Muslimiinta Mareykanka oo wacdaro ka dhigay doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka

0
Monday November 14, 2022 - 21:53:30 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muslimiinta Mareykanka oo wacdaro ka dhigay doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

XIGASHADA SAWIRKA,TWITTER

Doorashadii xilliga dhexe ee sanadkan ayaa noqotay mid taariikhi u ah Muslimiinta Maraykanka, iyadoo tiradii ugu badnayd ay ku guuleysteen kuraasta.

warbixin ka soo baxday Xarunta Kheyraadka Jetpac iyo Golaha Xiriirka Mareykanka iyo Islaamka (CAIR) ayaa lagu ogaaday in siyaasiyiin badan oo Muslimiin ah ay u rumowday riyadooda.

Qaar badan oo ka mid ah guulahaas ayaa ka dhacay gobollada Texas, Virginia iyo Georgia, waxaana ku jiray 20 murashax oo horey xilal u hayay iyo 17 musharax oo cusub.

Kuraastaasi waxay u dhaxaysaa guddiyada waxbarashada deegaanka iyo golaha deegaanka ilaa Aqalka Congress-ka ee Maraykanka, halkaas oo xildhibaanad Ilhaan Cumarn iyo Rashida Tlaib ay labadoodaba dib ugu guuleysteen xilalkooda.

Ilhaan Cumar oo Congress-ka ku matasha degmada 5-aad ee gobolka Minnesota ayaa markii ay ku guuleysatay doorashadan ugu dambeysay waxa ay BBC-da u sheegtay in ay ku faraxsan tahay natiijada ay heshay. "Waa guul kale oo Alle uu noo soo dhiciyay, waxaana rajeynayaa in dadka kale ee tartamaya ee walaalaheenna ahna in ay guuleystaan,” ayey tiri.

Ka bood Twitter boggan
Qoraalka Muuqaalka,Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka Twitter boggan

Image


Tani waxay muujinaysaa in tiradii ugu badneyd ee Muslimiinta Mareykanka ay soo baxeen tan iyo markii CAIR ay billowday diwaangelinta sanadkii 2020. Isla sannadkaas, 71 Muslimiin Maraykan ah ayaa la doortay xilal halka 17 hor leh ay sanadkan ku soo biireen.

Marka laga soo taga xilalka ay Muslimiinta guud ahaan ku guulaystaan sanadkan waxaa soo baxay tiradii ugu badnayd ee Soomaali Maraykan ah.

Toban murashax oo Soomaali ah ayaa kusoo baxay doorashada, iyagoo ku guuleystay hankoodii siyaasadeed, halka qaarkoodna ay dib u soo ceshadeen kuraastii ay horay ugu fadhiyeen.

Kursiga ugu saameynta badan ee Soomaalida waxaa dib ugu guuleysatay Ilhaan Cumar oo horay taariikhda ugu gashay ku biirista Aqalka Wakiillada Mareykanka.Sanadkii 2019-kii ayey gabadhan kasoo jeedda Soomaaliya noqotay haweeneydii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban ku biirta Congresska, waxayna sidoo kale ka mid ahayd labada gabdhood ee Muslimiinta ah ee loo doortay golahaas.

Saddex Soomaali ah ayaa ku guuleysatay kuraasta xildhibaannada Aqalka Hoose ee Minnesota labo kale oo Soomaali ahna ay ku guuleysteen doorashadii kuraasta Aqalka Saree e gobolkaas.Samakaab Xuseen, Maxamuud Nuur iyo Hodan Xasan ayaa loo doortay xubinnimada Aqalka Hoose ee Minnesota.

Soomaalida taariikhda cusub ka dhigtay doorashadan waxaa ka mid ah Zaynab Maxamed oo loo doortay kursiga Aqalka Saree e Minnesita, iyadoo noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah oo ku biirtay Aqalkaas.

Waxa ay Zaynab sidoo kale noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Madow ah oo xildhibaan ka noqotay Aqalka Sare ee gobolka Minnesota.Cumar Faatax ayaa mar kale dib loogu soo doortay Aqalka Saree e Minnesota oo uu horay xubin uga ahaa.

Deeqa Dhalac iyo Maana Cabdi oo ka mid ah siyaasiyiinta da’da yar ee Soomaalida Mareykanka ayaa loo doortay Aqalka Wakiillada ee gobolka Mine ee ku yaalla cirifka waqooyi-bari ee dalka Mareykanka.

Muniira Cabdullaahi iyo Ismaaciil Maxamed ayaa ku guuleystay tartankii ay u galeen ku biirista Golaha Wakiillada ee gobolka Ohio

XIGASHO:-BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip