HALKAAN KA AKHRISO :-WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 19-KA NOVEMBAR 2022-KA

0
Saturday November 19, 2022 - 08:07:09 in Wararka by
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO :-WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 19-KA NOVEMBAR 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiy eeyay Geerida Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariis tee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Max amuud oo Habeen hore ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Madaxweynaha oo xus ay doorkii muuqday ee Garaad Saleebaan uu ka soo qaatay dib u he shiisiinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaali ya ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey Isimada iyo hoggaanka dhaqanka dowlad Goboleedka Puntland geerida ku timid Marxuumka oo ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ee laf-dhabarka u ahaa aasaaska dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle u ga baryay in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, qoysk iisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geer iyoodeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

RW Xamse " Dalku wuxuu ka soo baxayaa xaaladdii loo yaqiin ‘dowlad fashilantay”

Ra’iisul Wasaaraha XFS Md.Xamse Cabdi Barre, oo Dorraad furay shirka hannaanka wadashaqeynta ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ban giga Adduunka, ayaa caddeeyay in dalku uu ka soo gu dbay dhibaatooyin badan haddana hiigsanayo horumar.

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa kulanka ku soo bandhigtay siyaas adda ku aadaandib u habeynta hay’addaha dowladda si loo gaaro hiigsiga cusub ee na badda, degenaanshaha iyo dimuqraadiyadda ku asteysan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay xoogga saartay dib-u-heshiisiinta, xasilinta iyo xaqiijinta dib-u-habeynta, ayna horumarisay hab-raacyo sharci oo casri ah, qaab-dhismeed dowladeed, hannaan maamul maaliyadeed, dib-u-qaabeyn hay’ado muhiim ah, sidoo kalana la meel mariyay isbeddel siy aasadeed oo loo dhan yahay, laguna heshiiyay qorshe lagu mideynayo taageerada caalamiga, iyadoo lagu sal eynayo arrimaha mudnaanta u leh dalka.

"Soomaaliya waxay Dorraad taagan tahay marxalad kalaguur ah oo taariikhdeeda ku suntan. Dalkuna wuxuu ka soo baxayaa xaaladdii loo yaqiin ‘dowlad fashilantay’ oo dagaallo sokeeyey hareeyeen, wuxuuna hiigsanayaa waa cusub oo nabad, degenaansho iyo dimuqraadiyad ku asteysan, kaas oo diyaar u ah in uu soo jiito maa lgashi ballaaran”

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidaa ka sheegay furi taanka shirka Ra’iisul Wasaaraha ayaa Bangiga Add uunka uga mahad celiyay taageerada hagar la’aaneed ee gaar ahaan geeddi-socodka dhammeysirka deyn cafi nta oo sabab u ahaa fududeynta iyo taabbagelinta isbe ddelka .

Md. Xamse ayaa caddeeyay in lixda tiir ee mudnaan ta u leh barnaamijka siyaasadeed ee xukuumadda Dan-Qaran uu mudnaan gaar ah siinayo Xoreynta deegaan nada iyo qaab-dhismeedka amniga, caddaaladda iyo ga rsoor madax-bannaan, Soomaali heshiis ah, kobaca dhaqaalaha, horumarinta arrimaha bulshada, iyo heli taanka Soomaali dunida heshiis la ah.

Muxuu Xasan kala hadlay guddoonka barl amaana da DF iyo dowlad-goboleedyada?

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Habeen hore kulan la qaatay guddoonnada baarlamaanada heer federaal iyo heer dowlad-gobole ed, oo ayagu dhawaan Muqdisho u yimid furitaanka kal fadhigii 2-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS.

Madaxweynaha ayaa guddoonka baarlamaanka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed kala hadlay arrimaha hortabinta u leh iyo dagaalka socda ee ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Waxa uu madaxweynuhu ku adkeeyay guddoonka inay xoojiyaan wada-shaqeynta dhexdooda ah, wada-ji rna uga shaqeeyaan dowlad-dhiska dalka, si loo gaaro Soomaali Heshiis ah oo Dunidana Heshiis la ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in sha cabka Soomaaliyeed ay sugayaan qabyo-tirka dastu urka iyo dhameystirka shuruucda xoojinaysa dowladn Imada, isagoo tilmaamay doorka xoogan ee baarlam aa nada heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ay ku lee yihiin xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argag ixisada Al-Shabaab.

Ugu dambeyntiina waxay guddoonka baarlamaana da heer federaal iyo heer dowlad-goboleed uga ma had-celiyeen madax weyn aha kulankaan, iyagoo soo dhaweeyey inay sii joo gtee yaan, si loo xoojiyo wadashaqeynta iyo xasilloonida siy aasadeed ee dalka.

Kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Salaad Samatar, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoonnada Baarla maannada Dowlad-goboleedyada dalka.

Danjire Tarsan oo qaabilay Safiirka Marey kanka u joogga dalka

Safiirka Somaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Danjire Maxamuud Axmeed Nuur Tarsan ayaa qaabilay Safiirka Marey kanka ee dalka, Danjire Larry André.

Kulankooda ayay kaga wada ha dleen iskaashiga labada dowla dood iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisa da.

Danjire Tarsan ayaa Danjire An dré kaga mahadceliyay garab istaagga Dowladda Mar eykanka ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Mareykanka ayaa Villa Somalia ka taageera tababarada ciidamada, amniga iyo dagaalka ay Dowladda Federaal ka kula jirto maleeshiyada Al Shabaab.

Mareykanka waa dalka ugu horreya ee duqaymaha dhanka cirka ku bartilmaameedsada maleeshiyada Al Shabaab iyo horjoogayaashooda.

Waare oo sheegay in aysan xal aheyn in la laayo dhallinyarada Al-Shabaab

Madaxweyihii hore ee maamulka HirShabeelle Max amed Cabdi Waare ayaa sheegay in xalku uusan jirin in la laayo dhalinyarada ay qaldeen hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, balse Soomaalida laga rabo inay xal u he sho sidii loo badbaadi lahaa tirade ugu badan ee dhal inyara daas.

Madaxweyne Waare oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa shee gay in dagaalka Al-Shabaab uusan ku dhamaa doonin in la laayo dhal inyarada ka tirsan kooxdaas.

Wuxuu saadaaliyey inay suurta geli doonto, in la soo badbaadiyo inta badan dhalinyaradaas oo dhaqan celin loo samey doono, halka hoggaamiyeyaashii qalday la dhaleyn doono, sida uu sheegay.

Si gaar ah Waare wuxuu carabka ku dhuftay Cali Dheere oo ah Afhayeenka Al-Shabaab, isagoo ugu goo diyey in Cali Dheere uusan ku baxsa doonin dunuubtii uu ka galay dadka Soomaaliyeed.

"Qof kasta oo caqli leh wuxuu fahmayaa dhalinyara da la qalday in la wada laayo in aysan ku dhamaa doon in oo xal aysan aheyn, waxay ku dhamaa doontaa in lasoo dhaqan celiyo oo bulshada lagu soo daro,” ayuu yiri Waare.Madaxweynihii hore ee HirShabeelle wuxuu wareysigaan ku sheegay in hoggaamiyeyaasha kooxda aan lagala tasha doonin sidii loo badbaadi lahaa dhaliny arada Al-Shabaab u dagaalameysa, balse xalku uu im aan doono markii la laayo amiirrada.

"Hadii hadalka Cali Dheere jileec laga dareemay jab ka gaaray ayuu ka turjumayaa, laakiin Cali naxariis uma heyno, wixii nakala gaara ayuu leeyahay,” ayuu hadal kiisa ku sii daray.

Madaxweyne Waare ayaa ugu dambeyntii wareysiga qeybtaan ku sheegay, in dowladda looga baahan yahay inay ka fikirto sidii dhalinyarada Al-Shabaab inta ugu ba dan loo badbaadin lahaa, iyadoo aan wax isxaan ah aan loo sameyn horjoogayaasha.

Janeraal Tareedisho oo Risaala u faah faahi yay degaannada lala wareegay

Janeraal Axmed Maxamed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa Risaala u sheegay in ciidanka xoogga Shalay ay sinabadgelyo ah gudaha u galeen deegaanka Cad-Cadeey kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in howlgallada ay siwadajir ah u sii wadi doonaan Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka guud aha an dalkana laga saari doono Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Janeraal Tareedisho waxaa uu sheeg ay in looga baahan yahay Shacabka Soomaaliyeed in qof walba uu u kaco sidii uu ula dagaa lami lahaay Al-Shabaab.

Halkan ka Daawada Wareysiga Janeraalka

Ra’iisul Wasaare Xamse "Dariiqada Suufiy ada In Loo Soo Ordi Doono Wey Iska Cad deyd”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soo maaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa Shalay ka qeyb ga lay munaasabad lagu xusayey (AUN) Sheekh Cabdulq aadir Jaylaani oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Caalamka Islaamka ee qaybta weyn ka qaatay fidinta Diinta Islaamka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka had lay munaasabadda ay aa sheegay in cullimada Soomaaliyeed gaar ahaan dari iqada Suufiyada ay ta hay in ay door muhiim ah ka ciya araan la dagaallanka waxa loogu yeero fikirka Khawaari jta sidii horeyba loogu yiqiin.

"Dariiqada in loo soo ordi doono wey iska caddeyd, waxaase ilahey mahaddii ah in xilli fiican la fahmay in ay tahay midda kaliya ee nabadda iyo diinta saxda ah ag taallo, taasina waa iska caddeyd,” ayuu yiri RW Xamse.

Munaasabadda oo ka dhacday Tiyaatartka Qaranka, ayna dhigeen Culimada Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa lagu casuumay oo kasoo qeyb galay Ra’iisul Wa saare Xamse Barre, Wasiiro, Xildhibaano, Culimada Ahl usunna iyo Xer isaga kala timid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Jubaland Oo Dil Toogasho Ku Fulisay Askar Hore Dil U Geysatay.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubaland ayaa Dorraad xukun dil ah ku fulisay labo dambiile oo ho re si ula kac u gaystay dil.

Gacan ku dhiigle Yuusuf Cabdille Ismaaciil oo hore dil ugu gaystay marxuum Cabdicasiis Axmed Iimaan iyo gacan ku dhiigle Cabdi Xasan Isaaq oo oo hore si bar eer ah u dilay Axmed Xuseen Cismaan ayey maxkamad du Dorraad goob joog u ahayd fulinta xukunkii dilka ahaa oo looga qisaasayay dilkii ay hore u gaysteen.

Gacan ku dhiiglayaashan sida bareerka ah u dilay muwaadiniinta ayaa ahaa dabley ka kala tirsanaa ciida mada qalabka sida ee Jubaland iyo ciidamada xoogga Dalka.

Xeer ilaaliya maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubaland Gaashaanle dhexe Mowliid Axmed Yaasiin oo toogashada kadib warbaahinta lahadl ay ayaa she egay in dil ka labadan qof uu iya gana daawo u yahay umaddana ay ku kala nabad galeyso, waxaa uuna sidoo kale carrabka ku adkeeyay in qof wal ba oo dil bareer ah gaysto sida ay diinta islaamka iyo xe erarka dalka u yaalan qabaan in lagu oofin doono qisa asta jariimada u gaystay si buu yiri ay umaddu u kala na bad gasho dilka sharci darrada ahna uu ooga yaraa do.Jubaland oo dil toogasho ku fulisay askar hore dil u geysatay.

Midowga Yurub Oo Ka Hadlay Burbur Ay Ma daafiicda Ruushka U Geysteen Ukraine

Guddoomiyaha Midowga Yurub ee maaraynta xa sa radaha ayaa sheegay in burburka kaabay

aasha tamarta ee Ukraine uu gaaray he er aad u sarreeya. Hadalka Janez Lena rsič ayaa daba socda weerarradii ugu da mbeeyay ee Ruushka.

Waxa uu ballan qaaday in uu kordhin do ono dadaallada lagu caawinayo Ukraine xilliga jiilaalka.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky — oo doonaya dif aac wanaagsan oo dhanka hawada ah — ayaa ku eed eeyay Ruushka inay burburiyeen ilaha korontada iyo kulaylka.

Malaayiin reer Ukrain ah ayaa la dhibaateysan kor onto la’aan, taasoo sidoo kale carqaladeyneysa helidda biyaha.


Hakad ku yimid kacdoonkii dalka looga xore ynayey Al-Shabaab – Maxaa isbedelay?

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in gebi ahaan uu istaagay duullaankii lagu qaaday ma leeshiyada Al-Shabaab ee ka socday gobollada dhexe ee Soomaaliya. Marka laga reebo dhowr tuullo oo aad u yar oo ciidamada ay qabsade en dagaal la’aan maalmihii, wa xaa isataagay dagaalladii xoog ganaa ee Al-Shabaab looga xo reyn lahaa dalka, ayada oo aan la garaneyn sababta.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si doo kale dib uga baxay degaanno kala duwan oo laga qabsaday kooxaha Al-Shabaab, oo uu ugu dambeeyey deegaanka muhiimka ah ee Wabxo ee dhowr maalmood ka hor ay ciidamada faarujiyeen.

Saraakiisha qaarkood ayaa laga soo xigtay in Taliya ha Ciidamada Xoogga dalka uu bixiyay amarka dib loo ga baxay degaannadii laga saaray kooxaha Al-Shaba ab, inkasta oo aan si rasmi ah loo caddeyn karin taas.

Fallanqeeyayaal amni oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in arrintan ay ugu wacan tahay xeelad la’ aan dhanka dowladda ah iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqda mid aan muhiimad weyn siineyn dagaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay aheyd inuu dag aalka hoggaamiyo, islamarkaana dhiiri-geliyo shacabka iyo ciidanka dowladda, ayaa waqtigiisa ugu badan ku bi xinaya safaro dibadeed oo badankood aan wax macno iyo dan ah ugu jirin Soomaaliya.

Inkasta oo safarrada qaar loo qiil dayi karo sida kii ugu dambeeyey ee Eritrea, haddana Xasan Sheekh wux uu galayaa kuwa kale oo macno-darro ah, sidii shirkii ci milada ee magaalada Sharma Al-Shaikh ee dalka Mas ar, oo wasiirada dowladda ay ku filnaayeen

Madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa horey u sheegay in xoogag ka tirsan dow a dda federaalka iyo kuwo dibedda ka jooga ay iska kaashanayaan fashilinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.Xigasho:-Caasimadda.Net

Dowladda Soomaaliya Oo Masar Ka Dalba tay Maraa kiib Kaluumeysi.

Wasiirka Wasaaradda Kallumaysiga iyo khayraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ah med Hassan Adan ayaa magaalada Qaahira ee da lka Masar kula kulmay mudane Sayed Alqasiir oo ah wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Kallumaysi ga Dowladda Masar.

Wasiirka Beeraha Masar Mudane AlQassir oo soo dhoweeyay kulankan ayaa sheegay in Masar iyo Soomaaliya ay walaalo yihiin islamarkaana ay dowladda Masar waajib ku tahay in ay garab istaagaan walaalaho oda.

Waxa uu intaa ku daray in Soom aaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, Masarna ay diyaar u tahay inay xoojiso xiriirka labada dal qayb weyna ka qa adato dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, isaga oo sheegay in Masar ku deeqayso deeqo waxbarasho iyo tababaro u gaar ah cilmiga badaha iyo kallumeysiga, tab abaro badmaaxiin iwm.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda X FS Md. Ahmed Hassan Aden ayaa uga mahadceliyay dhigg iisa dalka Masar soo dhoweynta wanaagsan ee uu u sameeyay waxaana uu ka sheekeeyey cilaaqaadka taar iikhiga ah labada dal isagoo xusay inuu yahay mid soo jireen ah muhiimna ay tahay in wadajir looga shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal.

Wasiir Ahmed ayaa dhigiisa Masar ka dalbaday in d owladda Masar ay kala shaqayso dowladda Soomaaliya sidii loo horumarin lahaa Kallumaysiga dalka, loo heli la haa Maraakiib Kallumaysi, tababaro kor loog qaadayo ta yada kalluumeysatada, iyo meelaha kallunka lagu diyaar iyo si logo iib geeyo Masar Iyo duniga intiisa kale.

Wasiir Ahmed ayaa u sheegay dhigiisa dalka Masar in dowladda Soomaliyeed danaynayso in ganacsatada Soomaaliyeed loo furo suuqa Masar si ay ugu soo iib geeyaan kalluunka Soomaaliya iyo in laga wada shaqe eyo sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka kalluun ka iyadoo laga faa’iideysanayo khibradda iyo aqoonta Masaaridu u leeyihiim Kalluumeysiga isaga oo ka codsa day in Maraakiib Kallumeysi maadaama Masar ka mid tahay waddamada sameeya maraakiibta taasoo qayb ka qaadanaysa qorshaha Qaran ee kobcinta dhaqaalaha dalka. Ugu danbayn labada wasiir waxay ka wada hadle en sidii loo samayn lahaa shirkad wadaag kalluumeysi (j oint ventor) iyagoo ku heshiiyay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo sameeyo guddi farsamo oo labada dal ah, si ay u soo diyaariyaan dhinacyada la iska kaashan doo no.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeen ka Wasaarada beeraha Masar Iyo danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Masar

Danjire Abuukar Baalle "Cunaqabateyntan gacmaha ayay naga xireysa xilligii ugu ad kaa ee aan dagaalka kula jirno cadowga"

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u co deeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soom aaliya, iyadoo arintaasi ay si weyn uga hortimid dowlad da Fedaraalla Soomaaliya oo dalbatay in cunaqabateyn ta laga qaado si ay uga guul gaarto dagaalada ka dhan ka ah kooxda Al-shabaab.

Qaraarkan lagu ansixiyay cunaqabat eynta hubka in ey sii saarnaato Soomaaliya wax aa u codeeyay 11 wa dan, hayeeshee dalalka Ruushka, Shiinaha, Gabon iyo Ghana aya ka maqnaa ansixinta qaraarkan.

Danjiraha Soomaaliya ee Q/Midoob ay Abuukar Cismaan, Abuukar Baalle ayaa sheegay in ey si weyn uga xun tahay dowladda Soomaaliya in la ko rdhiyo cunaqabateynta hubka ee saaran oo uu sheegay iney tahay midi ugu dheereed, isagoona sheegay in qar aarkani uu caqabad ku noqonayo dib u dhiska ciidam ada Soomaaliya si looga hortago kooxda Al-Shabaab.

"Cunaqabateyntan gacmaha ayay naga xireysa xill igii ugu adkaa ee aan dagaalka kula jirno cadowga arx an laaweyaasha ah, Cadaalad darrada iyo laba wejiila nimadan waxay ka hor istaageysaa dowladda Soomaali ya inay si sharci ah u hesho qalab millatari, si ay dib ugu dhisto ciidamadeeda qaranka” sidaas waxaa u sheegay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Danjire Abuuk ar Cusmaan Baalle.

Gabagabdii dowladda Soomaaliya ayaa rajo weyn ka qabtay in laga qaadi doono cunaqabateynta hubka saaran, iyadoo taageero ka heleysay Midowga Afrika, waxaana qaraarkaan uu sidoo kale kusoo beegmaya, xili dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay inta badan gobola da dalka ay ciidamada dowladda Soomaaliya kula daga alameyeen kooxda Al-shabaab oo kasoo horjeeda jirit aanka dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya oo saxiixday baaqa caalamiga ah ee xakamaynta hubka qarxa in lagu isticmaalo goobaha dadweynaha.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caala miga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Abshir Cumar Huruuse ayaa saxiixay baaqa caalamiga ah ee xakamaynta hubka qarxa in lagu isticmaalo gooba ha dadweynuhu joogaan.

Baaqan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee heer caalami ah ayaa looga golleeyahay in lagu ilaaliyo dadka rayidka xilliyada colaadaha oo dhibaatooyin bad ani ka soo gaaraan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalam iga ah ee XFS Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa khu dbad faahfaahinaysa mawqifka Soomaaliya ee ilaalinta dadka rayidka ah ka jeediyay shirka, wuxuuna caddeey ay wasiirku in dowladda Soomaaliya muhiimadda koob aad siinayso dadkeeda iyadoo xilli adag oo dagaal lagu jiro.

Wasiirka ayaa tusaale usoo qaa tay in sharciyada caalamiga ah ee xil liga dagaalka ka hor Soomaalidu la hayd Xeerka Birima-gaydada oo ahaa mid ilaaliya dadka nugul iyo kuwa rayidka ah een daga alka ku jirin, isagoo caddeeyay in kooxaha xagjirka ahi ku tunteen sharci kasta oo dadka maatada ah ilaalin ayay.

Wasiir Abshir Cumar Huruuse ayaa shirweynaha ka sheegay in sharcigan caalamiga ahi uusan qabanayn ko oxaha Argagixisada oo kelli ah balse sidoo kale uu qaba nayo Ciidamada dowladda iyo saaxiibada ajinebiga ah ee nabad ilaalinta iyo tababarka u jooga Soomaaliya oo xilliyada qaar magaalooyinka dhexdooda dabrid ka sa meeya.

Soomaaliya iyo 18 wadan oo Afrikan ah ayaa sanad kii 2017 saxiixay baaq kan oo kale ah laakiin ku eg qaa radda Afrika

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga oo soo dhow eeyay gabar Soomaaliyeed oo xubin ka ah baarlamaanka Gobolka Maine ee dalka Mareykanka

Maamulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turk iga ayaa Dorraad xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Deeqa Cabdi Dhalac oo kamid ah xildhibaanada gob olka Maine ee dalka Mareykanka

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga Jamac Ceydiid iyo Madaxa Qubsulka Suleymaan kaar she,ayaa soo dhoweyntaasi kadib munaasabad qado sharaf ah u sameeyay Deeqa Dhalac oo sidoo kale ah duqa magaaladda South Portland ee gobolka Maine ee dalka Mareykanka.

Xafladdaasi oo ka dhacday xarunta safaaradda ee Magaalada Ankara,waxaa la isku dhaafsaday hadallo warbixin ah oo khuseeyay howsha safaaradda iyo guud ahaan arrimo la xiriiray dalka.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo Dorraad la wareegay deegaanka Cadcad eey ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo garabsanaya ciidanka deegaanka ayaa Dorraad Al-shabaab kala wareegay gacan ku heynta deegaanka Cadcadeey oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhe xe.

Ciidamada is garabsanaya ayaa deegaanka Cadcadeey kula wareegay si nabadgalyo ah, kadib markii ay isaga baxeen ciidamadii Shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi dhowrkii sano ee la soo dhaa fay.

Jenaraal Axmed Maxamed Calasoow Tareedishe oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamada Dorraad la wareegay deegaanka Cadcadeey ayaa warb aahinta u sheegay in ciidanka ay si nabad ah Shalay oo Khamiis ah ku gaareen deegaanka Cadcadeey ee gobolka Shabeel laha Dhexe.

Jenaraalka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada ciidanka ay kula dagaalamayaan Al-shabaab uu sii socon doono, islamarkaana ciidanka ay deegaankaan uga sii gudbi doonaan deegaanada ka le oo ay Shabaabka ku sugan yihiin oo ay ka mid tahay Runnirgood.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dib u furay so dusgiyada ku yaallay degaanadii laga saaray Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qorshe yneyso in ay dib u furto Iskuullada ku yaalla degaanadii dhawaan laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheikh Cabdulqaadir ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay waddo qorshe waxbarasho lagu geynayo goobaha ay la waree geen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya oo ay taageerayaan maleeshiyo beel eedyo deegaanka ah ayaa Al-Shabaab ka saaray magaalooyin iyo tuulooyin ku yaalla bartamaha Soomaaliya tan iyo bishii Ogosto.

"Shacabka Soomaaliyeed waxay u kaceen inay taageeraan dowladdooda, dhul baaxad leh ayaa la xoreeyay, Dugsiyadii baan dib u furaynaa, manh ajkiina halkaas ayaannu geyn doonnaa, macalimiinna waan u diri doonnaa,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada oo wareysi uu siiyay VOA-da.

Waxa uu sheegay in dowladdu ay horay agab Iskuul ugu dirtay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo xudun u ahaa duulaanka ka dhanka ah kooxda Alsha baab.

Balanqaadka wasiirka ee ah in dib loo soo noole eyo waxbarashada goobaha lagala wareegay Al-Shabaab, ayaa ku soo beegmay ku dhawaad saddex to ddobaad kadib markii laba qarax oo xiriir ah Al-Shabaab ay la beegsatay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya halkaas oo ay ku dhinteen 121 qof, in ka badan 330 kalena ay ku dhaawacmeen.


Dowladda Jabuuti oo qaaday tallaabo ka dhan ah IRAN kadib go’aanka Mareykanka

Hay’adda Jabuuti u qaabilsan diiwaan-gelinta mar aakiibta caalamiga ah ayaa hakisay calanka afar mar kab oo kuwa shidaalka qaada ah, oo lala xiriiriyey Iran ka dib markii ay xayiraad oo kusoo rogtay dowladda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa ma raakiibtan ku eedeysay inay fud udeeyeen ganacsiga saliidda ca yriin ee ururka Xizbullah iyo cii damada Qudus ee Iran.

Waaxda Maaliyadda Maraykanka ayaa horraantii Nov ember waxay cunaqabatayn kusoo rogtay shirkado, dad iyo maraakiib badan oo lagu eedeeyay inay qariyeen asalka shixnado ka yimid Iran kadibna ay u dhoofiyeen meelo ka mid ah caalamka.

Maraakiibta kala ah; Bueno, B Luminosa, Bluefins iyo Boceanica ayaa laga hakiyey Diiwaanka Maraakiibta Caalamiga ah ee Jabuuti kadib xayiraadda Mareykanka.

Washington ayaa weli wa dda cunaqabatayno ballaaran oo saaran Tehran, waxa ayna raadineysaa habab ay ku kordhiso cadaadiska saaran, ayada oo uu istaagay isku daygii dib loogu soo noolayn lahaa heshiiska Nukliyeerka Iran ee 2015.

Maraakiibta aan lahayn calan waddan ama caymis ayaa waxaa mamnuuc ah inay isaga gudbaan dekedaha caalamiga ah.

Inta badan maraakiibta ay xayirtay Jabuuti ayaa ku sugan biyaha dalka Venezuela, halkaas oo shirkadda sa liidda ee dawladda Venezuela ee PDVSA u adeegsato inay saliidda iyo shidaalka u kala gudbiyaan dekedaha gudaha dalkaas, sida ku cad dokumenti ay heshay wak aaladda wararka Reuters.

Jabuuti ayaa xiriirka diblomaasi u jartay Iran bishii Ja naayo 2016 kadib markii dibad-baxayaal ay ku ku xoo mmeen safaaradda Sacuudi Carabiya ee magaalada Tehran.

Xisbiga Jamhuuriga oo ku guuleystay aqlab iyadda Aqalka Wakiillada Mareykanka

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay aqlabiyadda Aqalka Congress-ka Maraykanka Arbacadii, taas oo de jinaysa laba sano oo dowladda Mareykanka ay kala qay bsanaan doonto, iyada oo xisbiga Dimuqraadiga ee Ma daxweyne Joe Biden uu gacanta ku hayo aqalka Senetk

Guushan waxay siinaysaa Jamhuuriga awood ay ku xak ameeyaan ajendaha madaxweyne Biden, iyo sidoo kale inay bilaabaan baaritaanno waxyeello siyaasadeed u ke eni kara maamulkiisa iyo qoyskiisa, in kasta oo ay aad uga hoosayso guushani mowjadihii xisbiga Jamhuuriga ee la saadaaliyay.

Jamhuuriga ayaa ku guulaystay 218 kursi oo ay u ba ahnaayeen si ay u xakameeyaan Aqalka. Guusha xisb iga Jamhuuriga ee degmada 27-aad ee Koongareeska California ayaa u fududeysay inay la wareegaan aql ibiyadda golaha wakiillada.

Hoggaamiyaha golaha wakiillada ee xisbigan, Kevin Mc Carthy, ayaa laga yaabaa inay sugayaan caqabado adag, maadaama uu u baahan doono guddigiisa joogt ada ah si uu isugu keeno codadka muhiimka ah, oo ay ku jiraan miisaaniyadda dowladda iyo militariga xilli ma daxweynihii hore Donald Trump uu dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne.

"Dadka Maraykanku waxay diyaar u yihiin jiho cus ub, Aqalka Jamhuuriguna waxay diyaar u yihiin wax qab ad,” ayuu McCarthy kusoo qoray Twitter-kiisa.

Guuldaradan ayaa meesha ka saaraysaa qaar ka mid ah awooda Biden ee Washington laakiin Arbacadii Bid en ayaa u hambalyeeyay McCarthy oo uu sheegay inay wada shaqeyn doonaan.

Afhayeenka xilligan ee Koongreska Nancy Pelosi ay aa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Dimuqraadiyi inta golaha wakiillada "ay sii wadi doonaan inay door hoggaamineed ka ciyaaraan taageerida ajendaha Mad axweyne Biden – iyagoo awood xooggan ku leh aqlab iyadda tirada yar ee Jamhuuriga.” Reuters, VOA

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la jooji yay shaqaale xoogsato ah in dalka laga dhoofin karo

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la joojiyey Shaqaale ama xoogsato Soomaaliyeed in la qori karo ama dalka laga dhoofin karo.

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa sidoo kale sheegtay, dha mmaaan ruqsadihii iyo shati yadii horey wasaaradda Shaqadu u bixisey ee la sii yay shirkadaha shaqosiinta dibedda, in la baabi'iyey oo aysan jirin wax lagu dho ofin karo haatan.

Go'aanka lagu joojiyay shaqaaleysiinta xoogsatada ayaa lagu sheegay, kadib markii wasaaraddu aragtay in ay hay’ado si joogto ah oo sharci darro ah dalka uga dhoofiyaan shaqaale Soomaaliyeed, iyadoo aan war la ga haynin, oo aan wax heshiis ah lala gelin.

Waxay kaloo wasaaraddu sheegtay inay jiraan tacaddi yo iyo xadgudubyo lagula kaco shaqaalaha loo dhoo fiyo dalka dibbadiisa, arrintaas oo ay sheegtay inay ku soo wargaliyeen qoysaskooda.

Hadal-hayn ku saabsan gabar Soomaali ah iyo qaraxii Istanbul

Qarixii Axaddii ka dhacay aagga Istiklal Street ee ma gaalada Istanbul, ee dalka Turkiga ayaa waxaa ku dhin tay dad gaaraya 6 qof tiro intaa ka badana way ku dha awacantay.

Wixii markaas ka dambeyay waxaabara ha bulshada ku faafayay warar been ab uur ah oo laga sameeyay dhacd aas. Maa lmo kadib markii qaraxu dhacay haw ee nay Sooma ali ah ayaa iska soo duub tay muuqaal ku saabsan weerarkaaska asi oo lagu baahi yay barta TikTok.

Muuqaalka gabadhan Soomaalida ah ayaa sidoo ka le lagu faafiyay qaybaha kala duwan ee baraha bulsha da sida Facebook iyo Telegram, iyadoo sheegaysa in qo fka lagu tuhmayo weerarka ay walaalo yihiin.

Sidoo kale gabadha Soomaalida ah ayaa muuqaalka ku sheegtay in haweenayda loo haysto qaraxa aaney da mbi lahayn, hadalkaas oo wax kama jiraan ah, sida war arku sheegayaan.

Haweenaydan ayaan ku muujin muuqaalka in ay wax xiriir ah la leedahay qofka eedaysanaha ah, balse waxay shaki galisay in haweenaydu ay boolisku u soo qabteen weerarka ay ku lug leedahay dhacadaas.

Haweenaydan Soomaalida ah ayaa ku boorisay Soo maalida iyo ajaaniibta kale ee ku sugan Turkiga inay ta xadaraan.

"Fadlan is jira. Dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo ajaanibka ku nool halkan waa in ay ka digtoonaadaan sababtoo ah booliska ayaa hadda u dhacaya guryaha dadka ajaanibka ah ee dalka ku nool, isla markaana ururinaya dhammaan ajaaniibta aan waxba Shalaysan,” ayay ku tiri muuqaalka.

In kastoo muuqaalka uu ka saaray TikTok qofkii soo galiyay, haddana, baraha kale ee bulshada ayuu aad ugu baahay. Dadka isticmaala baraha bulshada iyo war baahinta ayaana siyaabo kala duwan uga faallooday.

Booliska Turkiga oo shaaciyay xogta gabadhii qarxisay Istanbul

Saraakiisha booliiska dalka Turkiga, ayaa shaaciyay xog ku saabsan qarixii Axaddii la soo dhaafay ka dhac ay Turkiga. Waxay sheegeen in la qabtay dad lagu tuh mayo in falkaas ay ka dambeyeen.

Sida laga soo xigtay maamulka Turkiga, waxaa dad kaan la soo qabtay kadib markii la baaray 1200 kaamir adaha wax duuba ah kuwaas oo laga helay xogta sida uu u dhacay weerarku.

Waxaana loo xiray dhacadaan 46 qof oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaayen.Su’aalo la weeydiiyay shaqsiyaad kan kadib ayaa waxaa lagu dhawaaqay haweenayda lo oga shakisan yahay weerarka oo ah Axlam Albashir una dhalatay dalka Suuriya, taasoo lagu qabtay magaalada Küçükçekmece.

Sawirrada howlgalkan dadka lagu qabqabtay ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay saraakiisha Booliska.

Maamulka ayaa shaaciyay in Albashir ay amarka ay ku fulisay weerarka ay soo qaadatay iyadoo joogta magaa lada Kobani (Caynu-Carab) ee waqooyiga Suuriya, ka dibna ay Turkiga si sharci darro ah ku soo gashay 4 bil ood ka hor, iyadoo aadday magaalada Istanbul, halkaas oo ay ka shaqeysay midka id ah goobaha dharka lagu talo.

Warka laga soo saaray qarixii dhacay ayaa lagu she egay in haweenaydan ay ku fadhiistay mid ka mid ah ku raas taallay, halka qaraxu ka dhacay mudd 40 daqiiqo ah. Boorso ayay kaga tagtay halkii ay fariisatay daqi iqa do yar kadibna waxaa dhacay qaraxa, iyadoo in cab baar ah ka sii maqan goobta.

Warku wuxuu intaa ku darayaa marka ay goobta ka tagtay inay aadday Esenler, iyadoo gaari u raacday Kü çükçekmece.

Agaasinka Amniga Istanbul, ayaa sheegay in hawee naydan lagu tuhmayo in ay ka dambey say weerarkii Ax addii dhacay ay Waddada Isti klal ee Taksim Square, gashay iyadoo dhabarka ku wadata boorso, ayna ku fariisatay kursi yaa lla halka wax ka dhaceen.

Kaamiradda ayaa laga arkay muuqaalkeeda. Intii ay su’aalaha weydiinayeen saraakiisha booliisku waxay sheegeen in Albashir ay sheegtay in si gaar ah ay taba barro u siiyeen ururada PKK/PYD/YPG, iyadoo si sharci darro ahna ku soo gashay dalka Turkiga oo ay ka soo gashay gobolka Afrin.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Turkiga, ayaa si doo kale lagu sheegay in haweenaydan ka hor inta aan la soo qaban ay isku diyaarineysay in ay u baxsato dal ka Giriigga.

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa la kulmay nin dukaan ku leh halka haweenaydan ay ku nooleed isla markaana ay ka shaqeyn jirtay, kaas oo lagu magacaabo Kazım Karabeki.Isaga oo la hadlayay waraabhinta Demirören, wuxuu yiri; "deegaanka ayay ku nooleed muddo hal sa no ah. Waxayna ka shaqeyn jirtay feeraynta dhark a(kaawadeynta), ".

Dukaanle kale ayaa sheegay in markii ugu dambeys ay ee uu arko hawenaydan ay la socotay ilmo yar.

Waddada Istiklal, oo ah waddo muhiim u ah isu-socodka dadka oo weerarkii dib la xiray ayaa hadda dib loogu fu ray dadweynaha.Dowlada hoose ayaa goobta ku mid abeysay calanka Turkiga, iyadoo sidoo kale dhigtay uba xyo.

Booliska ayaa sheegay in tallaabo laga qaadayo bacaha iyo boorsooyinka lala galo fagaaraha ay wax ka dhaceen.

Goobtan ayaa ah goob ay inta badan tagaan dadka dalxiisayaasha ah, waxaana hadda wixii ka dambeeya la baari doonaa sida boolisku sheegeen dadka halkaa la galaya alaabaha shakiga dhalin kara.Isha: BBC Somali

Golaha Wasiirada Galmudug Oo Dorraad 5 Degaan U Ansixiyay Inay Noqdaan Degmooyin

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Maamulka oo ka qabsoomay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulkaas.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud, iyadoo warbixin laga dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga Galmudug iyo howlgaladii u danbeeyay ee Al-shabaab looga saaray deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dhinaca kale, Wasaaradaha Arrimaha

Gudaha, Federaalka iyo Dib uheshiisiinta Galmudug ay aa Golaha hor keentayhindise sharciyeed lagu dagm eynayo deegano ay wasaaradu ku sameysay daraasad, soona buuxiyay shuruudaha degmanimo oo kala ah

1- Dhabad, 2- Galinsoor, 3-Bandiiradley, 4- Afbarwaaqo

5- Ceelguula. Dood iyo falanqeyn dheer kadib, Golaha Wasiirada ayaa cod u qaaday ansaxinta degmooyinka kor ku xusan, iyadoo lagu ansixiyay cod aqlabiyad oo gacan taag ah.

Puntland oo gacanta ku digtay Kalluumeys ato Ajnabi ah iyo doomo ay wateen

Kadib howlgal ay sameeyeen Ciidanka badda dow lad Goboleedka Puntland ee loo soo gaabiyo (PMPF ) ayaa waxaa la sheegay inay ku qabteen doonyo ay lee yihiin ajaanib si sharci-darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Puntl and.war kasoo baxay Taliska Ciid amada Badda Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalkan u sigaar ah uga dhacay Xeebaha ma gaalada Caluula ee gobolka Puntland ula baxday Gard afuul, isla markaana lagu qab tay doomo si sharci darro ah u kalluumeysanayay.

"Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF ay aa degmada Caluula ka fuliyey hawlgallo qorshaysan oo lagu soo qabtay Ajaaniib iyo Kalluumaysato sharcidaro ku Kalluumaysanaayey” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Taliska Ciidamada Badda Puntland wux uu sheegay inay hayaan Raggii Ajaanibta ahaa ee wa tay doomaha sida sharci darrada ah u kalluumeysanay ay dhawaana ay soo bandhigi doonaan.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Ciidanka badda dow lad Goboleedka Puntland waxaa howlgallo ay sameeye en ku qabteen Ajaanib si sharci darro ah u kalluumey sa nayay, kuwaas oo qaarkood Puntand ay xukun ku rid ay.

TPLF oo sheegtay inaysan hubka dhigayn ilaa Eritar iya ay ka baxayso gobolka Tigray

Afhayeenka TPLF Getachow Reda ayaa mar uu Wa rbaahinta la hadlayay waxa uu sheegay in daga alya hannadoodu aysan hubka dhigi doonin ilaa Ciid amada Eritariya iyo kuwa degaanka Axmaaradu ka bax aan dhulka Tigray.

Afhayeenka ayaa sidoo ka le sheegay in Ciidamada Eri tariya ay xadgudubyo dagaal ka gaysteen go bolka Tigray in tii uu socday dagaal kii u dhaxeeyay TP LF iyo dowla dda Itoobiya, isala mar kaana ay haboon ta hay in lala xis aa btamo Eritariya waa siduu hadalka u dhigay Afhaye enka TPLF.

TPLF iyo Eritariya ayaa muddooyin badan waxaa ka dhaxeeyay colaad aad u dheerayd, siiba xilligii ay TPLF majaraha u haysay hoggaanka dalka Itoobiya, wa khtigaa oo dagaalkii u dheeraa uu labada dhinac ku dhex maray dhinaca xuduudda Itoobiya iyo Eritariya.

Intii uu isbaddalku ka dhacay dalka Itoobiya Abiyi Axm ed ayaa heshiis la galay dowladda Eritariya, intaa wixii ka dambeeyay waxaa dagaal uu ka dhex qarxay TPLF iyo dowladda Itoobiya oo gacan ka helaysa Ciidamada Eritariya oo markii horeba colaad adag ka dhaxaysay TPLF.

Eritariya aad ugama hadlin heshiiska ay dhawaan gaareen dowladda Itoobiya iyo TPLF, waana midda sha kiga weyn galisay TPLF oo markan go'aansatay inaysan hubka dhigin ilaa Eritariya ay ka baxayso dhulka Tigray, waxaa xusid mudan intii uu dagaalku socday Eritariya ayaa qabsatay dhul ku yaal gobolka Tigray oo Eritariya ay ku doodayso inay iyadu leedahay, sidoo kale Ciida mada gobolka Axmaarada ayaa iyaguna Tigray dhul ka qabsaday ay iyaguna ku doodayaan inay iyagu leeyihiin dhulkan.Isu soo duuboo dowladda Itoobiya waxay dhan keeda sheegaysaa in arrinta Eritariya dib laga xallin do ono, balse marka hore xuduudda dhinaca Eritariya la ga yn doono Ciidamada Faderalka Itoobiya si ay u su gaan amniga aaggaas.

Lama garan karo siduu xaalku noqonayo iyadoo heshiis kii kaddib ay TPLF kee ntay arrin kale oo ah inaysan hubka dhigaynin ilaa Ciidamada kala duwan ee Eritariya iyo kuwa Axmaaradu ka baxayaan guud ahaan dhulka Tigray.

Canada oo sabab yaab leh u masaafurineysa boqola al qof oo Soomaali ah (Warbixin)

Dowladda Canada ayaa bilowday qorshaha ay ku masaafurineyso ku dhawaad 400 oo dhalinyaro Soo maali ah, kuwaasi oo dalkaas ku galay Ba asaboorada waddamada deriska la ah Soomaaliya.

Canada ayaa shaki galisay Soomaalinimada dhalinyar taas maadama ay ku galeen baasaboorka wadamo ka le, sidaas darteedna ay ku qasb an tahay inay masaafu riso oo dib ugu celiso wadamadii ay ku socdaaleen Baa saboorkooda.Dhalinyaradaan laga buuxiyay diiwaanka dowladda u ogolaanaya inay tarxiisho ayaa waxay shee geen inay dowladda Canada ka dalbatay inay cad eey aan Sooma alinimad ooda, maa da maBaa sa boorka ay wataan uu tilmaam ayo dhala sho ahaan dal alka deri ska.

"In muddo ah ayaa dadaallad aan soo wadnay wax aa dhalinyar ada la marsiinayaa nida amkii dib dalkooda loogu celin lahaa, dha mmaan waa is ku kiis oo 400 Dha linyaro weeye, waxa ay kusoo saf reen Baasaboorka waddamada deriska ma adaama dal ka uu galay dagaal sokeeye, da’doodu wa xay u dhaxeysaa 20 illaa 30 sano, waxa ay galeen isla hadal maskaxeed iyaga oo dhaqaa tiirtooda u tagay si ay u qaataan dawooyin,” ayuu yiri Cabdullaahi Muuse oo kamid ah dhalinyaradaas.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay jaaliyada Soomaaliy eed ee Canada iyo mas’uuliyiinta xilalka dowladda ka ha ya inay u istaagaan sidii ay uga hortagi lahaayeen in la masaafuriyo dhalinyarada oo dhamaan isku kiis ah.

"Dhalinyaradaan talo ayaa faraha ka baxday oo wa xa ay keliya rejo ka qabaan ilaahay xaggiisa iyo in ay wax u qabtaan dad badan oo Soomaali ah oo dalkaan xi lal ka haya, waxaa lagu heystaa Soomaali ma tihiin, qa ar naga mid ah ayaa wata Baasaboor iyo Dukumiintiyo Soomaali ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqd ay qorshaha ay dib ugu celineyso dhalinyaradaan Soo maalida ah ee dalkeeda ku galay Baasaboorka wadam ada deriska la ah Soomaaliya, ayada oo ku doodeysa in qorshaha soo gelistooda uu markii hore qaldamay sid aas darteedna ay masaafurinayso

Dowladda Mareykanka oo badbaadisay Bin Salmaan

Dowladda Mareykanka ayaa Khamiistii ku talisay in dha xal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu ka reeban yahay in lagu furo dacwado sharci oo la xiriira dilkii 2018 ee weriye Jamaal Khaashuqji, sida ku cad warqado maxkam adeed.

Maxamed bin Salmaan ayaa bishii September loo mag acaabay ra’iisul wasaare, taasi oo dhalisay tuhuno ku saabsan inuu isku dayayo inuu ka bax sado dacwado looga furo maxkamado dibadeed – oo uu ku jiro kiis madani ah oo ay dalka Mareykanka ka furtay Hatice Cengiz, gacalisadii Jamaal Khaashuqji.

Dilka Khaashuqji oo afar sano kahor ka dhacay qun suliyadda Sacuudiga ee Istanbul ayaa Maxamed bin Sa lma an si ku-meel gaar ah uga dhigay mid laga go’doomiyey dalalka Reer Galbeedka.

Qareenadiisa ayaa horey ugu dooday "inuu halka ugu sarreysa ka joogo dowladda Sacuudiga,” sidaas darteedna uu haysto xasaanadda ay Maxkamadaha Mareykanka siiy aan madaxda dalalka ama saraakiisha haya xilalka sare.

Dowladda Mareykanka ayaa haystay illaa Khamiistii Dorraad si ay u caddeyso fikirkeeda ku aadan arrintan. Talo soo-jee dinteeda ma ahan mid ay Maxkamadda ku qasban tahay.

"Dowladda Maraykanka waxa ay si xushmad leh ugu warg elinaysaa Maxkamadda in eedaysane Maxamed Bin Sal maan, ra’iisal wasaaraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, uu yahay madaxa dawladda ee xilka haya, sidaas darte edna uu xasaanad ka haysto in dacwad lagu furo,” ayaa la gu yiri qoraalka uu maamulka Biden u gudbiyey Maxkam adda Federaalka ee degamada Washington DC.

Hase yeeshee qoraalka ayaa intaas ku daray "Waaxda Arrimaha Dibedda wax aragti ah kama bixineyso sax aha anshaha dacwadda, waxayna ku celineysaa cambaareynte eda aan gambashada lahayn ee dilkii foosha xumaa ee Jamaal Khaashuqji.”

Talo soo-jeedinta ayaa ka caraysiisay Cengiz iyo qaar ka mid ah taageerayaasha dacwaddee da, oo uu ku jiro ur urka Dumuquraadiyada Dunida Carabta ee Hadda (DAWN), oo ah urur aan dowli aheyn oo uu aas-aasay Kha ashuqji. "Jamaal mar kale ayuu Dorraad dhintay,” ayey twit ter ku soo qortay Cengiz.

"Ma ahayn go’aan qof kastaa filanayay, waxaan u male ynay in laga yaabo in uu iftiin caddaalad ah ka heli doono Mareykanka, laakiin mar labaad lacagta ayaa ka hormar tay,” ayey tiri. "Hadda oo Biden uu ku dhawaaqay inuu hays to xasaan ad buuxda, waxaan filan karnaa weerarrada Max amed bin Salmaan ee ka dhanka ah shacabka inay sii kor dhi doon aan.”

Agnes Callamard, oo ah xoghayaha guud ee ururka xuq uuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa go’aanka dowladda Mareykanka ku tilmaamtay "khiyaano qoto dheer .” AFP, VOA

Sweden oo u hogaansantay dalabkii cuslaa

Baarlamaanka dalka Sweden ayaa meel mariyay wax ka beddelka dastuurka dalkaas, kaas oo suurta-gelinaya in la meel mariyo sharciyo adag oo ka dhan ah argagixisada, taas oo ah dalab muhiim ah oo ka yimid Turkiga, si loo an sixiyo xubinnimada Stockholm ee isbaheysiga NATO.

Kadib markii uu Ruushku ku duul ay Ukraine, Sweden iyo Finland waxay ka tageen siyaasadii ay muddada dheer ku soo jireen ee aheyd dhex-dhexaadnimada, wax ayna codsadeen inay ku biiraan isbahaysiga milatari ee NATO. Balse Turkiga ayaa is-hortaagay codsiyadii Sweden iyo Finland ee xubinnimada NATO, isagoo ku eedeeyay gaar ahaan Stockholm inay hoy u tahay "argagixisada”.

Mooshinka wax ka bedelaka dastuurka, oo lagu ansixiyay 278 cod oo ka tirsan baarlamaanka Sweden oo ka kooban 349 kursi, ayaa suurtagal ka dhigaya in lasoo saaro shar ciyo cusub oo lagu xaddidayo xorriyadda ururrada marka ay timaado ururada ku howlan ama taageera argagixisada.

Khubarada ayaa sheegay in sharciga cusub uu sahli doono in dacwad lagu soo oogo xubnaha xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK oo ay Ankara iyo inta badan xulafadeeda Reer Galbeedka ay mamnuuceen.

Is-badalka lagu sameeyay dastuurka ayaa dhaqangeli doona 1-da Janaayo 2023.

Booqasho uu ku tagay Ankara toddobaadkii hore, ra’ii sul wasaaraha cusub ee Sweden, Ulf Kristersson, ayuu ku tilmaamay wax ka bedelka dastuurka "tallaabo weyn”.

"Sweden waxa ay qaadi doontaa tillaabooyin waa weyn dhammaadka sanadka iyo horraanta sanadka soo socda taasi oo siin doonta hay’adaha sharciga Sweden awood dheeri ah oo ay kula dagaallamaan argagixisada” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. AFP

Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay dalka Iiraan

Labo qof ayaa lagu toogtay bartamaha magaalada Isfa han ee dalka Iiraan, saacado kadib markii shan qof lagu di lay weerar hubeysan oo ka dhacay Koonfur-galbeed ee dal kaas. Dhacdadii ugu dambeysay waxay ka dhacday de ega anka Khane Esfahan kadib markii rag mooto watay oo ku hubaysnaa qoryaha fudud ay rasa as ku fureen ciidamada ammaanka, sida ay sheegayaan wararka deegaan ka.

Labada nin ee la dilay ayaa labadoo duba ka mid ahaa shaqaalaha Basij ee iskaa wax u qabso ah, waxaana lagu kala magacaabi jiray Mohsen Hamidi oo 54 jir ah iyo Moh ammad Hossein Karimi oo 30 jir ah.

Ugu yaraan siddeed qof oo kale ayaa sidoo kale ku dhaa wacmay weerarka, oo todobo ka mid ah ay yihiin ciidamada ammaanka iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada Baasiji.

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa tacsi u diray qo ysaska dhibanayaasha, wuxuuna ka codsaday hay’adaha ammaanka inay si degdeg ah u caddeeyaan dembiilay aasha iyo hoggaamiyayaasha shilkaasi argagixisanimo, la guna wareejiyo nidaamka garsoorka.

Madaxweyne Erdogan oo ka jawaabay hadal hayn ku saabsan isaga iyo Bishaar Al-Asad

Erdogan

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka jawaabay su’aalalo ay waydiiyeen suxufiyiin Turkish ah kadib shirkii G-20 ee Indonesia ka dhacay. Mar wax laga weydiiyay su urtagalnimada in uu la kulmo Madaxweynaha Suuriya Ba shaar Al-Asad iyo xiriirka Turkiga uu la leeyahay Suuriya iyo Masar, wuxuu yiri Erd ogan, "Ma jiri karto caro siyaasadee weligeed. Marka wakhtigu yimaado, waa in aad fariisataa oo aad, qiimeey saa, waxaad samayn karto oo ah cus boo neysiin ku habboon."

Erdogan, ayaa sheegay in xilligaan ay tahay in Turkigu ka fiirsado xiriirka kala dhaxeeya dalalka xurguftu ka dhax eyso."Waqti xaadirkaa , Turki ahaan, wa xaan dib u eegi karnaa xiriirka aan la leenahay dalalka ay dhibaatada naga haysato”.ayuu yiri Erdogan.

Wuxuu intaas ku daray:-"Waanu samayn karnaa mar ka le, gaar ahaan doorashada June kadib. Sidaas awgeed, wa xaan rajeynayaa inaan sii hayno jihada aan u socono.".

Madaxweynaha Turkiga ayaan faah-faahin dheeri ah ka bixin su’aalaha laga waydiyay suurtagalnimada ah inuu la kulmayo madaxweynaha Suuriya Bishaar Al-Asad. Hase yeeshee waxaa la ogyahay in dhowr mar uu horey u she egay in marka kulankaas waqtigi isu yimaado uu dhacyo.

XIGASHADA SAWIRKA,@ILETISIM

Turkiga ayaa ka mid ah dalalkii mil iteri ahaan ugu lug yee shay dagaalka Suuriya oo markii hore ka dhex qar xay cii damada daacadda u ah dowl adda madaxweyne Aasad iyo xoog agga mucaaradka ah ee isku dayay in ay xukunkiisa ridaan.

Horaantii bishii October ee sanadkii 2019-kii ayuu Tur kiga howlgal militeri ku galay Suuriya oo ay uga tallaabeen dhinaca xadka waqooyi. Militeriga Turkiga ayaa bartilma ameedsanayay xoogagga ay Kurdiyiintu hoggaamiyaan ee ku sugnaa aaggaas.

Tallaabada Turkiga ayaa daba socotay go’aankii uu Mareykanka ciidamadiisa uga saaray Suuriya ka dib markii ay in muddo ah ka fulinayeen dhaqdhaqaaqyo militeri.

Afar maalmood markii uu socday howlgalka Turkiga, Kurdiy iinta ayaa heshiis la galay dowladda Suuriya si ay cii dankeeda ugu soo dirto ayna uga caawiyaan iska caabbinta gulufta Turkiga.

Saameynta milateri ee dalka Turkiga ayaa sanadihii dam be aad loo dareemay, waxaan ugu dambeeyay ciidamada Turkiga uu u diray dalka Libya iyo kuwii kasii horeeyay ee hawlgalka ku fuliyay waqooyiga dalka Suuriya.

Turkiga oo sidoo kale kamid ah ciidanka Gaashaanbuurta NATO, saldhig aad u ballaaranna ku leh magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ayaa wargeyska the Global Fire power oo ah mid wax ka qora arrimaha milateriga caalamka waxaa uu ku qiimeeyay in uu yahay ciidanka ugu awoodda badan bariga dhexe.Dowladda Turkiga ayaa sanadihii dam be xoogga saartay maalgelinta ciidanka, kadib afgembigii dhicisoobay ee sanadkii 2016-ka, waxaana xukuumadda Ankara ay xiriir milateri la yeelatay dalal ay kamid yihiin Ruu shka, Qatar iyo Soomaaliya oo ay ku leedahay saldhi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip