Wiilkii waxbarashada dhexda uga tagay ee hadda ah ninka ugu taajirsan qaaradda Aasiya

0
Monday December 05, 2022 - 07:50:31 in Wararka by
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiilkii waxbarashada dhexda uga tagay ee hadda ah ninka ugu taajirsan qaaradda Aasiya

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Gautam Adani

Habeenkii 26-kii November 2008, Gautam Adani, oo ahaa ninka 10-aad ee ugu taajirsan Hindiya, isagoo ka cashaynaya maqaayad ku taal hoteelka raaxada ee Mumbai ee Taj Mahal Hotel, wuxuu arkay rag hubeysan oo gudaha u galay, oo rasaas u ridayay dhinac walba, bam-gacmeedna tuurayay.

Toban dagaalyahan oo aad u hubaysan, oo dhamaantood u dhashay Pakistan, ayaa soo gaaray badda fiidnimadaas, waxaanay u kala qaybsameen kooxo, waxay afduubteen baabuur, weerarna ku qaadeen bartilmaameedyo, oo ay ku jiraan laba hoteel oo waaweyn.

Go’doominta magaalada oo socotay 60 saacadood ayaa waxaa ku dhintay 166 qof, waxaana xumaaday xiriirka Hindiya iyo Pakistan.

Mr Adaani ayaa markii dambe u sheegay majaladda India Today in shaqaalaha hoteelka ay si degdeg ah dadkii wax ka cunayey qolka hoose ee guriga muddo dhawr saacadood ah ku xireen, ka dibna ay u u gudbeen hool ku yaala dabaqa sare xataa iyada oo uu dhiigu ku daadnayay banaanka.

Waxaa hoolka soo galay 100 qof oo marti ah - "qaar waxay ku dhuumanayeen sariiro hoostooda, qaarna meelo qarsoodi ayay galeen" - si u duceeyeystaan.

Kadib markii uu habeenkaas waaga ugu barayay gudaha hoolka, ayaa Mr Adaani iyo raggii kale laga saaray albaabka danbe ee laga soo galo, ka dib markii ay ciidamada Kumaandooska ahi galeen hotelka subaxii dambe.

Qiyaastii 14 sano ka dib habeenkaas, Mr Adani, oo 60 jir ah, waa ninka saddexaad ee adduunka ugu taajirsan - waxa ka horreeya Elon Musk iyo Jeff Bezos.

Waxa uu maamulaa shirkad ballaadhan oo oo dhanka tamarta dekadaha ah oo ay hoostagaan toddobo shirkadood oo ganacis ah, 23,000 oo shaqaale iyo hanti ka badan $230 bilyan oo doolar.

Waxa uu todobaadkan ku jiray wararka warbaahinta sababta oo ah waxa uu ku dhaw yahay in uu la wareego NDTV, oo ah shabakada wararka ee India loogu ixtiraam badan yahay, taas oo noqoneyso ganacsigiisii ​​ugu horreeyay ee dhanka warbaahinta ah.

Ka dib markii uu iskuulka dhexda kaga tagay isaga oo 16 jir ah, Mr Cadaani waxa uu u guuray Mumbai si uu u tijaabiyo ganacsi, waxa uu bilaabay ka ganacssiga dheemanka hase yeeshee ganacsigan horay uma sii socon oo muddo laba sannadood ka dib wuxuu ku laabtay Gujarat, gobolka uu ka soo jeedo, si uu u maamulo warshad baakadaha sameysa oo uu maamulayay walaalkii.

.

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Mr Adaani, oo ka soo jeeda qoys dabaqad dhexe ah oo ka ganacsada dharka, waligii dib uma eegin ka dib markii uu furtay shirkadiisa ka ganacsiga badeecadaha sannadkii 1998.

24-kii sano ee xigay, shirkadihiisa deynta lagu bilaabay waxay u kala qaybsameen dekedo,, waddooyin tareen, kaabayaasha korontada iyo hantida ma guurtada ah taas oo ka dhigtay waxa uu falanqeeye ku tilmaamay "laga yaabo in ay yahay mid ka mid ah dadka ugu dadaal badan jiilka cusub ee Hindiya ee maalqabeenada".

Maanta, Mr Cadaani waa maalqabeenka kaabayaasha dhaqaalaha ee Hindiya. Waxa uu maamulaa shirkadda labaad ee ugu weyn Hindiya ee shamiintada, 13 dekedood - oo ay ku jirto tan ugu weyn dalka oo ku taal magaalada xeebta galbeed ee Mundra – wuxuu sidoo kale maamulaa todoba garoon diyaaradeed. Waxa uu dhisaya Jidka aadka u dheer ee Hindiya ee isku xira Delhi iyo Mumbai oo ah caasimadda ganacsiga dalkaas.

Modi iyo Adani

XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE

Hase yeeshee dhanka kale, Mr Adaani waxa hareereeyay muran badan oo ah dhanka xiriirka dhow ee uu la leeyahay Narendra Modi. Dadka dhaleeceeya ayaa ku tilmaamay in boqortooyadiisa ganacsi ay tusaale u tahay hanti-wadaag ka dhaxeeya isaga iyo Modi.

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip