HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 16-KA NOVEMBAR 2022-KA

0
Wednesday November 16, 2022 - 08:30:54 in Wararka by
  • Visits: 391
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 16-KA NOVEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh "Waa inaan isku garab siinno shacab & dowladba, sidii aan dal ka oo dhan uga xoreyn lahayn halka cadaw aan leenahay"

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaa liya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shalay furay kal adhiga labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ka qabsoomay xarunta kumeel gaarka ah Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

Furitaankakalfadhiga labaad ee Baarlamaan ka Soomaaliya waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sar sare oo ka mid yihiin guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa guddoomiye ku xigeen, gu ddoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo labadiisa ku xigeen, Raysal wasaaraha Soomaaliya, guddoomi yaha Maxkamadda sare, guddoomiyeyaasha Go laha Wakiiladda maamul goboleedyada dalka, Mu danayaasha labada Aqal iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sh. oo kalfadhiga labaad ee Baarlam aaka Soo maaliya Shalay daahfuray ayaa u jeediyay khudb ad dhinacyo badan taabaneyaay mudanayaasha 2da Aqal, isagoona sheegay in dagaalka dowlad da ay kula jirto Al-shabaab ineysan dib uga laaban doonin ilaa kooxda Shabaab dalka guud ahaanti isa laga xureynaayo.

"Shalay Dalkeena iyo dadkeennuba waxay ku sugan yihiin meel aan ka noqosho laheyn, meel guuldarradu aanay boos uga bannaaneyn. Waxa an go’aansannay inaan u guntanno dagaalka dal ka looga sifaynayo khawaarijta. Waan soo waayay jid aan ahayn in aan difaacno karaamadeenna, isl aanimadeena iyo qaranimadeena” ayuu yiri Mad axweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in siyaasadda dowladiisa ay lafdhabar u tahay iney soo dhaweysato cid walba oo ka taage ereysa arrimaha mudnaanta u leh dowladda Soo maaliya.

"Waa in aan isku garab siino shacab iyo dowlad ba, sidii aan dalka oo dhan uga xoreyn lahayn hal kaas cadaw ee aan Shalay leenahay, dib u xore ynta dalka oo dhan waa waddada kaliya ee aan ku xaqiijin karno dal nabad ah oo uu sharcigu sarree yo” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabagabadii madaxweynaha dowladda Soom aaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudanay aasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka codsaday in ay fududeeyaan dhamaan sharciyada horyaala labada Gole ee uga imaaday dhanka Xukuumadda Soomaaliya.

Golaha wasiirrada oo anxisiyey miisaan iyadii ugu badnayd iyo heshiisyo kale

Golaha Wasiirada Xukumadda Soomaaliya ay aa ca awa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku ansixiyeen ku-talagal ka miisaaniyadda dowla dda ee sanadka 2023-ka

Kulankaan waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre wuxuuna goluhu meel mariyey miisaaniyad gaareysa $967.7 Milyan oo dollar.

Miisaaniyadaan ayaa ka kooban dakhliga gudaha uga soo xaroonaya dow ladda iyo deeqda ay dow ladda siiyaan saaxiibada caalamka. "Miisaaniyadda 2023 ayaa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda dakhliga gudaha oo hadda la rajeynayo inuu ka sare maro sanadihii la soo dhaafay, iyadoo la rajeynayo inuu gaaro $283.3 Milyan oo Dollar halka sanadka dhama adka ah uu ahaa $247 milyan oo Doolar,” ayaa la gu yiri bayaan ka soo baxay xukuumadda.

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cilmi Maxam uud Nuur ayaa golaha uga mahad celiyay meel marinta ku-talagalka miisaaniy adda dowladda ee sanadka soo socda.

"Dhanka kale, golaha ayaa ansixiyay heshii sya da difaaca ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda iyo Soomaaliya iyo Suudaan ee ku sa absan is-kaashiga gaash aan-dhigga oo ay golaha hor-keentay was aaradda gaashaandhigga, si waa faqsan dastuurka iyo sharuucda dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska R/Was aaraha.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo sheeg ay in Shahaado bixinta dugsiga Sare

 loo wareejiyay xarunta dugsigii hore ee Sheekh Xasan Barsane.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacl iinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaal iya ayaa sheegtay in ay dib u bilaabeyso bixinta shahaadada Dugsiga Sare, ka gadaal markii xarunta Wasaaradda burbur ka soo gaaray Qar axii Soobe ee 29 October 2022.

Wasiirka Waxbarshada, Hidd aha iyo Tacliinta Sare Sooma aliya Faarax Sheekh Cabduqaadir, ayaa si rasmi u furay dib u bilaab ista bixinta Shaha adada dugsiga Sare ayada oo dalabka shahaada da ka bilaaban doono, xarunta du gsigii hore ee Sheekh Xasan Bar sane.

Ugu horreyn Wasaarka ayaa sheegay in Wasa aradda ay maalin kasta ay u adeegi jirtay 400 oo Ardey "Maalintii 200 oo qof ayaa dalab laga qaadi jiray, iyada oo 200 oo kale shahaadada la siin jir ay”, isaga oo sidoo kale yiri "Qaraxii (Soobe 2) wa xaa laga joogaa 15 maalin oo laga rabay in Wasa aradda ay u adeegto 6000 oo qof, kuwaas oo se egay shahaadada in ay qaataan” sida uu yiri Wasiir Faarax.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya Faarax Sheekh Ca bduqaadir ayaa sheegay in aysan niyad jabin do onin Weeraradii AS ku qaadeen xarunta Wasaara dda Waxbarashada oo ku taala Soobe.

29-kii October 2022-ka ayaa Magaalada Muqdi sho waxaa ka dhacay laba Qarax, kuwaas oo ka dhacay Soobe, halkaas oo ay ku taala xarunta Wa saaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS oo soogaaray burbur.

Madaxweyne XASAN oo dardar gelinaya iskaa shi heer gobol ah oo wejiyo badan

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bo oqashadiisii labaad, tan iyo markii dib loo doortay, ku tegay Eritrea Khamiistii November 10, 2022 ay aa mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee so cdaalkiisu ahayd sidii dib loogu soo celin lahaa ciidamdii seddaxda sano tababarka gaarka ah ku qaadanayay dalka jaarka ah.

Wasiirka Warfaafinta Yemen Gebremeskel ay aa November 11, 2022 ku sheegay tweeter in lab ada madaxweyne ay korme ereen Kulliyadda Duulista (Aviation College) ee dalka Eritrea, halkaas oo dufcad dhan 200 layli lagu tababa rayo.

Cutubyo ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ka tirsan ayaa tababaro khaas ah ku qaadanayay dalka Eritrea ilaa 2019. Xogta ciidamadaas ayaa in muddo ah ku xeernaa sir. Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo si rasmi ah May 2022 ugu wareejiyay Xasan Sheekh Maxamu ud xilka ayaa munaasabada ka sheegay in bar timihii 2021, askar lagu qiyaasayo in ka badan 5000 tababar saddex sanadood ah ugu dhammad ay dalka Eritrea.

Wax yar kaddib markii Soomaaliya, Itoobbiya, iyo Eritrea ku heshiiyeen Iskaashi Seddax Geeso od ah ayay Eritrea ugu deeqday Soomaaliya inay ka taakulayso la dagaallanka argaggixisada una soo tababbarto ciidaan ku xeeldheer dagaallada jabhadaynta (guerrillia warfare).

Balse, dadaalka waxaa isku dayay inay kala daadiyaan shisheeye aan marnaba doonayn in Soomaaliya ay yeelato ciidan cudud leh, kaddib markii ay faafiyeen kutiri-kuteen leh in Eritrea ay si qarsoodi ah u gelisay layliyada Soomaaliyeed dagaalka Tigrayga.

Xildhibaano loo diidanaa in ay Muqdisho ka aadaan magaalada Kismaayo oo fursad muhiim ah helayXildhibaano loo diidanaa in ay Muqdisho ka aadaan magaalada Kismaayo oo fursad muh iim ah helay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xaallada Soo maaliya wadahadallo ballaaran kala yeeshay dhig giisa Eritrea Isaias Afwerki ayey isku afgartay iska ashi dhinacyo badan, iyagoo isla gorfeeynayay isbeddelka ka dhacaya gobolka. Booqashada ay aa ku soo beegantay xilli argagixisada looga ga can sareeyo dagaal dhan walba leh, jabhaddii TPL Fna lagu qasbay inay isku dhiibto maamulka Addis Ababa.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa la daalaadhac aysa caqabado waaweyn sida la tacaalidda aba aro daba dheeraaday oo barakaciyay dad kor u dhaafay ilaa 3.7 malyan, xakamaynta argagixiso arxan la’aan ah oo dadka iyo duunyada abaarta ku habsatay ka burburinaysa ceelashii biyaha, iy adoo weliba isku dayaysa inay isku hayso dal bur bursan.

Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh waxuu dardargelinayay iskaashi heer goboleed ah oo wejiyo badan korna u qaadi kara xiriirka dalku uu la leeyahay dalalka jaarka ah, si gobolku ugu wada noolaado nabad, amni iyo horumar waara

Xigasho:-caasimadda.net

Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka Koofur Galbeed Oo Muqdisho Ku Geeriyooday

Guddoonka iyo Dhammaan Xildhibaanada Go laha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Gal beed ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip