Madaxweyne Xasan Sheikh: Booqashadayda Eritrea waxay xaqiijinaysaa dhismaha ciidamada xoogga dalka inuu yahay mid sal adag ku taagan

0
Sunday November 13, 2022 - 14:51:24 in Wararka by
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheikh: Booqashadayda Eritrea waxay xaqiijinaysaa dhismaha ciidamada xoogga dalka inuu yahay mid sal adag ku taagan

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu maalmihii ugu dambeeyay ku joogay dalka Eritrea.
Madaxweyne Xasan ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu kulamo la qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada badda iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya iyo kuwa la baray xogta sawir gacmeedka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay ciidanka tababarka loo soo xiray ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in ciidamada tababarka loo soo xiray ay u baahan yihiin in ay dalkooda u adeegaan, oo ay naftooda u huraan.


Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in uu u yimid Eritrea sidii uu u xaqiijin lahaa in geeddi-socodka dhismaha ciidamada xoogga dalka uu yahay mid sal adag ku taagan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip