waardiyeeyo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho haddii ay halkan nabad tahay caasimadana waa nabad, hadeynan halkan nabad aheyn caasimada Soomaaliya Muqdisho nabad ma’aha, taas waa in la ogaado istaraatiijig waayey” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu ku taliyay in Aadan Yabaal la dhigo difaaca Soomaaliya, si looga ilaaliyo magaalada Muqdisho oo ayku taallo madaxtooyada qaranka.

"Waxa kasoo baxa dhulkan ee kusii jeeda Muqdisho halkan ayaa lagu fiiltareeyaa ama lagu sii daayey amaba lagu sii gudbiyaa halkan haddii difaaca Soomaaliya uu yaallo madaxtooyada Soomaaliya waa nabad-geleysaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Prof. Xasan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya iyo HirShabelle ay qorsheynayaan in dib boorka looga jafo Aadan Yabaal oo sanado kadib laga saaray kooxda Al-Shabaab, si dib loogu soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa ee ka jiray magaaladaasi.

Mareykanka oo ku dhawaaqay $411m oo dheeri ah oo loogu talagalay gurmadka abaaraha Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday lacag dheeri ah oo lagu taageerayo howlaha gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya iyadoo ay jirto aragtiyo kala duwan oo laga qabo xaalad da abaarta ee Soomaaliya ka jirta.

Madaxa USAID, Sama ntha Power ayaa ku dhawa aqday in dowladda Mare ykanka ay ku deeqeyso $411 oo dheeri ah si loo xoojiyo dadaallada bini'aadantinimo ee Soom aaliya.

Lacagtaas ayaa hadda ka dhigaysa $1.3 bil yan kaalmada Mareykanka ee Soomaaliya san adkan oo keliya, sida ay sheegtay Power.

Madaxa bini'aadantinimada ee Mareykanka ayaa intaa ku dartay in gargaarka bini'aadantinimo uu hakiyay macluushii ka jirtay Soomaaliya balse xaaladdu ay weli tahay mid aad u adag.

Guddi Qaramada Midoobay u qaabilsan dib u eegi sta macaluusha ayaa toddobaadkan sheegay in abaaraha ka jira gudaha Soomaaliya aysan gaarin heerkii macluusha loogu gudbyay.

Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ayaa labaduba sheegay in macluusha laga hortagay balse hay’adda Norwegian Relief Council (NRC) ayaa Arbacadii ka digtay in Soomaaliya ay horay ugu jirtay macluul darran.

Xog: Wararkii u dambeeyey xiisad ka dhalatay Janan iyo Fartaag oo loo diiday Doolow balse ma dambe la xaliyey

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirash iid Janan iyo Senator Cabdullahi Fartaag ayaa caa wa gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay loo diidanaa.

Galabta ilaa fiidkii hore ee caawa waxaa Doolow ka taagneyd xiisad ka dhalatay hor istaag lagu sameeyey masuuliyiintaas oo dooneysay inay gudaha u galaan magaalada.

Maamulka gobolka Gedo ayaa is hortaag ku sameeyey mas uuliyiintaan oo ka yimid dhinaca Mandheera, kuwaas oo doonayey inay soo galaan Doolow.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo oo lagu magacaabo Diini ayaa la sheegay inuu ugu dambeyntii ku guuleystay in masuuliyiinta kale ee gobolkaas uu ku qanciyo in Doolow uu tago wafdiga Janan.

Sawirro lagu baahiyey warbaahinta ayaa wax aa ka soo muuqday abaandulaha guutada 10-aad Cismaan Niinile oo safarka ku wehliyay Janan iyo Fartaag.

Waxaa jira siyaasiyiin iyo saraakiil ka soo hor jeestay is hor taagga lagu sameeyey wafdigaan, taas oo xiisad ka abuurtay degmooyinka gobolka Gedo, gaar ahaan Doolow op caawa ay xaaladu degan tahay, kadib markii la xaliyey xiisadda.

Siyaasiyiintaan weli ma cadeyn qorshaha safarkooda, balse wuxuu ku soo aadayaa iyadoo dhawaan la dilay Taliyihii NISA ee gobolka Gedo Bakaal Kooke, sidoo kalena gobolka uu ka taagan yahay jaha wareer maamul oo xoog leh

.Xigasho:-csimadda.net

Mareykanka oo digniin u diray dalal ay kujirto Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay madaxda wadamada Afrika oo ay kamid tahay Soomaaliya xasilooni dar ro oo uu sheegay in dalalka ruu shka iyo Shiinaha ay ka wadaan Afrika, iyaga oo adeegsanaya lacago mallaayiin Dollar ah oo ay ugu magac dareen taageero.

Hadalkaan ayaa waxaa shir madaxeedka Mareykanka iyo Afrika ka jeediyay Xoghayaha Difaaca Ameerika, Lloyd Austin, halkaas oo ay ku sugan yihiin Mada xweynayaal uu kamid yahay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soom aaliya.

Madaxweynaha mareykanka Joe Biden ayaa doonaya in uu dib u soo celiyo saameyntii Marey kanka ee Afrika, isaga oo isticmaalaya diblo maasiyad shakhsi ah, taas oo keentay in uu qaabilo Afartan iyo sagaal hoggaamiye oo Afrika an ah.

Xoghayaha Difaaca Ameerika, Lloyd Austin ay aa sidoo kale sheegay in Ruushka iyo Shiinaha ay sanad walba sii ballaarinayaan, iyaga oo ade egsanaya dhaqaale saameynta ay ku leeyihiin dalalka Afrika,

"Qaybta dhibka leh ee jirta ayaa ah inaysan had iyo jeer ahayn kuwa hufan marka la eego waxa ay sameynayaan taas oo abuurta dhibaatoo yin ugu dambeyntii carqaladeyn doona, haddii aysan horayba u ahayn,” ayuu xusay Austin.

Ugu dambeyn Xoghayaha Difaaca Ameerika, Llo yd Austin ayaa dowladda ruushka ku eedeeyay inay billaawday in dalalka Afrika ay si raqiis ah hubka uga iibiyo, isaga oo adeegsanaya caloosho od u shaqeystayaal qaaradda oo dhan ah, taasina ay tahay mid aan la aqbali Karin, isla markaana keeni karta xasilooni daro.

Hadalkan kasoo yeeray dowladda Mareykanka ayaa kusoo aadaya xilli inta badan Madaxda Afrika ay ku sugan yihiin dalkas, isla markaana ay wada-hadallo la leeyihiin Madaxda Mareykanka si loo xoojiyo xiriirka kala dhaxeeya.

Madaxweynaha Somaliland oo fariin u diray shacabka, xisbiyada iyo ururada cusub

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cab di, ayaa shacabka ugu baaqay in ay isdiwaan gali yaan, isaga oo xisbiyada iyo ururadana ugu baaq ay in ay si miyir qabta usoo bandhigaan aragtidoo da iyo ololahooda marka doorashada la gaadho.

Madaxweyne Biixi ayaa shac abka ku booriyay in ay si mug leh uga qaybgalaan diwaang alinta cod bixiyayaasha ee bilaabmaysa 28 bishan, isaga oo si gaar ah baaq ugu diray gobolada qaar kood oo aan dadkoodu si fiican isu diwaangalin barigii hore.

"Waxan ugu baaqayaa ciddii kaadh ku ka lumay ama meel u beddelanaysa ama immika soo gaadhay da’dii la diiwaangelinayey in la siiyey fursad qaali ah oo qaranka qiimo weyn ku joogta, si gaar ahna gobollada aan hore isu diiwaangelin waxan ugu baaqayaa inay isdiiwaangeliyaan oo ay Dorraad codkooda kaga qaybgalaan dalka hog gaamintiisa" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa xisbiyada iyo ururada siyaasada ee cusub ugu baaqay in ay si bisayl ka muuqdo usoo bandhigaan aragtiyahooda siyaasad eed, oo wax lagu farxo mooyaane anay wax laga naxo la shir iman.

"Markay diiwaangelintu dhammaato, ururrada iyo xisbiyada tartami doona ee 13-ka ah waxa laga rabaa inay dadka tusaan hadalkooda, qorsha hooda iyo ficilkoodaba inay yihiin dad waayeel ah oo u bisil dalkan hoggaamintiisa oo wax lagu farxo mooyaane wax laga naxaa aanu addinkooda iyo afkooda midna ka muuqan" ayuu yidhi Madaxwe yne Biixi.

Diwaangalinta cod bixiyayaasha Somaliland ayaa bilaabmi doonta 28 bishan December, iyad oo wali anay mucaaradka iyo xukuumadu ka heshi inin ta soo horaynaysa doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada.

Ilhaan Cumar oo dalab ka gudbisay kiis ka nin kashifay sir la xiriirta Soomaaliya

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Marey kanka ayaa qaaday tallaabo ay ku dalbaneyso in la cafiyo Daniel Hale oo hore u ahaa fallanqeeye millitari.

Daniel ayaa loo haysta faafinta dukumentiyo kashifay sidda ciidamada Mareykanka ay shac abka ugu laayaan duqeymaha ay ka geystaan wadamo ay kamid tahay Soomaaliya.

"Daniel Hale cidna khatar kum a ahan, waxa uu qaatay mas’u uliyadda ficilada uu sameeyay, wuxuu shaqo qaran u qabtey qarankiisa. Arrinta Daniel waxay ka turjumaysaa awoodda cafiska. Waa qalad in la faafiyo macluumaadka qarsoodiga ah. Laakiin waxaa Daniel sameeyay waxay ah eyd geesinimo.” ayey tiri Ilhaan.

Ilhaan ayaa hadalkaan ka jeedisay shir jaraa’id oo ay soo qaban-qaabiyeen shabakadda taageera da Daniel Hale oo ah urur ay ku mideysan yihiin hay’addo iyo saaxiibada Hale oo xiligaan ka shaqeynaya sidii loo sii deyn lahaa.

Difaacista Ilhaan ee ninkaan ma ah markii u horeysay, waxayna sidan oo kale bishii August ee sanadkii hore warqad u dirtay Aqalka Cad, taasi oo ay ku sheegtay in Daniel uusana dambi galin, balse uu iftiimiyey dhibaatooyinka sharciga iyo akhlaaqda ee barnaamijka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

"Wuxuu ogeysiiyey dadweynaha waxyaabo ay tahay in khaladaad ka jiraan oo la saxo,” ayey xiligaas qoraalkeeda sii raacisay Ilhaan.

Daniel ayaa hore loo xukumay 45 bilood oo xarig ah ka gadaal markii uu qirtay hal dacwad oo kamid aheyd shan eedeymo oo la xiriirta faafinta dukumentiyo dowladeed oo xasaasi ah.

Dukumentiyada loo haysto Ninkaan ayaa ka koobnaa sirta howl-galada Drones-ka Mareykanka oo ay ku jiraan inta jeer ee rayidka lagu dilay duqe ymaha Yemen, Pakistan Afghanistan iyo Soom aaliya.

Daniel ayaa hore qeyb uga ahaa ciidamada Mareykanka muddo xileedkii koowaad ee Brack Obama, xiligaasi oo ay kordheen isticmaalka weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Sheekh Cabduljabaar Naasir oo dil loo gu xukumay inuu aflagaadeeyey Nebiga NNKH

Maxkamad ku taalla gobolka Kano ee waqooyiga dalka Nigeria, ayaa wadaad caan ah oo diinta Islaamka ku caan baxay ku xukuntay dil toogasho ah.

Tallaabadani ayaa timid, kaddib markii lagu helay wadaadka dambi ah inuu aflagaadeeyay Nebi Muxammad NNKH, kaasoo uu ku sheegay qaar kamid ah wacdiyo uu jeediyey.

Sheekh Cabduljabar Naasir Kabara, ayaa tan iyo bishii July ee sanadkii hore waxa uu maamulka ku hayey xabsi, kadib markii lagu eedeeyay inuu faafiyay been ka dhan ah Nabi Muxammad NNKH.

Maxkamadeynta ayaa waxaa si dhow ula socda dadka reer Nigeria. Kano, ayaa waxay kamid tahay dhowr iyo toban gobol oo ku yaalla waqooyiga dalka Nigeria, halkaasoo shareecada lagu dhaqmo, iyadoo uu ku lammaanan yahay sharciga cilmaaniga ah ee dalka.

Caalimkan oo 52 jir ah, ayaa kasoo jeeda Dariiqada Qaadiriyada. Waxa uu leeyahay tiro aad u badan oo raacsan isaga, gaar ahaan gobolka Kano.

Aabihii waxa uu ahaa hoggaamiyihii dariiqooyinka ka jira Galbeedka Afrika, illaa uu geeriyooday sanadkii 1996-kii.

Sheekh Cabduljabar, ayaa wuxuu xaq u leeyahay inuu racfaan ka qaato xukunka.

Xukunka dilka ah ee ay xukumaan maxkamadaha dalka Nigeria, ayaa dhif ah in la fuliyo. Taa beddelkeeda, dadka la xukumo, ayaa waxaa badanaa lagu hayaa xabsiyada muddo aan xad lahayn.


Qaramada midoobay oo si kulul u cambaarey say 20 gabdhood oo Gudniin ka Firco oniga loogu sameeyay Kismaayo

Hay’adda UNFPA ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhowrista dadka, gaar ahaan xaquuqda haweenka ayaa si kulul u cambaaraysay ilaa 20 gabdhood oo hal maalin magaa lada Kismaayo lo ogu sameeyay gud niin ka Fircooniga ah, kaasoo sababay dhaawac iyo dhiig bax xoo gan oo gaaray gabdhahaasi.

Gabdhahaan ayaa la sheegay iney la dhiba ateysan yihiin gudniinka Fircooniga ah ayaa ah ku wa aad u da'yar, islamarkana aan bixin karin ogo laansho la xariirta nooca gudniinka ay doonayaan.

Dhacdadaan ayay hay'adda UNFPA ku tilmaa mtay iney tahay mid aad looga naxo oo meel ka dhac ku ah xaquuqda gabdhahan yar yar ee lag ula kacay Gudniinka Fircooniga ah.

"Gudniinka Fircooniga ah waa xad-gudub aad u weyn oo ka dhan ah xuquuqul insaanka, nooc xun oo xadgudub ku salaysan jinsiga, iyo arrin hal is ah oo ilaalinta carruurta ah. Waxay u geysataa haweenka iyo gabdhaha dhibaato jireed iyo mid nafsiyeed oo aan laga soo kabsan karin. Waxaa murugo leh, abaarta iyo dhibaatooyinka bini'aa dantinimo waxay kordhiyeen khatarta ay la kul maan gabdhaha Soomaaliyeed dhaqankan, Wax aan garab taaganahay hablaha yar yar ee ay wa xyeeladu ka soo gaadhay dhacdadani, waxaanan cambaaraynayaa falkan foosha xun " ayuu yiri Wakiilka Hay'adda UNFPA Soomaaliya Niyi Ojuo lape.

Hay'adda UNFPA ayaa Xukuumadda ugu baa qday inay qaado talaabo kasta oo lagu xaqiijinayo in lala xisaabtamo kuwii ka dambeeyay falkan, si looga hortago dadka kale, loona ilaaliyo xuquuqda haweenka iyo gabdhaha yar yar

Mareykanka oo war kasoo saaray xukun ka lagu riday duqa magaalada Istanbul

Dowladda Mareykanka ayaa Khamiistii sheeg tay "inay aad u dhibtay ugana niyadjabtay,” kadib markii duqa magaalada Istanbul, oo ah xubin muh iim ah oo ka tirsan mucaaradka, laga mamnuucay siyaasadda ka hor doorashada madaxweyne ee sanadka soo socda.

"Dowladda Maraykanka aad ayey u dhibtay, ugana niyadjabtay xukunka ay Maxkamad Turkish ah ku ridday duqa magaalada Istanbul Ekrem Ima moglu, oo lagu xukumay laba sano iyo toddoba bilood oo xarig ah, lagana mamnuucay dhaq-dhaq aaqyada siyaasadeed,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Marayk anka.

"Waxaan ku boorineynaa dowladda inay joojiso dacwadaha lagu fuliyo shuruucda dambiya da ‘aflagaaddada’ oo ay ixtiraamto xuquuqda iyo xorriyadda dhammaan muwaadiniinta Turkiga, oo ay ku jirto in la xaqiijiyo jawi furan oo ah dood da dweyne.”

Imamoglu ayaa lagu soo eedeeyey "aflagaa ddeynta” mas’uul dowladeed kadib markii saraak iisha doorashada uu ugu yeeray "doqomo”.

Maxkamadda ayaa diiradda saartay hadalka oo uu Imamoglu u jeediyey weriyayaasha bilo kadib mar kii uu ka adkaaday musharax ay xulafo yihiin Erdogan, doorasho ku celis aheyd kadib markii la nasakhay middii koowaad.

Saraakiisha ayaa sheegay inay heleen boqo laal kun oo "codad laga shakisan yahay ah” kadib markii Erdogan uu diiday inuu qiro guushii koow aad Imamoglu.

Imamoglu ayaa kadib si caro leh u hadlay isaga oo kuwii nasakhay doorashada ugu yeeray "doqomo.”

Kooxda Ekrem Imamoglu ayaa deg deg wacad ugu maray inay racfaan ka qaadan doon aan kiiskan.

Dadka lagu xukumo wax kayar afar sano aya an inta badan xabsiga la dhigin dalka Turkiga.

Hase yeeshee xukunkan ayaa 52 jirkan — oo ka mid ah xiddigaha xisbiga cilmaaniga ee Turkey — ka mamnuucaya siyaasadda muddada xukunka.

Imamoglu ayaa sii hayn doona xilka duqa magaalada ugu weyn Turkiga inta lagu gudo jiro racfaanka xukunka.AFP, VOA

Iran Oo Xukuno Ku Ridday Illaa 400 Oo Qof Oo Ka Mida Debedbaxayaasha Dalkaas

Maxkamad ku taalla magaalada Tehran ee dalka Iran ayaa 400 oo qof ku xukuntay xabsi ga adhaya illaa 10 sannadood, ka dib markii lagu eed eeyey inay ku lug yeesheen mudaharaadadii ka dha shay, dhimashada Mahsa Amini.

Muddo ku dhow sa ddex bilood waxaa dalka Iran ka socda mudaharaado baahs an, kuwaas oo saraa kisha amniga ee dalk aasi ay ku tilmaameen inay yihiin "rabshado”, waxaana mudaharaadadani ay soo bilaabmeen, ka dib markii ciidamada anshaxa ee dalkaasi ay xabsiga dhigeen Mahsa Amini oo ahayd gabadh yar, hase ahaatee markii dambe waxay ku gee riyootay iyada oo ku jirta gacanta laamaha amm aanka.

Madaxa garsoorka ee dalka Iran Ali Alghasi-Mehr ayaa sheegay in ka dib markii maxkamaddu ay dhegaysatay eedaha la soo jeediyey, inay 160 qof ku xukuntay xabsi u dhexeeya shan sannadoo d illaa 10 sannadood, 80 qof oo kalena laba illaa shan sannadood halka ay 160 qof oo kalena ku xukuntay illaa laba sanadood.

Meydadka Muhaajiriin Laga Helay Dhulka Saxaraha Ah Ee Dalka Chad

Hay’adda qaabilsan arrimaha muhaajiriinta ee Qaramada Midoobay IOM ayaa sheegtay in ay aad uga naxday meydadka toddoba iyo labaa tanka ah ee laga helay saxaraha waddanka Chad.

Qiyaastii 17 bilood ka hor ayaa la sheegay in muhaajiriintan ay ka soo ambabaxeen magaalada Moussoro ee bartamaha Chad, waxayna saarnaa yeen gaari kuwa xamuulka ah.

Hay’adda IOM waxay u malaynaysaa in muh aajiriinta ay ku dhex lumeen saxaraha ka dibna baabuurkoodii uu jabay isla markaana ay haraad u dhinteen.

IOM ayaa sidoo kale sheegtay in muhaajiriinta ay ku jireen afar caruur ah.

Tan iyo sanadkii 2014-kii waxaa la diiwaangeli yay in saxaraha ay ku dhinteen 5600 qof, tiradaas oo ay kamid ah dadka kale oo maqan. Ha’yadda wa xay aaminsan tahay in tirada ay intaas ka bada n karto.

DAGAAL DHAQAMEEDKA KU SOCDA SOOMAALIDA IYO BEDDEL-KA QEEXIDDA EREYGA ‘DUMAR’

Wargeyska maalinlaha ee The Times ayaa qoray in qaamuuska Cambridge Online Dictionary lagu dhaliilay beddelista qeexidda ereyga ‘dumar’. "Qaamuuska Cambridge oo Internetka laga akh risan karo ayaa sameeyay qeexid dheeri ah ee ere yga [dumar]…” ayuu wargeysku wariyay.

Qeexidda Qaamuuska Cambridge ka bixiyay ere yga dumar marka la tarjumo waa sidan: "dumar: qof qaangaar ah oo u nool isuna taqaan dumar ahaan inkastoo laga yaabo inay lab ahayd markii la dhalay”.

Tafaftirayaasha Qaamuuska Cambridge ayaa bishii Oktoobar beddelay qeexiddii hore ee ereyga kaddib "markay eegeen sida bulshadu u istic maasho ereyga”.

Sida Cambridge Dictionary u qeexay oo weedho u geliyay ereyga ‘woman’.

Qaa muuska Cambridge wuxuu sidoo kale wax ka beddelay qeexidda ereyga ‘nin’: "Qof qaangaar ah oo u nool isuna yaqaan nin ahaan inkastoo laga yaabo inuu dheddig ahaa markii la dhalay”.

Dadka dhaliilay qeexidda cusub ayaa sheegay in ololeyn muddo socotay ay sababtay wax ka beddelista qeexidda labada erey. Waa wajiga cusub ee dagaal dhaqameedka ka socda Galbeedka lana doonayo in dunida seddexaad laga hirgeliyo.

Soomaalidu kuma baraarugsana dagaal dhaqameedka ku socda

Af iyo dhaqan xiriir ayaa ka dhexeeya. Go’aanka Qaamuuska Cambridge Online Dictionary ku beddelay qeexidda ereyga "dumar” waa qeyb ka mid ah dagaalka dhaqameed ka socda Galbeedka laakiin la doonayo in si tartiib tartiib ah loogu fidiyo dunida seddexaad.

Dagaalka hadda socda waa mid dhaqameed oo dunida seddexaad loo soo marinayo deeqaha ay dalalka hodanka ahi bixiyaan. Siyaasi reer Galbeedka ah ayaa sheegay in dowladdiisu lacag ku bixiso waxyaabaha ay dadkiisu ku dhaataan — qiyamka. Taasi macnaheedu waa: dalka gacanta deeqda la siinayo waxaa qasab ku ah inuu qaato yabooh shuruud ku xiran sida fidinta dhaqammada diinta Islaamku xaaraantimaysay.

Dadku ma ogaan karaan ujeeddooyinka deeq-bixiyayaasha haddii aysan ka warhaynin dagaal dhaqameedka socda oo ka soo horjeeda diinta Islaamka.

10 sano ka hor dugsiyada dalal badan oo Galbe edka ah lagama dhigi jirin casharro carruurta lagu barayo in guurka nin iyo haweenay yahay guurkii hore. Ma aha manhaj dadku u codeeyeen; waa manhaj dadka dusha laga saaray kaddib markii Baarlamamaannadooda ay dejiyeen sharci waxbarashada u beddelay maskax-mayrid.

Dagaal dhaqameed ereyo ayuu ku billowdaa sida sinnaan iyo dulqaad oo Galbeedka ka leh macne ka horjeeda diinta Islaamka. Soomaaliya waa dal ku tiirsan deeqo 4ay bixiyaan dalalka safka hore kaga jira dagaalka dhaqameed nagu socda.

In dadku ogaado wajiyada kala duwan ee dagaalkaas waxaa kaalin ka qaadan kara warbaahinta. Gacanta hoose (ummad deeq shisheeye ku tiirsan) waxay u nugushahay dhaqan doorin. Warbaahintu way gabaysaa kaalinteeda haddii aysan dadka la socodsiinin dagaalka dhaqaameed oo xowliga ku socda.

Xigasho: Puntland Post


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip