HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 6-DA DICEMBAR 2022-KA

0
Tuesday December 06, 2022 - 08:08:15 in Wararka by
  • Visits: 427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 6-DA DICEMBAR 2022-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka dhex-maraya Xasan Sheekh iyo SACIID DENI

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu xarunta Madaxto oyada ee Villa Somalia ku qaabilo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaa lada Muqdisho.

Labada masuul ayaa ka wada-hadli doona mad-madow badan oo soo kala dhex-galay iyo dalabaad uu wato Saciid Deni, wuxuuna kula nkaan imanayaa kadib markii Xasan Sheekh uu dhawaan ka baaqdey safar uu ku tegi lahaa ma gaalada Boosaaso oo laga sameeyey saldhig ciidan oo Imaaraadka Carabta ay hor booday aan.

Saciid Deni oo lagu wado in safarkiisa Mu qdisho uu qaato muddo laba maalmood ah a yaa waxaa uu diidan yahay in shaqsiyaad siy aasadiisa kasoo horjeeda oo deegaan ahaana kasoo jeeda Puntland xilal sare looga maga caabo dowladda federaalka.

Deni ayaa markii uu kasoo baxayay Garoo we waxa uu kula dardaarmey golihiisa wasiira da inaysan jiri doonin wax wada shaqeyn ah oo ay la yeelanayaan dowladda federaalka, tan iyo inta uu wax meel la dhigaayo Madaxweyne Xas an Sheekh Maxamuud.

Khilaafkan ayaa salka ku haya magacaabid da saraakiil hogaamin lahayd amniga ciidama da dowladda federaalka oo ka soo jeeda Pun tland, waxaana Deni uu ku doodayaa in la qaa to kuwa isagu ku taliyo, intii dowladda federa alka ay Puntland ka xulan laheyd cidda ay do onto.

Ma cadda waxa madaxweyne Deni uu ka hel aayo taliyeyaal amniga loo magacaabayo oo aan siyaasadda ku jirin.

Madaxweyne Deni ayaa dhowr jeer ka hor yimid talaabooyin ay qaaday dowladda federaal ka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kale waxa uu hore si weyn uga soo horjeeday dowladdii hore ee uu hogaaminayay Farmaajo.

RW Xamse” Si barakaca loo joojiyo, waa ina an xoojinaa dagaalka aan kula Jirno Al-Shab aab.

Ra’iisul Wasaaraha Xu kuumadda Fedraalka Soo maaliya, Xamsa Cabdi Ba rre oo Shalay furay shir loo ga hadlayo xal u heli dda barakaca, ay aa cadd ee yay inay muhi im tahay in wax laga qabto sababaha keena bar akaca oo ay ugu horreeya an colaadaha iyo is-beddel ka cimilada.

Md.Xamse ayaa furitaa nka shirka, oo socon do ona saddex maalmood, ka sheegay in xukuumaddiisa oo ka shaqeyney sa in la helo xalka ugu haboon ee barakaca lagu xallin karo ay go ’aansatay in Al-Shabaab lala dagaalo ilaa dalka dhan laga saarayo si dadka xoola dhaqa tada iyo beeraleyda ah ay deegaannadoodii u gu laa btaan oo tacabkii iyo xoola dhaqashadii ay dib ugu billaabaan."Waxaa muhiim ah inay istaag aan sababaha ay dadku u barkacayaan anna goo taa ka duuleynaya xukuumaddu wax ay qa adatay inay Shabaab la gasho dagaal bin i’a andinimo oo lagu badbaadinayo nafta, maa lka iyo sharafta ummadda Somaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Shirka qaran ee Barakacayaasha ayaa maal maha uu socdo waxaa aad looga hadli doonaa xalka ugu habboon ee wax looga qaban karo dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed ee bar akacay, waxuuna Ra’iisul Wasaaruhu kula dar daarmay ka qeyb galayaasha inay maska xda shiilaan oo ay kulanka kasoo saaraan talooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo aminga, bulshada iyo dhaqaalaha, sidoo kalana xal u no qon kara ku dhawaad saddexda Milyan ee gu daha dalka ku barakacsan,sidoo kalana lo oga hor-tegi karo barakac kale oo dheeraad ah.

War-bixinnadii ugu dambeeyay ee la soo sa aray bishii October ee sannadkaan waxay cadd eynayaan in rabshado, amni xumo, abaaro iyo daadad is-biirsaday ay sababeen in 2,967,500 oo ruux ay ku barakacaan gudaha dalka.

DF oo ‘billaabeysa’ bixinta aqoonsiga muw aadinka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Axmed Macalin Fiqi ayaa ma rkii u horeysay shaaciyay in dhawaan la bixina yo aqoonsi dadweyne (National ID).

Wasiirka oo hadal ka jeediyay Shirweynaha qaran ee Barakaca Qasabka ah ayaa waxa uu sheegay in adeegaan uu muhiim u yahay xogta qofka si loo saldhigo barnaamijka xasilinta iyo in uu muwaadinku helo aqoonsi dhameysti ran.

"Dalka waxa uu dho waan yeelanay aadi iw aan-gelinta mad aniga oo waxaa la bixin ayaa aqoonsigii dad weyna ha (National ID) oo qayb weyn ka qa ada neysa in la helo xogta dhammeystiran ee Muw aadiniinta Dalka,” ayuu yiri Wasiir Axmed Maca lin Fiqi.

Fiqi ayaa intaas ku daray in wasaaraddu ay ka shaqeyneyso sidii maamulada qeybaha hoo se bulshada loo gaarsiin lahaa si dadku ay u do ortaan qofka ay xilka ku aaminayaan loogana gudbo nidaamka xulashada (Doorashada Dad ban).

Qoysas badan ayaa ka barakacay xaalada Abaareed ee ka jirta gobolada dalka oo dadka iyo duunyadu ay ku dhinteen, iyo colaadaha oo ah aafo kale oo sal kicisay boqolaal ruux oo do orbiday in ay ku noolaadaan meelaha ay u ark aan in ay nabadgalyo ku helayaan.

Hadalkaan ayaa sidoo kale waxa uu kusoo aadaya xili walaac hor leh oo dhanka amniga ah laga muujiyay kaamamka barakacayaasha ee M/Muqdisho, oo ku nool yihiin dad aad u bad an oo tirakoob sax ah aysan ka hayn dowladdu, islamarkaana la socon dhaq-dhaqaaqooda. Halis kale oo soo wajahday Al-Shabaab kadib markii…

Kooxda Al-Shabaab oo muddo afar bilood ah ku jirta dagaal toos ah oo ka dhashay kacdo on shacab oo ay horkaceyso dowladda ayaa wa jaheyso xaaladdii ugu adkeyd sida uu shaaca ka qaaday wasiir ku xig eenka warfaafinta Soo maaliya.

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo qoraal koob an soo saaray ayaa she egay in Al-Sha baab ay guul darrooyin waa weyn ay kala kulan tay dagaalka haatan ka socdo go bollada dalka.

idoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan ay soo wajhaday xaalad kale oo halis ku ah jiri taank eeda, isaga oo tilmaam ay in ay gabaabsi ka yhiin adeegyada caafimaadka, dhaqaalaha, xiriirka iyo sidoo kale isku socodka dhexdooda ah, sida uu hadalka u dhigay.

"Khawaarijtu ka sakoow guuldarrooyinka Da gaalka tooska ah, waxaa gabaabsi ku ah adee gyada Caafimaadka,socodka, Xiriirka iyo Dhaqa alaha, marxalad dhinac kasta ka adag ayay ku jiraan, alle mahaddiis!,” ayuu qoraalkiisa ku yihi wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Dowladda Soomaaliya ayaa guullo waa weyn ka sheegatay dagaalka haatan socdo, ka as oo ay sheegtay inay ku dishay boqalaal ka tir san Shabaab, kuna qabsadatay deegaano hor leh.

Howlgalladan ayaa keenay in sidoo kale go’doonka laga qaado degmooyin iyo deegaano ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle, kadib markii ay gaareen ciidamada huwanta oo haat an kusii siqaya degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe

Al-Shabaab ayaa Aadan Yabaal ku lahaa saldhiggooda ugu weyn ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waana meesha ugu dambeysa ee ay haatan kaga sugan yihiin gobolkaasi.

NISA Oo Xabsiga Dhigtay Haweeney Iyo La ba Rag Ah Oo Shabaab Lala Xiriiriyay.

Ciidamadda Nabad Sugida Soomaaliya ahaa Habeen hore howlgal culus ka sameeyay xaa fa dda Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa, iya doo howlgalkan lagu soo qabtay xubno Shab aab lala xriiriyay.

Ciidamadda Duufaan ee NISA ka tirsan oo howlgalkan si gaar ah u sameeyay ayaa gac an ta kusoo dhigay tobaneeyo qof, iyagoo markii danbe kaxeystay sadded ruux oo midi Hawee ney tahay.

Shaqsiyaadkan ayey wararku tilmaamayaan iney yihiin dadka ay NISA bartilmaameedsan ey say ee howlgalka loo sameeyay, iyagoo la aad ay mid kamid ah xarumaha ay hay’adaasi wax ku baarto.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa culeys soo saartay magaalada Muqdisho, ka dib markii ay cadaadis xoogan kala kulantay howlgallada ka socdo gobollada dalka oo degeenno badan looga qabsaday. NISA oo xabsiga dhigtay hawe eney iyo laba rag ah oo Shabaab lala xiriiriyay.


Guddoomiyaha Aadan-Yabaal’ oo she egay in gaari iyo maxbiis ay dagaal uga furteen Al-Shabaab

Gelinkii dambe ee Shalay waxaa ciidanka do wladda iyo xoogagga deegaanka u suurta ga shay inay gacanta ku dhigaan oo gudaha u gal aan degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shab eellada Dhexe oo markii ugu horeysay ka xoroo beysa gacan ku heynta Al-Shabaab, sida uu ca deeyey guddoomiyaha ku magacaaban de gmadaas.

Nin sheegay inuu yahay guddoomiyaha degmada Aadan-Yabaal ee dowladda federaal ka ayaa TV-ga Dalsan u sheegay inay Shalay dagaal la galeen Al-Shabaab inta aysan ka qab san Aadan-Yabaal, iyadoo dagaalkaas khasaa re lagu gaarsiiyey kooxda.

"Shalay waxaan dagaal kula galnay meel u dhaxeysa Guulane iyo Xagarey, waxaan halk aas uga qabsanay gaari Cabdi Bile ah iyo nin nool, waana naga carareen,” ayuu yiri Guddoo miyaha Aadan-yabaal oo magaciisa aan lagu xusin wareysigaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalkaas ka dib ay si nabad ah kula wareegeen degmada Aadan-yabaal, waxaana si nabad ah uga baxay Al-Shabaab-kii halkaas maamulayey sanadaha badan.

"Kuwo tuugo ah oo Shabaab-kii Aadan-ya baal joogay ah ayaa labo ceel oo deegaanka ku tiilay waxay ka furteen bambooyinkii biyaha soo saari jiray iyo matooradii, kuwaas ayaan raacde ysanay, waxaan hadda idin kala soo hadlayaa meel bari ka xigta degmada Aadan-yabaal,” ay uu guddoomiyuhu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa sheeg ay in wax khasaare ah uusan ka soo gaarin cii danka dowladda iyo kuwa deega anka, dagaal kii ay Shalay duleedka Aadan-yabaal kula gale en Al-Shabaab, sidoo kalena ay hadda gudaha degmada ka wadaan miino saar, maadaama ay kooxdu miinooyin ku aasto deegaanada laga xoreeyo

Madaxweyne Qoor Qoor oo magacaabay 26 wasiir oo cusub

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isku shaandheyn ku sa meeyay Golihiisa wasiirrada, waxaana isku dha andheyntaan ku baxay wasiirro, wasiir xigeeno iyo wasiir dowlayaal, xubnaha uu magacaabay Qoor Qoor ayaa gaaraya 26 Mudane.

Lix wasiir, afar was iiru do wle iyo 16 wasiir ku xigeen ay aa lagu magacaabay dikreet ad aan ka soo baxday xafiiska Ma daxw eyne Axmed Qoor Qoor.

Golahaan cusub waxaa ku jira wasiirro cusub, waxaana meesha ka baxay kuwo dhowrkii sano ee lasoo dhaafayey la shaqeynayey Madaxwe yne Qoor Qoor, lamana garanaya sababta ras miga ah ee Qoor Qoor ku riixday inuu bedelo wasiirradiisa qaar, markii laga reebo in dikreetada lagu xusay in ‘Baahi loo qabay isku shaandheynta wasiirrada.’ Hoos ka eeg liiska wasiirrada cusub iyo wasaaradaha loo magac aabay:-- 1.Garad Yusuf Mo hamud Wasiirka Wasaaradda Kaluu maysig a iyo khayraad ka Bad da

2.C/llahi Maxamed Yusuf Kulmiye Wasiirka Wasaaradda Dekeda ha iyo Gaadiidka Bad da

3.C/llahi Cabdiraxman Xuseen, Wasiirka Wa saaradda Xanaaana da Xoolaha

4.Muxiyadiin Cabdull ahi Cusman, Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta

5.Abshir Cabdi Shiiqow Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska

6.Amaal Axmed Cabdulle, Wasiirka Wasaara dda Batroolka iyo Macdanta

7.C/naasir C/llahi Cusmaan, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arimaha Gars oorka

8.Cumar Maxamed Diiriye Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha, Fedralka iyo Dib-u-heshiisiinta

9.Daahir Faarax Fiidow, Wasiiru-Dowlaha Was aaradda Caafimaadka iyo Arimaha Bulshada

10.Farxiyo Cabdi Maxamed Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

11.Eng.Maxamed Cabdullahi Moxamed, Was iir-kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Hor umarinta Dhaqaalaha

12.Cali-baashi Axmed Cigaal,Wasiir-kuxigeen ka Wasaaradda Amniga Gudaha

13.C/raxiin Axmed Cigaal, Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda bay’ada iyo Deegaanka

14.Axmed Maxamed Farax, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta

15.Shariif C/nuur Barre, Wasiir-kuxiggenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

Mahad Sh. Cali Cibaar,Wasiir-kuxiggenka Was aaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

17.Maxamd Khaliif Salaad,Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibo oyinka

18.Khalid Cabdi Yuusuf, Wasiir-kuxigeenka Wa saaradda Howlaha Guud iyo Guriyeenta

19.C/raxmaan Maxamed Axmed Wasiir-kuxig eenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga

20.C/raxman Maxamuud Maxamed Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka

21.Xasan Cabdullahi Maxamed, Wasiir-kuxig eenka Wasaaradda Beeraha, Dhirta iyo Daaqa

22.Nuur Cali Cadow, Wasiir-kuxigeenka Wasa aradda Batroolka iyo Macdanta

23.Xamdi Axmed Siciid, Wasiir-kuxigeenka Was aaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka

24.C/nasir Axmed Cilmi,Wasiir-kuxigeenka Was aaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

25.Xuseen Xirsi Faarax, Wasiir-kuxigeenka Wa saaradda Warfaafinta, Hidaha iyo Dalxiiska

26.C/rixiin Axmed Bariise, Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Owqaafta iyo Arimaha Diinta

Salaam Somali Bank Oo Lacag Gaare ysa $100,000 Gudoonsiiyay Ganacsata da Yar Yar Ee Magaalada Muqdisho

Salaam Somali Bank wuxuu Shalay ku deeq day Maalgelin qeyb ka ah Nidaamka ‘Qardul – Xassan ka oo loogu talo galay inay ka faa’iid aaystaan Ganacsatada yaryar ee ka howlgala Gobolka Banaadir iyo Nawaaxigiisa. Gana csatada ka faa’iidaysatay barnaamijk aan waxay isugu jiraan Ganacasatada qeybahe eda kala duwan, sida; Bagaashleeyda, Qudaarle eyda,Daawooyinka,Dharka,Spare Parts, Qeyba ha Waxbarashada, I.W.M. Taaakulayntan ay ka heleen Nidaamka Qardul-Xassanka ee bang iga ayaa ah mid ku salaysan kobcin maalgaline ed oo aan faa’iido soo celineed bangiga ka rab in.

Dadkii ka soo qeybgalay Daahfurka Munaasba da Maalgaalinta oo lagu qabtay Xarunta weyn ee Bakaaro ayaa sheegay inay aad ugu farxeen maalgelinta uu Salaam Somali Bank u sameey ay waxayna si gaar ah ugu mahadceliyeen Maa mulka Bangiga

Madaxa Qeybta Ganacsiga Salaam Somali Bank Ayaa faahfaahiyay Barnaamijka Maalgelin ta Qardu-Xasanka walibana in Bangigu uu qor sheeyay inuu sii balaarin doono Barnaamijkan Qardul-Xassanka haday ahaan lahayd meelaha horay loo gaarsiiyay iyo Xajmiga Maalgaalinta intaba.

Ganacsatadii qeyb ka ahaa barnaamijkan Qardu-Xasanka ayaa sheegay inay sameeyeen kobac dhaqaale oo fiican, ayna xaqiijinayeen hadafkoodii horumarineed iyo dhanka shaqa ab uurka Sidoo kale waxay ku bogaadiyeen doorka uu bangigu ka qaato kobcinta dhaqaalaha bu lshada iyo horumarka wadanka guud ahaan.

Xarunta Xuquuqal Insaanka Madaxa-banna an ee Somaliland oo ka hadashay xadhig loo gaystay xubin ka tirsan ururka Kaah

Xarunta Xuquuqal In Shalay Maxada-bann aan ee Somaliland, ayaa cambaaraysay xadhig booliisku u gaystay xubin ka tirsan ururka Kaah.

"Xarunta Xuquu qal Insaan ka Mad axa-banna an ee Somaliland, waxa ay cambaarayna ysa xadhiga sharci darada ah, ee lagula kacay Axmed Max amed Cabdi Da'uud, Axmed waxa uu ka tirsan yahay Golaha Dhexe ee Ururka Kaah" ayaa lagu yidhi warbixinta xarunta.

Xarunta ayaa sheegtay in masuulkan la xi dhay 24 November kadib markii uu bogiisa Fac ebook soo dhigay, qoraal uu ku sheegay in Mad axweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu ku lug leeyahay ka ganacsi qaad, xarunta ayaa sheegtay in masuulkan xadhigiisa aan sharciga loo marin.

Xaruntu waxa ay sheegtay in Axmed lasii daayay 27 November kadib markii inta maxka mada la hor keenay uu booliisku wax danbi ah ku waayay, lakiin dib loosoo xidhay 28 Nov ember, isla markaana hada uu ku jiro saldhig bo oliis iyadoo Shalay maxkamada la horgeeyay.

Xarunta ayaa ku eedaysay booliiska in ay jidh dil u gaysteen markii ay qabanayeen, taasi oo ay xaruntu sheegtay in ay walaac ku abuur tay.


DF oo tallaabo qaaday, ka dib caba shadii ganacsatada waddada Maka Al-Mukarama

Dowladda ayaa jawaab deg deg ah ka bixis ay cabasho Shalay ka timid ganacsatada meh eradaha ku yaalla wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoysyada Say idka iyo Dabka, kadib banaan-baxyo halkaas ka dhacay Shalay.

Goobaha ganacsi ee ku yaalla inta u dhaxe ysa labadaas isgoys ayaa Shalay la xiray, waxa yna ganacsatada iska leh iyo dadka deganaag gaas ay dhigeen dibadbaxyo ay uga caban ayeen jid gooyo halkaas ka jirtay muddo ku dhow hal bil.

Hey’adaha ammaanka ayaa gaadiidka u dii day inay isgoyska Dabka u dhaafaan dhanka madaxtooyada, ilaa isgoyska Dabka, waxayna dadkaan Shalay banaan-baxa sameeyey dul qaadanayeen muddo bil ku dhow oo wadadaas ay u xireyd hey’adaha amaanka.

Cabashadooda kadib, Shalay ayaa la isku furay labada isgoys ee Dabka iyo Sayidka sida warbaahinta ay sheegtay Shalay inay xira nyi hiin goobaha ganacsiga ee aggaasi, iyadoo ay banaan-baxyo dhigayaan dadkii halkaas me heradaha ku lahaa.

Maalmihii u dambeeyey Muqdisho waxaa laga dareemayey culeys ay hey’adaha amnigu saarayaan shacabka, si looga hor tago wee rarrada Al-Shabaab, taas oo shacabku ay dhibs anayaan, maadaama mararka qaar ay lugooyo kala kulmaan sugidda amniga.

Tan iyo markii ay kooxda Al-Shabaab wee rarka ka geysatay hotel aad ugu dhow Villa So malia, cadaadis xoog leh ayaa la dareemayaa in la saaray hey’adaha amniga, kuwaas oo muu jinaya feejignaan ay uga hor tegayaan weerarr ada ka imaan kara kooxda Al-Shabaab.

Shir laga yeeshay Ammaanka degaann ada Jubbaland.

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Dowl ad Goboleedka Jubbaland ahna ku simaha Mad axweynaha Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden ayaa shir gudoomiyey Shirka bilaha ah ee looga hadlo amniga Jubbaland kaas oo bishii mar laqabto.

Shirkan waxaa ka qeyb galay xubno kamid ah golaha Wasiirada Jubbaland saraakiil kaso cotay ciidamada Xogga Dalka, taliye kuxige enka Booliska Jubbaland, Taliyaha ciidanka Daraawishta, taliyaha Booliska gobolka Jub bada hoose, sarakiil kasocday Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Jubbaland, Ciidanka ATM IS Qeybahooda kala ah 6,3,2 iyo Madax ka socotay UN-ka.

Shirkan ayaa inta badan la iskaga xog ware ysanayey xogaha Amiga Jubbaland, Sidii loo qorsheyn lahaa howlgalada looga saarayo dee ganada ay Al-Shabaab gacanta kuhayaan iyo horumarinta Amniga, Xoojinta Qorshaha howlg alada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-sha baab iyo hagaajinta Amanka degaanada Jubba land.

Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay in Cii damada ATMIS ay door muuqda ka qaataan howlagalada ka dhanka ah Al-Shabaabiyo xaal adaha bini’adanimo Ee ka jira degaanada Jub baland .

Howlgalka ATMIS oo ku dhawaaqay inay howlgal duqeyn ah uga qeyb qaadanaya an dagaalka ka dhanka ah Shabaab

Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS Soo maaliya ayaa shaaciyay in ATMIS ay diyaar u yi hiin inay sii wadaan taageerada howlgalka dhin aca cirka ah ee Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay ku qaadayaan Ururka Al-Shab aab.

War kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in inta lagu guda jiro how lgallada millateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay fulinayaan weerar dhinaca cirka si loogu taa geero Ciidamada dowladda ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

" ATMIS waxay sii wadaa inay taageerto dagaal ka cirka ee ciidamada dhulka inta lagu jiro hawl gallada militari. Hawlgallada #ATMIS ayaa so cda oo lagu taageerayo ciidanka xoogga dalka si loo wiiqo Al-Shabaab ayaa lagu yiri” Qora alka.

Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaan qeyb weyn ka aheyn howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah Gob olada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagula wareegay degaano dhowr ah oo ay ku su gnaayeen Al-Shabaab.

Maxay tahay arrinta ku saabsan Sooma aliya ee uu sheegay Zelenskyy?

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay gacansiinta waddamo dhowr ah oo Soomaaliya kamid tahay oo xaalado bani-aadani mo ay ka jiraan.

Waddamadaan ay aa kala: Itoobiya, Koof urta Suudaan, Soomaali ya, Jamhuuriyadda Dimu qraadiga Congo, Kenya iyo Yemen.

Waxa uu sheegay in Dekedda Doraleh ee Ja mhuuriyadda Jabuuti uu ku xirtay Markab wada gargaar bani-aadamnimo, gaar ahaan Qamadi dhan 25,000 Metric Tons si loogu caawiyo qoy saska ku dhibaateysan Itoobiya.

"Waxaa naga go’an in aan garab istaagno oo aan caawino dadka dhiban, sanadka soo so cda 2023-ka waxa aan gaarsiineynaa gar-gaar ka illaa 60 Markab si looga hortago baahida cun no la’aan ee dunida ka taagan,” ayuu yiri Mad axweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Zelenskyy ayaa tilmaamay in kaalmadaas ay ku baxeyso $150 Milyan oo Doollar oo ah de eq si gaar ah loogu tala-galay waddamada Itoo biya, Koofurta Suudaan, Soomaaliya, Jamhuur iyadda Dimuqraadiga Congo, Kenya iyo Yemen.

Madaxweynaha Imaaraadka Oo Booqa sho Ku Tegay Qatar

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta ayaa Shalay billaabay booqashadii ugu horreysay ee uu ku tago Qatar tan iyo markii lasoo afjaray go’ doomin socotay afar sano oo la saaray Doha, ta asi oo qaboojisay xiriirka labada dal.

Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Doha kusoo dhoweeyay amiirka Qatar, ayada oo socdaalki isa uu kusoo bee gmay xilli dalkaas uu ka soc do Koobka Adduunka.

Waa booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo uu dalkaas ku tago tan iyo bishii Janaayo 2021, markaasi oo lasoo geba-gebeeyey xayir aad billaabatay June 2017 oo lagu hayey dal kaas.

Booqashada oo ku timid casuumadda amiir ka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani "ay aa dhiseysa xiriirka walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab,” waxaa sidaas yiri mas’uul Imaaraati ah oo la hadlay wakaa ladda wararka dalkaas ee WAM.

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda S/L iyo Puntland

Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdh eer ee waqooyiga dalka Soomaaliya ayaa shee gaya in Shalay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horje edo oo u dhexeeyo Somaliland iyo Puntland la ga dareemayo duleedka degmada Buuhoodle.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay, kadib markii ciida mada labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo mila tari ka bilaabeen halkaasi, taas oo abuurtay xii sad cusub.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Soma liland ay ciidamo badan geysay deegaano u dhow Buuhoodle, halkaas oo ay gacanta ku hay aan ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale cabsi ka muujinayo inuu dagaal culus ka qarxo halkaasi, maadaama ciidamada Somaliland iyo Puntland ay is uruursi ka wadaan halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada maamul ee dariska ah, kuna aad an xiisadda Shalay ka taagan gobolka Tog dheer, ayadoo xaaladunta ay kacsan tahay

Somaliland iyo Puntland oo xuduud leh ayaa in muddo ah isku haya gacan ku heynta deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Sool iyo Sa naa ee waqooyiga Soomaaliya.

Si kastaba, labada maamul ayaa maalmihii u dambeeyey sameynayey dhaq-dhaqaaqyo xo ogan, waxayna taasi keentay in Somaliland ay la wareegto deegaano horleh, waxaana ugu dambeysay Boocame oo kamid aheyd meelaha

ay Puntland u qorsheysay doorashada.


Dagaal Yahanada Tigreyga Oo Soo Faar ujiyay Furimaha Dagaalka.

Madaxa ciidamada fallaagada Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in boqolkiiba lixdan iyo shan ka mid ah dagaalyahannadooda ay ka baxeen furimaha dagaalka.

Arintaan ayaa ku soo beegmaysa bil kadib markii heshiis xabad joojin ah ay la saxiixdeen dowlada.

Tadesse Werede, oo ah madaxa guud ee ciidamada Tigreega ayaa sheegay in ay u dhaqaaqeen goobo cayiman. Inkastoo ay saxiixeen heshiis hub ka dhigis ah, Jabhadda Xoreynta Tigrayga ayaa sheegtay inaysan ka tanaasuli doonin hubkeeda haddii aysan ciidamada Eritrea iyo kuwa ka socda gobollada deriska la ah Itoobiya aysan ka bixin Tigrayga.

Maalmihii la soo dhaafay shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ciidamada Eritrea iyo maleeshiyaadka xulafada la ah ay sii wadeen dilalka iyo tacadiyada dadka rayidka ah ee Tigrayga.

Soomaaliya iyo waddamada IGAD oo gaaray heshiis ku saabsan isu socodka xorta ah ee dadka

Dowladda Soomaaliya iyo lix dal oo kale oo ka tirsan urur goboleedka IGAD ayaa gaarayheshiis ku saabsan isu socodka xorta ah ee dadka.

Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan.

Sida laga soo xigtay xoghayaha IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, dowladda Uganda kama mid ahayn saxiixayaasha heshiiska dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka iyo hab-maamuuska aadanaha.

Gebeyehu ma bixin tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan heshiiska laakiin wuxuu ku tilmaamay guul aad u weyn oo horumarka gobolka ah.

Ururka IGAD ee bariga Afrika oo la aas aasay 1996-kii ayaa beddelay urur goboleedkii IGAD oo la aas aasay sanadkii 1986-kii si wax looga qabto masiibooyinka dabiiciga ah.Xubnaha hadda jira waxaa ka mid ah Jabuuti, Itoobiya, Soomaaliya, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Uganda.

Eritrea oo xubin ka ahayd IGAD ayaa waxay ka baxday sanadkii 2007 ka hor inta aysan soo laaban sannadka 2016, balse wali ma aysan soo xaadirin inta badan shirarka IGAD.

Qaraxyo Ka Dhacay Labo Salhdig Millit ari Oo Ku Yaalla Ruushka

Dhowr qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen qaraxyo ka dhacay labo salhdig militari oo Ruushka ku yaalla.

Taangi shidaal ayaa qarxay waxaana ku dhintay saddex qof iyadoo ay ku dhaawacmeel lix kale, qarax ka dhacay meel u dhow magaalada Ryazan, koofur-bari Moscow, sida ay ku warrantay warbaahinta Ruushka.

Labo qof oo kale ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay saldhig militari oo ku yaalla gobolka Saratov.

Lama oga waxa sababay qaraxyada. Labada goobood ayaa boqollaal kiilo mitir u jira xadka Ukarine.

Gantaallada riddada dheer ee Ruushka ayaa la rumeysan yahay inay ku jireen saldhigga ku yaalla Saratov.


WIILKII WAXBARASHADA DHEXDA UGA TAGAY EE HADDA AH NINKA UGU TAAJIRSAN QAARADDA AASIYA


Gautam Adani

Habeenkii 26-kii November 2008, Gautam Adani, oo ahaa ninka 10-aad ee ugu taajirsan Hindiya, isagoo ka cashaynaya maqaayad ku taal hoteelka raaxada ee Mumbai ee Taj Mahal Hotel, wuxuu arkay rag hubeysan oo gudaha u galay, oo rasaas u ridayay dhinac walba, bam-gacmeedna tuurayay.

Toban dagaalyahan oo aad u hubaysan, oo dhamaantood u dhashay Pakistan, ayaa soo gaaray badda fiidnimadaas, waxaanay u kala qaybsameen kooxo, waxay afduubteen baabuur, weerarna ku qaadeen bartilmaameedyo, oo ay ku jiraan laba hoteel oo waaweyn.

Go’doominta magaalada oo socotay 60 saacadood ayaa waxaa ku dhintay 166 qof, waxaana xumaaday xiriirka Hindiya iyo Pakistan.

Mr Adaani ayaa markii dambe u sheegay majaladda India Today in shaqaalaha hoteelka ay si degdeg ah dadkii wax ka cunayey qolka hoose ee guriga muddo dhawr saacadood ah ku xireen, ka dibna ay u u gudbeen hool ku yaala dabaqa sare xataa iyada oo uu dhiigu ku daadnayay banaanka.

Waxaa hoolka soo galay 100 qof oo marti ah - "qaar waxay ku dhuumanayeen sariiro hoostooda, qaarna meelo qarsoodi ayay galeen" - si u duceeyeystaan.

Kadib markii uu habeenkaas waaga ugu barayay gudaha hoolka, ayaa Mr Adaani iyo raggii kale laga saaray albaabka danbe ee laga soo galo, ka dib markii ay ciidamada Kumaandooska ahi galeen hotelka subaxii dambe.

Qiyaastii 14 sano ka dib habeenkaas, Mr Adani, oo 60 jir ah, waa ninka saddexaad ee adduunka ugu taajirsan - waxa ka horreeya Elon Musk iyo Jeff Bezos.

Waxa uu maamulaa shirkad ballaadhan oo oo dhanka tamarta dekadaha ah oo ay hoostagaan toddobo shirkadood oo ganacis ah, 23,000 oo shaqaale iyo hanti ka badan $230 bilyan oo doolar.

Waxa uu todobaadkan ku jiray wararka warbaahinta sababta oo ah waxa uu ku dhaw yahay in uu la wareego NDTV, oo ah shabakada wararka ee India loogu ixtiraam badan yahay, taas oo noqoneyso ganacsigiisii ​​ugu horreeyay ee dhanka warbaahinta ah.

Ka dib markii uu iskuulka dhexda kaga tagay isaga oo 16 jir ah, Mr Cadaani waxa uu u guuray Mumbai si uu u tijaabiyo ganacsi, waxa uu bilaabay ka ganacssiga dheemanka hase yeeshee ganacsigan horay uma sii socon oo muddo laba sannadood ka dib wuxuu ku laabtay Gujarat, gobolka uu ka soo jeedo, si uu u maamulo warshad baakadaha sameysa oo uu maamulayay walaalkii.

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Mr Adaani, oo ka soo jeeda qoys dabaqad dhexe ah oo ka ganacsada dharka, waligii dib uma eegin ka dib markii uu furtay shirkadiisa ka ganacsiga badeecadaha sannadkii 1998.

24-kii sano ee xigay, shirkadihiisa deynta lagu bilaabay waxay u kala qaybsameen dekedo,, waddooyin tareen, kaabayaasha korontada iyo hantida ma guurtada ah taas oo ka dhigtay waxa uu falanqeeye ku tilmaamay "laga yaabo in ay yahay mid ka mid ah dadka ugu dadaal badan jiilka cusub ee Hindiya ee maalqabeenada".

Shalay, Mr Cadaani waa maalqabeenka kaabayaasha dhaqaalaha ee Hindiya. Waxa uu maamulaa shirkadda labaad ee ugu weyn Hindiya ee shamiintada, 13 dekedood - oo ay ku jirto tan ugu weyn dalka oo ku taal magaalada xeebta galbeed ee Mundra – wuxuu sidoo kale maamulaa todoba garoon diyaaradeed. Waxa uu dhisaya Jidka aadka u dheer ee Hindiya ee isku xira Delhi iyo Mumbai oo ah caasimadda ganacsiga dalkaas.

Modi iyo Adani

XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE

Hase yeeshee dhanka kale, Mr Adaani waxa hareereeyay muran badan oo ah dhanka xiriirka dhow ee uu la leeyahay Narendra Modi. Dadka dhaleeceeya ayaa ku tilmaamay in boqortooyadiisa ganacsi ay tusaale u

tahay hanti-wadaag ka dhaxeeya isaga iyo Modi. XIGASHO:-BBC



NINKII AAN U SHAQEYNAYAY AYAA MADAXA II GELIYAY FADHIGA SUULI GA CUNTADIINA IGA REEBTAY


Heerka xuquuqul insaanka ee Qadar ayaa isha lagu hayaa iyadoo Koobka Adduunka uu ka socdo dalkaas.

Heerka xuquuqul insaanka ee Qadar ayaa isha lagu hayaa iyadoo Koobka Adduunka uu ka socdo dalkaas.

Wax badan baa laga qoray sida loola dha qmo shaqaalaha ajnabiga ah ee dhisay garoomada iyo hoteell ada, bal ka waran gabdhaha ajnabiga ah ee u shaqeeya tujaariinta iyo dadka dabaqadaha dhexe ee Qadar?

Weriyaha BBC-da ee jinsiga iyo aqoonsiga Megha Mohan ayaa laba hablood kala hadashay nololsha shaqada saacadaha badan ee aan fasaxa lahayn.

Waxaan la xiriiray Gladys (ma aha magaceeda saxda ah) goor dambe oo habeenimo ah, ka dib markii ay seexdeen madax ka tirsan maamulka Qadar.

Sheeko gaaban oo dhanka khadka ah ka dib waxay ii sheegtay inay shaqeyso 8 subaxnimo ilaa 11 habeenimo maalin kasta. Shaqadeeda ayaa nadaafadda,diyaarinta cuntada iyo ilaalinta caruurta.

Waxay cuntaa wixii ka soo hara qoyska, waxayna she egtay inaysan maalin fasax ah helin tan iyo markii ay bi lowday shaqada 18 bilood ka hor.

"Marwada aan u shaqeeyo waa ay waalan ta hay," Gladys, oo ah haweeney Filibiin ah oo 40 jir ah, ayaa tiri. "Maalin walba way igu qaylisaa."

Ka hor inta aysan Qadar ku guuleysan in dalke eda lagu qabto tartanka Koobka Adduunka 2022, shaqaalaha ajnabiga ah ma awoodin inay beddeshaan shaqada ama ka tagaan dalka iyaga oo aan fasax ka haysan loo shaqeeyaha. Wali inta badan wadamada Khaliijka ayaa sidan oo kale ah.

Yadoo la eegayo, Qadar waxay bilowday inay soo bandhigto dib-u-habeyn, laakiin mar walba ficil ahaan looguma dhaqmo.

Tusaale ahaan, reerka ay Gladys u shaqe eyso waxay ka hasystaan baasaboorkeeda. Ha dday weyddiisatana si ugu baxdo ma hubto , inay dib u heli doonto.

Laakiin Gladys wali waxay dareemaysaa inay nasiib leedahay sababtoo ah ugu yara an waxaa loo oggolaaday inay haysato taleefank eeda, , si ka duwan gabdhaha kale ee ajnabiga ah ayay tiri. Sidoo kale, iyada jir ahaan laguma xad-gudbin. Qadar, tani waxay ku dhacdaa dum arka ah marar badan, ayay tiri.

Waxa jirta sabab kale oo ay doonayso inay ku sii jirto shaqadeeda hadda - waxay u malay naysaa inaanay suurtogal ahayn marka la eego da'deeda inay hesho shaqo ka wanaagsan. Waxay heshaa 1,500 riyaal bishii oo qiyaastii u dhiganta £350 Pound waxayna awood u leed ahay inay dhammaan u dirto reerkeeda si u masruuftaan.

Xuquuqda shaqaalaha gudaha

• Waxaa Qadar ku sugan qiyaastii 160,000 oo shaqaale guri ah, marka loo eego xogta 2021 ee Hay'adda Qorsheynta iyo Tirakoobka Qada.r

• Sannadkii 2017-kii Qadar waxay soo saartay sharciga shaqaalaha gudaha, kaas oo aragti ahaan xaddidaya saacadaha shaqada kana dhigayo 10 saacadood maalintii, sidoo kale waxaa ku jira xilli fasax maalinle ah, maalin dhan oo fasax ah iyo in mishaar la siiyo xilliga ay fasaxyada ku maqan yihiin.

• 2020 waxa ay sidoo kale soo bandhigtay mushaharka ugu yar ee qofka la siin karo. Wax ay sidoo kale siyeen warqad uu qofka shaqada ku baddalan karo ama ay dalka kaga baxaan iyaga oo aan ogolaansho waydiisan.

• Si kastaba ha ahaatee, Amnesty International waxay sheegtay in sharciyadan aan had iyo jeer la dhawrin oo ay sii socdaan shaqada xad dhaa fka ah, nasasho la'aanta, iyo xadgudubka.

Joanna Concepcion oo ka tirsan hay’adda Migrante International, oo ah hay'ad taageerta shaqaalaha reer Filibiin ee dibadda jooga, ayaa sheegtay in qaar badan ay ka aamusaan xaala daha shaqada ee xun sababtoo ah waxay ka fakarayaan inay waayaan lacagta qoysaskooda u dirayaan taas ayayna mudnaanta koowaad siiyeen.

Laakiin marka kuwa ku sugan wadamada Khaliijka ay dareemaan kalsooni ku filan oo ay si xor ah u hadlaan, ayay tiri, waxay inta badan sheegaan xadgudubyo halis ah. Mid ka mid ah haweenka ayaa sheegtay in ninkii ay u shaqe yneysay uu madaxa u galiyay fadhiga mus qusha oo uu u diiday cunnada iyo biyaha markii ay xanaaqday.

Waxaa Qadar ku sugan qiyaastii 160,000 oo shaqaale guri ah

Althea (idoo kale ma aha magaceeda dhabta ah) ayaa sawir aad uga duwan ka bixisay nolo sheeda shaqaalenimo ee Qatar. Waxaa ay u shaqeeysaa qoyska boqortooyada Al Thani, waxay muuqaal ka wacday BBC-da iyadoo ku sugan qaybta hoose ee guriga boqortooyada.

Dhoola cadeyn iyo firfircooni ayaa ka muuqatay, waxayna sheegtay inay qoyska siiyeen iPhone, dhar, dahab iyo kabo kuwaas oo aysan awoodin inay iibsato haddii dib ugu noqoto gurigeeda Filibiin.

Dhanka kale Mary Grace Morales, oo qorta shaqaalaha filibiins-ka ee khaliijka oo ku sugan magaalada Manila ayaa sheegtay in ka sha qaynta qasriga ay tahay shaqo "nasiib badan".

Mary Grace Morales,

"Waxaa jira faa'iidooyin badan. Qoysku waa deeqsiyiin," ayay tiri. Waxayna, jawaab ka bixin eyso su’aasha ah dhibaatooyinka ay habluhu ka la kulmi karaan guriga, waxay ku dartay: "Gab dhuhu way cayilaan yihiin inta ay qasriga ku jir aan. Reerku si wanaagsan ayay u quudiyaan."

XIGASHO:BBC



DIB U EEGID: XULKA BRAZIL OO BAR-BAREE YAY RIKOODH AY KA DHIGEEN KOOBKA ADDUUNKA 68 SANO KA HOR.


Jamac Dib U Eegid, Wararka Ciyaaraha Shalay, Wararka Koobka Adu unka 0

Xulka qaranka Brazil ayaa xasuuqay xulka South Ko rea kulan ka tirsanaa wareega 16-ka koobka add uunka kana dhacay garoonka 974.

Goolal ay dhaliyeen Neymar, Richarlison, Vini Jir iyo Lucas Paqueta ayaa Brazil ka ca awiyay in ay garaacaan xulka South Korea.

Xulka Brazil ayaa 4 gool dhaliyay qaybta hore ee ciyaarta kadib markii ay si dar-dar leh ku bilowdeen ciyaarta una awood sheegteen xulka South Korea.

Kadib kulanka xulka qaranka Brazil ayaa boodhka ka jaftay rikoodh ay isla xulka Brazil ka dhigay koobka adduunka 68 sano ka hor.

Markan ayaa ah markii 2-aad ee uu xulka qaranka Brazil dhaliyay 4 gool qaybta hore ee ciyaarta koobka adduunka iyaga oo isla sidaas sameeyay koobkii adduunka ee sanadkii 1954 kuna sameeyay xulka Mexico.


XULKA CROATIA OO GARAACAY XULKA JAPAN, RIKOORAYAAL AYAY WAREEGA 8 DHAMMAAD KA KU AADEEN.



Wararka Ciyaaraha Shalay, ee Koobka Aduunka Xulka Qaranka Croatia ayaa iska xaadiriyay 8 dhamaadka koobka adduunka kadib markii ay rikoodhayaal ku garaaceen xulka Japan.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada xul si cajiib ah u soo bandhigeen ciyaar fiican iyada oo uu mid walba doonayay in uu u gudbo wareega xiga.

Xulka Japan ayaa ahaa xulka Fiican xilli xulka Croatia maamulayay ciyaarta isla mar kaas samaynayeen fursado wax ku ool ah.

Xulka Japan ayaa qaadayay weeraro rogaal celis ah oo marar badan halis galiyay daafaca xulka Croatia. Daqiiqadii 43-aad ayuu xulka Japan si lama filaan ah hogaanka ugu qabtay ciyaarta iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddig Daizen Maeda kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Japan ku hogaaminayay ciyaarta isla markaas ahaa midka fiican. Qaybta dambe ayuu xulka Croatia ahaa midka fiican iyaga oo u awood sheegtay xulka Japan kuwaas oo difaac galay isla markaas qaadayay weeraro rog aal celis ah. Daqiiqadii 55-aad ayuu xulka Croatia dhaliyay goolka bar-baraha Waxana u dhaliyay xiddiga Ivan Perisic kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa ay labada xul wixii intaas ka dambeeyay isku dhaafi waayeen sid aas iyaga oo aan wax goolal ah la kala dhalin.

Waxa ciyaarta lagu daray 30 daqiiqo si loo kala boxo iyaga oo mid walba doonayay in uu gool ka dhaliyo midka kale.

Laakiin labada xul ayaa isku dhaafi waayay 30-ka daqiiqo taas oo la macno ahayd in ay rikoodhayaal ku kala baxaan. Xulka Croatia ayaa iska xaadriyay wareega xiga ee koobka addu unka kadib markii ay Rikoo dhayaal 3/1 ah kaga badiyeen xulka Japan. Goolhayaha Croatia ayaa noqday geesiga qarankiisa waxana uu xulkiisa ku hogaamiyay wareega xiga kadib markii uu 3 rikoore ka qabtay xulka Japan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip