HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH arbaco 14-KA DICEMBAR 2022-KA

0
Wednesday December 14, 2022 - 08:28:23 in Wararka by
  • Visits: 438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH arbaco 14-KA DICEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Odaya asha Dhaqanka Bakool kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baar lamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soom aaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Mado obe) ayaa Berri kulan la qaatay odayaasha dha qanka Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Golaha odayaasha dhaq anka ee Gobolka Bakool ayaa Guddoomiyaha war bixin ka siiyay xaalada deegaanka oo ay dhaqa nku sheegeen inay aad u cakiran tahay, dhamm aan magaalooyinka iyo deegaannada gobolka ay Al-Shabaab ayaa Dowladda Federaalka ka codsaday in gacan laga siiyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoom iyaha Golaha Shacabka BJFS. Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa duubabka dhaqanka Gob olka Bakool ku ammaanay dadaalada ay ku doo nayaan inay in Al-Shabaab isaga xorreeyaan si dadka, deegaanka iyo gobolka uu u helo nabad iyo xasilooni, wuxuuna sheegay in Dowladda Federaalka ka go’antahay la dagaalanka Al-Sha baab Isla markaana ay gacan ka siineyso xure ynta deegaanada ay kaga suganyihiin Gobolka Bakool.

Guddoomiye Madaale” Ciyaal weero waa Al-Shabaab oo kale waana la dagaa lamaynaa”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay dhibaatada ay le eyihiin ciyaal weerada iyo waxa laga filan karo must aqbalka.

Wuxuu sheegay in sanadkii 2006-dii oo ay soo bilaawdeen Al-Shabaab dadka Soomaaliyeed ay san u arkeyn wax weyn balse muddo kadib ay xoogeysteen, isla markaana ay dhibaatee yeen Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxaa uu hadalki isa uu intaasi kudaray in hadaan laga hortegin ciyaal weerada ay noqon karaan sida Al-Shab aab oo kale.

Guddoomiye Aadan Madoobe Oo Kulan La Qaatay Saraakiisha Ciidanka Boolis ka Iyo Milatariga

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarla maanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Mad oobe) ayaa waxaa uu kulan la yeeshay sara akiisha ciidanka Qeybta 60-aad Guutada 9-aad ee ku sugan degmada Xu ddur Gobolka Bakool.

Ku-simaha Madaxwey naha JFS. ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska ee ku sugan magalada Xudur ee xaru nta Gobolka Bakool ku boggaadiyay sugidda amniga deegaanada iyo dadaalka joogtada ah ay ku bixiyaan la dagaalkan Al-Shabaab.isagoo na ku dhiirageliyay saraakiisha ciidanka ineysan marnaba ka niyad jabin dagaalka dalka lagaga saaarayo Al-Shabaab.

RW Xamse oo Maamulka G/Banaadir kaal hadlay sugidda Amniga gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa Shalay kulan muhiim oo ku saabsan sugidda amn iga magaalada Muqdisho la qaatay maamulka cusub ee Gobolka Banaadir oo uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale (Maddaale).

Kulanka oo ay sidoo kale ay ka qaybgaleen Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Am niga Gudaha, Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalx iiska, Cabdiraxmaan Yusuf Cumar al-Caddaala, ayaa looga hadlay sugidda Amniga gobolka Ba naadir iyo sidii shacabka loogu abaabuli lahaa ka qaybqaadashada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Md.Xamse Cabdi Barre ayaa guddoonka gobolka u sheegay muhiimadda ay leedahay in feejignaan dheeri ah la sameeyo, sarana loo qaado dadaallada lagu horumarinayo amniga, maadaama Al-Shabaab looga adkaaday goboll ada dalka ayna suuragal tahay inay u soo war eegaan magaalooyinka oo ay caasimaddu ugu horreyso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay maamulka cusub ee gobolka inay abaabulaan bulshada oo ay ku baraarujiyaan dhibaatada Al-Shabaab si bulshada kaalinteeda u qaadato oo laaaha amniga iyo maamulka gobolka ay garab ugu siiyaan.

Guddoomiye, Yusuf Xuseen Jimcaale oo intii uu kulanku socday ka warbixiyay shaqooyinka socda iyo dardar-gelinta uu maamulka cusub ku wado howlaha mudnaanta u leh, gaar ahaan sugidda amniga magaalada.

Jeneraal Biixi oo reer Aadan-Yabaal u diray codsi ku saabsan gabdhahooda

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Je neraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Madaxtooy adii Al-Shabaab ee Villa Aadan-yabaal wuxuu Dorraad kula ha dlay boqolaal shacabka degm ada ah.

Taliyaha ayaa shacabka ku nool degmada Aadan-yabaal wuxuu ka dalbaday inay ciidanka gandho u dhisaan, maadaama aysan halkaan ka laabaneyn oo am maanka Aadan-yabaal ay sugi doonaan, ilaa ko oxda laga guuleysto.

Sidoo kale Jeneraal Biixi ayaa shacabka deg madaas fagaarahaan uga balan qaaday in hal askari oo ka mid ah ciidankii xoreeyey Aadan-yabaal uusan dib uga laaba doonin, isagoo ka dalbaday shacabka inay cabsida iska dhaafaan.

Dadka reer Aadan-yabaal ayaa fagaarahaan ka sheegay in dhibaato badan ay ku qabeen kooxda Al-shabaab, sida in aad loo caburi jiray, raxmadda Allena aysan heli jirin, "Seddax sano Roob nooma di’in, laakiin markii aad ragaas naga xoreyseen, raxmadii Alle ayaa noo hoor tay oo Berri Aaran ayaan joognaa,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku nool Aadan-yabaal.

Sidoo kale oday kale ayaa sheegay in waay ihii ay Al-Shabaab xukumayeen Aadan-yabaal ay la kulmeen eex badan, "Dorraadtii maqaaya daha dhan waa la xiri jiray, hal maqaayad oo Bay iyo Bakool la yiraa oo ayagu ay la haayeen ayaa la isugu tegi jiray, eexda ay nagu samee yeen mid loo dul qaada karo ma aheyn,” ayuu yiri oday kale.

Jeneraal Biixi ayaa dadkaan ka dalbaday in ay iska soo dhex xulaan ciidan macawiisley ah oo ciidanka xoogga ku garab siiya sidii deg madaan looga difaaci lahaa Al-Shabaab, isla markaana loogu weerari lahaa deegaanada hoos taga Aadan-yabaal oo ay Al-Shabaab joog aan.

Ugu dambeyntii Taliye Biixi wuxuu u soo jee diyey shacabka degmadaan in maadaama ay kala yaqaanaan dadka deegaanka ay ciidanka ammaanka ku soo wargeliyaan hadii ay xaafa daha degmada ku arkaan qof Shabaab ah.

Munaasabad Lagu Xusayay Todobaadka Xoriyada Dalka Qatar Oo Muqdishi Lagu Qabtay.

Munaasabadda oo ay soo agaasintay safa arada Qatar ee Soomaaliya waxaa ka qeyb ga lay ra’iisul wasaaraha dalka Xamze Cabdi Ba rre, xildhibaano, wasiiro, Diblomaasiyiin, saraa kiil ciidan iyo qeybaha kale ee bulshada.

Safiirka cusub ee dalka Qatar ayaa ugu horeyn furay xaflada, isagoo ku dheeraad ay taariikhda dalka asi iyo halganka ay u soo mareen xoriyadooda, wuxuu dadkii mad asha joogay ku amaanay ajiibida casuumaadii loo sameeyay.

Amb.Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi ayaa dhinaca kale ku dheeraaday ka hadalka xiriirka xukuumadaha Muqdisho iyo Doxa, isagoo balan qaaday iney kaalin ka ciyaari doonaan sidii loo horumarin kahaa dalkan, kaalinna looga geysan lahaa caawinta dadka abaaruhu saameeyeen.

"Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar waa mid ku dhisan Walaalnimo, siyaa sad, dhaqaale iyo iskaashi, waxa aan u taagana hay in aan xoojino cilaaqaadka iyo danaha lab ada shacab ee walaalaha ah.” ayuu yiri safiirka.

Ra’iisul wasaraaha dalka Xamze Cabdi Barre oo khudbad ku baxeysah Luuqada Carab iga madasha ka jeediyay ayaa ugu hanbalyeey ay shacabla reer Qatar todobaadkooda xoriy ada, wuxuuna amaanay hormarka uu dalkaasi tiigsanayo, isagoo balan qaaday iney wanaajiy aan xiriirka labada dowladod.

Si kastaba, 18-ka bishan ayaa ah maalin qar anka Qatar ee ay xoriyada qaateen, waxeyna sanadan maalintaasi kusoo aaday xiliga ay dhaceyso ciyaarta Finalka ee koobka Adduunka oo sanadan ay marti gelisay dowladda Qatar.

Qatar ayaa bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo, halka la dhammeystiray dhismaha

waddada Muqdisho iyo Afgooye.


Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo iska casi lay xubinnimadii guddiga Maaliyada iyo Taa kuleynta ciidanka dib u xureynta Hiiraan

Guddoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xubinimadda guddiga Maali yadda ee taakuleynta ciidamada dib u xoreynta deegaanada gobalka Hiiraan.

War qoraal ah oo kasoo baxay gudoomiye Jeyte ayuu ku shee gay inuu ku howlan yahay sidii loo xaqiijin lahaa dadaalada am niga, xasiloonidda gobalka Hiiraan iyo dardarg alinta howlgalada baaxada leh ee ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Cali Jeyte ayuu ku sheegay in xubinnimadii gu ddiga uu isaga casilay kadib markuu arkay in gu ddiga Maaliyada iyo taakuleynta ciidanka dib u xureynta gobolka Hiiraan aysan diyaar u aheyn wax ka qabashada howlahii loo igmaday.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-

Qiimeyn cusub oo laga soo saaray waxa ay qabatay DF kadib qaraxyadii Zoobe 2

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Sooma aliya ayaa soo saartay warbixin ay ku faah faah inayaan qiimeynta khasaarihii ka dhashay qara xyadii Soobe 2 iyo qoysaskii ay saameysay.

Hey’adda ayaa sidoo kale soo bandhigtay mac luumaad muujinaya in wax un caawin ah ay do wladdu u sameysay qoysaska dadkii ay waxye eladu kasoo gaartay qaraxyadaas, kadib markii la furay sanduuqyo gurmad.

Ugu horeyn waxaa lagu cadeeyey warbixin taan in 28 qof oo qabay dhaawacyo culus oo is bitaallada loogu tegay la gudoonsiiyey min 500 oo dollar, halka 11 kalena caafimaad dalka dib adiisa ah loo fidiyey, iyadoo 9 ka mid ah la siiyey min 2,000 oo dollar.

119 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyadaas, halka 334 qof ay ku dhaawacmeen, waxaana ku burbrutay 116 xarumood oo goobo ganacsi ahaa.

Sida ay sheegeyso warbixintaan, Hanti ga areysa 3,466,859,02 oo milyan ayaa ku burbur tay qaraxyadii Soobe 2, iyadoo xarumo ay ku jiraan wasaaradda waxbarashada iyo Salaam Bank aan lagu darin qiimeyntaan.

"Warbixinteenu waxay cadeyneysaa in mar kii ugu horeysay ay dowladda Soomaaliyeed ca awisay qoysaska dadkii ku waxyeeloobay qar axyada dalka ka dhacaya, weliba si public ah,” ayuu yiri masuul ka tirsan hey’adda Maareynta Masiibooyinka.

Sidoo kale warbixintaan waxaa lagu soo ban dhigay shaqooyinkii ay hayeen dadka geeriyoo day iyo hanti la gaarsiiyey ehellada qaar ka mid ah dadkii ku geeriyooday halkaas.

Cali Guudlaawe Oo Farriin U Diray Bulshada Degaan Dhawaan Al-Shabaab Lagala Ware egay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirsh abeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Guul ane oo dhowaan laga saaray Alshabaab.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan, Taliyaha Booliiska Hirshabeelle iyo Masuuliyiin kale waxaa si diiran deegaanka guulane ugu soo dhoweeyay boqolaal dadweyne ah.

Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlayay shacabka deegaankaan ay aa uga mahadceliyay soo dhoweynta balaaran oo ay u sameeyeen isagoo bulsh ada deegaanadaan ugu baaqay inay ka qayb qaataan dagaalada lagula jira AL-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in halganka dalka looga alshabaab ay bilaabeen geesiyaal kasoo jeeday deegaankaan Guulane loona ba ahan yahay in la dhameystiro howlgallada culus ee ka socda deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa u mahad celiyay Qeybaha kala duwan ee ciidamada gee siyaasha iyo kuwa dib u xureynta deegaanka.

Howlgalka Midowga Afrika oo sheegay in ay ka go’an tahay dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Mohammed El-Amine So uef, ayaa sheegay in howlgalka Midowga Afrika uu si dhow ula shaqeyn doono ciidamada amm aanka Soomaaliya oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.

"Anigoo ku hadlaya magaca ATMIS, milita riga, booliiska, iyo rayidka, waxaan ku celinayaa sida ay nooga go'an tahay inaan si dhow idiinla shaqeyno si aan u taageerno qorshayaasha iyo howlaha dowladda iyo shacabka Soomaaliy eed," Souef ayaa ku yiri war uu soo saaray.

Ergeyga Midowga Afrika ee So omaaliya ayaa ballan qaaday in ay la shaqeyn doonaan dha mmaan wakiiladda dalalka bah-wadaagta la ah Soomaaliya si ay u taageeraan dadaallada ku aaddan dib u dhiska iyo horumarinta Soom aaliya.

"Waxaan ballan qaadayaa taageerada aan qarsoonayn iyo sida ay uga go'an tahay in aan si dhow ula shaqeeyo dhammaantiin inta aan sii wadno taageerada soo celinta nabadda iyo xas illoonida Soomaaliya," Souef ayaa sidaas yidhi.

Mohammed El-Amine Souef ayaa dhawaan lo osoo magacaabay howlgalka ATMIS oo waaji baadkiisa uu yahay taageerada nabada si loo yareeyo khatarta al-Shabaab iyo taageeridda dadaallada nabada iyo dib u heshiisiinta si loo helo Soomaaliya ammaan ah oo xasilloon.

Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay degm da Cabudwaaq

Wararka naga soo gaaraya degmada Cab udwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay bartamaha deg madaas Berri Dorraad ku dileen ganacsade caanka ahaa, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Maleeshiyaadka ayaa ganacsada ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdinuur ku dilay kaalin shidaal oo uu ku lahaa xaafadda Waaberi ee bartamaha degmada Cabudwaaq, sida ay dad goobjoogayaal ah xaqiijiyeen.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale shee gaya in dilkaan uu salka ku hayao arrimo la xi riira dilal aanooyin qabiil oo ka dhaxeeya qaar kamid ah beelaha dega degmada Cabudwaaq, kuwaas oo dhowr jeer soo laab laabtay.

Ciidamo ka tirsan laamaha amniga degma da Cabudwaaq ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo baadi goobayay dadkii ka da mbeeyay dilkaas, wallow aysan ku guuleysan in ay soo qabtaan, hase yeeshee meydka marxu umka ay goobta ka qaadeen.

Maamulka iyo laamaha amniga degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaan weli ka hadlin dilka ganacsadaha loogu geystay deg madaas, waxaana dhowr jeer kusoo laab laa btay degmada Cabudwaaq dilalkala xiriira aano oyinka qabiil.

Iran oo xukun deldelaada ku fulisay qof kii labaad ee ka mida debedbaxayaasha

Dawladda Iran ayaa sheegtay inay xukunkii lab aad ku fulisay maxbuus loo haysto mudahara adadii dalka Iran ka bilaabmay bishii September ee sannadkan, ka dib markii dhimatay ay hawe enay ay xabsiga dhigeen, ciidamada booliska ee anshaxa, kuwaas oo ku eedeeyey gabadha as yar inaanay si habboon u daboolin timahe eda.

Wakaaladda wararka ee Miz an ee ay maamusho hay’adda ga rsoorka ee dalkaas ayaa sheeg tay in Majidreza Rahnavard lagu fuliyey xukun deldelaad ah oo ka dhacay maga alada Mashhad, tallaabadaas oo digniin u ah dadka kale.

Rahnavard ayaa lagu eedeeyey inuu si ba’ an u toorayeeyey laba askari oo ka tirsan cii damada ammaanka ee magaalada Mashhad bi shii hore, ka dib markii uu ka cadhooday in mas uuliyiintu ay dil toogasho ah kula kacayaan debedbaxayaasha.

Kooxaha debedbaxayaasha ayaa sheegay in dawladda Iran inay illaa haatan dil ku xukuntay ugu yaraan toban qof, ka dib markii la soo taagay, maxkamad xidhan oo aan dadweynaha loo ogolayn inay ka qaybgalaan dhegaysigeeda. Muddo saddex bilood ah oo mudaharaadadu ay socdeen waxaa dhintay illaa 488 qof.

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xabsiga la dhigay illaa 18,200 oo qof.


SACUUDIGA oo shaaciyey qorshahooda haddii IRAN ay hesho hub Nukliyeer

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudi Car abiya ayaa Axaddii sheegay in dalalka Khaliijka ay qaadi doonaan tallaabo ay ku xoojinayaan amnigooda haddii Iran ay hesho hub Nukliyeer ah.

Wada-hadallo aan toos aheyn uu oo u dhaxeeyey Mareykan ka iyo Iran oo lagu badbaadin lahaa heshiiskii Nukliyeerka ee 2015, kaasi oo Washington ay ka baxday 2018-kii, ayaa hakaday bishii September. Madaxa Nu kliyeerka ee QM ayaa walaac ka muujiyey ha dallo ay dhowaan Iran ku sheegtay inay xooj ineyso kobcinta awooddeeda uranium-ka.

"Haddii Iran ay hesho hub nukliyeer oo sha qeynaya, natiijada waa mid aan la qiyaasi karin,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibe dda Sacuudiga Faisal bin Farhan Al Saud oo wareysi bixiyey isaga oo ku sugan Shirka Siya asadda Adduunka ee Abu Dhabi.

"Waxaan ku jirnaa meel aad khatar u ah oo gobolka ah…waxaad filan kartaan in dalalka go bolka ay si dhab ah u eegi doonaan sidii ay am maankooda u sugi lahaayeen,” ayuu yiri.

Hadalkiisa ayaa loo arkaa mid ka dhigan in dalalka Khaliijka ay ayagana raadin doonaan hub nukliyeer ah, haddii Iran ay hesho.

Wada-hadallada Nukliyeerka ayaa istaagay aya da oo quwadaha Reer Galbeedka ay ku eedeey een Iran inay la timid dalabyo aan suurtagal ahe yn, waxayna kadib diiradda u weeciyeen dagaal ka Ruushka iyo Ukraine

Inkasta oo Riyadh ay weli "shaki ka qabto” heshiiska nukliyeerka Iran, haddana Amiir Fai sal wuxuu taageeray dadaallada dib loogu soo nooleynayo heshiiska "ayada oo shuruurdda ay tahay inay noqoto billowga, balse aysan aheyn dhammaada heshiiska xooggan oo lala galo Tehran.”

Dalalka Khaliijka ayaa cadaadiyey heshiis xooggan oo wax ka qabanaya walaacyada ay ka qabaan gantaallada iyo barnaamijka diyaara daha drone-ka Iran iyo shabakadaha qarsoon ee ay ku leedahay gobolka.

"Nasiib-darro, tilmaamooyinka iminka ma ahan kuwa togan,” ayuu yiri Amiir Faisal.

"Waxaan ka maqalnaa Iiraaniyiinta inaysan doo neyn barnaamij hub nukliyeer, taasi waxay noq on laheyd mid aad nasteexo u ah inaan awo odno inaan rumeysano. Waxaan u baahanahay damaanad dheeri ah.”

Iran waxay sheegtaa in teknoolajiyaddeeda Nukliyeerka ay tahay mid laga leeyahay dano rayid.Reuters

Wasiir katirsan xukuumadda Soomaali ya oo walaac weyn ka muujisay kaydka dhuxusha Jubbaland

Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee xukuumadda Soomaaliya, xildhibaan Khad iijo Maxamed Almakhsu umi, ayaa walaac weyn ka muujisay kaydka dhuxu sha ah ee Jubbaland.

Wasiirka deegaanka oo safar ku tagtay magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubbaland ayaa she egtay, in kaydka dhuxusha uu caqabad ku ya hay xakamaynta bacaadka ku habsaday deeg aano katirsan Jubbaland.

"Dhuxusha kaydkeeda dhibaato ayay ku ha ysaa ummadda Soomaaliyeed. Bacaadku ma alin kaste wuu sii durkuyaa kaydkaas dhuxusha ah awgeed,"ayay tiri wasiirka deegaanka.

Wasiirku waxay sheegtay in aan xilligan loo baahnayn kayd dhuxul ah, iyadoo xustay in dunida laga mamnuucay dhoofinta dhuxusha.

Hadalka wasiirka deegaanka ayaa kusoo aad ay, iyadoo maamulka Jubbaland horey loogu eedeeyay inuu dhoofiyo dhuxusha sharci darr ada ah, taasoo Soomaaliya laga saaray cunaqa batayn in la dhoofsho.

QM ayaa horey u sheegtay in dhoofinta dhuxusha Soomaaliya ee la Mamnuucay ay weli sii socota, dhaqaale malaayiin dollar ahna uu ka soo galaan ururka Al-Shabaab, sida lagu sheegay warbixin lasii daayay 2018.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhuxushaasi la sii marsiiyo dalka Iran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo sheegay inaanu jirin wax kulan ah oo Jabuuti ku dbex maray M/W. Somaliland iyo M/W.Soomaaliya.

Wasiir Kayd oo warbaahinta Hargaysa kula hadlay kadib markii uu kasoo laabtay safar uu madaxweynaha ku weheliyay oo uu ku joogay dalka Jabuuti, ayaa sheegay in martiqaad aroos oo ay ka heleen madaxweyne Geelle ay Jab uuti ku tageen, isla markaana aanu jirin wax wada hadal ah oo dhex maray madaxweyn eyaasha.

"Waa been mada xwe ynaha Somal iland lamuu kulmin madaxweynaha So omaaliya, haba yaraatee wada-hadal layslama soo qaadin, wax ka jiraana ma jiraan, meesha siyaa sad wax ahi kamay dhicin" ayuu yidhi wasiir Ka yd.

Sawiro baraha bulshada ku baahay oo mu ujinayay madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Xa san Sheekh oo wada fadhiya xaflada arooska Haybado Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa bulsh ada ku abuuray shaki ah in labada dhinac wada-hadal siyaasadeed yeesheen.

Ergooyin ka yimid waddamada Turkiga iyo Norwey, ayaa todobaadadii ugu danbeeyay isku dayay in dib loo bilaabo wada-hadaladii Som aliland iyo Soomaaliya, lakiin madaxweyne Biixi ayaa dib u bilaabashada wada-hadalada ku xidhay shuruudo ay kamid yihiin in Soomaaliya fuliso qodobadii kasoo baxay wada-hadaladii hore.

Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo markii ugu horaysay bilaabmay sannadkii 2012, ayaa ku guuldaraystay in ay keenaan nati ijo wax ku ool ah, iyadoo Somaliland xukuum adii hore ee Soomaaliya ku eedaysay in ay ka baxday heshiisyadii la gaadhay.

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay 30 ka mid ah dagaalamayaasha Shabaab oo ka dhacay deegaanka Oobaale

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ay aa lagu sheegay in howlgal qorsheys an oo ay fuliyeen ciidanka Nabadsugi da iyo Sirdoonka Qaranka Soomaali yeed oo kaashan aya saaxiibada caa lamiga ah iney ku dileen dag aalamayaal ka tirsan Al-sha baab Galbeed ka deegaanka Oobaale oo hoostaga degmada Mahadaay.

Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qar anka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalam iga ah ayaa la sheegay in howlgal qorsheysan ay ku dileen 30 ka mid ah dagaalamayaasha Sha baab oo ku sugnaa Galbeedka deegaaka Ooba ale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warkaan oo lagu daabacay warbaah inta qaranka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ci idamada ay bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan Ururka Shabaab oo doonaayay in ay u gurmadaan dagaalamayaal kale oo ka tirsan Shabaab oo la sheegay in lagu jabiyay howlgal ka dhacay deegaanka Oobaale.

Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaan ka ee loo yaqaano Macawiisleey ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sug naa deegaankaan, waxaana howlgaladaan ay qab ka yihiin dagaalada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe.

Faysal Cali Waraabe: Doorasho aan lay sla ogolaynin Somaliland ka dhicimayso

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somali land ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa she egay in guddida doorashooyinku ay usoo gudb isay jadwalka doorashada madaxweynaha oo kali ah.

Guddoomiyaha oo waraysi gaar ah siiyay idaacada BBC-da, ayaa sheegay in Guddida Do orashooyinka Somaliland u soo gudbisay jadwalkii doo rashada madaxtooyada ee ay hore u sheegtay in ay 9 billood ku qabanayso.

"Koomiishanku wuxuu usoo bandhigay sadd exda xisbi jadwalkii doorashada madaxweyna ha lagu galayay ee ay hore u shaaciyeen bishii October, ee ay yidhaahdeen 9 billood ayaanu ku qabanaynaa doorashadii madaxweynaha" ay uu yidhi Guddoomiye Waraabe.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in taageeraya ashoodu u qaateen in mucaaradku ay ogo laadeen doorashada ururada lakiinse anay taasi jirin, oo anay marnaba ogolaanayn doorasho aan sharci ahayn.

"Taageerayaashayadu waxay moodeen in aanu ogolaanayn doorasho ururo, lakiinse waa nu ka raaridanynaa oo waxaanu leenahay wax sharci ah oo doorasho ururo lagu galaa ma jiro, doorashada qudha ee dalka u taala ee sharciga ahi waa taa madaxweynaha" ayuu yidhi Gud doomiye Waraabe. Guddoomiyaha ayaa ku hanjabay in Soma liland qas gali doonto hadii aan la qaban doora shada madaxtooyada, isaga oo sheegay in doorasho aan laysla ogolaynin anay Somaliland ka dhici doonin.

Mucaaradka iyo xukuumada ayaan wali ka heshiin khilaafka ka taagan ta soo horaynaysa doorashada madaxtooyada iyo doorashada uru rada.


MAXAY MADAXDA AFRIKA KA RAJEYNAYAAN SHIR MADAXEEDKA WASHINGTON?


WASHINGTON — Maamul kasta oo cusub oo Mareykan ah wuxuu horumariyaa ahmiyad ku saabsan sida uu u fulin lahaa siyaasaddiisa Afrika. Waxyar kadib markii la dhaariyey, madaxweyne Joe Biden wuxu ku dhowaaqay "Amerika waa ay soo laabatay”, isaga oo tusmeynaya inuu la-maacmil dhow la yeelanayo bulshada caalamka, iyo ballan-qad cusub oo ku wajahan Afrika.

Siyaasad Afrika ay saldhig u tahay oo dhinacyo badan, waa sida falanqeeyayaasha siyaasadeed ay ku sifeeyaan istiraatiijiyadda Aqalka Cad ee ku wajahan Afrika. Istaraatiijiyada Mareykanka ee dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseysa, sida loogu yeero, waxay xoogga saaraysaa doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay ee horumarinta dhaqaalaha, caafimaadka, kaabayaasha, maaliyadda, tamarta nadiifka ah, isbedelka cimilada, iyo waxbarashada.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa istaraatiijiyadda cusub ku daah-furay Jaamacadda Pretoria ee Koonfur Afrika bishii Agoosto.

"Waxa aan raadineyno inta badan waa iskaashi dhab ah oo ka dhexeeya Mareykanka iyo Afrika, ma dooneyno xiriir aan dheelitirneyn ama macaamil ganacsi,” ayuu yiri Blinken.

Bob Wekesa waa ku-xigeenka agaasimaha Xarunta Afrika ee Daraasaadka Maraykanka, oo ka tirsan Jaamacadda Witwatersrand ee Johannesburg.

"Waxaan u maleynayaa inay tahay mid aad u firfircoon oo xiiso leh, waa inaan qiraa. Xiriirkooda qaaradda Afrika waa mid aad u firfircoon marka loo eego maamulkii Trump,” ayuu yiri Wekesa.

Caddaynta la-macaamilkan xooggan ee Qaaradda Afrika, waa shir-madaxeedka Mareykanka iyo Afrika ee la qorsheeyay inuu ka dhaco Washington, D.C, 13-ka illaa 15ka December, oo ay ka qeyb galayaan 49 hoggaamiyeyaal Afrikaan ah iyo Midowga Afrika. Laakiin maxay yihiin natiijooyinka ay Afrikaanku raadinayaan inay gaaraan?

Wekesa ayaa sheegay in dhaqaalaha uu noqon doono ajendaha ugu xooggan ee Afrikaanki la tagaan Washington.

"Afrikaanku waxay u badan tahay inay halkaas la yimaadaan ajande dhaqaale oo weyn. Afrika waxay u baahan tahay horumarin kaabayaal oo badan. Waa mid ka mid ah qaaradaha ugu isku xirka liita adduunka, xitaa marka laga hadlayo qadadka tareenada iyo dekedaha oo aan laga hadlin noocyada kale ee isgaarsiinta sida kaabayaasha digital-ka ah, macluumaadka iyo teknoolajiyadda isgaarsiinta,” ayuu yiri.

Shiinuhu waxa uu aad ugu firfircoonaa inuu hormuud ka noqdo mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha dhaqaalaha ee dalal badan oo Afrikaan ah, taasina waxa ay kor u qaadaysaa su’aasha ku saabsan in Maraykanka uu si hufan ula tartami karo iyo in kale.

Balse Wekesa ayaa qaba in Mareykanka uu la tartami karo Shiinaha. "Maraykanku wuu tartami karaa, waxaana guuldarradiisa tartan ee wakhti xaadirka ay inta badan ahayd xeelad la'aan,” ayuu yiri.

Markan Maraykanka waxa uu damacsan yahay inuu kor u qaado wada-maalgelinta ganacsiyada gaarka ah, xagga tamarta, caafimaadka iyo isku xirka digital-ka.

"Marka dawladda Maraykanku ay ku lug yeelato xiriirka ganacsiga iyo dhaqaalaha ee qaaradda Afrika, waxay u ogolaataa ganacsiyadeeda gaarka ah inay hoggaamiyaan. Sidaa darteed, waxaan u maleynayaa in dowladda Mareykanka ay u badan tahay inay raacdo ajande ah in la helo jawi ku habboon ganacsiyada Mareykanka si ay ugu guuleystaan qaaradda Afrika,” ayuu yiri Wekesa.

Arrin kale oo ay Afrikaanku xiisaynayaan in dib looga wadahadlo ayaa ah sharciga kobaca iyo fursadaha Afrika ee uu billaabay maamulkii Bush 200-dii, balse markan madaxda Afrika ay doonayaan in miiska wada hadalka lasoo saaro."Afrikaanku waxay ku doodayaan in sharciga AGOA uu Congress-ka si iskiis ah u ansixiyay iyada oo aanay Afrikaanku ku lug lahayn doodda. Hannaan kasta oo cusub oo u dhexeeya Afrika iyo Mareykanka waa inay qeyb ka noqotaa danaha Afrika, gaar ahaan kuwa uu hoggaamiyo Midowga Afrika,” ayuu mar kale yiri Wekesa.

Falanqeeyayaasha iyo hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa soo dhawaynaya dadaalkan dib-u-macaamil ee u dhexeeya Maraykanka iyo qaaradda.

Warbixintan waxaa diyaarisay Zoe Leoudaki, oo VOA News uga soo warranta Washington. XIGASHO:VOA

Qarax Xooggan Oo Lala Beegsaday Huteel Ku Yaalla Kabul

Ciidamada ammaanka dalka Afghanistan ayaa sheegay in qarax xooggan lala beegsaday huteel ku yaalla bartamaha magaalada Kabul.

Afhayeenka dowladda Afghanistaan wuxuu sheegay huteelka la weeraray inuu yahay mid ay dagaan ajaanibta gaar ahaan dadka ka soo jeeda dalka Shiinaha.

Inta la ogyahay waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan 3 qof.

Dad goob joog ah waxay sheegeen qaraxa marka uu dhacay kaddib iney maqlayeen rasaas xooggan oo halkaasi ka dhaceysa. Muuqaal laga soo duubay dhismaha la weeraray ayaa muujinaya qaac iyo uuro cirka isku shareertay.

Ururka Taalibaan oo tani iyo marki uu la wareegay talada dalkaasi waxay ku doodayeen iney xaaladda amni ee dalkaasi ay ka soo reyneyso, inkasta oo ay weli dalkaasi ka dhacayaan qaraxyo iyo weerarro badan.

Qaraxyada iyo weerarrada halkaasi ka dhacana waxaa inta badan sheegtay ‘Ururrka isku magacaabo dowladda islaamiga’, ururka ka dagaallama ‘gobolka Khorasan qayba ka mid ah.”

MARAYKANKA OO QORSHAYNAYA INUU AFRIKA UGU YABOOHO $55 BILYAN

Maraykanka ayaa sheegay inuu ugu yaboohayo Afrika lacag gaaraysa illaa $55 bilyan oo dollar, saddexda sano ee soo socota. Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa, xilli uu madaxweyne Joe Biden uu isu diyaarinayo shirka Maraykanka iyo Afrika ee uu dalkiisu martigelinayo.

Dalka Maraykanka waxaa gaaray hoggaamiyayaasha ka qaybgelaya shir madaxeedka aadka u ballaaran oo dhexmaraya Maraykanka iyo dalalka Afrika, waxaana shirkan oo furmaya Berri, la filayaa inay ka qaybgalaan wufuud gaaraysa illaa 50 oo kala metelaya dalalka Afrika iyo ururka Midawga Afrika.

Inta uu socdo kulanka labada dhinac, ayaa la filayaa inay kaga wadahadlaan, dib u eegista xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iyo xoojinta hay’adaha dawliga ah ee Afrika, muwaadiniintooda iyo weliba nidaamka dawliga ah, iyada oo loo marayo "in wadahadal laga yeesho, caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka, dimoqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada, iyo qodobo kale oo badan.

Shirkan ayaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa, "sidii loo ballaadrin lahaa iskaashiga wakhtiga dheer soo socday ee u dhexeeya Maraykanka iyo Afrika, iyo in la horumariyo danaha ay labada dhinac wadaagaan, iyo kor u qaadida codadka Afrika si ay si wada jira uga hadli karaan caqabadaha horyaalla xilligan” ayuuu yiri sarkaal u hadlay dawladda Maraykanka oo

magaciisa qariyey.

Sarkaal kale oo Maraykanka ayaa isagu sheegay in laga yaabo inay shirka ka soo baxaan goaano iyo hindisayaal waaweyn, ka dib marka uu dhamaado saddexda maalmood ee la qorsheeyey

,


 

KOOBKA ADDUUNKA 2022: MESSI, FARANSIISKA, MAROOKADA TAARIIKHDA SAMAYSAY - IYO SIDA LOO ARKO NUS DHAMMAADKA TARTANKA QADAR KOOBKA ADDUUNKA


Guuldarradii Ingiriiska uu kala kulmay Fara nsiiska ayaa ka dhigan in rajadii ay ka qabeen Koobka Adduunka ay halkaas ku soo idlaatay.

Hasayeeshee afar kooxood oo kala ah – Argen tina, Croatia, Faransiiska iyo Marooko - ayaa weli ku sugan waddanka Qadar, kuwaas oo mid walba uu rajaynayo inuu qaado koobkan.

Waa nus dhammaad ay dheelayaan kooxo dad badan aanay saadaalin inay isugu iman doon aan, hasayeeshee waa isku aad xiisa badan oo ay suuragal tahay inay falcelin badan ka dhal ato maalmaha soo aaddan.

Ma xilligii Messi uu koobkan qaadi lahaa baa?

Lionel Messi

Lionel Messi, laacibka xulka Argentina

Xulka aadka loo filayay inuu halkan soo gaaro waa midkan uu hog gaamiyo Lionel Messi ee Argentina, iyadoo la iswaydiinayo in laa cibka weyn ee dalkaasi uu markiisii ugu horraysay ku guulay san karo Koobka Adduunka.

Messi ayaa xirfad wayn soo bandhigay mud dadii uu dheelayay, oo waxa uu ku guulaystay 10 koob oo horyaalka Spain ah, koob kale oo uu ku qaaday Faransiiska, afar Champions Le ague, Copa America oo uu qaaday 2021 iyo ri koor ah inuu toddoba jeer ku guulaystay aba almarinta Ballon d'Or – taas oo sannad walba la siiyo ciyaaryahanka ugu wanaagsan caalamka.

Hasayeeshee ciyaaryahankan ayaa ka duwan ciyaartoyda kale ee ugu waa wayneyd dunida sida Pele-ga reer Brazil iyo Diego Maradona-hii Argentina, oo uma aanay suuragelin inuu ku guulaysto biladda ugu wayn tartamada ciyaar aha caalamka.

Waxaa laga joogaa 36 sanadood markii Arg entina oo uu Maradona hoggaaminayo ay ku gu ulaysatay Koobkii Adduunka ee ugu dambe eyay, Messi-se waxa uu xulka koonay fiinaalka koobkii 2014.

Haddaba Messi ma gaari doonaa fiinaalka tartanka Qatar, oo ma samayn doonaa taariikh ah inuu yahay ciyaaryahanka ugu wanaagsa naa abid ee caalamka soo mara?

Marooko ma waxay haysataa sababo badan oo ay ku dhiirran karto?

Marooko

Marooko waa dalkii ugu horreeyay ee Afrik aan ah iyo weliba Carab ah oo inta badan dadk iisa ay Muslimiin yihiin ee soo gaara nus dham maadka Koobka Adduunka. Walow qaar kamid ah ciyaartoyda xulka Marooko ay leeyihiin khib rad badan oo ay ku jiraan ciyaartoy magac leh, sida weeraryahanka kooxda Chelsea Hakim Ziyech iyo daafaca kooxda Paris St-Germain ee Achraf Hakimi, haddana xulkan lagu naanayso the Atlas Lions ayaa ka dheereeyay heerkii laga filayay inay gaaraan.

Waxay kaalinta koobaad kaga soo baxeen koox ay ku jireen Croatia iyo Belgium, kahor inta aanay wareegga 16-ka kooxood ku soo gar aacin Spain iyo Burtaqiiska oo rubac dham maadka ay ku soo reebeen.

Guushooda ayaa waxaa gun u ah difaacoo da oo adag iyo shaqo adag oo aan daal lahayn oo ay ciyaartoydu qabtaan. Illaa hadda ciyaar toy ka hortimid Marooko oo gool ka dhaliyay koobkan maba jiro – hal gool ayaase ka dha shay oo ay iyagu iska dhaliyeen, waa ciyaartii ay la lahaayeen Canada. Xulkan ayaa kamid ah xulalka sida wayn loo taageerayay intii uu socday tartankan.

Dadka qabanqaabinayay tartankan ayaa sheegay in Koobka Adduunku uusan ku saa bsanayn Qatar oo kaliya, ee uu yahay tartan ay martigelintiisa wada eeganayaan gobolka Bari ga Dhexe iyo Muslimiinta oo dhan. Ma heli doo naan wax wayn oo ay dhammaadka tartakan u dabbaaldegaan?

Faransiiska koobka ma qaadi karaa markii labaad ee xiriir ah?

Kylian Mbappe

Faransiiska waa dal kale oo Yurub ah oo ay ku hor gudban yihiin xulka adag ee Marooko.

Xulkan lagu naanayso Les Bleus ayaa isku da yay in markii labaad oo xiriir ah uu qaado Koob ka Adduunka, sida Brazil ay samaysay 60 sa nadood kahor waa 1962-kii, markaas oo ay difaacatay Koobka Adduunka ee ragga.

Dhab ahaantii sanadihii dambe xulka koo bkan haysto meelahan ma uusan soo gaari jirin. Talyaaniga, Spain iyo Jarmalka, ayaa laba iyo tobankii sanadood ee la soo dhaafay tartanka laga saaray xilli hore, hasayeeshee Faransiiska culeyskaas haatan waa uu ka soo gudbay.

Guushii Sabtidii ay ka gaareen Ingiriiska ay aa ka dhigtay xulkii ugu horreeyay ee haysta ko obka loo tartamayo ee tan iyo 1998 soo gaara nus dhammaadka, waa taariikh Brazil u taallay.

Tababare Didier Deschamps ayaase diiradda saaraya Marooko."Inaad ka hor dhacayso aya ad mooddaa,” ayuu yiri, mar la waydiiyay in ko oxdiisa ay gaari karto fiinaalkii labaad ee xiriir ah. Croatia markale ma gaari kartaa fiinaalka Koobka Adduunka?

Croatia Waxaa suuragal in fiinaalkii 2018-kii oo kale aynu daawanno, waa haddii Faransiiska uu ka soo adkaado Marooko, Croatia-yana ay ka soo baxdo Argentina.

Croatia ayaa soo gaartay afarta kooxood ee isku soo haray kaddib dhabar adayg kulul oo ay muujisay.

Afar sanadood ka hor waxay gool-ku-laadyo ku soo garaaceen Denmark iyo Ruushka sidaas oo ay ku yimaadeen nus dhammaadka, sann adkanna waxay gool ku laadyo uga soo gudb een Japan iyo Brazil, sidaasna ay uga mid noq deen afarta xul ee isu soo haray.

24 sanadood ayaa laga joogaa markii ugu dambaysay ee ay ciyaar kala bax ah oo ka tirsan Koobka Adduunka ay 90-ka daqiiqadood caadi u badiyaan – waa markii ay 3-0 uga adkaadeen Jarmalka rubac dhammaadka tartankii 1998-dii.

Dedaallada Croatia ee sannadkan ayaa ah mid aad loo qadariyo maadaama ciyaaryahanka Khadka dhexe uga dheela ee Luka Modric uu haatan 37-jir yahay.

Walow uu da’yahay haddana ciyaaro layaab leh ayuu soo bandhigayay.

Argentina, oo guuldarro 3-0 kala kulantay Croatia ciyaar ka tirsaneyd group-kii ay ku wada jireen Koobkii Adduunka ee 2018, ayaanan haatan dhayalsan doonin XIGASHO:BBC

MESSI OO GO'AAN KA QAATAY CIYAARA HA KOOBKA ADDUUNKA KA DIB WACDAR IHII XALAY

Lionel Messi ayaa aaminsan in ciyaarta final ka Axadda ay noqon doonto kulankiisii ​​ugu da mbeeyay ee uu Argentina u ciyaaro koobka add uunka. Weeraryahanka Argentina ayaa dhaliy ay goolkiisii ​​shanaad ee ciyaaraha Koobka Add uunka Qatar 2022 Talaadadii, waxaana uuna sheegay inuusan fileynin inuu ka soo muuqdo ciyaaraha Koobka Adduunka ee xiga.

Waxa uu yiri: "Sida iska cad aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku soo gabagabeeyo safarkaygii koobkii adduunka ciyaarta finalka, si aan u ciyaaro kulankii ugu dambeeyay ee fin alka, taasi runtii waa wax aad loogu farxo. "Wax aa jira sanado badan laga bilaabo sanadkan il aa kan soo socda, uma maleynayo inaan awo odi doono inaan sidaas sameeyo, in aan ku soo gabagabeeyo habkan waa mid cajiib ah."

Taageerayaasha xulka qaranka Argantina ay aa weli damaashaad ku jira ka dib markii xulka qaranka dalkaasi u gudbay ciyaarta kama dama bysta ah ee koobka aduunka oo uu saddex iyo eber kaga guulaystay dalka Croatia.

Lionel Messi ayaa goolkii ugu horeeyey oo rigoore ah u dhaliyey sidoo kalena suurto gel iyey labada gool ee kale ee uu dhaliyey Julian Alvarez.XIGASHO:BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip