ALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 6-DA NOVEMBAR 2022-KA

0
Sunday November 06, 2022 - 09:19:52 in Wararka by
  • Visits: 436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 6-DA NOVEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Guddiga joogtada ee barlamaanka Soom aaliya oo shirkoodii ugu horreeyay ku qabsaday Garowe

Guddiga joogtada ee barlamaanka Soomaaliya ay aa markii ugu horreysay shirkoodii caadiga ahaa uga furmay magaalada Garowe ee Puntland.

Guddoomiyaha barlamaanka, Sheikh Aadan Maxa med Nuur (Madoobe) oo shir guddoominaya ayaa sheegay inay ku faraxsansan yihiin in markii ugu horreysay meel ka baxsan caasimadda uu barlama anka Soomaaliya ku qabsanayo kulamadoodii joo gtada ahaa.

"Xarunteennii markaan joogno culays badanaa na dulsaaran. Xildhibaannadu jaanis ma helayaan. Problem baa la galayaa. Waxaan marka Garowe u nimid, annaga oo dalkeennii joogna oo dibbada aad in inaan muddadan kooban ku dhameysano arrimihii nala ka sugayay, ayuu yiri guddoomiyuhu”

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in imaatinkooda Garowe uu qeyb ka yahay qorshe uu guddiga joogtada ah shirarkiisa ugu qabsanayo xaru maha dowlad goboleedyada.

Guddiga joogtada ayaa muddo todobo cishe ah Garowe uga doodi doona howlaha horyaala ka hor inta uusan furmin kalfadhigga labaad ee golaha shac abka, si ay u diyaariyaan jadwalka.

Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa horey marm ar shirarkooda khamiislaha ah ugu qabsan jiray xar umaha dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Somaliya oo soo dhaweysay heshiiska Dowladda Itoobiya iyo TPLF

Dowladda Somaliya ayaa waxay soo dhaweysay heshiiskii Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Gobolka Tigrayga ee TPLF ay Arbacadii ku gaareen Magaa lada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay soo dhaweynayso heshiiskaasi oo lagu soo afjaraayo colaadda dal kaasi.

"Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya waxay soo dhaweynaysaa ku dhawaaqista heshiiskii nabadeed, ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Jabhadda Tigrayga ee lagu soo afjarayay colaad ihii hubeysnaa, waxayna carabka ku adkeeyeen in heshiiskani uu ka dhabeynayo himilooyinka shacab ka Itoobiya ee ku aaddan horumarka, barwaaqada iyo midnimada.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

"Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya waxay raj eynaysaa in heshiiskan ‘dhibaatada Afrikaanka ah, xalka Afrika’ uu u gogol xaaro dib-u-heshiisiin dham eystiran oo Itoobiya iyo Itoobiya oo gebi ahaanba soo afjarta rabshadaha, colaadda gudaha iyo rabitaanka gooni-u-goosadka, wax walbana kor u qaadi doono barwaaqada, kobaca dhaqaale ee Itoobiya, kan gobo lka iyo meelo kale.” Ayaa lagu sheegay wars axaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Somaliya ay bogaadisay dadaalada uu Midowga Af rika miiska wada hadalada isugu keenay dhinacyada asi iyo martigelintii ay Dowladda Koonfur Afrika mar tigelisay qabsoomidda wada hadaladaasi.

"Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya waxay bogaad isay dadaalada Midowga Afrika ee taageerada qiim aha leh ee ku aaddan wada hadalada nabadeed, wa xay ugu hambalyeysay Jamhuuriyadda Koonfur Afr ika martigelinta wada hadalada nabadeed iyo doorka wanaagsan ee Jamhuuriyadda Kenya ay ku leedah ay heshiiska sii xoojinaya xasilloonida Itoobiya iyo gobolkaba.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay "Jamhuuriya dda Federaalka Somaliya waxay carabka ku dhufa tay muhiimadda heshiiska, waxayna si joogta ah u taageertaa Itoobiya oo nabad ah, dhaqaale ahaan ho rumarsan iyo Geeska Afrika oo ka caagan rabsh adaha & colaadaha hubeysan.”

Maxay Sheekh Umal, Sheekh Bashiir iyo Sheekh Qorane ka yiraahdeen qarax yadii Zoobe?

Kadib qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Zoobe 29-kii October 20222, waxaa soo baxayay falcelinta kale duwan ee ka imanaysa bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan dhibaatada ka dhacday halkaas.

Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa caanka ah ayaa ka hadlay dhacdadan.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Cum limada sida weyn looga yaqaano dalka iyo dibadda oo Salaadii Jimcaha kadib kula hadlay bulshada Soomaaliyeed magaalada Nairobi ayaa siweyn uga hadlay dhacdada qaraxyadii Soobe oo lagu dilay in 119 ruux, 334 qofna ay ku dhaawacmeen, iyadoo wali nolol iyo Geeri lagu haynin 13 qof oo ka mid dadkii qaraxa la kulmay,.

"War Muqdisho yaa jooga? war dadka aad qarxisay ee aad baai’isay, Gaalo ayaan u socday aaway Gaaladaa u socotay? War Baladweyne yaajo oga? War Kismaayo yaa jooga ? Adigoo qalbigaaga iimaan ku jiro oo ka buuxo inaad dhiig Muslim gasho, oo aad daadiso oo aad jiirto, sidee ku suurtoobi kar taa? Aaway wixii ku xakamaynayay, aaway iimaankii ku celinayay, aaway cabsidii,” ayuu yiri Sheekh Umal.

"Rabbi Subxaanahu Watacaalaa wuxuu leeyahay xitaa meelaha ay wax qaldami karaan taxaddara, xitaa meelaha aad qalad ku gali karayso inaad dhiig Muslim daadiso taxadar qaado.”

Sidoo kale Sheekh Cabdiqani Suldaan Qorane oo bulshada ku noolGaroowe kula hadlaayay Masjid ku yaalla magaalada ayaa si weyn uga hadlay ganacsa tada ku taageerta lacagaha Al-Shabaab, waxaana uu carabka ku dhuftay in aysan ogoleyn iyagu dowladni mada, isaga oo intaas raaciyay in loo baahan yahay lacagaha ay ku taageeraan dowladda iyo ciidanka xoogga.

"Umadda Nabi Muxamed (CSW) Dhiigeeda ku daneysi magalo tujaaro magalo, faa’iido magalo, nimankaan Khawaarij waaye cidda caawisana iyaga ayey la mid yihiin, cidda caawisana ma badbaade yso, imisaa inta lacag siiyeen oo tiri ma idin dileyno qaraxyo kale ay ku dhinteen, cadad iyo xisaab mal ahan,” ayuu yiri Sheekh Qorane.

Wuxuu intaas ku daray "Towbadkeen baa la’ idiin ka rabaa, haddaad wax qabanaysaan maad ciidama da kacdoonka samaynaya ee iska dhicinaya lacagta siisaan, haddaad wax qabanaysaan dalka dhismih iisa qeyb ka qaata, risiqa lagu helay in umatul Muxa med la laayo kasab xaaraan ah waaye.”

Dhanka kale Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo khudbadii Jimcaha boqolaal Soomaaliyeed kula tuk aday Muqdisho ayaa sheegay in xilligaan loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagula jiro Al-Shab aab, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu hadalkiisa raaciyay in qoriga marka laga tago sidoo kale dagaalka ugu weyn uu yahay fikir iyo fahamka laga heysto diinta suuban ee Islaamka, si shacabku ay waxbadan uga ogaadaan sida uu hada lka u dhigay Shiikha oo hadlayay.

"Dadkii saxaabada gaaleysiiyay, oo yiri diintii aan idiin ka baranay ayaan idin ka badinaa, waa khaldan tihiin dadkii lahaa ayaa wali taagan. Alfaadii ay ku hadlayeen markii Dorraad Cali Ibnu Abii Daalib (RC) ay la dagaalamayeen meeshii ay ka cabanayeen oo farta ay ku fiiqahayeen ayey ilaa Shalay sheegayan, oo ah xukunkaa laga tagay,” ayuu yiri .

"Hadalku waa isku aadan yahay, dadku waa dadkii, hadalku waa hadalkii dagaalkuna waa dagaalkii ma rka. marka niman saxaabi ah oo Jannada loogu bi shaareeyay kuwii dilay cid kale ma daynayaan, inay wax dilaan macno gaar ah malahan, laakiin waxaa macnaha leh inaan fahamsanahay waxaa ay yihiin, ha u malaynin inuu Ilaahey moog yahay,.”

Laamaha Ammaanka Dowladda Oo Ka Hadlay Qaraxyadii Xalay Ka Dhacay Muqdisho

Jugta dhowr qarax ayaa xalay laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ahaa kuwo isku xig-xigay, isla markaana dadka ku nool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku abuurtay khal-khal amni.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in qaraxyadii dhacay Muqdisho marka laga reebo midkii xerada Nac-naca ay ahaayeen kuwo dheemish ah ama walxaha aan dhibaa tada geysan.

Saraakiisha ayaa intaas kusii daray in qaraxayad aas dheemiska ahaa lagu doonayay in lagu khal-khal geliyo ammaanka magaalada caasimadda ah ee Mu qdisho, iyagoona tilmaamay in laga hortegayo wax kasta oo keeni kara amni darro dhacda.

Fiidkii xalay ayey aheyd markii qof isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarxa uu isku dhex-qarxiyey dhallinyaro farabadan oo safaf dheer ugu jiray inay qortaan Askarnnimo, kuwaasi oo ku sugnaa xerada tabbabarka Ciidanka xoogga ee taalla degmada Wad ajir.

Qaraxyadii ka dhacay xalay magaalada Muqdi sho ayaa kusoo aaday, iyada oo todobaadkii hore qaraxyo waaweyn oo is-miidaamin ahaa ay ka dhac een Isgoyska Soobe, isla markaana ay ku dhinteen 119 qof, halka 300 qof kalena ay ku dhaawacmeen, Al-shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyada qaraxy adaas dhacay.

Taliye Odawaa Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Khasa araha Qaraxii Ka Dhacay Xerada Nac-Naca

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa faah faahin ka bixiyey qarax is-miidaamin ah oo fiidkii xalay ka dhacay xerada tabbabarka Ciidanka xoogga ee dhaga-badan oo ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muq disho.

Taliye Odawaa oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa u sheegay qof isku soo xiray waxyaabaha qar xa uu doonayey inuu dhex-galo dhallinyaro dooneysay inay qortaan Askarnimo uu qarxay inta uu saaran gaarin halkii bartilmaamedkiisu ahaa ee dhallin yarada.

Wuxuu xaqiijiyey Taliye Odawaa in qar axa oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka Gobo lka Banaadir uu geystay khasaaro isugu jiray dhima sho iyo dhaawac, waxaana dhintay 5 qof oo isugu jir ay Askar iyo dhallinyaro, halka 11 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa uu hadalkiisa intaas uu kusii daray inay socdaan ba aritaano xooggan oo ku aadan qaraxaas, iyo sidii looga hortegi lahaa falalka qaraxyada oo Al-shabaab la beegsato dhallinyarada qoroneysa Askarnimada.

Gaadiidka gurmadka deg-dega oo durbadii goobta qaraxu ka dhacay gaaray ayaa waxaa halkaas ka daabulay dadkii dhaawacmay, isla markaana waxaa loola cararay qaar kamid ah Isbitaalada ku yaalla ma gaalada Muqdisho, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo.

Si kastaba, dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo is-miidaamin ah la beegsaday xerada nac-naca oo lagu tabbabaro Ciidanka Xoog ga, sidoo kalena lagu qoro dhallinyarada dooneysa in ay ku biiraan Ciidanka dowladda Federaalka Soo maaliya.


Al-Shabaab oo Masaajid u beddalay goo bo ganacsi iyo guryo

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Md. Cali Guudlaawe Xuseen oo booqasho ku tegay Masaajid Caliguduud ayaa ka warbixiyey xaaladda nololeed ee deegaankaas, kadib markii laga saaray xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Cali Guudlaawe ayaa shaaciyey in Al-Shabaab ay dhibaato badan u geysateen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaank aasi iyo kuwa socotada ah ee mara halkaasi.

Madaxweynaha maamulka HirShabelle oo korm eeray deegaanka Masaajid Caliguduud ayaa shee gay inay soo arkeen dhibaatooyin kala duwan, wuxu una tilmaamay in xittaa kooxdu ay masaajidka deeg aanka u beddaleen dukaamo ay ku ganacsadaan iyo guryo ay seexdaan.

"Waxaad arkeysaan Masaajid loogu talagalay in lagu cibaadeysto inay u beddaleen meel ganacsi iyo guryo ay seexdaan,” ayuu yiri madaxweynaha dow lad goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay ka been sheeg ayaan Diinta, islamarkaana ay yihiin koox ma nax ayaal ah oo dhibaato ku haya Ummadda Soomaa liyeed, sida uu hadalka u dhigay.

"Waa caalamd weyn oo muujineysa in ay Diinta ka been sheegayeen waa koox isku timiday oo gaa ngis ah oo Ummaddaan inay nolosha ku cadaabaan go’aansaday,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale Cali Guudlaawe ayaa la garnaqdsay Shabaab, isaga oo su’aallo badan ka keenay sida ay ula dhaqmeen shacabka ku sugan deegaanka Mas aajid Caliguduud.

‘Haddkii Masaajidka ay u beddaleen dukaan ay ku ganacsadaan iyagu, hadii ay gaadiidka dadka masa akiinta ah ku shaqeysanayeen ay gubayaan oo ay dab qabadsiiyeen, hadii ay gabdhaha musaafurka ah aa ina dajiraan ku faraxumeynayaan saldhigga inay ku leexiyaan maxay ku tusinee meeshaas wax diin la yiraahdo in aysan ka jirin,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in howlg alada ay sii socon doonaan inta Al-Shabaab laga saarayo guud ahaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Jen. Tuuryare Oo Sheegay Inay Jiraan Maamulo Diidan In Shabaab Dalka Laga Saaro.

Cabdiraxmaan Tuuryare, madaxii hore ee mu khaabaraadka Soomaaliya oo ka hadlay dagaalka ka dhanka Shabaab ayaa sheegay in maamul goboleed yada qaar aaney xiligan diyaar u eheyn in Shabaab deegaanadooda laga saaro.

Tuuryare ayaa arrintaasi sab ab uga dhigay xukun jaceylka madaxda maamul goboleedy ada qaar oo sida uu hadalka u dhigay hadii kooxdaasi laga itaal roonaado madaxdaasi ay qabaan walaaca ah in siyaasiyiinta ka soo horjeeda ay usoo guuraan deeg aanada maamuladaasi oo haatan Shabaab looga cabsado.

"Maamuladda qaarkood far baa ku gudan. Xan waxaa laga sheegayaa in ay Shabaab ku ilaashanay aa kursiga. Haddii aysan midaas jirin waa in ay is-wa afujiyaan hadalko oda iyo ficilkooda”. ayuu yiri Mad ixii hore ee Sirdoonka Soomaaliya isagoo aan cara bka ku dhufan magacyada maamulad aasi.

Si kastaba, Hadalkan ayaa ku soo beeg maya xili dalka haatan uu ka socdo guluf ka dhan ah shabaab, dagaalkaasi intiisa badan waxa uu ka socdaa Hirs habelle oo kooxdaasi cashiro lama ilaawaan ah loo gu dhigay.

Daadad saameeyay dadkii kasoo baraka cay abaa raha Soomaaliya ee duleedka magaalada Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydh abo ayaa sheegaya in dad markii hore ka soo bara kacay dhibaatada abaarta ka jirta Soomaaliya ay haatan daadad ku qaadeen xeryihii ay ka galeen magaaladaasi.

Roobka dayrta ee maalmihii la soo dhaafay ka da‘ayay qeybo ka mid ah gobollada Bay iyo Bakool ayaa la sheegayaa inuu biyo dhigay ilaa 300 oo xero oo ku yaal duleedka magaal ada Baydhabo.

Inta badan deegaannada dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ayaa muddaba waxaa ka jirtay abaar daba dheeraatay.

Mustaf Maxamed Cabdiraxmaan, oo ah guddoomiy aha xeryaha dadka ku barakacay koofurta Baydh abo, ayaa BBC-da uga warramay xaaladda dadkan ay haatan wajahayaan iyo waxa loo qabtay.

Gudoomiyihii Al Shabaab ee gobolka Mudug & 50 kale oo lagu dilay Qarax ka dhacay

Faah faahino hordhac ah ayaa laga helayaa qar ax lagu diyaarinayey guri islamarkaana kooxda al shabaab ay la damacsanaayeen in ismiidaamin u adeegsadaan ayaa waxa la sheegay in uu khasaaro ka dhashay.

Wararka ka imaanaya Deegaanka Qeycad Ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay saldhig lagu diyaarinayey gaadiid qar axyo ismiidaamin ah la rabay in ay fuliyaan.

Soomaalida ayaa ku maah maahda (Khaldaa ma khaldo! waxaana al shabaab ay qabsatay arin ay damacsanaayeen in ay qaraxyadaasi ka fuliyaan dee gaanadii ugu dambeeyey ee gacantooda ka baxay.

Horjoogayaal ayaa la sheegay in ay ka qeyb yihi in dadka ku dhintay qaraxyadaasi ka dhacay deega anka Qeycad,waxaana warar ay sheegayaan in mu naasabad loo dhigay qaraxyadasi oo la rabay in la sagootiyey baabuurtaasi oo miineysnaa balse ugu dambeyn ay qarxeen.

Ilaa hadda ma jirto war kasoo baxay Al Shabaab oo ay kaga hadlayaan qaraxaasi,xilli lasoo warina yo,in qaraxaasi dadka ku dhintay uu ka mid yahay Gudoomiyihii AL Shabaab ugu magacaabnaa Gobo lka Mudug,iyo 50 xubnood kale sida xogaha hordha ca ah sheegayaan.Xigasho:-Dayniile.Com

Muxuu Madaxweyne Axmed Madoobe Ka la Had lay Xubno Ka Tirsan Beesha Caalamka?

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa kul amo gaar gaar ah magaalada Muqdisho kula yee shay xubnaha Beesha Caalamka u fadhiya Soom aaliya.

Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Thomas Chepkuto ayuu Madaxweynaha kulan la qaatay iya goo ka wada hadlay xiriirka muhiimka ah ee ka dha xeeya Kenya iyo Soomaaliya, Doorka ATMIS ay ka qaadan karto Amniga Jubbaland, iyo sidii Bulshoo yinka labada dal ay isaga kaashan lahaayeen arri maha nabad galyada.

Sidoo kale Madaxwanuhu ayaa waxa uu kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya dalkaFEI She ngchao, iyagoo isla soo qaaday xiriirka ka dhaxeeya labada dal, kulanka Madaxwaynaha iyo Safiirka Shii nuhu intii uu socday waxa ay ka wada hadleen door ka Beesha Caalamka kaga aadan dedaalka dalka looga xorenaynayo Al-shabaab. Dhinaca kale Mad axweynaha ayaa kulan la qaatay Safiir ku xigeenka Dalka Ingiriiska Ed Barnett, waxayna ka wada hadleen wada shaqaynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Ingiriiska, Arrimaha Abaaraha ayay sidoo kale ka wada hadleen isagoo Safiir ku xigeenku hoosta ka xarriiqay sida ay Dowladdiisa uga go’antahay taak ulaynta dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saamayeen.

Kuxigeenka ergayga gaarka ah ee Madaxa Mido wga Africa u fadhiya Soomaaliya Fiona Lortan ayuu Madaxweynaha sidoo kale kulan gaar ah la qaatay iyagoo kawada hadlay taageerada Hawlgallada socda iyo sidii loo sii dardar-galin lahaa.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa kulan la qaa tay Safiir ku xigeenka Dowladda Maraykanka u fa dhiya Soomaaliya Timothy P. Trenkle, iyagoo ka wa da hadlay Xaaladda guud ee Dalka gaar ahaan ari maha Amniga, Siyaasadda iyo Abaaraha ka jira Dalka.

Alshabaab oo la sheegay inay madax fura sho kusii daayeen dad ay ka afduu bteen Ceelwaaq

4qof oo Kenyan ah oo ay ku jiraan labo ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, darawal iyo qof buk aan ah ayaa talaadadii lasoo dhaafay la sheegay in ay AlShabaab ka afduubteen deegaanka Ceel-waaq ee u dhow xuduudka Soom aaliya iyo Kenya

Sida laga soo xigt ay booliska wddanka Kenya, labo maalin kaddib ayaa la sheegay in afarta qof ee la afduubtay la sii daayay maalintii Khamiistii iyagoo dib ula midoobay qoy saskooda.

Warbaahinta Kenya ayaa qortay in la rumeysan yahay in odayaasha deegaanka ay Alshabaab kula gorgortameen siideyntooda iyadoo lacag madax fur asho ah laga qaatay.

Booliska ayaa sheegay in ambalaasta dhibbana ha ay wali gacanta ku hayaan dableyda Alshabaab.

Alshabaab ayaa dhowr jeer horey weeraro ula bee gsatay shaqaalaha ammaan ka, iskuulada, gaadiidka magaalooyinka iyo shirkadaha isgaarsiinta ee waq ooyi bari iyo bari Kenya.

Somaliland Oo Shalay Jawaab Ka Bixisay Eedeyn Kulul Oo Uga Timid Maamulka Puntland

Maamulka Somaliland ayaa Shalay ka jawaabay hadal kasoo yeeray Taliyaha Ciida nka Daraawiishta dowlad Gobole edka Puntland Abshir Cabdi Jaam ac oo ku aadanaa in Somaliland ay magan-geliso koox aha waxa loogu yeero Argagixisada.

Taliyaha guud ee Ciidamada Soma liland Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani oo Shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Harge ysa ayaa waxba kama jir aan ku tilmaamay in Som aliland mag an-geliso koo xaha waxa loogu yeero Argagixisada.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Somaliland ayaa waxaa uu hadalkiisa intaas kusii daray in liiskii u danbeeyay ee shakhsiyaadkii dowladda Maraykanku ku tilmaamay Argagixisada ay dhammaantood ka soo jeedaan deegaannada Puntland.

Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani ayaa Puntland ku eedeeyay inay hurineyso dagaal dhexmara labada dhinac, balse wuxuu xusay inay yaqaanaan waxa uu dagaal yahay, isla markaana haddii tallaabo qaadaan Maamulkaas ay jawaab ka bixin doonaan.

Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha guud ee Ciidama da Somaliland ayaa waxaa uu tilmaamay in Maamu lka Puntland ay ku ixtiraamayaan derisnimo, hayee shee waxaa uu sheegay in maalmahaan ay Colaad hurinayaan oo hanjabaado wadaan, taasina aysan aheyd wax la aqbali karo. Si kastaba, Maamulka Puntland ayaa marar kala duwan Somaliland ku eed aysay in ay xiriir iyo wada-shaqayn la leeyihiin koo xaha Argagixisada, balse

Somaliland mar kasta waa beenisaa arrintaas.


Al-Shabaab oo soo saartay bayaan lama filaan ah oo ay ku qiratay jab soo gaaray

Kooxda Al-Shabaab ayaa bayaan ay soo saar tay si lama filaan ah ugu qiraty in maleeshiyo loo ga dilay duqeyn Khamiistii ka dhacday deegaan ka mid ah gobolka Hiiraan.

Bayaanka kasoo baxay Al-Sha baab ayaa lagu sheegay in ciid amada Mareykanka ay gelinkii dambe ee Khamiistii kusoo biir een dagaal saacado badan socday oo kooxda iyo ciidamada dowladda federaalka ku dhex-maray deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.

"Duqayn ay geysteen diyaaradaha Mar aykanka waxaa ku shahiiday sideed kamid ah ciid amada Mujaahidiinta. Waxaan Allaah u waydiina ynaa inuu Shahaadadooda ka aqbalo,” ayaa lagu yiri bayaanka kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay in dag aalka ka dhacay deegaanka Tardo ay ku dileen 36 ka mid ah ciidamada dowladda, halka sidoo ka lena ay 23 ku dileen dagaal kale oo ka dhacay dee gaanka Twofiiq ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida bayaanka lagu yiri.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa shacabka ugu baaqday inay ka dheeraadaan saldhigyada, xar umaha iyo xafiisyada dowladda, taasi oo loo arko hanjabaad ah inay qorsheynayaan weeraro kale.

Kooxdan ayaa laba qarax baabuur oo ka dhac ay Zoobe ee Muqdisho 29-kii October, waxay ku dileen 120 qof oo shacab ah, halka in ka badan 300 oo kale ay dhaawacmeen.

Bayaanka ay Al-Shabaab Habeen hore soo saareen ayaa ah qirasho naadir ah oo kooxda ay ku sheegatay in maleeshiyo looga dilay duqey maha Mareykanka, oo inta badan ay sheegi jirtay in lagu dilo shacab.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska ee Danab G/le Axmed Cabdulaahi Beeryare ayaa Do rraad warbaahinta ciidamada qalabka sida u she egay in dagaal ay barbar socdeen duqeymo dhin aca cirka ah oo ka dhacay Hiiraan lagu dilay 200 oo Al-Shabaabah.Xigasho:-Caasimadda.Net

Al-Shabaabki ugu badnaa oo lagu dilay dagaal ka dhacay Hiiraan

In ka badan 100 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaal culus oo ay ciid amada xoogga dalka oo kaashanayay dadka deegaanka ay Al-Shabaab kula galeen deega annada Garas Magan iyo Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan.

Sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda Gaashaandhig ga General Cabdullaahi Cali Caanood dagaalkan oo socday Dorraad ilaa Habeen hore ayaa AL-shab aab looga dilay tiro ka badan 100 ka tirsan malee shiyadeeda, wuxuuna intaas ku daray inay aheyd markii ugu horreysay oo 100 Al-Shabaab ah halm eel lagu dilo tan iyo biloowgii dagaallada ka dhan ka ah maleeshiyadan.

Waxa uu sheegay in laba cutub oo ka tirsan ciidamada Danab ay ka qeyb galeen dagaalkaas.

General Caanood ayaa sidoo kale sheeg ay in duqeyn dhinaca cirka ah loo adeegsaday dagaal kan, inkasta oo aanu sheegin cidda ka caawisay duqeybtaas.

Waxa uu sheegay in dagaal kale uu Habeen ho re saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Garas Ma gan oo ka tirsan degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ciidan Al-Shabaab ah oo gurmad ahaan ugu socday Ceel Hareeri ay ciidanka xoogga dalka ku la galeen dagaal culus, oo markii dambe lagu jab iyay maleeshiyada Al-Shabaab. Dhinaca kale wuxuu General Caanood sheegay in Al-Shabaab ay gaari qarax siday kusoo weerareen deegaanka Masaajid Cali Guduud, laakiin ay ciidamada dowla ddu fashiliyeen qaraxaas, kaddibna ay gubeen baabuurkii qarax siday.

Generaal Caanood ma sheegin haddii ay jiraan khasaare dagaalkan kasoo gaartay ciidamada dowladda Feeraalka iyo dadka deegaanka.

ERDOGAN iyo PUTIN oo heshiis ka gaar ay arrin ku saabsan SOOMAALIYA

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii sheegay inuu dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin kula heshiiyey in qamadiga Ruushka ee soo mara badda madow ay si bilaash ah ay ku tagaan dalalka Afrika ee saboolka ah.

"Markii aan taleefoonka kula xiriiray Vladimir Putin, wuxuu igu yiri ‘ aan bilaash ugu dirno dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Soomaal iya iyo Suudaan’ – waana ku heshiinnay,” ayuu Erdog an ku yiri hadal uu u jeedi yay ganacsatada magaalada Istanbul.

Arrintan ayaa timid kadib markii Moscow ay Arbac adii dib u bilowday ka qaybgalka heshiiska dhoo finta qamadiga ee u dhexeeya Qaramada Midoo bay iyo Turkiga, taas oo sooo afjartay afar maalm ood oo iskaashi la’aan ah ee dhoofinta raashinkan ee dekedaha Ukraine.

Horraantii toddobaadkan, wuxuu Putin shee gay in xitaa haddii Ruushku ka baxo heshiiskan mar kale, uu ku beddeli doono dhammaan saami ga qamadiga ee loogu talagalay "dalalka ugu sab oolsan” si bilaash ah kan kaydka u ah Ruushka.

Ukraine ayaa dhowaan billowday in Qamadiga dal keeda loo daabulo Dunida inteeda kale, si wax lo oga qabto abaaraha ka jira dalal ka tursan Qaa radda Afrika qeybo ka mid ah Aasiya.

Shixnaddii u horreeysay ee Qamadiga Ukraine ayaa sidoo kale waxaa dhowaan la geeyey dalka Jabuuti, ayadoo loogu talo galay abaaraha ka jira dalkaas iyo sidoo kale Itoobiya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan waxaa jira xa alado bani’aadanimo oo aad u daran, ayadoo QM ay saadaalisay inay macluul ku dhufan karto dhamaadka sanadkan 2022-ka.

MAXAAD KALA SOCOTAA DADKA CAANKA AH OO IYAGA OO DHINTAY AY WALI LACAG U SOO XAROOTO?

Elvis Presley (oo dhintay1977)

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Majaladda Forbes ee soo bandhigta dadka ugu qanisan caalamka ayaa todobaadkan soo saartay liiska 13-ka qof ee caanka ah ee helay lacagta ugu badan adduunka kadib dhimashadooda.

Dadkani waxaa ka mid ah ciyaartooyda, fanaaniin iyo mijaajiilastayaal iyo qoraa, kuwaasi oo aan hadda dunidan joogin oo mar hore dhintay, balse uu soo galay dakhli ka badan 10 milyan oo doo larka.

wargeyska ayaa bilaabay baaritaanka arrimaha dhaqaalaha ee dadka caanka ah ee dhintay san adkii 2001. Sida laga soo xigtay majaladda, dak hliga dadka caanka ah ee dhintay sanadkan wu xuu kordhay 72% marka loo eego sanadkii 2021, taasi oo ah rikoor cusub. wargeyska wuxuu qiimeyay tilmaamayaasha canshuurta iibka, wareejinta iyo heshiisyada sha tiyada si loo ururiyo liiska.Qiimeyntan waxay sidoo kale warey siyo lals yee shay khubarada waaxdan ku jira.

Qoraaga ugu caansan ee liiska ku jira ayaa ah JRR Tolkien oo ah ninka qoray sheekooyiinka sha ac baxay sida 'Lord of the Rings' iyo 'The Hobbit'.

JRR Tolkien oo macalin ka ahaa jaamacada Oxford wuxuu dhintay 1973, laakiin waxaa wali sii socda dakhli ka soo xaruuda xuquuqda daabaca ada filimada, muuqaalada ay caruurta ku ciyaa raan iyo sheekoyiinkiisii kale ee ku saleysanaa khiyaaliga.

Qoraaga Tolkien waxaa ku xiga xiddiga kubb adda koleyga Kobe Bryant. Saamigii uu ku lahaa shirkadda cabitaanka isboortiga ee Body Armor waxaa iibsatay Coca-Cola, isaga oo faaiday $400 milyan oo doollar.

Bryant ayaa ku dhintay Santa Monica, oo ka tir san gobolka California bishii January 2020 ka dib markii diyaaradii uu saarnaa ay burburtay.

waxaa kaalin saddexaad soo galay fanaankii ca anka ahaa ee David Bowie oo ay u soo xarootay 250 milyan oo doolar. Waxa sidoo kale liiska ku jira Michael Jackson oo dhimashadiisa ka dib sa meeyay lacag dhan 7 milyan oo doolar.

Ma jiraan dumar lagu daray liiskan, halka kaliya xiddiga heesaha ee Mexico Juan Gabriel uu kaga jiro liiska xiddigaha Latin America.

waa kuwan qaar ka mid ah dadka liiska ku jira

JRR Tolkien: (wuxuu dhintay - 1973)

JRR Tolkien: (died - 1973)

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Kobe Bryant: (wuxuu dhintay 2020)

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

David Bowie (wuxuu dhintay- 2016)

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Elvis Presley (waxaa uu dhintay 1977)

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Michael Jackson

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Juan Gabriel (wuxuu dhintay- 2016)

XIGASHO:-BBC

IMRAN KHAN OO SHAACIYEY CIDDA KA DA MBEYSAY ISKU DAYGII LAGU KHAARIJIN RABAY

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa Jimcihii ku eedeey ey ninka xilka ka beddelay inuu ku lug leeyahay shirqoolka lagu dili rabay, isaga oo ku jira isbitalka kana soo kabanaya dhaawacii ay xabadda gaa rsiisay.

Khan ayaa weriyayaasha u sheegay in Shehbaz Sharif, oo xilka ra’iisul wasaare kala wareegay kadib cod kal sooni oo uu baarlamanka qaaday bishii April, uu soo abaabulay weerarka lagu qaaday.

Waxa uu intaas ku daray in shirqoolka ay kula jireen wasiirka arrimaha gud aha Rana Sanaullah iyo taliye sare oo ka tirsan ciidamada.

"Saddexdan ayaa go’aansaday in la I dilo,” ayuu yiri Khan oo markii ugu horreysay soo muuqday tan iyo toogashadii dhacday Khamiistii, wuxuuna intaas ku daray in weerarka ay fuliyeen laba dabley.

Dowladda ayaa beenisay inay wax kaalin ah ku laheyd, waxayna isku day ga khaarijin ku eedeeysay hal weeraryahan kaliya oo ay dhiiri-gelisay xagji rnimo diineed. Militariga ayaa eedeymaha Khan ku sheegay "kuwa aan sal laheyn oo mas’uuliyad darro ah.”

Weerarka lagu qaaday kolonyada Khan ayaa lagu dilay hal qof, waxaana lagu dhaawacay ugu yaraan 10 kale, taasi oo si xooggan sare ugu qaaday x iisadda siyaasadeed ee dalkaas la degtay tan iyo markii xukunka laga tuuray Khan.

Sababta

Khan oo 70 jir ah ayaa hoggaamina yey dibad-baxayaal kumanaan ah oo tan iyo toddobaadkii tegay waday socod kasoo billowday Lahore oo ku waj ahnaa Islamabad.

Isaga oo ku fadhiya kursiga curyaamiinta, islamarkaana lugtiisa bidix ay si xooggan u duuban tahay — Khan ayaa hadlayey muddo hal saac ah, wux uuna oo si xooggan u weeraray dowladda iyo jilbo-weynta siyaasadeed ee uu ku eedeeyey inay xukunka ka tuureen.

Waxa uu sheegay in mucaaradkiisa ay doonayeen inay ku eedeeyaan "inuu aflagaadeeyey diinta ama nebiga NNKH” kadibna ay ku eedeeyaan xagjir inuu dilay.

Khan sooma bandhigin wax caddeymo ah oo uu ku taageero sheegashoo yinkiisa.

Wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah ayaa goor sii horreysay she egay in weerarka "uu ahaa kiis cad oo xagjirnimo diineed.”

Tuhunsanaha oo ku jira gacanta booliska, ayaa saraakiisha dowladda gob olka Punjab waxay ku magacaabeen Naveed Ahmed, wuxuuna muuqaal ay warbaahinta baahisay ku sheegay in Khan "uu marin-habaabinayey dadwey naha.”

Wuxuu intaas ku daray inuu ka careysnaa qeylada kolonyada Khan oo arbu sheysay aadaanka salaadda.

Khan ayaa eedeeyey dadweynaha wuxuuna dul saarna konteenar markii ras aasta ay ka dhacday magaalada Wazirabad oo 170 km u jirta bariga caa simada Islamabad.

"Rasaastu waxay ku dhacday lugteyda, markii aan sii dhacayey waxaa la fu ray rasaas kale,” ayuu Khan u sheegay weriyayaasha.

"Waxay ahaayeen laba nin, haddii ay si wanaagsan isugu xirnaan lahaayeen, ma badbaadi laheyn,” ayuu yiri.

"Mid ka mid ah ayaa la qabtay, waxaana lagu sheegay xagjir diineed, ma ahe yn xagjir diineed — waxaa jiray qorshe cad oo arrintan ka dambeeyey.”

Siyaasiyiinta Pakistan ayaa waxaa inta badan lala beegsadaa weeraro, hase yeeshee tallaabooyinka ammaan ayaa weli ah kuwa dabacsan.

Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee dalka Liaquat Ali Khan ayaa lagu too gtay dibadbax ka dhacay magaa lada Rawalpindi 1951-kii.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Benazir Bhutto ayaa sidoo kale la dilay 2007 kadib markii qarax xoogg an uu ka dhacay gaarigeeda agtiisa xilli ay salaamey say taageerayaasheeda magaalada Rawalpindi. XIGASHO:BBC

WAA KUMA NINKA TOOGTAY CIMRAAN KHAN EE AAN INTA BADAN HADLIN? NAVEED


XIGASHADA SAWIRKA,TWITER

Naveed Axmed waxa uu ku noolaa guri ku yaalla Suhadra oo qaab muu qaalkiisu aad u liitay. Guriga ayaa marka aad eegto waxa uu u muuqdaa mid qabyo ah oo weli dhismo uu ku socdo.

Naveed waxa uu la noolaa labo wiil oo uu dhalay, hooyadii oo da’ ah iyo xaaskiisa.

Aagga uu ku noolaa ayaa warbaahinta qabsaday tan iyo markii uu toogtay Cimraan Khan iyo dad kale oo dibad baxayay. Hadda waxa uu ku jira xabsi ku yaalla Suhadra.

Suhadra waxa ay ku taallaa jiinka webiga Chenab. Waa magaalo aysan dad badan ku nooleyn, waxaana la aaminsan yahay in qoys kasta oo magaa ladan ku nool uu qof u soo shaqeeya dibadda u jiro. Wiilka curadka u ah Axmed waxa uu jiraa ilaa sannad iyo bar, halka wiilka yarna uu dhashayba 10 maalmood ka hor.

Guriga ay ku nool yihiin waa guri dhaxal ah oo ay hooyadood leedahay. Sida laga soo xigtay weriye maxalli ah oo la yirahdo Aqeel Axmed Lodhi "Ninka eedeysanaha ah guriga dhaxalka ah keligii ayaa qaatay isagoo u diiday walaalihii inay la wadaagaan."

Naveed Axmed aabihii Muxammad Bashiir waxa uu geeriyooday 15 sannadood ka hor.

Naveed Axmed waxa uu Sacuudiga ka soo shaqeynayay muddo afar sano iyo bar ah waxa uuna dalka ku soo laabtay dhowr bilood ka hor.

Sida laga soo xigtay Cabdullaahi oo daris la ah Naveed: "Ku dhowaad 5 sano ayuu shaqo adag ka soo shaqeeynayay Sacuudiga. Markii uu soo laabtayna shaqo toos ah ma uusan hayn."

Cadulaahi ayaa sheegay in Naveed uu yahay Muslim Suni ah. Waxaa mararka qaar uu ku tukan jiray masaajidka.

Mid ka mid ah baabuurtii kolonyada ee Cimran Khan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Hase yeeshee, Khalid Majeed oo ka mid ah dadka deegaanka Suhadra ayaa sheegay in Naveed qoyskiisa aysan ahayn qoys diinta ku fiiican. "Waligay ma arkin isagoo si toos ah salaadda u tukanaya," ayuu yiri.

Khaalid ayaa sidoo kale sheegay in markii uu maqlay inuu rasaas ku furay Cimraan Khan uu aad u naxay sababtoo ah waxa uu yiri: "Xitaa uma uusan muuqan qof weligii qof kale dharbaaxay."Muhammad Ashraf, oo isna deris la ah Naveed ayaa sheegay in uusan arkin isagoo qof la dagaalaya.

Khaalid ayaa sidoo kale sheegay inuu ahaa qof mar kasta aamusan oo afgaaban.

Dhanka kale Babar Xusseen oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in uusan ogeyn inuu wax xiriir ah la leeyahay xisbi siyaasadeed ama diimeed. "Waxa uu ahaa nin iska caadi ah, asalaamu caleynkum isuma dhaafi jirin."

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in maalmihii ugu dambeeyay xitaa aysan ka dareemin wax isbaddal ah ama shaki la xiriira inuu qaado weerar noocaas ah.

Toogashadan oo uu dhaawac kasoo gaaray Khan ayuu ku dhintay hal qof. Waxaa sidoo kale lagu dhaawacay 14 ka mid ah shaqaalaha xisbiga Imran ee Tehrik Insaf.

Imran Khan ayaa la dhigay isbitaalka Shaukat Khanum ee magaalada Lahore, waxaana lagu sameeyay qalliin lagaga soo saaray xabbaddii lugta kaga dhacday.

Maxaa dhacay Khamiistii?

Isu soo bixii xisbiga Imran Khan oo ka soo billowday Lahore kuna socday Islamabad ayaa gaaray Gujr anwala oo ka tirsan gobolka Punjab. Kumannaan qof ayaa la socday kolonyadan.

Imran Khan ayaa saarnaa gaari korka ka banaan isaga iyo qaar ka mid ah madaxda sare ee xisbiga.

Ka dibna qof ayaa bilaabay inuu rasaas furo. Markii dambe waa laga itaal roonaaday ninkii weerarka geystay, waxaana ku dhawaacmay 14 qof ayaa ku dhaawacmay, hal qofna waa uu ku naf waayey.

Taas waxaa barbar socday, Imran Khan ayaa sidoo kale lugta laga toogtay.

Imran Khan ayaa isla markiiba la dhigay isbitaalka Shaukat Khanum ee magaalada Lohar, halkaasoo lagu sameeyay qalliin Habeen hore xilli dambe, waxaana hadda la sheegay inuusan dhaawaciisa halis ahayn.

XIGASHO:BBC

DUCAALE OO KA HADLAY SABABTA AY DOW LADDIISA CIIDAMMO UGU DIREYSO KONGO

Ducaale oo ka hadlaya xafladda sagootinka ciidamada Kenya ee loo diray DRC Congo

XIGASHADA SAWIRKA,DUALE TWITER

In ka badan 100,000 oo qof ayaa guryahoda ka cararay halka tobanaan qofna la dilay ka dib markii uu dib u qafrxay dagaal u dhaxeeya ciidamada Kongo iyo fallaagada M23. Waa dagaalkii ugu muddada dheeraa sidoo kalana ugu dhimashada badnaa.

Hada se ciidamada Kenya ayaa ku biiraya dagaalka si ay u taageeraan milatariga Kongo, xasiloonidana dib loogu soo celiyo dalkan qaniga ku ah macdanta.

Muxuu dagaalka ku saabsan yahay?

Dagaalka dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa billo wday 30 sannadood ka hor waxaana tan iyo markii uu bilowday ku dhintay dad ka badan lix malyan oo qof halka 4.5 malyan oo qofna ay guryahoodii ka car areen.

Sannadkii la soo dhaafay dagaalka ayaa mar kale cirka isku shareeray iyadoo ciidamada ammaanka ay la dagaalmayaan in ka badan 100 koox oo hubeysan kuwaas oo ku sugan bariga bariga dalka inkastoo ay joogaan cii damo nabad ilaalin oo ka socda Qaramada Midoobay.

Fallaagada M23 iyo ciidamada Congo ayaa midba mid kale ku eedeeyay inuu bilaabay dagaalka hadda aloosan.

Xiisadan cusub ayaa waxay horseedday in madaxweyne Félix Tshisekedi uu ciidamada ugu baaqo inay tababaraan dhalinyaro ka bar bar dagaalanto si ay u taageeraan ciidanka.

Saameynta dagaalka kuma eka Kongo oo keliya balse waxa uu sidoo kale xumeeyay xiriira diblomaasiyadeed ee Rwanda iyo dalka Jamhuuri yadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.

Kongo ayaa dalka ay dariska yihiin ku eedeeysay inay baritaareyso falla agada M23 balse Ruwanda waa ay iska fogeysay eedeyntaaasi, xitaa todd obaadkii hore waxay ceyrisay safiirkii Ruwanda u fadhiyay Congo.

Jabhadda mucaaradka ee M23 oo la aasaasay 10 sannandood ka hor ayaa waxay ku doodeysaa inay difaaceyso danada owmiyadda Tutsiga eek u nool Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo kuwaas oo ka soo horjeeda maleeshiyada Hutu.

Madaxweyne Ruwanda Paul Kagame ayaa talada dalka la wareegay isa goo ah madaxa ciiamada Tutsi ee la dagaalamayay xagjiriinta Tutsiga ee go wracay boqolaal kun oo qof oo ka tirsan Tutsiga xilligii xasuuqii Ruwanda ee sannadkii 1994-tii. Kuwa badan oo ka mid dadkaasi xasuuqa geystay ayaa waxay u carareen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ka dib markii xoogaggii Kagame ay Ruwanda la wareegeen.

Isku day lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadii u dambeysay, ayay hogaa miyayaa sha ururka Bariga Afrika (EAC) isku raaceen in loo diro ciidamo qab oojiya dagaalka ka socda bariga DR.Congo,bilo uun ka dib mar kii dalkaas uu ku biiray ururka Bariga Africa.

Imisa askari ayaa tagi doona DR Congo?

Ciidamada Kenya

XIGASHADA SAWIRKA,AFP

Ma jirto tiro cayiman oo ku saabsan tirada ciidamada la geyn doono. Waxaan ilaa hadda ognahay in afar waddan oo kaliya - Kenya, Uganda, South Sudan, iyo Burundi - ay askartooda u dirayaan.

Kun askari oo Kenyan ah ayaa ku biiri doona dhiggooda Burundi oo horraantii bishii Ogosto gaaray DR Congo si ay howlgalka wadajirka ah ugala soo horjeedaan fallaagada. Ma cadda in Tanzania ay ciidamo geyn doonto iyo in kale.

Saraakiisha ciidamada ayaa ka gaabsaday in ay shaaciyaan tirada askarta ay la geyn doono Kongo, sababo la xiriira dhanka ammaanka iyo istaraatiijiyada.

Askarta Burundi ayaa hadda saldhig ku leh Luberezi oo u dhow Bukavu ee Koonfurta Kivu. Ciidamada Kenya ayaa la dejin doonaa meel u dhow Goma ee Waqooyiga Kivu waxaana ay ka amar qaadan doonaan Ciidamada ururka Bariga Afrika. Rwanda sidoo kale waxay xubin ka tahay EAC laakiin waxaa la isku raacay inaysan wax ciidan ah u dirin Kongo.

Maxay ciidamada Bariga Afrika uga duwan yihiin howlgalka Qaramada Midoobay?

Doorka ciidamada gobolka Bariga Afrika ayaa si cad loo qeexay kaas oo noqon doono inay bartilmaameedsanayaan kooxaha hubaysan.

Qaramada Midoobay ayaa hawl gallo nabad ilaalineed ka fuleneysay DR Congo tan iyo sanadkii 2000 waxana ay markii hore ku koobnayd ilaalinta rayidka iyo taageeridda hawlgalada ciidamada Congo.

Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa markii dambe ansixisay abuurista ciidamo dagaal oo loo igmaday fulinta howlgallada weerarrada ah ee lagu nabadeynayo kooxaha hubeysan ee gobolka.

Dad badan oo reer Congo ah ayaa si weyn u dhaleeceeya howlgalka Qaramada Midoobay, ee loo yaqaan Monusco, iyaga oo ku eedeeyay in 13,000 oo ciidamadeeda ah ay ku guuldareysteen in ay ka difaacaan fallaagada.

Horaantii sanadkan waxaa dhacay dibad baxyo lagu hoobtay oo looga soo horjeeday Qaramada Midoobay.

Falanqeeyayaasha ammaanka ayaa sheegaya in ciidamada Bariga Afrika iyo Monusco ay u baahan doonaan inay si dhow isula jaanqaadaan haddii la doonayo inay wax qabad yeeshaan.

Waa maxay danaha ay Kenya ka leedahay DR Congo?

Kenya ayaa gacan weyn ka geysatay sidii ay heshiis nabadeed oo joogto ah uga dhex dhalin lahayd DR Congo iyo fallaagada.

Bishii Luulyo, Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta - oo door muhiim ah ka qaatay in DR Congo ay ku biirto ururka EAC bishii Maarso - ayaa loo magacaabay fududeynta wadahadallada nabada iyo kormeerka fulinta heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay ku heshiiyeen Nairobi.

Maaddaama ay tahay dalka ugu dhaqaalaha badan Bariga Afrika, Kenya waxa ay aad u danaynaysay in ay horumariso xiriirkeeda ganacsi ee gobolka oo dhan iyada oo loo marayo ganacsi iyo maalgashi.

Dhanka kale, wasiirka Gaashaan dhigga Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa bartiisa Twitter soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo ciidamada Kenya ay u direyso DRC Congo ka dib markii uu ka qeyb galay xafladda sagootintooda: "Kenya, iyada oo raadinaysa in ay hogaamiso kobaca gobolka Bariga Afrika, waxa ay danayn qoto dheer oo joogto ah u leedahay ilaalinta nabadda Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.”

"Waxaan aad uga shaqeynaynay sidii aan beesha caalamka ugu abaabuli lahayn inay taageerto ciidamada bariga Afrika," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Kenya Aadan Ducaale oo munaasabadda ka hadlayay

XIGASHO:-BBC

Madaxweynaha Falastiin Oo Arrin Ka Dhan Ah Israa’iil U Gudbiyey Dowladda Mareykanka

Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas ayaa ugu baaqay xogh ayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken in uu ku cadaadiyo mas ’uuliyiinta Israa’iil inay joojiyaan xadgudbyada ay ka geysanayaan dhulka Falastiin.

Maxamuud Cabbaas oo teleefoon kula hadlayay Blinken ayaa wuxuu shee gay in maamulkiisa uu wado dadaallo uu ku dejinayo xiisadda ka taagan Daanta Galbeed.

Blinken ayaa wuxuu walaac ka muujiyay colaadda ka taa gan Daanta Galbeed xilli uu Khamistii teleefoon kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee xilka kasii degayo Yair Lapid isla markaana ugu baaqay dhinacyada inay joojiyaan dafaalka, sida laga soo xigtay afahayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Ciidamada Israa’iil ayaa sanadkan 100 qof oo Falastiiniyiin ah ku dilay Da anta Galbeed, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobey, wa ana dhima shadii ugu ba’neyd ee laga soo teb iyo Daanta Galbeed tan iyo sanadkii 2005-tii.

Koonfur Afrika oo dhaleeceyn kala kulan tay dho olatus ay cidamadeeda la samee yeen kuwa Ruushka

Xisbiga mucaaradka ugu weyn Koonfur Afrika ayaa dhaleeceeyay dowladda kadib markii ciidamada badda ee dalka as ay dhoolatus si wadajir ah ula same eyeen kuwa Ruushka,.

Mucaaradka waxay ku tilmaameen tallaabo khaldan.

Quwadaha caalamka ayaa cunaqaba teyn kusoo rogay Ruushka kadib uu duu llaankii ku qaaday Ukraine.

Markii ugu horreysay Ruushka iyo Koon fur Afrika ayaa si wadajir ah u sameeyeen dhoolatus militeri waxay aheyd sanadkii 2019-kii.

Dhoolatuskan waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa ciidamada badda ee Shiinaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip