HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 17-KA NOVEMBAR 2022-K

0
Thursday November 17, 2022 - 08:33:15 in Wararka by
  • Visits: 393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 17-KA NOVEMBAR 2022-K

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xasan Sheekh oo lasoo gaarsiiyey farriin ka timid Cabdifataax Al-burhaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ayaa Madaxtooyada kulan kula qaatay Sar reeye Guuto Ibraahim Jaabir Ibraahim oo ka tirsan Golaha Sare ee dalka Suudaan.

Madaxweynaha ayaa ka gud doomay Jeneraal Ibraahim farriin iyo dhambaal ku saab san xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga heer gobol.

Jananka ayaa fariintaan ka siday Guddoomiy aha Golaha Sare ee dalka Suudaan Cabdulfat aax Al-burhaan, iyadoo uu ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed tallaab ooyinka wax ku-oolka ah ee ay u qaadeen nab adda, horumar ka iyo wadajirka.

Sidoo kale, dowladda Suudaan oo haatan ah Guddoonka Urur-Goboleedka Horumarinta Dalal ka Bariga Afrika ee IGAD ayaa bogaadisay how lgallada isku-dhafka ah ee ciidamada iyo shacab ka Soomaaliyeed ay ku xoreynayaan deegaanna da ay dadka ku dhibaateynayaan kooxaha argagix isada ah.

Suudaan ayaa ku faantay in door wanaagsan ay ka soo qaadatay dib u dhiska ciidamada xoo gga dalka Soomaaliyeed.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad celiyey wafdigan booqashada qiimaha badan ee ay ku soo gaareen walaalahooda Soomaaliya, wa xa uuna uga warbixiyey guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo si da ay u soo dhaweynayso dowladda Soomaaliy eed dalalka walaalaha iyo saaxiibbada ah ee ka gacan siinaya in Gobolka laga dulqaado argagixi sada curyaamisay xasilloonida iyo horumarka,” ay aa lagu yiri qoraal ay Villa Somalia ka soo saartay kulankaas.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS "Wax aa lagama maarmaan ah in dib-u-eegista dastuur ka mudnaanta koowaad aan siino”

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheikha Aadan Mohamed Nuur Madoobe ayaa Sheeg ay Inay Muhiim tahay In Ahmiyad Gaar ah ay siiyaan Hay’adaha ay Qusayso Dib u Eegista Dastuurka Dalka sidii Loo dhamays Tiri lahaa.

"Waxaa lagama maarma an ah in dib-u-eegista dast uur ka mudnaanta 1aad aan siino. Xubnaha Guddi ga Dastuurka BJFS waxaa laga codsanayaa in si degdeg ah ay u doortaan guddoonkooda, maada ama Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay min 5 tii xubnood doorteen kalfadhigii 1aad” ayuu Yiri Gudoomiyuhu.

Sidoo mole Gudoomiye Sheikh aadan Ayaa Xuk uumada Faray inay Soo Dhamays tiraan xubnaha ka dhiman Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eeg ista iyo Hirgelinta Dastuurka

"Xukuumadda dhankeeda waxaa la farayaa in si degdeg ah ay u soo dhameystirto xubnaha ka dhiman Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, si shaqada dib-u-eegista dastuurka ay u bilaabato.” Ayuu Hadalkiisa Kusoo Xiray…

Guddoomiye Cali Jeyte oo Aqalka Sare uga war bixiyay howlgallada ka socda Hiiraan

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaa shi Cabdullaahi oo ay weh liyaan guddoo miye ku xig eenka 1aad Cali Shacb aan Ibraahim iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Cabdullaahi Cali Xersi {Timacadde} ayaa Shalay Xarunta Aqalka Sare ku qaabilay Guddoo miyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan.

Guddoomiye Cali Jay te ayaa Guddoonka Aqal ka Sare uga warbixiyay halka ay marayaan howl gall ada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka gaar ahaan Gobolka Hiiraan, wux uuna gu ddoomiye Jayte guddoonka u sheegay in ay muh iim tahay in dagaalka la mideeyo oo saf balaaran laga dhigo si meel kali ah aan culayska dagaalka loo saarin, si looga guulaysto Al-shab aab.

Gudoomiyaha Gobalka hiiraan cali jeeyte Cism aan ayaa carabka ku adkeeyey in Shalay la Joo go isgooys muhiim ah oo Al-Shabaab looga saari karo guud ahaan dalka asigoo ka codsaday gudo onka in la tageero Dagaalka ka Dhanka ah si loo xaqiijiyo Nabad-galyada guud ahaan Gobalada Dalka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa uga mahad celiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan doorka muuqda ee uu ka qaatay dagaal ka ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu ku hoggaam iyay shacabka Gobolka Hiiraan oo gacan ka he laya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cisma an ayaa dhowr bilood ka hor howlgallo guuleystay ka bilaabay meelo kamid ah gobolkaas, waxaana Ciidamada dowladda iyo

Wasiir Fiqi Oo Daahfuray Kulan Sanadeedka Guddiga Qaran Ee Haggida Diiwaangelinta Madaniga

Wasiirka arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay kulan sanadeed ka Guddiga qaran ee ha gg ida diiwaangelinta madaniga iyo dhacdooy inka muhiimka ah ayaa she egay arrimo badan oo ay tahay in la helo Diiw aan gelinta madanig a.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay Guddiga Hagidda Diiwaangelinta Madaniga "Guddiga Hag idda Diiwaangelinta Mad anigaa iyo Istaatistika da Muhiimkaa (GDM) oo ka kooban dhammaan Hog aanka sare ee hey’adaha istiraatiijiga u ah hir gel inta Nidaamka Diiwaangel inta Madaniga ah iyo Istaatistikada Muhiimka ah.

kulanka ayaa waxaa ka qayb-galaya Wasaara dda Caafimaadka, Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Was aaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda aadanaha, Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Hey’adda Socd aalka iyo Jinsiyadaha, Hey’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha iyo qaar ka mid ah Wasaaradaha dowlad Goboleedyada dalka.

Wasiir Axmed Moalim Fiqi ayaa tilmaamay mu hiimada helida Diwaangalinta "Hirgelinta nidaam diiwaan gelin madani ah oo casri ah ayaa ka caa win doona Dowladda iyo Dadweynaha Soomaal iyeedba bixinta iyo helidda adeegyo hufan, nabad iyo xasillooni baahsan, Dalka Soomaaliyana uu ula jaanqaadi lahaa dalalka kale ee daafaha caal amka”

Ugu dambayn wasiirka ayaa u mahadceliyay gudiga farsamada ee fulinta siyaasada qaran ee di wangalinta ” Waxaan u mahadcelinayaa Guddiga Farsamada ee fulinta siyaasadda qaran dadaalkii ay muddada sanadka ah ku bixyeen isku xirka hey ’adaha shaqadan ay khuseyso, iyo diyaarinta shu ruucdii iyo qorshayaashii lagama maarmaanka u ahaa.

Dowladda Somalia oo heshiis kalluumeysi la saxiixatay Shirkad Shiines ah 

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyr aadka Badda xukuumadda Federaalka Soomaal iya Ahmed Hassan Aaden oo ka duulaya dhiir galinta maalgashiga shisheeye ee dalka ayaa is afgarad la saxi ixday madaxa shirkadda China Beijing Cha oliang Holiding Mr. JZhuang Liang kaas oo ay shirkaddu ku maal galinayso kalluume ysiga dalka.

Heshiiskan oo ah isfaham laba dhinac leh islamar kaana waqtigiisu yahay muddo hal sano ah ayaa dhigaya in shirkadda Beijing Chaoliang Holiding (Group) hirgaliso xarumo lagu hagaajiyo kalluunka dalka, inay maalgalin xoogan ku sameyso wax soo saarka kalluunka Tuunaha kaasoo ah kalluun xilliyeed guur guura ayna wadaagaan dhammaan wadamada ku teedsan biyaha badweynta hindiya iyo in Maraakiibta shirkadda la siiyo ruqsado kall uumeysi iyadaoo loo marayo habraacyada sharci ee kalluumeysiga dalka.

Munaasabadda saxiixa Xaflada heshiiska oo ay goob joogayaal caalimi ah, khuburo kalluume ysi iyo wakiilada shirkadda China Beijing Chaoli ang Holiding(group) co.ltd ka soo qeybgaleen ay aa Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysigu faah faa hin ka bixiyey muhiimada uu dalkeena u leeyahay iskaashiga noocan oo kale ah isagoo sheegay in kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraad ka badaha dalkeenu uu ka mid yahay tiirarka ugu horreeya ee qorshaha xukuumadda Dan Qaran iyo Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud.

Wasiirka ayaa ku baaqay in si wadajir ah loola dagaalamo kalluumeysiga sharci darrada ah isagoo dhambaal diginin ah u diray dalalka ay ma raakiibtoodu sifada aan sharciga ahayn ku soo gal aan biyaha dalkeena gaar ahaan maraakiib jiriif ah oo waxyeelo wayn u geysta degaan badeedka iyo xeebaha dalka.

Madaxda Soomaalida ayaa inta badan isku khilaafa arrimaha la xiriira qeybiga kheyraadka dal ka, waxaana dhowr jeer dowlad Goboleedyada qaarkood ay kasoo horjeesteen heshiiska Shidaal ka oo dowladda Soomaaliya ay la saxiixatay shir kad laga leeyahay dalka Mareykanka.

Doorashada Guddoonka Guddiga Fulinta Ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidkq Dowlaeda

Munaasabad ka dhacday Xarunta Guddiga Qa ranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa la gu doortay Guddoonka Cusub oo uu yeelanayo Guddiga.

Munaasabadan oo ay kasoo qeyb galeen marti sharaf ka kala socotay Hay’adaha Dawladda Fed eraalka sida Madaxtooyada JFS, Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha XFS, Golaha Shacabka BJFS, iyo xubno kale ayaa si guul ah kusoo dhammaatay.

Waxaa Guddoonka Cusub ee Guddiga ku guuleystay Xubnaha soo socda;

1. Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa mar kale loo doortay Guddoomiyaha Guddiga;

2. Mudane Cali Muumin Muudeey ayaa noqday Guddoomiye kuxigeenka Guddiga;

3. Mudane Deeq Xaaji Ciise ayaa noqday Xo ah ay guud ee Guddiga.

Wasiirka Gaashaandhiga oo boggaadiyey tall aabo ay qaadeen Golaha Wasiirada

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soo maaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay kul ankii ay Habeen hore yeesheen Golaha Wasiirada, isaga oo boggaadiyey tallaabada ay qaadeen Goluhu.

Wasiir Jaamac ayaa marka ho re soo dhoweeyey go’aanka Gol aha Wasiirada ee ay ku ansix iyeem heshiisyo dhanka milatari oo ay wasaarad diisu lasoo gaashay dalalka Suudaan iyo Uganda oo dhowaan ku tegay booqashooyin kala duwan, xilli dalka uu ku jiro dagaal.

"Waxaan mahad ballaaran u dirayaa golaha wasiirada JFS oo Xalay meelmariyay heshiisyo isafgarad ah oo ku saabsan iskaashiga arrimaha difaaca oo ay Wasaaradda Gaashaandhiggu horg eysay golaha sharafta leh” ayuu yiri Wasiirka Ga ashaandhigga.

Sidoo kale wuuxuu tilmaamay in heshiisyada la meel mariyey oo lasii marin doono Baarlamaan ka ay muhiim u yihiin Soomaaliya, islamarkaana la ga faa’idi doono.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray inay ka go’an tahay dhismaha hay’ado difaac oo tayo sare leh, sida uu hadalka u dhigay.

"Heshiisyadan ayaa waxa ay wasaaraddu la kala gashay dowladaha Sudan iyo Uganda. Wax aa naga go’an dhismaha hay’ado difaac oo tayo sare leh” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaashaan dhigga Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Heshiisyada la ansixiyey ayaa dhamaantood ku aadan is-kaashiga dhanka Gaashaandhigga, wa xaana wasaaraddu ay shaacisay in la waafajiyey dastuurka iyo sharuucda dalka.

Agaasimaha Guud ee W/Warfaafinta Sooamaal iya & wafdi uu hoggaaminaayay oo booqasho oyin ku tegay Qunsuliyadda Guud iyo Ergada Jogtada ee M/Jiddah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafin ta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdullaahi Xayir Duc aale iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa booqa shooyin ku tegay Qunsuliyadda Guud iyo Ergada Jogtada ee magaalada Jiddah.

Wadiga agaasimaha waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Raadio Muqdisho Maxmed Kaafi sheekh Abukar waxa na halaasi si weeyn ugu soo dhaweeyay Qunsulka Guud ee Soomaliya u fadhiya magaalada Jiddah Md. Ax med Maxamuud Diiriye, wasiir ku-xigeenka Yuusuf Xasan salaan (Cadaan) iyo howlwadeenada Qun suliyada Magaalada jiddah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa soo dhaweynta kadib kulana la qaatay madaxda Qunsuliyada kuwaa oo warbix inno ka siiayay howlaha shaqo ee safaaradda u heeyso Shacbka Soomaaliya iyo Hormarada ay safaaradu gaartay

Qunsulka Guud ee safaaradda Soomaliya ee magaalada jiddah Axmed Maxamuud Diiriye (Macruuf) ayaa agaasimaha iyo wafdigiisa uga m ahad celiyay booqashada ay xarunta Qunsuliy adda Guud ee Dalka Sacuudi Caribiya,isagoona sheegay in ay sii dar-dargalin doonaa howasha Qaran Shacabka Soomaaliyed u hayaan.

Agaasimaha Agaasimaha Guud ee Wasaarad da Warfaafinta ayaa dhankiisa xubnaha safaara dda ku bogaadiyay howasha baaxada weyn ee bulshada Soomaaliyed u hayaan.

Gaabis ku yimid dagaalkii Al-Shabaab iyo Xil. Macallimuu oo war kasoo saaray (Aqriso)

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaal iya ayaa walaac horleh ka muujiyay gaabiska maalmihii dambe ku yimid dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab.

Xildhibaan Macalimuu ayaa she egay in hakad ku yimaada dag aalka Khawaarijta ay fursad u siineyso dib usoo rogaal celinta argagixisada jabka xoogan lagu gaarsiiyay dagaalka ay iska kaa shanayaan ciidamada dowladda iyo dadka dee gaanka.

"Hakad uu galo dagaalka ka dhanka ah Khaw aarijta, waxeey siineysaa fursad ay dib isugu ururs adaan, kadib jabkii cuslaa ee soo gaaray. Geeso lo’aad kuleylkaa lagu gooyaa!,” ayuu yiri Xil dhibaan Macalimuu.

Hadalka Macalimuu ayaa imanaya ayada oo la dareemayo in uu hoos u dhac ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, kaasi oo markii hore kasoo billowday deegaanada gobolka Hiiraan.

Ciidamada dowladda ayaa sidoo kale maal mihii dambe faarujiyey deegaano iyo magaalooyin ay ka qabsadeen Al-Shabaab, taasi oo dagaalka lagula jiro kooxdan ka dhigeysa mid aan dhamaad laheyn.

Aqriso: Beelaha ay kasoo jeedaan 9-ka xubn ood ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 10-kii November isbeddel ku sameeyey Golaha Dhaqaalaha Qaranka, isaga oo kala diray xubnihii hore islamarkaana magacaa bay kuwa cusub.

Xubnaha Golaha hore ayaa waxaa ku jiray afar qof oo ajaaniib ah, kuwaas oo ha dda lagu beddelay Sooma ali, waxaana sagaalka xub nood ee golaha ay dhammaantood iminka ka koo ban yihiin Soomaali.

Hase yeeshee, wixii ka dambeeyey markii gola ha lagu dhowaaqay, waxaa faafay warar aan sal laheyn oo ku saabsan in beelo gaar ah ay u badan yihiin golaha, gaar ahaan beesha madaxweynaha.

Sidaa darteed, Caasimada Online ayaa baar itaan ay sameysay ku ogaatay in golaha lagu soo xulay nidaamka awood qeybsiga Soomaalida ee 4.5, islamarkaana aanay jirin qabiilo si gaar ah xu bno looga soo xulay. Beelaha Hawiye, Daarood, Dir iyo Digil iyo Mirifle ayaa la siiyey min laba xub nood, halka beesha shanaad la siiyey hal xubin.

Haddaba hoos ka aqriso magacyada iyo beel aha ay kasoo jeedaan xubnaha golaha.

1- Dr. Xasan Aadan Hoosow, La-taliye sare ee ma daxweynaha, ahna agaasimaha Guud (Leysaan, Digil iyo Mirifle)

2- Dr. Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin, (Murusade, Hawiye)

3- Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin (Shanta Caleemo, Digil iyo Mirifle)

4- Dr. Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin (Majeerteen, Darood)

5- Dr. Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin (Biyomaal, Dir)

6- Dr. Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin (Surre, Dir)

7-Adam Xuseen Rooble, Xubin (Abgaal, Hawiye)

8- Drs. Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin (Banaadiri)

9- Nimco Maxamuud Sakal, Xubin (Majeerteen, Daarood)

Waxaa sidoo kale xusid mudan in lix ka mid ah sagaalka xubnood ee golaha ay haystaan shah aadada PhD, oo caddeyn u ah in aqoon ay ku yi maadeen, aanu madaxweynaha iska soo xulan dad uu si gaar ah u rabo

.Xigasho:caasimadda.net

Shirkadda Somlink Telecom oo ku guulaysa tay abaalmarinta shirkadda ugu wanaagsan adeeg bixinta internetka

Shirkadda Somlink Telecom oo kamid ah shi rkadaha bixiya adeegga internetka, ayaa ku guu laysatay Abaalmarinta shirkadda ugu wanaagsan ee bixisa adeegga internet-ka ee sannadkan 2022.

Hay’adda Somaali business Award, oo sanad walba qabata abaalmarinta ganacsiyada ugu waa naagsan magaalada Muqdisho, ayaa abaalmarin taan ku guddoonsiisay xaflad lagu qabtay maga alada Muqdisho.

SomLink Telecom oo la aas aasay 2013, wax ay noqotay shirkadaha safka hore uga jira adeeg bixinta internetka sida ay sheegtay Somali Busin ess Award oo markii labaad abaal marintan guddo onsiisay SomLink.

Maxamed Cumar Cusmaan, oo ah madaxa ganacsiga iyo iibka shirkadda SomLink Telecom, ayaa soo dhoweeyay abaalmarinta la guddoonsi iyay shirkaddooda, wuxuuna sheegay in shirkadoo du ay tahay shirkaddii ugu horeysay ee bixisa ad eegga internetka xawaaraha sare leh ee Fiber Optic.

Wuxuu sheegay abaalmarintan inay ka turjum ayso sida ay shirkadda SomLink Telecom ugu guulaystay ka jawaabidda baahiyaha bulshada ee dhinaca internetka.

Ciidamada Danab oo howlgal ku burbriyey saldhigyo ay lahaayeen AL-SHABAAB

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliua ayaa sheegaya in Shalay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada Danab oo kaashanaya kuwa Macawiisleyda ayaa howlgalkan ka sa meeyey inta u dhe xeysa deegaan ka Halgan iyo degma da Beledwe yne ee xarunta gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan Danab oo ka hadlay howl galkani ayaa shaaca ka qaaday in aysan la kulmin wax iska caabin ah, islamarkaana ay Shabaab isa ga baxeen deegaannadaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay bur buriyeen xarumo iyo saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas oo ay tilmaameen inay kasoo abaabuli jireen weerarada qorsheysan.

Danab saraakiisha u hadashay waxaa kale oo ay hoosta ka xariiqeen inay sii wadi doonaan dha q-dhaqaaqyada ka socda guleedka Beledweyne oo ay weli ku sugan yihiin Shabaab.

Howlgalkan ayaa jawaab u ahaa weerar culus oo ay todobaaadkan xoogaga Al-Shabaab ku qaade en saldhig ciidamada Gorgor ay ku leeyihiin deeg aanka Burdaar ee gobolka Hiiraan.

"Lafta Gareen diyaar uma ah doorasho” sidaas waxaa yiri…

Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Ca bdiraxmaan Cismaan Malaaq ayaa ka hadlay xaa ladda siyaasadeed ee maa mulkaasi, xilli haatan la isku hayo qabashada doorashada.

Cabdiraxmaan Cismaan oo wareysi siiyey Telefishinka Universal ayaa eede ymo culus u jeediyey Lafta Gareen, isaga oo she egay inuu kasii dhamaanayo muddo xileedka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in weli uu san u diyaar garoobun in la qabto doorashada hog gaanka guud ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

"Maamulka Koonfur Galbeed waa xilligii rasmiga ahaa ee muddo xileedkii doorashada waqtige eda waa la loogaa, maadaama madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo Cabdicasiis Lafta Ga reen oo u diyaar garoobin in doorasho la qabto,” ayuu yiri Malaaq.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Koonfur Galb eed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in madax weynaha uu hareer maray dastuurka, islamarkaa na uu sameystay muddo kororsi.

"Wuxuu rabaab inuu sii joogo muddo kororsi is aga jeebkiisa ah sameysto, dastuurkana waxa uu qabanaa 4 sano inuu ku egtahay muddo xileedka rasmiga ah,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu si kulul cambaareeyey xa rig xubnaha mucaaradka loogu geystay magaal ada Baydhabo, isaga oo xaqiijiyey in illaa 10 xubn ood lagu xiray magaaladaasi.

"10 xubnood ayaa hadda u xiran waxaana si sharci darro loogu xiray Baydhabo. Xorriyatul Qo wl ma jiro,” ayuu markale yiri wasiirkii hore ee wax barashada Koonfur Galbeed.

Xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana taagan xiisad u dhexeyso madaxweynaha iyo mucaaradka oo isku hayo arrinta doorashada.

Laamaha Amniga Beledweyne oo goob faga aro ah ku burburiyay waxyaabaha maan ka dooriya

Kusimaha Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ah na Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo ma al iyada Gobalka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle Gudoomiye ku-xigeenka Amniga Gobalka Hiiraan Axmed cabdala cismaan (Inji) Iyo Duqa maga ala da beledweyne marwo Nadar Tabaax Maalin ayaa goob joog ka ahaa goob laamaha Amniga aay ku soo bandhigayeen Laguna gubayay Wax yaa baha maanka dooriyo oo laga soo qabtay Xaafad aha qaar ee Degmada bele dweyne.

Taliyaha saldhiga booliska Degmadda Beledweyne L/X Bishaar Maxamed Jimcaale iyo wasiir ku-xigeenka Amniga Hirshabelle oo wa day Dadaalo lagu sugayo Nabad-galyada Magaa lada Beledweyne ayaa xusay Ahmiyada aay leed ahay in laga hortago Qamriga xashiishka oo Qeyb ka ah amni darada wax yaabaha sababa.

Gudoomiye ku-xigeenka amniga Gobalka Hiir aan Axmed cabdala Cismaan inji ayaa u mahad celiyay laamaha amaanka asigoo xusay in laga hortagi doono wax walbo oo saameyn amni Keeni karo si loo xaqiijiyo amniga magaaladda beledwe yne ee Xaruunta Gobalka Hiiraan.

Maayarka magaalada beledweyne marwo Nadar Tabaax maalin ayaa xoojisay in waxyaabah an Maanka dooriya aay dhibaato ku haayan Hor marka Magaalada midaas oo aay keeni karaan caf maad Daro baahsan amni xumo iyo nadfaada ma gaalada oo hoos u dhacdo ayadoo xusay in Dowladda Hoose ee Degmada beledweyne aay laamaha Amniga kala shaqeeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa Nabad-galyada magaalada beledwe yne midaas oo Ah mid sare u qaadeeyso amniga iyo kobaca Hormarka magaalada beledweyne.

Ugu dambeyn guddoomiye ku-xigeenka siyaas add a iyo maaliyada Gobalka Hiiraan mudane Xas an Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in maamulka Gobolka Hiiraan uu dadaal badan Bixinayo amn iga Gobalka Hiiraan lagana hortagi Doono wax wa lbo oo saameyn karo Nabad-galyada magaalada beledweyne asigoo u Mahadceliyay laamaha amn iga Degmadda Beledweyne hormarada la taaban karo ee aay Ka Sameeyen amniga Magaalada Beledweyne

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Wararka ka imaanaya deegaanka Delft oo ka mid ah deegaannada hoostaga magaala xeebeed ka Cape Town, ayaa sheegaya in halkaasi Habeen hore kooxo hubeysan oo burcad koonfur Afrikaan ah ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed.

Allah u naxariistee muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Xasan Ma xamed Afrah, ayaa lagu dhex dilay gudaha goobtiisa ganacsi.

Burcada geysatay dilka ayaa baxsatay ka hor inta aysan goobta imaanin ciidan ka booliska, balse wax natiijo ah kama soo bixin baaritaanka ciidanka.

Dalka Koonfur Afrika waxaa si joogta loogu dil aa muwaadiniin Soomaaliyeed oo halkaasi u ga nacsi tagtay, iyadoo dowladda dalka Koonfur Afri ka ay mar waliba sheegto in ay wax ka qabaneyso dilalka iyo dhaca loo geysto ganacsatada Soomaa lidda, hayeeshee aysan jirin talaabo wax-ka-qaba sho muuqato ah oo ay qaaday dowladda Koonfur Afrika.

Dilka gabar Soomaaliyeed oo caro ka abuur ay Canada

Billowgii bishan ayaan la xaqiijiyay in gabar kamid ah dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi Canada ku nool oo lagu magacaabayay Hodan Xaashi, si ula kac ah loogu dilay mid kamid ah magaalooyinka dal kaas.

Soomaalida dalka Canada ayaa dalbanaya inay ca ddaalad hesho gabadhan Soomaaliyeed oo lagu dilay goob lagu caweeyo oo ku taallo magaalada Saskat oon ee dalkaasi Canada.

Qof ay Gacanta ku soo dhig een Ciidamada ammaanka oo lagu eedeeyay dilka gabadhan ayaa dammaanad la gu sii daayay, taasoo ka careysiisay bulshada Soo maaliyeed ee halkaasi degan, kuwaasi oo hadda qor sheynaya dibad baxyo ay caddaalad ku dalban ayaan.

Allaha u naxariistee Hodan Xaashi, ayaa aheed gabar dhalin yara ah oo ku dhalatay magaalada Otta wa ee Caasimadda dalkaasi Canada.

Qaramada Midoobay oo ka digtay in nus milyan carruur ah nafaqo darro awgeed ugu dhintaan Soomaaliya

Malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya ayaa wajah aya macluul daran oo dhanka gaajada ah oo ka ta agan gudaha Soomaaliya, oo ay ka jirto abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah.

Warbixin cusub oo kasoo ba xday Q/M ayaa ka digaysa in Nus Milyan carruur ah oo ka yar 5 sano ay halis ugu jir aan inay dhintaan bartamaha sanadka soo socda

Q/Midoobay waxay sheegtay inay Soomaaliya u ba ahan tahay $1 bilyan oo doollar oo gargaar bini' aadantinimo oo degdeg ah.

Ku dhawaad kala bar dadka ku nool Soomaaliya ay aa waxaa soo food saartay gaajo daran.

In ka badan 5 milyan oo carruur ah oo da'doodu ka yar tahay shanta sano ayay Q/Midoobay sheegtay in ay hayso nafaqo-darro ba'an.

Xaaladda amni ee Soomaaliya, oo kooxda al-Sha baab ay ku leedahay saamayn weyn oo xannibay sa hawlaha bini'aadantinimada, ayaa qayb ka ah masiib adan sida ay sheegtay QM.

Sahan la sameeyay 2020 ayaa lagu sheegay in So omaaliya ay tahay dalka labaad ee ugu nugul saame ynta isbeddelka cimilada adduunkauleysteen inay degaano

Abiy oo shaaciyey mowqifkiisa ku aadan heshiis ka nabadda ee Tigray

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u sheegay xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya inay ka go’an tahay heshiiski nabadeed oo uu kula gaaray hoggaanka Tigray-ga waddanka Koonfur Afrika ho rraantii bishan, si loo soo afjaro colaadda dad badan lagu dilay ee laba sano ka socotay waqooyiga gob olka Tigray.

Khudbad uu Talaadadii ka hor jeediyay baarlam aanka, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay

in dhinacyada dagaallamaya ay tahay inay hadda xaqiijiyaan inay raacaan heshiiska.

"Waan ka wadahadalnay, waanu heshiinay, waana saxeexnay,” ayuu yiri Abiy. "Waxa xiga ayaa la filayaa in la fuliyo.” ayuu raaciyay.

Fulinta heshiiskan oo kaliya, ayuu sheegay inay, "keeni karto nbada mid waarta.”

Sida ku cad shuruudaha heshiiskii xabbad-joojinta ee 2-dii Nofembar lagu saxiixay Pretoria, dowladda federaalka Itoobiya waxay la wareegi doontaa xudd uudaha gobolka Tigray, waddooyinka, iyo garooma da diyaaradaha halka dagaalyahannada Tigrayga ay hubka dhigi doonaan.

Noofambar 12-keedii, taliyayaasha militariga ee matalaya dowladda federaalka Itoobiya iyo kuwa gob olka Tigray ayaa saxiixday heshiis ay ku jiraan hub ka dhigista hubka culus iyo ka bixitaanka "ciidamada shisheeye iyo kuwa aan ENDF (militeriga federaal ka)” ee gobolka Tigray.

Abiy ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in nab addu ay lama huraan tahay si loo hagaajiyo dhaqaal aha loona ilaaliyo "jiritaanka, madaxbanaanida, iyo midnimada” Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dad ka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof.

"Nabaddu mar walba waa wanaagsan tahay,” ay uu yiri Abiy, isagaoo raaciyay. "Xitaa haddii aad guu leysato, dagaalku waa xun yahay mar walba, sabab too ah waxaad dilaysaa dadka, waxaad gubeysaa dollar.”

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen xildhibaannada baarlamaanka .Isha: VOA

Ruushka Oo Ka Hadlay Gantaalkii Ku Dhacay Poland

Ra’iisul Wasaaraha dalka Poland Mateusz Mo rawiecki ayaa dadka ugu baaqay inay is dejiyaan ka dib markii gantaal lagu sameeyay Ruus hka uu labo qof ku dilay xaafad ku taalla dalkaas oo u dhow xad ka Ukraine.

Dowladda Poland ayaa goor sii horreysay sheeg tay inaysan caddeyn u heyn cidda ka dambeysa gantaalkaas.

Xukuumadda Mocow ayaa beenisay eedeymaha ah inay ka dambeysay gantaalkii ku dhacay Poland.

Afhayeen u hadlay aqalka Kremlin-ka oo lagu ma gacaabo Dmitry Peskov ayaa sheegay in aysan wax war ah ka heyn qaraxa.

Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa sheegtay in gantaallada Ukraine ay ku dhaceen Poland.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa shee gay in aysan dhici karin” in gantaalkii ay ku dhinteen 2da qof ee ku dhacay dalka Poland laga soo riday dhinaca Ruushka.


Biden oo sheegay in aysan ‘macquul ahayn’ gantaal laga soo tuuray Ruushka uu ku dhacay Poland

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in natiij ooyinka ugu horreeya ay muujinayaan in gantaalka ku dhacay Poland ay ciida mada Ukraine ku rideen gantaal kale oo Ruushku ku soo tuureen Ukraine la akiin jihadu ka ka lantey.

Natiijooyinka hore, sida ay sheegeen saddex sar kaal oo Maraykan ah, ayaa tilmaamaya in gantaalkii lagu weeraray Poland Talaadadii laguna dilay laba qof ay ciidamada Ukr aine u adeegsadeen inay ka hor tagaan gantaalka Ruushka ee ku soo wajahan, sida ay weriyeen wakaaladaha wararka ee AP iyo DPA Arbacadii.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo shir degdeg ah la qaatey kooxda G7 shirkan ayaa ku aad anaa xaaladda Ukriane kadib waxa uu saxaafadda u sheegay in aysan macquul ahayn gantaal laga soo ridey Ruushku uu ku dhacay Poland, baaritaan wan aagsan ayaan samaynaynaa oo ku aadan xaaladda ayuu yiri.

Dhanka kale dalka Ruushka ayaa beeniyey in gantaal ay ku rideen Poland.

Madaxa ergada joogtada ah ee Ruushka u jooga Q/Midoobay ayaa ku gacan seyray dhacdadan lagu eedeeyey waxaana uu ku tilmaamey isku day lagu doonayo in lagu huriyo colaad hor leh.

"Waxaa jira isku day lagu doonayo in lagu kiciyo dagaal toos ah oo milatari oo u dhexeeya NATO iyo Ruushka, oo keeni kara cawaaqib xumo saameysa aduunka,” Dmitry Polyansky ayaa ku yiri Telegram.

Dalka Poland ayaa ka mid ah gaashaanbuurta NATO, heshiiska NATO lagu dhisay ayaa qodobkiisa shanaad dhigayaa haddii dal kamid ah xulafada la soo weeraro in ay la mid tahay in dhamaantood la weeraray ayna ka jawaabayaan oo difaacayaan.BBC

Gargaarkii ugu horeeyay oo la gaarsiiyay gobolka Tigre tan iyo markii la heshiiyay

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa ku dhawaaqday in kolonyadii ugu horre ysay ee sida gargaar caafimaad ay gaartay Dorraad gobolka Tigre, ee waqooyiga Itoobiya, kaddib heshiis kii nabadeed ee horaantii bishii November ay kala saxiixdeen dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Tigre ee TBLF.

Afhayeen u hadlay Guddiyada gurmadka ee ku sugan dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in kolonyadii ugu horreysay ee sidda sahay caafimaad oo ka timid Laanqeyrta Cas ay gaartay magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigre.

Midowga Afrika, ayaa horaantii bishan ku dhaw aaqay in dhinacyada isku haya Itoobiya ay ku heshiiy een in la joojiyo colaadahii labada sano jirsaday ee ka socday waqooyiga Itoobiya.

Heshiiskii lagu soo gaba gabeeyay dalka Koon fur Afrika, 2-dii bishan November ayaa dhigayay in hub ka dhigis lagu sameeyo Jabhadda Tigrayga, iyo in dib loo bilaabo gargaarkii la gaarsiin lahaa gobol ka, kaasi oo ay ka jirto tan iyo markii uu dagaalku qar xay xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran.

TRUMP oo soo rogaal celiyey kuna dhawaaqay qorshihiisa sanadka 2024

Donald Trump, ayaa tan iyo markii looga adkaa day doorashada 2020-ka waxa uu billaabay weerarro aan kala joogsi lahayn oo ka dhan ah hufnaanta cod bixinta ee Mareykanka, waxa uuna Talaadadii markii saddexaad ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Mareykanka ee doorashada 2024.

Trump ayaa ku dhawaaqistiisa uga gol-lahaa in uu ka hor-gudbiyo musharraxiinta kale xisbiga Jam huuriga.

Trump oo rajeynaya inuu mar kale doorasho uga hortago madaxweyne Joe Biden oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, ayaa hadalkan ka sheegay gurigiisa Mar-a-Lago, ee gobolka Florida toddobaad kadib doo rashadii xilliga dhexe oo ay Jamhuuriyiintu ku guulda rrayseen inay ku guulaystaan kuraas badan oo Congress ka ah sidii ay rajaynayeen.

"Si aan mar kale Ameerika uga dhigo mid weyn, Xalay waxaan ku dhawaaqayaa in aan u tartamayo xilka madaxweynaha Maraykanka” ayuu Trump u sheegay dadkii isugu soo baxay xafladda ku dhaw aaqista oo isugu jiray xubno qoys ka tirsan, kuwa dhaqaalaha ku taageera doorashadiisa iyo shaqaale hore.

Ku dhawaaqista Trump ayaa kasoo hormartay xill igii la filayay, waxayna calaamad u tahay rabitaan kiisa ah inuu ka dhaadhiciyo musharraxiinta kale ee suurtagalka ah sida guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis ama madaxweyne ku xigeenkiisii hore, Mike Pence, inuu u tartamo musharaxnimada Xisb iga Jamhuuriga.

Siyaasiyiinta kale ee rajada ka leh madaxweyna ha ee ka tirsan Jamhuuriga waxaa ka mid ah Gudd oomiyaha Gobolka Virginia Glenn Youngkin, Guddo omiyaha Texas Greg Abbott, Guddoomiyihii hore ee South Carolina Nikki Haley iyo Xoghayihii hore ee Ari maha Dibada Mike Pompeo.


MAXAY XASARADAHA SIYAASADEED EE TAAGAN U ABUUREEN WALAAC KU SAABSAN XASILOONIDA SOMALILAND?


Cirro, Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi

Labada xisbi ee mucaaradka ah ee jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay 13-kii Nove mber aanay u aqoonsanayn madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa kuwo sharci ku fadhiya xafiiska oo haysta kalsoonidii shacab ka.

Madaxweyne Biixi waxaa la doortay bishii November ee sanadkii 2017-da, taasi oo micnaheedu yahay in muddo xileedkiisii shanto sano ahaa uu dhamaaday. Balse golaha guurtida ayaa dha waan sheegay in u diyaar garowga doorashada uu qaadan doono muddo 2 sano ah,iyagoo taa ka ka duulaya ayay sidaas Muuse biixi u kordhiyeen waqtiga uu sii haynayo xilka.

"Shalay laga billaabo Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu uma aqoonsanin kuwo sharci ku fadhiya, Muuse waxa aanu u aqoonsannahay Madaxweynihii xilku ka dhammaaday, Madaxweyne aan haysan kalsoonida shacbiga" ayuu yiri Cabdirax maan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ah musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani.

Doorashada sanadkan ayaa ku soo beegantay iyadoo uu dhammaanayo tobanka sano ee ay xilka hayeen xisbiyada siyaasadda. Biixi iyo xisbigiisa Kul miye waxay ku adkaysanayaan in aan doorashada la qaban karin ka hor inta aan la soo gabagabeyn xulista xisbiyada.

Sida ku cad doodda xukuumaddu, waxa uu sharcigu dhigayaa in lixda bilood ee ugu dambeeysa ee 10-ka sanno ee xisbiyadu furmi doonaan tartanka ururada siyaasadda, isla markaana saddex xisbi la dooran doono tobanka sannadood ee soo socda.

Falcelinta ka dhalatay? Somaliland

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo go'aan kaa mucaaradka ka falceliyey ayaa dhaliilay xisbiyada kuna tilmaamay in ujeed adoodu tahay in "aanay dalka dawladi ka jirin".

Qaar ka mid beesha caalamka ayaa iya guna ugu baaqay dhi nacyada mucaa rad ka iyo muxaafad ka in miiska wada ha dalka ku noqdaan, iyaga oo dhanka kalena muddooyinkii ugu danbeeyey ku dirqiyey in heshiiyaan. Todd obaad ka hor ayay ahayd markii Midawga Yurub ay soo saareen warsaxaafa deed kaddib kulan dhanka Internetka ah oo ay la yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ay ku sheegeen walaaca ay qabaan. "Waddamada caalam iga ee xidhiidhka Iskaashi la leh Somaliland (oo kala ah Belgium, Canada, Mida wga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Net herlands, Norway, Swe den, Ingiriiska iyo Maraykanka) waxa ay kala hadleen doo rashooyinka soo socda Madaxwayne Biixi oo ay khadka kula hadleen Shalay.

"Waxa ay la wadaageen walaaaca ay ka qab aan wada hadal la'aanta ka dhaxay sa dan eeyayaasha siyaasadeed ee muhiim ka ah, iyaga oo carrabka ku adkeeyey baah ida loo qabo in laga gaadho is faham kharii radda doorashooyinka lagu qabanayo, iyo muhiima dda ay leedahay xorriyaddda" ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedkaas oo ay soo saareen 7aadkii hore badhtankiisii.

Halkee xaal ku danbayn karaa? Somaliland

Bilihii u danbeeyey guud ahaan Somaliland waxaa sii xooggaysanayey mur anka ka taagan xilliga doorashada iyo nooca doorashada ee qabsoomaysa.

Muxaafadka ayaa u muuqda in ay u janjeedhaan dhanka doorashada ururrada, taas oo ay maalmihii u danbeeyey socdeen ololalaha ay ku kala hadhayeen ururr ada raba in ay u digo rogtaan xisbiyo qaran.

Ismaandhaafyadaas ayaa keenay in muddaharaaddo ka dhaceen gudaha me elo ka mid ah Somaliland. Waxaana dhanka kale muddaba socday dhincayo kala duwan oo isu dirayey in ay dhexdhexaadiyaan muranka u dhaxeeyey labada dhinac kuwaas oo dhammaantood ku soo dhammaaday natiijo la'aan.

Dadaallada dhexdhexaadinta ee udhaxeyay xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuu madda ayaa ku soo idlaaday natiijo la’aan.

"Muranka siyaasadeed ee Somaliland ayaa ku sii siqaya in uu faraha ka ba xo, hase yeeshee waxa la joogaa wakhti lagaga baaqsan karo xaaladii ugu xum ayd. Tallaabo degdeg ah oo ay qaadaan saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagama maarmaan u ah in lagu qanciyo hawl-wadeennada gudaha si ay u ilaaliyaan dhaqanka siyaasadeed eeku dhisan is-afgaradka, halkii ay ku tiirsana an lahaayeen xal hal dhinac ah", aa ay lagu sheegay qoraal ay soo baahiyeen haayadda xasaradaha ee ICRG.

"Xasiloonida muhiimka ah ee Somaliland, oo ay xoojinayso horumarka dhabta ah ee siyaasadeed iyo dhaqaale ee uu dalku ku tallaabsaday 30-kii sannadood ee u dambeeyay,ayaa laga yaabaa inay halis ku jirto,"ayay sii raacisay hay'adda.

Dhinacyada ayaa loogu baaqay in ay ku soo laabtaan miiska wadahadlka si

Heshiis looga gaaro arrimaha la isku mari la’yahay.Ma cadda in beesha caalamka

ay qaadan doonto doorka dhexdhexaadinta.5 XIGASHO:-BBC

MA QABTAA CUDURKAN "KU DHACAY INTA BADAN DADKA SOOMAALIYA?"


Xanuunnada dhimirka

Khubarada dhinaca dhimirka ayaa aaminsan in dagaalladii sokeeye ee soo maray Soomaaliya ay saameyn ku yeesheen caafimaadka maskaxda ee dad ba dan, welina ay jirto saameyntaas.

Haddaba, waa noocee cudurrada dhimirka ee bad anaa Soomaalida ku dhaca? Waxaan kala hadalnay dhakhaatiir aqoon durugsan u leh xanuunnada dhi mirka. Sidoo kale waxaan eegeynaa soddon sano ka dib, xaaladda daryeel ee caafimaadka dhimirka Sooma aliya xaggee bay maraysaa?

Bulshooyinka caalamka qaarkood ayaa sida Soomaaliya la dhibtooda cud urrada dhimirka, inkasta oo ay kala duwan yihiin qaababka ay u saameeyaan iyo waxa bulsho walba u keena cudurradaas.

Badanaa, cudurrada dhimirka ayaa shakhsi shakhsi u saameeya dadka add uunka, balse, waxaa sidoo kale jira, in bulshooyinka qaar ay si guud ahaan u wa da qaadaan cudurrada dhimirka haddii ay la kulmaan dhibaatooyin guud ahaan u wada saameeya. Dhibaatooyinka noocaas ah ayaa waxaa ka mid ah musiiboo yinka iyo dagaallada hubeysan.

Cudurrada dhimirka ee ka jira Soomaaliya ayaa waxaa la sheegaa in ay salka ku hayaan ama ay sababeen dagaalladii sokeeye ee soo maray Soomaaliya kuw aas oo weli ay saameyntooda jirto.

Haddii aan is weydiinno su’aasha ah, dhibaatooyinka cudurrada dhimirka ee baaxadda weyn leh Soomaaliya maka soo kabsan kartaa? Jawaabta waxaan ka heli karnaa in aan eegno wixii u suurto galay bulshooyinka sida Soomaaliya soo maray dhibaatooyinka cudurrada dhimirka.

Dalka Rwanda oo deris la ah waddamada ku yaalla bariga qaaradda Afrika ay aa soo maray dhibaatooyin dagaal sokeeye oo ka mid noqday kuwii ugu saamay nta badnaa dunida muddooyinkii ugu dambeeyay. Dalkan ayaa shacabkiisu aad ula il darnaa cudurrada dhimirka ee ka dhasha dagaallada.

Palmer iyo Firmin qoraal ay ku daabaceen joornaalka (International Psychia try) ayaa waxay ku muujiyeen dadaalka dheer ay dowladda Rwanda u martay in ay wax ka qabato cudurrada dhimirka ee saameeyay shacabkeeda. Waxay yira ahdeen, "Dowladda Rwanda waxay abuurtay adeegga la talinta cilmu-nafsiga bulshada (Psychosocial consultation service) oo ay ka hirgelisay caasimadda Ki gali, kaas oo u shaqeynayay dhammaan bulshada reer Rwanda. Waxaa la door tay in dadka loo bandhigo adeeg shakhsi walba inta uu u baahan yahay caawiya.”

Waxay sidoo kale sheegeen in boqolkiiba boqol kharashka daweeynta ee dad ka dhaqaalahoodu hooseeyo uu bixinayay caymis caafimaad oo bulshadu leeda hay. Waxaa sidoo kale la abuuray ururada bulshada oo si gaar ah uga shaq eeynayay daryeelka caafimaadka dhimirka. "Waxaa xoogga la saaray soo saar idda xirfadleyaal bartay cudurrada dhimirka, kuwaas oo lagu tababaray machadyo iyo jaamacado ku yaalla dalka Rwanda.”

"Waxaa kale oo la sameeyay adeegyo dadka loogu geeynayo meelaha ah joo gaan sida guryahooda.” Waxaa sidaa yiri Palmer iyo Firmin.

DHIMIRKA

Dowladda Rwanda ayaa aad ugu dadaashay in ay adeegga caaf imaadka dhimirka ah ay gaarsiisoo dha mmaan bulshada reer Rwanda.

Wixii u qabsoomay dowladda Rwanda ayaa muhi im u ah in ay Soomaaliya wax ka barato.

Waxaan waraysi kooban la yeeshay Diktoor Ax mad Jaamac Shidane oo ku takhasusay cudurrada dhimirka, ahna agaasimaha ururka caafimaadka dhi mirka Soomaaliyeed, sidoo kalena ka howl gala xar unta daryeelka caafimaadka dhimirka ee Rajo oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Waxaan weydiiyay xaaladda adeegga caafimaadka dhimirka ee waddanka ka jirta, wuxuuna ii sheegay in xaaladda daryeelka caafimaadka dhimirka ee ka jirta dalka ay "liidato”.

Dr Axmad ayaa sidoo kale ii sharraxay sababta ay xaaladda daryeel ee dalka u liidato. Wuxuu yiri, " Waxaa yar amaba jirin culumadii caafimaadka dhimirka oo Soomaali badani ma barato, waxaa sidoo kale yar xarumaha lagu daweeyo cud urrada dhimirka, hal ama laba oo si gaar ah loo leeyahay ayaa jiraan. Dowladduna ma siiso wax mudnaan ah.”

Wuxuu sidoo kale ii sheegay daryeellada yar ee ka jira dalka in badanaa laga he lo magaallooyinka waawayn keliya.

Waxaan Dr Axmad weydiiyay cudurrada dhimirka ah ee badanaa ku dhaca dadka Soomaaliyeed balse aysan wax aqoon ah u lahayn.

Wuxuu ii sheegay in badanaa dadka Soomaaliyeed aysan fahamsanayn cudurra da dhimirka ku dhaca; "Dadku waxay cudurrada dhimirka ka aaminsan yihiin waxyaallo khuraafaad ah”

"Cudurradan ayaa ah kala ah kuwa adag oo qofka u diidaya in uu bulshada la dhex joogo, kuwana qofku waa la noolaan karaa oo wuxuu la dhex joogaa bulshada. Waxaa halkaas ka jirta aqoon darri ku aaddan cudurradan. Waxay la ta shi ugu aadaan dhakhaatiirta aan takhasuska u lahayn cudurradan, waxayna ka aamiinaan in ay yihiin jinni ama il qofka ku dhacday.” Wuxuu ii sheegay in dalka aanan laga samaynin xog aruurin rasmi ah oo sheegi karta cudurrada ugu badan ee dadka ku dhaca ama kala bixin karta noocyada cudurrada dhimirka ah iyo sida ay ugu kala badan yihiin dadka Soomaaliyeed. Balse wuxuu ii tilmaamay dhowr ka mid ah cudurrada dhimirka badanaa ku dhaca Soomaalida.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip