Daawo Xasan: "Haddi aanay hagar jirin xiligaan Xarardheere Al-Shabaab ma joogeen"

0
Saturday November 19, 2022 - 21:19:24 in Wararka by
  • Visits: 269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Xasan: "Haddi aanay hagar jirin xiligaan Xarardheere Al-Shabaab ma joogeen"

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safar uu ku marayo furimaha dagaalka ee gobollada dhexe ayaa galabta maqribkii gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Wisil waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyey boqolaal shacab ah iyo ciidamo aad u hubeysan, waxayna ka mid tahay Wisil magaalooyinka ay ku sugan yihiin ciidanka ugu badan ee loo diyaariyey inay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaanada ay ka joogaan Galmudug.

Madaxweynaha ayaa shacabka reer Wisil ku amaanay sida ay ugu diyaarsan yihiin xoreynta dalka, kadib markii ay iyagu kol hore iska xoreeyeen kooxda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in awooda ciidan ee Wisil uu ku arkay aysan heysan Shabaab oo dhan hadii la isku keeno, "Hadii aysan hagari jirin Xarardheere lama xoreyn weyn,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

"Wiilasha ciidanka ah waxaan leeyahay garaado, sharaf iyo karaamo Shabaab ayey naga jirtaa, waxaan balan qaadayaa inaan bilad geesi ah idiin xiro intiina muteysata, hadii cadowga aad ka guuleysataan, maanta diyaarad ciidan ayaan ku imid, xor ma nihin ee aan is xoreyno,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidanka Wisil jooga kula dardaarmay in kulanka kan xiga ay isugu tegi doonaan Xarardheere oo magaalo xeebeed muhiima u ah gobollada dhexe, taas oo abid ay Shabaab heystaan.

Caasimada Online


Hoos ka daawo


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip