HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 20-KA NOVEMBAR 2022-KA

0
Sunday November 20, 2022 - 08:18:48 in Wararka by
  • Visits: 415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 20-KA NOVEMBAR 2022-KA

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Madaxweyne Xasan Sheekh "Inta aan Madaxwe ynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka laga ciribtiro Al-shabaab"

Madaxweynaha DFS Md.Xasan Sh. Iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Shalay gaaray degmada Max aas ee gobolka Hiiraan halkaasoo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweynaha Soo maaliya waxaa degmada Max aas kusoo dhaweeyay madax weyne ku xigeenka Hirshabe elle, guddoomiyaha go bolka Hiiraan, Xildhibaano, ma suuliyiin kale iyo qeyb aha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Maxaas.

Ujeedka safarka Md.Xasan ee uu Shalay ku gaar ay degmada Maxaas ayaa la sheegay iney tahay u kuurgalida xaaladaha ka jira furimaha dagaalka lag ula jiro Shabaab, maadaama Maxaas halbowle ay u tahay howlgalada lagula dagaalamayo Shabaabka ku sugan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacab ka ku nool degmada Maxaas iyo ciidamada xoogga dalka ayaa ku amaanay guulaha ay ka gaareen dag aalka ay kula jiraan Al-shabaab, isagoo sheegay in dowladda taageero la garab taagan tahay dadka de egaanka ee go’aansaday inay iska xoreeyaan Al-shabaab.

"Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaal iya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xaradheere, Aad an Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Al le idim kii” ayuu yiri Md Xasan Sh.

Madaxweyne Xasan oo dhageystay warbixin la xir iirtay baahiyaha adeegga dowladnimada ah oo ay qa baan dadka ku nool degmada Maxaas iyo deegaana da hoos yimaada ayaa u balan qaaday in DFS ay soo gaarsiin doonto degmada Maxa as iyo deegaanada kale ee laga saaray kooxda Al-shabaab adeega dow ladnimada.

Socdaalkan uu Shalay ku tagay Md.Xasab Sh. degmada Maxaas ee G/Hiiraan ayaa qeyb ka ah safa ro kala duwan uu ku tagi doono deegaano kala duw an oo laga saaray dagaalamayaasha Shabaab oo ku kala yaala G/Hiiraan, Galgaduud iyo Sh/Dhexe

Dadweynaha Reer Maxaas ayaa madaxweynaha soomaaliya ka codsadeen inay dowladda u dhisto ga roon diyaaradeed iyo adeegyada bulshada inta bad anoo ka maqan deegaankaasi .

Dhinaca kale madaxweynaha soomaaliya oo bog aadiyey guulaha ay ka gaareeb usku xirnaan ahsha shacbi , maamul guud ahaan ee kaalinta 1aad ay ga galeen dadweynaha reer baladweyne oo kaashan aya dowladooda waa mid ba farxad gelisay waxaana idinka ballan qaadayaa in dadka reer maxaas aan u fulin doono baahidooda xagga garoonka iyo wixii tab ar ah ee la heli karo ayu yiri Madaxweynaha Sooma aliya oo si weyn looga soo dhaweyey gobolka hiiraan

Yuusuf Madaale oo xilalka ka qaaday gudoomiyey aal degmo kuwa kalena magacaabay

Guddoomiyaha G/Banaadir, ahna duqa M/Muqdi sho Yuusuf Madaale ayaa Shalay qaaday tallaabo cu lus, isaga oo xil ka qaadis ku sameeyey qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, kuwa kalena ma gacaabay.

Madaale ayaa xilka qaadis ku same eyey illaa saddex guddoomiye, kuwa as oo kala joogay degmooyinka Boon dheere, Waabari iyo Hodan, waxaana loo magaca abay:-

1-Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa loo magacaa bay xilka guddoomiyaha cusub ee degmada Boondhe ere, ayada oo xilkaas laga qaaday Marwo Seynab Yuu suf Wehliye.

2-Maxamed Sayid Cali ayaa loo magacaabay xilka guddoomiyaha cusub ee degmada Waabari, ayada oo xilkaas laga qaaday Sugaal Cali Ayaanle. 3-Cali Ax med Faarax ayaa loo magacaabay xilka guddoo miyaha cusub ee degmada Hodan, ayada oo xilkaas laga qaaday Cabdifitaax Xayir Ciise.Sidoo kale warg eetada ayaa lagu sheegay in dhammeytirka xeerkan la ga rabo waaxada shaqada iyo shaqaalaha ee dowlad da hoose iyo waaxda xiriirka degmooyinka.

"Dhammeystirka wixii ka dhimman xeerka fulintiisa waxaa u xil-saaran waaxda shaqada iyo shaqaalaha gobolka Banaadir iyo waaxda xiriirka degmooyinka,” ayaa lagu yiri wareet ada.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah isbedallada uu haa tan wado guddoomiye Yuusuf Madaale oo uu markale xilkan usoo magacaabay madaxweynaha Xasan Sheekh, isagoo horey sidan oo kale guddoomiyeyaal cusub ugu soo magacaabay Kaxda, Dharkenley iyo Xamar Jajab.

Guddoomiye Aadan Madoobe Oo Dalbaday Shir weyne Lagu Qabanayo Baydhabo

Guddoomiyaha G/Shacabka BFS Sh.Aadan Maxa med Nuur Madoobe ayaa bulshada iyo siyaasiyiinta u gu baaqay shir dib u heshiisiin ah oo lagu xalinaayo ta bashooyinka ka dhex jira bulshada ku dhaqan dee gaanada KGS.

War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye Aadan Madoobe ayuu dalbaday in Shir dib u heshiisiineed oo ay kasoo qeyb galaan siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka, Culimada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada lagu qabto magaalada Baydhabo.

Wuxuu Ujeedka shirkaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku sheegay inuu yahay mid lagu doonayo in lagu xaliyo tabasha walba oo bulshada dhex-deeda ka jirta iyo adkeynta midnimada dadka Koonfur Galbeed, ka dibna laga wada qeyb galo dib u xorreeynta deegaa nnada Maamulka.

Ugu danbeyn Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa cid walba oo ay khuseyso arrintaan ka dalbaday inay kasoo qeyb galaan shirka, sidoo kalena ka codsaday hay’addaha ammaanka dowladda Federaalka Sooma aliya inay ka qaataan kaalintooda ku aadan shirka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Aadan Madoobe

Xasan: "Haddi aanay hagar jirin xiligaan Xarar dheere Al-Shabaab ma joogeen”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safar uu ku marayo furimaha dagaalka ee gobolla da dhexe ayaa Shalay maqribkii gaaray degmada Wi sil ee gobolka Mudug.

isil waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dha weeyey boqolaal shacab ah iyo ciidamo aad u hube ysan, waxayna ka mid ta hay Wisil magaalooyinka ay ku sugan yihiin ciidanka ugu badan ee loo diyaariyey inay Al-Shabaab ka xor eeyaan deegaanada ay ka joogaan Galmudug.

Madaxweynaha ayaa shacabka reer Wisil ku ama anay sida ay ugu diyaarsan yihiin xoreynta dalka, ka dib markii ay iyagu kol hore iska xoreeyeen kooxda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in awooda ciidan ee Wisil uu ku arkay aysan heysan Shabaab oo dhan ha dii la isku keeno, "Hadii aysan hagari jirin Xarardheere lama xoreyn weyn,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

"Wiilasha ciidanka ah waxaan leeyahay garaado, sha raf iyo karaamo Shabaab ayey naga jirtaa, waxaan ba llan qaadayaa inaan bilad geesi ah idiin xiro intiina mu teysata, hadii cadowga aad ka guuleysataan, Shalay diyaarad ciidan ayaan ku imid, xor ma nihin ee aan is xoreyno,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cii danka Wisil jooga kula dardaarmay in kulanka kan xi ga ay isugu tegi doonaan Xarardheere oo magaalo xeebeed muhiima u ah gobollada dhexe, taas oo abid ay Shabaab heystaan ee ah Xarardheere

Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga oo kulan muhiim ah ku yeeshay Villa Hargeysa

Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamula da gobolada ee golaha Shacabka Baarlamaanka Ja mhuuriyadda Federaalka Soom aaliya ayaa Shalay ku lan ku ye eshay Xarunta Villa Harg eysa. Kulanka wax aa shir guddoomi naayay ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku- xigeenka guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye, waxaana kulanka ujee dkisu uu ahaa isxog-wareysi ku saabsan shaqada guddiga, howlaha horyaallo iyo sidii loo dardar gelin lahaa.

Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa warbixin laga sii yay shirkii ka dhacay Magaalada Garoowe

Waare oo shaaciyey ‘hagartii’ FARMAAJO iyo 3-dhinac oo caqabad ku ah Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in sanadkii 2018-kii uu aas-aasay koox macawiisley ah oo Al-Sha baab kula dirirtay deegaanada HirShabeelle, isla mar kaana uu xiligaas kooxda ka xoreeyey deegaano badan.

Hase yeeshee Waare wuxuu sheegay in dowladdii xiligaas jirtay ee Farmaajo uu hoggaaminayey aysan rebin in lala daga alamo Al-Shabaab, taas oo Al-Shab aab u fududeysay inay ka adka adaan Macawiisleydii ka dagaalameysay HirShab eelle. "Dowlad ay ka go’ an tahay in Shabaab la iska xoreeyo ayaan weynay, ba lse hadda xaaladu sidii hore waa ka duwan tahay,” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Dowladda hadda jirta ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sheegay inay si buuxda uga go’antahay inay ka adkaato Al-Shabaab, laakiin weli ay jirto farsamo xumo weyn oo sababeysa in dagaalka aan guulo laga garin.

Waare oo wareysigaan siiyey Universal TV, wuxuu tilmaamay in dowladda Xasan Sheekh ay 3-jiho ka soo wajahayaan caqabado ku hor gudban dagaalka Al-Shabaab, kuwaas oo kala ah:

1 – Waxaa jira siyaasiyiin dantooda siyaasiga ah ee mustaqbalka ka dhex arka Xasan Sheekh oo dagaalka Al-Shabaab ku fashilma.

"Waxay siyaasiyiintaas taageerayaashooda ka dhaadhiciyeen Xasan Sheekh oo dagaalkaan ku fashil ma ayuu xalkeenu ku jiraa ee hadal, lacag iyo abaabul aan ku bixino, sidii loo fashilin lahaa dagaalkaan,” ayuu yiri Waare.

2 – Qolada kale waa ganacsato iyo odayaal weli ka cabsanaaya Al-Shabaab, "Markii ay fiiriyeen xaaladda, shaki ayaa ka galay in la guuleysa doono, waxayna weli ilaalinayaa hantidooda, oo dagaalkii ma gaarin me el ay dhiisradaan,” ayuu yiri.3 – Dad badan ayaa dhah aya Xasan Sheekh markii la doortay nama tix gelin oo tabasho ayaan qabnaa, "xilal ama taladii aan ku laha ayen dagaalka nalama weydiin dad dhahaya ayaa jira”

"Dadkaas waxaan leeyahay xiliyada colaada iyo ga ajadu jiraan Soomaalidu dhaqan uma laha is eedeynta noocaas ah, waxaa jira waqti aysan eedeyntu dadka qaban, marka gartiina waqtigeeda hala gaaro ee had dii Xasan qaldan yahay dadkiina iyo dalkiina u damqa da,” ayuu yiri Waare.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Waare ayaa sheeg ay in Xasan Sheekh looga baahan yahay qof kasta oo tabasho ka qaba maamulkiisa inuu raadiyo oo la fari isto, si qorshihiisu u guuleysto, caqabaduhuna ay uga yaraadaan."3-aad qodob ayaan u arkaa caqabadaha kalifaya in dagaalka Al-Shabaab uu horay u dhaqaaqi waayo,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare Madaxweyni hii hore ee maamulka HirShabeelle.

Midowga Yurub oo ka hadlay burburay mad aafiicda Ruushka u geysteen kaabayaasha tamarta ee Ukraine

Guddoomiyaha Midowga Yurub ee maaraynta xa saradaha ayaa sheegay in burburka kaabayaasha ta marta ee Ukraine uu gaaray heer aad u sarreeya. Had alka Janez Lenarsič ayaa daba socda weerarradii ugu dambee yay ee Ruushka.

Waxa uu ballan qaaday in uu kordhin doono dadaa llada lagu caawinayo Ukraine xilliga jiilaal ka.

MadaxweyneVolodymyr Zelens ky — oo doonaya dif aac wanaagsan oo dhan ka hawa da ah — ayaa ku eed eeyay Ruushka inay bur buriy een ilaha korontada iyo kulaylka.Mal ayiin reer Ukrain ah ayaa la dhibaate ysan kor onto la’aan, taa soo si doo kale carqaladeyneysa helid da biyaha.


Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Magaalada Baladweyne

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Md.Cali Gu udlaawe Xuseen iyo wafdi ballaaran oo uu hogaamin ayo ayaa Shalay si diiran loogu soo dhoweeyay Garo onka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee M/Beledweyne.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ka koobnaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga XFS iyo Xubno isugu jiray labada aqal ee BFS waxaa garoon ka Ugaas khaliif ee M/ Beledweyne kusoo dhoweeyay GB/D/Hirshabeelle Md.Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Ma xamed, Maamulka G/Hiiraan, Masuuliyiin iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Md Guudlaawe ayaa bogaadiyay howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ee ka socda deegaa nnada Hirshabeelle isagoo tilmaamay in khawaarijta looga adkaaday dhamaan deegaanadii lagula diriray, qeybaha kala duwan ee ciidamadana ay u diyaar yihiin xureynta deegaanada iyo degmooyinka ay wali ku dhu umaaleysanayaan kooxahaan cadowga ah.

QARAXYO ka dhici lahaa Muqdisho oo la fashiliyey

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa Shalay ku guuleystaan inay fashiliyaan qaraxyo lagu xiray gaari nooca raaxada ah, kaas oo uu lahaa muwaadin So omaaliyeed, sida uu shaaca ka qaaday afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray afhayeen Sad iiq Dooishe ayaa waxaa uu xaqiijiyey in laba miino ay ka fureen gaari Surf ah oo uu lahaa qof shacab ah, balse ma shaacin magaciisa.

"Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyay 2 miino oo lagu xidhay Gaadhi Surf ah, kaasi oo uu lah aa qof shacab ah,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Boo liska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wax waxyeelo aysan ka dhalan qaraxaan, islamarkaana uu nabad qa bo ninka iska lahaa gaariga qaraxa lagu xirau.

"Ciidanka Boliisku waxay ku guulaysteen inay fashili yaan dhagarta ay la damacsanaayeen Cadawgu inay ku waxyeeleeyyaan muwaadinkaas oo hada bad qa ba,” ayuu sii raaciyey.

Afhayeenka ma carab baabin goobta la dhigay gaa riga ay qaraxa ka fureen, marka laga reebo inay tahay M/Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda ay aa kordhiyey howlgallada ka socdo Muqdisho, si looga hortego weerarada qaraxyada ah iyo dilalka ka dhacay caasimada.

Qoorqoor oo lagu eedeeyay beegsiga beello gaar ah

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee maamulka iyo ma aliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Mahad Alle ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamul ka Galmudug in uu xaqiraad ku haayo qaar ka mid ah beellaha Galmu dug. Waxaa uu sheegay in Galmudug ays an ka qeyb qa adan dhammaan howlgalladii ka socday deegaanka Webxo ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Qoo rqoor in uu maalinwalba magacaabo degmo cusub oo ah kaliyah tuul ooyinka uu kasoo jeedo.

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir Ibr aahim Mahad Alle ayaa yiri ” Madaxweyne Qoorqoor Beesha Murusade ma aqoonsanaa, Tuulooyinkii uu ka soo jeeday ayuu degmooyin ka taxay”

Hadalka Guddoomiyaha ayaa yimid xilli madaxwey ne Qoorqoor lagu eedeeyay dhawaan in uu kala sooco beellaha Galmudug Qoorqoor.

Xuska Munaasabadda Maalinta Tirakoobka Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha DFSMd.Maxamuud Ca bdiraxmaan Sh. faarax (Beenebeene), ayaa Shalay magaalada Muqdisho uga qeyb-galay Xuska Mun aasabada Maalinta Tirakoobka Afrika oo lagu qabtay Hotel Decale.Munaasabadan oo ay soo qabanqaabi say Hey’adda Istaatistikada Qaranka, waxaa sanad ka an hal-kudhig looga dhigay "Xoojinta nidaamyada xo gta, iyadoo la casriyey naayo wax soo saarka iyo adeegsiga Tirakoob ka Beeraha”.

Wasiir Maxamuud oo Munaasabadda ka had lay, ayaa sheegay in ay Shalay oo kale macno weyn u leedahay Ummadda So omaliy eed, loona baahanyahay in la ogaado ahm iyadda ist aatistikada xogta oo door weyn ka qaadan karta in la daboolo baahiyaha dalka ka jira.

Wasiirku wuxuu bogaadiyay dadaallada ay same eyeen Hay’adda Istaatiskada Qaranka, sidoo kalana xusay in muddooyinkii dambe wax badan laga qabtay isticmaalka xogaha ee go’aan qaadashada, lana helay caddaymo ku salleysan, oo door weyn ka qaadan kara in la gaaro istaraatiijiyadaha horumarinta qaranka, SDGs iyo horumarinta Ganacsiga, Beeraha iyo maal gashiga dalka.

Wasiir Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa geba-gabadii sidoo kale carrabka ku dhuftay in Beeruhu ay yihiin wax soo saarka kaliya ee Soomaal iya, sidoo kalana ay ahmiyad weyn leedahay xogaha, si loo helo xog dhammaystiran oo laga go’aan qaadan karo Iyo in la gaaro Isku filnaasho cunto.

Waare "Haddii Cali Dheere hadalkiisa jileec ay dad ka ka dareemaan, jabka gaaray ayuu ka turjumaa”

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Maxam ed Cabdi Waare oo bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaankuba ka gaarayaan guluf ka maleeshiyada Al Shabaab looga saarayo deegaan ada Hirshabelle ayaa dhanka kale sheegay inay ka shaqayn doonaan, sidii dhallinyada la marin habaabiy ay ay noloshooda u badbaadin lahaa yeen.

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle ay aa sheegay in qof kasta oo garaad lihi uu garanayo inaanu xalka ku jirin in la laayo dhallinya rada ay marin habaa biyeen Shabaabku, cidda arrinta asi lagala hadlayana aanu ahayn Cali Maxamuud Ra age (Cali Dheere), Afh ayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab.

"Qof kastoo caqli leh waa ogsoon yahay, dhallinyara da Soomaaliyeed ee yaryar ee la khalday in la wada la ayo inuusan xalka ahayn, halkaasna kuma dhammaan doonto. Waxay ku dhamShalaya ayaguba waa dad Soomaaliyeed’e in la soo dhaqanceliyo, gudaha la soo geliyo, dib loo habeeyo, bulshadana lagu soo daro, la akiin meeshaas weli lama gaarin, ninka lagala hadlay ana Cali Dheere ma ahan.” Ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare oo Universaltv la hadlay.

Waxa uu sheegay in Cali Dheere uu yahay ninkii ku faanay dadkii faraha badnaa, ee ay Shabaabku ku laayeen Isgoyska Zoobe ee M/ Muqdisho. Sidoo kale waxaa uu sheegay, haddii dadka qaarkii ay dabacsan aan ka dareemaan Cali Dheere aanay ku imaan inuu ka tanaasulay fekerka khalafsan ee Shabaabnimada, balse ay ku timid jabka maleeshiyadiisa ka qabsaday dagaalka.

"Cali Dheere waa ninkii dadkii Zoobe ku dhintay Ilaah ay baan uga mahadcelinaynaa dhahaaye waaye. Ha ddii hadalkiisa hadda jileec ay dad ka dareemaana, jab ka gaaray lee uu ka turjumaa, ma ahanee niyad is be deshay, hidaayo u soo degtay, Ilaahay ayuu hadda u noqday iyo wixii uu samayn jiray ayuu ka towbad kee nay, midna ma ahan.” Ayuu yiri Waare.

Waare oo ku kalsoon in uu sii socon doono gulufka Shabaabka looga sifeynayo dalka ayaa yiri "Caliyow wi xii Ilaahay na kala siiyaa leedahay, laakiin ilmahaad na ga duleysay oo aad naga qaadatay, ood naga haleys ay, sidaan kaaga soo naqsan lahayn oo inta ugu yar ay nooga dhiman laheyd, annagaa na laga rabaa ina an ka shaqayno.”

SIMHA Oo Muqdisho Ku Qabatay Tababar Ku Saabsan Arrimaha Bani’aadamnimada Iyo Isbedelka

Dalladda Xarumaha Warbaahinnada Madaxabanna an ee Soomaaliya – SIMHA, ayaa qabanqaabisay tababar sare oo ay ka qaybgalayaan in ka badan 30 wer iye oo isugu jira tifaftirayaal iyo saxafiyiin xul ah. Tababarka oo la qorsheeyay in uu socdo seddex maa lmood oo ka billaabmaysa sabtida Shalay ah ayey suxufiyiintu ku heli doonaan; aqoon, aragti iyo faham gun dheer oo ku saabsan habka te binta sheekooyinka Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Isbedelka Cimilada oo ah dhib aatooyin isku xiriirsan oo ah halis adduunku ka digayo, Soomaaliyana la daalaadhaceyso natiijooy ink ka dha shay.

Kooxdan Saxafiyinta oo ka kooban ‘RAG iyo Dum ar’ ayaa gebi ahaanba ka halwgala caasimadda Soo maaliya ee Muqdisho. Ujeedka Tababarka

Xasan Cali Geeseey, guddoomiyaha Dalladda SIM HA ayaa seminaarka ku qeexay mid looga golleeyah ay u qareemidda dhibbaneyaasha iyo in suxufiyiinta ye eshaan awood ay ku shaandheeyaan hor-tebinnada qisooyinka qayb ahaan ka qarsoon warbaahinta ee arimaha bani’aadanimada

"Maadaama ay Soomaaliya mar walba u dhexeyso ‘daadad iyo abaaro’ oo ah laba aafo oo horseeda bur bur hantiyeed, barakac bulsho, baaba’a bii’o iyo xataa dhimashada qaybaha bulshada ee nugul, sida; dumar ka, carruurta iyo duqayda, ayaa waxaa ka muwaadin iin ahaan na danqinaya duruufaha iyo diifta haysata da dkeenna….labada musiibo -xilliyeed ayaa waxa ay khubar rada leeyihiin waxaa sababta ugu weyn leh bul shooyinka oo aan faham u haysan muhiimadda ay lee dahay ilaalinta deegaanka iyo yareynta khatarta Isbed elka Cimilada. Sidaas awgeed weriyeyaasha oo ah codka dheer ee gaaraya guud ahaan geyiga ayey Dall adda SIMHAgaratay in la siiyo tababar xirfad-kaab ah oo noociisu yahay markii ugu horreysay” ayuu yiri, Xa san Cali Geeseey.

Taageerada Tababarka

Hawlgalka QM ee Kaalmaynta Soomaaliya iyo Xafi iska Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha u Xil saaran Dowladda ayaa taabbageliyay Tababarka.

Xasan Cali Geeseey, G/SIMHA ayaa qab soomidda se minaarka uga mahadceliyay dhinacyada fududee yay.

"Haddii aan la helin taageerada taabbageliyeyaasha UNSOM iyo Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimo, ma aysan suuragasheen hirgelinta hawshan”

Mas’uuliyiinta Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee dowl adda u xilsaaran arrimaha abaaraha iyo gargaarka ay aa ka qaybgalay furitaanka ayaa bogaadiyay abaabul ka SIMHA.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ergayga Arr imaha Abaaraha u xilsaaran Soomaaliya oo ka hadlay ay seminaarka ayaa sheegay in ay filayaan in saxaaf adda qaadato doorkeeda shariifka ah ee ay ugu qare emayso nafaha badbaadada u baahan.

Ka-hor iyo Kadib Tababarka Kooxda tifaftirayaasha ah ee helay fursadda ka qaybgalka tababarka ayaa ku faraxsan inay wacaal u yeeshaan xaaladaha iyo xaqiiq ooyinka halista ku ah bulshadooda.

"Marki hore, ma haysan aragti fiican oo aan ku soi gudbin karnay duruufaha isdulsaaran ee dadkeenna la akin haatan waxa aan awoodnaa in meel sare gaarsii nno codadka kuwa jilicsan si adduunka iyo dadkeenna ba u ogaadaan xaaladda dhabta ah” ayuu yiri, Xasan Cali Geeseey, tifaftiraha Dalsan.

Xasan Cali Geeseey, oo ah tifaftiraha Danan ayaa sheegay in sheekooyinka arrimaha bani’aadamnimada aysan keliya ahayn u doodid dhibbaneyaasha’e balse sidoo kalena ay ka mid yihiin soo saaridda curiyeyaa sha dhibaatada.

"ma aha oo keliya in aan tebinno duruufaha dadka naf-badbaadinta u baahan laakin sidoo kalena waa in aan door ku yeelannaa joojinta dhibaatada, sida; duull aanka lagu hayo deegaanka” ayuu yiri, Xasan.

Tababarro kale G/Dalladda SIMHA, Md Xasan Cali Geeseey ayaa sheegay in tababarro kale ay dhowrka 7baad ee soo socda ku qaban doonaan afar magaalo oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ay na ka faa’iidaysan doonaa isu-geynta ku dhawaad 200 oo saxafi.

"Suxufiyiinta ku kala sugan dowlad goboleedyada oo dhan waxa aan ugu tegi doonnaa deegaamada ay ka hawlgalaan si aan u gaarno dalka oo dhan. Waxa aan rabnaa in aan u hirgelinno sida ugu dhaqsiyaha badan, si aan wadajir ugu badbaadinno nafaha’ ayuu yiri, Md. XasanCali Geeseey.

Maraykanka oo xiray Kornayl Yusuf Cabdi Cali (Tuke) oo loo haysto xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha

Sarkaal sare oo horey uga tirsanaan jiray XCDS oo lagu eedeeyay xad-gudubyo dhowr ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo loo geystay dad rayid ah oo Soomaaliyeed, sanadihii 1980-meeyadii, ayaa lagu xiray gobolka Virginia.

Kornayl Yuusuf Cabdi Cali, oo loo yaqaan "Tukeh,” ayaa loo hays taa dil ka baxsan sharciga, jirdil nax ariis darro ah, iyo xarig aan sabab lahayn, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday wa axda amniga gudaha ee dowladda Maraykanka.

Waaxda amniga gudaha ayaa sheegtay in Kornayl Tuke oo 69 jir ah uu ahaa Gaashaanle Sare oo ka tir san ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Guutada Shanaad ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya (Somaliland), intii u dhaxeysay qiyaastii May 1987 ilaa Luulyo 1988-kii ee dowladddii Maxamed Siyaad Barre.

Muddadaas, ciidamada Soomaaliya waxaa la sheegay inay geysteen xad-gudubyo badan oo ka dhan ah xuq uuqda aadanaha ee dadka rayidka ah, sida ay shee gtay dowladda Maraykanka.

"Iyadoo qabashada Yuusuf Cabdi Cali aysan soo celin karin dhibaatooyinkii uu geystay, haddana waxa an rajeynayaa inaan aragno isagoo ka jawaabaya kaa lintii muuqatay ee uu ku lahaa dambiyadaas foosha xun, ayuu yiri Derek W. Gordon, oo ah ku-simaha erg eyga gaarka ah ee hay’adda amniga G. Maraykanka.

Si kastaba, sarkaalkan ayaa sannadkii 2019 maxka madi horey ugu xukuntay in uu siiyo magdhow gaaray sa 500,000 oo dollor nin lagu magacaabo Farxan Max amuud Warfaa oo ahaa qofka sida tooska ah u daca waynayay Tuke.

Warfaa wuxuu sheegay inuu ahaa 17 jir waqtigii uu gabood falka uu u gaystay Tuke, kadib markii ay soo qabteen ciidamo uu xukumay, wuxuu sheegay in uu ka la kulmay ciqaab daran oo isugu jirtay jir dil iyo ciqaab loo adeegsaday liifka qoriga.

Xisbiga WADDANI oo mar kale ka hadlay khilaafka doorashada

Xisbiga mucaaradka Somalil and ee WADDANI, ay aa sheegay inanay xukuumada aqoonsanayn ilaa oo ay sharciga kusoo laabato, sida loo dhigay qoraal ka soo baxay xisbiga.

Si lamid ah hadalkii hogaanka xisbigu xukuumada kalsoonida ka gala noqday 13 November, xisbiga WADDANI, ayaa markale, sheeg ay aanu aqoonsanayn xukuumada Somaliland ilaa oo ay sharciga kusoo laabato.

"Muuse Biixi iyo dowladiisa uma aqoonsanin qaar sharci ah, oo ku sal leh qodobka 88aad faqradiisa 1a ad ee dastuurka, sii socoshada xukunkiisu shaqo ku ma laha sharciga, lakiin waa awood iyo macangagni mo, ilaa oo uu sharciga kusoo laabto oo heshiis siya asadeed la gaadho" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxa lagu sheegay in xisbigu madaxweyne Biixi u aqoonsanyahay madaxweyne hore "Muuse Biixi wax aanu u aqoonsanahay madaxweynihii hore, ama mad axweynihii hore oo aan haysan kalsoonida shacbiga, iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye".

Waxa qoraalka lagu sheegay in axsaabta mucaarad ku anay aqbali doonin doorasho kasta oo aan sharci yad salka ku hayn, isla markaana ay diyaar u yihiin wa da-hadalkasta oo xal lagaga gaadhayo khilaafka siy aasadeed. Waxa lagu sheegay in mucaaradku ay dad ka ogay siinayaa in wakhtigii madaxweynuhu uu dha maaday is la markaana madaxweynuhu uu jabiyay he shiiskii uu bulshada la galay.

Ugu danbayn ciidamada kala duwan ayuu xisbigu ku booriyay, in ay sharciga ilaaliyaan oo talaabo kasta oo ay qaadayaan sharciga u eegaan. Xisbiga ayaana soo bandhigay magacyada maxaabiis uu sheegay in ay ka xidhanyihiin.

Golaha Ammaanka oo kordhiyey muddada cuna qabateynta hubka Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada MidoobayImage caption: Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato dalka Soomaaliya.

Arrintani, ayaa waxaa si weyn uga hortimid dowladda Fedaraalla Soomaaliya, oo dalbatay in cunaqabateynta laga qaado, si ay uga guul gaarto dagaallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Qaraarkan ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay sii joogitaanka kooxda Daacish ee ku sugan Geeska Afrika.

Waxaa ansixiyey kow iyo toban dal oo u codeeyay in cuna qabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, iyadoo dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana ay ka maqnaayeen ansixinta qaraarkan.

Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabisay Gantaal Isaga Kala Gooshi Kara Qaaradaha

Kuuriyada Waqooyi ayaa ridday waxa ay dalalka der iska ah ku sheegeen in uu u muuqday gantaal isaga kala gooshi kara qaaradaha (ICBM), maalin kaddib markii ay ridday gantaal yar oo jawaab milatari u ah Mareykanka.

Wasiirka gaashaandhigga Japan Yasukazu Hamada ayaa sheegay in gantaalkaan uu ku safri karo masaafo dhan 15,000 km, taasoo siinaysa awoodda uu ku gaari karo dhulweynaha Mareykanka.

Gantaalkan tijaabada ah ayaa ku socday masaafo dhan 1,000 km , wuxuuna ku dhacay meel qiyaastii 200 km dhanka galbeed kaga beegan jasiiradda Oshima-Oshima ee waqooyiga gobolka Hokkaido, sida ay sheegeen saraakiisha Japan.

Wasaaradda difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale ku tilShalayy gantaalka mid macquul ah ICBM, kaas oo loogu talagalay in lagu qaado madax nukliyeer ah.

Dowladda Itoobiya Oo Ku Dhawaaqday Inay Billo wday In Koronto U Dhoofiso Dalka Kenya

toobiya ayaa sheegtay inay billowday inay koronto u dhoofiso Kenya, sida uu dhigayo heshiis 25 sano ah oo u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee Bariga Afrika.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Itoobiya horraantii sanadkan ay ku dhawaaqday inay bilowday inay koronto ka dhaliso mashruuca biyo xireenka weyn ee ay ka waddo webiga Niil.

Waaxda Korontada Itoobiya ee (EEP) ayaa sheegtay in khadka isku xira labada dal oo ay ku kacayso 500 milyan oo doolar uu awood u leeyahay inuu gudbiyo 2,000 megawatts, isla markaana uu soo saaro ilaa 100 milyan oo doolar sannadkii.

Hay’adda Shidaalka iyo Tamarta ee Kenya (EPRA) ayaa xaqiijisay inay Khamiistii bilowday inay koronto ka keensato dalka Itoobiya.

Itoobiya ayaa markii ugu horreysay biloowday inay koronto ka dhaliso biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam ee ku yaal webiga Blue Nile bishii Agoosto, waxayna bishii Ogosto ku dhawaaqday in marawaxadaha labaad ay bilaabeen inay soo saaraan koronto.

Itoobiya ayaa horeba Korontada uga iibinaysa Suud aan iyo Jabuuti, waxayna heshiisyo is-afgarad ah la sa xeexatay Koonfurta Suudaan, Tanzania iyo maamulka Somaliland, sida ay sheegtay waaxda korontada Itoobiya ee EEP.


DADKA OO LA SHEEGAY IN TOBAN SANO KA BACDI AY KU NOOLAAN KARAAN DAYAXA


Dayaxa

Bini'aadamku ayaa la sheegay in ku noolaan karaan dayaxa tobanka sano ee soo aaddan, sida sarkaal ka tirsan Nasa uu sheegay BBC.

Howard Hu, oo hogaaminaya barna amijka dayax gacmeed ka Ori on ee hay'adda, ayaa sheegay in loo baa han doono in la dego si loo taa geero hawlgallada sayniska.

Waxa uu Axaddii u sheegay Laura Kuens sberg in Arbac adii la soo bandhigay gantaalka Arte mis, oo siday Orion, ay ahayd "maalin taari ikhi u ah duulimaadka hawada sare ee bani'aadamka".

Orion waxay hadda u jirtaa dayaxa 134, 000km (83,300 mayl).

Gantaalka Artemis oo dhererkiisu dhan yahay 100 mitir ayaa laga soo tuuray xaru nta hawada sare ee Kennedy Space Center taasoo qeyb ka ah howlgalka Nasa ee ahaa in cirbixiyeenada dib loogu celiyo dayax gacmeedka dhulka.

Duulimaadka Arbacada waxa uu daba socday laba isku day oo hore oo la bilaabay bilihii Ogosto iyo Sebtembar kuwaas oo la, kaddib markii ay dhaceen cillado farsamo.

Mr Hu ayaa u sheegay Laura Kuenssberg in daawashada Artemis oo aadaya dayaxa ay tahay riyo la gaadhay

"Waa tillaabada ugu horreysay ee aan ku qaadeyno sahaminta hawada sare ee mud dada dheer qaadatay, ma ahan Mareykanka oo keliya balse caalamka oodhan"ayuu yiri. "Oo waxaan u maleynayaa inay tani tahay maalin taariikhi ah oo Nasa ah, laakiin sidoo kale waxay maalin taariikhi u tahay dhammaan dadka jecel duulimaadka hawada sare & sahaminta qoto dheer ee hawada sare. "Waxaan ula jeedaa, waxaan ku laabaneynaa dayaxa, waxaan ka shaqeyneynaa barnaamij waara, kani waa gaadiidkii qaadi doona dadka oo dib noogu soo celin doona Dayaxa mar kale."

Mr Hu waxa uu sharraxay in haddii duullimaadka hadda ee Artemis uu guulaysto ka xiga uu noqon doono mid ay la socdaan shaqaalaha, waxaana ku xiga saddex meelood meel ay cirbixiyeenadu mar kale ku soo degi doonaan dayaxa markii ugu horreysay tan iyo Apollo 1750 sano ka hor December 1972. Hawlgalka hadda socda wuxuu u soc day si wanaagsan, ayuu u sheegay BBC, iyadoo dhammaan nidaamyada ay shaqeyn ayaan, kooxda howlgalkana ay isku diyaarinayeen toogashada xigta ee mishiinnada Orion's.

Mr Hu waxa uu qirtay in daawashada hawlgalkaas siiba qof jooga dhulka u uku sugan yahay oo kale sidii waalid u werwersan ubadkiisii, laakiin waxa uu sheegay in la arkay sawirada iyo fiidyowyada ka soo laabanaya Orion "runtii waxa ay na siinaysaa farxad iyo dareen, ‘ isaga oo sii raaciyey ‘waxa aynu dib ugu laabanaynaa Dayaxa’

Qayb weyn oo ka mid ah sababta dib loogu noqonayo Dayaxa waa in la ogaado in ay biyo ku jiraan cirifka koonfureed ee dayaxa, ayuu raaciyay.

"Waxaanu dadka u rari doonnaa dusha sare waxayna ku noolaan doonaan dushaas oo lagu soo hormarin doonaa culuumta aadamuhu ku foogan yahay" Mr Hu ayaa yidhi. "Runtii aad ayay muhiim noogu noqon doontaa inaan wax yar ka barano wareegga dhulkeena ka dibna aan sameyno tallaabo weyn marka aan tagno Mars.Dayac gacmeedka maqan ee Orion ayaa la rejaynayaa in uu kusoo laabto dhulka 11ka Disembar.XIGASHO:-BBC



MAXAA KA JIRA IN ASKRTA RUUSHKA LA LAAYAY KA DIB MARKII AY ISA SOO DHIIBEEN?


Askarta la laayay

XIGASHADA SAWIRKA,TWITTER

Muuqaal laga soo duubay jiidda hore ee bariga Ukraine ayaa muujinaya sida ay isku soo dhiibeen koox askar ah waxaana halkaasi ka dhacay dha cdo u muuqato mid soo afjaraysa noloshooda.

Ruushka ayaa ka fal celiyay muuq aalkan, isagoo ku eedeeyay Ukr aine inay dil toogasho ah ku fulinayso maxaabiis Ruush ah, taasoo noqon doonta dembi dagaal. Ukraine ayaan weli ka jawaabin eedeymaha loo soo jeediyay.

BBC-du uma aysan suurogalin in ay xaqiijiso sheeg ash ada Ruushka ee la xiriirta muuqaalka, laakiin waanu dar aasadaynay muuqaalada, anagoo isku daynay in aanu isku soo uruurino wixii dhacay.

Digniin: Warbintan waxaa ku jira sawirro laga yaabo in dadka qaar ay dhibsadaan.

Dhacdadan ayaa dhacday Sabtidii ama ka hor Sabtidii 12-kii Noofambar waxayna ka dhacday Makiyivka, oo ah tuulo ku taal jiidda hore ee gobolka Luhansk.

Muuqaalo lagu soo duub ay diyaa radaha aan duuliyaha lahayn ayaa soo baxay galinkii dambe ee maalin taas iyo Axadii kaas oo ay baahiyeen baraha taageera Uk raine. Muqaalada ayaa muujinayay meydadka tiro askar ah oo ku labisan dareeska askarta oo dhulka daadsan.

Qayb ka mid ah muuqaalka muuqaaladaan ayaa sidoo kale waxaa ku jiray muuqaal la soo dhigtay online-ka was aaradda difaaca ee Ukraine kaas oo ku saabsanaa haw lgallada milatari ee ka dhacay aagga Makiyivka.

Baraha bulshada qaarkood ayaa sheegaya in hoobiye ku soo dhacay uu sababay dhimashadooda. Laakiin waxa warkaasi gaashaanka u daruuray warbaahinta taageerta Ruushka oo sheegaya in askarta ay toogteen ciidan ka tirsan guutada 80-aad ee weerarrada cirka ee Ukraine.

Kadib,17-kii Nofembar muuqaalo kale ayaa soo baxay, markan waxaa duubay qof goobta jooga, waxaana laga dhex maqlayay qeylo dad ku hadlaya luuqada Ukraine oo oranaya "qof kasta oo ku dhuumaaleysanaya halkan waa inuu soo baxo.

Ka dib waxaa la arkayay askar mid mid u soo baxaysa oo dhulka jiifanaya.

Muuqaalka ayaa waxaa sidoo kale laga dheehan karay in afduubayaashu ay ku hadlayeen luqadda Ukraine, halka dareeska maxaabiista ay u muuqday kan ay xirtaan askarta Ruushka. Wasaaradda difaaca ee Ruushka iyo warbaahinta ayaa sidoo kale sheegtay in maxaabiistu ay yihiin askarta Ruushka.

Muuqaalka ayaa markaa ka dib mu ujinayay nin ku labisan dhar m adow oo soo baxaya. Qof u muuq do in uu hubaysan yahay ayaa ras aas ku furaya marka uu hore u socdaba. Ma awoodno inaan ka xaqiijino in ninku yahay Ruush ama reer Ukraine iyo qofka uu rasaasta ku furayo.

Kaamirada ayaa ka dib meesha ka baxaysa iyadoo dha waqa rasaasta la maqlayo. Fiidiyowgu wuxuu ku dhamm aanayaa isagoon waxba laga arkayn.

Muuqaalka (lagu soo qaaday diyaa radda aan duuliyaha lahayn) iyo muu qaalka laga duubay goobta ayaa u muuqda kuwo isku mid ah.

Labada muuqaalada ayaa waxaa laga arki karaa irridda laga soo galo gooobta ay dhacada ka dhacday inuu yaallo gaari casaan ah kaas oo u muuqda inuu hal gaari yahay.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa cambaareysay waxa dhacay oo ay ku tilShalayy "dil ula kac ah" oo mad axa laga toogtay in ka badan 10 askari oo Ruush ah oo aan wax dhaqdhaqaaq sameyn. Wa saaradda ayaa sidoo kale sheegtay in aysan ahayn "markiii ugu horre eyay oo dembiga dagaal galaan" cii damada Ukraine.

In la dilo ama la dhaawaco dagaalyahan hubka dhigay oo isa soo dhiibay waa dambi dag aal.

Ruushka ayaa lagu eedee yay dambiyo dagaal oo dhowr ah, oo ay ku jiraan dad rayid ah oo lagu dilay Bucha - oo aan sidoo kale baaritaan ku sameynay.

Is-dhiibida iyo is-dhaafsiga maxaabiista dagaa lka ayaa qodob muhiim ah u noqday dagaalkan socday ku dh awaad ​​sagaalka bilood.


KIM JONG-UN OO SOO BANDHIGAY GABADHIISA LOO MALEYNAYO INAY ISAGA BADDALI DOONTO


Kim Jong un iyo gabadhiisa

XIGASHADA SAWIRKA,KCNA VIA REUTERS

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa markii ugu horeysay goob fagaare ah kala soo muuqday gabadhiisa yar, isagoo xaqiijiyay warar in muddo ah la isla dhex marayay oo ku saabsan jiritaankeeda.

Gabadhan oo la rumeysan yahay in lagu magacaabo Kim Chu-ae, ayaa ku biirtay kormeerka gantaalka ballist ic-ga ee isaga kala goosha qaaradaha oo Jimcihii la tij aabiyay.

Kim iyo gabadhiisa ayaa gacmaha is qabsaday intii ay socotay tijaabada, taas oo uu Mareykanka cambaa reeyay.

Mr Kim ayaa hogaamiya mid ka mid ah dowladaha u gu sirta badan caalamka, waxaana aad u yar inta laga ogyahay noloshiisa gaarka ah.

Sawirro dhowr ah ayaa waxaa daabacday wakaaladda wararka ee Kuuriyada Waqooyi ee KCNA, kuwaas oo muujinayay gabadha iyo aabaheed oo gacmaha is-ha ysta oo wada shakeeneysanaya, marna mas’uuliyiin la hadlaya,.Waxay daawanayeen tijaabada gantaallada oo laga soo ridayay meel sare.

XIGASHADA SAWIRKA,KCNA VIA REUTERS

Muuqaalka la soo bandhigay ee gabadha Kim ee Chu-ae waa mid muhiim ah, ayuu yiri Michael Madden, oo ah khabiir ku takhasusay Kuuriya Waqooyiga kaas oo ka so cda Xarunta Stimson ee Washington.

Mr Kim - oo ah jiilka sadde xaad ee qoyskiisa ee hogaaminaya Kuuriyada Waqooyi - ayaa addunka u iyo dadka caanka ah ee dalkiisa u muujinayay in uu weli si adag u haysto awoodda, ayuu Mr Madden u sheegay BBC-da.

Waxa uu sheegay in ay tusaale u noqon karto dariiqa in sababta uu Mr Kim u soo bandhigay gabdhiisa ay tahay inuu muujiyo inay noqoneyso " jiilka afraad ee awoodda dalka qaban doono".

Madden waxa uu sheegay in uu rumaysan yahay in Chu-ae ay da'deedu u dhaxayso 12 ilaa 13 jir, taas oo la macno ah in ku dhawaad ​​afar ilaa shan sano gudahood ay isu diyaarinayso in ay jaamacad gasho ama ay gasho shaqo ciidan.

Bishii Sebtembar, khubaro badan oo dhanka kuuriyada waqooyi ah ayaa sheegay in Chu-ae lagu soo bandhigay goobta dabaaldega Maalinta Qaranka ee dalka. Laakiin tani waxay ahayd mala-awaal, hoggaanka Kuuriyada Waqooyina ma xaqiijin inay dhab ahaantii tahay inanta hoggaamiyaha.

Markii ugu horeysay ee Chu-ae jiritaankiisa la sheego waxay ahayd 2013, ka dib markii xiddigii Kubadda Kol eyga Mareykanka ee ka fariistay Dennis Rodman uu saf ar muran badan dhaliyay ku tagay Kuuriyada Waqo oyi.

Mr Rodman waxa uu sheegay in uu wakhti la qaatay qoyska Mr Kim, isaga oo ku nasanaya badda, "uu qabtay inantooda Chu-ae”.

Khubarada ayaa rumeysan in Mr Kim uu leeyahay ilaa saddex carruur ah - laba gabdhood iyo wiil, iyadoo Chu-ae ay tahay ilmaha ugu ugu da'da weyn.

Laakin hogaamiyuhu aad ayuu ugu qarsoonaa qoyskiisa - xitaa xaaskiisa Ri Sol-ju waa la qarinayay ilaa muddo ka dib markii ay is guursadeen lamaanaha.

XIGASHO:-BBC


BOGGA CIYAARAHAWAA KEE XULKA KU GUULAYSAN DOONA KOOBKA ADDUUNKA? KHABIIRRADA SAADAASHA KA BIXIYEENYEEN


Koobka Adduunka ayaa ka bilaabanaya garoonka Al Khor's Al-Bayt Stadium maalinta Axadda wuxuuna ku dha maan doonaa garoonka Lusail Iconic ee magaalada Doha 18ka December.

32 kooxood ayaa ku tartami do ona tartanka, waxaana la ciy aari doonaa 64 kulan 28 maalmood gudahood, oo ay ku jiraan Qatar oo martigelineysa, France oo heysata koobka iyo xulka shanta jeer ku guuleystay Brazil.

Weriyayaasha waaweyn ee BBC qaybteeda ciyaaraha iyuo khabiirro kale ayaa saadaaliyey dalka ay u fili doonaan in uu afar toddobaad ka bacdo noqon ku guula ysta Koobka Adduunka.

Haddaba yaa loo saadaalinayaa?

Alan Shearer: Argentina. Waxa ay noqon doontaa waxa ay haysataa waddo fiican oo uu horkacayo Lionel Messi, ciyaaryahanka ugu fiican adduunka. Waxay u noqon lahayd xilli uu si gaar ah u xasuusto. Messi, oo malahayga ah ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee aan aragno, waxa had iyo jeer lagu kala duwaa isaga iyo Diego Maradona ayaa ah inuusan waligiis ku guuleysan Koobka Adduunka. Haddii uu midkan ku guulaysan lahaa, taasi waxay noqon lahayd dhammaadka dooddaas – Sheeko macaan oo kubadda cagta u hadhana way ku dabnbayn lahayd. Micah Richards: Brazil. Waan fahamsanahay sababta ay u jirto guux ku saabsan Argentina, laakiin tani waa waqtigii Neymar uu muuqan lahaa. Waxa uu dhaliyay sideed gool isreebreebka,waxana uuna qaab ciyaareedkiisa u qaaday heer sare xilli ciyaareedkan. Waxaa garbaha ka saaran culeyska qarankiisa, waana inuu la tacaalaa waxa ay Brazil ka rajeyneyso, laakiin wuxuu noqon doonaa xiddiga bandhigga.

Chris Sutton: France ayaa ah kooxda difaacanaysa waxaana lagu doodi karaa inay heleen weerarka ugu fiican ee Karim Benzema oo markan wata Ballon d’Or, Kylian Mbappe iyo Ousmane Dembele, xitaa Antoine Griezmann. Haa, waxa ay dhaawacyo ka soo gaadheen khadka dhexe, laakiin waxa ay heleen laba xiddig oo da’yar oo kala ah Aurelien Tchouameni ah iyo Eduardo Camavinga oo Real Madrid uga ciyaarayey si fiican. Marka aad eegto France oo ciyaaraysa koobabka aduunka, waxaa laga laba mid uun in ay jab dhigaan ama in ay iyagu jabaan! Waxaan leeyahay markan iyagaa wax jabin doona. Haddii ay sameeyaan, sidii ay ku sameeyeen Ruushka, maxaa diidaya?.

Karen Bardsley: Taariikh ahaan, waxay u egtahay in kooxda shabaqooda difaacata ee laga dhaliyay goolasha ugu yar ay fure u tahay ku guuleysiga Koobka Adduunka. Hadaba waa kuwee kooxda haysata difaaca ugu adag, isla markaana leh goolhaye wanaagsan? Kadibna sidoo kale awooddooda ay ku maareeyaan waqtiyada tartanka iyo sida ay u soo uruurin doonaan dardargelinta wareega ugu horreeya ayaa Iyana qiimayn u baahan. Labadayda ugu sareysa waa Brazil iyo Argentina - waxaana dhihi lahaa Brazil ayaa guuleysan doonta sababtoo ah waxay si buuxda u haystaan boos kasta ciyaartoy fiican, dhanka kalena waxa ay haystaan difaac wanaagsan, na kuwa ugu xoogan ee aan arko.

Rio Ferdinand: Brazil waxa ay haysataa koox isu dham maystiran oo khibrad leh, sida ka muuqatana waa koox wa ku guulaysan kara.

Rob Green: Waxa ay haystaan da’yar leh hibo xirfad heer sarraysa, sida ka muuqatana ah kuwo guulaysan kara.

Danny Gabbidon: Waxaan jeclahay Faransiiska. Guud ahaan, waa koox aad isugu dheelli tiran oo dhanka hore ku haysata ciyaartoy tayo leh, dhibka ugu weyn ee tababare Didier Deschamps ayaa ah inuu helo nidaamka ugu fiican oo uu ku go’aansan karo ciyaartooyda xulkiisa ku bilaaban doonta.

Jurgen Klinsmann: Argentina, xoogga weyn ee wadaa waa Messi. Dhammaan taageerayaasha kubbadda cagta way ogyihiin xaaladdiisa iyo sida ay tani u noqon doonto waqtigiisii haddii uu doonayo inuu ku guuleysto koobkiisii ugu horreeyay ee adduunka isagoo 35 jir ah. Isaguna wuu ogyahay taas, iyo sidoo kale kooxdiisuba - sidaas darteed waxay sameyn doonaan wax kasta oo suurtagal ah si ay u helaan koobkaas. Brazil, si kastaba ha ahaatee, waxay heshay tayo aad u badan oo boos kasta. Waa koox aan in badan daawaday labadii sano ee la soo dhaafay, aad ayaanan ula dhacay – waxay u imaanayaan Qatar si ay ugu guuleystaan Koobka Adduunka, waxaana aaminsanahay inay ku guuleysan doonaan.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip