In Atletico Ay U Qalanto Ku Guuleysiga UCL, In Zidane Uu Yahay Shaqsi Muhiim U Ah Taariikhda Kooxda Iyo Iney Koobka U Hibeeyeen Taageerayaashoodii Lagu DIlay Ciraaq Iyo Waxyaabo Uu Ka hadlay Madaxweynaha Madrid Ee Florentino Perez

0
Sunday May 29, 2016 - 12:24:48 in Sports News by
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In Atletico Ay U Qalanto Ku Guuleysiga UCL, In Zidane Uu Yahay Shaqsi Muhiim U Ah Taariikhda Kooxda Iyo Iney Koobka U Hibeeyeen Taageerayaashoodii Lagu DIlay Ciraaq Iyo Waxyaabo Uu Ka hadlay Madaxweynaha Madrid Ee Florentino Perez

    Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa ku faanay ciyaartooydiisa sidoo kadib guushii ay ku gaareen Milan si ay u noqdaan European Champions xalay sidoo kale wuxuu amaan ugu qubeeyay kooxdii koobka kula dagaalantay ee Atletico Madrid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa ku faanay ciyaartooydiisa sidoo kadib guushii ay ku gaareen Milan si ay u noqdaan European Champions xalay sidoo kale wuxuu amaan ugu qubeeyay kooxdii koobka kula dagaalantay ee Atletico Madrid.

Los Blancos ayaa u baahatay gool ku laadyo si ay u hantaan koobkoodii 11aad ee Champions League wuxuuna madaxweynaha kooxdaasi yiri isagoo ka hadlayay ” Waxaan ku faanaya inaan qeyb ka ahay Real Madrid, taageerayaasheeda, taarikhdeeda iyo ciyaartooydaan aanan caadiga aheyn”.

Isagoo ka hadlyay kooxda ay jaarka yihiin wuxuu yiri "Atletico Madrid waa dariskeena, waana saaxiibadeyn, waxayna muujiyeen heerka ay joogaan waana ju daraameya dhibta ay dareemayaan marka aad aragto wixii ay soo sameeyeen iyo wadadii ay soo mareen, laakin waan hubaaa wey ku guuleysan doonaan Champions league taariikhda dhaw”.

Perez

Kadib markii uu shaqada ka ceyriyay Rafa Benitez oo ka soo saaray kooxda heerka guruubyada Champions League madaxweynaha Madrid ayaa kooxdiisa ku aaminay Zinedine Zidane kaasoo koriinsho degdeg ah sameeyay marka la eego khibradiisii yareyd ee maclainimo wuxuuna yiri isagoo ka hadlayay "Zidane aniga ahaan, Madrid ahaan, iyo taariikhda kooxdaba wuxuu u yahay muhiim, sanadii 2002, wuxuu badalay taariikhda kooxdaan markii uu hantay koobka [Champions League] isagoo ciyaariyahan ah, haatana wuu sameeyay isagoo macalin ah.”

Ugu dnabeyn ninkaan ayaa koobka u hibeeyay jamaahiirta Real Madrid ee lagu laayay qaraxyadii ay ururka ISIS ka geysteen dalka Ciraaq bil ka hor wuxuuna yiri "Waxaan koobkaan u hibeynayaa taageerayaasheenii sida argagaxa leh loogu dilay Ciraaq, waxay ahaayeen dad gudbinayay qiimaha Madrid xili ay xaalad adag ku jireen”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip