Shirkadda Dahabshil Group ayaa Deeq Lacageed Ku Wareejisay Gudiga Gurmad Qaran ee XFS

0
Monday November 07, 2022 - 17:12:06 in Wararka by
  • Visits: 388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Dahabshil Group ayaa Deeq Lacageed Ku Wareejisay Gudiga Gurmad Qaran ee XFS

    Deeqdaas oo Gaareeysa $500,000 Taasoo Shirkadda horay ay U yaboohday Looguna Talaoagalay dadkii ku Wax-yeeloobay Qaraxyadii Zobe 2 & Kuwii Ku hanti -beeley Musiibadii Ka dhacday Isgoyska Zobe ee M/Muqdisho. Maamulaha Dahabshil Group koonfur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deeqdaas oo Gaareeysa $500,000 Taasoo Shirkadda horay ay U yaboohday Looguna Talaoagalay dadkii ku Wax-yeeloobay Qaraxyadii Zobe 2 & Kuwii Ku hanti -beeley Musiibadii Ka dhacday Isgoyska Zobe ee M/Muqdisho. Maamulaha Dahabshil Group koonfurta & bartamaha Soomaaliya Mudane Cumar Xasan Yoolac ayaa Ku Wareejiyay Deeqda Dahabshil Group ay bixisay Gudoomiyaha Gurmad Qaran ahna Wasiirka Caaifmaadka XFS Mudane Dr. Cali xaaji Aadan Isagoo ka dhawaajiyay in Dahabshil Mar-walba ka qeyb-qaadato Kaalmeynta bulshada soonaaliyeed Isagoo Tusaale U soo qaatay abaarihii & Fatahaadihii Ka dhacay dalka oo Shirkaddu Mar- waliba Ku bixin jirtay Musaacadooyin La taaban Karo Sidoo Kale Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka Sare ee Shirkadda Dahabshil Group Mudane C/raxmaan Cali Xaaji ayaa Ka Tacsiyadeeyay dadkii Ku Waxyooloobay Qaraxyadii Zobe 2 isagoo u balan -qaaday Qof Waliba oo Ka qeyb-qaadanaya Gurmad -Qaran in Akoonada Xawaalada Dahabshil & Dahabshil bank Si lacag la aan ah ugu soo diri karaan wixii dhaqaale ah ay ku taageerayaan dadkii Ku waxyeeloobay Musiibadii Zobe (2) Dhinaca hey'ada Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Waxaa u hadlay Gudoomiyaha hey'ada Mudane: Maxamuud Macalin ayaa bogaadiyay kaalinta Lama ilaabaanka ah ay Dahabshil Group ka geysatay Ololaha Gurmad -Qaran Musiibadii Zobe 2 dadkii Ku Waxyeeloobay & Kuwa Ku hanti beelay Q3 Ugu dambeyntii Waxaa Munaasabada Ka hadlay Wasiirka Caafimaadka XFS oo bogaadiyay Dahabshil Group Isagoo Tibaaxay in Lacagtii ugu badneyd abid ay Shirkad ganacsi bixiso Ku Taageertay Ololaha Gurmad Qaran Waxaa intaas dheer in Mar- Wabo oo dalka Musiibo ka dhacdo Shirkadda Dahabshil Group ka soo dhalaasho Mas' uuliyada ka Saaran bulshada Soomaaliyeed. Q4 Si kastaba ha ' ahaatee Dahabshil Group ayaa ayaa Ka qeyb-qaadata Caawibta Bulshada Soomaaliyeed Mar Walbo oo dalka ka dhacdo Musiibooyinka dabiiciga ah & Kuwa aan dabiiciga aheyn intaba











Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip