100 ka Dumar ee BBC 2022: Yaa kamid ah sanadkan?

0
Tuesday December 06, 2022 - 23:01:34 in Wararka by
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    100 ka Dumar ee BBC 2022: Yaa kamid ah sanadkan?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...


100 Dumar - BBC adeegga caalamka

BBC waxay soo bandhigaty liiska 100-ka dumar ee ugu saamaynta badan aduunka oo dhan sannadka 2022.

waxaa kamid ah Billie Eilish, Marwada 1aad ee Ukraine Marwo Olena Zelenska, Atariisho Priyanka Chopra Jonas, iyo Selma Blair, "Tsarina-da muusiga ee Ruushka" Alla Pugacheva,(boqorod hore oo ruushka ka talin jirtay) Buura fuushada Iran u Dhalatay Elnaz Rekabi, gabadha jabisay rikooraha ciyaarta bootinta ee saddex jibaarka Yulimar Rojas, iyo qoraaga u dhalatay Ghana, Nana Darkoa Sekyiamah.

Tani waa xalqadii tobnaad ee 100-ka dumar, waxaanuna uga faaidiisanaynaa fursaddan inaan ku ogaanno hurumarka la sameeyay tobankii sano ee u dambeysay.iyada oo la qaaday talaabooyin badan oo loo qaaday dhanka hurumarka xuquuqda dumaraka sida tirada dumarka ee hogaanka noqotay ilaa dhaqdhaqaaqa "MeToo" hadana waxaad moodda in aanay fari ka qodnayn.

liiskani wuxuu ka turjumayaa doorka dumarka ee bartamaha colaadaha aduunka 2022- laga bilaabo banaan baxayaasha sida geesininmada u dalbanayay isbadal ka dhaca Iran, ilaa wajiga dumarka colaadda iyo iska caabinta Ukrain ee Ruushka. Markii u horaysay sanadkan, 100-kii dumar ee hore ayaan ka codsannay inay magacaabaan kuwa kale ee ay isleeyihiin boos ayey uga qalmaan liiska 2022.

Adeegso batoonka hoose si aad ugu xulato doorarka kala duwan

Wadarta Dumarka100

Gohar Eshghi

Gohar Eshghi , Iran

Udhaqdhaqaaqe rayidka

Gohar Eshghi waxay astaan adkaysi iyo dulqaad ka noqotay Iran. Wiilkeeda, Sattar Beheshti, waxa uu ahaa Blogger (internet-ka wax ku qora) wuxuuna ku dhintay xabsiga toban sano ka hor, Eshghi ayaa tan iyo markaas ku baaqaysay caddaalad, iyadoo ku eedeeyay mas'uuliyiinta Iran jirdil iyo naf goyn.

Waa mid ka mid ah Hooyooyinka ka dacwoonaya dawladda Iran, koox u raadisa caddaaladda carruurtooda la laayay. Iyadoo si gaar ah u haysta Ayatollah Ali Khamenei, Hogaamiyaha Sare ee Iran, inay mas'uul ka yihiin dhimashada wiilkeeda, waxay ahayd mid ka mid ah saxiixayaasha warqad 2019-kii loogu baaqayay inuu iscasilo. Intii lagu guda jiray mudaaharaadyadii sanadkan ka dib dhimashadii Mahsa Amini, Eshghi waxay iska saartay xijaabkeedii iyadoo taageero ugu muujinaysay mudaaharaadayaasha.

Lina Abu Akleh

Lina Abu Akleh, Dhulka Falastiin

Ol'oleeye xuquuqda aadanaha

U doodaha xuquuqda aadanaha Falastiin iyo Armenia Lina Abu Akleh waxaa eedo u ah Saxafiyad Mareykan-Falastiin ah ee lagu magacaabo Shireen Abu Akleh, oo ah weriye ka tirsanayd Aljazeera oo la dilay bishii May iyadoo soo tabinayay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen Daanta Galbeed ee la haysto. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay jirto "ixtimaalka sare” mid ka mid ah askartiisa ayaa u dilay si kamma' ah.

Lina waxay hadda noqotay wejiga ololaha caddaaladda iyo isla xisaabtanka dilka eeddadeed. Waxay haysataa shahaadada Masterka ee daraasaadka caalamiga ah ee diiradda saaraya xuquuqda aadanaha. Waxaa loo magacaabay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha soo socda ee 2022 TIME100 xuquuq u doodiddeeda awgeed.

Waxaan u baahanahay in aan ka soo amba qaadno meesha ay kaga tagtay eedaday Shireen Abu Akleh oo aan sii xoojino aragtida haweenka si aan u xaqiijino in sheekooyinka aan ka sheekeyno iyo macluumaadka aan uruurinayno ay noqdaan kuwa loo siman yahay, sax ah oo dhan - dumar la'aanteed, taasi macquul maaha. .

Lina Abu Akleh

Dima Aktaa

Dima Aktaa, Syria

Orodyahan

Dima Aktaa gurigeeda suuriya waxa la qarxiyey 2012-kii. waxay ku wayday lugteeda iyo mid kamida waxay u jeclayd samayntiisa: Orod. Qiyaas dhan 28% suuriyaan ah ayaa naafoobay, ku dhawaad laba jibaar tirada celceliska ee caalamka, sida lagasoo xigtay xogta UN-ka.Toban sano kadib,Aktaa UK ayey Joogtaa, waxayna u taba baranaysaa siday uga qayb qaadan lahayd tartanka curyaanada ee 2024.

Ka dib markii ay lacag u ururisay qaxootiga intii lagu jiray aafada covid19, waxaa loo aqoonsaday inay xubin ka tahay kooxda kubbadda cagta ee England, Lionhearts. Sheekadeeda ayaa dhawaan lagu soo bandhigay muuqaalka muusiga ee heesaa Anne-Marie, waxayna sii waddaa kor u qaadista wacyiga xoogga dadka naafada ah.

Maeen Al-Obaidi

Maeen Al-Obaidi, Yemen

Qareen

Iyadoo dagaalka sokeeye ee Yemen uu sii kordhay sanadkan, qareen Maeen Al-Obaidi waxa ay sii waddaa inay diirada saarto nabadaynta magaalada go'doonsan ee Taiz. Waxay qaadatay doorka dhexdhexaadnimada, fududaynta maxaabiista ay isweydaarsanayaan kooxaha iska soo horjeeda. In kasta oo aysan mar walba ku guulaysan inay dagaalyahanno dib ugu celiyaan qoysaskooda iyagoo nool, waxay isku daydaa inay hubiso in meydka dadka dhintay la soo celiyo.

Waxay si mutadawacnimo ah ugu shaqeysay Ururka Haweenka Yemen, halkaasoo ay difaacday haweenka la xiray. Waxay sidoo kale ahayd haweeneydii ugu horreysay ee loo dalacsiiyo Golaha Qareennada, iyada oo kormeeraysay guddiga xuquuqul insaanka iyo xorriyadda.

Zar Amir-Ebrahimi

Zar Amir-Ebrahimi, Iran

Atariisho

Atariishada ahna filin soo saaraha sanadkan ku guulaysatay abaal marinta Zar Amir-Ebrahimi ayaa noqotay atariishadii ugu horaysay ee Irani ah taasoo guul ka gaadha (Cannes) soo bandhigisteedii Holy Spider, Filin ku saabsan sheeko run ah oo laga sameeyay dilaa layn jiray shaqaalaha galmada.

Amir-Ebrahimi waxa ay ku qasbanaatay inay ka tagto Iran si ay uga fogaado cadaadis iyo in lagu soo oogo dacwad,ka dib markii muuqaal galmo ah ee keed ah la faafiyey lana kulantaya ol'ole sumcad dil ah oo ku saabsan nolosheedii hore ee jacaylka. 2008 waxay u guurtay Paris, iyada oo aasaastay shirkaddeeda wax soo saarka ee Alambic Production, waxayna sii wadday inay dhisto xirfad cajiib ah kamarada horteeda iyo gadaasheedaba.

Fatima Amiri

Fatima Amiri, Afghanistan

Arday

Dhalinyaro reer Afgaanistaan ah, Fatima Amiri waxay ka mid tahay dadkii ka badbaaday weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay xarun waxbarasho oo ku taal Kabul oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof, oo u badnaa gabdho arday ahaa. Waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah oo ay ku jiraan isha oo ka go’day iyo dhaawac xooggan oo ka soo gaaray daanka iyo dhegta.

Inta ay soo kabanaysay, waxa ay diyaarinaysay imtixaanka jaamacada oo ay fadhiisatay bishii October, iyada oo heshay wax ka badan 85%. Hamigeeda hadda waa in ay Jaamacadda Kabul ka barato cilmiga kombuyuutarka , waxayna sheegtay in isha ay ku weyday weerarka ay faaiido dhiiranaan ah ka heshay.

Aye Nyein Thu

Aye Nyein Thu, Myanmar

Dhaqatar caafimaad

Aye Nyein Thu waxay qaab tabarucaad ah safka hore ugashaqeeysaa goobaha qalaasaha ee Myanmar, iyada oo diiradda saaraysa gobolka Chin ee fog ee saboolkana ah. Waxay dhistay isbitaal ka sameysan cooshado oo leh xarun yar oo qalliin lagu sameeyo, ilaa iyo bishii Noofembar 2021 waxay halkaas ku dawaynaysay bukaanno iyo kuwa dhaawacmay.

Wakhtigeeda firaaqada ah, waxay u safartaa gobollo kale oo aan inta badan daawaynta laga helin, si ay u caawiso bukaannada goobahaas oo ay ku jiraan dadka gudaha ku barakacay. Intii ay ku guda jirtay shaqadeeda, waxaa lagu soo oogay dacwado ah ‘in ay sababtay hurin rabshado’ oo ay u soo gudbiyeen militariga Myanmar, kuwaas oo ku eedeeyay in ay taageerto kooxaha maxalliga ah ee ka soo horjeeda dawladda ee loo yaqaan Ciidanka Difaaca Dadka.

Velmariri Bambari

Velmariri Bambari, Indonesia

Dhaqdhaaqe

Iyadoo ka shaqaynaysa meel fog oo Indonesia ka tirsan, Velmariri Bambari waxay u dagaalamaysay dhibanayaasha xadgudubyada galmada ee badhtamaha Sulawesi, waxay ku qancisay xubnaha golaha deegaanka inay jabiyaan sharciga dhaqanka oo aanay ganaax ku soo rogin dadka ka badbaaday xadgudubka galmada.

Xeer dhaqameedka, xayiraadda "dhaqidda tuulada" waxuu dhigayaa in dembiilayaasha loo maleeyo inay nijaaseeyeen qiyamka dhaqanka inay bixiyaan ganaax. Xeerkan waxa kale oo lagu dabaqaa dhibbanayaasha. Ololeheeda awgeed, Bambari badanaa waa qofka ugu horreeya ee uu booliisku la xiriiro marka la soo sheego xadgudubka galmada. Dhowr kiis ayay wax ka qabatay sanadkan.

In kasta oo aan jir ahaan naafo ahay, waxaan rabaa in aan xooggayga u huro awood siinta haweenka hareerahayga ah, aniga oo abuuraya fursado u oggolaanaya inay helaan madaxbannaani dhaqaale.

Velmariri Bambari

Sirisha Bandla

Sirisha Bandla, India

Injineer diyaaradeed

Sirisha Bandla waxay aaday cidhifka hawada iyadoo qayb ka ah howlgalka taariikhiga ah ee 2021 Unity 22, duullimaadki ugu horreeyay ee Virgin Galactic's ee rakaab wada kaaso lagu kaxeeyay hawada sare - oo ka dhigeysa haweeneydii labaad ee ku dhalatay Hindiya ee aadda hawada sare.

iyadoo bilowday xiisaha hawada sare yaraanteedii, Bandla waxay aadday marayknaka si ay u barato injineernimada hawada. Hadda waa Madaxweyne Ku-xigeenka Arrimaha Dawladda iyo Hawlgallada Cilmi-baarista ee Virgin Galactic, doorkeeda waxaa kamida la shaqaynta macaamiisha cilmi-baarista si ay u duuliyaan tijaabooyinka sayniska iyo tegnoolajiyada dusha VG's SpaceShip.

Sunny Leone

Waxaa magacaabay guulayste 2016, atariisho Sunny Leone

" Shaqooyinka ragga u badan awgeed, sida Sirisha ay uga gudubtay wax kasta iyada oo hawlkarnimadeeda iyo ka go'naanshaheeda oo kali ah adeegsanaysay,ayaa dhiira galin ii ah aniga,iyo waliba dhamaan hablaha da' yarta ah ee riyooyinka lamidka ah leh.”

Victoria Baptiste

Victoria Baptiste, US

kalkaaliso iyo bare talaalka

Victoria Baptiste, oo ah kalkaaliye caafimaad oo ku sugan gobolka Maryland ee Maraykanka, ayaa dadka barta tallaallada. Waxay fahamsan tahay sababta bulshada madow ay uga shakisan tahay faragelinta caafimaadka: Baptiste waa farac ka mid ah Henrietta Lacks, naag madow oo u dhimatay kansarka ilmo-galeenka 1951 taas oo unugyadeeda la qaatay ogolaansho la'aan, ay ahaayeen kuwii ugu horreeyay ee lagu beero shaybaar.

unugyadan oo yaqaan HeLa, waxaa loo isticmaalayey cilmi-baarista caafimaadka ilaa iyo hadda, laakiin qoysku ma ogayn tobanaan sano. Hadda waa qayb ka mid ah hay'adda Henrietta Lacks , Baptiste sidoo kale waa danjiraha niyad-wanaagga hay'adda caafimaadka aduunka (WHO) ee ciribtirka kansarka ilmo-galeenka.

Niloufar Bayani

Niloufar Bayani, Iran

Ecologist

Niloufar Bayani oo u dhaqdhaqaaqda deegaanka iyo duur joogta ayaa kamid ah dhowr dumar ah oo shaqadan qabta kuwaasoo 2018-kii lagu xirxiray Iran kadib markii ay adeegsadeen kaamirooyin ay ku raadinayeen nooleyaal dhibaato soo gaadhay.waxaa lagu eedayay inay xogo ka aruurinyeen goobo istiraatiji ahaan xasaasi ah, waxaana Bayani lagu xukumay toban sano oo xabsi ah.

Bayani waxay maareeye ka ahayd barnaamijka dhaxalka duur joogta ee faarisiya ( Persian Wildlife Heritage Foundation), kaasoo loogu tala galay in lagu badbaadiyo shabeelka aasiya iyo nooleyaal kale.Dukumenti ay heshay BBC afka faarisiga ku hadasha ayey Bayani ku sheegtay in ciidamada islaamiga ah ee ilaalada kacdoonka Iran ay marsiiyeen "ciqaab maskaxeed, jirdil iyo handadaadii galmo ee ugu saraysay ugu yaraan muddo gaaraysay 1,200 oo saacadood" Dawaladda Iran way beenisay eedaymahan.

Nathalie Becquart

Nathalie Becquart, Vatican

Wad'aad

Magacaabisteedi Pope Francis uu u magacaabay xoghaye hoose oo ka tirsan golaha baadariyada ayaa ka dhigay haweeneydii ugu horeysay ee abid qabata jagadan. Doorkeedu waa, kamid ahaanshaha tiro hoggaamiyeyaal ah oo kala taliya baadariga arrimaha muhiimka u ah Kaniisadda Katooliga, iyo sidoo kale inay tahay haweeneyda keliya ee leh xuquuqda codbixinta. Xoghayaha guud ee kooxda ayaa sheegay sanadkii 2021 in magacaabisteedu muujineyso "albaab u furmay" haweenka.

Horaan, wadaad (Nun) Faransiis ah oo ka tirsan kiniisadda Xavières ayaa soo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee agaasime ka ah Adeegga Qaranka ee Wacdinta Dhallinyarada iyo Xirfadaha ee Faransiiska.

Sida Pope Francis uu sheegayo, 'waa waajib cadaalad ah in lala dagaallamo dhammaan takoorka iyo waxyeelaynta' haweenka… Si wadajir ah, waxaan u baahannahay inaan si walba u taageerno si aan u yeelano haween badan oo ku jira jagooyinka hogaaminta ee heerarka kala duwan.

Nathalie Becquart

Taisia Bekbulatova

Taisia Bekbulatova, Russia

Saxafi

Suxufiyad caan ah oo Ruush ah, Taisia ​​Bekbulatova ayaa aasaastay warbaahinta madaxa-bannaan ee Holod 2019-kii. Ururka ayaa si weyn uga warbixiyay dagaalka Ukraine, iyo sidoo kale daabacaadda sheekooyinka ku saabsan sinnaan la'aanta, rabshadaha, iyo xuquuqda haweenka. Shabakaddan ayaa mas’uuliyiinta dalkaasi waxay ka xireen gudaha dalka Ruushka bishii April, xilligaasi oo ay socdeen olole ka dhan ah warbaahinta madaxa bannaan.

Iyadoo ay taasi jirto, Bekbulatova iyo kooxdeeda ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan shaqadooda, kadib markay arkeen koboca akhristayaasha. Bekbulatova, oo ka tagtay Ruushka 2021 ka dib markii lagu calaamadiyay 'wakiil shisheeye', ayaa u safartay Ukraine lafteeda si ay uga warbixiso dagaalka ka socda jiida hore.

Ma aaminsani horumar lama huraan ah. Ilbaxnimada casriga ahi waxay had iyo jeer u ekayd mid jilicsan oo sahlan in la burburiyo. Xaquuqda dumarkuna waa kuwa ugu horreeya ee meesha ka baxa.

Taisia Bekbulatova

Kristina Berdynskykh

Kristina Berdynskykh, Ukraine

Saxafi

Intii uu socday dagaalka Ukrain, Saxafiyaddan ku guulaysatay abaal-marinta, Kristina Berdynskykh ayaa ku soo wareegtay dalkeeda, iyadoo ka soo warisay gobollo ay ka dhaceen duqeymo uu Ruushku ka geystay. Qaar ka mid ah shaqadeeda ayaa si gaar ah diiradda ay ugu saartay faahfaahinta nolol maalmeedka magaalo ay colaaduhu ka jiraan.

Waxa ay ku dhalatay Kherson, Berdynskykh waxay 14 sano ahayd weriye siyaasadku xeel dheer ka ahayd Kyiv dhexeeda, oo ay ku jiraan majaladda NV iyo mashaariic kala duwan oo TV iyo raadiyaba ah. Waxay abuurtay (e-People), mashruuc warbaahinta bulshada ah oo ku saabsan ka qaybgalayaasha Kacaankii Euromaidan ee Ukraine oo markii dambe noqday buug.

Selma Blair

Selma Blair, US

Atariisho

Waxaa lagu xasuustaa doorkeeda dhaqanka pop-ka ee filimada sida, (Cruel Intentions), (Legally Blonde) iyo (Hellboy franchise), Selma Blair waa jilaa filimada iyo barnaamijyada telefishanada.

Waxaa sanadkii 2018 laga helay cudurka loo yaqaano sclerosis, waxaana lagu ammaanay kor u qaadista wacyiga xanuunkan, iyadoo si daacad ah uga hadashay safarkeedii caafimaad iyo caqabadaha soo wajahay. Sannadkan, waxay sii daysay xusuus-qorkeeda Mean Baby, waxayna ku biirtay shirkad is qurxineed oo karti leh, iyada oo ujeedadu tahay in la sameeyo ergonomic cosmetics oo ay fududahay in qof walba isticmaalo.

Waxaan ahay qof waqti adag soo martay, oo waxyaaba badan lagula yaabi karay awoodaydana si fudud loo kala daadin karay, balse taageero dumar kale ayaan halkan kusoo gaaray.

Selma Blair

Tarana Burke

Tarana Burke, US

Xuquuq u doode

Hashtag-ka #MeToo waxa uu faafay shan sano ka hor, markaasoo malaayiin dad ah oo adduunka ah ay wadaageen waaya-aragnimadooda faraxumaynta. Laakiin dhaqdhaqaaqa waxaa bilaabay badbaade iyo dhaqdhaqaaqe Tarana Burke sannadkii 2006. Waxay curisay weedhan, si kor loogu qaado wacyi-galinta xadgudubka iyo rabshadaha ka dhanka ah haweenka.

kadib markii qoraalka twitter-ka ay soo saartay atariishada Alyssa Milano 2017 uu kordhiyay #MeToo, waxay dhalisay wada hadal caalami ah oo ku saabsan sida haweenka loola dhaqmo waxayna siisaa kuwa badbaaday cod xoog leh. Burke waxaa weli ka go'an u doodista kuwa ka badbaaday xadgudubka iyada oo sii wadda dagaalka ay ugu jirto isbeddel dhaqameed iyo qaab dhismeed.

Sandy Cabrera Arteaga

Sandy Cabrera Arteaga, Honduras

U doode xuquuqda taranka

Arday falsafo, qoraa ahna udoode xuquuqda dumarka Sandy Cabrera Arteaga waa difaace xuquuqda galmada iyo taranka.waxay bartaa kiniinka xakamaynta dhalmada waxayna sidoo kale af hayeen u tahay 'Habemos lo que es' (Aan ka hadalno waxa ay tahay) - olole wacyi galineed bar interneetka ah o ku saabsan xakamaynta uur qaadista

Waxay sidoo kale u shaqaysaa Accion Joven (Ficilka Da' yarta) oo diiradda saara xuquuqda biniaadannimo,galmo iyo taranka ee dhalinta.waxay si fiican u taqaan luuqadda midaarka ee Honduras iyo, maadaama ay tahay ilmaha kali ah ee hooyadeed oo dhagool ah ay dhashay, waxay ku faraxsanatahay korriimada iyo xanaadanada khaaska ah ee ay heshay.

Ona Carbonell

Ona Carbonell, Spain

Dabaalyahan

Ona Carbonel oo ah dabbaalyahanad u dhalatay Spain waxay u ololeysaa aragtida ahaansha hooyo isla markaana ah ciyaartoy sare. waa olambigyahanad 3 jeer, waxayna hanatay wax ka badan 30 billadood oo ay kamid yihiin qalinka iyo naxaasta olambikada.

2020-kii waxay dhashay ilmaheedii ugu horeeyay waxayna bilowday inay u taba barato sidii ay uga qayb gali lahayd olambikadii Tokyo ka dhacaysay.Waxay ka dhawaajisay niyad jabkeeda ku aaddan xeerarka dhigaya in aanay wiilkeeda yar ku noojin karin munaasabdda dhexdeeda. sanadkan dhexdiisa ayey markii labaad hooyo noqotay. waxay sheekadeeda kaga waranatay muuqaal dukumentari ah si ay u tusto dumarka kale in hooyonimada iyo ciyaaruhu is qaadan karaan

María Fernanda Castro Maya

María Fernanda Castro Maya, Mexico

Udhaqdhaqaaqe dadka naafada ah

qabisteeda naafada garaadka awgii, Fernanda Castro waxay u dagaalantaa kuwa kale ee iyada lamidka ah inay awood u yeeshaan ka qaybgalka siyaasadda. Waxay qayb ka tahay koox u dooda xuquuqda iinta, oo ay taageerto hay'adda xuquuqda aadanaha, iyada oo ka codsanaysa dhammaan xisbiyada siyaasadda ee Mexico inay ku daraan dadka naafada ah xagga garaadka iyo waxbarashada xisbiyadooda.

Shaqadeedu waxay dabooshaa baahida luqadda ee dukumeentiyada khuseeya go'aamada siyaasadeed, iyo ka mid noqoshada xisbiyada siyaasadda iyo munaasabadaha doorashada. Castro waxa ay ka mid ahayd waftiga Mexico ee Qaramada Midoobay ee soo bandhigay warbixin ku saabsan xuquuqda naafada, waana wakiilka shabakadda caalamiga ah ee Inclusion International.

Sarah Chan

Sarah Chan, South Sudan

Sahmiye NBA

Ciyaartoydii hore ee kubbadda koleyga Sarah Chan ayaa hadda la talisa dhalinyarada oo ay ku barato ciyaaraha Koonfurta Sudan iyo Kenya. Sidoo kale waa haweeneydii ugu horeysay ee maareeye sahmiye ka ah Afrika ee kooxda Kubadda Koleyga ee Toronto Raptors ee NBA.

Ka dib markii ay ka soo carareen dagaaladii ka dhacay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, iyada iyo qoyskeeda waxay u guureen dalka Kenya, halkaas oo Chan ay ka billaabatay xirfadda kubbadda koleyga . Waxay deeq waxbarasho oo kubbadda koleyga ah ka heshay Jaamacadda Union ee Jackson, Tennessee, waxayna si xirfad leh ugu ciyaartay Afrika iyo Yurub. Chan waxay aasaastay (Home At Home/Apediet Foundation), Hay'ad la dagaalanta guurka caruurta, una doodda waxbarashada, iyo isticmaalka ciyaaraha si ay wax u bartaan dhalinyarada.

Waxaad tahay waxa aad naftaada ka aaminsan tahay, markaa rumayso mustaqbal u qalma dhammaan riyadaada iyo himilooyinkaaga.

Sarah Chan

Priyanka Chopra Jonas

Priyanka Chopra Jonas, India

Atariisho iyo soo saare

In ka badan 60-filim oo magaceeda ku suntan Priyanka Chopra Jonas waa mid ka mid ah xidigaha jilayaasha filimada Bollywood ee ugu waaweyn. Ka dib filimkeedii ugu horeeyay ee 2002, gabadhan haysata biladda quruxda ee (Miss World) hurumarkeedii Hollywood wuxuu yimid kadib markii ay taariikhda ku gashay jilaagii ugu horreeyay ee Koonfur Aasiya ee filin taxane ah ka hogaamisa shabakad Mareykan ah (Quantico, 2015).

Filimaanta Hollywood ee ay ka qayb qaadatay waxaa kamid ah filimka, (isn't It Romantic) iyo (The Matrix Resurections).Waxay samaysatay shirkad filimida soo saarta, iyada oo hadda filimaan hindiya ku samaysa.Chopra waxay sidoo kale ergay ka tahay Unicef Goodwill, iyadoo u ol'olaynaysa xuquuqda caruurta iyo wax barashada gabdhaha.

Dhaqdhaqaaqa MeToo iyo codadka falcelinta ee haweenka wadajirka ah ee isu imaanaya, is ilaalinaya, isna garab taagan - waxaa ku jira wadajirka wax aad u xoog badan .

Priyanka Chopra Jonas

Sanjida Islam Choya

Sanjida Islam Choya, Bangladesh

Arday

Bangladesh waxay leedahay mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee guurka carruurta ee adduunka, laakiin Sanjida Islam Choya ayaa isku dayaysa inay wax ka beddesho arrintaas. Hooyadeed ayaa la guursaday iyada oo da 'yar, laakiin ka dib markii Choya ay dhiirigelisay bandhigga dugsiga ee saameynta guurka ilmaha, waxay go'aansatay inay wax ka qabato.

Ayada iyo asxaabteeda, macalimiinteeda iyo la-hawlgalayaasheeda oo iisugu magac daray 'Ayax' (Grasshoppers) waxay booliiska u sheegaan dhacdooyinka guurka ilmaha . Hadda waxay dhigataa jaamacadda, shaqadii Choya ee Ghashforing ma joogsan oo waxay la tashataa xubnaha cusub ee kooxda. Ilaa hadda waxaa la sheegay in ay ka hortageen 50 caruur ah oo la guursanayey.

Chanel Contos

Chanel Contos, Australia

U dhaqdhaqaaqe Ogolaanshaha galmada

Aasaasaha dhaqdhaqaaqa loogu magac daray 'Na Bar Oggolaanshaha' (Teach Us Consent) kaas oo u ololeeya ogolaanshaha dhamaystiran iyo waxbarashada galmada, 2021 Chanel Contos ayaa soo dhigtay sheeko Instagram-ka, iyada oo waydiinaysa taageerayaasheeda in iyaga ama qof ay garanayeen handadaad galmo lagu sameeyay iskuul-ka dhexdiisa. 24 saacadood gudahood in ka badan 200 oo qof ayaa ku jawaabay "haa".

Waxay bilowday codsi ay ku codsanayso barista hore ee ogolka gudaha Australia. mahadi haka gaadhee ol'oleheeda awgii' waxbarashada ogolaanshah lalaga bilaabo 2023 waxay noqon doontaa qasab dhammaan dugsiyada laga bilaabo dugsiga hoose ilaa sanadka 10aad . Hadda waxay dadka ka wacyigelinaysaa ka saarista cinjirka galmada ee aan la isku raacsanayn, ama Qarinta, iyo sidoo kale olole dembi ka dhigaya falkan.

Eva Copa

Eva Copa, Bolivia

Siyaasi

Hogaamiyihii hore ee ardayda kasoo jeeda Aymara, Eva Copa ayaa ruxaysa siyaasadda Bolivia. Ka dib markii ay ku guuldareysatay in xisbigeedu u magacaabo si ay u noqoto maayarka magaalada El Alto, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka, waxay ka hortimid musharraxoodii waxayna ku guuleysatay codadka 69%. Waxay dhawaan ku dhawaaqday qorshaha Caasimadda ee haweenka, kaas oo ujeedadiisu tahay in lagu xoojiyo xuquuqda haweenka iyada oo loo marayo siyaasadda iyo maalgashiga.

Copa kuma cusba siyaasadda, waxa ay soo noqotay senator intii u dhaxaysay 2015 iyo 2020. Kala qaybsanaanteeda xisbiga talada haya ayey dad badani u arkaan in ay u wareegayso qaab siyaasadeed Bolivia, oo laga wada muuqdo.

Waxaan u baahannahay hoggaamiyeyaal badanoo haween ah : haweenku ha sarejoogsadaan, weligood yaanay jilba joogsan.

Eva Copa

Heidi Crowter

Heidi Crowter, UK

U ol'oleeya Naafada

Heidi Crowter waxa ay u ololaysay in ay bedesho fikradaha laga qabo dadka qaba xanuunka Down syndrome-ka. waxay maxakamad la fuushay dawladda UK, sharciga u ogolaanaya uurjiifka ku sugan xaaladdan in la soo ridi karo ilaa inta ay ka dhalanayaan, awgii, iyadoo sheegtay in uu yahay sharci faquuq ah. Maxkamadda sare ayaa go’aan ka soo saartay dacwadeeda, waxayna sheegtay in sharciga looga gol leeyahay in la isku dheelitiro xuquuqda ilmaha uurka ku jira iyo haweenka. Bishii Nofembar, Crowter waxay ku guul daraysatay racfaankeedii, balse waxay sheegtay iyada iyo kooxdeeda inay qorsheynayaan inay "dagaalka sii wadaan" oo ay kiiska u gudbiyaan Maxkamadda ugu Sareysa.

waa ilaaliyaha wanaagga ku saabsan (Down) iyo sarkaalka aasaasaha kooxda Siyaasadda Down Syndrome-ka ee Qaranka. Buugeeda, (I'm Just Heidi), ayaa la daabacay Ogosto.

Waxaan rabaa in haweenka uurka leh ay helaan macluumaadka saxda ah ee ku saabsan Down syndrome-ka. Waxaan rabaa in dadku ay la socdaan waqtiga oo ay noo arkaan cidda dhabta ah ee aanu nahay!

Heidi Crowter

Billie Eilish

Billie Eilish, US

Fanaan-abwaan

Billie Eilish oo haysta abaal marinta (Grammy) ahna qof jabisay rikoore hore u yaalay waxaa lagu yaqaanaa inay ku riixdo muusigeeda soohdimaha, laga bilaabo heestada (single your power) taasoo ka dhan ah dadka Gabdhaha yar yar fara xumeeya illaa, heestada kale ee (All The Good Girls Go To Hell), heestan uu ka hadleysa isbeddalka cimalada

waxay taariikh ka dhigtay bandhig faneedka Glastonbury ayada oo ka noqotay hogaan faneedkii ugu da'da yaraa abid, ayada oo u adeegsatay heesaheeda ka mudaharaadidda go'aankii maxkamadda ugu saraysay maraykanka ay ku joojisay xuquuqda dastuuriga ah ee ilma iskasoo xaaqidda. waxay si furan uga hadashay bilicda jirka, xilliyadeedii xanuunka walwalka iyo la noolaanshaheeda xanuunka loo yaqaan ( Tourette's Syndrome.

xilligan aan ku jirno waxaan ku sugnahay dareen hubanti la'aan ah. Dumarku kor ayey mareen. waxaa jiray xilli gaar ah oo aan rajjo dhig ahaa waayo gabdhaha aniga oo kale ah looma qaadanayn si dhab ah.

Billie Eilish

Sandya Eknaligoda

Sandya Eknaligoda, Sri Lanka

U dhaqdhaqaaqe xuquuqda adanaha

U doode iyo u ol'oleeye xuquuqda aadanaha,Sandya Eknaligoda waxay caawisaa kumanaan hooyooyin ah iyo xaasas ku waayey dadkoodii dagaakii sokeeye ee Sri-lanka. saygeeda, prageeth Eknaligoda, oo ahaa saxafi rug cadaa dhanka daba galka ahaa sidoo kalena ahaa far shaxamiiste waxaa la waayey janaayo 2010-kii. wuxuu si xoog ah u dhaliili jiray dawladda asagoo baaris ku hayey tacaddiyo ka dhan ahaa gooni goosadka Tamil Tiger oo dawladda lagu eedeeyay.

ilaa iyo markii la waayey ninkeeda, hooyadan labada caruurta ah haysata waxay raadinaysay cadaalad.waxay ku eedaynaysaa Mahinda Rajapaksa, madaxweynhii hore ee Sri-lanka inuu ka dambeeyo afduubka ninkeeda.inkastoo eedaysanayaal la aqoonsaday hadana waa la fasaxay dhamaantood

Waxaan ahay haweenay u dagaalamaysa dad kale fursad walba oo aan helo, aniga oo ku jira halgan xirfadaysan kana adkaanaya caqabadaha ay ka mid yihiin cayda iyo aflagaadada, aniga oo u maraya dhiiranaan iyo adkaysi.

Sandya Eknaligoda

Joy Ngozi Ezeilo

Joy Ngozi Ezeilo, Nigeria

Macalin Sharciga

maadaama ay tahay madaxii hore ee laanta sharciga ee jaamacadda Nigeria iyo ergaygii hore ee Qaramada Midoobey u qaabilsanaa tahriibinta,Joy Ezeilo waxay hormuud ka tahay masraxyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Waa agaasimaha aasaasay hay'adda gargaarka Dumarka ee loosoo gaabiyo (WACOL), Taas oo 25-kii sano ee u dambeeyay siinayey dumar gaaraya ilaa 60,000 oo nugul, talooyin dhanka sharciga iyo hoy. Waxay sidoo kale aasaastay Xarunta Gudbinta Xadgudubka Galmada ee Tamar, si ay gargaar degdeg ah u siiso dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday xadgudubka.

Chimamanda Ngozi Adichie

Waxaa magacaabay guulaystahii 2021, qoraa Chimamanda Ngozi Adichie

"barfasoor Ezeilo waxa ay saamayn ku yeelatay nolosha dad badan bixinteeda gargaarka sharci oo lacag la’aan ah ee dadka saboolka ah, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha xuquuqdooda insaanka lagu xad-gudbay.”

Ibijoke Faborode

Ibijoke Faborode, Nigeria

Aasaase ElectHER

Iyadoo loo marayo ElectHER, Ibijoke Faborode waxay wacdaro ka dhigtay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee haweenka Nigeria. Ururkeedu waxa uu ka shaqeeyaa sidii uu u soo afjari lahaa sinnaan la'aanta matalaadda siyaasadda waxana uu in ka badan 2,000 oo haween ah ka hawlgeliyay siyaasadda Afrika oo dhan. iyadoo la adeegsanayo ol'olaha #Agender35, ururkeedu waxa uu si toos ah u taageerayaa 35 haween ah oo u tartamaya xafiis heer degmo ama federaal ah doorashada guud ee 2023, iyada oo garab ka siinaysa dhanka ilaha dhaqaalaha iyo aadmiga.

Waxay sidoo kale ka danbeysay barnaamijkii mobilada ee ugu horeeyay ee dumarka Afrikaanka ah kaasoo falanqeeya xogta doorashada. Faborode hadda waxa ay ka shaqeysaa Golaha Hoggaanka ee Dimuqraadiyadda iyo Dhaqanka, kaas oo tilmaamaya habab cusub oo lagu horumariyo geedi socodka dimuqraadiyadda.

Samrawit Fikru

Samrawit Fikru, Ethiopia

Hal abuure teknoloji

In kasta oo ayan waligeed isticmaalin kombuyuutar ilaa ay ka gaadhay 17 jir, programmer Samrawit Fikru waa aasaasaha Hybrid Designs, mid ka mid ah shirkadaha ka dambeeya tagaasida Itoobiya ee RIDE.

kadib waxa ay kasoo martay qaadashada taksiga iyo sida aanay ammaan u dareemin iyo sidoo kale darawallo doonayay in ay lacag dheeraad ah ka qaadaan, ayaa u horseeday in ay samayso app-ka, kaas oo ay ku bilawday wax ka yar $2,000 (qiyaastii £1,700). Shirkadeeda hadda waxa ay shaqaaleysiisaa shaqaale dumar u badan. Waxaa jira dumar yar oo ku jira warshadaha farsamada ee Itoobiya, Fikru waxay doonaysaa inay dhiirigeliso jiilka soo socda ee haweenka hal-abuurka leh.

Ganacsiga ay haweenku leeyihiin ayaa sii kordhaya; hadda waxaan u baahanahay in gabdho da'yar ahi helaan dhaqaale si ay fikradahooda hal-abuurka u hirgaliyaan.

Samrawit Fikru

Ceci Flores

Ceci Flores, Mexico

Dhaqdhaqaaqe

Rag hubaysan ayaa Ceci Flores wiilkeeda Alejandro oo 21 jir ah ka qaatay 2015. Afar sano ka dib, mid kale oo wiilasheeda ka mid ah, Marco Antonio, oo 31 jir ayaa waxaa afduubtay koox dembiilayaal ah. Flores waxa ay sheegtay in dhaqdhaqaaqeeda ay keentay cabsida ah in ay dhimato iyada oo aan la ogaan waxa ku dhacay wiilasheeda, dhibanayaasha dadka Mexico ee sida qasabka ah loola baxo.

Sanadkan, waddankani wuxuu la kulmay marxalad aad u xun, iyadoo 100,000 oo qof hadda lagu la'yahay wax ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay "musiibo baaxad weyn". Hoggaanka wadajirka Flores ee (Madres Buscadoras de Sonora ) waxay gacan ka geysteen in la helo in ka badan 1,000 qof oo la waayay oo ku jira xabaalo qarsoon.

Geraldina Guerra Garcés

Geraldina Guerra Garcés, Ecuador

U doode xuquqda dumarka

Geraldina Guerra Garcés oo ah haweenay difaacda xuquuqda dumarka wax ka badan 17 sano, waxay ka shaqaysaa ilaalinta dumarka Ecuador ee dulmanayaasha u ah dhibaatiiyinbka gacan ka hadalka.waxay ku takhasustay aruurinta xogaha si ay u mooqato xadgudubyada ka dhanka ah dumarka ee loo dilo dumarnimadooda

waa haweenayda ka dambeysa khariiradaynta madxafka (memory initiative), taasoo lagu samaynayo "khariiradda nafta" ee dulmanayaasha dilalka/jirdilka ka dhanka ah dumarka, iyada oo la kaydinayo xasuustooda si loo helo isbaddal dhaqameed ku aadan dhaqankan xun.Guerra waxay u daba gashaa una khariiradaysaa (Feminist Alliance) iyo ururka xiriirka (latin America) dilalka jinsi nacaybka. waxay sidoo kale matashaa Hay'adda Aldea iyo ururka xiriirka dumarka wadanka (country's network of women's shelters).

hadii uusan jirin ficil xoogan oo ka dhan ah dilalka dumarka, cidina hurumar ma samaynayso. inkastoo shuruuc cusub ay dhaqan galayaan, hadana weli waa nala dilayaa, waana inay taasi istaagtaa

Geraldina Guerra Garcés

Moud Goba

Moud Goba, UK

Udhaqdhaqaaqe LGBTQ+

Moud Goba waa qaxooti, muddo labaatan sano ku dhow la shaqaynaysay hay'ado aasaasi ah oo dhiirrigeliya is dhexgalka qaxootiga. Hadda waa maareeyaha qaranka Micro Rainbow, kaas oo siiya hoy ammaan ah LGBTQI+, magangalyo-doon-ka iyo qaxootiga. Waxay hogaamisaa mashruucooda guriyeynta, kaas oo bixiya 25,000 oo habeen hurdo ah sanadkiiba dadka hoyla'aanta ah, iyo sidoo shaqo u raadintooda.

Dhawaan Goba waxay maareysay habka isdhexgalka ee dadka LGBTQI+ UK ee Afgaanistaan kasoo jeeda. Hadda waa mid ka mid ah xubnihii aasaasay UK Black Pride iyo guddoomiyaha hadda ee guddigooda ammaanada.

Dilek Gürsoy

Dilek Gürsoy, Germany

Dhaqtar qaliinka wadnaha

U dhalatay qoys Turki ah oo jarmalka usoo barakacay,Dr Dilek Gürsoy waa hormuudka dhaqaatiirta qaliinka wadnaha iyo khabiir ku takhasustay wadnaha macmalka ah.waxay kasoo muuqatay bogga hore ee joornaalka Forbes ee jarmalka, kaasoo ku dhawaaqay inay tahay dhaqtarkii dumar ah ee ugu horeeyay Yurub ee sameeya qaliinka lagu talaalo wadnaha macmalka ah.

Waxay hormuud ka ahayd cilmi baarista wadnaha macmalka ah in ka badan toban sano,waxay ka shaqaynaysa horumarinta baddal raadinta iyo talaalista wadnaha ayada oo ay aad u hoosayso wadnaha lagu deeqo,waxay si gaar ah xoogga u saartay xubnaha jirka ee dumarka. Waxay qortay tarrikh nololeedkeeda hadana waxay ku guda jirtaa aasaaska xarun cafimaad u gaar ah.

Woman cutting her hair

Woman cutting her hair, Iran

Mudaharaade

Mudaaharaadyo baahsan ayaa ka dhacay Iran sanadkan, ka dib dhimashadii Mahsa Amini, oo 22 jir ah haweeney Kurdish ah oo ay xireen booliska akhlaaqda ee Tehran 13kii Sebtembar, iyadoo lagu eedeeyay inay ku xad gudubtay xeerarka adag ee Iran ee dhigaya in haweenka ay timaha ku asturaan xijaab, ama xijaab. .

Sannadkan waxaan rabnay in aan aqoonsanno doorkii haweenku ka qaateen mudaaharaadyada, u halgamidda xorriyaddooda iyo ka hortagga xijaabka qasabka ah.

Timo iskaxiirista ayaa noqotay mid ka mid ah calaamadaha dhaqdhaqaaqa ku faafay dadka caanka ah, siyaasiyiinta iyo ololayaasha adduunka oo dhan. Qaar ka mid ah bulshooyinka ku nool Iran ayaa u arkaya calaamad dhaqameed oo baroor diiq ah.

Gehad Hamdy

Gehad Hamdy, Egypt

Dhaqtar ilkaha iyo mutadawac

Dhakhtarka Ilkaha Gehad Hamdy sidoo kale waa aasaasaha iyo maareeyaha Speak Up, hindise dumareed Masari ah oo adeegsada barteeda bulshada si ay tooshka loogu iftiimiyo dambiilayaasha rabshadaha ku salaysan jinsiga iyo dhibaataynta galmada. Dalka Masar oo dhan waxaa ka dhacay dambiyo is daba joog ah oo rabshado wata sanadkii 2022, taasoo keentay in arrinta diiradda la saaro.

Ururku wuxuu ku dhiirigeliyaa haweenka inay ka hadlaan xadgudubyada, iyagoo sidoo kale bixiya taageero sharci iyo mid niyad dhis oo cadaadis lagu saaro mas'uuliyiinta inay wax ka qabtaan. Ololaha Hamdy ayaa la aqoonsaday marar badan, oo ay ku jiraan ku guuleysiga xuquuqda siman iyo abaalmarinta takoor la'aanta ee Madasha Cadaaladda Adduunka 2022.

Wadda dheer ayaa ina sugaysa; fari kama qodna. Waliba ma aynaan bilaabin

Gehad Hamdy

Sofía Heinonen

Sofía Heinonen, Argentina

Ilaaliye

Ka go'an ilaalinta dhaaman noolaha,biologist Sofia Heinonen waxay hogaamisay dadaal lagu joojinayey suulista noolayaasha koonfurta qaaradda ameerika,iyada oo dib u habeyn lagu sameeyay Esteros del Iberá, oo ah deegaanka ugu weyn dhulka qoyan ee Argentina ahna mid ka mid ah kuwa adduunka ugu weyn. in ka badan sodon sano ayey ku bixisay ka qayb qaadashada samaynta dhul la ilaaliyo.

Inta ay hogaanka haysay, mashaariicda argentina ee dib u habaynta waxay ka hirgaleen afar degaan, oo kamid yahay Patagonian-ka, steppe,nooc cusub oo dhul gaar loo lahaa loogu badalayo kaymo la ilaaliyo iyo dib usoo celinta noolayaal asal ku ahaa deegaanka si loo soo nooleeyo nidaamka deegaanka iyo dhismaha dalxiis waara.

Judith Heumann

Judith Heumann, US

udoode xuquuqda naafada

Judith Heumann waxa ay nolosheeda u hurtay u dagaalanka xuquuqda dadka naafada ah, kadib markii uu ku dhacay cudurka dabaysha iyada oo caruur ah, waxa ay noqotay qofkii ugu horeeyay ee isticmaala kursiga curyaanka ee macalimad ka ah magaalada New York.

Waa hogaamiye caalamka laga aqoonsan yahay oo dhaqdhaqaaqa xuquuqda naafada, udoodideeda - iyo ku lug lahaanshaha fadhigii ugu waqti dheeraa abid ee federaalka Maraykanka - ayaa looga arkay inay kaalin mug leh ka qaadanayso hirgelinta sharciyo waaweyn. Heumann ayaa ka soo shaqeeysay labada maamul ee Clinton iyo Obama, waxayna leedahay 20 sano oo waayo-aragnimo ah oo aan macaash doon ahayn.

Waxaa magacaabay guuleyste 2020, udoode xuquuqda naafada Shani Dhanda

"Waxaa si dhab ah ii dhiirigaliyay Judith, oo, in ka badan 30 sano, ka shaqaynaysay horumarinta xuquuqda aadanaha ee dadka naafada ah adduunka oo dhan. Weli waa u doode aan daalin oo waxay qayb ka ahayd waqtiyada muhiimka ah ee dhaqdhaqaaqa xuquuqda naafada."

 

Erika Hilton

Erika Hilton, Brazil

Siyaasi

Haweeneydii ugu horreysay ee jinsi-badal madowna ah ayaa markii u horeysay loo doortay kursi ka mid ah Congress-ka dalka Brazil. Erika Hilton waa dhaqdhaqaaqe u ololeeya ka hortagga cunsuriyadda, i



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip