HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 7-DA NOVEMBAR 2022-KA

0
Monday November 07, 2022 - 08:43:02 in Wararka by
  • Visits: 440
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 7-DA NOVEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xasan Sheekh oo Xalay u safray Masar Ujeedka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Ma xamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee cimillada adduunka ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

Madaxweynaha iyo khuburada cimillada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shir ka COP-27 ayaa la wadaagaya Madaxda Caal amka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimil adu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkaas ku soo bandhigaya qorsheyaasha dowl adda Soomaaliya ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimillada.

Shirkaan uu ah mid caalami ah, isla markaana ay isugu imaanayaan madax aad u badan ayaa ka furmaya magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Habe en hore ka ambabaxay Muqdisho, waxayna gaare en magaalada uu shirkaasi ka furmayo ee Sharma Sheekh, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Masar.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, wasiirka arri maha dibadda, wasiirka bii’ada iyo wasiiru dowl aha madaxtooyada ayaa madaxweyne Xasan Sh.afarkaan ku wehliya.

Madaxweyne XASAN oo magacaabay la-taliye cusub

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shalay wareegto uu soo saaray ku magacaabay La-taliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada.

Xilkaan ayaa waxa uu madaxweyne Xasan Shekeh u magacaabay Mudane Nasa Ige.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in mudane Nasa Ige uu aqoon iyo waayo aragni mo ku filan u leeyahay hanaan ka faca weyn ee diblumaasiyadda dalkeenna, duruufaha ku xeeran iyo ahmiyadda xiriir caalamiga ah.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Alle uga baryey La-taliyaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwa ha barnaamijyada, in uu u fududeeyo masuuliyadda Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay Nasa Ige in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo mar kii uu xilka la wareegay magacaabay la-taliyeyaal badan, oo mararka qaarkood lagu weerarayo waxa ay qabtaan, balse dadka ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in magacaabistan ay tahay qancis loo sameynayo beelaha iyo maamul goboleedyada qaar, oo aysan la-taliyeyaasha wax talo ah siin madaxweynaha.

RW Xamse oo la kulmay Dhaqaatiir Muqdisho u timid gurmadka dhaawacyada qaraxyadii Soobe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Dhaqaatiir ka socday dalka Jabuuti oo Muqdisho u yimid sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dhaawacyada dad ka ay wax yeelladu ka soo gaartay qarixii Al-Shabaab ay ka geysteen isgoyska KM5 29-kii bishii hore. Dhaqaatiirta oo gaareysa 20, ayaa intii ay ku sugnaayeen Caasimadda Muqdisho, waxa ay ka qeyb-qaateen daaweynta iyo daryeelka dhaawacyada ku jira isbitaallada Muqdisho, iyagoo gacan siin aya dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhaqaatiirta, dowladda iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti taageeradooda hagar la’aan eed ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed xiligan adag.

Md.Xamse oo xusay doorkii muhiimka ahaa ee dowladda Jabuuti ay ka geysatay dowlad-dhiska Soomaaliya, ayaa ku ammaanay sida ay mar walba ugu taagan yihiin gacan qabashada ummadda Soomaaliyeed marxalad walba oo ay ku sugan yihiin.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Sii-hayaha Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Md.Maxamed-Rashiid Ibraahim Yuusuf & Guddiga Qaranka ee Gurmadka Qaraxii KM5.

R/W Rooble: Inaan dagaalka Al-Shabaab ku dhinto ayaan diyaar u ahay

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Md. Ma xamed Xuseen Rooble oo la hadlayey jaal iyadda Soomaaliyeed ee Sweden ayaa ka war ramay xa aladda guud ee dalka, ga ar ahaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Shabaab.

Rooble oo khudbad ka jeediyey madal loogu duceynayey dadkii ku dhintay qaraxyadii 29-kii bishii hore ee October ka dhacay agagaarka Zoobe ayaa jeediyey baaq cul us oo ku aadan in loo midoobo dagaalka adag ee haatan lagu jiro xoogaga hubeysan ee kooxda Shabaab.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa shaaca ka qaaday in isagu diyaar u yahay inuu dagaalka ka qayb-galo, islamarkaana uu naftiisa u huro xor eynta dalka.

"Aan isbaheysano cadowgaan cadow soo jiray waayey, aniga diyaar ayaan u ahay inaan ku dhin to dagaalka naf kastaa maalinbey ku egtahay, laa kiin carruurteena ayaa badbaadeyso” ayuu yiri ra’I isul wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano horleh oo ka tirsan Sh/Dhexe

Ciidamada dowladda oo ay hoggaaminayaan Xildhibaannaa kala ah Xaadoole iyo Yuusuf Kaba ale ayaa Shalay Al-Shabaab kala wareegay dega ano katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe kadib howlgallo xoog an oo ay fuliy een.

Degaannada ay Ciidamada la wareegeen ayaa waxaa ay kala yihiin , Xagareey, Guu lane, Maxaa Saciid, Nuur Dugle iyo Cad cadeey oo dha mmaantood u dow degmada Aadan-yabaal oo ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe.

Afhayeenka Maamulka Hir-Shabeelle Daa’ud Xaaji Cirro ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ku dhow yihiin degmada Aadan-yabaal oo ah farii sinka ugu weyn Al-Shabaab ee Gobolka Shabe ellaha dhexe.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada dow ladda oo ay hoggaaminayaan Ciidamada dowlad da oo ay hoggaaminayaan Xildhibaannaa kala ah Xaadoole iyo Yuusuf Kabaale waxaa ay wadeen howlgallo xoogan, iyaga oo la wareegay tuulooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sh, oo la kulmay Guddiga Qaran ee la dagaalanka Lacaga Sharci-darra da iyo ka hortaga Maalgelinta Argagaxisada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soo maaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaq idda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagax isada (AML/CFT) ayaa ku adkeeyey dardar gelinta qor shaha qaran ee lagu curyaaminayo ilaha dhaqaale ee maal-geliya falalka arxan darrada ah ee khaw aarijta Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo furimaha dagaalka, waxa uuna tilmaamay doorka muhiimka ah ee ganacsat ada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sidii dadka Soo maaliyeed looga dulqaadi lahaa xasuuqa, boobka iyo gumeysiga ay ku heyso argagixisadu.

Guddigan Qaran oo la aas-aasay sanadkii 20 16-kii ayaa waxaa ku mideysan hay’a do dalka ee dhanka dhaqaala ha, amni ga iyo garsoorka, iyadoo ay Madaxwe ynaha uga warbixiyeen baraarugga ganacsatada Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada, wa xa ayna tilmaameen sida ay hoos uga dhacayso baadda khawaarijtu ay ka qaadi jireen ganacsata da Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku celiy ey go’aankiisii ku aaddanaa ganacsatada la mac aamisha argagixisada, waxa uuna sheegay in ci ddii dhaqaale siisa argagixisada ay door ka qaat een qaraxyada iyo xasuuqa lagu gumaaday arday da, hooyooyinka, waxgaradka iyo guud ahaan dad ka Soomaaliyeed ee birmu-geydada ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha waxa uu faray in la dar dar geliyo qorshaha ciribtirka khataraha ma aliyadeed, si dalka loogu diyaariyo in uu ka gudbo qiimaynta Hay’ada la dagaalanka Kahataraha maa liyadeed ee Bariga Dhaxe iyo Waqooyiga Afrika (MENAFAT).

Kulankan waxaa ka qeyb galay Wasiirrada Xu kuumadda Federaalka Soomaaliya ee, Maaliyad da, Cadaaladda, Amniga Gudaha, Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sir doonkq Qaranka, Guddoomiyahq Bangiga Dhexe, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Agaasimaha Hey’ adda Warbixinada Maaliyadeed (FRC).

Madaxda Dowladda Federaalka oo Muqdisho ugu yeeray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan

Waxaa Shalay magaalada Muqdisho soo ga aray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo kasoo safray maga alada Beledwe yne, iyadoo ay la socdaan qaar ka mida xild hi baanada Golaha Shacabka.

Waxaa Guddoomiye Cali Jeyte la socday xildhiba anada kala ah Maxamed Cabduqaadir Ma xamed iyo Maxamed Cabdullaahi Buraalle oo katir san Golaha Shacabka, waxaana ujeedka loogu yeer ay la sheegay inuu la kulmayo Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ah hoggaa miye Gobol oo hormuud u ah dagaalka looga horj eedo Alshabaab ayaa hoostaga maamulka Hirsha belle, waxayna wararku sheegayaan in u yeerista Madaxtooyada ay xaalad ka dhex abuureyso Ma daxda dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha Hirshabeelle.Dagaalka lagala horjeedo Alshabaab oo ka cu rtay Gobolka Hiiran ayaa weli socda, isa goo ku fa afay Gobolka Sh/Dhexe, laakiin waxaa soo ba xay arrimo badan oo xalin uga baahan dow ladda Fed eraalka.


DF oo shaacisay natiijada laga gaaray daga alka Al-Shabaab Afar bil ka dib

Afartii bilood ee lasoo dhaafay waxaa inta bad an gobollada dalka, gaar ahaan HirShabelle iyo Galmudug ka socday abaabul iyo kacdoon culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo weli ka soco Hiiraan, Galgaduud iyo Sh/Dhexe.

Howlgalladan oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa iska ka ashanaya, ciidamada dowlad da Soomaaliya iyo sidoo kale KUWA deegaanka ee loo yaq aano Macawiisleyda.

Haddaba Maxaa natiijo ah oo laga gaaray dagaal ka Al-Shabaab afar bil kadib?

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soom aaliya oo ka hadlayey howlgallada socdo ayaa sheegay in guullo laga gaaray, tan iyo markii ay billowdeen dagaallada Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa she egay in markii hore Al-Shabaab ay joogeen xadka Itoobiya, balse haatan 90% laga saaray deegaan ada gobolka Hiiraan, islamarkaana uu dagaalka ka socdo xadka gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu hadalka u dhigay.

"Afar bilood kahor Al-Shabaab meesha ay ka joogeen gobolka Hiiraan iyo meesha ay Shalay ka joogaan qof kasta oo Soomaaliyeed ha cabiro. Wa xay joogeen xadka Itoobiya intay dhaafee gobol ka, Shalayna xabaddii ugu dambeysay waxay ka dhaceysaa xadka gobolka Shabeelaha Dhexe,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray "Taas mic naheedu waxa ay tahay in 90% dadka deegaanka iyo ciidamada qaranka ay ka guuleysteen inay kha waarijta ka xoreeyaan,”

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli dagaallo qaraar ay ka socdaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay da gaalka ku biireen diyaaradaha dagaalka ee Marey kanka iyo Turkiga.

Wasaaradda Howlaha Guud oo dib u dhiseysa Bangiga Dhiigga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdi raxmaan Sh. Bashiir ayaa Shalay ku wareejiyey $6600 Haay’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka oo ay iska soo ururiyeen madaxda & Shaqaalaha Wasaaradda iyo Wakaal adda horu marinta dhismaha si ay qeyb uga noqoto gurmad ka lagu garab istaagayo dadkii ay saameynta ku yeesheen qaraxyadii ka dhacay isgoyka Zoobe 29, Oct 2022.

Munaasibadda Wareejinta deeqdan ayaa waxaa goob joog ka ah aa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud XFS Xildh. Ismaaciil Cabdira xmaan Sh. Bashiir, Wa siir ku xigeenka Mudane Maxamed Cali Maxam uud, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maaree yaha Haayadda Horumarinta Dhismaha, Agaas ime Waaxeeyada Wasaaradda & Qaar kamid ah shaqaalaha.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdi raxmaan Sh. Bashiir ayaa goobta ka sheegay in uu aad uga xunyahay masuubadii goobta ka dha cday, Wasaaradda Hawlaha Guud DFS ay kaali nteeda ka qaadanayso.

Dhanka kale Wasiir Ismaaciil waxa uu shee gay in Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS ay dib u dhis ku samayn doonto Bangigii Dhiigga Soo maaliya kaasoo baahi aad u wayn looqabo xilliya da ay dhacaan qaraxyadu. Wasiir Ismaaciil waxa kale oo uu xusay in Was aaradda Hawlaha Guud DFS ay dib u dhis ku sam aynaso xarumaha danta guud ee ay burburiyeen argagixisadu, Buundada magaalada Buulaburde ee dhowaan ay qarxiyeen nabadiidku ayuu sheeg ay in Wasaaradda Hawlaha Guud u diray Injineero ku sameeyey qiimayn khasaaraha & kharashka ku baxaya dhowaanna dib u dhis lagu bilaabi doono.

Maareeyaha Haay’adda Maareeynta Masiibooyin ka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyey Madaxda Wasaaradda & Shaqaalaha garab istaagooda dadkii ku wax-yeelo obay qaraxyadii Zoobe, Bangiga dhiigga ayuu sheegay in si deg deg ah loogu baahanyahay

Xildhibaan Sanbaloolshe oo ka digay isa suuxinta Shabaab

Inkastoo maleeshiyada Al Shabaab laga saar ay inta badan deegaanada Gobolka Hiiraan ayuu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalool she) uu ciidamada uga digay isa suuxinta male eshiyadaasi.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali oo ka tir san Xildhibaanada Golaha Shacabka, balse haa tan ka mid ah masuuliyiinta hoggaaminaya hawl galada ka socda gobolkaasi ayaa sheegay in Shabaabku yihiin kuwo dhagar badan, oo mar kasta oo meel laga saara na goob kale u wareegga.

Waxa uu ciidamadu ku ammaanay in awood ahaan ay Shabaabka naafeeyeen, balse aanay weli ka fogayn, inta buu yiri tallaalkiisu dambeeyo.

"Codowgii waad naafeyseen, laakiin meel ma jir yo, inta tallaalkiisu dambeeyo meel kaama jiro.” Ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali oo ciidamada kula hadlayay deegaanka Qandho.

Waxa kaloo uu yiri "Deegaanada deriska, mar dhow waxaan rajaynayaa, haddii Ilaahay yiraahdo inaad isa soo gaartaan, dadka deegaan idiinku xig ga, hadday noqoto bari iyo hadday noqoto koon furba.”

"In yaraa idin dhiman, Inta la idiinka soo gaara ya dulqaata, inta yaroo idinku jirto ee meelaha madaxa ka soo taag taageysana madaxa ka guu ra oo iska sifeeya.” Ayuu yiri Sanbalooshe.

Sanbaloolshe ayaa yiri "Kol dhiigaaga, Allaha ka dhigee dhiigaaga, hadduu sumoobo waa la is ka daadiyaa, Shabaab waa dhilqo, waa niman ma ro ku dheg ah, waa niman qaa’imiin ah, waa nim an dhagar badan, waa niman mintid ah, waa nim an haddaad geedka dhinaciisa galbeed aad ka bi xiso dhinaciisa bari degaaya, waa niman aan guul kuu ogoleyn, waa niman aan naxariisan lahayn, asaguna aan isu naxariisanayn, idinkana aan idin naxariisanayn, Soomaalina aan u naxariisanayn.”

Waxa uu hadalkiisa ku xoojiyay "Waxa aad ka difa aceysaan lafihiina keliya ma ahanee Islaam meel uu jooggo iyo Soomaali meel ay joogtaba ayaad ka difaaceysaan, mahad ha idinka gaarto.”

Sanbaloolshe oo ciidamada bogaadinayay ay aa yiri "Shabaab iyo idinka wax dambe oo asxaan ah oo idiin ka dhaxeeya ma jiraan.”

Marka laga soo taggo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo leh abaabulka iyo dardargelinta hawlgalada, haddana Sanbaloolshe ayaa loo arkaa mid ka mida garbaha ay ku duula an ciidamadu.

Nin ‘taageeri jiray’ FARMAAJO oo qirtay inuu dhibaateeyey dad badan Mid ka mid ah taageerayaashii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farma ajo ayaa sheegay inuu dhibaateeyey dhowr qof oo mucaarad ku ahaa dowladii Farmaajo.

Ninkaan oo magaciisa la qariyey ayaa la soo xari iray Kheekh Usuuli oo barnaamij ka baxa TV-ga Universal su’aalaha diiniga ah lagu weydiiyo.

Ninka la soo xariiray Sheekha ayaa yiri, "Xiligii dowladii hore ee Farmaajo Allaha xafidee ayaan taageero u ahaa, mucaarad badan ayaa joogay magaalada, ana waan dili jiray qofkii ka soo hor jeeda Farmaajo.”

Ninkaan ayaa sheegay in dadka uusan toos u dili jirin, balse ay ga raafo gaarsii jireen, isaga iyo koox kale oo la taageersaneed mada xweyne Farmaajo.

"Dhimasho ma geysan, laakiin dadka inta luuq u galno ayaan nabar xoog leh ku dhufa jirnay, mar ka dadkaas ma ayagii ayaan cafis weydiistaa? Mi se Ilaahey ayaan cafis ka baryaa?” ayuu yiri nink aan la soo xiriiray Sheekh Usuuli.

Wuxuu sheegay in nin kale oo ka tirsanaa ciidam ada dowladda uu ku hagi jiray dadka la beegsan ayo ee mucaaradka ku ahaa Farmaajo.

Sheekh Usuuli ayaa u sheegay ninkaas la soo xiriiray inuu cafis weydiisto dadkii uu dhibka gaarsi iyey hadii uu garanayo, sidoo kale wuxuu kula dar daarmay in qof dambe uusan u dhibaateyn fikirk iisa ama raali gelinta qof kale.

Xeebta markii ay ku dhacday cimilo xun..

Sheekh Soomow oo sheegay in tallaabo ay qaa day DF ay yareysay doorkii culimada

Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo kamida Culi mada magaalada Muqdisho ayaa markii u horeys ay ka hadlay dhaliilo loo jeediyay Culimada, taasi oo la xiriirtay qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Zoo be 29-kii October 20222.

Sheekh Soomow ayaa sheegay in Culimada ay gudatay waajib koodii kaga aadana qaraxyadii Zoobe 2, islamarkaana ay u da ba fadhisanayaan arrintaan hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo dowladda u igmatay.

"Culimada waxaa laga rabay in naftooda ka bilaaban oo wax bixiya an, dhi gooda iyo hanti dooda bixiy aan oo ay jiheeyaan umadda. Wa xaa fari istay telefishan ka Qaranka aniga oo ku hadlaya afka culim ada Soomaaliyeed oo ku baaqay in lasoo gurma do,” ayuu yiri.

"Baaqii waa laga jawaabay Alxamdulilah, wax aa bilaabay wiilkayga curadka ah oo xertaydii geb igooda meeshay tageen oo dhiig ayey bixiyeen. Kulan deg deg ah ayaa isugu imanaya anaga iyo ganacsatada oo lacago ayaa jira ay yabooheen, waxaa wadna wacyi-gelin gudaha iyo dibadda.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in isbedelka ka liya ee jira uu yahay in dowladdii hore ay hogaam inta masiibadii Zoobe 1 ay u igmatay masuuliyade eda culimadda, hase yeeshe ay dowladdaan iyadu u xilsaartay hogaaminta arrintaasi hay’adda Maare ynta Masiibooyinka.

"Dorraad dowladdii xiligaas jirtay iyada tiri Cul imada hogaamiya, dowladda hadda jirta waxa u dhisan hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo had dii ay yiraahdaan Culimada ha hogaamiyaan diy aar ayaa u nahay hadeysa dhihin hay’addaha jira inaan caawino ayaa diyaar u nahay, ma nihin dad xil u rooraya.” Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay "Tallo ayaa bixineyna oo wax dheefkeena iyo xoogeena bixineyna laakiin ma lihin oo eedeyn in aan ku mudano u maleyn maayo, ma waxa la rab

ay in aan dhahno dowladda waa khilaafeyna.”


Urrurada ka gudbay tartankii madax taabshada urrurada siyaasada Somalil and oo lagu dhawaaqay

Guddida Furista iyo Ansixinta Urrurada Siyaa sada Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in 9 urrur siyaasadeed ay kasoo gudbeen tartankii ma dax taabashada kunka qof oo lagu kala saarayay 14 urrur. Urrur siyaasadeedyada kasoo gudbay tart anka madax taabashada kunka qof, oo urrur wal ba laga rabay in uu ugu yaraan kun qof ka helo gobol kasta, ayay gu ddidu ku dhawaaqday in ay kasoo gudbeen urrurada kala ah Kaah, Shacabka, Waaberi, Hillaac, Rejo, Barwaaqo, Mideeye, Ogaal iyo Hors eed.

Dhinaca kale, urrurada kala ah Iftiin,Talo-wad aag, Ubax, Daljir iyo Miisaan, ayaa ku hadhay tar tankii madaxtabaashada, waxayna ku guuldaray steen in ay gobolada oodhan ka wada helaan tir radii la rabay. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka guddi da furista iyo ansixinta urrurada siyaasada:-

QM oo ku baaqday in la xoojiyo cunaqa batey nta hubka ee saaran Soomaaliya

Guddiga khubarada ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha la xiriira la socodka hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya ayaa kula taliya ya golaha ammaanka ee Qaramada midoobay in la ballaariyo shuruudaha liiska cunaqabata ynta ee saaran Soomaaliya.

Warbixintii ugu dambeeysay ay Guddiga soo saaareen bil ihii September iyo October ku sheegay in tallaabooyinkan ay muhiim u yihiin wax ka qabashada qorshaynta, jihaynta, taageeridda kooxaha xagjiriinta, iyo go’d oomintooda dhaqaale ee magaalooyinka Sooma aliya.

Warbixinta ay soo saareen guddigan, wax ay ku soo aaday xilli dowladda Soomaaliya oo haatan dagaal kula jirta Alshabaab, ay dhowaan midowga Afrika ka codsatay in laga qaado cunaqabataynta hubka ee saaran.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ad ag tahay si looga guulaysto Alshabaab, iyadoo cii damadeedu aysan helin hub casri ah oo ay kula dagaalamaan Alshabaab.

Dhawaan, Maraykanka ayaa sidoo kale soo ro gay cunaqabatayn ka dhan ah Daacishta Sooma aliya. Maraykanka ayaa cunaqabataynta dulsaar ay xubno ka tirsan Daacish iyo kuwa kale oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin shabakad hubka usoo iibisa Shabaab iyo Daacish.

Korneyl Cabdullaahi Barre oo ka sheekeeyay dhacdo ay ku arkayn Ceel Hareeri

Korneyl Cabdullaahi Barre oo ka mid ah Sar aakiishii hoggaamineysay gulufka ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawiisle yda kula wareegeen deegaanka Ceel Hareeri ayaa faah faahiy ay gulufkaasi iyo dhacdo uu sheegay inay ku arkayn deega ankaasi.

Ceel Hareeri oo hoostagta Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale waxay 15km u jirt aa Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabe llaha Dhexe.

Korneyl Cabdullaahi Barre Cilmi ayaa sheegay in ciidamadooda ay si buuxdo gacanta ugu hay aan deegaankaasi iyo weliba aagga deegaanka Garas-magan.

"Raggii meydadkaasi meesha soo dhigay ayaa ga canta ku haya, raggaasuna waa Ciidamadii Dowl adda iyo kuwii deegaanka oo is garabsanaya.” Ayuu yiri Korneyl Cabdullaahi Barre oo intaasi ku daray "Meesha waa lagu weeraray, ugu dambayn tiina waa lagu burburiyay, waa taas meydkoodii la soo bandhigay oo talisyada laga qabsaday.”

Korneyl Cabdullaahi Barre oo hor ey u soo noqday Abaanduulaha Guutada 5aad, Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa si doo kale sheegay in difaacyadii Shabaabka ay ku arkayn xubno Shabaab ah oo lugaha ka dabran.

"Niman qaarkood lugaha iyo feeraha ka xir-xi ran yihiin oo xabad ridaayaa meesha ugu tagnay, xargihiiyaa ka soo furfurnay oo aan soo jeednay, oo meydkoodii soo dhignay meesha.” Ayuu yiri Korneyl Cabdullaahi Barre.

Sarkaalkan ayaa ku waramaya in maleeshiya da Al Shabaab ay ugu talagaleen in halkaasi lagu dilo, isla-markaana aysan baqin, isagoona xusay inay isticmaalayeen waxyaabaha maanka-dooriya.

"In meesha lagu dilo maahee inaysan baqaninee ugu talagaleen. Tramadol oo ah kuwii sharooboo yinka iyo kuwii la qasaayay intaba meesha ayay u yaalleen, way cabayeen.” Ayuu yiri Korneyl Barre.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in Shabaabku ay hadda Gobolka Hiiraan kaga sugan yihiin dhul masaafo ahaan gaaraya 10km, waana dhul uu sheegay dhaca xadka, dagaalka gobolkaasina uu geba-gabo ku dhowyahay.

Dagaalkan Ceel Hareeri ka dhacay oo qaatay saacado badan ayaa noqonaya kiisii ugu khasaar aha badnaa ee Shabaabka lagu gaarsiiyo gobolka asi, sida uu Jimcihii sheegay Afhayeenka Wasaar adda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood.

General Caanood ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay 100 nin, ee ay ku jiraan buu yiri dhallin yaro xoolo dhaqata iyo beeraley iska ah oo la soo raafay, dagaalkana lagu soo khasbay.

"Boqolka qof ee dhintay ma wada ahayn dadkii ayaga u shaqeynayay, ee ay ku jiraan dhallinyaro xoolo dhaqata iyo beeraley iska ah oo la soo raa fay, dagaalkana lagu soo khasbay.” Ayuu yiri Ge neral Caanood.

"Beeryaraha Iyo Hal Kili Ayaan Qaraxa Ku Wa ayey” – Muuse Oo Isbitaal Ku Jira

Muuse Xasan Cawaale oo kamid ahaa boqola alkii qof ee dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxyadii Soobe 2 ayaa ka sheekeeyey xaaladii xa nuunka badneed ee maalintaas qabsatay.

Muuse ayaa ka mid ahaa ganac satada sarafka lacagaha, wuxuu ka badbaaday qa raxii Soobe 1 oo sida uu sheegay indhihiisa uu ku arkay gaarigii qarxay ee boqolaalka qof laayey 14-kii October 2017-kii.

Maalintaas wuxuu sheegay inuu badbaaday oo waxaba aysan soo gaarin, inkastoo uusan sha raxin sida uu uga badbaaday qaraxaas, hadda dhaawacyo aad u culus ayaa ka soo gaaray qara xii koowaad ee isgoyska Soobe ka dhacay 29-kii bishii hore ee October.

Beeryaraha iyo hal kili ayuu sheegay inuu ku waayay qaraxii koowaad ee Soobbe 2, sidoo kale gacantiisa midig ayuu sheegay inay labo meelood ka jabtay.

Bukaankaan uu lagu dabiibayo isbitaalka Mad iina, waxaa soo wareystay TV-ga Universal, wux uuna markii dambe cesha waayey ilinta, isagoo aad u dareensan xaaladda xun ee dalka ka jirta, hadana wuxuu mar kasta muujinayey inuu ku qanacsan yahay qadarta Alle.

Hadallada ugu badan ee carrabkiisa ku soo noqnoqanayey waxaa ka mid ahaa "Alle ayaa noo qoray sidaan, dalkeena xaaladda ka jirta ayaa iska sidaan ah, magaraneyno sababta naloo beegsad ay, waa nagu daba dheeraaday dagaalkaan iyo fa dlan xal kale hala raadiyo sidaan waa lagu ba aba’aye.”

Dhibane Muuse Xasan Cawaale ayaa ilinta ce sha waayey, markii uu soo xasuu stay saaxiibadi isii lagu laayey qaraxyadii Soobe 1 iyo Soobe 2, kuwaas oo 10 sano ay halkaas ka wada shaqeys anayeen. Wuxuu soo tiriyey magacyada saaxiiba diis oo wada dhintay.

Ugu dambeyntii bukaankaan oo xaalad quus ah laga dheehan karay hadalkiisa ayaa dadka Soo maaliyeed ugu baaqay inay sidaan ka dhiidhiyaan oo talo mideysan ay ka yeeshaan gumaadka ku socda.

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaano dhowr ah

Howlgal uu horkacayay GudDoomiyaha Gobol ka Shabellaha hoose Ibraahim Aadan Cali Najax kana dhan ahaa Al-Shabaab ayaa laga sameeyay tuulooyin hoostaga degmada Walanweyn ee Gob olka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada dowladda, ku wa daraawiishta Koon fur Galbeed ayaa howlgalka kula wareegay tuul oyinka kala ah, Balow,Murugey, Siigoole,Moora guusha ,Culo goof,Ceel hubeer, Culo bar baare, Culo biyoole, Gabaherig, Gooba ale oo dhaca xuduuda Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inAl-Shabaab ay isaga baxeen deegaa nada uu howlgalka ka dhacay ,Ciidamada Xooga dalka, Daraawiishta koonfurgalbeed ayaa howlgal ka ka gacan siiyay Maamulka Gobolka.

Dhinaca masuuliyiinta ayaa kormeer ku tagay deegaanno dhawaan ay ka dhaceen dirir u dhaxeysay beeleed, iyagoo odayaasha dhaqanka aan boorinay dadaalkooda ku aadan xaqiijinta Na bada.

Mareykanka Oo War Kasoo Saaray Duqeyn Uu Ku Dilay Xubno Ka Tirsanaa Al-Shabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaarada afr ika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa ka hadlay duq eyn diyaaradeed oo dhanka ci rka oo ay ka fuliyeen khamiis tii lasoo dhaafay ee 3-da Nove mber meel u dhow degmada Cadala ee Gobolka Sh/Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta diyaarade ed lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaa lyahano ka tirsanaa Al-shabaab, isla markaana du qeynta ay ka dhalatay khasaaro nafeed oo gaaray shabaabka.

Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in duq eynta ka dhacday meel ku dhow degmada Cadale ay ku dileen 15-xubnood oo kamid ahaa Al-shaba ab, waa sida lagu yiri Qoraalka ay soo saareen Ta liska Ciidamada Mareykanka ee loo yaqaan AFRI COM.

Sidoo kale waxaa ay tilmaameen in duqeynta diyaaradeed ay ku timid Codsi dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama Al-shabaab ay weerar culus kusoo qaadeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa degaano ka tirsan Shabe ellaha Dhexe.

Sida ay Warka ku sheegeen Mareykanka, duq eynta ayaan wax khasaaro dhimasho ama dhaaw ac ah kasoo gaarin dadkii shacabka ahaa ee goob ta ka agdhawaa, isla markaana la bartilmaameed saday oo kaliya xubnihii Shabaabka oo goob ku sugnaa.Dhinaca kale Qoraal kasoo baxay Al-Sha baab ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykan ka ay gelinkii dambe ee Khamiistii kusoo biireen dagaal saacado badan socday oo Shabaabka iyo ciidamada dowladda ku dhex-maray deegaanka ta rdo ee Gobolka Hiiraan, duqeyntaasna looga dilay 8-xubnood, waa sida ay sheegeen Shabaabka.

Diyaarad helicopter ah ay ku burburtay koon furta dalka Talyaaniga oo ay ku dhinteen 7 qof oo Ciidamo ah

Dhammaan 7-dii qof ee la socday ayaa dhin tay markii diyaarad helicopter ah ay ku burburtay koonfurta dalka Talyaaniga Sabtidii, sida ay sheegtay warbaahinta Taly aaniga.

Diyaaradda helicopter-ka ayaa laga waayay raadaar ka Castelpagano di Apricena, oo ah dhul beereed ku yaala gobolka Puglia. Waxay kicisay hawlgal baadi goob ah oo ay ka qayb qaateen ciidamada cirka iyo kuwa dab-damiska.

Ku xigeenka madaxa maamulka gobolka, Raff aele Piemontese, ayaa markii dambe xaqiijiyay in dhammaan todobadii qof ee saarnaa ay naftoodii ku waayeen, sida uu sheegay Corriere della Sera.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah qoys ka kooban afar dalxiisayaal ah oo ka yimid Slovenia, oo ay ku jirto gabar 13 jir ah, sida uu sheegay wargeyska. Dhaqtar deegaanka ah iyo labadii duuliye ee diya aradda helicopter-ka ayaa sidoo kale dhintay.

Diyaaradda helicopter-ka ayaa ku duuleysay waddo u dhexeysa Foggia ee Puglia iyo jasiirad aha Tremiti ee

Kenya oo faah faahisay sababta ay ciidammo ugu direyso Kongo

In ka badan 100,000 oo qof ayaa guryahooda ka cararay halka tobanaan qofna la dilay ka dib markii uu dib u qafrxay dagaal u dhaxeeya ciidam ada Kongo iyo fallaagada M23. Waa dagaalkii ugu muddada dheeraa sidoo ka lana ugu dhimashada bad naa.

Hada se ciidamada Ken ya ayaa ku biiraya dagaal ka si ay u taageeraan mil atariga Kongo, xasiloonidana dib loogu soo celiyo dalkan qaniga ku ah macdanta.

Wasiirka Gaashaan dhigga Kenya Aadan Bar re Ducaale ayaa bartiisa Twitter soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo ciidamada Kenya ay u direyso DRC Congo ka dib markii uu ka qeyb galay xaf ladda sagootint ooda: "Kenya, iyada oo raadina ysa in ay hogaamiso kobaca gobolka Bariga Afri ka, waxa ay danayn qoto dheer oo joogto ah u le edahay ilaalinta nabadda Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.”

"Waxaan aad uga shaqeynaynay sidii aan be esha caalamka ugu abaabuli lahayn inay taageer to ciidamada bariga Afrika,” ayuu yiri wasiirka gaa shaandhigga Kenya Aadan Ducaale oo munaasabadda ka hadlayay.

WARAR DHEERAAD AH OO KA SOO KORDHAY TOOGASHADII LAGU DHAAWACAY IMRAN KHAN

Raiisel wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif

XIGASHADA SAWIRKA,PTV

Raysal wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa ka codsad ay madaxa cadaaladda Umar At ta Bandyal inuu sameeyo guddi dhamaystiran oo baa ra eedeym aha Imran Khan ee ah in xubna sarsare oo dowla ddaq ka tirsan ay soo maleegeen isku day khaarijin isaga ka dhan ah.

Shahbaz Sharif ayaa sheegay in haddii codsigan Shalay la aqbali waayo ay su’aalahaasi sii socon do onaan xilliyada soo socda, islamarkaana wararkan uu dhammaan doono oo kali ah marka xaqiiqada la ga soo saaro maxkamadda.

Raysal wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa dhanka kale ku eedeeyay Imran Khan inuu ka soo horjeestay hay'adda sirdoonka qarankaee ISI- iyo cii damada, uuna soo jeediyay eedeymo aysan cidina ka fileyn.Shahbaz Sharif ayaa sheegay in Hindiya ay ka jirto farxad ku aadan hadalka Imran Khan. Waxa uu sheegay in eedeyma "been abuur ah" uu Imran Khan u soo jeediyay isaga, wasiirka arrimaha guda ha Rana Sanaullah iyo 'sarkaalka kale oo sar sare'.

Raysal Wasaaruha waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii lagu dhaawacay Imran Khan.

Mr Shahbaz ayaa caafimaad degdeg ah u rajeeyay Imran Khan.

Raysal wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa ku eedeeyay madaxwaynaha imika xilka haya, Shehbaz Sharif, inuu ku lug lahaa shirqool la doona yay in lagu dilo. Wasiirka arrimaha gudaha Rana Sa naullah iyo madaxa sirdoonka dalkaasi Faisal Named Naseera ayuu sidoo kale Mr Khan sheegay inay maleegeen shirqool isaga lagu dilayo.

"Saddexdan waxay go'aansadeen inay i dilaan," ayuu yiri Mr Khan.Dowladda Pakistaan ayaa beeni say eedeynta uu Mr Khan soo jeediyay.

Imran Khan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Dhanka kale booloiiska gobolka Wazirabad ayaa sheegay in ay qof kale u qabt een weerarkii lagu qaa day ko lanyo uu la socday Imran Khan khamiistii. Koo xo ka tir san hay’adaha ammaanka ayaa helay diiwaanka dha mmaan kaamir ooyinka CCTV-ga ee wadda da ay dhacdado ka dhacday.

Booliiska ayaa hore u soo ba ndhigay nin ay shee geen in uu gaystay weerarkii la gu qaad ay Imran Khan. Rai'sul wasaa rihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa dhankiisa Shalay lagu wa daa in uu qabto shir jaraa'id oo uu uga hadlayo xaala dahii ugu dam beeyay.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Mr Khan laga soo saaro isbataalka oo uu maalmihii u dambeeyay looga daweynayay dhaawaca soo gaaray. Maxaa dhacay Khamiistii?

Isu soo bixii xisbiga Imran Khan oo ka soo billowd ay Lahore kuna socday Islamabad ayaa gaaray Guj ranwala oo ka tirsan gobolka Punjab.

Kumannaan qof ayaa la socday kolonyadan. Imr an Khan ayaa saarnaa gaari korka ka bannaan isaga iyo qaar ka mid ah madaxda sare ee xisbiga.

Ka dibna qof ayaa billaabay inuu rasaas furo. Markii dambe waa laga itaal roonaaday ninkii weerar ka geystay, waxaana ku dhawaacmay 14 qof , hal qo fna waa uu ku naf waayey.

Taas waxaa barbar socday, Imran Khan ayaa si doo kale lugta laga toogtay.

Imran Khan ayaa isla markiiba la dhigay isbitaal ka Shaukat Khanum ee magaalada Lohar, halkaasoo lagu sameeyay qalliin Habeen hore xilli dambe, wa xaana hadda la sheegay inuusan dhaawaciisa halis ahayn.XIGASHO:-BBC

MARKII TRUMP OBAMA IYO BIDEN AY HAL ME EL ISUGU TAGEEN SI HAL FARRIN AY GUDBIYA AN? OBAMA IYO BIDEN

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waa naadir in Donald Trump uu diro fariin la mid ah tan Barack Obama iyo Joe Biden – balse waxay dhacday markii Trump oo Jam huuriga ka socda iyo labadan hoggaamiye ee Dimuqraadiga ah ay olole ka sameeyeen Pe nnsylvania hal maalin.

Raggan siyaasadda Cadawga ku ayaa dhamaantood waxay ku booriyeen dadka ku sugan sugan gobolkan muhiimka ah inay codeeyaan.

Biden iyo Obama ayaa doorashada ku tilmaamay da gaal dimuquraadiyadeed, halka Mr Trump uu sheeg ay in ammaanka iyo amniga dalka uu safka hore ku jiro.Doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka ee Tala adada ayaa go'aamin doonta xakamaynta aqa lka Co ngress-ka ee labada xisbi.

Dhammaan 435-ta kursi ee golaha wakiilada ayaa lagu tartamayaa, halka 35 ay u tartamayaan golaha guurtida.

Gobolka Pennsylvania, waxaa ku tartamaya mushar raxa Senet-ka Dimuqraadiga John Fetterman, oo 53 jir ah , iyo Mehmet Oz, 62 oo Jamhuuriga ku tartama ya. In labadii madaxweyn aye ee hore ee Mareykan ka iyo Madaxweyne Biden ay tagaan gobolk ka hor doorashada ayaa muujisay muhiimadda gobolka Pennsylvania.

Guushii Mr Trump uu ka gaaray Pennsylvania ay aa ka caawisay in tago Aqalka Cad sanadkii 2016-kii.

Isagoo ka hadlayay Philadelphia Sabtidii, Mr Biden wuxuu caddeeyay inay "wanaagsan tahay in gurigiisa la joogo".

Wuxuu uga digay dadkii badnaa in ku guul darey siga soo celinta aqlabiyadda Dimuqraadiga ee Aqal ka Wakiilada iyo Senatka ay la macno tahay xannib aado dheeri ah oo ku saabsan xuquuqda ilmo soo rid idda iyo dhimista daryeelka caafimaadka bulshada.

In kasta oo Dimuqraadiyiintu ay hadda haystaan ​​lab ada aqal ee Congress-ka, haddana waxa la filayaa in ay waayaan Aqalka Golaha wakiilada iyadoo Aqalka senet-kana tartan adag ay wajahayaan, sida ay muu jinayso ra'yi ururin la sameeyay.

Goobta ololaha, cod-bixiyayaashu waxay goor ho re safaf dhaadheer u galeen inay arkaan laba mad axweyne - Mr Biden iyo madaxweynihii ka horreeyay ee Dimuqraadiga Mr Obama - oo hal masrax jooga.

Mid ka mid ah dadka reer Pennsylvania, oo la yir ahdo Steve Phillips, ayaa u sheegay weriyaha BBC-da Sarah Smith inuu rajaynayo inay dadka u soo ba xaan inay codeeyaan, iyada oo aan loo eegin xisbiga ay taageersan yihiin.

Laakiin qaar ka mid ah dadkii isku soo baxay ay aa qiray in runtii ay u yimaadeen inay arkaan Ob ama, lagana yaabo inaysan soo xaadirin haddii Mr Bi den uu halkan joogi lahaa kaligiis.

Doorashada dhexe ee Mareykanka ayaa inta ba dan loo arkaa afti loo qaadayo madaxweynaha xilka haya, Republicans-ka waxay haystaab wax badan oo ay ku naqdiyaan Biden maadaama dadka Mareykan ka ay ka walaacsan yihiin sicir bararka, qoryaha iyo socdaalka.

Trump

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Galbeedka Philadelphia, Mr Trump wuxuu dadkii isu soo baxay uga digay ee reer Pennsylvania uga di gay in sii socoshada xukunka Dimuqraadiga ee Washington ay horseedi doonto dambiyo badan iyo soo galooti aan xakameysnayn.

Taageerayaasha halkaas, ayaa sidoo kale, isugu soo baxay saa cado hore si ay u arkaan Mr Trump.

"Haddii aad rabto badbaado adiga iyo qoyskaag uba, waxaad u baahan tahay inaad u codayso sidii qof kasta oo dimuqraadi ah uu xafiiska uga bixi la haa," ayuu yiri.

Mid ka mid ah ka qaybgalayaasha ayaa u sheeg ay RSBN, oo ah shabakad muxaafid ah, inuu halka as u joogo inuu taageero Mr Trump sababtoo ah wa xa uu yiri madaxweynihii hore ayaa gacan ka geystay hubinta in dadku ay "ku noolaan karaan nolol aan la xakameynin iyo sidoo kale waxa aan u baahanahay inaan sameyno".

Cabsida iyo sheegashooyinka beenta ah ee mus uqmaasuqa ayaa hareeyay doorashooyinka xilliyada dhexe, iyadoo dad badan ay ku dood ayaan in 8-da Nofembar codeynta ay tijaabo u noqon doonto hiuf naanta nidaamka doorashada.

XIGASHO:-BBC


Waxba Ma Aragto, Balse Waxay Ka Heshaa Dalxiiska Daawashada Duur-Joogta

Sniffing rhino oo sanka saaraysa saxada wiyisha

"Markii aan indhaha beelay waxaan aad uga welw elay inaanan mar dambe ku raaxaysan doo nin fasa xyadeyda. Maxay ka dhigan tahay in qofa uusan waxba arkin? Balse, waxaan hadda ku jiray mid ka mid ah safarrada ugu cajiibsanaa ee noolasheyda i soo mara.”

Xirashada kabaha lagu lugeeyo ee quruxda badan , waxaan si la ma filaan ah u gartay markii ku tu runturooday "bartamaha" - raxan duurjoogta loo yaqaano wiyisha . Waxaa dareemaya y in ay mareyso dabeylo nadiif ah. Waxaan ku su ganahay seeraha lagu xanaaneeyo duurjoogta ee Ol Pejeta - oo ah dhul ka kooban meel 90,000-hegtar ta asi oo ku taal bartamaha Kenya. Ilaalada duurjoogta ee seerahan ku sugan ayaa ii oggolaaday in aan ta abto maqaarka wiyisha lagu magacaabo Baraka. Sidayda oo kale, Baraka way indho la’dahay. Maq aarkiisu maaha mid siman oo waxaan dareem ayaa in jirkiisu qallafsan yahay. Waxa uu ku waayey ishiisii ​​midig markii uu la dagaalay wiyil kale – halka ishiisa bidix uu xanuun kaga dhacay sidaasina ay wiyishan ku indha beeshay. Waa in wiyishan keligeed meel lagu hayaa sababtoo ah , haddii wiyisha kale lagu dhex daayo waxa ay ku qaadayaan weerar. Ilaalida seeraha ayaa ii sheegay in wiyishan ay ka baqdo in ay meelaha socoto maadama ay indho la'dahay. La ma yaabayo waan u garaabayaa, sababtoo ah aniga xitaa waan ka baqi jiray in aan dunida ku safro.

Wiyisha lagu magacaabo Baraka oo indhaheeda ku waysay dagaal ay gashay

Lucy markii ay Baraka la kulantay ilmada ayay ceshan wayday S hee kada sida ay indhaha ku beeshay Lucy

Waxaan indhaha beelay ku dhawaad ​​10 sano ka hor - anoo 17 jir ah - taasi oo ahayd xaalad dhanka hidda sidaha iga so gaaray. Waxay igu qaadatay wakhti ina an la qabsado fasaxyada ka qof araga la'a ahaan, taas oo aan u arki jiray mid qaali ah.

Hadda waxaan ogahay inaan wali ku raaxaysan karo safarada aan ku tago dalalka shisheeye, inkas too aanan awoodin inaan wax arko - laakiin waxaan hadana aadaa goobaha duurjoogta lagu xanaaneeyo ee safariga loo yaqaano?

Waa hubaal inay tahay waayo-aragnimo "inaan khib rad ka kororsado" Waxaan dareemay wax badan ka dib markii aan la kulmay qofka haga dadka dalxiis ayaasha , William. Waxa uu aniga ka hor safar u qaa day qof aniga ila mid ah oo indhoole ah.

Laakiin, dadka aragga naafada ka ah waxa ay leeya hay heerar kala duwan oo dhanka muuqaalka ah, we li waxaan u baahanahay inaan isbarano.

Xusuustayda waxyaabihii aan horey u arki jiray inta badan maskaxdeyda way ka baxeen, waxaana ka mid ah waxyaabaha xusuusteyda ka baxay – duu rjoogta Afrika. Waxyaabaha xusuusteyda wali ku haray waa kuwa aan maskaxda ka sawirto tobankii sano ee la soo dhaafay.

Haddii aan isku dayo in aan xasuusto maroodi tus aale ahaan, xasuus muuqaal ah ayaa ka soo bax aysa khaanadda sawiro xayawaan aoo walaashay u gu dhajisnaa gidaarka qolka jiifka markii aanu ya rayn.

Lucy - iyo Willia

Markaa xusuusteyda waa inaan eber ka soo bilaabo oo aan hubiyo inaan khibrad weyn ka helay isticmaalka dareenadeyda kale.

Waan ogahay inay u ekaan karto wax la yaab leh, laakiin run ahaantii uma xiisan arageygii, islamarkaana Kenya kuma sugnayn waqtigii ana jeclaan lahaa inaan sii joogo.

Marka hore, William waxa uu i geeyay madxaf ku ya alla Nairobi halkaas oo la ii oggolaaday in aan taabto waxyaabo qadiimi ah. Hadda waxaan aad ugu tiirs anahay dareenkayga kale, si aan awood ugu yeesho inaan gaaro oo aan dareemo maqaarka maroodiga iyo Geriga run ahaantii waxay iga caawisay inaan bil aabo "wax arkid". Dareenkaygu wuxuu bilaabay inuu tooso markii aanu magaalada ka soo baxnay islamar kana aan soo raacnay gaari ah kuwa dalxiisayasha loogu talagalay. Dhulku aad buu u gariiray markii aanu uu gaariga xawaare sare ku socday.

Markii aan gaarnay Ol Pejeta, William iyo ilaalada kale ee duurjoogta waxay si cajiib ah iigu sharaxeen wiyisha iyo maroodiga horteenna maraya- sida ay u socdaan, waxa ay cunayaan, iyo qaabka ay uga u falcelinayaan joogitaankeena. Dhammaantood wa xay iga caawiyeen inay sawir iga siiyaan waxyaab aha nagu haraareysan oo aan maskaxda aan ku qaa to sawirka ay i siiyeen.

Kadibna gacmahayaga ayaanu galinay dhulka badan, In badan oo ka mid ah waa caws , ayuu ii she egay. si wanaagsan ayaa u ursaday - waxay ka soo urisay cawska. Gaariga ayaa mar kale nagula kaxe eyay anaga oo raadinayna libaax.

Gool iyo caruurteeda oo goob ku nasanaya

Libaaxyo ugaarsi ku jira xilli habeen ah Masai Mara

Waxaan la kulanay mid k

a mid ah libaaxydaasi oo sideyda oo kale lagu maga caabo - Lucy. Aayar ayaan garabkeeda u soo dhaw aanay- hurdo aad u weyn ayay ku jirtay. Aad ayaan ugu dhownaay, waxaan maqlayay neefteed .

Waxaan waydiiyay William inay u egtahay libaax yada ku jira King Lion? Taasi waxay ahayd sawirkii u gu dambeeyay ee xayawaankii aan ku kaydiyay qol ka xusuustayda. Haa - ayuu igu yiri.

Toddobaadyo roob ma da'in, laakiin markii dambe roob wayn ayaa noo da'ay.

Dhibcaha waaweyn ee roobka, iyo dhawaaqa ay sameeyeen markii ay dhulka ku dhacaan, waxa ay nafteyda dareemeys ay in uu safarkan ahaa kii ugu fiicnaa noloshayda.

Joogitaanka dalxiis ee goobtan lagu xanaaneeyo duurjoogta waxay ahayd mid cajiib ah, laakiin waxaa jirtay hal khibrad oo aan runtii ka walwalay – sab abtoo ah ma aanan awoodin inaan arko.

Waxay ahayd waxa loogu yeero "cadceedu" , mar ka dadku fadhiistaan banaan Shalay oo ay ​​, daa wan ayan cirku oo sidii liinta iyo casaan isu beddelaya ta asi oo ah marka ay qoraxda dhaceyso. Laakiin markii ay dhab ahaantii timid, ma jirin qorrax dhac - oo wax aa jiray roob. Ilmo farxad leh ayaa iga timid waxay u ekeyd in dunidu ay i ogeysiinayso inaanan u baah nayn inaan qorraxda arko.

XIGASHO:-BBC

COLAADDA ITOOBIYA: YAA GUULEYS TAY ABIY AXMED IYO TPLF?

Abiy Ahmed ayaa lagu sawiray jiidda hore isagoo muraayadaha indhaha sita

XIGASHADA SAWIRKA,FANA BROADCASTING CORPORATE

Quwadaha shisheeye ayaa si weyn u soo dhawe eyay xabad joojinta ay wada saxiixdeen xukuumada Itoobiya iyo madaxda Tigrayga ee lagu soo afjarayo dagaalka arxan darada ah ee ka socda waqooyiga dalkaasi, isla markaana loogu furayo mucaawinada dadka halista ugu jira macluusha, balse su’aashu wa xay tahay in uu guulaysan doono iyo in kale.

3 maalmood ka dib markii sacabka loo tumay xaf ladii lagu saxiixayay heshiiska oo ka dhacday caa simadda dalka Koonfur Afrika ee Pretoria, ayaa wa xaa wali cirka isku sii shareeraya dhawaqa mad aafiicda iyo diyaaradaha ku dul wareegaya buuraha Tigrayga.

Heshiisku wuxuu si weyn u waafaqsan yahay ujeeddooyinka Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed markii uu bilaabay wax uu ugu yeeray "haw lgal sharci-fulin" oo ka dhan ah xisbiga talada haya ee gobolka - Tigray People's Liberation Front (TPLF) – laba sano ka hor.

Waxaa jiri doona hab wada xaajood ah oo hub ka dhigis loogu sameeynayo dagaalyahanada Tigrayga.

Heshiiska uu Mr Abiy la galay TPLF uma dhicin sidii ay rabeen "Dowladda Tigray".

Heshiiska waxa uu diidayaa doorashadii 2020 ee Tigray, oo ay ku guulaysteen TPLF, wuxuuna qor sheynayaa doorasho cusub.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada dhexe ayaa ka dalbatay kooxda TPLF inay gabi ahaanba isa soo dhiibto balse taas uma aysan suurogelin.

Waxa ay dowladda ballan qaadday in ay meesha ka saarayso in kooxda TPLF ay tahay urur Argagix iso, ayna gorgortan siyaasadeed kala gali doonto sidii Tigray loo maamuli lahaa.

Heshiisku wuxuu xooga saarayaa in labada dhin acba ay u hogaansamaan dastuurka federaalka ee jira. Waxaa ka mid ah in lagu xalliyo xaaladda degaan nada ay ka midka yihiin galbeedka Tigray-ga EE qan iga ku ah beeraha - oo ay la wareegeen gobolka dar iska ah ee Axmaarada toddobaadyadii hore ee daga alka - iyadoo loo marayo hab dastuuri ah.

Qodobka bini’aadantinimo ee heshiiskani waxa uu albaabada u furayaa soo afjarida gaajada ee gala afatay nolosha dad gaaraya hal milyan oo qof.

Kadib laba sano oo go’doomin iyo gaajo, iyo cad aadis militari oo aan kala joogsi lahayn oo kaga yimid ciidamada isku dhafka ah ee Itoobiya iyo Eritrea oo ay weheliyaan ciidamada gobolka Axmaarada, ma daxda Tigraygu waxay sameeyeen tanaasulaad aad u weyn.

Xisaabtoodu waxay u muuqataa inay ka fakareen badbaadada dadka Tigray ay naftoodu halis ku jirto.

In ka badan hal milyan oo qof ayaa barakacay tan iyo markii ay dagaalladu dib u soo cusboonaadeen bishii Ogosto, iyaga oo aan awoodin in ay goostaan ​​dala gyadii at tabcadeen.

Dadka ayaa u dhimanaya cudurro la daweyn karo iyadoo isbitaallada ay ka dhammaadeen dawo oyinka aasaasiga ah si <



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip