Macalinka Manchester United Jose Mourinho Oo Iibsanaya Qalcad Ku Taala Waqooyiga Wales Oo Qiimaheeda Uu Gaarayo 3.9 Milyan Ginni.

0
Sunday May 29, 2016 - 12:18:37 in Sports News by
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macalinka Manchester United Jose Mourinho Oo Iibsanaya Qalcad Ku Taala Waqooyiga Wales Oo Qiimaheeda Uu Gaarayo 3.9 Milyan Ginni.

    Tababaraha cusub ee Manchester United Jose Mourinho ayaa la sheegayaa inuu raadinayo guri cusub, waxaana uu indhaha ku hayaa guri qaas ah – qalcad qiimaheeda yahay 3.9 milyan ginni oo u dhiganta 5.7 milayn doolar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha cusub ee Manchester United Jose Mourinho ayaa la sheegayaa inuu raadinayo guri cusub, waxaana uu indhaha ku hayaa guri qaas ah – qalcad qiimaheeda yahay 3.9 milyan ginni oo u dhiganta 5.7 milayn doolar.

Macalinka reer Portugal oo 53 sanno jir ah ayaa la sheegay inuu labo jeer soo eegay qalcadaas.

Secluded Castell Gyrn waxa ay ku taalaa Waqooyiga Wales, waxaana ay saacad u jirtaa magaalada Manchester.

Waxa ay leedahay bahal xajmi leh oo dab afka ka bixiya mar kasta oo gaari uu soo galayo albaabka.

Castell-Gyrn-Strutt-Parker14

Mourinho ayaa la wareegay Manchester United maalintii jimcaha isagoo saxiixay heshiis seddex sanno ah oo uu xilli ciyaareedkii ku qaadanayo 10 milyan ginni, waxaana uu bedelay Louis van Gaal oo la ceyriyay ka dib markii uu kooxda u qaaday FA Cup.

Qalcadaan ayaa gabi ahaanba cagsi ku ah gurigiisa ku yaala magaalada London ee qiimihiisa uu yahay 16 milyan ginni oo u dhiganta 23.4 milyan doolar.

Qalcadaan afarta dabaqa ah waxa ay ku fadhisaa 43 hektar oo ku taala dhul banaan oo baadiye ah, inkastoo uu dhismaha u muuqdo mid labo qarni dhisnaa, hadana waxaa la dhisay kaliya 40 sannadood ka hor.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip