Villa Aadan-yabaal – Maxay tahay madaxtooyadaan laga qabsaday Al-Shabaab? + Sawirro

0
Wednesday December 07, 2022 - 08:24:46 in Wararka by
  • Visits: 377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Villa Aadan-yabaal – Maxay tahay madaxtooyadaan laga qabsaday Al-Shabaab? + Sawirro

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Waxaa lasoo bandhigay sawirrada madaxtooyadii Al-Shabaab ee degmada Aadan-yabaal, taas oo hadal heyn xoog leh ka abuurtay baraha bulshada.

Madaxtooyadaan oo ah guri ay ku qoran tahay Villa Aadan-yabaal ayaa waxaa deganaa jiray hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, in kastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin xubnaha ay saldhigga u aheyd xaruntaan.

Saraakiil kuwa deegaanka ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in gurigaan sawirradiisa lasoo bandhigay uu deganaa Kabokutukade oo ku magacaaban guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Sanado badan oo Al-Shabaab ay heysteen Aadan-yabaal lama arkin sawirrada magaaladaan qadiimiga ah, waxaana hadda laga helayaa xogo hor dhac ah oo ku saabsan sidii kooxdu ay u maamuli jirtay magaaladaan.

Hal iskuul oo magaalada laga waayey dadkii wax ka bara jiray ayaa ku yiilay degmadaas, sidoo kale Al-Shabaab markii ay ka baxeen Aadan-yabaal waxay horay u sii qaateen matoorrada labo ceel-biyood oo magaaladu ay laheyd.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka hadlay muhiimadda ay leedahay xoreynta degmadaas ayaa qiray inay Al-Shabaab qaateen matooradii labada ceel ee Aadan-yabaal, wuxuuna balan qaaday in dowladdu ay si deg deg ah wax uga qaba doonto baahida dhanka biyaha ah.

Dhammaan dadkii ku noolaa magaaladaas ayaa horay u raacay Al-Shabaab, waxaana taas lagu macneeyey in kooxdu ay duqeymaha gabaad uga dhiganeyso dadka shacabka ah.

Hoos ka eeg sawirrada Villa Aadan-yabaal

 
Xigasho:-caasimadda.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip