HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 30-KA OKTOOBAR 2022-KA

0
Sunday October 30, 2022 - 10:34:58 in Wararka by
  • Visits: 380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 30-KA OKTOOBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wararkii ugu danbeeyey qaraxyadii muqdiasho iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Khasaaraha Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho

Madaxweyaha dowladda Federaalka Soomaa liya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay kha saaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu weeraray Xarunta

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda ee ku

taalla Isgoyska Soobe.

Madaxweyne Xasan oo warbaahinta kula hadl ayey goobta qaraxyadu ka dhaceen ayaa waxaa uu sheegay in 100 qof ay ku dhinteen qaraxyadii Isgoyska Soobe, halka ku dhawaad 300 qof kal ena ay dhaawacyo kala soo gaareen, kuwaasi oo Isbitaalada la dhigay.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in gu rmad caafimaad oo deg deg ah ay u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ka murug eysan xaaladdan adag.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaag aan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qa raxyadan, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalid iinta ay ka tageen.

Wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa Madaxwey naha in dalalka taageera Soomaaliya ay ka dal ban doonaan inay usoo diraan dhaqaatiir Caafim aad iyo daawooyin, si gurmad loogu sameeyo dad kii waxyeelada kasoo gaartay qaraxydii ka dhacay Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo weeraray Al Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xa san Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay mu waadiniinta Soomaaliyeed ee birimageedada ah ay Shalay mal eeshiyada Al Shabaab ku xasuuqe en Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Culimada Soomaaliyeed iyo Wasaaradaha Awqaafta & Diin ta, Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ay shantii cisho ee la soo dhaafay si wadajir ah uga do odayeen hannaanka la dagaal anka fekerka xagjirnimada ah, taas oo ka turjuma ysa dhibaatada iyo xanuunka ay argagixisada u gaysteen shacabka Soomaaliyeed iyo been abuur ka ay ku sameeyeen diinta.

"Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa sii cad daanaysa arxan-darada iyo cadaawadda Khawa arijta Al Shabaab ay u hayaan qof kasta oo Soo maaliyeed. Qaraxa, dilka, xabadda la riday, ceelka la gubay, Masaajidka la dumiyay, dhammaan laca gta aad bixisaa qayb ka ah, ogoow qofka lacagta siinayow Shabaab.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay ahmiy adda ay leedahay in Culimada Soomaaliyeed ay si cad ugu oogeen xujada Al Shabaab, taas oo daa ha ka rogtay qiil kasta oo ay ku hoos gaban jireen, kagana been abuuran jireen diinteenna suuban ee Islaamka. "Shalay ma jiro hal qof oo shaki uu kaga jiro qorshaha rasmiga ah ee argagixisada Al Shabaab in uu yahay xasuuqa iyo gumaadka dadkeenna, goob kasta iyo goor kasta, laakiin taasi uma hirge layso, idam Alle, dalkana waan ka sifaynaynaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga ba ryay dhammaan dadkii ku dhintay qaraxyadaasi in uu fadhigooda ka yeello Jannatul Firdowsa, inta dhaawacyada ahna uu siiyo caafimaad degdega

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si kulul u cambaareeyay qaraxyadii lala beegs aday dad shacab ee Isgoyska Sope

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlam aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ay aa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii lala bee gsaday dad shacab ah oo marayey wada Soobe ee aan waxba Shalaysan waxaana uu ku tilmaa may mid wuxuushnimo ah.

Guddoomiyaha ayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay Alle uga baryay caa fimaad deg deg ah halka kuwii geeriyooday Inuu naxariistii janno ka waraabiyo. Sidoo kale Guddo omiyaha ayaa ummadda Soom aaliyeed ugu baaqay in ay kooxdan arxan laawaya asha ah ee caadeysatay gumaadka ummadda So omaaliyeed meel looga soo wada jeesto sidii loo cirib tiri lahaa

Ra’iisul Wasaare Xamze Oo Ka Hadlay Qarax yadii Ka Dhacay Zoobe.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriy adda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Ca bdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka naf lacaariga ah ee Khawaarij tu ay ku bee gsad een Shalay dadka maatida ah, waxaana uu she egay in aanu marnaba niyad jabin doonin kacdoon ka Shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalka ay Dow ladda Soomaaliya hormuudka ka tahay ee lagu ciribtiraayo Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Allaah uga bar yay inuu Janatul Fardowsa ugu deeqo dhammaan shacabkii Soomaaliyeed ee Shuhadada ahaa ee Shalay Khawaarijtu ku laayeen Magaalada Muqdishu.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in qara xyada Shalay dhacay ay tusaale u yihiin hadafka guud ee Khawaarijta oo ah inay baabi’iyaan um madda Soomaaliyeed, iyaga oo aan kala sooceyn carruur, dhallinyaro, haween iyo waayeel intaba.

Waxaa mar kale uu Ra’iisul Wasaaruhu ku celiyay in Xukuumadda ay ka go’an tahay sidii loo dabar goyn lahaa kooxda argagixisada ee gabalkoodu sii dhacayo, isagoo shacabkana ugu baaqay in si wadajir ah la isaga kaashado ka hortagga dhagar ta ay maleegayaan.

Ra’iisul wasaare Xamze oo ka hadlay qaraxyadii ka dhacay Zoobe.

Wasiirka Waxbarashada oo u tacsiyadeeyay dadkii ku shahiiday qaraxyadii Argagixisada

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hid daha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaa lka ee Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh C/ qaadir iyo guud ahaan bahda Wasaar ada Waxbarashadda, waxaa ay uga tacsiyeynayaan muru ga da iyo uur ku taala dana la qe ybsanayaan qoysa ska, qara abada, Saaxiibada iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed ee ay ar xan- lawaayasha argag axisada kusoo qaadeen Shalay weerarada xaqdarada ah. Waxaan ALLAH ugu baryaynaa shuhadadii ku geeriyootay weerarada xaqdarada ah in uu Jana diisa Far dowsa ah geeyo samir iyo iimaanna ka siiyo ehelada, qaraabada, iyo qoysas ka ay ka wa da geeriyoodeen dhamaant ood. Inta Dhaawaca ahna waxaan Alle uga baryeynaa in uu Caafimaad Deg deg ah siiyo.

Wasiirka Haweenka XFS oo ka tacsiyeeyaysay dadkii ku shahiiday qaraxyadii Shalay

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Khadiija Maxamed Diiriye ayaa tacsi u dirtay ehelada dadkii Shacabkii Shalay ku shah iiday iyo kuwii ku dhawaacmay dhagartii ay soo maleegeen Khawaarijta.

"Wixii Shalay dhacay waxa ay awood u sii yeeli doontaa dagaal ka wada-jirka ah ee lagu soo afjarayo. Ficil-kasta oo xun oo ay geysteen iyaga ayaa ka qoomameyn doono oo ar gagax ku dambeyn doono, mar walba oo ay kor dhiyeen bartilmaameedkooda waa marka uu si dhab ah u gaaro xanuunka shacabka iyo Dowla dda” ayay tiri Wasiir Khadiija.

"Runtii shan sanno kaddib ma aheyn inay mar kale bartilmaameedsadaan shacabka #Zoobe, ma jiro baraarug dambe oo haray oo aan aheyn inuu qof walba waxa uu heysto kala qeyb galo dagaal ka dhagar-qabayaasha ay kula jiraan shacabka # Soomaaliyeed. Waa inaan kor u dhahnaa kama ca bsaneyno, baad dambe kama yeeleyno, waana in aan dalka ka sifeeynaa iyadoo la argagax-gelin ayo” ayay tiri Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

Xiisaddii Xamza iyo Saciid Deni oo dham maatay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdu llaahi Deni ayaa ugu dambeyn Habeen hore kulmay kadib bilo laba mas’uul aysan wada-hadlin.

Kulanka ayaa ka dhacay hoteelka uu Muq disho ka degan yahay madaxweyne Deni, halk aasi oo Habeen hore Ra’iisul Wasaaraha Soomaa liya Xamza Cabdi Barre uu boo qasho iyo salaan ugu tagay.

Qoraal kooban oo ay baraha bul shada soo dhi geen labada ma s’uul, ay ey ku sheegeen inay soo qaadeen qodobo dha wr ah oo ay ugu horreeyaan xaaladda amniga dal ka iyo gurmadka abaaraha.

Kulanka waxaa ka qaybgalay la-taliyaha ra’iisul wasaaraha ee Arrimaha dib u heshiisiinta, Cali Ca bdi Awaare oo kasoo jeeda deegaanada Puntland, iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabd ifataax Maxamed Cabdinuur.

Labada mas’uul ayaan kulmi wixii ka dambeey ey markii madaxweyne Xasan Sheekh uu Xamza u magacaabay ra’iisul wasaaraha.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa aad uga soo horjeeday magacaabidda Xa mza Cabdi Barre ee xilka Ra’iisul wasaarenimo maadaama uu doonayey in isaga lagala tashado, oo loo magacaabo qof reer Puntland ah.

Sidoo kale fursado dhawr ah oo ay suurtogal ah ayd in labada mas’uul ku kulmaan ayaa waxaa arri ntaas ka maagay ama si cad uga hor-yimid madax wayne Deni, waxaana u dhowaa shirkii hogaamiy eyaasha maamulada iyo federaalka ku yeesheen Muqdisho kaasoo Deni uu doortey in uu kaga qe ybgalo qaab fogaan arag ah.

Ma cadda waxa lagu dhameeyey khilaafka laba

da mas’uul iyo waxa beddelay mowqifkii Deni.


Wasiir Alcadaala oo bogaadiyay, sida shacab ka ugu hoggaansameen awaamiirta dowladda

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa shacabka Sooma aliyeed ku ammaanay, sida ay ugu hoggaan sameen awaamiirta Dowl adda Fe deraalka.

"Shacabka Soomaaliy eed waan uga mahad cel inaynaa baraarugoo da sa rreeya iyo sida ay u muuji yeen diidanaantooda ka dhanka ah Khawaarijta. Waan ku faraxsanahay si da aad u ful iseen awaamiirta dowladdiina iyo sida aad u garab taagantihiin geesiyaasha jihaadka ku jira.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka.

Alcadaala ayaa qoraal ku sheegay in mar kas ta oo shacabka Soomaaliyeed iska diidaan Shaba ab iyo duleyntooda ay tahay mar kasta oo ay ku sii dhawaadaan nabad, barwaaqo iyo weliba xoriyad.

"Mar kasta oo aan diidno Khawaarijta iyo duleys igooda waa mar kasta oo aan u sii dhawaano na bad barwaaqo iyo xoriyad, innaga oo ka cabsan ayna oo keliya Allaah (SWT).” Ayuu yiri Alcadaala.

Shacabka oo ganacsatada ay ugu horreeyaan ayaa waxaa qaarkood la sheegay in ay diideen in ay maleeshiyada Al Shabaab siiyaan lacago ama canshuur, ay ku sii wadaan dagaalkooda iyo wel iba dilka dadka Soomaaliyeed.

Dagaalkan ay hadda Dowladda Federaalka ku la jirto mintidiinta Al Shabaab oo dhowr weji leh ay aa waxaa xudun u ah kacdoonka iyo baraaruga shacabka.

RW Xamsa oo ka qeyb galay Xafladda Xuska 99-aad ee Aas-Aaska Jamhuuriyadda Turkiga

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre oo Shalay ka qeyb galay xa flad ka dhacday safaaradda Turkiga ee mag aalada Muqdisho ayaa Xafladda xuska 99-aad ee Aas-Aaska Jamhuu riyadda Turkiga ee Sha lay lagu qabtay Ma gaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Gud doomiyeyaasha Golaha Shacab ka iyo Aqalka Sa re, Ra’isul wasaaraha iyo mas’u uliyiin badan xilli magaalada ay ka taagneyd saa meyntii ka dhala tay Qaraxyadii Alshabaab ka geysteen Wasaarad da Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee DFS.

Dhinaca kale Masuuliyiinta ka qeyb gashay Mu naasbadda 99aad ayaa ka hadleen qaraxyadii ma taanaha ahaa ee lagu qaaday Xarunta wasaarad da waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Do wladda Federaalka Soomaaliya oo weerarka ism iindaaminta lagu beegsaday Shalay iyagoo camb aareeyn kooxda weeraka geystay ee Alshabaab waxayna dadkii waxyeelada ka soo gaartay ugu Tacsiyadeeyeen intii dhimatay in alle jannada ka waraabiyo inta dhaawacantayna alle ugu baryey in uu caafiyo iyadoo shacabka soomaaliyeedna loo gu baaqay in ay u midoobaan la dagaallanka koo xda alshabaab

Laba wada dhashay oo ku geeriyooday qaraxy adii mataanaha ee ka dhacay Muqdisho

Alle ha u naxariistee Shaafici Maxamed Xuse en Xiirey iyo Cabdi Maxamed Xuseen Xiirey oo wa laalo ahaa ayaa ku geeriyooday qaraxyadii Shalay ka dhacay waddada Zoobe ee Magaalada Muq disho. Wararka ayaa sheegaya in lab aduba ay ku dhinteen qaraxii ko obaad ee lagu weeraray Xar unta Wasaaradda Waxbarashada, oo halkaasi ku taala. Inkastoo aysan weli dowladdu sheegin tirada dad ka ku dhintay qaraxyadaasi, haddana waxaa la fahamsan yahay in tirada dhimashadu ay aad u badan tahay.

Isbitaalada magaalada ayaad ku arkaysaa dad isaga daba laalaabanaya, iyagoo markaasi ka baadigoobaya xubno ka mida eheladooda, kuwaa oo nolol iyo geeri aanay midna ku haynin.

Qoysas badan oo degan Magaalada Muqdisho ayay Xalay u tahay habeen murugo badan, bacd amaa ay qaraxyadaasi ku waayeen xubno ka mi da kuwii ay jeclaayeen.

Mintidiinta Al Shabaab oo sheegtay masuuliy adda qaraxyadan ayaa qoraal ku sheegay "Waxa loogu yeero Wasaarada Tacliinta ayaa sidoo kale kaalin weyn ku leh askareynta ardayda Soomaali yeed, kuwaas oo kumanaan ka mid ah ay ku bi irinayaan ciidamada, halka qaar kalena ay qaab calooshood u shaqaystanima ah ugu askareyso wadamo ajanabi ah.”

Waa weerarkii 2aad oo Al Shabaab ka gay sato Caasimadda Muqdisho, tan iyo dib u doora shadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

19-kii bishii August weerar qarax ku bilowday ayay Shabaabku ku galeen Hotel Xayaat, oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4. Xigasho:Dhacdo.Com

Weriye Maxamed Ciise Koonaa iyo taliyihii sal dhigga Hodan oo ku geeriyooday qaraxyada la gu weeraray wasaaradda waxbarashada

Weriye Maxamed Ciise Koonaa oo katirsanaa weriyayaasha magaalada Muqdisho iyo taliyihii saldhigga degmada Hodan Xuseen Cadceed ayaa

la xaqiijiyay inay kamid yihiin dad ku geeriyooday qaraxyo Shalay la gu wee rar ay xarunta wasaa radda waxbarashada Soomaaliya.

Weriye Maxamed Siciid Koonaa ayaa saa cado ka hor geeridiisa tebinayay shirarka ka soc da magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan waxaa sidoo kale ku dhaawac may weriye Cab diqaadir Ok oo kat irsan idaa ca dda VOA Somali iyo dad kale oo aan xogtooda we li la shaacin.Khasaaraha dhimashada ayaa si kor dhaya, iyadoo ay jiraan dad badan oo isugu jira shacab, askar iyo masuuliyiin dowladdeed oo ku geeriyooday qaraxyadan, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli Shalay was aaradaha arrimaha diinta iyo awqaafta ee dow ladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ay soo saareen fadwo lagu taageeray dagaalka Al shabaab.

Wasaaradaha diinta iyo awqaafta ee dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada oo Fatwo kasoo saaray dagaalka Shabaab iyo Daacish

Shirka wasaaradaha diinta iyo awqaafta ee dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad gob oleedyada, kaasoo Muqdisho ka socday muddo shan cishe ah ayaa lagasoo saaray fadwo lagu ta ageerayo kacdoonka looga soo horjeedo kooxaha Alshabaab iyo Daacish. Qodobka ugu horreeya ee fadwadan ayaa ku baaqay in lala dagaalamo Alshabaab iyo Daacish, islamarkaana waxaa Shalay kadib magacooda loogu yeeridoonaa "Khawaarij”

Madaxweynaha Soomaaliya, raysal wasaaraha iyo qaar kamid ah madaxweyn ayaasha dowlad goboleedyada ayaa ka qeyb ga lay xiritaanka shirkaan, kaasoo laga jeediyay khud bado lagu taageerayay bayaanka wasaaraddaha awqaafta, laguna naqdinayay afkaaraha diinta Islaamka ka hor imaanaya ee ay Alshabaab iyo Daacish dali ishadaan.

Wasiirka diinta iyo awqaafta dowladda Soom aaliya, Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo xiganayay Fatwada ayaa sheegay in Shabaab iyo Daacish dagaalkooda bannaan yahay, ayna sahlan tahay in laga adkaado oo la suuliyo fikirkooda.

HALKAAN KA AKHRISO QODOBADA FATWADA.

1: In lala dagaalo Alshabaab iyo Daacish

2: Inay xaaraan tahay dhaqaale kasta oo la siiyo Khawaarijta, islamarkaana ay isku mid yihiin, qarax side iyo qarash bixiye.

3: In Shalay wixii ka dambeeya kooxaha Shabaab iyo Daacish loogu yeero Khawaarijta

4: In laga horyimaado wax kaste oo ka hor im aanaya shareecada islaamka iyo dhaqanka suu ban, sida isticmaalka daroogada iyo anshax xuma da baraha bulshada ee internetka.

5: In la taageero, loona sameeyo qorshe iyo siy aasad qaran oo lagu horumarinayo xarumaha dii nta islaamka lagu barto.

6: In la dhiso sanduuqa Sakada iyo hay’adda awqaafta qaranka Soomaaliyeed.

7: In la qabto shirweyne ay kasoo qeyb galaan culi mada ku sugan dalka iyo dibadda, si looga tasha do, gaar ahaan ka ilaalinta diinta islaamka afkaar aha qalloocan.

8: In muddo kooban lagu dhameystiro habraacy ada iyo xeerarka laga maarmaanka u ah dhisma ha golaha sare ee culimada Soomaaliyeed oo ay u dhan yihiin dowladda federalka iyo dowlad gobol eedyada, kaasoo noqonaya marjaca diiniga ah.

9: In arrimaha xajka ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan wasaaradda diinta iyo awqaafta dow ladda Soomaaliyeed iyo wasaaradaha diinta iyo awqaafta ee dowlad goboleedyada.

10: Shirweynuhu wuxuu bogaadinaya kacdoonka dadweynaha Soomaaliyeed ee ka dhanka ah koox aha Khawaarijta.

11: Ugu dambayn, shirweynuhu wuxuu ugu baaqa yaa dammaan shacabka Soomaaliyeed inay u mid oobaan la dagaalanka kooxaha kharaarijta diinta, bannaystana dhiiggooda iyo maalmooda.

Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb oo Gole degaan yeelan doonta

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug ay aa shaacinaysay jadwalka shaqo ee Dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Dhuusomareeb.

Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa markii ugu horreeysay yeelan doonta golaha dee gaanka magaalada.

Waxay noqon doontaa magaaladdii Saddex aad ee Galmudug ku taalla ee loo dhiso gole deeg aan oo soo doortay Gudoomiyaha iyo ku xige enkiisa.


Dalalka Carabta oo Soomaaliya ka dhaafay deymihii ay ku laahaayeen

Wasiirrada maaliyadda ee dowladdaha jaa macadda Carabta oo shir uga socdo dalka Alj eeriya ayaa sheegay in dalalka Carabta ay Soo maaliya ka dhaafeen dey maha lagu leeyahay.

Bayaan kasoo baxay ayay carabka ku adkeeye en in Soomaaliya ay ka jir to dhibaatooyin gaaray heerkii ugu xumaa, kuwa asi oo ay ugu horreyso dhibaatada abaaraha iyo cunno yarida iyo sidoo kale dagaalada ay ku jira an."Iyadoo la kaashanayo hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, dib u dhiska iyo ka cafinta deym aha shisheeye ee Soomaaliya ay ku leeyihiin dalal ka Carabta, iyadoo laga duulayo mas’uuliyadda wadajirka ah ee Carabta ee ah taageeridda xasi lloonida iyo horumarka Soomaaliya, iyo daba-galka go’aannada khuseeya ee ka soo baxay Go laha Jaamacadda heerka uu gaaray shir-mada xeedka arrintan, isagoo ku macneeyay in Soomaal iya ay ku socoto in laga cafiyo deymaha, sanadka 2023-ka ayuu ugu baaqay walaalaha Carbeed in ay ka qeyb qaataan taakuleynta Soomaaliya si loo gaaro in gabi ahaanba laga cafiyo deymaha la uruuriyay, si loo taageero dadaallada Soomaaliye ed ee lagu doonayo in lagu dhiso dawladnimada,” ayay yiraahdeen wasiiradda maaliyadda Carabta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa uga mahad celiyay dalalka carbeed ee Soomaaliya ka cafiyay deymaha, wux uuna sidoo kale ugu baaqay wadamada kale in ay Soomaaliya ka dhaafaan deymaha.

Waddamada Jaamacadda Carabta ayaa So omaaliya ka caawinaya sidii ay u gaari lahayd awo oddeeda mustaqbalka, iyagoo baabi’inaya culays ka daymaha lagu leeyahay.

Tiro ka mid ah dowladaha Carabta ayaa hore yba diyaar ugu ahaa inay cafiyaan deymaha ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Dalalka Carabta ayaa boqolkiiba shan iska leh guud ahaan deymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo gaaraya in ka badan afar bilan oo dollar.

Dowladda Soomaaliya oo dhisaysa Buundadii la qarxiyay ee Buuloburde

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo ku sugan Hiiraan, bartamaha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay qeybaha kala uwan bulshada deegaanka ee M/ Buul oburde.

Md. Wasiir Axmed Fiqi oo goobta ka hadlay ay aa u sheegay reer Buulaburde in ay wafdigiisa la socdaan ilaa 4 hey’ad oo kala USAID, NIS Fou ndation, ERI iyo IOM, Injineerro iyo saraakiil kale, waxaa uuna intaa raaciyey in la caawinayo dadka, sida ugu dhaqsaha badanna loo dhisi doono bu undada halbowlaha u iska xirka dalka.

Safarka ayaa waxaa uu ujeedkiisu yahay u ku urgelidda xaaladda dadka deegaanka, arrimam aha dib u xorreynta, qiimeynta iyo dhismaha buun dada ay shabaab qarxiyeen, barnaamijyada xas illinta iyo arrimo kale.

Wafdiga ayaa sidoo kale kulammo la yeeshay saraakiisha amniga ee ka socdo ATMIS, ciidanka xooga dalka, Booliiska iyo maamulka degmada.

Ciidamo hor leh oo loo diray Aagga Masaajid Cali-Gaduud iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya inuu socdo diyaar garow kale oo ku saa basan sidii ciidamada dowladda u qabsan lah aayeen degaanka muhiimka ah ee Masaajid Cali-Gaduud.

Degaankan oo Alshabaab u taqaan Towfiiq ayey xaaladiisu degan tahay kadib dagaallo culus iyo duqeyn ka dhacday labadii toddobaad ee ugu dan beeyay, waxaana weli ku sugan maleeshiyada Alshabaab oo dhufeyso waaweyn ka qotay.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in hal kaasi loo diray ciidamo cusub oo ka tirsan Kumaa ndooska Danab iyo Gorgor, waxaana Shalay la soo weriyey inay ciidamada dowladda ku sinqay aan Masaajidka, si ay dib ugu qabsadaan.

Ciidamada degaanka oo ku sugan Aagag 7 KM u jira Masaajidka oo dagaalkoodu hakaday ayaa hadda bilaabay inay dhaqaaqaan, iyadoo howsha ugu weyn ay tahay sidii meesha looga saari lahaa Miinooyin badan oo Alshabaab geliyeen dhamm aan wadooyinka gala xaruntaasi.

Masaajid Cali-Gaduud ayaa ka mida xaru maha waaweyn ee Alshabaab ka xukunto Gobol ka Sh/Dhexe oo ah goob isku xirta Gobollada Galgaduud iyo SH/Dhexe, waxayna difaac hore u tahay xarunta kale ee Aadan Yabaal oo ah goob ay ku sugan yihiin qaar ka mida madaxda sare ee Alshabaab.

Xaalad kala qeybsanaaneed oo soo wajahday hogaanka sare ee Alshabaab

Xaalad kala qeybsanaaneed ayaa soo wajahday ururka Al Shabaab, gaar ahaan hogaamiyaha Ururkaasi Axmed Diiriye Cali. (Abuu Cubeyda), iyo garabka uu hogaamiyo Mahad Karatee, madaxa amniyaatka oo ah hay'adda nabad sugidda iyo sir doonka ururka Alshabaaab

Warbixin lagu daabacay bo gga akhbaralaan ayaa lagu sheegay, in Mahad Karatee uu marba marka ka dambay sa xoojinayo hammigiisa ah inuu qabto kursiga hoggaaminta, waxaanay ar rintan si weyn u soo shaac baxday ka dib markii Al shabaab ay ku fashilmeen duullaankii bariga Itoo biya bishii July ee la soo dhaafay, halkaas oo Sha abaab looga dilay boqolaal dagaalyahanno ah.

Warbixintu waxay sheegaysaa in weerarkaas ka dib uu soo shaac baxay daciifnimada awoodda kooxda Alshabaab, taasoo ka dhigaysa inay u muuqato inay u baahan tahay isbedel dhinaca hoggaan ah.

Iyadoo xaalada caafimaad ee hogaamiyaha ko oxda Axmed Deri ay sii xumaaneyso, waxaa sare u kacday fursada uu Karatee u leeyahay inuu qab to hoggaanka Alshabab gaar ahaan wixii ka damb eeyay dilkii Cabdallaahi Nadiir ee horaantii bishii October lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.

Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa ragga ugu cad cad ee xilka kala wareegi lahaa Axmed Diiriye, Sababtoo ah waxa uu ahaa isku duwaha dhamm aan howlaha kooxda Alshabaab, isla markaana u qaabilsanaa dhanka dagaalka, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga, C/qaadir Maxamed Nuur.

Warbixin dhawaan la soo saaray ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay ururiyaan lacag ka badan inta ay qaado dowladda Soomaaliya.

Warbixin ay daabacday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in miisaaniyad sanadeedka kooxdan ay ku dhowdahay 100 milyan oo dollar, taasoo inta badan lagu bixiyo si qasab ah. Waxaana qiyaastii rubuc ka mid ah lacagtan loo qoondeeyay in lagu iibsado hub casri ah.Waxaa la og yahay in Mahad Karati uu u dhaqmo qaab lagu tilmaamay inuu ka madax bannaan yahay hoggaanka kooxda, waxaana sababtaas awgeed looga xayuubiyay xilal kala duwan oo uu horay u hayay, balse wuxuu awood u yeeshay inuu sii xooggeysto oo uu caddeeyo inuu saameyntiisa ku leeyahay Alshabaab dhexdeeda. waxa uu aad ugu dhow yahay jagada hoggaanka, maadaama uu hoggaamiyo garabka Alshabaab u qaabilsan sirdoonka iyo amniga, iyo sidoo kale maaliyadda.

Karatee, oo magaciisu yahay Abdiraxmaan Maxamed Warsame, ayaa ku jiray liiska argagixisada Mareykanka tan iyo 10-kii Abriil, 2015, iyo barnaamijka abaalmarinta caddaaladda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka oo abaalmarin lacageed oo dhan 5 milyan oo dollar ku bixinaysa ciddii keenta xog isaga ku saabsan.

Waxa uu door muhiim ah ka qaatay weeraro ismiidaamin ah iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay Soomaaliya, Kenya iyo dalal kale oo gobolka ah, waxaana sidoo kale magaciisa lagu daray liiska cunaqabateynta ee golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 26-kii February, 2021, isagoo lagu eedeeyay ka qayb qaadashada falalka khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.Xigasho:-Hiiraan.com

Ururinta maqasyada Madaxtooyada oo iftiimi yay munaasabadda ‘qarnigii Turkiga’

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa la wadaagay dadweynaha muuqaal ku saabsan "Ururinta maqasyada Madaxtooyada,” oo ay ku jiraan maqasyada xafladaha daah-furka mashaariicda cusub, oo ay ku xardhan tahay fariinta "Qarnigii Turkiga” maalintii Jimcha.

Erdogan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku yiri "Waxaanu siyaasadda u sama ynaa, si aanu shaqo ugu abuurno wadankeena, oo aanu ugu adeegno dadkeena,waxaan rajayn aynaa in aanu safarkeena u adeegista qaranke ena gaarsiin doono halka ugu saraysa ee qar niga”.

Ururinta maqasyada adduunka ugu weyn, oo loo adeegsaday xafladaha furitaanka ee in ka bad an 1,200 oo xarumood, ayaa lagu soo bandhigay muuqaalkii labaad ee taxanaha "Qarnigii Turkiye” ee uu bilaabay aggaasinka Isgaarsiinta.

"20-kii sano ee la soo dhaafay u waxaan isticmaal nay maqasyo badan, waddo kasta oo aan dhisn ay, warshad walba oo aanu furnay, isbitaal walba oo aanu dhisnay, hadda waxaan sii wadeynaa ina an kobcinno uruurinta maqasyada adduunka ugu weyn,” ayuu ku yiri muuqaalka.

Aggaasimaha isgaarsiinta, Fahrettin Altun, ayaa isna la wadaagay shacabka qoraal ku saabs an muuqaalka.

"Siyaasadda shaqada iyo adeegga ee Madax weyne Erdogan, way sii socon doontaa, gaar aha an tan ku beegan munaasabadda ‘qarnigii Turk iga’ markaas oo waddankeenu uu heli doono gu ulo cusub, iyo dhaqdhaqaaqyo horumarineed oo waaweyn, qarankeenu wuu guulaysan doonaa, wa ddankeenu wuu guulaysan doonaa.”


Booliiska dalka Kenya oo dacwad lagu soo oogay

Dacwad oogayaasha Kenya ayaa go’aan taar iikhi ah oo ay gaareen ku sheegay Jimcihii inay ku soo oogi doonaan saraakiisha booliiska dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, kuwaas oo la xi riira olole dhiig badan ku daatay oo lagu qaaday mudaaharaadyadii ka dhashay doorashadii 2017-kii.

Eedaha loo haysto booliska ayaa waxaa ka mid ah kufsi, dil iyo jir dil, waxaana ka mid ah kii ska gabar lix bilood jir ah oo dhimashadeeda ay calaamad u noqotay falkii na xariis darrada ahaa ee boolisku ay geysteen intii lagu guda jiray doorashadii uu dhiiga badan ku daatay.

"Tani waa kiiskii ugu horreeyay ee dambiyada ka dhanka ah bini’aadminimada ee lagu soo oogo sharciga gudaha ee Kenya, iyadoo la raacayo sharciga dambiyada caalamiga ah iyo sidoo kale dacwad dambiyeedkii ugu horreeya ee xadguduby ada galmada la xiriira,” ayuu yiri Nooraddin Haji, Agaasimaha Dacwad-oogista.

Sarkaal ka tirsan xafiiska dacwad oogaha ayaa sheegay in 12 ka mid ah saraakiisha sarsare ee booliiska ay wajahayaan dacwado.

Howlgalkii booliiska ee daba socday doora shadii madaxtooyada ee lagu murmay ee Ogosto 2017 ayaa lagu dilay tobannaan qof muddo afar bilood ah.

Ukraine Oo Dalab Culus Hordhigtay Iiraan Oo Taageero Siineysa Dowladda Ruushka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba ayaa sheegay in uu Tehran ka dalbaday in ay joojiso hubka ay siiso Ruush ka mar uu taleefoon kula hadlay dhiggiisa Iran Hossein Amirabd ollahian.

"Waxaan ka dalbaday Iran In ay si degdeg ah u joojiso qul qulka hubka ku socda Ruushka ee loo isticmaalo in lagu dilo dadka rayidka a,h laguna burburiyo ka abayaasha muhiimka ah ee Ukraine,” ayuu yiri.

Kyiv ayaa sheegtay in Ruushku uu adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed-136 ee Iran lagu sameeyay,iyadoo sidoo kale sara akiisha xulafada reer galbeedka ay ku eedeeyeen Iran inay siisay Ruushka waxa loogu yeero "kam ikaze” diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo dhawaan loo adeegsaday burburinta kaabaya asha Ukraine.

Iran ayaa si adag u beenisay inay wax hub ah oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u dirtay Ruushka.

Todobaadyadii la soo dhaafay Ruushka ayaa mo wjado gantaalo ah iyo duqeymo diyaaradeed ade egsaday, iyaga oo garaacay kaabayaasha tamarta ee Ukraine, waxa ayna ku qasbeen in korontada laga gooyo Kyiv iyo magaalooyinka kale.

Maraykanka: "Shiinuhu waa khatarta ugu sarr aysa ee danaha dalka Maraykanka”

Sida lagu sheegay Qorshaha Difaaca Qaranka ee Maraykanka oo dhowaan la sii daayey, dalka Shiinaha ayaa ah caqabadda ugu sarraysa ee danaha amn iga qaranka ee Maraykanka, halka Ruushka lagu tilmaamay in xaaladdiisu ay tahay mid "ba’an”, maadaama uu sii wado dagaalka "axmaqnimada” ah ee uu ka wa do dalka Ukraine.

"[Jamhuuriyadda dadka ee Shiinuhu] waa dal ka keliya ee tartan xooggan kula jira [Maray kan ka], marka la eego hindisaha ah, in dib loo qaab eeyo nidaamka caalamiga ah, iyo iyada oo ay sii kordhayso awoodda uu sidaas ku samayn karo,” ayuu yiri xoghayaha difaaca ee Maraykanku oo khamiistii weriyayaasha kula hadlay Pentagon-ka.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee Maraykanka oo warbaahinta la hadlay, hase aha atee magaciisa qariyey, ayaa sheegay in awooda Shiinuhu ay sii kordhayso, isaga oo horumariyey nidaam uu kula tartami karo Maraykanka, marka la joogo dalalka caalamka, gaar ahaan dhinaca Milateriga, dhaqaalaha, farsamada casriga ah iyo diblomaasiyadda.

Please enable JavaScript

#दरबार #मोहम्मद का #करीना हमे देदो #NaatSharif #Chand Takrir #femalevoice #islamicvideo

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa shee gay, in Maraykanku uu dib u casriyeeyey hannaan kiisa dagaalka, gaar ahaan dhinaca hawada sare iyo dhinaca internetka, si loogu muujiyo cid kasta oo cadow ah, "dhibaatada uga iman karta haddii ay ku gardarroodaan Maraykanka ama xulaf adiisa.”

Warbixinta Qorshaha Difaaca Qaranka ee Mar aykanka oo ah mid la baahiyey, ayaa ku soo aad aysa xilli Maraykanka iyo Shiinuhu ay ku kala ara gti duwan yihiin xaaladaha Taiwan. Shiinaha ayaa marar kala duwan ku hanjabay inuu xoog kula wareeji doono Taiwan haddii ay lagama maarma an noqoto, sidoo kale Ruushka ayaa isagu weerar toosa ku qaaday Ukraine bishii February, isagoo si joogto ah u duqeynaya magaalooyinka dalkaas oo uu xataa u isticmaalay diyaaro ay samaysay Iran.

Warbixinta istiraatijiyadda aan la kala saarin ayaa timid iyadoo Shiinaha iyo Ruushka labaduba ay sare u qaadeen gardarrada ka dhanka ah deri sko oda. Shiinuhu wuxuu si isdaba joog ah ugu han jabay inuu maamuli doono Taiwan, xoog had dii loo baahdo, Ruushka ayaa weeraray Ukraine bi shii Febraayo wuxuuna sii wadaa inuu weeraro magaalooyinka iyo magaalooyinka Yukreeniyaan gantaalada iyo xitaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kamikaze ee Iran.

Nuqul sir ah oo ka mida warbixinta ayaa loo gu dbiyey Congress-ka horraantii sannadkan.

Sarkaale sare oo ka tirsan wasaaradda difaa ca oo la hadlay weriyeyaasha ayaa sheegay in hubka Nukliyeerku uu sii ahaan doono "udub-dhex aadka” tallaabooyinka ay ciidamada milateriga ee Maraykanku ay u isticmaali doonaan cabsigelinta.

Sida ku cad warbixintan, Maraykanka ayaa haatan waajahaya tartan uga imanaya laba quwad ood oo ku hubaysan hubka nukliyeerka, oo kala ah Ruushka iyo Shiinaha.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa shee gay in gardarrada uu Ruushku ka wado dalka Ukr aine, inay abuurtay halis degdeg ah, wuxuuna she egay in Maraykanku uu kor u qaaday ciidamadii ka joogay qaaradda Yurub, kuwaas oo hore u ah aa 80,000 halka uu haatan gaarsiiyey 100,000.

Istaraatiijiyada cusubi waxay ku baaqaysaa in ho rumarin ballaaran lagu sameeyo laga bilaabo dhi naca teknoolojiyadda casriga ah illaa hubka kala duwan. Xoghayaha ayaa sheegay in miisaaniyad sannadeedka 2023 ay ku jirto lacag ka badan $130 bilyan oo dollar oo loogu talo galay in loo ist icmaalo cilmi-baaris iyo horumarin, tasoo noqonay sa lacagtii ugu badnayd ee abid uu Maraykanku u qorsheeyo dhinaca horumarinta iyo cilmi-baarista. VOA

Maurice Hasting, oo waxa 38 sano ku xirnaa xabsiga gobolka, iyadoo lagu soo oogay sanad kii 1983-kii dilkii, Roberta Wydermyer

Maurice Hasting, ayaa waxa uu in ka badan 38 sano ku xirnaa xabsiga gobolka, iyadoo lagu soo oogay sanadkii 1983-kii dilkii, Roberta Wydermyer, ee ka dhacay gobolka California, iyo laba isku day dil.

Laakiin caddayn cusub oo dhanka hidde sid aha ah ee (DNA), ayaa taa beddelkeeda wuxuu soo saarey in nin kale oo ku dhintay xabsiga 20 20-kii, uu ka danbeeyey dilka.

Hadda oo 69 sano jir uu yahay, Hasti ngs, ayaa laga sii daayay xabsiga, ka dib markii sanadkii 1988-dii la xuku may 20-kii bishii Oktoobar.

Xeer Ilaaliyaha Degmada LA, George Gascón, ayaa ku tilmaamay xukunkiisa mid "cadaalad daro aad u xun ah”.

"Nidaamka cadaaladdu ma ahan mid dhame ystiran, marka aan ogaano cadeymo cusub oo kee naya inaan kalsoonida kala laabano xukun, waxaa waajib nagu ah inaan si deg deg ah wax uga qab anno,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Roberta Wydermyer, ayaa laga helay qeybta danbe ee gaarigeeda oo ay hal xabbad dhanka sare kaga dhacday sanadkii 1983-kii. Markaa xili ka horeysay, ayaa loo gaystay faraxumayn.

Hastings, ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah, waxayna dacwad oogayaasha dalbadeen ciqaab dil ah.

Xeerbeegtida gaarta go’aamada lagu qaado dadka ka dib, xeerbeegti labaad ayaa xukuntay Hastings, waxaa lagu xukumay sanadkii 1988 xa bsi daa’in qeybta dhanka maamul goboleedka, iya da oo aan loo oggoleyn in lagu sii-daayo cafis.

Wakhtiga la baarayo meydka dhibbanaha, gaar ahaan dhanka shahwada, ayaa waxaa la helay suuf. Hastings, ayaa waxa uu illaa iyo markii la xir ay ku adkaystay in aanu wax dambi ah lahayn, ba lse codsi ku saabsan in baaritaan hidde side la sa meeyo sannadkii 2000, ayaa waxa diiday qareen ka degmada.

Ugu dambayntii, ayaa waxa uu awooday inuu u dacwoodo qeybta unugga dambi-la’aanta ee DA-da sanadkii 2021-kii, iyadoo baaritaanka DNA-da ama hidde sidaha bishii Juun lagu ogaaday in shahwadu aanay ahayn tiisa.

Xogta DNA-da ama hidde sidaha, ayaa waxay taa beddelkeeda ogaadeen inuu jiro nin lagu xuk umay inuu geystay afduub hubaysan, halkaasoo ruuxii dhibbanaha intuu dilay, uu dhex galiyey markaa kadib baabuur.

Dhageysi maxkamadeed oo dhacay 20-kii Oktoobar, si dib looggu eego xukunkiisa, Hastin gs, ayaa u sheegay saxafiyiinta inuusan aheyn mid xanaaqsan, oo uu doonayo inuu ku raaxaysto inta ka dhiman noloshiisa.

"Sanado badan ayaan ku duceystay in maa lintan ay mar un timaado,” ayay wakaaladda warar ka ee Associated Press kasoo xigatay Hastings.

"Faraha dad kuma fiiqayo, mana ihi qof halkan taa gan oo u careysan dad kale, laakiin waxaan rabaa inaan hadda ku raaxaysto noloshayda inta ka hartay.”

Kumanaan qof oo ah taageerayaasha rai’sal wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan oo isku soo baxay

Kumanaan qof oo ah taageerayaasha rai’sal wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa wa xay isku soo baxay.

Waxey ku biireen dibad bax uu hog gaaminayo oo muddo hal isbuuc ah ka socon doona, inta u dhaxeysa magaalada Lahore ilaa iyo M/Islam abad. Mudaaharaadyadkan ayaa lagu dalbanaya in doorashada waqtigeeda laga soo hormariyo.

Mar uu taageerayaashiisa kula hadlayay magaal ada Lahore, Khan, ayaa labo sarkaal oo millatari ah ku eedeeyay inay jirdileen nin ka tirsan xisbigiisa.

Ha yeeshee dowladda ayaa iska fogeysay ee deymahaas



NINKA UU USAMA BIN LADEN LA MACAAMILKIISA KU BIXIYAY

 MALAAYIINTA DOOLAR


Saifullah Paracha

Ganacsade u dhashay Pakistan oo lagu magacaabo Saifullah Paracha oo 19 sano ka hor lagu xiray garoonka di yaaradaha ee Bangkok, loona gud biyay xabsiga Guantanamo Bay ee Mareykanka, ayaa gaaray Pakistan ka dib markii la sii daayay.

Bayaan kooban oo ka soo baxay wasaaradda arri maha dibadda Pakistan, ayaa lagu sheegay in la dhameystiray hannaanka Seyfyllahu dib loogu soo celinyay dalkiisa.

"Waan ku faraxsanahay in muwaadin Pakastani ah oo dibadda ku xirnaa uu dalkiisa ku soo laabto qo yskiisana la midoobe,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha gudaha dalk aas.

Sidee ku suurta gashay sii deynta Saifullah Par acha?

Waxay waqti jiilaal ah 2003-kii markii ganacsad aha reer Karachi ee Saifullah Paracha uu ka duulay Karachi isagoo u dhoofay Bangkok si uu ula kulmo ganacsade u dhashay dalka Mareykanka, laakiin kulankaasi ma dhicin.

Saifullah Paracha waxaa xiray hay’adda sird oonka Mareykanka ee CIA-da waxayna ka qabteen garoonka diyaaradaha Bangkok bishii July sanadkii 2003-dii kadibna waxay u wareejiyeen saldhigga lagu magacaabo Bagram Air Base ee dalka Afghanistan, waxayna sheegeen in loo xiray eedaymo la xiriira inuu tagaeero ururka Al-qaacidda.

Markii la xiray Saifullah Paracha tan iyo bishii Sept ember 2004, ayaa lagu hayay saldhigga Bagram ee dalka Afghanistan, kadibana waxa aloo gudbiyay xabsiga Guantanamo Bay, wuxuuna noq day maxbuuska kaliya ee aan la sii daynin laguna soo oogin wax dacwad ah.

Saifullah kaliya ma ahan maxbuuska ugu da'da weyn balse sidoo kale wuxuu ahaa maxbuuska ugu da'da weyn xabsiga Guantanamo Bay oo sida ay sheegtay xaaskiisa lama mar ayuu ka xanuusaday wadnaha intii uu xabsiga ku jiray.

Sida laga soo xigtay qareenkiisa, waxaa la sheegay in Pracha uusan hadda 'halis mustaqbalka ah' ku ahayn Mareykanka.

Saifullah iyo wiilkiisa Uzair Pracha

Maxaa loo xiray Saifullah?

Xarigiisa degdega ahaa wuxuu dhabar jab ku noqday qoyska Saifullah, balse ma ahayn qofkii ugu horreeyay ee qoyskiisa ah oo loo xiro taageerada Al-Qaacida.

Muddo ka hor intaan la xirin Saifullah, wiilkiisa cu radka ah ee Uzair Paracha ayaa lagu xiray New Yor k bishii Maarso sanadkii 2003-dii, hadalladii uu bix iyay Uzair Paracha intii baaritaanku ku socday ayaa loo tiirinayaa in ay sababtay amba ay qayb ku lah eed xarigga Saifullah Paracha.

Markii Uzair la xiray, waxaa lagu eedeeyay in uu taageero u fidiyay xubnaha Al-Qaacida ee Majid Khan iyo Ammar Al Balochi, balse Uzair wuu diiday eedeymahaas, wuxuuna ku adkeystay inuu caawiyay Majid Khan. laakiin uusan ogeyn in Majid Khan ama Ammar Al Balochi ay xiriir la lahaayen Al-Qaacida.

Uzair Paracha waxa uu ahaa 23 sano jir markii lagu xiray New York sanadkii 2003dii oo ay xireen ciidama da Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada. Uzair, sida aabbihiis Saifullah, wuxuu ahaa muwaa din Mareykan ah, wuxuuna Mareykanka u joogay howlo ganacsi oo la xiriira guryo kuwada raaxada ee aabbihiis ku lahaa Karachi Pakistaniyiin fadhigoodu yahay Mareykanka.

Uzair qaab nololeedkiisa iyo labbiskiisuba waxa ay ahaayeen kuwo casri ah maadaama aanu dhawr jeer oo keliya u safrin Mareykanka balse waxa uu wax ku bartay dugsi gaar loo leeyahay oo ku yaalla Karachi. Uzair ayaa sheegay intii lagu guda jiray baaritaanka inuu ku caawiyay Majid Khan codsi uga yimid aabihiis Saifullah Paracha. Majid Khan waa Maraykan-pakistaani degan Maryland, wuxuuna ka shaqeyn jiray kaalin shidaal oo aabihii uu lahaa.

Majid Khan waxaa xiray ciidamada ammaanka Pa kistan bishii Maarso 5, 2003 isagoo ka yimid Karachi. Markii la xiray ka dib, waxaa lagu hayay xabsiyo qarsoodi ah saddex sano iyo bar, qoyskiisana wax xiriir ah lama yeelan.

Majid Khan ayaa lagu eedeeyay inuu qorsheynay ay inuu qarxiyo Kaalin Shidaal oo ku taalla Marey kanka isaga iyo Khaalid Sheekh Maxamed oo ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxyadii 9/11 lagu qaa day daarihii Mareykanka.

Khaalid Sheekh Maxamed

Sida ku cad hadaladii Uzair u sheegay booliiska, ayaa Majid Khan ka codsaday in laga caa wiyo hubinta dukumeentigiisa socdaalka iyo xiritaanka sanduuqa boostada ee ma gaciisa ku qoranyahay ee dalka Mareykanka.

Dawladda Maraykanku waxay ku andacoonay say in sanduuqaan uu yahay isla sanduuqii boostada ee Dr. Aafia Siddiqui ay ka furtay Maryland iyada oo adeegsanaysa magaca Majid Khan ujeedadaas awgeedna ay ugu safartay Maraykanka December 2002-dii.

Si kasataba ha ahaatee Dr. Aafia way beenisay eedaymahaas waxayna sheegtay in Mareykanka ay u aadday si ay shaqo u hesho.

Markii Uzair Pracha la xiray, furaha sanduuqa boost ada ayaa sidoo kale laga helay isaga. Intaa waxaa dheer, Majid Khan ayaa ka codsaday Uzair inuu isti cmaalo kaar bangigiisa oo uu lacag ku shubo koont adiisa bangiga.

Ujeedadiisu waxay ahayd inuu bixiyo aragtida ah in Majid Khan uu joogo Mareykan, laakiin Uzair ma uusan helin fursad uu ku sameeyo labadaba.

Uzair Paracha ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay wada xiriireen nin kale oo lagu eedeeyay inuu ka tirs an yahay Al-Qaacida, laakiin sida uu sheegay Uzair, wuxuu la kulmay kaliya Ammar al-Baluchi.

Ammar Al Balochi waxa uu adeer u ahaa Khaalid Sheekh Maxamuud, waxaana lagu eedeeyay inuu ah aa ninkii labaad ee Aafia Siddiqui. Hadal uu soo saa ray isla markii la xiray kadib, Uzair waxa uu sheegay in uu u maleeyay in Aabihiis Saifullah Paracha uu xiriir la leeyahay Al-Qaacida, balse Aabihiis waligiis muusan kala hadlin arrimahaan. Waxa loo qaatay in Uzair uu hadalkan ku sheegay cadaadis la saaray.

Uzair iyo Saifullah Praja labaduba waxay ku adkayst een inay caawiyeen Majid Khan iyo Ammar al-Bal uchi, laakiin aysan ogayn inay xiriir la leeyihiin Al-Qa acida. Marka laga soo tago arrintan, Majid Khan iyo Ammar Al Balochi waxa ay sidoo kale qirteen in aysan waligood ku wargelin Saifullah iyo Uzair xiriir ka ay la leeyihiin Al-Qaacida.

Sannadkii 2006-dii, maxkamad Maraykan ah ayaa 30 sano oo xarig ah ku xukuntay Uzair Paracha, ka dib markii lagu helay dambi ah inuu gacan siinayay xu bno ka tirsan Al-Qaacida, balse sannadkii 2018-kii, garsooraha isla maxkamaddaas ayaa laalay go'aankan iyadoo la eegayo caddeymo cusub isla markaana dib loo maxkamadeeyay taasi oo amar lagu bixiyay.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Mareykanka ay aa diiday inay sii wado dacwadda, iyadoo sheegtay in maadaama Uzair uu dhameystay 16 sano oo xarig ah oo lagu xukumay isagoo ogolaaday inuu ka tanaa sulo dhalashadiisa Mareykanka, dowladdu waxay u baahan tahay waqti iyo dhaqaale dheeraad ah kii ska.laakiin ma rabo inuu qarash ku bixiyo, ka dib Uz air Pracha ayaa la sii daayay 2020-kii waxaana dib loogu celiyay Pakistan.

Maxay tahay sababta Saifullah loogu eedeyay inuu taageero siiyo argagixisada?

Kahor inta aan la xirin, Saifullah Paracha wuxuu ka mid ahaa ganacsatadii horumarka badan samey ay ee magaalada Karachi. Waxa uu 1970-kii aaday dalka Mareykanka si uu cilmiga Computer-ka uga soo barto machadka Tignoolajiyada ee New York.

Waxbarashadaas ma uusan dhameysan balse 1974-tii waxa uu furay shirkadaha tigidhada diyaaradaha jarta oo loogu magacaabay‘ Global Travel Services’ isaga oo kaashanaya walaalkii.

Waxa uu la kulmay xaaskiisa Farhat oo ku noole ed Mareykanka, wuxuuna guursaday 1979-kii iyadoo u dhashay afar carruur ah.

Saifullah had iyo jeer waxa uu ahaa nin ku wanaa gsan salaadda, waxa uu sidoo kale si firfircoon uga qaybqaatay hawlo samafal ah. Wuxuu caruurtiisa wax ku baray dugsiyada ugu wanaagsan Karachi.

Wareysi ay BBC-da siisay 2009-kii, xaaska Saifullah ayay ku sheegtay in Saifullah uu labo jeer booqday Afgaanistaan ​​ka hor weeraradii 9/11, halkaasoo lagu eedeeyay inuu kula kulmay Usama bin Laden.

Sida ay sheegtay Farhat, ninkeeda waxa uu aa day Afgaanistaan ​​isaga iyo wafdi ganacsato ah si ay u caawiyaan Muslimiinta reer Afghanistaan.

Sida wararku sheegayaan, Saifullah Paracha ayaa u sheegay Cusama Bin Laden hoggaamiyihii Al-qaaci dda in waxa uu ka sameeynayay gudaha Afghanist aan, ay caqabad ku noqonayaan howlaha ay halkaa ka wadeen. Wuxuuna ku yiri "Mawqi fkaaga noo sheeg oo waraysi na sii."

Ujeedadaas awgeed, wuxuu sidoo ka le uga tagay kaarkiisa booqashada Usama.

Sida laga soo xigtay dowladda Mareykanka, Saifu llah ayaa laga helay kaarka booqashada, markii we erar lagu qaaday xaruunta Al-Qaacidda ee Afgaani staan, ka dib waxaa lagu eedeeyay inuu Osama u fid iyay dacaayadda Al-Qaacida ee ku saabsan ganac sigiisa ee gudaha Pakistan.

Hadal uu ka jeediyay Guantanamo Bay, Paracha waxa uu qirtay inuu Osama Bin Laden kula kulmay dalka Afghanistan December 1999-DII iyo bishii Jan uary 2000. Saifullah waxa uu sheegay in uu Usama Bin Laden u bandhigay waraysi keliya sababtoo ah waxa uu rabay in uu yareeyo kala aragti duwananata u dhexeeysa Islaamka iyo diimaha kale.

Saifullah waxa uu sheegay in sannadkii 2001-dii uu nin la oran jiray ‘Mir’ uu u yimid inuu kula kulmo xafiiskiisa magaalada Karachi oo uu doonayay inuu wax badan ka ogaado waraysigii uu la yeeshay Usama Bin Laadin.

Sida uu sheegay Saifullah, Mir waa qofkii is bar ay asxaabtiisa Mustafa iyo Majid Khan, markii uu Ma jid Khan ogaaday in Saifullah wiilkiisa Uzair uu gan acsi u aadayo Mareykan, wuxuu codsaday inuu ca awiyo.

Maarso 1, 2003, markii CIA-da iyo saraakiisha ammaanka Pakis tan ay Khalid Sheekh Maxamed ku xireen Rawalpindi, warkan wa xaa laga sii daayay warbahainta, Saifullah Paracha wuxuu xaqiiqs aday in ninka lagu magacaabo Miree horey uu ula kulmay uu ahaa dhab ahaantii ka tirsanaa Al-Qaa cidda.

Sida uu hadalka u dhigay Saifullah, waxa uu la xiriiray ka



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip