TAARIIKH: Zinadine Zidane Oo Dib U Qoray Buugagta Taariikhda Champions League Noqdayna Qofkii Todobaad Ee Isagoo Macalin Iyo Ciyaariyahanba Ah Ee Ku Guuleystay, Ayaa Kaga Hore U Sameeyay Sidaas ?

0
Sunday May 29, 2016 - 12:22:59 in Sports News by
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAARIIKH: Zinadine Zidane Oo Dib U Qoray Buugagta Taariikhda Champions League Noqdayna Qofkii Todobaad Ee Isagoo Macalin Iyo Ciyaariyahanba Ah Ee Ku Guuleystay, Ayaa Kaga Hore U Sameeyay Sidaas ?

    Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay gool ku laadkii shanaad ee kooxdiisa u gacan galiyay koobka Champions league markii uu Junafran kooxdiisa ka qasaariyay darbadii afaraad waxayna midaas keentay in macalinka Real Madrid uu dib u qoro buugaagta taariikhd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay gool ku laadkii shanaad ee kooxdiisa u gacan galiyay koobka Champions league markii uu Junafran kooxdiisa ka qasaariyay darbadii afaraad waxayna midaas keentay in macalinka Real Madrid uu dib u qoro buugaagta taariikhda kubada cagta.

Zidane ayaa noqday shaqsigii todobaad ee isagoo ciyaariyahan ah iyo isagoo macalin ahba ku guuleysta koobkaan wuxuuna hore koobkaan ugu guuleystay markii uu dhaliyay goolkii ugu ficnaa taariikhda koobkaan xili ay la ciyaareen Bayer Leverkuson finalkiii 2000 kaas ayaana ahaa finalkii sadexaad ee Zidane oo labo final hore ugu guuldareystay xiligii uu joogay Juventus sanadihii 1997 iyo 1998.

Zizu

Liiska uu todobeynayo Zidane ee koobkaan ku guuleystay iyagoo macalimiin iyo ciyaartooy ah ayaa waxaa u horeeya Miguel Munoz, guuleystihii European Chmpions ee Real Madrid sanadihii 1956 iyo 1957 asagoo ciyaariyahan ah iyo sanadii 1966 asagoo macalin ah.

Giovanni Trapattoni asagoo ciyaariyahan ah ayuu la qaaday Inter ( 1963 iyo 1969 ) halka isagoo macalin ahna uu la qaaday Juve 1985.

.Johan Cruyff Ajax (971 iyo 1973 ) asagoo ciyaaariyahan ah halka uu la qaaday Barcelona koobkoodii ugu horeeyay ee European Cup sanadii 1992 asagoo macalin ah.

Macalinkii hore ee Real Carlo Ancelotti ayaa labo jeer la qaaday koobka AC Milan asagoo ciyaariyahan ah halka uu labo kale la qaaday isagoo macalin ah sidoo kale Merengues ayuu la qaaday 2014.

Frank Rijkaard ayaa bilada guuleystaha ku helay Milan 1989 iyo 1990 halka Ajax uu ku helay 1995, halka isagoo macalin ah uu kula guuleystay Champions League Barcelona sanadii 2006.

Pep Guardiola ayaa koobkiisii ugu horeeyay ee yurub hantay 2009, wuxuuna dabcan kula guuleystay Blaugrana sadexda koob wuxuuna ciyaariyahan ka ahaa kooxdii riyada ee Cruyff ee sanadii 1992.

Zidane ayaa liiskaan magaciisa ku soo daray wuxuuna hantay koobkaan isagoo ciyaariyahan ah iyo isagoo maclain ahba labada jeerna waxay yimaadeen isagoo jooga Real Madrid.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip