HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 15-KA DICEMBAR 2022-KA

0
Thursday December 15, 2022 - 08:20:29 in Wararka by
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 15-KA DICEMBAR 2022-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha Soomaaliya oo Washington kula kulmay masuuliyiin sare oo katirsan dowladda Mareykanka

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Washinton DC ee dalka Mareykanka kulan kula qaatay xog hayeyaasha wasaaradda gaashaandhigga Mareyk anka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kala hadlay Xoghaye Antony Blinken, iyo Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin, xaaladda Soomaaliya ee sida daga alka Al-Shabaab iyo abaaraha.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa madaxwe ynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo qeyb ka ah madaxda lagu ee ka furmay magaalada Wa shington.

Mareykanka ayaa kamid ah saaxiibada muhiim ka ah ee Soomaaliya ka taageeraa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Xoghayaha difaacaha Maraykanka Austin ay aa hoosta ka xariiqay in ay si firfircoon ula mac aamilidoonaan Soomaaliya iyo guud ahaan dalal ka marti galiyay ciidamada Maraykanka.

Wuxuuna sheegay Maraykanku inuu ka taage erayo caqabadaha amni ee ka jira dalalkooda.

Muxuu Ax/Madoobe Shalay kaga dhowaa qay XUDUR?

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo weli ku sug an degmada Xudur ee gobolka Bakool, ayaa waxa uu halkaasi kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb-gal ay xaflad soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen shacabka Degmada Xudur ayaa sheegay in dowl adda federaalka ay diyaar u tahay ka qeyb qaada shada xoreynta iyo taageerada xukuumadda.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in la hirgelin doono adeegyada muhiimka ah sida; waxbara shada, korontada, xarumaha dhalmada iyo hel ida biyo nadiif ah.

Masuuliyiin kala duwanaa oo ka hadlay xafla dda ayaa dhankooda si weyn u bogaadiyay bal lan-qaadka ku-simaha madaxweynaha ahna gud doomiyaha Golah Shacabka.

Waxa kale oo ay codsadeen in deegaanada gobolka si deg-deg ah looga dulqaado kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, iyaga oo xusay inay ku biirayaan dadaalada howl-galada dagaal ee ka socda dalka ee looga xoreynaayo cadowga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Dorraad kulan la qaatay odayaasha dhaqanka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kuwaasi oo war bixin ka siiyay xaalada deegaanka oo ay sheeg een inay aad u cakiran tahay.

Odayaasha ayaa sheegay in dhamaan magaa looyinka iyo deegaanada gobolka ay go’doomi yeen kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay u ba ahan yihiin in dowladda ay gacan ka siiso la-dag aalanka argagixisada.

Dowlada Federalka Oo Gargaar Deg-Deg Ah Gaarsiineysa Degmada Aadan Yabaal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Shalay tagay degmada Aadan Yabaal ayaa sheegay in dowladu ay gaarsi ineyso dadweynaha Aadan yabaal cunto loogu ta lagalay 4000 oo qoys iyo daawooyin, isla marka ana dib loo hawlgelin doono goobihii waxbarasha da iyo caafimaadka ee degmada AadanYabaal

Ra’iisul Wasaaruhe Xamzz ayaa sidoo kale waxa uu dhagax-dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha degmada oo si degdeg ah loo dhisi doono.

Waxa uu Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre meel fagaare ah oo ku taal degmada Aadan Yab aal kula hadlay dadweyne badan waxana uu shee gay in dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaa liyeed ay kula jiraan kooxaha Khawaarijta uu leeyahay laba ujeedo oo kala ah iyo in la fulineyo sharciga Islaamka ee ah in qofku sharaftiisa, naf tiisa iyo maalkiisa xaqa ku difaacdo iyo in lagu bad baadinayo xuquuqda dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ku tegey degma da Aadan Yabaal diyaar nooca qumaatiga u kaca ayaa waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Dow lad Goboleedka Hirshabeelle Md. Cali Guud laawe Xuseen, masuuliyiinta deegaanka iyo dadweyne aad u fara badan.

Odayaasha degmada Aadan-Yabaal oo si cajiib ah uga hadlay arrin…

Odayaasha dhaqanka degmada Aadan-yab

aal ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa Shalay si dhab ah baahidooda ugu soo bandhigtay ra’iisul

wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Shalay safar ku tegay degmadaas.

Odayaasha ayaa si dhab ah u sheegay in dhiba ato badan ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab, iyagoo sheegay in magaalada intii awooday ay isaga carartay, inta ku hartana ay gumeysi adag ku heyn jireen Al-Shabaab.

"Aadan-yabaal waa meel Shabaab-ku ku dhalay, sidii Ayaxii ayuu ugu dhalay halkaan, nolol

kasta oo aan heysanay ama heli laheyn waa naga

burburiyeen,dhaqankeenii waa dooriyeen, Shalay dowladaan nolol ka codsaneynaa,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka Aadan-yabaal.

Sidoo kale odagaas wuxuu dowladda ka cods aday inay caafimaadka iyo waxbarashada deg deg wax uga qabato, "Caafimaadkaa noogu dar an, isbitaalkii aan agaasimaha ka ahaa jiray ee de gmadaan waa burburiyeen, saldhig iyo boolis ma lihin, waxbarasho haba yaraatee halkaan kama ji rto, maamul degmo iyo garsoorna warkiisaba daa,” ayuu yiri.

Odagaan ayaa balan qaaday inuu mar kale si buuxda uga sheekey doono dhibaatadii ay Al-Shabaab ku heyn jireen dadkii ku noolaa Aadan-yabaal iyo taariikhdii degamadaan qadiimiga ah.

"Wixii ka dambeeyey dowladii dhexe nolol ma aanaa helin, halkaan guri ee Villa Aadan-yabaal ayuu Kabokutukade lacagteena ku dhisay, dadkii waa ka carareen degmadaan, wixii hadda ka dambeeya dowladdu waxay ka dhigto ayaa ka war sugeynaa, gabadhii umuli weysa shan boqol oo dollar ayaan isbitaal ku gaarsiinaa, garoon, isbit aal, waxbarasho, biyo, wado, wax aan Shalay hey sano ma jirto” ayuu yiri oday kale.

Cabdicasiis Lafta-gareen oo beddelay mowqifk iisa iyo tallaabo uu qaaday Shalay

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa goor sii horeysay oo maant ah garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa kasoo duulay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasi oo uu maalmahan u joogay ka waday kulamo wada-tashi ah.

Lafta-gareen iyo Aadan Madoobe ayaa la fila yaa inay yeeshaan kulan gaar ah, kaasi oo ay uga hadlayaan u diyaar garowga shirka dib u heshis iinta siyaasiyiinta Koofur Galbeed oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaasi.

Shirkaasi oo hore ugu baaqay guddoomiye Aa dan Madoobe ayaa waxaa taageertay beesha caal amka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Ingirii ska, waxaana lagu wadaa in shirkaasi isfaham loo ga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulkaasi ayaa waxaa hore loogu diiday inay tagaan magaalada Baydhabo, kuwaasi oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan dowladda federaalka oo mad-madow badan kala dhexeeyo maamulka Lafta-gareen.

Lafta-gareen ayaa u muuqda mid kasoo damcay mowqifkiisi hore, kadib cadaadis uga imaanaya beesha caalamka oo ayadu rabta in sida ugu dha qsaha badan xal looga gaaro khilaafka siyaasade ed ee aloosan maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidanka Jubbaland oo howlgal ka sameeyay duleedka Kismaayo

Ciidamada daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo xoogan waxaa saacadi hii la soo dhaafay ay ka sameeyeen degaanka Baarka ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa waxaa uu daba socday kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay wee rar hoobiyeyaal ah ku qaadeen Saldhiga Ciidama da Jubbaland ee degaanka Baarka, waxaana wee rarkaas ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil katirsan Ciidama da Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku baadi goobayeen rag gii weerarka hoobiyeyaasha ahaa kusoo qaaday, hayeeshee ma shaacin khas aaraha kasoo gaaray weerarka iyo hadii ay jiraan dad ay kusoo qabteen howlgalka.Ciidamada Jubb aland ayaa mararka qaar howlgallo ka fuliya deg aannada kuyaalla duleedka Magaalada Kismaayo, in kastoo Saldhigyada Ciidamada ay weeraraan Xubno katirsan Al-Shabaab.

Kulankii Golaha Shacabka oo mar kale baaq day + Sababta

Kulankii Shalay ee Golaha Shacabka Soomaa liya ayaa markale baaqday, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaanada Golaha. Xildhibaano kooban ayaa tegay xarunta, balse koo ramka oo buusami waayey kadib ayaa waxaa kulanka soo xirtay guddoomiye ku xigeenka koow aad Marwo Sacdiya Yaasiin.

Waxa ay sheegtay in guddoomiyaha uu ku ma qan yahay safar uu ku aaday magaalada Xudur, xildhibaanno badana ay raaceen, taasna ay ugu cudur daarayaan.

"In madaxdii sare ay maqan tahay, xildhibaano badana ay maqan yihiin oo ay raaceen cudur daarka xildhibaanada intaas ayaa loo sameynay aa,” ayey tiri Sacdiya Yaasiin.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan si adag uga hadlay maadaama Sabtidii uu sidaan oo kale u baaqday kulankii Golaha Shacabka.

Xidlhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo hoolka kula hadlay Wariyeyaasha ayaa soo jeediy ay in lala xisaabtamo xildhibaano maqan, kadibna tallaabo adag laga qaado.

"Waa nasiib darro in maalintii labaad uu koor am la’aan u baaqdo kulanka Baarlamaanka, waa na in xildhibaanada maqan ay jeebkooda ka arka an,” ayuu yiri Macallimuu.

Dhankeeda Xildhibaan Rowdo oo ka tirsan xub naha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyaduna shaaca ka qaaday in arrintan lagu cuuryaaminayo Golaha, waxayna tilmaamtay in ay jiraan xildhibaa no badan oo soo xaadiray fadhiga, balse diiday inay buugga saxiixaan.

"Xildhibaano ayaa yimid fadhiga, weyna diide en in ay buugga saxiixaan” ayey iyaduna tiri xil dhibaan Rowdo.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Baarl amaanka Soomaaliya uu hor yaallo mooshin ka dhan ah Xildhibaan Sacdiya Yaasiin, kaas oo ay gudbiyeen xildhibaano ka tirsan isla Golaha, kuwa as oo ku eedeeyay inay xadgudubtay Diinta, kadib hadalkeedii xeerka Jinsiga.

Wasiir loo diiday in uu tago degmooyinka gobol ka tirsan Puntland

Wasiir Ku-xigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Qaasim Maxamed Yuusuf ayaa loo diiday in uu tago degmooyinka gobolka Gard afuu ee maamulkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Wasiir Qaasim oo rabay in uu tago degmooyinka Bareedo, Calu ula iyo Murcanyo ayaa waxa jid-gooyo u dhigtay maleeshi yo beeleed kasoo jeeda gobolka oo diidan safarkiisa.

Wasiirka ayaa Shalay dib uga soo laabtay gobolkaasi, kadib markii safar 5 maalmood qaatay uu ku dhaafi-waayay tuulada Hoodaa oo hoostag ta degmada Murcanyo ee gobolka Gardafuu ee Puntland.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in wasiirka uu doonayay in degmooyinka gobolka Gardafuu u tago arrimo la xiriira doorashooyinka degmooyinka Puntland, gaar ahaan wacyi-gelinta diiwaan-gel inta dadweynaha oo la qorshaynayo inay gobolk aas ka bilaamato bisha Jannaayo ee sanadka cusub ee 2023. Qaar kamid ah waxgaradka degm ada Murcanyo ee gobolkaa Gardafuu ayaa horay uga cawday shaxda soohdimaynta degmooyinka ee ay sameeysay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa dhamaadka bishi hore shaaciyay go obaha ay ka sameynayaan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaaasha doorashada khilaafku ka taagan yahay ee goleyaasha deegaanka Puntland.

Guddiga ayaa soo saaray xogta goobaha diiwaan-gelinta, kuwaasi oo ka koobna 37 degmo oo ku kala yaalla 9 gobol, kuwaasi oo ay ku jiraan dee gaano lagu muransan yahay.

Sarkaalkii u fududeeyay Shabaab weerarkii gar oonka Muqdisho oo la xukumay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Shalay xukun adag ku ridday Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciida mada dowladda, balse lagu he lay inuu la shaqeynayay koox da Al-Shabaab.

Ninkan oo 36 sano jir ah ay aa ku dhashay degmada Jama ame ee gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna ka soo mid ahaa ciidamada Xoogga dalka, illaa dowladdii KMG aheyd ee madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axm ed, isaga oo darajada ciidanka ka gaaray Laba Xidigle.

Maxkamadda ayaa sheegtay in sarkaalkan uu 2018 kii waayey xubinimadi isii ciidanka, kadib mar kii uu ku haray dib u habeynta Electronic-ga ahayd ee dowladdii Farmaajo.

Kadib wixii ka dambeeyay markaas ayey max kamaddu sheegtay inuu xoojiyay la shaqeynta Al-Shabaab, isla-markaana uu u qaabilsanaa gudbi nta gawaarida qaraxyada ah xilliyada ay weerara da ka geysanayaan goobaha bartilmaameedka u ah ee ku yaallo Muqdisho.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in Maxamed Cabdulle Nuur Abkow uu 23 kii March ee sanadkan ku geliyay gaarigiisa garoonka Muq disho laba nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo weerar toos ah ka geystay Aadan Cadde, kaas oo uu ku naf waayay Allaha u naxariistee Cabdiri saaq Aabi Cali oo ka mid ahaa askartii soo afjar tay weerarka, waxaana sidoo kale uu khasaare soo gaaray dad kale oo joogay goobta marka ay isku fara saareen ragga weerarka qaaday iyo ciida mada ammaanka, gaar ahaan kuwa Haramcad ee Booliska.

Intii ay socotay maxkamadeynta ninkan ayaa waxaa la tusay muuqaalka Camerooyinka amniga Ee CCTV, isaga oo gudbinayay xubnihii Al-Shaba ab ee weeraray garoonka.

Sidoo kale September 19 keedii 2019-kii ayaa lagu helay in uu qarax dhex geeyay Ururka 38-ad ee degan xarunta Villa Baydhabo ee degmada Wadajir.

Maxkamadeynta Maxamed Cabdulle Nuur Ab kow (Biyamaalow) ayaa la soo gabagabeeyay sideedii bishan, ayada oo ugu dambeyn Shalayna maxamaddu ay ku ridday xukun dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdirisaaq Aabi Cali, sida uu Warbaahinta u sheegay G/ Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Dowladda oo laba laab kordhisay xoogagga qarsoon ee ka hawlgala Muqdisho

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ayaa sii waddo dadaalada ay tahay in lagu xaqiijiyo ammaanka Magaala da Muqdisho, ka dib weerar kii 27-kii bishii November ay dableyda Al Shabaab ka tirsan ka gaysatay Hotel Villa Rays oo ku dhow Xarunta Madaxtooyada Qaranka. Wasaaradda ayaa toddobaadkii hore soo kordhisay qorshe lagu baarayo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, marka ay taggayaan Xaruntooda Villa Hargeisa oo ku dhex taala Aqalka Villa Somalia.

Wasaaradda ayaa sidoo kale kordhisay tirada dharcadka ee qaabka qarsoon uga hawlgala xaa fadaha 17-ka degmo ee magaalada, tani oo qayb ka ah tallaabada ay Dowladda Federaalka u qaad day sugidda amniga magaalada, ka gadaal weerar kiii Villa Rays oo dad badani la anfariireen, bacda maa uu hotelkaasi ku yaalo xeendaabka aqalka dalka looga arrimiyo, oo ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheega ya in Taliska Hay’adda NISA uu shaqaaleysiiyay in ka badan, laba laab dharcadkii ku daadsanaa magaalada, welina uu talisku wado qorista shaq aalaha cusub ee la hawlgelinayo.

Villa Somalia ayaa fahamsan in maleeshiyada Al Shabaab ee dagaalada looga soo saarayo gobolada dalka ay soo gelayaan Caasimadda Mu qdisho, oo ay u arkaan goob ay gabaad ka dhigan karaan, oo dadka degana aysan is aqoon, isla-ma rkaana ay ka gaysan karaan falal amniga ka bax san.

Ciidamada dharcadka ayay shaqadoodu tahay inay laamaha amniga ku soo wargeliyaan cid ka sta oo falal amni-darro ay la xiriiriyaan iyo dadka aan la garanayn ee xaafadaha magaalada ku soo kordha, waana dharcadka ay tahay iyadoo aan guryaha la baarin inay soo ogaadaan wixii ku nool, waana xoogaga dahsoon ee aan ku ekaan doonin xaafadaha, balse sidoo kale ka hawlgeli doono goobaha ay bulshada isugu timaado iyo weliba suuqyada magaalada.

Hay’adda NISA ayaa waxaa la leeyahay wax ay qorsheynaysaa inay dharcadka la wadaagto sawirrada xubno Shabaab ah oo hay’addu ay baa digoobeyso, si ay Hay’adda Sirdoonka ula soo socodsiiyaan, haddiiba goob ka mida magaalada ay ku arkaan.

Khubarada amniga ayaa sheegaya in Shaba abku ay isku dayi doonaan fal kasta oo aarguda sho ah, haddii ay ka careysan gulufka ballaaran ee kaga furan gobolada dalka, gaar ahaan kuwa bartamaha, oo xaaladi ay ka qabsatay.

Mar sii horreysay Gudoomiyaha Gobolka Ban aadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimc aale ayaa ka digay xubnaha Shabaabka ee ku soo firxanaya caasimadda.

Weerarkii Villa Rays Hotel ayaa ugu dambeey ay saddex weerar oo Al Shabaab ka gaysatay ma gaalada, tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waana weerarka ay Madaxda Qaranku ku baraaru geen halista dhabta ah ee kooxaha hubeysan ee

dalka ka dagaalama.Xigasho:-caasimadda.net

Puntland oo dil ah ku riday labo nin oo katirsan Alshabaab oo Gaalkacyo ku dilay nabadoon caan ah

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa xukun dil ah ku riday labo nin oo katirsan Alshabaab, ku waas oo ka dambeeyay dilka nabadoon Cabdiqani Xasan Walloore, kaasoo bishii June ee sanadkan lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Abuukar Cabdi Cabdiraxmaan (Goobe) iyo Sal aad Maxamed Cabdi ayaa xukunkaan lagu riday, ka dib markii ay qirteen inay iyagu soo maleegeen ayna ka dambeeye en dilka nabadoonka.

Abuukar Cabdi Cabdi raxmaan (G oobe) ayaa iska lahaa qorshaynta abaabu lka dilka, halka Salaad Maxamed Cabdi uu gacant iisa ku dilay nabadoonka xilli habeen ah, isagoo cishihii kasoo baxay masjid lagu magacaabo Macmuur oo kuyaala xaafadda Garsoorka ee Gaalkacyo.

Ciidamada amniga Puntland ayaa wax kayar bil ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan ee deysanayasha. Kaddib baaritaan lagu waday mu ddo ka badan shan bilood, ayaa ugu dambayn Shalay lagu xukumay xukun dil toogasho ah

Kooxo hubeysan oo toogasho ku dilay gudoomiye waaxeed

Kooxo hubeysan ayaaXalay gudoomiye waa xeed ku dilay magaalada Garba haarey ee gobo lka Gedo sidda ay xaqiijiy een qaar ka mid ah dad ka deg aanka.

Gudoomiye waaxeedka la dilay ayaa lagu Maga caabi jiray Maxamed Sheekh, waxaa uu ka mid ah aa dadka sida weyn looga yaqaano Garbahaa rey.

Gudoomiyaha ayaa xiliga la dilayey, ku sugnaa Gur igiisa oo ku yaalo Xaafada Xaashiweer ee Du le edka Magaa lada Garbaharey.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsa day, waxaa halkaasi gaaray ciidam ada Ammaa nka dowladda Soomaaliya oo bilaabay howlgallo.

Wafdiga Midowga Afrika oo ku baaqay tallaab ooyin lagu yareynayo xaaladda bini'aad antinimo ee Soomaaliya

Guddi Midowga Afrika (AU PRC) u qaabilsan Qaxootiga, iyo Barakacayaasha (IDPs) oo uu hog gaaminayo Danjire Adenkule J.M. King ayaa soo gebagebeeyey qiimeyn 5 maalmood ah oo ay ka wadeen Soomaaliya, iyagoo ballan-qaaday in Mid owga Afrika uu sare u qaadi doono wax ka qab ashada xaaladda bini'aadantinimo ee dalka.

Guddigan ayaa wada-hadallo la yeeshay Hogg aanka sare ee hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaal iya (ATMIS), oo uu hogg aaminayo Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya (SRCC) iyo madaxa (ATMIS), Ambassador Moh amed El-Amine Souef, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Ma xamed "Laftagareen”, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Axmed Macalin Fiqi, Safiirada dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TTCs) iyo wakiilo ka socda Bar akacayaasha.

Isagoo Warbaahinta kula hadlayay Xarunta ATMIS ee Magaalada Muqdisho, Danjire Adenk ule J.M. King ayaa muujiyay sida ay Midowga Af rika u garab taagan yihiin dadaallada socda ee lagu soo celinayo nabadda Soomaaliya. "Soomaa liya waxay u baahan tahay dhammaan taageerada Midowga Afrika, beesha caalamka, iyo urur gobo leedka Geeska Afrika, sababtoo ah wax ka bed delka waddan colaadaha ka soo kabanaya ma aha hawl fudud. Dagaalku wuxuu baabi’iyaa guud ahaan dhismaha dal kasta,” ayuu yiri Amb. King.

Wafdiga ayaa booqday xeryo barakacayaal ah oo ku yaalla gobolka Baay oo ka mid ah gobol lada ay sida weyn u saameeyeen abaaraha, hal kaasoo dad lagu qiyaasay 330,000 oo qof ay ku barakaceen abaaro iyo colaado.

Gobolka Baay ayaa leh tirada ugu badan ee dadka gudaha ku barokacay ee wajahaya xaalado bini'aadantinimo oo aad u ba'an iyadoo ay yartahay ka jawaabidda gurmadka abaaraha.

Booqashadan ayaa qeyb ka ahayd qiimeynta Midowga Afrika oo looga jawaabayo saameynta abaarta daba dheeraatay, taasoo keentay in in ka badan 1.5 milyan oo qof oo ku nool Koonfur Galbe ed ay soo food saartay cunto yari iyo nolol xumo.

Kenya oo qabatay nin Canada u dhash ay oo qorsheynayay inuu ku biiro Alshabaab

Bilayska dalka Kenya ayaa baaritaan ku haya nin ajnebi ah oo looga shakisan yahay inuu qo rsheynayay inuu u safro Soomaaliya, si uu ugu biiro ururka Alshabaab.

Warbixin uu sii daayay Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in Ilyaas Cabdulxamiid oo asal aha an kasoo jeeda dalka Canada uu kusii jeeday dhanka Soomaaliya isaga oo sii maraya xuduudka Kenya iyo Tanzania si uu ugu biiro Al-Shabaab, isagoona damacsanaa in uu tababarto kadibna uu falal Arg agixiso ka fuliyo Kenya iyo Itoobiya.

Ninkan oo lagu qabtay xeebta Diani oo koonfur 30KM ka xigta Mombasa, ayuu Booliisku sheegay in xogaha sirdoonka ay muuji nayaan in horey loogu xiray Masar 2019, isagoo isku dayayay inuu ku biiro ISIS.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in tuhman aha la rumeysan yahay inuu sidoo kale isku dayay inuu si sharci darro ah ku galo dalka Mareykanka balse laga hortagay.

Eedeysanaha ayaa booliiska dalka Kenya ka codsaday in aan loo musaafurin dalka Canada hal kaas oo ay ka yaaliin eedeymo la xiriira falal arga gixisanimo.

Kiiska ninkan ayay maxkamaddu dhegay san doontaa saddexda Janaayo 2023

Madaxweyne Ramaphosa oo ka bad baaday codka kalsoonida

Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa diiday dac wadda xil ka qaadista ee ka dhanka ah mada xweyne Cyril Ramaphosa, sida uu shaaciyay gud doomiyaha Baarlamaaka dalkaas.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa u codeeyay inay diidaan warbixin ay soo saareen guddi khubaro ah oo helay caddaymo horudha c ah oo muujinaya in Rama phosa laga yaabo inuu ku ka cay anshax-xumo la xiriirta lacag lagu qariyay beertiisa.

Fadeexaddan oo markii hore ay warbaahintu ba ahisay ayaa Ramaphosa beeniyay inuu wax kha lad ah sameeyay. Madaxweyne Cyril Ramaphosa, ayaa waxa uu ka horyimid warbixinta maxkamada, balse qaar ka mid ah mucaaradka ayaa ku baaqay in uu iscasilo

Wararkii ugu dambeeyey fadeexadda Midowga Yurub hareysay ee la xiriirta Qatar

Xildhibaanadda reer Greece ee baarlamanka Midowga Yurub, Eva Kaili, ee ay ku soo baxday fadeexadda la xiriirta Qatar, "kama war hayn jiritaanka” lacagta kaashka ah ee laga helay gurigeeda, waxaa sidaas AFP u sheegay qareenkeeda. Qareenka Kaili ayaa sheegay "inay san wax Shalaysan” wuxuuna beeniyey "wararka beenta ah ee la isla dhex-marayo” ee ku saabsan inay laal uush ka qaadatay Qatar.

Xildhibaanka, oo Dorraad laga qa aday xilkii madaxweyne ku-xig eenka baarlamanka Midowga Yu rub "wax xiriir ah lama lahan laca gta gurigeeda laga helay,” ayuu yiri qareenkeeda Michalis Dimitr akopoulos kadib markii ay xireen booliska kadib baaritaan ka dhacay magaalada Brussels.

Wuxuu sheegay in Francesco Giorgi oo ah lamaanaheeda "uu ka jawaabi karo jiritaanka laca gta kaashka ah.”

Kaili, oo 44 jir ah, ayaa ka mid ah lix qof oo la xiray kadib howlgalka booliska, hase yeeshee waa xildhibaanka kaliya ee illaa hadda dacwadda lagu soo oogay.

Ilo-wareedyo ka tirsan garsoorka Belgium ayaa sheegay in qiyaastii 150,000 euro oo kaash ah laga helay apartment ay ka degan tahay mag aalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

Xildhibaanada Golaha Baarlamanka Midowga Yurub ayaa Talaadadii codeyn ah 625-1 ku meel-mariyey in Kaili laga qaado xilka madaxweyne ku-xigeenka.

Garsoore Belgium ah ayaa Shalay go’aan ka gaari doonaa haddii Kaili iyo saddexda qof ee lala eedeeyey ay xabsi kusii jiri doonaan illaa maxkam ad laga soo taagayo. Laba ka mid ahaa lixda eedeysane ayaa lasii daayey.

Dowladda Qatar, oo lagu eedeeyey inay xildhibaanada u siisay lacagta si ay saameyn ugu yeelato go’aanada Midowga Yurub, ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay kiiskan ama ay khal ad sameysay. AFP, VOA

Ukraine oo fashilisay weerar cirka ah oo Ruu shku ku qaaday Kyiv

Ukraine ayaa sheegtay Arbacadii inay fashilisay weerar uu Ruushku ku soo qaaday caasimadda dalkaas ee Kyiv

, iyada oo isticmaalaysa nidaamkeeda difaaca cirka, waxaana Ukraine ay sheegtay inay soo rid een illaa 13 diyaaradood oo aan nooca aan duu liyaha lahayn oo siday qaraxyo kala duwan, kuwaas oo isku dayayey inay soo galaan haw ada caasimad da, inkasta oo burburkoodu uu khasaare u geystay illaa shan dhisme. Maayarka caasimadda Vitali Klitschko ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay badhtama ha deg mada Shevchenkivskyi eek u taalla bar tamaha caasimadda Kyiv, isagoo intaas ku daray inaanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay wee rarkaas.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa bar teeda Twitterka ku sheegtay in Ruushku uu soo qaaday weerarka kale oo uu adeegsanayo diyaa radaha aan duuliyaha lahayn, waxanaynta ku tilm aameen Moscow inay keliya kalsooni dareemaan marka ay weerarayaan magalooyinka nabadda ah. Weeraradan loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa qayb ka ah, weeraro xooggan oo Ruushku tan iyo bishii October ku ba rtilmaameedsanayey xarumaha laydhka, xar umaha biyaha iyo goobaha kale eel aga bixiyo ad eegyada dadweynaha, isaga oo doonaya inuu ku niyad-jebiyo dadka reer Ukraine, gaar ahaan xill iga jiilaalka.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay AFP, AP iyo Reuters

CALAAMADAHA LAGU GARTO KANSARKA MAQAARKA KANSARKA JIRKA

Waxaa la tilmaamayaa in waxyeello ay unugyada maqaarka ka soo gaari kar aan in si xad dhaaf ah ay fallaaraha qorraxdu jirka ugu dhacaan, taas oo noqon karta sababta ugu weyn ee kansarka maqaarka, cudurk aas oo ah mid sannadkasta ku dhaca kumannaan qof oo reer Brazil ah.

Inaad wax ka ogaatid sida loo garto calaamadaha su urtagalka ah ee noocyada kala duwan ee kansarka ma qaarka - iyo sidaad naftaada uga ilaalin lahayd cudurkana – ayaa arrin muhiim ah ka ah gudaha waddanka Brazil, halkaasoo falaaraha ka soo baxa qoraxda la she egay inay gaarayaan heerka 11-aad, kaas oo lagu tilmaamo inuu yahay mid aad u sarreeya, lagana qaadi karo khatar weyn oo kansarka maqaarka ah.

Kansarka maqaarka ee noocyada (Melanoma) iyo (non-Melanoma) ayaa loo ti riyaa in Brazil uu ka yahay 34% dadka xanuunkaas uu ku dhaco, iyadoo qiyaastii 193,000 oo xaaladood oo xanuunkan ah halkaas sannadkiiba lagu diiwaangeliyo, sida uu daabacay Machadka Kansarka Qaranka (INCA).

In xilli hore la ogaado xanuunkan, gaar ahaan kiisaska nooca (Melanoma) ee aadka u faafa ayaa horseedi kara fursad wayn oo lagula tacaalo.

Calaamadaha guud ee lagu garto kansarka maqaarka

Kansarka maqaarka ee ah non-melanoma ayaa inta u dhaxaysa 2003 iyo 2025 waxaa la qiyaasay inuu noqon doono kan ugu badan ee ka jira Brazil, isagoo u dhigma 31.3%, sida uu sheegay machadka INCA.

Laba nooc ayaana loo kala saaraa, oo mid waa aad buu u badan yahay laakiin cadiyan kobaciisu wuu yaryahay, waxaana lagu tilmaamaa sida dhibco dhibco ma aruun ah oo ka soo baxo wajiga, qoorta iyo qalfoofka madaxa, afka horana waxay ku leeyihiin gumuc casaan ah oo si fudud uu dhiig uga iman karo.

Nooca kale waa mid ku badan ragga, aad ayuuna u koraa, waana sida nabar yar oo si degdeg ah ku koraya oo ay adag tahay inuu ku boqsoodo xitaa afar todo baad markii uu soo baxo ka dib, midabkiisuna waa casaan, kor u soo baxa oo cun cun leh.

"Labada noocba waxay la xiriiraan in ilayska qoraxda uu jirka soo gaaro waxa ana loogaga hortagi karaa in qoraxda la iska dado iyo in dhakhtiirta maqaarka si joogta ah uu qofka u arko, sababtoo ah waxaa muhiim in kansarka lagu ogaado marxaladihiisa bilowga ah", ayey tiri Sheila Ferreira, oo ku takhasusay kansarka kana tirsan isbitaalka Hospital AC Camargo Cancer Center.

Sida ay sheegayaan khubarada, kansarka maqaarka ee nooca loo yaqaan me lanoma,inkasta oo loo arko inuu hooseeyo - laguna qiyaaso in 8,450 oo xaalado od oo cusub sannadkiiba lagu arko Brazil, taas oo u dhiganta qiyaastii 3% kansar ka maqaarka – ayaa haddana waxa uu yahay kan ugu daran ee u baahan in aad loogaga feejignaado.

Nooca Melanoma ee kansarka maqaarka ayaa sidoo kale lala xiriiriyaa jirka oo ay qorraxdu ku dhacdo iyadoo ay suuragal tahay in kansarka uu ku faafo unu gyada kale ee jirka. Badanaana kiisaska noocan ah waxa ay ku bilowdaan na bar madow oo jirka ka soo baxa kaas oo marka dambe isbadela.

"Nooca Melanomas ayaa badanaa lagu arkaa dhabar ragga halka haweenkana uu lugaha kaga soo baxo.

Bukaannada asalkoodu uu ka soo jeedo dadka madow iyo Aasiya ayaa bada naa uu uga soo baxaa gacmaha iyo cagaha lugaha,” ayey tiri Bethania Cavalli.

Halista uu leeyahay kansarka maqaarka Kansarka maqaarka

XIGASHADA SAWIRKA,INSIDE CREATIVE HOUSE/GETTY IMAGES

WAXYAABAHA SABABA KANSARKA MAQAARKA

Khatarta ugu weyn ee kansarka maqaarka waxay ka tim aaddaa qorraxda. Iftiinka qorraxda, ayaa sida uu sharraxa yo Cavalli, wuxuu waxyeello toos ah u geystaa hiddo-sidaha DNA.

"Marka laga soo tago fallaaraha cadceedda, taariikhda qo yska iyo in qofku uu leeyahay finan badan ayaa sidoo kale sababi kara kansarka. Dadka lagu tallaalay xubno kale ayaa laga yaabaa inay khatar sare ugu jiraan cu durkan, maaddaama ay isticmaalaan dawooyin la falgala difaaca jirka)."

SIDEE LAGU OGAADAA KANSARKA MAQAARKA?

Qofka ayaa la socon kara waxa ku soo kordha jirkiisa, taasoo noo saamixi ka rta inaan ogaanno isbeddellada aan hore u jirin ee nagu dhaca.

"Shalay waxaan heysannaa qalab lagu magacaabo dermatoscope oo noo og golaaneysa inaan qiimeyno finanka. Haddii shaki uu naga galo, weli waxaan heysannaa baaritaan kale oo lagu magacaabo confocal microscopy, oo suurtogel ineysa inaan ka qaadno raajo."

Dhaqtarka ayaa sidoo kale sheegay inay jirto khidad kale oo lagu qiimeeyo fin anka jirka si gaar gaar ah, iyadoo lala soconayo isbeddellada ku imaanaya.

"Baaritaankan waa mid aad waxtar ugu leh bukaannada leh finan badan."

Noocyada daaweyn ee loo heli karo kansarka maqaarka.

Markii kansarka la ogaado marxaladda hore, dhaqtar si gaar ah ugu takhasu say xanuunkan ayaa qofka ku sameynaya qalliin.

Haddii cudurku uu marayo xaalad halis ah Haddii xanuunku uu marayo xaalad khatar ah, dhaqtarka ayaa sheegay in la adeegsna karo daaweyn kale.

Kiisas badan oo noocyada kansarka maqaarka ah, daaweyn la fal galeysa dif aaca jirka ayaa qofka lagu sameeyaa si dawadaas ay ula dagaalanto unugyada kansarkaS. XIGASHO:-BBC

WAA KUMA NINKA UGU TAAJIRSAN ADDUUNKA EE HADDA BOOSKA KA QAATAY ELON MUSK?

Liiska dadka ugu taajirsan dunida ayaa isbeddelay

Elon Musk ayaa lagala wareegay booska ugu sarreeya ee liiska dad ka ugu hantida badan caalamka ka dib markii uu sanadkan hoos u dhac weyn ka samee yay saamiga uu ku leeyahay shirkadda soo saarta gawaa rida korontada ku shaq eeya ee Tesla.

Sida lagu muujiyay xogta Majalladaha ka faallooda dhaq aalaha ee For bes iyo Bloomberg labadaba, Mr Musk waxaa booska ka qaatay nin kale oo lagu magacaabo ernard Arn ault, oo ah madaxa shirkadda hantida qaa liga ah iibisa ee LVMH.

Elon Musk qudhiisu waa madaxa shirkadda Tesla ahna qofka saami ga ugu weyn ku leh dhaqaalaha shirkaddaas. Waxaa lasoo tebiyay in saa migiisu uu ya hay qiyaastii 14%.

Bishii October ayuu dhammeystiray heshiis uu kula wareegay shirkad da Bar aha Bulshada ee Twitter, taas oo u uku iibsaday lacag dhan $44 Bilyan oo doolar.

Sida ay shaacisay Majalladda Forbes, Mr.Musk waxa uu hadda heys taa lac ag dhan qiyaastii $178bn (oo u dhiganta £152bn).

Dhanka kale, ninka hadda noqday qofka ugu hantida badan caalam ka, Bern ard Arnault ayaa hantidiisa lagu qiimeeyay $188 Bilyan $.

WAA KUMA BERNARD ARNAULT?

Bernard Arnault ayaa booska ka riixday Elon Musk

Waa ganacsade maal qabeen ah oo u dhashay dalka Faransiiska. Marka laga soot ago shirkaddiisa, waxa uu sidoo kale aruuriyaa farshaxannada qiimaha ba dan.

Waxa uu dhashay 5-tii bishii March ee sanadkii 1949, hadd ana da’d iisu waa 73 sano.

Hantidiisa oo bishii March, 2020 ahayd $76 bilyan oo doolar ayaa kor ugu dhacday $110 milyan oo dheeraad ah muddo 14 bilood gudahood ah.

Baahida loo qabo hantida ay shirkaddiisu iibiso ayaa aad sare ugu kac day intii uu socday cudurka Covid-19.

Heshiiska uu Mr Musk ku iibsaday shirkadda Twitter ayaa la dham meysti ray ka dib dhowr bilood oo uu socday dagaal dhinaca sha rciga ah. Dadka u kuur gala arrimaha dhaqaalaha qaarkood ayaa aaminsan in sababta uu uga baxay booska ugu sarreeya ee liiska ay tahay la waregista Twitter oo hoos u dhigtay saamiyadii u uku lahaa Tesla.

Ka dib markii uu saami ku yeeshay Twitter billowgii sanadkan, Mr Musk ayaa bishii April ku yaboohay in uu shirkadda kula wareego 44 Bily an oo doolar, inkas too dadka qaar ay qiimahaas ku tilmaamayeen mid aad u sarreeya.

Bishii July ayuu ka baxay heshiiska, isagoo sheegay in uu ka walaac ay tirada cinwaannada been abuurka ah eek u sameysan Twitter-ka.

Elon Musk

Ugu dambeyntii mas’uuliyiinta Twitter ayaa tallaabo sharci ah u qaad ay si ay Mr Musk ugu khasbaan fulinta heshiiskii uu ballan qaaday.

Dan Ives oo ka tirsan shirkadda maalgashiga ee Wedbush Securities ay aa she egay in "muranka” ku gedaannaa heshiiska Twit ter ay sababtay hoos u dhaca qii maha ay ku fa dhiyeen saamiyada Tesla.

"Musk wuxuu ka tagay booskiisii ahaa halye yga Tesla waxa uuna no qday laadar waddooyi nka taagan, maadaama uu la socdo qof walba oo wax kusoo qora Twitter,” ayu uku yiri BBC-da.

"Muranka ka taagnaa Twitter-ka ayaa waxyeello u geystay magaca Musk iyo heerka ay suuqa saamiyada ka taagneyd shir kadda Tesla. Musk waa Tesla Tesla-na waa Musk.”

Mr Musk ayaa balaayiin doolar ku iibiyay saamiyo qeyb ka ahaa shirkad da Tesla si uu ula kaashado la wareegista Twitter-ka, taasoo horseedday in saamiyada ay qiimo ahaan hoos u dhacaan.Maalgashadeyaasha ayaa sidoo kale ka welwelsa naa in ay yaraatay baahida loo qabo gawaarida korontada ku shaqeeya ee shirka dda Tesla, maadaama ay sii daciifeyso. . XIGASHO:-BBC

KOOBKA ADDUUNKA: RAJADII IYO RIYADII MOROCCO OO SOO GABAG ABOWDAY

Morocco fans cheer for their team after its semifinal loss to France in the World Cup on Dec. 14, 2022. (USA Today Sports via Reuters)

Morocco fans cheer for their team after its semifinal loss to France in the World Cup on Dec. 14, 2022. (USA Today Sports via Reuters)

Xulka kubadda cagta ee Morocco ayaa waxaa Habeen hore looga adkaaday ciyaartii Habeen hore ay la dheeleen Qaranka Faransiiska. ciyaartaan ayaa waxay aheyd mid xiisa badaneyd oo malaayiin dad ah oo Afrikaan ah ay indhaha ku hayeen, maadaama dalkii ugu horreeyay ee ku yaalla qaaradda uu heerkaan soo gaaray.Meelaha sida weyn ciyaartii Habeen hore looga daawanayay waxaa kamid aheyd magaalada Muqdisho, inkasta oo Faransa 2-0 guushu ku raacday, haddana dhallinyarada Muqdisho ayaa qaba in Xulka Marocco uu soo bandhigay ciyaar xiisa gaar ah laheyd,


 

OGAYSIISKA DIGNIINTA GANACSIGA

(dhulka SOOMAALIYA)

OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU SIINAYAA TÜRKİYE

CUMHURİYETİ ZİRAAT BANKASI ANONİM ŞİRKETİ a company Incorporated in Turkey with head office at

DOĞANBEY MAH.ATATÜRK BUL.NO:8 ULUS/ ANKARA /TURKEY

Ma mulkiilaha iyo mulkiilaha keliga ah ee kuwan soo socda summad:

Astaanta sare ee ganacsiga waxaa loo adeegsadaa fasalada caalamiga ah

09, 36 iyo 42 marka la eego alaabooyinka soo socda:

Fasalka 09: Qalabka cabbiraadda iyo qalabka ay ku jiraan kuwa sayniska, badda, thoographic, saadaasha hawada,
Ujeedooyinka warshadaha iyo shaybaadhka, heerkulbeegyada, ma aha ujeedooyinka caafimaadka, barometer-yada, ammeters, voltmeters, hygrometers, qalabka baaritaanka aan ujeedo caafimaad ahayn,
telescopes, periscopes, kombuyuutar jihada, xawaaraha tilmaamayaasha, qalabka shaybaadhka, mikroskoobyada, waynaynta muraayadaha, muraayadaha, muraayadaha, foornooyinka iyo foornooyinka shaybaarka
tijaabooyin. Qalabka duubista, gudbinta ama soo saarida codka ama sawirada, kamaradaha, sawir qaadista
kamaradaha, qalabka telefishinka, cajalad duubayaasha, CD-ga iyo DVD-ga ciyaartoyda iyo duubayaasha, MP3 ciyaartoyda, kombiyuutarada, desktop kombiyuutarrada, kombiyuutarrada tablet-ka, aaladaha tignoolajiyada ee xiran
(saacadaha casriga ah, xargaha gacanta, qalabka madaxa lagu rakibo) makarafoono, sameecado, sameecado, isgaarsiin
qalabka, qalabka taranka codka ama sawirada, qalabka kombayutarka, telefoonada gacanta, daboolka gacanta
telefoonada, qalabka telefoonada, kombiyuutarada daabacadaha, iskaanka [qalabka habaynta xogta], sawir-qaadayaasha. 
Magnetic iyo optic sidayaal xogta iyo software kombiyuutarada iyo barnaamijyada la duubay iyada, la soo dejisan karo oo la duubi karo daabacaadyo elektaroonik ah, kaadhadhka birlabeedka iyo indhaha, filimada, taxanaha tv-ga iyo muqaal cajalado muusik ah oo lagu duubay birlab, indhaha iyo warbaahinta elektiroonigga ah.
 Anteenooyinka, anteenooyinka dayax-gacmeedka, amplifiers anteenooyinka, qaybo ka mid ah alaabta kor ku xusan.
 Tigidhada iibiyeyaasha, tigidhada tooska ah mishiinada (ATM). 
Qaybaha elektarooniga ah ee loo isticmaalo elektarooniga qaybo ka mid ah mashiinada iyo qalabka, semi-conductors, elektaroonik ah wareegyada, wareegyada isku dhafan, chips [isku dhafan wareegyada], diode, transistors [electronic], madax birlab ah oo loogu talagalay qalabka elektaroonigga ah, quful elektaroonik ah, photocells, qalabka laga hago fogaanta ee furitaanka iyo xidhitaanka albaabada, dareemayaasha indhaha. counters iyo tilmaamayaasha tirada ee lagu cabbirayo tirada isticmaalka, saacadaha tooska ah.
 Dharka ka hortagga shilalka, shucaaca iyo dabka, jaakadaha badbaadada iyo badbaadinta nafta qalabka iyo qalabka. Muraayadaha indhaha, muraayadaha indhaha, indhaha muraayadaha iyo kiisaska, weelasha, qaybaha iyo qaybaha ay ka kooban yihiin.
 Qalabka iyo qalabka lagu sameeyo, wax ka beddelka, ururinta ama xakamaynta korontada, furayaasha korantada, isgoysyada sanduuqyada [korontada], furayaasha korantada, furayaasha wareegga, fiyuusyada, nalalka iftiinka, fiilooyinka bilawga batteriga, looxyada wareegga korantada, iska caabin koronto, saldhigyo koronto, transformers [koronto], adapters koronto, dabaysha baytari, gambaleelka albaabka korontada, koronto iyo fiilooyinka elektarooniga ah, baytariyada, korantada ku urursan, qoraxda darfaha wax soo saarka korontada. Alaarmiga iyo qaylo-dhaanta tuugta, marka laga reebo baabuurta, gambaleelka korontada. Qalabka calaamadaynta iyo qalabka, calaamadaha iftiimaya ama farsamada ee isticmaalka gaadiidka.
 Dab qalabka daminta, matoorada dabka, tuubada dabka iyo tuubada dabka nuugisyo. Qalabka raadaarka, sonars, aaladaha aragga habeenkii iyo qalabka. Magnets-qurxinta. Metronomes
FASALKA 36: Adeegyada caymiska. Arrimaha maaliyadda iyo lacagta.
Dilaaliinta guryaha, wakaaladaha guryaha iyo hantida ma-guurtada ah maamulka. Adeegyada dalaaliinta kastamka.
Fasalka 42: Falanqaynta Sayniska iyo Warshadaha iyo Cilmi-baarista adeegyada; injineernimada; injineernimada iyo naqshadeynta adeegyada; adeegyada tijaabada ee shahaado tayada iyo heerarka. Adeegyada kombuyuutarrada, kuwaas oo kala ah, barnaamijyada kombiyuutarka, adeegyada ilaalinta fayraska kombiyuutarka, naqshadaynta nidaamka kombayuutarka, abuurista, dayactirka iyo cusboonaysiinta mareegaha dadka kale, Naqshadeynta software-ka kombuyuutarka, cusboonaysiinta iyo kiraynta kombiyuutarka software, bixinta matoorada raadinta ee internetka, martigelinta mareegaha internetka, la talinta qalabka kombiyuutarka, kiraynta kombuyuutarka qalab. 
Adeegyada naqshadaynta warshadaha, oo aan ahayn injineernimada,


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip