HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 31-KA OKTOOBAR 2022-KA

0
Monday October 31, 2022 - 08:40:54 in Wararka by
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 31-KA OKTOOBAR 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Xasan oo dhiigiisa ku deeqay, baaq kalena soo saaray

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xalay dhiig u shubay dadka qaba dhaawacyada, wuxuuna mar kale bulsh ada ka codsaday in loo gurmado dadka mudan ee wajahaya duruufaha caafimaad iyo kuwa nololeed ee xaaladaha jira ka dhashay.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay baaqiisii Ha be en hore ee ku aadd anaa in dhammaan dad ka Soomaaliyeed ay u istaagaan samata-bix inta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadii arga gix iso ee Dorraad ka dhacay isgoyska Soobe.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo codsa day in loo midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalid iinta ay ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadi yey sida qaybaha kala duwan ee shacabka Soo maaliyeed ay dhiigga ugu deeqeen dadkooda, biyaha iyo cuntada, dharka iyo agabyada kale ee muhiimka ah ay u la gaaraan dhaawacyada.

Madaxweynaha ayaa Xalay dhankiisa ku deeq ay dhiig si uu u dhiirri geliyo olalahan gur mad ka qaran.

Weli waxaa goobta ka socda gurmadka ay wadaan shaqaalaha dowladda hoose iyo dhal inyaro kale, waxaana maqan in ka badan 10 qof oo weli aan nolol iyo geeri lagu helin.

Shalay tiradii ugu badneed oo dhalinyaro ah ayaa tegay isbitaallada Muqdisho, iyagoo ku de eqaya dhiigooda, si loogu badbaadiyo dhaaw acyada dhiig baxay.

Inta badan wadada weyn ee Maka Al-muka rama ayaa xiran weli, maadaama uu isgoyska Soobe ka socdo gurmadka loo fidinayo dad loo maleynayo inay burburka dhismayaasha ku ho os jiraan, madaxda ayaa aad u isticmaaleysa wadadaas.

Guddoonka Labada Aqal Ee Baarlamaan ka Oo Shaaciyay Xilliga Uu Furmayo Kalfadhiga 2-aad

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa shaaci yay waqtiga ras miga ah ee uu furmayo kalfadhiga labaad ee Ba arlamaanka 11-aad.

War-saxaafadeed si wadajir ah usoo saar een Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaa shi Cabdullaahi ayaa waxaa lagu sheegay in labada mas’uul wadata shi ka yeesheen furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka.

Labada Guddoomiye ayaa isku raacay in si rasmi ah kalfadhiga 2-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka u furmo 15-ka bisha soo socota ee November 2022, oo ku beegsan maalin tal aado ah, sida la shaaciyay.

Xildhibaanada iyo Senotarada ku maqan fa saxa ayaa waxaa laga dalbaday inay fasaxa ka soo noqdaan, isla markaana ay isku soo diyaar iyaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadko oda shaqo ee laga doonayo.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka lasoo saaray

Shariif oo si dag uga hadlay musiibadii Zoo be 2, fariina u diray shacabka iyo DF

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay masiibada ka dhalatay qaraxyadii ay Dorraad Khawaarijtu ka geysatay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, isa goo fariin u diray shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa ugu horeyn dadka So omaaliyeed ugu baaqay inay si hagar la’ aan ah isugu gurmadaan, maa daama ay dhacday mu siibo baaxad weyn.

sidoo kale dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay la imaato qorshe cad oo looga jaw aabi karo xaaladaan deg deg ga ah, sidoo kale wuxuu dowl adda ku adkeeyey inay tallaab ooyin deg deg ah Al-Shabaab uga qaado furim aha dagaalka.

"Arrintaan u jeedkeedu waa in dagaalka lagu hakiyo, waxaan soo jeedinayaa inaan loo jilcin hala sii laban la abo dagaalka, mar hore ayaa laga quustay ko oxdaan dadka dhibaateyneysa, yaan dagaalka laga jilcin,” ay uu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in dagaal looga furo meelaha hadda aysan dagaal adu ka socon ee kooxdu joogto, si deg deg looga guu leysto.

"Waxaa fiican in culeyska la wada qaado, meelaha ay joogaan oo dhan dagaal ha looga furo, hadda waxaa muuqata fursad weyn oo lo oga xoroobi karo Al-shabaab,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale wuxuu codsaday in si hagar la’ aan ah dowladda loo garab istaago si looga guu leysto kooxdaan, isagoo nasiib darro ku tilmaa may in kooxaha Khawaarijta ah ay diinta isla amka fasir qaldan ka siiyeen dhalinyaro aan baran.

"War marka hore diinta barta, oo u soo la abta dadka Soomaaliyeed iyo dowladiina, ugu yaraan waxaad ka qeyb qaada kartaan inaad jo ojisaan dhiiga umadaan aan waxaba idinka galabsan,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Somaliya oo Baaq aan hore loo arag u diray Beesha Caalamka, kadib Qaraxyadii Soobe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalalka beesha caalamka ka dalbaday inay Soomaaliya u soo diraan dhaqa atiir caafimaad iyo Dawo, kadib qasaarihii ka dhashay Qaraxyadii Alshabaab ku qaaday xar unta Wasaaradda Waxbarashada iyo Isgoyska Soobe.

Kadib markii uu madaxweynuhu tegay goo bta qaraxa ayuu dalalka dunida ugu baaqay in ay dhaqaatiir caafimaad u soo diraan Sooma aliya, maadaama aysan suuragal u ahayn dhaa wacyada faraha badan loo qaado dibadda.

"Waxaan walaalaha Soo maalida iyo dalalka caa lamka ka codsaneynaa in Soomaaliya loosoo diro dhaqaatiir, ka kaalmeysa Isbitaalladeena dhaawacyada qaarkood. Dadka tiradoodu intaas la eg tahay inaan dibadda u da abulno nooma sahlana…waxaan codsaneyd naa aqoonta naga maqan ee aan dibadda u aadeyno ciddii kari karta inay noo soo diraan..” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa hay’adaha dowladda faray inay gargaar u fidiyaan dadka ku waxyeel oobay Qaraxyadii Soobe, loona qabto dham maan wixii la kari karo.

Soomaaliya ayaa mar kasta oo ay qaraxyo dhacaan dibadda u qaada dadka dhaawacyada culus soo gaaraan, waxaana ugu wacan dhaq aatiir xumo iyo qalab yari heysata isbitaallada dalka, gaar ahaan kuwa Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo baaq deg deg ah soo saaray

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aa dan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka cods aday xildhibaanada,howlwadeenada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay si deg deg ah gurmad ula gaaraan dadka dhaawacyada ah ee ku jira Isbitaaladda Magaaladda Muqdisho islamarkaana dhiigooda ugu deeqaan.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta hadal siiyay ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehell ada iyo saaxiibadii ay ka geeri yoodeen dadkii ku dhintay qaraxyada, isaga oo sheegay in dad Shacab ah oo aan waxba Shalaysan si bani’aadannimada ka baxsan lagu laayay.

"Al-Shabaab waxaa ay dadka Soomaaliy eed u cadeeyeen in ummadda aysan wax rajo ah kalaheyn ayna yihiin cadow la soo adeegs aday oo doonaya inay Soomaaliya baabi’bint eeda qandaraas ku qaba, taasina horay loo ogaa.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in ay ku guu leysan doonaan kacdoonka Shacabka iyo dow ladda Soomaaliya ay isla qaateen ee ah mid dalka looga xoreynayo Ururka Al-Shabaab, wux uuna Shacabka ugu baaqay inay Isitaallada ugu gurmadaan dadka dhiiga u baahan ee dhaaw acyada qaba.


Xukuumadda Oo Soo Saartay Go’aamo Muh iim Ah Oo Ku Saabsan Gurmadka Qaran Ee Qaraxyadii Ay Khawaarijtu U Geysatay Shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federa alka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa Xalay shir guddoomiyay shir Golaha Wasiirrada oo degeg ah oo looga hadlayey gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ay shaley magaa lada Muqdisho ka geysteen kooxaha Khawaar iijta ee magaca diinta Islaamka ku qaraaban aya. Waxaana ka soo baxay qodobaddan soo socda.

1.Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay lacag dhan hal million oo dollar ku dee qday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada waxashnim ada ah ee argagixisada khawaarijtu ku beegsad een dad shacab ah oo aan waxba Shalaysan.

2.Dowladda Federaalka ee Soomaaliya wa xay kafaala qaadeysaa daweynta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmey qaraxyadii shaley ee KM5.

3.Waxaa kale oo Goluhu isku raacay in la ka faala qaado waxabarashada carruurta ay ka tag een shuhaddadii ku nafweysay qaraxyadii sha ley, iyadoo laga ambaqaadayo balanqaadkii uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxa muud markii uu booqday goobta uu qaraxa ka dhacay.

4.Waxaa xukuumadda ay fareysaa Wasaa radda Waxbarashada iyo Hiddaha in muddo saddex maalmood ah la fasaxo goobaha wax barashada si ay waqti ugu helaan ardeyda sii wadista hawlaha gurmadka socda ee loogu gar gaarayo dhibbaneyaasha weeraradii dhacay.

5.Waxaa dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda la farayaa inay si buuxda uga qeyb qaataan gurmadka socda.

6.Waxaa Dowladda Federaalka ee Soomaa liya ay ku dhawaaqeysaa qaadista talaabooyin cad cad oo amniga lagu sugayo, lana samey nayo isbeddelo degdeg ah oo la jaanqaadaya xaaladda dalka ka jirta.

7.Waxaa uu Golaha Wasiirrada si xushma da leh uu shacabka Soomaaliyeed uga codsana yaa inay yeeshaan feejignaan dheeri ah, samir, dulqaad iyo adkeysi inta lagu guda jiro hawlgal ka lagu ciribtirayo cadowga khawaarijta oo dha mmaan goobihii ay isku fara saareen Ciidam madda Qaranka iyo shacabka taageeraya looga adkaadey, sidaa darteedna ay iyagoo naf la ca ari ah isku dayayaan inay beegsadaan shacab ka masaakiinta ah.

8.Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale balanqaadeysaa in Khawaarijta dalka laga cirib tirayo, isla markaana ay Ciidammada Qalabka Sida sii wadi doonaan gulufka guulaha badan laga gaarey, kaas oo khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare ballaaran.

9.Waxaa kale oo uu Golaha Wasiirrada isku afgartey in In dib loo yagleelo Bankiga Kaydka Dhiigga ee heer qaran si sare loogu qaado ad eegga caafimaadka ee shacabka Soomaali yeed. Goluhu wuxuu mar kale tacsi u diray qoysaska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen shuhaddadii shaley ku naf waa yey weerarada waxashnimada ee naf lacaariga khawaarijta ku qaadeen goobaha rayidka, iya doo dhinaca kalena mahad celin loo jeediyay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee isku xilqaamey gurmadka qaraxyadii ka dha cay KM 5.

Shirkaan aan caadiga ahayn ayaa Goluhu waxaa kale oo uu ku dhegeystay warbixino ay soo jeediyeen Taliyeyaasha ciidamada Xoogga dalka, Booliiska, Nabadsugidda iyo Guddiga Ga arka ah ee Golaha Wasiirrada ee Ra’iisul Wasa aruhu u magaacabay Gurmadka Qaraxyadii dhacay shaley, madaxda laamaha amniga iyo Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed.---DHAMMAAD—

RW Xamsa oo maga aabay Guddi qaabli san Qaraxya dii Soobe 2

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaa lka Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay gu ddi ka shaqeeya howlaha gurmadka ee Qaraxy adii qasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay .

Qoraal ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inuu magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo shaqeyn doona howlaha gurmadka. Xubnaha Guddiga Gurmadka oo ka ko oban 10 qofood, waxay kala yihiin sidan:

1. Dr. Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caafimaadka Guddoomiye

2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali Wasiirka Amn iga Gudaha Xubin

3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir Wasiirka Waxb arashada Xubin

4. Daa’uud Aweys Jaamac. Wasiirka Warfa afinta Xubin

5. Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Hawe enka Xubin

6. Abshir Maxamed Axmed Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Xubin

7. Xirsi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha XRW Xubin

8. Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin

9. Maxamuud Macallin Cabdulle Guddoomiyaha SODMA Xubin

10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Maareey aha NEOC Xogheyn

Guddigan uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaab ay ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda:

1. Hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29/10/2022.

2. Fidinta caawimaad deg deg ah dadkii wax ye eladu ka soo gaartay qaraxyada.

3. Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’y ahay.

4. Isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gu rmadka

5. Xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caaf imaad ee Isbitaallada Dalka

Caro ka dhalatay arrin ay sameeyeen isbita allada Muqdisho kadib qaraxyadii

Qaar ka mid ah isbitaallada gaarka loo leey ahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa Shalay bilaabay inay lacago ka qaadaan dadka shacabka ah ee dhiiga u shubayo dadkii ku wax yeeloobay qaraxyadii ka dhacay isgoysa Zoobe.

Arrintan oo ah mid halis ah ayaa waxaa aad lo ogu baahiyey baraha bulshada, ayadoo dadwey nuhuna ay si carro leh uga falceliyeen tallaabadan oo si weyn loo dhaleeceeyey isbit aallada.

Lacagta laga qaadayo dadka shacabka ah ee dhiiga tabarucaya ayaa gaareyso illaa 30 Do llar, sida ay muujinayaan dukumintiyo lagu baa hiyey baraha bulshada ee Iternet-ka.

Dhinaca kale wasaaradda caafimaadka So omaaliya oo durbo arrintan war ka soo saartay ayaa amar culus dul-dhig tay isbitaallada ku yaallo gudaha magaalada Muqdi sho.

Wasaaradda ayaa fartay bahda caafimaadka inay shacabka Soomaaliy eed ee dhiiga u shubaya dadka ay waxyeelada soo gaartay inay u fududeeyaan habraaca loo ga baahan yahay ee dhiig shubista.

"Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey fareeysaa dhamaan Isbitaalada Muqdi sho in Shacabka Soomaaliyeed ee dhiiga ugu deeqaan walaalahood ay dhibaatada kasoo ga artay musiibadii Dorraad ay u fududeeyaan hab raacyada looga baahan yahay si ay u bixiyaan dhiigaga,” ayey tiri wasaaraddu.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in isbi taallada looga baahan yahay inay qaataan doo rkooda oo ay caawiyaan dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada soo gaartay

"Wasaaradda Caafimaadku iyo Daryeelka Bulshad xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxey adkeynaysaa in Isbitaalada ay caawiy aan Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo gaadhay. Sidoo waxaa bulshada lawadaag eynaa inay si degdeg ah u gaadhaan Isbitaal ada danta guud ee Demartini, Benadir, Madiino iyo Ex-Digfeer oo diyaar u ah fududeynta how laha gaegaarka Caafimaad,” ayaa markale lagu yiri qoraalka wasaaradda. caafimaadka Soom aaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka Oo Ka qeyb ka Noq day Gurmadka Dhiig Shubista

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa gaaray Isbitaalka Ex-Digfeer,Si ay ugu qeyb qataan Gurmadka Dhiig Subista ee ka so cda guud ahaan Caasi mada Muqdisho.

Khawaarijta ayaa isku dayaya inay ka aarsada an Shacabka kadib markii Jab-Weyn kasoo ga aray dagaalada lagula jiro.

Tanni ayaa caddeen u ah jabka gaaray Khawa arijta.Oo iskugu soo arruuray Qarax.

Dorraad ayay aheyd markii Qaraxyo laba ah ay ka dhaceen Isgooska KM5 ee Magaalada Muqd isho,Waxaan ku waxyeloobay dad shacab ah, oo u badnaa dadka danta yar.


Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Oo Digniin Adag Soo Saaray.

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Gaashaanle sare Mahdi Cumar Muu min ayaa ka hadlay dagaalka dowladda ay kula jirto Shab aab, isagoo fariin culus diray.

Taliye Muumin ayaa shacab ka uga digay iney dhaqaale ku taageeraan kooxda Al-Sha baab, wuxuuna qofkii taageero maaliyadeed kooxdaasi siiyay ku tilmaamay inuu la mid ya hay kooxda.

"shacabka waxaan ugu baaqeenaa iney soo sheegaan qof kasta oo Shabaab ah oo dhaqa ala soo weydiisto, qofkii shabaab hal doolar sii ya hal xabad ayuu gaday, qofkii toban kun doo lar siiya gaari qarax ayuu gaday, ma aqbaleeno in dhaqaalo magaaladaan laga aruurshay lagu gubo” ayuu yiri Jeneraal Muumin.

Hadalkan waxa uu ka sheegay madal lagu aasayay taliyihii booliska degmada Hodan Xuseen Cadceed iyo askar ilaalo u eheyd oo ku dhintay qaraxyadii Zoobe, waxaana lagu aasay isbitaalka xoogga ee magaalada Muqdisho

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo si buuxda ula wareegay Masa ajid Cali Gaduud

Ciidanka xoogga dalka kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Mas aajid Cali Gaduud oo ku yaa lla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor ayaa la sheegay inay Al-Shabaab ka saareen Masaajid Cali gaduud, inkastoo warar kale ay sheegay aan inay Alshabaab Dorraad ka baxeen deegaankaas.

Masaajid Cali Gaduud ayaa ahaa goob aad muhiim ugu ah Alshabaab. wuxuuna si gaar ah ugu ahaa ilo dhaqaale oo ay ku uruursadaan xo olaha ay ka qaadaan shacabka Soomaaliyeed, sida ay dowladdu sheegtay.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in xoraynta deegaankaan ay Alshabaab uga dile en in ka badan 100 dagaalame oo ay ku jiraan horjoogayaal sare sare.

Sabtidii hore ayay ahayd markii shabaab ay dib ula wareegeen deegaankaan kadib markii dag aal rogaal celis ah oo ay kusoo qaadeen.

Guddomiye Madaale Oo Ka Hadlay Kha saa raha Ka Dhashay Qaraxyadii Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Du qa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimc aale Madaale ayaa ka hadlay howlaha gurmad ka socda iyo khasaaraha ka dhashay qaraxyadii Dorraad lagu weeraray Wasaaradda Waxbara shada Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiye Madaale oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu sheegay inay socdaan howlo gur mad xooggan oo loo sa mee ynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo gey stay kha saaro dhimasho iyo dhaawac.

Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in tirada dadkii ku dhintay qaraxyada ay haatan mareyso 104 qof, halka dadka dhaawacmayna ay gaarayaan 269 qof, isla markaana illaa iyo hada 6 qof aan la aqoonsan, isagoona dal baday in la baadi goobo ehelada dadkaas la aqoonsan la’yahay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadi ayaa shacabka kunool caasimadda ka codsa day inay tagaan Isbitaalada magaalada oo gu rmad dhiig u fidiyaan dadka u baahan in dhiig la gu shubo, wuxuuna intaas kusii daray in gurm adka looga baahan yahay in lasii laba jibaaro.

Gaba-gabadii Guddoomiyaha Gobolka ayaa Isbitaalada ku amray in aysan wax lacag ah ka qaadin dadka qaba dhaawacyada ee waxyeela da kasoo gaartay qaraxyadii dhacay, isagoona xusay in Maamulka Gobolka uu baari doono wa rar sheegayay in lacag laga qaad dad doonayey inay dhiig u shubaan dadkii dhaawacmay ee Isbitaalada ku jira.

Tirada dhimashada iyo dhaawaca uu shee gay Guddoomiye Madaale ayaa waxaa macq uul inay ka badan tahay intaas, waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhaya khasaaraha qaraxyadii dhacay, iyadoona uu weli socdo gur mad xooggan oo la sameeynayo.

Xukuumada Somalia oo sheegtay in dhaaw acyada Caafimaad dibadda ah loo qaadi doono

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xuku umadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo booqdey Isbitaalada la geeyey dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii Shalay ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalada Digfeer iyo Madiina ka dhageystey warb ixin ku saabsan xaaladda dhaa wacyada halka Maamulka Isbit aalada gaarka loo leeyahayna uu qadka Tel foonka kula xiriirey si uu uga xog wareysto xaa ladda dhawacyada la gaarsiiyey xarumahooda Caafimaad.

Wasiirka ayaa dhaawacyada yaala Isbitaa lada Madiina iyo Erdogan Ex Digfeer u dul ist aagey mid mid waxa uuna Maamulka iyo Dhaq aatiirta farey in ay hellaan adeeg Caafimaad oo dhameystiran si cadowga loo tuso in dadkan ay san waxba katari karin talaabo kasto oo gura can oo ay qaadaan.

Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalada uu Wasiirka tagey ayaa rajo fiican ka muujiyey xaa ladda Caafimaad ee dhaawacyada qaar kood inkastoo ay jiraan kiisas culus oo u baahan di badda, waxa ayna sheegeen in ay helli doon aan baxnaano fiican iyo adeeg Caafimaad oo tayo leh.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Dar yeelka Bulshada Xukuumadda Federa alka Soo maaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhaawacya da Alle ugu baryey in Caafim aad deg deg ah si iyo, sidoo kalena sheeg ey in Wasaaradda Caa fimaadka ay si hoo se ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaanintooda.

Ugu dambeyna Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caaafimaadka Soomaaliya ayaa sheegey in Wasaaradda ay ka shaqeyn doonta dadka u baahan in ay hellaan Caafimaad banaanka ah sidii ay ku helli lahaayeen Caafimaad dibadda ah maadaama kiisas u baahan dibadda ay jiri karaan

Wasiirka Caafimaadka oo ka mid noqday dadka dhiiga ugu deeqay dhaawacyada

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Dar yeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soo maaliya Dr Cali Xaaji Aadan, ayaa ka mid noq dey Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhiigga u shubey Shacabkii shaley ay xasuuqeen khawa arijta ee dhaawacyada noqdey.

Wasiirka ayaa kormeerey sida ay u socdaan howlaha gurmadka ee loo ga gurmanayo Muwaadiniin ta Soomaaliye ed ee ku dha awacmey Qaraxyadii is xig xigey ee nabadiidka ay ka geysteen xarunta Wasaara dda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku taala Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuu madda Federaalka Soomaaliya, ayaa howl wad eenada xarunta gurmadka Qaran ee Masiibadii Soobe ka xog wareystey halka ay howluhu mar ayaan isagoo tagaya goob kasta oo ay ka soc oto howlaha gurmadka.

Wasiirka ayaa Yiri "Waxaan idinku boggaad inayaa howlaha muhiimka ah, ee bahda Caaf imaadka, oo isugu jiro kuwa dowladdu maamu sho iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo ay Shaley ilaa Shalay u taagan badbaadinta iyo baxnaana da Shacabkii masaakiinta ahaa ee shaley khaw aarijta ku xasuuqdey Soobe ".

Cumar Cabdirashiid: Haddi ay run noq oto muddo kororsiga, waxay u badan ta hay in ay wiiqdo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cu mar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa shee gay damaca muddo kordhinta madaxda Soom aaliya, inay wiiqayso dagaalka ka dhanka ah Al Shabab.

Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay bartiisa twitterka, wuxuu sheeg ay inay ceeb ku tahay inay u hanqal taagaaan muddo markii hore kasoo horjeedeen in loo sameeyo madaxii ka horray say.

"Haddi ay run noqoto wararka xanta ah, wa xa ay abuuri doontaa saameyn liddi ku ah, wax ayna u badan tahay in ay wiiqdo dagaalka ka dhanka ah Al Shabab,” ayuu yidhi, Cumar Cab dirashiid.

Hadalka raysal wasaarihii hore ee Soomaal iya ayaa kusoo aaday xilli madaxda dowladda federalka iyo dowlad goboleedyadu ay ku shir san yihiin magaalada Muqdisho.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in mud do labo labo sano ah ay ku darsanayaan xilalko oda, balse si dhab ah looma oga arrintaas, waa se xog la helay.Horeyba qaar kamid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa kororsaday muddo xiloodkooda, iyagoo hal hal sano ku koror saday.


Duqa Muqdisho Oo Warbixin Laga Siiy ey Howlaha Gurmadka Ah Ee Ka Socda Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Du qa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jim caale (Madaale) ayaa markale tagay goobtii ay Dorraad qaraxyada Is-miidaaminta ahaa ka dha ceen ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuum adda Soomaaliya.

Goobta ayaa waxaa shaqo ka waday howl wadeeno ka tirsan Dowladda Hoose Ee Xamar iyo Bulshada Gobolka Banaadir oo iskaashan aya si loo sii baadi goobo dad weli la la’yahay iyo sidii halkaasi nadaafad guud loogu sameen lahaa.

Sidoo kale waxaa uu Guddoomiyaha u kuurgalay baaxada dhibaatada halkaasi ka dhacday adigoona warbixin goobta kaga dha geystay Guddiga Gurmadka Deg Dega ee Gobolka Banadir oo ay hogaaminayaan Guddo omiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gob olka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) iyo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulsha da iyo Wacyigelinta Basma Caamir Axmed (Jak eeti).

Guddigaan oo uu Shalay magacaabay Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa kormeero kala ged isan kusoo sameeyay dhamaan goobaha Caafi maadka ee la geeyay dhaawacyada, sidoo kale waxa ay Guddiga u kuurgaleen gurmadka ay fid inayaan shacabka Muqdisho ee iyagu dhiiga u gu deeqaya dadka dhaawaca ah iyo kuwa isxil-qaamay ee Askarta iyo qeybaha kale ee Bulsh ada soo gaarsiinaya cunooyinka iyo cabitaa nada.

Guddoomiyaha Gobolka Baanadir ahna Du qa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimc aale (Madaale) ayaa Shalay ugu baaqay Shac abka Muqdisho in ay ka qeyb qaataan gurm adka iskuna gar-gaaraan.

Dhinaca kale wuxuu faray goobaha Caafima adka in aan wax lacag ah laga qaadi karin dha awacyada iyo dadka deeqda dhiiga bixinaya, isagoo uu ugu Mahadceliyay Bulshada qeybaho oda kala gedisan dadaalka ay ku bixinayaan in kaalintooda ay ka qaataan gurmadka.

Ganacsade Cumar Cali Cabdulle (Qoormad oobe) oo ku geeriyooday qaraxyadii Muqdisho

Alle ha u naxariistee ganacsade Cumar Cali Cabdulle (Qoormadoobe) oo ka mid ah ganacs atada Magaalada Muqdisho ayaa ka mid noq day dadka ku geeriyooday qaraxyadii Dorraad ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Ganacsadaha oo ka mid ahaa milkiileyaasha iyo aasaasaya asha Midnimo Supermarket ay aa waxaa la geeriyooday wiil uu adeer u ahaa, oo lagu mag acaabi jiray Cabdikaafi Garaad Geeddi (Qoorm adoobe).

Midnimo Supermarket ayaa ka mid ah xar umaha ganacsi, ee ay sida weyn uga dukaame ystaan dadka reer Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xas an Sheekh Maxamuud ayaa tirada dad ka ku dhintay qaraxyadaasi ku sheegay 100 qof, tiro saddex boqol ku dhowna ay ku dhaawacantay.

Tirada dadka ku dhintay qaraxyadii Isg oyska Zoobe oo gaartay 107 qof

Sabtidii Dorraad waxay ahayd maalin kale oo murugadeeda wadata oo soo martay shacab ka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, ka dib lab adii qarax ee ka dhacay aagga Isgoyska Zoobe.

Qaraxyadan oo loo ade egsaday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray Xarun ta Wasaaradda Waxbara shada, Hidaha & Tacliinta Sare, oo halk aasi ku taala, waxayna qaraxyad aasi dhac een, xilli uu mashquul iyo ciriiri bad ani ka jiray waddada.

Waxaa tan iyo markii ay qaraxyadu dhaceen isa soo taraya tirada dadka ku dhintay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay qaraxyadaasi.

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dambe oo Habeen hore ah ayd kormeeray goobihii ay qaraxyadu ka dhac een ayaa sheegay in qaraxyadaasi ay galaafte en nolosha 100 qof, halka tiro 300 ku dhowna ay ku dhaawacantay.

Tirada dhimashada ayaa laga baqdin qabaa inay ka badan tahay inta uu Madaxweynuhu sheegay, marka aad fiiriso inay weli qoysaska qaarkood la’yihiin xubno ka mida eheladooda, oo markii ugu war dambeysayna ku sugnaa Isgoyska Zoobe.

Isbitaalka Madiina oo keliya ayaa waxaa la geeyay 75 meyd iyo dhaawacyo 79 qof, sida uu sheegay Madaxa Caafimaadka ee isbitaalkaasi, Dr. Saciid Cabdulqaadir Daahir.

Isbitaalka Daaru Shifaa oo la geeyay dhaa wacyada 30 qof ayuu mid ka mida bukaanada u geeriyooday dhaawicii uu qabay, sida uu xaqiij iyay Dr. Cabdullaahi Nuur Cumar oo ka tirsan dhakhaatiirta ka hawlgasha isbitaalkaasi.

Isbitaalka Digfeer ayaa isna la geeyay me ydad gaaraya 31 qof iyo dhaawaca 106 qof, tani oo tirada dhimashada ee illaa iyo hadda la ogy ahay ka dhigeysa 107 qof.

Khadar Ibraahim Faarax, Madaxa Shaqada & Shaqaalaha ee Isbitaal Kalkaal ayaa sheegay in isbitaalkooda la keenay 36 qof oo dhaawac ah, isla-markaana aysan qaabilin wax dhimasho ah, inta badan dhaawacyadana ay dib u fas axeen.

Marka laga soo taggo in dad badani ku wax yeeloobeen qaraxyadaasi ayaa waxaa haddana jira burbur weyn oo ka soo gaaray goobihii gan acsiga ee halkaasi ku yiilay.

Qoysas badan oo degan Caasimadda Muqdi sho ayaa waxaa guryahooda taala tacsida kuwii ay jeclaan, oo ku geeriyooday qaraxyadaasi oo masuuliyadooda ay sheegatay Al Shabaab.

Hormuud Salaam Foundation Oo $200, 000 Ugu Deeqday Gurmadka Dadkii Ku Dhaawa cmay Qaraxyadii Muqdisho

Hay’ada Hormuud Salaam foundation oo ah qeybta gargaaarka iyo hormarinta bulshada ee shirkada Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank ay aa deeq lacageed oo gaa raysa $200,000 ugu deeqday dadkii ku dhaawacmay qarax yadii Dorraad ka dhacay isgoyska Soobe.

Gudoomiyaha hay’ada Hormuud Salaam Foun dation C/laahi Nuur Cusman oo dadka soomaal iyeed uga tacsiyeeyey musiibadii Dorraad ka dhacday zoobe kana hadlay deeqda lacageed ee HSF iyo sida ay hay’ada uga qeyb qeybqaa datay gargaarka dadka waxyeelada soo gaartay ayaa yiri "waxaa aan isla Habeen hore same yney 5 Telephone lines oo loogu tala galay gur madka deg deg ah, sidoo Shalay waxaa ay HSF dib u kicisay Xaruntii wicitaanka dadweyna ha ee 449, oo horey loogu Isticmaali jirey Cov id-19 , taasoo hada loo isticmaalayo Gurmadka deg deg ah. Shalayna hay’ada waxa ay go’aan satay in ay 200 kun dollar ugu deeqdo dadki ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay zoobe, Allaha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacana allaha caafiyo”

Agaasimaha isbitaal banaadir Fartuun sha riif ayaa ka mahad celisay deeqda hey’ada ho rmuud salaam foundation ay ugu yaboohday dadka ay waxyeelada kasoo gaareen qaraxya dii Dorraad ka dhacay muqdisho.

Sidoo kale waxaa madasha loogu dhawaa qay deeqda ka hadlay xubin ka tirsan gudiga maareeynta musiibooyinka ayaa ka warbixiyay talaabooyinkii ay hey’ada hormuud salaam fou ndation uga qeyb qaadatay gurmadka tan iyo markii ay qaraxyada dheceen.

Hey’ada hormuud salaam foundation ayaa had iyo jeer waxa ay kaalin muuqata ka qaada taa u gargaarida bulshada soomaali yeed mar ka ay dhacaan musiibooyinka.

Qatar Iyo Turkiga Oo War Kasoo Saaray Qarax yadii Is-Miidaaminta Ahaa Ee Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaa reysay qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee Dorraad ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Sooma aliya, ee geystay khasaaraha dhima sho iyo midka dhaawaca ah iyo burburka hantiyad eed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadii lagu weeraray Xarunta Wasaar adda Waxbarashada Xuku umadda Federaalka Soom aaliya, iyagoona tacsi u diray dowladda.

Turkiga ayaa tacsi u diray dowladda Federaa lka iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoy saska ay dadka uga dhinteen qaraxyadii Muq disho, waxaana Alle Caafimaad u weydiiyeen dad ka dhaawacmay oo gaaraya ku dhawaad 100 qof.

"Waxaan si adag u cambaareyneynaa weera rradan, Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, wa xaan tacsi u direynaa ehelada, qaraabada iyo si doo kale dowladda aan saaxiibada iyo walaalaha nahay ee Soomaaliya, inta dhaawacantayna wax aana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Turkiga.

Sidoo kale qaraxyadii dhacay ayaa waxaa cam baareysay dowladda Qatar, iyagoona sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadii lagu weeraray Xarun ta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya oo ku taalla Isgoyska Soobe.

100 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, halka 300 ruux kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay ku jiray Saraakiil Ciidan, Wariye Maxamed Ciise Koonaa iyo dad kale oo farabadan, Al-shabaabna ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyadii dhacay

Hay’adda WHO oo ku dhawaaqday inay garg aar caafimaad u soo dirayso Soomaaliya

Madaxa hey’adda Qaramada Midoobay u qaab ilsan caafimaadka (WHO), Tedros Adhanom Ghebr eyesus, ayaa sheegay iney Soomaal iya gargaar caafimaad u dirayaan.

Madaxa ayaa tacsi u diray dowladda, iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar aha an qoysaska uu sida gaarka ah u sa ameeyey qaraxyadii Dorraad ka dha cay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, wuxuu carabka ku dhuftay Tedros Adhanom, in dowladda Soomaaliya ay ka kaalmey nayaan sidii loo daweyn lahaa dhaawacyada faraha badan, iyo hannaanka tiiraanyo bixinta dadkii ay dhib aatada xun soo gaartay.

Magaalada Muqdisho, ayaa Dorraad waxaa ka dhacay qaraxyo is xig xigay, kuwaasoo ay ku dhinte en ku dhawaad boqol qof, halka saddex boqolna ay ku dhaawacmeen..

Xukuumadda dowlad degaanka Soomaal ida oo digniin u dirtay dad ay ku sheeg tay inay fidinaya an Xagjirnimo, Cuns uriyad iyo Fowdo

War murtiyeed Dorraad oo Sabti ahayd kasoo ba xay dhinaca Xukuumadda dowlad degaanka Soom aalida ayaa lagaga hadlay dhacdadii dhawaan ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Jigjiga, iyo siday dadku uga falciliyeen iyadoo dowladdu ay sheegtay in dad dano kale wata ay gabaad ka dhiganayaan fal celinta shacabka ee la xiriirta dhacdadaas.

Hadaba dowladdu waxay si gaar ah u sheegtay ama digniin ugu dirtay dadyow ama ururo ay sheegtay inay isku daya yaan inay dhacdadaas dhacday falcelinteeda uga faa'iideeystaan inay kiciyaan oo ay abuuraan waxyaabo wax u dhimi kara amniga degaanka Soomaalida.

Sidoo kale dowladdu waxay War murtiyeedkan ku xustay inay jiraan Ururo wata magac siyaasadeed oo Masaajidada ku leh xubno masaajidka ka celiya qofka aan Soomaaliga ahayn ee masaajidka ku ciba adaysanaya.

Ugu dambayn Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalidu waxay sheegtay inay qaadayso talaabo oyin ay ku sheegtay in lagaga hortagayo waxa ay ku tilShalayy Xagjirnimadda, iyadoo shacabkana ugu baaqday inay garab ku siiyaan dowladda sidii aan degaanka uusan u noqon meel gabaad ay ka dhigt aan Ururada iyo shaqsiyaadka fidinaya waxay dow laddu ku tilShalayy afkaarta xagjirnimo.

War murtiyeedkan ayaa kusoo aadaya xilli wali ay jiraan dhibaatooyin ka dhashay dilkii xildhibaanad Juweeriye Subcis, iyadoo sidoo kalena Jimcihii aynu soo dhaafnay la sheegay in Masaajidka Badiic oo ku yaal magaalada Jigjiga ay rabshadi ka dhacday, ka dib markii nin aan Soomaali ahayn oo masaajidka ku cibaadaysanayay ay dad kale Masaajidka ku weer areen

Madaxda Somaliland iyo xildhibaan Mar aykan ah oo barta Twitterka iskaga jawaabay

Xildhibaan ka tirsan Koongaraska Maray kanka ay aa sheegay in Maraykanku uu ku faraxsanyahay saxi ibtinimada Somaliland, dhinaca kalena, madaxweyna ha Somalil and oo u jawaabay ayaa sheegay in xidhii dhka Somaliland iyo Maraykanku uu horseedi doono amaan iyo barwaaqo.

Xildhibaan Jim Risch oo ka tirsan Guddida Arri maha Dibadda Ee Koongaraska Maraykanka, oo bar tiisa Twitterka kaga falceliyay qoraal hambalyo ah oo uu madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdira xmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici u diray Taiwan maalinta qaranimada, ayaa sheegay in Maraykanku uu ku faraxsanyahay in uu haysto saxiib Somaliland oo kale ah.

"Maraykanku wuxuu ku faraxsanyahay in uu Afr ika ku leeyahay saaxiibo Somaliland oo kale ah oo Taiwan taageera, aqoonsiga ay bulshada caalamku siinayso iskaashiga Taiwan kaliya wuu kusii kobci doonaa uun Shiina xun ee khatar ta ah hortiisa" ayu yidhi xildhibaan Risch.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isna ka falceliyay qoraalka xildhibaan Risch, ayaa xil dhibaanka uga mahadceliyay taageeradiisa, wuxu una sheegay in Taiwan iyo So maliland ay leeyihiin xidhiidh heersare ah, isla markaana Somaliland ay Taiwan faa'iido badan ku qabto.

"Taiwan iyo Somaliland wax ay leeyihiin xidhidhiidh fiican, Taiwan waanu ka faa'I idnaa dhaqaale ahaan iyo tiknoolaji ahaanba, waanu jecelnahay siyaasadeeda iyo qiimaha dimuquraadiy adeedaba, waad ku mahadsantahay Risch taageer adaada, iyo aqoonsigaaga in xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanku uu kor u qaadi doono amaanka iyo barwaaqada" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Ugu danbayntiina, Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-Wen, oo faalo ka dhiibatay qoraalka hambalyada ah ee madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa sheegtay in Somaliland iyo Taiwan ay xidhiidhkooda sii xoojinayan.

Tirada dhimashada isbuurashadii ka dha cday Seoul oo sii korodhay Goobtii ay ka dhacday mashaqadu

Goobtii ay ka dhacday mashaqaduImage capt ion: In ka badan boqol iyo konton qof ayaa ku dhin tay, in ka badan sideetanna way ku dhaawacmeen, isbuurashadii ka dhacday Habeen hore magaalada Seoul, iyadoo tirada dhimasha da iyo dhaawaca ay sii kordha yaan.

Mid ka mid ah dhakhaatiirta goobta ku sugnaa, ayaa sheegay "in dad aad u bad an oo ay masiibadu soo gaartey wajiyadooda laga dheehan karayey mur ugo iyo welwel.

"Waan qaban kari waayay neefta kasoo baxeysa dadka, qaar badan oo ka mid ah ooneef qabatoom ay, ayaa sanka dhiigu ka da'ayey."

Goob joogayaal ayaa ku tilmaamay muuqaalo naxdin lah waxa kasoo baxay goobta musiibada, mar kii waddooyinka ciriiriga ah ee degmada ku yaalla ee magaalada caasimadda ah ee Seoul, ee caanka ah ee Itaew on, ay dadka isku bu urteen, iyadoo markaa ka dibna ay neef qabatoomeen.

Raphael Rashid, oo ah wariye madax-bannaan, ayaa BBC-da u sheegay in ay jiraan "tobanaan kun oo qof - oo ah kuwii ugu badnaa, oo uu isagu arkay, kuwaasoo daasan hareeraha laamiga.

Kumanaan dhalinyaro ah iyo dad da ah, ayaa yi mid degmada Itaewon, iyagoo ku labi san dhar ay uga qeyb galayaan xafladda Halloween-ka.

Waxay ku faraxsanaayeen inay ugu damb eyntii xafla dani qabsoonto, ka dib laba sano oo xannibaado cu durka safmar ka ah ee Covid uu ka jiray dalka Kuu riyada Koonfureed.

Laakiin muuqaallada musiibada ah, ayaa muuji naya naxdin weyn oo dhab ah oo soo shaac baxday, iyadoo ruux goob joogge ah uu masiibada lamid dhi gay filim dagaal.

Wararkii Ugu Danbeeyay In Ka Badan 30 Qof Oo Ku Geeriyootay Gobol Ka Tirsan Hindiya

Ugu yaraan 32 qof ayaa dhintay ka dib markii ay duntay buundo ku taal gobolka Gujarat ee galbeedka Hindiya.

Boqolaal qof ayaa ku daatay wabiga Macchu ee magaalada Morbi. Muuqaallo la soo duubay ayaa mu ujinaya dad ka soo laa-laada buundada.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa 400 oo qof ay ku sugnaayeen goobta markii ay buundada dumeysay. Maamulka ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu samata bixinayo dadka ku daatay webiga. Dhac dadan ayaa ku soo beegmatay afar maalmo od uun ka dib markii dib loo furay buundada ka dib dayactir lagu sameeyay.

Suxafiyiita Iran oo soo saaray bayaan ay ku camb aareynayaan xariga loo geystay qaar ka mid ah wariyayaasha

Boqolaal suxafiyiin ah oo u dhashay dalka Iran ayaa soo saaray bayaan ay ku cambaareynayaan xari ga loo geystay qaar ka mid ah wari yayaasha intii ay so cdeen mudaaharaa dyada dowladda looga soo horjeedo.

Bayaanka wariyayaashan ay ku dal banayaan in la siidaayo Suxufiyiinta xiran ayaa lagu daabacay qaar ka mid ah wargeysyada dalka Iran.

Waxaa suxafiyiintan xiran ka mid ah Niloofar Hamedi iyo Elaheh Mohammadi, oo ka mid ahaa wariyaya ashii ugu horeeyay ee soo tebiyay geerida Mahsa Amini, ee dhalisay dibadbaxyada.

Dowladda Iran ayaa wariyayaasha xiran ku eedeey say in ay la shaqeeyaan CIA.

TALEEFANKII GACANTA RAYSAL WAS AARIHII HORE EE UK OO LA SHEE GAY IN LA JABSA DAY

Dowladda ayaa loogu baaqay inay furto baaritaan ku saabsan sheegashada ah in ra'iisul wasaarihii ho re ee UK Liz Truss taleefankeeda la jabsaday xilligii ay ahayd xoghayaha arrimaha dibadda.

Wargeyska The Mail ayaa qoray axaddii in fariimo gaar ah oo u dhexeeyay Ms Truss iyo saraakiil ajnabi ah, kuwaas qaarkood ku saabsanaaye en dagaalka Ukraine, ay ku dhaceen gacmo shisheeye.

Jabsiga ayaa la ogaaday intii lagu jir ay ololihii hoggaanka Tory ee xagaa ga laakiin warkii waa la xakameeyay, ayuu yidhiw argeysku.

Dawladdu waxay sheegtay in ay sameeyeen ilaa lin "xoog leh" iyo iska difaacid khatareed oo kasta oo dhanka internetka ah.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in dawladdu "aa nay ka hadlin hab-dhaqanka amniga ee shakhsiy aadka".

Faahfaahinta ku saabsan jabsiga ayaa waxaa xa kameeyay ra'iisul wasaarihii xilligaas Boris Johnson iyo xoghayihii golaha wasiirada Simon Case, warg eyska The Mail ayaa baahiyey warkan iyagoo soo xi ganeya ilo u gaar ah iyaga.

Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in fariimo gaar ah oo ay is dhaafsadeen Ms Truss iyo Kwasi Kwarteng, oo ah saaxiibkeed ay isku dhow yihiin oo ay wasiir ka dhigtay markii ay ra’iisal wasaare noqo tay, uu sidoo kale kashifay jabsiga lagu eedeeyay.

Ma cadda sida ay wax u dhaceen, balse xisbiyada mucaaradka ayaa arrintan la aad u hadal haya.

"Sidoo kale waxaa jira su'aalo amni oo halis ah oo ku xeeran sababta iyo sida xogtan loo faafiyey ama ha dda loo sii daayay taas oo ay tahay in si degdeg ah loo baaro." Ayuu yi dhi xoghayaha arrimaha gudaha Yvette Cooper.

Wargeyska Mail on Sunday ayaa sheegay in wakiilo looga shakisan yahay inay u shaq eynayeen Ruushka ay mas’uul ka ahaayeen jabsi gaan, isagoo soo xiganaya ilo aan la magacaabin, balse BBC-da ma uma suuragelin inay xaqiijiso arri ntan.

Layla Moran oo ah afhayeenka xisbiga Libaraalka ee arrimaha dibadda ayaa walaac ka muujisay saba bta jabsiga la sheegay aan horay loo shaacin.

"Waxaan u baahannahay baadhitaan madax-banna an oo degdeg ah si aan runta u ogaanno," ayay tiri Ms Moran. "Haddii ay caddaato in macluumaadkan la ga qariyey dadweynaha si loo ilaaliyo dalabka hog gaanka Liz Truss, taasi waxay noqonay saa mid aan la cafin karin." Dawladdu way diiday inay ka hadasho mid ka mid ah tafaasiisha uu qoray Mail on Sun day.

"Dowladdu waxay leedahay habab adag oo looga hortagayo khataraha internetka," ayuu yiri afhayeen u hadlay. "Taas waxaa ka mid ah warbixinnada am ni ga ee joogtada ah ee wasiirrada, iyo talo ku saab san ilaalinta xogtooda gaarka ah iyo yareynta

khataraha internetka."XIGASHO:-BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip